Moscow oo bilowday dhoolatuska Gantaalada ballistic-ga

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay, maanta oo Arbaca ah, in Ciidamada Istaraatiijiyadda Gantaalka ee Ruushku ay bilaabeen dhoolatusyo qorshaysan oo ay ku sameynayaan Gantaalada ballistic-ga ee isaga gudba qaaradaha.

“In ka badan saddex kun oo askari oo ka tirsan milateriga Ruushka iyo ilaa 300 oo qalab ah ayaa ka qeybqaadanaya dhoolatuska,” sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Ruushka.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhaxeeya Ukraine iyo Ruushka, Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa markii ugu horeeyay ku dhawaaqday in Ciidamadooda difaaca cirka ay ka hortageen weerar loo adeegsaday diyaaradaha loo yaqaanno GLSDB, kuwaasi oo uu Mareykanku farsameeyay.

Dhoolatuskan ay sameeynayaan Ciidamada Ruushka ayaa ku soo beegmaya xilli Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, uu booqasho ku sameynaya laba magaalo oo ku yaalla waqooyiga dalkasi iyo qaar ka mid ah xarumaha ilaalada xuduudaha ee u dhow Ruushka.

 

Duqa Muqdisho iyo guddoomiyaha rugta Ganacsiga oo ka wada hadlay horumarrinta dhaqaalaha Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamud Cabdikariin Gabeyre, ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiis is afgarad ah oo la xariira dib u qaabeynta ilaha dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarrinta magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamud Guure, Guddoomiye Ku-xigeenka howlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale iyo xubnaha kala duwan ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

Deegaanno hor leh oo laga xoreeyay khawaarijta

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay deegaanada kala ah Tix, Baraag Sheekh Caamir, Caliheele iyo Cali Axmed oo dhammaantood hoos taga degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Khawaariijta ayaa jab xoogan kasoo gaaray weerarkan ugu dambeeyey kadib, markii Ciidamada Qaranka iyo dadka Deegaanka oo isgarabsanaya ay weerareen Saldhigyo ay khawaarijtu ku laheyd halkaasi, sida ay warbaahinta Qaranka u sheegeen saraakiisha CXD ee hoggaamineysa howlgalka.

Dhanka kale argagaxisadu waxay burburiyeen xarumahii isgaarsiinta degmada Galcad, halkaas oo ay hareeraha ka joogaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka.

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo qaabilay taliyaha Boliiska ATMIS

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto. Sulub Ahmed Firin, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Boliiska Midow Africa ee ATMIS-POLICE. CP. Hillary Sao Kanu iyo Sarkiil ay hoggaaminaysay.

Ujeedka ayaa ahaa, dardargelinta howlaha wadashaqeynta Boliiska Atmis iyo kan Dalka iyo sidii ay qeyb buuxda uga qaadan lahaayeen howlaha sugista Amniga iyo la shaqeynta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

    

Guddoomiyaha golaha shacabka oo xafiiskiisa ku qaabbilay safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Amb Mukhtaar Maxamed Waare.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Danjire Waare ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, isagoona ka gudoomay dhambaal saalaan ah uu ka siday Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka dalka Itoobiya, waxaana uu sheegay in la adkeeyo xiriirka iyo wadashaqeynta labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Safiirka ayaa Guddoomiyaha uga mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay dalka, isagoona xusay in labada dal ay kawada shaqeeyaan dhinacyada horumarka gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaallanka kooxda Khawaarijta Al-Shabaab.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo howlgalka ATMIS oo ka wada hadlay ammaanka Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda hoose ee Xamar ku qaabbilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, ahna Madaxa howlgalka (ATMIS) ee ciidanka Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya Danjire, Maxamed Al-Amiin Souef.

Kulan dhex maray Duqa Magaalada Muqdisho iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa loogu hadlay xoojinta wada shaqeynta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Howlgalka ATMIS, sidoo kale fulinta Qorshaha sugida Amniga Caasimadda iyo guud ahaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ee ka socda dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku ammaanay Midowga Afrika (ATMIS) doorka ay ka qaateen horumarka iyo Ammaanka Soomaaliya, iyagoo u huray dhiigooda iyo Naftooda.

Danjire Souef ayaa xusay in ATMIS ay sii wadi doonto taageeradooda ku aadan ciribtirka Khawaarijta iyo dardargalinta howlgalada ka socdo dalka, asigoona shacabka Soomaaliyeed ku amaanay garab istaaga howlgalada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ee ka socda dalka, taasi oo keentay in Ciidamada Xooga dalka ay guulo waaweyn gaaraan.

Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka (ATMIS) ayaa sheegay in ka hor December 2024 oo xilliga u qorsheesan in ay soo gaba-gabeeyaan howlgalkooda Soomaaliya, ay ka go’an tahay in Bulshada Soomaaliyeed eek ala shaqeeyaan Amniga iyo Barnaamijyada horumarinta.

Mowjadaha mudaaharaadyada ka socda Faransiiska oo kor u kacay

Dalka Faransiiska ayaa maanta oo Talaado ah waxaa ka socda mowjado cusub oo isugu jira mudaaharaadyo iyo shaqo joojin, kuwaasi oo looga soo horjeedo qorshaha madaxweyne Emmanuel Macron ee ku saabsan da’da hawlgabnimada.

Carada dibadbaxayaasha ayaa kor u sii kaceysay waxii ka danbeeyay markii dowladdu ay sharciga howlgabka u gudbisay Baarlamaanka, bartamihii bishii Maarso, iyadoo aan cod loo qaadin.

Markii ay bilowdeen dibadbaxyada, Ururada shaqaalaha ayaa ka codsaday madaxweyne Macron inuu ka laabto sharciga ama uu hakiyo in muddo ah si xal loogu helo tabashada shacabka, haseyeshee Sharcigan waa la meel mariyay, wallow aanan wali la daabicin oo lala sugaya dib u eegista golaha Dastuurka.

Dibadbaxayaasha Black Bloc, ayaa maanta burburiyay gooba ganacsi oo ay dowladda leedahay iyo xafiisyada basaska laga raaco ee magaalada Paris.

Wararka ayaa intaa ku daraya in rabshadaha dibadbaxyada ay maanta ku soo biireen magaalooyinka horleh oo horay u daganaa.

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska, Gerald Darmanin, ayaa maalinnimadii shalay ka digay khatarta ka dhalankarto dibadbaxyada ka socda caasimadda iyo magalooyinka kale, taasi oo sii xoojisay mudaaharaadyada maanta.

Ilaa 13,000 oo Booliis rabshadaha ka hortaga ah ayaa la geeyay magaalada Paris oo ah halka ay ka socdaan rabshadada ugu badan.

Shirka Daahfurka Warbixin Muuqaaleedka Dhaqaalaha dalka ayaa ka furmay Magaalada Muqdisho

Wasaaradda Qorsheynta ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furtay shirka warbixin muuqaaleedka dhaqaalaha dalka.
Shirkan ayaa waxaa ka qayb galaya Wasiiro ka tirsan golaha xukuumadda, Dowlad Goboleedyada jilayaasha aan dowliga aheyn iyo saaxiibada caalamiga ah.

Soomaaliya oo saxiixday sharciga la dagaalanka Kalluumaysiga sharci darrada ah

Wasiirka Wasaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Aadan oo intii u dhaxeysay 22 ilaa 24 Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Copenhagen Dalka Denmark uga qeybgalaya shirka Blue Justice Conference 2023 ayaa saxiixay baaqa caalamiga ah ee Copenhagen kaas oo kamid ah dedaallada looga hortagayo dambiyada badaha oo ugu horreeyo la dagaalanka Kalluumeysiga sharci darrada ah.

Wasiir Axmed Xassan ayaa intii uu ku sugnaa Copenhagen waxa uu kulamo doceedyo muhiim ah la yeeshay
Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Norway Marwo. Anne Beathe Tvinnereim iyada oo ballan qaaday inay Soomaliya kala shaqayn doonto sida loo horumarin lahaa dhqaalaha kallumeysiga iyo tayeynta shaqaalaha iyo kallumeysiga.

Waxa uu la wadaagay dib u habaynta uu wasaaradda Kallumaysiga ku sameeyay, shuruucda la dhaqan geliyay iyo sida ay Soomaaliya aanay u doonayn gargaar ee ay diyaar u tahay maalgashi dhanka kalluumeysiga ah lala yeesho, Norwayna ay tahay waddamada sida sida weyn ugu horumaray dhankaas.

 

Duqa Muqdisho oo sheegay inay la dagaalamayaan kooxaha sameeya maandooriyaha

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka warbixiyay shabakad ka ganacsata Maandooriyaha oo lagu soo qabtay howlgal ka dhacay duleeedka Muqdisho.

Guddoomiyaha oo ay wehliyaan maamulka degmada Heliyaa, taliyaha qeybta bari iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Boliiska gobolka Banaadir ayaa u mahad celiyay cid kasta oo gacan ka qeysatay xogta iyo qabaahada koox ku howlanayd samaynta iyo ka ganacsiga maandooriyaha.

Kooxdan farsamaysa kana ganacsata maandooriyaha ayuu sheegay guddoomiye Madaale inay xarumo ka samaysteen duleeddada Muqdisho, kadib markii uu Ciidanka Boolisku billaabay ugaarsiga ragga maandooriyaha sameeya.

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa digniin culus u diray ragga sameeya kana ganacsada maandooriyaha, Ciyaal weerada iyo wax kasta oo Caasiamdda ka wada howlo dhaqan xumo ah oo lagu luminayo mustaqbalka dhallinyarada, isagoo wacad ku maray inay la dagaallamayaan kooxahaasi.

Dhinaca kale,Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare, Mahdi Cumar Muumin oo qeyb ka ahaa howlgalka lagu ugaarsanayao kooxahan ayaa sheegay inay gacan bir ah ku qabanayaan Kooxaha ka ganacsada maandooriyaha iyo dadka isticmaala.