Madaxweynaha jubbaland oo magacaabay guddiga gurmadka fatahaada ku dhufatay degmada Baardheere

:-Kadib Fatahaada ka dhacay Degmada Baardheere taa oo galaafatay naf iyo maal, isla markana u baahan gurmad deg deg ah oo lala gaaro dadka musiibadan ay saamaysay ayaa Madaxweynaha Dowlada goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu Halkan ku magacaabayaa Xubnaha Guddiga Gurmadka Fatahaada Degmada Baardheere oo ka kooban;

  1. Axmed Xasan Cumar -Wasiirka Wasaaradda Gargaarka & Maaraynta Musiibooyinka.
  2. Maxamed Axmed Cusmaan – Wasiir Dowlaha Madaxtooyada.
  3. Cabdiraxmaan Cabdi Axmed – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta & Iskaashiga Caalamiga.
  4. Axmed Maxamed Axmed – Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Caafimandka.
  5. Axmed H. Baraki – Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Biyaha.

Guddigaan uu Magacaabay Madaxweynaha jubbaland ayaa laga filayaa in ay ka shaqeyaan sidii gurmad deg deg ah loola gaari laha dadka ay sameeynta  ku yesheen fatahaada wabiga Jubba uu ka geystay degmada Baardheere degaanno hoos yimaado

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Daah-furay Adeegga Isku Xirka Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa Daah-furay hirgelinta Adeegga Isku-xirka Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka oo suurtagelinaysa in ay is wici karaan shabakadaha teleefannada kala duwan ee ka jira gudaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta dalka in laga faa’iidaayo tartan ganacsi oo xalaala, tallaabadanina ay tahay xuquuq muwaadin iyo fursad cusub oo u abuurmeysa suuqa isgaarsiinta dalka.

Mudane Xamse oo dul istaagay muhiimadda ay leedahay in ganacsatada Soomaaliyeed ay bixiyaan canshuurta, ayaa tilmaamay in dal uusan horumar sameyn karin haddii aan muwaadiniintiisu si sax ah u bixin canshuuraha lagu horumarinaayo dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in sugidda amniga dalka ay laf-dhabar u tahay isgaarsiintu, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in shirkadaha isgaarsiintu ay qaataan doorkooda muhiimka ah ee lagu xaqiijinaayo amniga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa uga mahadceliyey Shirkadaha iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka dadaalkii ay ku bixiyeen hirgelinta Adeeggan.

Ra’iisul wasaare Xamse oo kulan la yeeshay Hay’addaha Amniga iyo gobolka Banaadir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kulan kula qaatay Xafiiska Amniga Qaranka, hey’adaha amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir, kaasi oo looga hadlay sugidda amniga caasimadda Muqdisho.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen madaxda Booliiska, Nabadsugidda, Gobolka Banaaid iyo Xafiiska Amniga Qaranka ayaa waxa ay ku soo bandhigeen Istiraatiijiyadda hannaanka sugidda amniga caasimadda Muqdisho gaar ahaan xilligan lagu jiro bisha barakaysan oo kooxaha Khawaarijtu ay caadeysteen inay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya iyo sidii guud ahaan ammaanka loo adkeyn lahaa.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa faray masuuliyiinta in hey’adaha amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir looga baahan yahay inay la yimaadaan feejignaan dheeri ah – si Khawaarijtu aanay fursad ugu helin dhibaateynta shacabka bishan cibaadada Alle ku jira.

   

Khawaarijta oo jab xooggan lagu gaarsiiyay howlgal ka dhacay degmada Ruun-nirgood

Kooxda Khawaarijta ayaa Jab xooggan lagu gaarsiiyay dagaal ka dhacay degmada  Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Wariyaha warbaahinta qaranka, Cusmaan Aadan  oo ku sugan gobolka Shabeellada Dhexe ayaa soo sheegaya in howlgalka khasaare xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta.

Khawaarijta Al-shabaab ay isku dayeen in ay soo weeraraan degmada, waxaa ka hortagay Ciidamada Qaranka oo garabsanaya dadka deegaanka.

Sidoo kale, waxaa jira howlgal ay wali wadaan Ciidanka kaasi oo lagu baacsanayo haraadiga kooxaha Khawaarijta oo baxsaday.

Degmada Ruun-nirgood ayaa 15 sano ka dib Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanka waxaa ay ka xoreeyeen kooxda Khawaarijta Al-shabaab.

Dalal kamid ah Yurub oo qorsheynaya inay iska difaacaan khatarta Ruusha ee xagga hawada

Taliyeyaasha ciidamada cirka ee Sweden, Norway, Finland iyo Denmark ayaa sheegay inay saxiixeen warqad ay ku doonayaan inay ku abuuraan difaac midaysan oo waqooyiga Yurub ah, kaas oo looga hortagayo khatarta sii kordheysa ee Ruushka.

Talaabada lagu midaynayo ciidamada cirka ayaa ka dhalatay duulaankii Ruushka uu bishii February  ee sanadkii hore ku qaaday Ukraine, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay taliyaha ciidamada cirka ee Denmark, Major General Jan Dam.

Ujeedadu waa in la awoodo in si wada jir ah loo shaqeeyo, iyadoo lagu saleynayo ama lagu hoos shaqeynayo hababkii  horey loogu  yiqiin NATO, sida lagu sheegay bayaan Jimcihii ay soo saareen ciidamada qalabka sida ee afarta dal.

Khawaariijta oo dhexdooda iska dilay 43 xubnood

Kooxaha khawariijta ee Al-shabaab iyo daacish ayaa bilaaabay in ay isku qaadaan weeraro joogta sida ay xog ku ogaatay warbaahinta qaranka oo isha ku haysa jabka kooxaha khawaariijta ee joogtada ah,dagaaladan ayaa ka dhacay Buuraha Golis ee waqooyi Bari Soomaliya toddobaadkii la soo dhaafay.

Sida ay ogaatay warbaahinta qaranka dagaaladan ayaa waxa bar bar socday weeraro is qarxin ah,maalinimadi isniintii toddobaadkii hore waxa uu weerer ku bilowday is qarxin ka dhacay Buurta Carmiska halkaas oo ay isku abaabulayeen koox ka tirsan Khawaariijta Al-shabaab balse ay weerer kusoo qaaday kooxda Daacish.

Weerarkan ayaa waxa ku geeriyooday 3 horjooge oo ka tirsanaa kooxda khawaariijta Al-shabaab waxa sidoo kale ku geeriyooday 40 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab weerarkan ku bilowday qaraxyada ayna fulisay kooxda Khawaariijta ah ee daacish.
Kooxaha khawaariijta oo la kulmay jab iyo culays xooggan ayaa dhexdooda bilaabay in ay isku caro bururaan isna beegsadaan tan oo ka dhigan in ay faashilkooda qolo ba rabto in ay qolo kale kaga aarsato dushana u saarto.

Kooxdakhawaariijta ee daacisha ayaa hore uga tirsanaan jirtay kooxda khawaariijta Al-shabaab,tan iyo intii dowladda Soomaliya kooxa khawaariijta ku qaaday hawlgalo ciribtir ah waxa sii xoogaysanaya burburka dhan walba leh ee gaaraya kooxaha khawaariijta ka dib markii ay luntay kalsooni beenaadkii ay hore ugu wada shaqaysan jireeen.

Kooxaha khawaariijta ayaa dhexdooda waxa ka jira kala shaki xooggan iyadoo la arkayo horjoogayaal ka aargoosanaya horjoogayaal kale ooh ore u dhibaateeyey wakhtiyadii khawaariijta tamarta lahayd.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo kulan la qaatay guddoomiyeyaasha maxkamadaha degmooyinka gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JFS Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha degmooyinka Gobalka Banaadir oo uu kala hadlay dhaqan-gelinta Xeer-nidaamiyaha lagu jaan-goynaayo Ajuurooyinka Maxkamadaha oo ay dhowaan soo saartay Wasaaradda Maaliyadda XFS.

Xeer Nidaamiyahan, ayaa xoojinaaya daah-furnaanta, isla-xisaabtanka, fududeynta adeegga caddaaladeed iyo kordhinta dakhliga gudaha.

Guddoomiye Baashe, wuxu ku boorriyey in ay si buuxda u dhaqangeliyaan Xeer-nidaamiyaha, isagoo sidoo kalena sheegay in uu jiri doono dabogal iyo korjoogtayn lagu xaqiijinayo fulinta Xeer-nidaamiyaha.

Wasaaradda ganacsiga oo soo bandhigtay hindise sharciyeedka tartanka xorta ah

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa maanta guddoomiyey shirkii toddobaadlaha ahaa Wasaaradda, waxaana uu warbixino la xiriira hawlaha waxqabad ee Wasaaradda uu ka dhageystay Agaasime Waaxeedyada iyada oo si gaar ah halkaas looggu bandhiggay Hindise Sharciyeedka Tartanka Xorta ah (Fair Competition Act)

Sharcigan, ayaa ahmiyad weyn u leh in shirkadaha ganacsigu ay si xor ah ugu tartamaan suuqa, waxaana uu kala xadaynayaa xad-gudubka shirkadaha ama shaqsiyaadka gancsiga, taas oo ugu dambeyn kor u qaadeysa hal-abuurka islamarkaana dhowraya macaamilka.

Hindise Sharciyeedkan, ayaa ujeedkiisu yahay in uu dhiirigeliyo jawi tartan oo ku dhisan ganacsi xor iyo xalaal ah, kana hor tagayo falalka guracan ee suuqyada/ganacsiga si loo kordhiyo waxtarka wax-soosaarka, qeybinta iyo daabulaada badeecadaha iyo adeegyada, dhiirigelinta hala-buurka iyo weli ba Abuurista jawi ku haboon malgeshiga dalka.

Dowladda Soomaliya oo xaqiijisay in hawlgalada dalka ka socda lagu dilay in ka badan 3000 oo khawaariij ah

Dowladda Soomaliya oo xaqiijisay in hawlgalada dalka ka socda lagu dilay in ka badan 3000 oo khawaariij ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqijiisay in hawlgalada dib u xoraynta ee dalka ka socda lagu dilay in ka badan 3000 oo xubnood kana tirsanaa kooxaha khawaariijta,sidoo kalena hawlgaladan looga dhaawacay khawaariijta 3700 oo xubnood.

Sida ay xaqiijisay wasaaradda difaaca XFS waxa khawaariijta laga xoreeyey 70 magaalo,hawlgaladan ayaa waxa fuliyey Ciidanka xoogga oo kaashanaya kuwa dib u xoraynta deegaanadda.

Dagaalka ka dhanka ah kooxa khawaariijta oo uu iclaamiyey madaxweynaha JFS mudane Xasan sheekh Maxamuud ayaa gelaya wejigii labaad oo lagu soo af jarayo jiritaanka kooxaha khawaariijta arxanka daran oo dhibaato ba’an ku hayey shacabka soomaaliyeed.

Kooxaha khawaariijta ayaa jab xoogga kala kulmay furimaha dagaalka kuwaas oo laga bixiyey godadkii iyo meelihii ay ku dhuuman jirwsn kana soo abaabuli jireen dhagaraha ay ku dhibaataynayaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale wasaaradda Amniga guddaha ayaa wada qorshe hawlgalo Amni oo laga wado caasimadda Muqdisho kaas oo lagu sugayo Amniga caasimadda loogana sifaynayo guud ahaan ba kooxa garanwaaga ee ku dhuumalaysanaya goobo ka mid ah degmooyinka caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo digniin u diray dadka sameeya dukmantiyadda been abuurka ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ka warbixiyay safar shaqo oo maalmihii la soo dhaafay uu ku joogay Boqortooyada Saudi Arabia, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Amiirka Magaalada Riyaad.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa sidoo kale warbaahinta ka sheegay in sharciga lala tiigsan doono shaqsiyaadka ka macaasha sameenta Documentiyada been abuurka ah ee Dowladda Hoose Xamar.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay Ummada Soomaaliyeed in ay ka faaii’deystaan gudashada bisha barakeysan ee Ramadaan, islamarkaana ay ka fagoodaan wax kaste oo burin kara Soon-kooda.