Taliska Booliska G/Banaadir oo sheegay inay Gacan bir ah lagu qaban doono Kooxaha ka ganacsada Maandooriyaha

Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin ayaa sheegay in marnaba aan la aqbaleyn in xashiish iyo waxkasta oo Maanka dooriya la beerto, si looga ganacsado.

Taliyaha, oo ka hadlay goob lagu soo bandhigay Waxyaabaha maanka dooriya oo ay Ciidamada Booliska ku soo qabteen hawlgal ay sameyeen, ayaa hadalkiisa kudaray in Magaalada muqdisho ay kusoo bateen Kooxaha ka ganacsada Walxaha maanka dooriya, Burcadda iyo Ciyaal weerada, ayna la dagaalami doonaan cidkasta oo farsameyneysa waxyaabaha maanka dooriya iyo dadka isticmaalaya intaba.

Laamaha Amniga Gobolka Banaadir ayaa habeenadii la soo dhaafay waxaa ay Magaalada muqdisho ka wadeen howlgallo ka dhan ah Ciribtirka Maan dooriyaha, Ciyaal weerada iyo dadka ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya, iyaga oo howlgaladii ugu danbeeyay ku soo qabtay xaddiyo farabadan oo ka mid ah waxyaabaha maanka dooriya.

Ciidamada Ruushka oo la wareegay gacan ku haynta Warshadaha Bakhmut

Wakaaladda wararka TASS, ayaa ku warrantay in ciidamada Ruushka ay si buuxda ula wareegeen aagga warshadaha ee Bakhmut, sidokale maamulka Donetsk ee taageersan Ruushka ayaa xaqiijiyay in ciidamada Ruushku ay ku sii siqayaan aagga Avdiivka.

TASS, oo soo xiganeysa mas’uuliyiinta Donetsk ee taageersan Ruushka ayaa sheegtay in Ciidamada Ruushka, ay gabi ahaanba la wareegeen gacan ku haynta gobolka warshadaha ku caanka ah ee Bakhmut.

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa dhankeeda sheegtay in ciidamadeeda ay la waregeeen gacan ku haynata degaanka warshadaha ee Bakhmut, kadib dagaallo qaraar oo halkaasi ka socday maalmahii la soo dhaafay.

Dowladda Norway oo Soomaaliya ka taageereysa horumarinta Kalluumeysiga

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah Mudane, Axmed Xasan Aadan oo intii u dhaxeysay 22 ilaa 24 bishan magaalada Copenhagen ee Dalka Denmark uga qeybgalay shirka Blue Justice Conference 2023 ayaa saxiixay baaqa caalamiga ah ee Copenhagen, kaas oo kamid ah dedaallada looga hortagayo dambiyada badaha oo ugu horreeyo la dagaalanka Kalluumeysiga sharci darrada ah.

Wasiir Axmed Xasan ayaa intii uu ku sugnaa Copenhagen waxa uu kulamo doceedyo muhiim ah la yeeshay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Norway Marwo, Anne Beathe Tvinnereim, iyada oo ballan qaadday inay Soomaliya kala shaqayn doonto sidii loo horumarin lahaa dhqaalaha kalluumeysiga iyo tayeynta shaqaalaha iyo kalluumeysiga.

Waxa uu la wadaagay dib u habaynta uu wasaaradda Kallumaysiga ku sameeyay, shuruucda la dhaqan geliyay iyo sida anay Soomaaliya u doonayn gargaar ee ay diyaar uga tahay maalgashi dhanka kalluumeysiga ah, iyadoo Norwayna ay tahay waddamada sida weyn ugu horumaray dhanka Kalluumeysiga.

 

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Dalka oo hambalyo u diray xulka kubadda cagta ee deegaanka Gubadley

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Saalax Jaamac ayaa ka qayb galay munaasibad casho sharaf oo lagu dhiirri galinaayay xulka kubadda cagta ee Deegaanka Gubadley.

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane, Saalax Jaamac ayaa ugu hambalyeeyay kooxda kubadda cagta Gubadley oo ku guuleystay tartanka Ciyaaraha Degmooyinka oo dhawaan Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

Mudane, Saalax Jaamac ayaa dhallinyarada ugu baaqay in ay gacanna ku hayaan wax barasho iyo sare u qaadidda arrimaha bulshada, gacanna ay ugu hiilliyaan dowladnimada Soomaaliya, isagoo hambalyo u diray xulka kubadda cagta ee deegaanka Gubadley.

Golaha Ammaanka QM oo diiday codsi kaga yimid Ruushka

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa diiday codsi ka yimi dalka Ruushka oo ahaa in baaritaan lagu sameeyo weerarkii lagu qaaday dhuumaha shidaalka ka soo qaada dalka Ruushka ee geeya dalalka Yurub, ee loo yaqaan Nord Stream 1 iyo 2.

Ruushka, Shiinaha iyo Brazil ayaa u codeeyey codsiga Ruushka, hase ahaatee xubnaha kale ee golaha ammaanka ayaa sheegay inaan loo baahnayn in baaritaan lagu sameeyo arrintan.

Sida uu yahay dhaqanka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, qaraarkasta oo dhaqan gal noqonaya ayaa u baahan in sagaal xubnood oo ka mida 15-ka xubnood ee golaha ammaanku inay u codeeyaan “haa”, iyo weliba inaanu diidmada qayaxan isticmaalin mid ka mida shanta dal ee xubnaha joogtada ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Dhuunta shidaalka ee Nord Stream 1 ayaa shidaalka geynaysay dalka Jarmalka, illaa ugu dambayn uu Ruushku ka joojiyey bishii August ee sannadkii 2022, dhuunta labaad ayay dawladda Jarmalka warqaddii ogolaanshaha kala laabatay, markii uu Ruushku duullaanka ku qaaday dalka Ukraine.

Bishii September ee sannadkii 2022 ayaa weerar lagu qaaday dhuumahan shidaalka, walina ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay weerarkaas.

 

Duqa Muqdisho oo Casha sharaf u sameeyay maamulka iyo ciyaartoyda degaanka Gubadley

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Munaasabad Afur iyo dhiirragelin isugu jirtay kala qeybgalay Cayaartoyda iyo Maamulka Deegaanka Gubadley, kuwaasi oo ku guuleystay Koobka Kubadda Cagta ee Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir iyo Degmada Balcad oo 22 Bishaan lagu soo gabagabeeyay Garoonka Eng. Yariisow Stadium.

Munaasabadan dhiiragelinta oo uu soo qaban qaabiyay Xildhibaan Maxamed Abuukar Islaw (Ducaale) ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Wasiiro, Xildhibaano, Guddoomiye Kuxieenada Maamulka Gobolka Banaadir, Madaxda Xiriirka Kubadda Cagta, Saraakiil, Guddoomiyeyaal Degmo, Bahda Isboortiga iyo Marti sharaf kale.

Duqa Magaalada Muqdisho oo khudbad kooban ka jeediyay Munaasabada ayaa markale ugu Hambalyeeyay Cayaartoyda Deegaanka Gubadley Guusha ee ka gaareen Koobka Cayaaraha Kubadda Cagta ee Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir iyo Degmada Balcad, asigoona ka dhawaajiyay in si gaar ah Maamulkiisa uu munaasabad u sameyn doonni Cayaartoyda, sidoo kalena uu Maamulkiisa ka shaqeyn doonno sidii Degmo loogu dhigi lahaa Deegaanka Gubadley.

Wasirka Arrimaha Dibadda XFS oo xafiiskiisa ku qaabbilay Danjiraha Shiinaha u jooga Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane, Abshir Jaamac Haruuse ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr; Fei Shengchao.

Wasiir Haruuse ayaa Safiirka kala hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha Diblumaasiyadda, Waxbarashada, iyo Gargaarka.

Wabiyada Jubba iyo Shabeelle oo la saadaalinayo inay fatahaad sameeyaan

Waxaa jirta cabsi ku aadan in asbuucan dabayaaqadiisa ay fatahaado sameeyaan wabiyada Jubba iyo Shabeelle, waxaana muuqata calaamado arrintaasi muujinaya oo ay ka mid yihiin heerka biyaha wabiga oo sare u kacay iyo roobabka mahiigaanka ah ee ka da’ay dhulka sare ee Ethiopia.

Warbixin ay soo saareen hay’adda macluumaadka dhulka iyo biyaha Soomaaliyeed iyo hay’adda FAO ayaa lagu sheegay in 2 ilaa 3-da maalmood ee soo socda uu wabiga Shabeelle ku fatihi karo Baladweyne iyo deegaanada kale ee uu maro.

Dadka deggan meelaha u nugul in biyaha wabigu soo gaaraan ayaa looga digay inay sii daganaadaan aagaas, waxaana loogu baaqay inay taxadar wayn muujiyaan.

Xaalad jahwareer ah oo ka taagan Dalka Israa’iil

Bannaanbaxyo iyo shaqo joojin loga horjeedo wax ka beddelo garsoorka dalka ee uu horkacayo Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ka socda gudaha dalkaasi.

warar hordhac ah oo soo baxay maanta ayaa  sheegay in netenyaahu uu ku dhawaaqi doono joojinta qorshihiisa uu ku doonayo in uu wax kaga beddelo garsoorka.

Waxaa sii kordhaya kooxaha mucaaradka ah ee ka horjeeda qorshaha Netanyaahu ee uu ku doonayo in uu wax kaga beddelo garsoorka dalka.

Wax ka badalka xagga garsoorka ,waxay keentay mudaaharaad ballaaran oo socda muddo toddobaadyo ah,waxaana illaa hadda arrimahaasi ka hadlay siyaasiyiin badan oo la tilmaamay in qaarkood la casilay sida wasiirkii difaaca.

 

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka oo kulan la qaatay Madax ka socotay hay’adda qaxootiga aduunka ee UNHCR

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka oo ay wheliyaan Guddoomiye ku xigeenka hay’adda iyo Madax kale oo ka tirsan hay’adda ayaa kulan la yeeshay .

kulankaan oo ka dhacay Xarunta hay’adda SODMA ayaa looga wada hadlay arima la xariira dadka ku barakacay gudaha dalka ( IDPs) sida loo caawin lahaa, iyo sidii ay wada shaqeen dhaw u yeelan lahaayeen labada hay’adood, taas oo taabanayso dhinacya badan.

Ugu danbayn hoggaanka Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka qaranka ayaa u mahadceliyay madaxda ka socotaya hay’adda UNHCR booqashada ay ku yimadeen Xatunta SODMA iyo wada shaqaynta ay ballan qaadeen.