Farriin digniin ah oo ku socota Deeganada uu maro Wabiga Shabeelle (WARBIXIN)

Inta aan u guda galin dulucda Warbixinta aan yara jaleecnno taariikhda Degmada Baardheere, Magaalada Baardheere waa magaalo aad u fac weyn waxay oo ku taal koonfurta gobolka Jubbada sare ama loo yaqaan Gedo. Magaalada Baardheere waxay ka mid tahay magaalooyinkii Soomaaliya ugu horreeyey uguna facaweyn oo laga aasaasay meel ka fog xeebta koonfureed ee dalka Soomaaliya. Baardheere waxay u jirtaa xeebta Baraawe masaafo qiyaastii dhan 250 km. Juqraafi ahaan, Baardheere waxa u dhow Dhulbara oo u qeybiyo dunida waqooyi iyo koonfur). Cimiladeeda Baardheere waa mid diiramad ah, taas oo u sahlineysa in sanadka oo idil beeraha laga faa’ideysankaro marka la istimaalayo waraabka beeraha.

Waxa magaalada Baardheere laga dhisi rabay biyo xireen loo yaqaan Markabley, oo gabo-gabo ku sugnaa ka hor inta aysan burburin dowladdii dhaxe mashruucii biyo xireenka markabley ka soo ahaa mid dowladdii dhexe ay rabtay in karoonto laga dhaliyo kadibna looga qeybiyo dhammaan gobolada dalka iyo wadamada dariska sida Kenya iyo Ethiopia.

Baardheere waxay ku jirtey magaalooyinkii istaraajiiga ahaa ee uu gumeystaha Ingriiska iyo talayaaniga saldhigyada ka dhigtey. Qarnigii 19aad ilaa bartimihii qarnigii 20aad ee tagey ayuu gumeystaha marba si u degenaa magaalada Baardheere. Waxaa taariikhda ku cad in taariikhda Miilaadiyada 1890 ilaa 1960kii ay waddamo badan oo Afrikaan ah ay gumeysi gacantii ku jireen iyadoo qoraalo badan oo xusayo dhacdooyin taariikh leh ay ka dhaceen Bardhere.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa dhawaan gaaray Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo oo maalmo ka hor uu ku fatahay wabiga Jubba, kadib Roob xooggan oo halkaas ka da’ay , taas oo ay ku geeriyoodeen ilaa 7-ruux halka Maalmo ka horreeyey daadad ka dhashay roob mahiigaan ah oo halkaas ka da’ay ay ku dhinteen 13 qof,  taas oo dhimashada ka dhigaysa 20 qof,  halka dadka dhawacyada ay halkaas ka soo gareen daadadka iyo fatahadaas ay marayaan ilaa laba qof oo rayid ah.

Guddoomiye Maxamuud Macalin waxaa socdaalkan ku wehliyey Wasiir ku xigeenka Waxbarashada XFS, Ahmed Cismaan,Sanatar Abdullaahi Sheikh Ismaacil fartaag,waxaana hay’adda maareynta degmadaas geysay laba diyaarad oo wadda shixnad Gargaar ah oo iskugu jira raashin, dhar iyo daawo.

Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay musiibooyinkii is xig-xigay ee ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waxayna sheegeen in laba diyaaradood oo sida gargaar isugu jira dawo iyo cuno ah oo ay iska kaashadeen Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ay gaarsiinayaan Magaalada Baardheere, si loo gacan siiyo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen, waxayna baaq u direen Heyadaha Caalamiga ee ka shaqeeya arrimaha Bini’aadannimada.

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aaden oo gabagabadii ka hadlay dhibaatada ka dhacday Magaalada Baardheere ka hadlay ayaa baaq u diray guud ahaan Dadka Soomaaliyeed, isagoona sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto Togga Baraxleey ee ku soo rogmaday Daadku Degmada Baardheere, kaasi ay Dad badan waxyeello ka soo gaartay, wuxuuna xusay in xoogaa kaalmo ah la gaarsiiyay, in kale la filaayo in ay dhawaan la gaarsiiyo.

Sidoo kale, maamulka Jubbaland ayaa baaq ka soo saaray xaaladda bani’aadannimo ee ka jira Baardheere, waxaa ilaa iyo hadda la gaarsiiyay Magaaladaasi Raashin iyo Daawo balse waxay masuliyiinta sheegeen in laga filaayo dhawaan inay halkasi gaaraan waxyaabo intaasi ka badan, waxaana ku soo biiraya Heyadda Qaramada Midoobay u qaabilsan kaalmada Biniaadannimada iyo tan Caafimaadka Adduunka (WHO),  ugu dambeyntii waxay sheegeen inay u mahadcelinayaan cid kasta oo gacan ka geysata howsha gurmadka Dadka Baardheere oo ay mussiibo Rabbaani ah ay ku dhufatay

Ganacsade lagu magacaabo Aaden Faarax oo ka mid ah Ganacsatada Deegaanka ayaa sheegay in bakhaaradii Raashin iyo waxyaabaha la cabo ay noqdeen kuwo Daadku qaado iyo kuwa qoyay, “marka waxaa Degmada soo foodsaaraya xaalad cunno xumo iyo Hoy la’aan, waxaa kaloo jira in Gawaari badan ay iyaguna ku xayiran yihiin Buundada go’day korkeeda iyo Daafaha Degmada”, wuxuuna codasaday in si dhaqsi leh dib u dhis loogu sameeyo Buundada Baardheere iyo Biyo xireenadii kaleba, si uu u bolowdao habsami u socodka Dadka iyo Gaadiidka, loona kala goosho Gobolada kale ee Dalka.

Maamulka Degmada Baardheere ayaa waxay bogaadinayaan  Hey’adda Maareeynta Masiibooyinka Qaranka oo gurmad  u codsatay iyo in Gargaar deg deg ah lala soo gaaro dadaka ku waxyeeloobay Roobabkii iyo Daadadkii ka dhashay, kuwaasi oo saameeyay Dadka Degmada, “ waxaan kaloo aan codsaneynaa in dib-u-dhis lagu sameeyo buundada Baardheere ee Gobalka Gedo”.

“Buundoonyinka  Dalka ayaa la daalaa dhacayo bur bur iyo Dhibaato dayactir la’aan oo in muddo ahba bulshada Soomaaliyeed ku dhiban yihiin.Waxaanna ugu baaqaynaa mas’uuliyiin Dalka in arrinkaa xoogga saaraan si bulshada wax loogu celiyo, dalkuna bilicdiisa ku soo noolaato”.ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale waxaa jira in Guud ahaan Gobolada dalka Soomaaliya intooda badan ay ka curteen Roobabkii Xilligii Gu’ga, kaasi oo badi uu ka da’ay iyo waliba Wadamada Deriska ah gaar haan Dalka Itoobiya oo uu ka yimaadaan Wabiyada Jubba iyo Shabeelle ayaa waxaa dhici kara in ay sameeyaan Fatahaad geysan karta khasaare isugu jirta dhinacyada Dalagyada Beeraha iyo tan dadka, sidaasi awgeed ayaa waxa soo yeeraya in Farriimo badan oo ku aadan dadka dega ama uu maro Webiyadaasi gaar haan kan Webiga Shabeelle.

Farriintaani waxay ka timid Nin Odey ah oo ku dhaqan Deegaanka Iimeey Galbeed ee Dowlad Deegaanka Soomalida, kaasi oo soo diray muuqaal Webiga Shabeelle oo aad u biyo keenay, islamarkaana wata Daadad ku fiday dhul ballaaran oo ku qiyaasay ballaar haa ilaa 5 km, “Sheeko iyo Shahid laguma arag Webi shabelle oo biyo intaa la eg wada, marka waxaan leeyahay halaga fogaado” “FARRIINTAAN YAAN LA FUDUDEYSANNA”, waa uu sii raaciyay.

Haddaaba maxaa la gudboon Dadka Dega Deegaanada la sheegay? Waxaa la gudboon in Dhulka Webiga Shabeelle uu maro, Dadka deggan waa iney ka digtoonaadaan Biyahaasi uu wado Webiga, kaasi oo keeni kara Biyo-bixid baahasan, loona diyaargaroobo sidii loo xakameyn lahaa.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Dhiirri-geliyey Maalgashiga Warshadaha iyo Wax-soosaarka dalka

-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay Warshadda Sameynta Burka oo ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee ganacsato Soomaaliyeed ay ka hirgeliyaan dalka burburkii kaddib.

Ra’iisul Wasaaraha oo dhiirri-gelinaya maalgashiga Warshadaha iyo Wax-soosaarka beeraha ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed ee hirgelinaya warshaddan, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay u leedahay kobcinta maalgashiga gudaha, si dalkeennu uu uga baxo cunto yarida iyo gaajada.

Xukuumadda DanQaran ayaa qorsheynaysa sannadaha dhow in la sameeyo aag u gaar ah Warshadaha, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee deggan xarumaha dowladda in la banneeyo, si loogu adeeggo dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xusay in cunto yaridu ay tahay dhibaato weyn oo caalamka heysata, sidaas awgeedna ay Xukuumaddu dhiirri-gelinayso maalgashiyada caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee xagga warshadaha iyo wax soosaarka beeraha.

Warshadda Burka oo ay hirgalinayaan ganacsato Soomaaliyeed ayaa waxaa ku baxaya dhismaheeda 37 milyan oo dollar, iyada oo si maalinle ah u soo saari doonta 16,000 oo kiish (Loor).

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo booqday xarunta Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa maanta booqday Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka ee Qaranka. Somali Disaster Management Agency (SoDMA).

Guddoomiyaha Hay’adda Mudane. Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Taliyaha ku soo dhaweeyay Xarunta hay’adda iyadoo taliyuhu booqday qeybaha iyo waaxaha. Isla madkaana, warbixin laga siiyay sida ay hay’addu ku shaqeyso.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska oo kulan aminga looga hadlayo la qaatay bulshada degmada Kaaraan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Maamulka Degmada Kaaraan iyo Saraakiisha Laamaha Amniga ayaa Afur wadareed la qaatay Odayaasha, Culumada iyo Macalimiinta Waaxda Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan.

Ujeedka Afur Wadareedka ayaa ahaa in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Saraakiisha Amniga iyo Bulshada Waaxda Jamhuuriya ee ka wada-tashadaan xaaladaha Amni iyo Arrimo Bulsho ee ka taagan Waaxda, kadib cabasho ka timid Bulshada oo la xariira dhibaatooyin ay ku qabaan Burcad weerada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo ka jawaabaya cabashooyinka Bulshada, isla markaana tixgelinaya Talooyinka ay soo jeediyeen Odiyaasha, Culumada iyo Macalimiinta Waaxda Jamhuuriya ayaa balan qaaday in wax laga qaban doonno cabashada ka timid Bulshada ku dhaqan Waaxda Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan

 

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi oo isna goobta ka hadlay ayaa odayaasha iyo culimada degmada kaaraan ugu  baaqay in ay la shaqeyaan laamaha amniga si loo sugu amniga shacbka,taliyaha waxa uu sidoo kale soo hadla qaaday dhacdooyin inta badan ka dhaca laamaha amniga oo ah in howlgallada xiliyada lagu jiro shacabka lagu soo qabto la isugu keenno goob barxad ah warbaahintana ay duubto iyaga oo an wax dambi ah lagu heynin taana ay tahay dami, iyo xad gudub lagula kacay dhalinyaro badan oo aan wax dambi ah galin.

Waxaa uu Taliyha intaa ku daray in saraakiisha amniga uu kala hadlay ilaalinta xuquuqda qofka muwaadinka Soomaaliyeed oo aan muqaallo lagu duubi  karin iyadoo wax dami ah lagu cadeynin

Dowladda Soomaaliya oo dib u howl-gelisay isbitaalka degmada Aadan-yabaal

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u howl-gelisay isbitaalka degmada Aadan-yabaal kadib sanado badan oo Khawaarijta Al-shabaab ay xireen.

Isbitaalka ayaa waxaa la hirgaliyay 1955, waxaana uu in muddo ah kaalin muhiim ah ka qaatay daboolida baahida caafimaad ee ka jirta degmada iyo deegaannada ku xeeran.

Bulshada degmada Aadan Yabaal ayaa soo dhoweeyay tillaabada dowladda Soomaaliya ay ku hirgalisay Isbitaalka.

Wariyaheena Cusmaan Aadan ayaa warbixin arrintaasi ku aadan noo diyaariyay.

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda Hay’adda UNHCR

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Xafiiskiisa kulan kula qaatay Madaxa Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee Qaramada Midoobay UNHCR Soomaaliya Mudane Magatte Guisse.

Kulanka, ayaa looga hadlay arimaha Qaxootiga Soomaliya ee dibadda ku nool sidii looga caawin lahaa in dalkooda kuso laabtaan iyo Barakacyaasha jooga dalka gudahiisa sidii deegaan iyo shaqo abuur loogu sameyn lahaa.

Soomaaliya waxaa ku kala baahsan kummanaan Barakacayaal ah oo ay soo bara kiciyeen Abaarihii ku dhuftay guud ahaan dalka iyo sidoo kale dhibatadii khawaarijta,Waxaa rajo weyn laga qabaa inay dib ugu laabtaan goobahii ay ku noolayeen, Madaama qeyba ka mid ah Soomaaliya ka curteen roobabka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray degmada Aadan yabaal “Sawirro”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuur galaya xaalada deeganadii laga xoreeyay Khawaarijta ayaa soo gaaray degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-shabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan la qaatay qaybaha bulshada degmada Aadan Yabaal oo ay ka dhageysteen warbixin ku saabsan xaaladaha nololeed ee deegaanka, iyaga oo uu xusay in degmada aysan ka jirin adeegyada aasaasiga ah sida biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo korontada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo bulshada degmada Aadan-yabaal uga mahadceliyay garab istaagga ay u muujiyeen ciidamada Qaranka ayaa sheegay in degmada iyo deegaanada kale ee laga xoreeyay Khawaarijta Al-shabaab, si degdeg ah loo gaarsiinayo adeegyada aasaasiga ah isaga oo sidoo kale ka dalbaday bulshada deegaanka in ay ka hortagaan in deegaanka lagu dhibaateeyo dadka socotada ah.

Dhankale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha hoggaamisa ciidamada Xoogga dalka oo uu ku bogaadiyay guulaha ay kasoo hooyeen dagaalka Khawaarijta isaga oo faray in ay u diyaar garoobaan wejiga labaad ee dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

 

Puntland oo xukun dil ah ku riday 10 katirsan Khawaarijta

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa xukun dil toogasho ah ku riday 10 nin oo ku eedeysan inay katirsan  yihiin kooxda khawaarijta, isla markaana dilal ka geysteen Magaalada Gaalkacyo.

Raggaan ayaa waxaa kamid ah Cadde Cabdullaahi Maxamed Cilmi iyo Cabdiqani Saleemaan Jaamac Sayloor, oo ku eedeysan inay Gaalkacyo ku dileen Wariye Jamaal Faarax Aadan, kuwaas oo horay dil toogasho loogu xukumay balse racfaan ay ka qaateen.

Raggan ay maxkamadda  Puntland xukunka dilka ah ku riday ayaa lagu helay inay ahaayeen Shabakad dilal ka geystay magaalada Gaalkacyo, waxana magacayadooda ay kala yihiin.

1: Cadde Cabdullaahi Maxamed

2 Cabdiqani Suleeymaan Jaamac

3 Xasan Jaamac Maxamed

  1. Maxamed Cali Axmad Muuse
    5. Farxaan Faysal Salaad Xirsi
  2. Cabdulahi Faysal Xuseen
  3. Barkhad Cawil Xirsi Nuur
  4. Liibaan  Aaden Muuse
  5. Cabdiqani Farxaan Abdulahi
  6. Cabdiraxman Cawil Maxamed

Tunisia :dad tahriibayaal ah oo ku dhintay shilalkii u dambeeyay ee ka dhaca badda

Ugu yaraan 19 qof oo isugu jira qaxooti iyo tahriibayaal ka yimid dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika ayaa ku qaraqmay xeebaha Tunisia xilli ay isku dayayeen inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka oo ay gaaraan Talyaaniga.

Sarkaal u hadlay hay’ad u dooda xuquuqda aadanaha,Romdhane Ben Amor ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in doontaasi ay ku degtay xeebaha Mahdia ee dalka Tuniisiya ka dib markii ay ka soo shiraacatay  xeebaha Sfax ee dalkaasi.

Afartii maalmood ee la soo dhaafay, ugu yaraan shan doonyood oo ay saarnaayeen dad qaxoonti iyo tahriibayaal ah ayaa ku degtay koonfurta magaalada Sfax, waxaana la la’yahay 67 qof halka sagaal kalena ay dhinteen,isla markaana la badbaadiyay shan ruux.

Ciidamada ilaalada xeebaha ee Tuuniisiya ayaa  sheegay in afartii maalmood ee la soo dhaafay ay joojiyeen ilaa 80 doonyood oo ku wajahnaa dalka Talyaaniga, waxaana ay xireen in ka badan 3,000 oo qof oo u badan dad ka yimid wadamada Saxaraha ka hooseeya ee Afrika.

wakaaladda wararka ee ANSA ee Talyaaniga ay sheegtay in in ka badan 2,000 oo magangalyo doon ah ay 24 saac gudahood ku gaareen jasiiradda Lampedusa ee Talyaaniga.

Masiibadii ugu dambeysay ayaa timid xilli ay socdaan olole ay mas’uuliyiinta Tunisia ku xirayaan dadka aan sharciga lahayn ee ka imaanaya dhulalka ka hooseeya Saxaraha Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada dhexe

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada dhexe, halkaas waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabeelle, saraakiisha Ciidanka iyo qeybaha bulshada degaanka.

Madaxweynaha ayaa la kulmi doona ciidamada qalabka sida Ee ku sugan furimaha dagaalka Gobolka Sh/dhaxe, isaga oo degmada Aadan-yabaal kaga dhawaaqi doona wajiga labaad howlgalka ka dhanka ah khawaarijta

 

Faah-faahinta la soco gordhow insha alah