Wasiirka Maaliyadda XFS oo Nairobi uga qeybgalay Shirka Iskaashiga Wasiiradda Maaliyadda Gees Afrika

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka qeybgalay shirka 15-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika (Horn of Africa initiative). Shirkaan ayaa looga hadlay horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha dalalka ku midoobay kulankaan.

Wasiirka Maaliiyadda Soomaaliya ayaa hadal ka jeediyay isaga oo ka hadlay mudnaanta  ay Dowladda Federaalka u leedahay fulinta iyo hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee aan hore lagu heshiiyay.

Shirkaan muhiimka ah ee Wasiiradda Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa sidoo kale diirada lagu saaray sida uga wanagsan dalalkaan uga faa’iideysan lahaayeen fursadaha maalgalineed iyo kale muhiimka u ah iskaashiga Geeska Afrika.

“Waxa aan maanta magaalada Nairobi uga qeyb galay shirka 15-aad ee Wasiirada Maaliyadda Dalalka geeska Afrika (Horn of Africa initiative) shirkaas oo aan uga dooday horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha dalalka ku midoobay kulankaan.

Waxa aan ka jeediyay khudbad kooban oo aan diiradda ku saaray sida ay ahmiyad gaar ah innoogu leedahay fulinta iyo hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee aan hore ugu heshiinnay”. Ayuu yir Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Shirkaan muhiimka ah ayaa waxa sidoo kale ka qeybgalay wakiilo ka socdag Bangiga Adduunka, Midowga Yurub iyo Bangiga Horumarinta Afrika.

Ra’iisul Wasaare Xamse: “Gabdhaha Soomaaliyeed waa kuwa ugu kartida badan”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kaga qeyb galay Munaasabad lagu xusayey Maalinta Haweenka Adduunka ee 8da Maarso ayaa ku ammaanay Haweenka Soomaaliyeed kaalinta ay kaga jiraan horumarinta bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hambalyo u diray guud ahaan Haweenka Adduunka, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in hooyadu ay tahay laf dhabar iyo aas-aas muhiim u ah jiritaanka qoyska iyo qaranka.

Mudane Xamse ayaa xusay sida ay uga go’an tahay Xukuumaddiisa ilaalinta Xaquuqda Haweenka iyo doorkooda ku aadden ka qeyb galka siyaasadda iyo arrimaha bulshada.

“Xukuumadda Dan-Qaran waxaa ka go’an gabdhaha Soomaaliyeed in la ilaaliyo, gabdhaha Soomaaliyeed in wax la baro, gabdhaha Soomaaliyeed dhaqaalahooda in kor loo qaado oo xaquuqdooda gabarnimo iyo midda Ilaahay siiyey la difaaco, shaqada markii  la galay ee Wasiirro la noqday gabdhaha Soomaaliyeed waa kuwa ugu kartida badan, uguna musuqa yar”.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku bogaadiyay Haweenka Soomaaliyeed doorka ay ku leeyihiin amniga iyo dagaalka dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta ah, isaga oo uga mahadceliyey kaalintooda muhiimka ah.

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Golaha Dhaqaalaha iyo Bulshada Galbeedka Aasiya ee Qaramada Midoobay

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dawlada Federalka Mudane, Cabdisalaam Shariif Xuseen ayaa dalka Tunisiya uga qayb galay shirka golaha dhaqaalaha iyo bulshada ee galbeedka Aasiya ee Qaramada Midoobay (ESCWA).

Shirka farsamo cilmiyeedkaa ganacsiga iyo dhaqaale kobcinta ayaa ujeeddadiisu ahayd in laga caawiyo ganacsiyada gobolka sidii ay u heli lahaayeen suuqyo heer gobol iyo heer caalami ah, kobcinta ilo-dhaqaale iyo keenista xeeladaha loo baahan yahay in lagu taageero SMEs.

Wasiir Cabsisalaam Shariif ayaa kulanka ka bidhaamiyay iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhexeeya dunida Carabta iyo baahida loo qabo in la billaabo weji cusub oo loogu talagalayo kor u qaadista heerka maalgashiga ganacsiga iyo in lasii xoojiyo xiriirka dhaqan-dhaqaale ee gobolka ESCWA.

Wuxuu wasiiru dowlaha ka qeyb galyaasha kulanka la wadaagay in soo laabashada shirkadaha shisheeye ee Soomaliya ay ku timid isbeddalka wanaagsan ee xaaladda amniga , xasilloonida iyo mustaqbalka dalka oo dhan, taas oo ku timi ballanqaadyadii uu sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Dr; Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa kale oo Wasiirku carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la taageero oo la hawl-geliyo rugaha wadajirka ah ee gobolka, si loo horumariyo ganacsiga gaarka ah loona fududeeyo dhaqdhaqaaqa ganacsatada iyo hababka maaliyadeed ee qaab dhismeedka dib-u-soo-nooleynta ganacsiga, warshadaha iyo waaxaha maalgashiga.

Madashu waxay matali doontaa saldhig muhiim ah oo qaabkeedu aasaasku yahay iskaashi istiraatijiyadeed oo dhammaystiran oo faa’iido u  leh gobolka iyo fursadda ka faa’iidaysiga dheeraadka ah ee dhinacyada is-dhexgalka ganacsiga ee ka dhexeeya gobollada ay hay’addu matasho iyo Soomaaliya, gaar ahaan ka ganacsiga suuqyada  cusub  ee waddamada ka hooseeya Saxaraha Afrika.

Waxay hay’ada  UN ESCWA siisay fursad muhiim ah oo lagu baranayo awoodda shirkadaha teknolojiyadda xubnaheeda iyo barnaamijyada, kuwaas oo leh karti sare iyo karti wanaagsan oo ay ku hal-abuuraan kana qayb qaataan horumarinta ganacsigooda iyo warshadaha dalalka gobolka sida Soomaliya oo baahi-wayn u qabta helidda fursado laf-dhabar u noqda Warshadaha yaryar.

Share this Article

Golaha shacabka oo meel mariyay hindise sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee  BFS ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka maareynta deegaanka, waxaana oggolaatay sharcigaasi 143 -xildhibaan, wax diiday iyo wax ka aamusay midna ma jirin.

Sidoo kale, Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka dhowrista xogta, waxaana oggolaatay 143-xildhibaan oo ka dhigay dhamaan mudanayaashii maanta soo xaadiray kulanka.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa marsiinta akhrinta 3-aad iyo u codeynta hindise sharciyeedka la dagaallanka Argagixisada, akhrinta 3-aad iyo u codeynta hindise sharciyeedka maareynta deegaanka iyo akhrinta 3-aad iyo u codeynta hindise sharciyeedka dhowrista xogta iyo sidoo kale qeybinta warbixinta akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka hormarinta iyo maareynta kalluumeysiga Soomaaliyeed.

Golaha shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka la dagaallanka argagixisada

Xildhibaanada Golaha Shcabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay Hindise Sharciyeedka la dagaallanka Argagixsada, waxaana ogolaatay ansixinta sharcigaasi 133-xildhibaan, seddax Xildhibaan ayaa diiday sodoba xildhibaanna waa ay ka aamustay.

Agaasimaha Hey’adda NISA , Mahad Maxamed Salaad ayaa Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyay ansixinta Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada.

“Waxa aan u mahadcelinayaa Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo dadaal dheer kaddib maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada.

Sharcigan waxa uu laf-dhabar u yahay dagaalka aan kula jirno argagixisada, waxa uuna kusoo beegmay xilligii aan ugu baahida badnayn si aan u gudanno waajibaadka naga saaran ka hortagga Khawaarijta iyo ciribtirka faldambiyeedyada la xariira argagixisada.

Dhankooda, waxa aan ka codsanayaa Guddoonka iyo Xildhibaannada Aqalka Sare ee BFS in ay ansixiyaan Sharcigan oo shaqadiisu soo socotay muddo dheer, si aan uga gudubno caqabadda ay argagixisadu ku hayso dalkeenna” sida lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda NISA.

Shirka taliyeyaasha Boliiska dowlad goboleedyada oo ka furmay Kismaayo

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Maxamed Cali Xagaa iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin ayaa maanta si wadajir ah u furay shirkaTaliyayaasha Booliska dowlad goboleedyada dalka iyo Taliska guud ee booliska federaalka Soomaaliyeed.

Shirka oo soca doona muddo 3 maalmood ah  ayaa looga hadli doonaa in heerarka kala duwan ee booliska dowlad goboleedyada iyo kan federaalka ay ka wada shaqeeyaan horumarinta tababarrada ciidanka iyo sidii loo mideyn lahaa aqoonta booliska heerarkiisa kala duwan.

Warbixinta waxqabadka todobaadlaha ah ee dowladda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhowaan la bilaabi doono wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday magaalada Kismaayo ee Dowlad Goboleedka Jubaland, kulamo ku saabsan dardar-gelinta dagaalka Khawaarijta iyo dib u heshiisiinta la yeeshay mas’uuliyiinta Jubaland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shirka Caalamiga ee Dalalka Soo Koraya ee LDC oo ka dhacay magaalada Dooxa u sheegay in meel fiican marayaan hawlgalada milateri ee ka dhanka ah haraaga Khawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Dooxa kulamo wax ku ool ah kula yeeshay Amiirka Qatar, Madaxweynaha Djibouti iyo madax kala duwan oo ka soo qeybgaley Shirka Caalamiga ee Dalalka Soo Koraya ee LDC.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shirka Caalamiga ee LDC ee ka dhacay Dooxa u sheegay Soomaaliya ay leedahay kheyraad kala duwan oo ay ku barwaaqoobi karto,  balse colaado iyo xasilooni darro siyaasadeed ay muddo ragaadiyeen, haatanse Dowladda Soomaaliya ay si guul leh wadahadal iyo geeddi socod dowlad dhis loo dhan yahay ugu xalineyso labadaasi caqabadood.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cadbi Barre ayaa sheegay in tallaabo sharci ha laga qaadi doono askari kasta oo gabood-fal ku sameeya shacabka.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa shir la yeeshay Guddiga Qaran ee ka shaqeynaya daabicidda Shilinka Soomaaliga.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa dowladda Turkiga guddoonsiiyay deeq lacageed oo gaareysa 5m oo dollarka Mareykanka oo DFS iyo shacabka ugu deeqeen dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirkii dhowaan ka dhacay dalka Turkiga.

Soomaaliya iyo saaxiibada beesha caalamka Mareykanka, Britain, Turkiga. Imaaraadka Carabta iyo Qatar oo ku shiray magaalada Washington D.C, ayaa ku heshiiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya si buuxda loogu taageero dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada Khawaarijta Al Shabab.

Tallaabo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xal ugu raadineyso biyo yaraanta ayaa Ku Xigeenka Ra’iisul Wasaaraha Salah Ahmed Jama waxaa uu Muqdisho ka furay shir ay beesha caalamku ka soo qeybgashey oo looga hadlayey hanaanka horumarinta biyaha Soomaaliya.

Xafiiska Hantidhowraha Guud ee Qaranka ayaa ansixiyay qorshaha guud ee barista 2023-ka ee la xiriira sannad maaliyadeedka dhammaadey.

Soomaaliya oo ku biirtey Ururka Xeer Ilaaliyeyaasha Bariga Afrika.

Hawlgalo ka dhan ah Khawaarijta ayaa toddobaadkan ka dhacay qeybo badan oo dalka ka mid ah. Khawaarijta waxaa hawlgaladaasi looga dilay xubno badan oo ay ku jiraan horjoogeyaal , sida Aruriyow Mohamed Omar iyo kuwo kale. Waxaa sidoo kale isa soo dhiibay dhowr Khawaarij iyo horjoogeyaashooda oo uu ka mid yahay Xasan Warsame Cabdiraxmaan (Jabal).

Olalaha Haweenka Soomaaliyeed ee Garanwaaga Gurigaaga ka soo saar oo Muqdisho ka socda.

Wasaaradda kalluunmeysiga XFS oo digniin u dirtay maraakiibta sida sharci darrada ah uga kaluumeysta biyaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo maanta saxiixday hab maamuuska IGAD ee isku socodka xorta ah.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa Muqdisho kula kulmey wafdi ka socday Taliska Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ayaa raashiin gargaar ah gaarsiisay degaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe -Dowlad Goboleedka HirShabelle, gaar ahaan goobaha dhowaan laga xorreeyay Khawaarijta.

Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska oo si rasmi ah u bilowday barnaamij ka bixi doona warbaahinta dowladda oo lagu lafa guri doono waxqabadka hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya oo maanta xuseysa maalinta Caalamiga ee Haweenka ee 8 Maarso

Xasan Warsame” Horjoogayaashii ila midka ahaa meel qarisa ayey la’ yihiin”(warbxin)

Kooxda khawaarijta oo xiligaani wajaheyso bur bur iyo kala carar kadib markii geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay uga adkaadeen dagaalada ka socda guud ahaan dalka,waxa ayna taa sababtay in horjoogayaashoodii ugu Sar sareeysay iyo maleeshiyaadkooda isku soo dhiibaan ciidamda dowladda iyo dadka degaanka.

Horjoogayaal badan oo ka tirsan khawaarijta ayaa isku soo dhiibay ciidamada xoogga dalka kadib markii ay ogadeen waxa ay ku jiraan in ay yihiin baadil iyo diin la’aan ,islamarkaana ay ka faa’ideysteen fursadii madaxda qaranka ee ahayd in ay isku soo dhiibaa dowladda lana siin doonno nolol ka wanaagsan tan ay ku noolyihiin.

Horjooge Xasan Warsame Cabdiraxmaan (Jabal) iyo labo maleeshiyo ah oo la socday ayaa dhawaan  isku dhiibay Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ee ku sugan bariga Gobolka Galgaduud gaar ahaan degaanno hoos taga degmada Baxdo halkaa oo mudda dhibaata Ku hayeen dadka shacabka ah.

Waxaa uu kamid ahaa horjoogahaani kuwa muhiimka u ahaa Khawaarijta ka dagaalamaysa Galmudug waxaana ay qeyb ka yihiin tiro Maleyshiyaad ah oo maalmihii la soo dhaafay si isdaba joog ah uga soo baxayay safka Khawaarijta.

Horjooge Xasan  (Jabal) oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in si wanaagsan ula dhaqmeeyn ciidamada dowladda,waxa uu ugu baaqay maleeshiyaadka ka sii midka ah wali khawaarijta in ay isku soo dhiibaan dowladda oo ay ka soo baxaan fikirka qaldan ee looga been sheegay diinta Islaamka.

“Wax dhib ah oo aan la kulamay ma jirto waxa  aan la jogaa walaalaheyga soomaaliyeed,xubnaha kale wali jira dhanka khawaarijta waxa aan ugu baaqayaa in ay ka soo baxaan oo ay isku soo dhiibaan dowladda,waxa ay hayaan waa ka been sheegida diinta Islaamka” ayuu yiri horjooge Xasan Jabal

Dhalinyarada kale ee ay qaldeen khawaarijta ee isku soo dhiibay ciidamda dowlada ayaa dhankooda ka shekeeyay waxyaabihii ay la kulmeyn inta ay ku jireen wadadii baadida ahaayd iyo ficilladii garacnaa ee bulshadooda ay ku dhibateen jireen.

“Kuwa duurka ku jiraa wali waxaan leenahnay isku soo dhiiba ciidamada dowladda iyo dadka degaanka,wana ka mahad celineynaa si wanagsan ee naloola dhaqmay culimada degmad Baxdo” sidaa ayay dhaheen qaar kamid ah dhalinyaradii isa soo dhiibtay.

Sidoo kale sheek Muuse oo kamid ah Culimada degmada Baxdo ayaa dhankiisa  sheegay in fursadda kaliya ee khawaarijtu heysato ay tahay in ay isku soo dhiibaan ciidamda qaranka iyo kuwa degaanka.

“Al-shabaab naftooda ayay Halaagayaan,cadaab ayay shaqeysanayaan,adduunkana hoog iyo bur bur,nimanka ka soo baxayna waan u mahadcelineynaa Sid ay u garteen in waxa ay ku jireen ay diin la’aan ahayd” ayuu yiri Sheekh Muuse

Ciidmada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa guul is daba joog ah ka gaarayo dagaalada lagula jiro khawaarijta iyo degaanno dhowr ah laga saaray,taa oo ku qasabatay horjoogayaasha iyo Maleeshiyada khawaarijta in ay isku soo dhiibaan ciidmada dowladda iyo dadka degaanka si ay naftooda u bad-baadsadaan.

Madaxda Qaranka ayaa horay ugu baaqday dhalinyarada la qalday ee ku jira khawaarijta in ay ka soo baxaan dowladuna ay si wanaagsan ula dhaqmi doonto,waxan xiligaa wixii ka danbeeyay isa soo dhiibay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa khawaarijta.

Waxa muuqato in uu dhammaan rabo wayihii khawaarijta oo mudda 15-sanno ka badan dhibaata ku hayay ummadda Soomaaliyeed,kuwaa oo ka been sheegay diinteenna suuban ee Islmaaka,Ficillada gurracan ee mudda ku dhibteen jireen shacabka soomaaliyeed ayay soo dadajisay in ay kacaan bulshada ku nool gobolada dalka kuwaa oo qaatay hubka islamarkana go’aansaday in ay iska dhiciyaan khawaarijta arxanka daran ee u diiday in ay u nolaadan sida asagooda oo kale,taa oo surta galisay in laga saaro degaanno farabadan khawarijtu aysan mudda ku ladin in laga qabsan doonno balsa geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay ugu daateen fariisimahooda lagana saaray degaanno dhowr ah.

XIGASHO SONNA

Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo horumarinta nabadda By Kulane March 8, 2023 3 Min Read Share

Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub  ayaa shalay magaalada Muqdisho ku yeeshay wadahadalkoodii 3-aad ee dhanka siyaasadda, Waxaana ka sii horeeyay kulan midowga Yurub ay la qaateen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,Mudane Xamza Cabdi Barre.

, Labada shirba, dooduhu waxay ahaayeen kuwo wanaagsan oo wax dhisaya,isla markaana yaabanaya dhinacyo badan, iyadoo lagu saleeyay qodobbo mudnaan wadaag ah oo lagu heshiiyey.

Qodobadaasi mudnaanta leh waxay u adeegi doonnaan aasaaska qaab-dhismeedka ka qaybgalka ee dawladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub in ay hadda horumarinayaan si kor loogu qaado nabad iyo ammaan waara iyo sidoo kale gaaridda rajada barwaaqada.

Intii ay shirarku socdeen, Midowga Yurub wuxuu soo dhaweeyay hamiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee barnaamijka dib-u-habaynta ee looga gol leeyahay in looga faa’iidaysto taageerada la-hawlgalayaasheeda, si loo gaaro natiijooyin waara.

Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa xusay in Madaxweynaha uu si wanaagsan uga qayb-galayo dib-u-heshiisiinta caalamka, heer gobol iyo mid gudahaba, isagoo dhidibada u taagay shaqo dhab ah oo loo dhan yahay, taasoo lagama maarmaan u ah in wax laga qabto sababaha keenay dhibaatooyinka wejiyada badan ee saameeyay Soomaaliya.

Wada-hadallada ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray rajada laga qabo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, taasoo ku xiran awoodda dowladdu ay u leedahay in ay gaarto kobac dhaqaale oo dhab ah.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale xusay guulaha la taaban karo ee laga gaaray sanadkaan  dagaalka hadda lagula jiro kooxda argagixisada ah ee al-Shabaab iyo sidoo kale mudnaanta ay dowladdu siisay in laga adkaado argagixisada

Labada dhinacba waxay sidoo kale xaqiijiyeen go’aankooda ku aaddan xoojinta iskaashiga macnaha leh, kaas oo gacan ka geysan doona ka-qaybgal siyaasadeed oo sal-ballaaran, nidaam ammaan oo waxtar leh iyo horumarinta dhaqaalaha.

Waxay sidoo kale u noqon doontaa marjac wada-hadallo siyaasadeed oo dheeraad ah oo u dhexeeya Midowga Yurub iyo Soomaaliya iyo sidoo kale ku dhaqanka labada EU iyo tallaabooyinka taageerada dalalka xubnaha ka ah.

Wada-hadalka Siyaasadda ee Soomaaliya waxaa wada guddoominayay Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax, Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, iyo Midowga Yurub Ms Rita Laranjinha, oo ah Agaasimaha Maamulka Afrika ee Adeegga Waxqabadka Dibadda ee Midowga Yurub.

Share this Article

Maalinta Haweenka Adduunka oo laga xusayo Caalamka By Aadan Sooyaal March 8, 2023 2 Min Read

Faallo: Maanta oo kale caalamka guud ahaan waxa laga xusaa maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da bisha Marso.waxaana gudha dalka iyo dibada lagu qabtaa munaasabada waweyn oo loogu dabaal dagayo maalintaan.

Sanadkii 1975 ayay golaha loo dhanyahy ee qaramada midoobay u aqoon sadeen in  sanad walba bisha seddexaad sedeedeeda loo dabbaal dago maalinta haweenka Adduunka oo ah maalin ku weyn haweenka Adduunka gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed.

Maalinta haweenka Adduunka ayaa lagu soo bandhigaa caqabadaha iyo guulaha ay gareen haweenka gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda, daryeelka caafimaadka, hal abuurka, waxbarashada, hoggaaminta iyo arrimaha bulshada.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa door muhiim ah ka qaatay mareynta nolol maalmeedka qoyska, waxbarashada  iyo in ay qey ka qataan siyaasadda iyo dowlad dhiska ummadda soomaaliyeed.

Haweenka oo ah udub dhexaadka bulshada ayaa sanadahii danbe sameynayay horumarro dhinacyo badan leh oo la xiriira sida dhanka ka qey noqoshada dowlda waxbarashada iyo caafimaadka.waxana u sii dheer bar-baarinta ubadka soomaaliyeed oo la dhihi karo waa warshad wax soo saar .

Muqdisho iyo gobollada dalka waxaa lagu qabtaa munaasabada lagu xusayo maalintaan, iyadoo hoggaamiyaasha haweenka Soomaaliyeed todobaadkaan ay muqdisho ka wadeen dabaal dag xuska sideedda Marso oo sanadkaan halku dhig looga dhigay Garanwaa guriyihiina ka soo saara, haweenka ayaana qeyb weyn kuleh ololaha bulshada looga wacyigalinayo in ay iska soo qabtaan Garawaaga ku dhax dhuumanayo.