Horjoogihii kooxda khawaariijta ee tuulada Maaya Faarax oo isu soo dhiibay ciidanka dowladda

Horjoogihii Khawaarijta Alshabaab ee Tuulada Maaya Faarax ee Dagmada Qoryooley oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda.

Horjooge sare Cabdi Xasan Hulbaale oo khawaarijta u qaabilsanaa tuulada Maaya-Faarax ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa isku soo dhiibay ciidanka 14-ka Oktoobar ee Xoogga Dalka ee ku sugan dagmada Janaale.

Horjoogahan oo da”diisu tahay 40 jir ayaa muddo 9 sano ah kamid ahaa khawaarijta Alshabaab, isagoo khawaarijta u qaabilsanaa tuulada Maaya-Faarax ee oo hoostagta degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose
.
Waxa maalmihii ugu dambeeyey korortay tirada horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka khawaariijta ee isu soo dhiibaya Ciidanka qaranka ka dib markii khawaariijtu ay ku jabeen dagaalka tooska ah ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda fedaraalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka UNDP ee waqtigu ka dhamaaday

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa maanta xafiiskayga Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga ku qaabilay Mudane Jocelyn Mason oo ahaa wakiilka hay’adda horumarinta qaramada midoobay (UNDP) ee Soomaaliya oo wakhtigiisa shaqadu dhammaaday iyo ku xigeenka ahna ku simaha wakiilka hay’adda (UNDP) ee Soomaaliya Marwo Sophie Kemkhadze.

“Waxaan uga mahadceliyey dadaalka ay geliyaan mashaariicda horumarinta iyo dhammaan hawlaha kale ee hay’adda UNDP ka waddo dalka Soomaaliya guud ahaan”ayuu yiri Wasiir Abshir Cumar Jaamac.

Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa sheegay in ay isla qaateen in wasaaradda iyo hay’addu yeeshaan wada shaqayn iyo iska warqab dhow, si loogu guuleysto fulinta hawlaha baaxadda leh ee waxtarka u leh dalkeenna.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo sheegay in lasoo gudbiyay kiisas la xariira lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay in lasoo gudbiyay kiisas la xariira lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada, isla markaana uu qaadayo tallaabbada uga aaddan baarista iyo dacwad oogista shaqsiyaadka la tuhunsan yahay.

Xubin ka tirsanaa khawaarijta oo isu soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka

Isxaaq Cabdiraxmaan Maxamed oo magaciisa Afgarashada Kooxda khawaarijta loo yaqaan (Muscab) ayaa isku soo dhiibay qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Isxaaq ayaa khawaariijta u qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan jabhadda , wuxuna sheegey in sababta ku kalliftay in Khawaariijta isaga soo baxo ay tahay markii uu u adkaysan waayay dhibaatada ay u geysaneyaan shacabka masaakiinta ah oo aan waxba galabsan  iyo ka been sheegidda Diinteenna suubban ee  Islaamka.

Isxaaq Cabdiraxmaan ayaa baaq udiray saaxiibbadiisa kale ee ku jira Khawariijta in ay isaga soo baxaan iskuna soo dhiibaan Ciidanka Dowladda.

Dood cilmiyeed ku saabsan maamulka iyo maareynta shaqaalaha rayidka oo lagu qabtay Muqdisho

Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudnae, Cali Muumin Muuddey ayaa furay madal dood cilmiyeed ah, taas oo looga hadlayay caqabadaha ka jira maamulka iyo Maareynta Shaqaalaha Rayidka.

Ujeedka dood cilmiyeedkan ayaa ah in laga soo saaro warbixin ku salaysan cilmibaaris iyo tallooyin si loo xalliyo caqabadaha ka jira shaqaalaha rayidka.

Kulankan ayaa waxa ka soo qeyb galay lataliyaal, xubno ka socday qaar ka mid ah hay’adaha dowladda kuwaas oo muddo ku soo jiray arrimaha maamulka iyo maareynta shaqaalaha xog-ogaalna u ah marxaladihii uu soo maray dalka.

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda waxa ka go’an in xalka caqabadaha lagu xalliyo qaab cilmiyeeysan oo ah natiijooyinka ka soo baxa cilmibaarisyada noocaan oo kale ah.

Taliyaha Ciidanka Booliska oo kormeeray hoggaanka baarista dembiyada CID-da

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa kormeeray qeybta faraha ee hoggaanka baarista dembiyada ee C I D.

Kormeerka Taliyaha ayuu ujeedkiisu ahaa u kuurgelidda hannaanka shaqo ee shacabka loogu adeego, iyada oo uu Taliyuhu waresytay dadkii shacabka ahaa ee goobta loogu adeegayay.

Taliyaha ayaa ugu dambayn faray Saraakiisha ku shaqada leh in ay si xirfad, akhlaaq iyo anshax-wanaag ku dheehan yahay loogu adeego shacabka.

Dowladda Soomaaliya oo gargaar kala duwan u dirtay Baardheere

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ayaa afar Diyaarad oo mucaawino kala duwan ah u dirtay Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaas oo uu dhowaan ku fatahay Wabiga Jubba.

Gargaarkan ayaa isugu jira daawo, dhar iyo raashiin ka kooban bur, bariis, sokor iyo kalluun loogu tala galay dadkii ka barakacay fatahaad iyo daadadkii halkaasi ka dhacay.

Agaasimaha hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka, Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa sheegay in todobaadyada soo socda ay diri doonaan Diyaarado kale oo sida raashiin iyo daawo.

Agaasimaha ayaa shacabka Soomaaliyeed uga baaqay inay ka digtoonaadaan lana socdaan marxaladda roobabka, wuxuuna faray inay ka fogaadaan meel kasta oo biya mareen ah si ay u yaraato saamaynta ka dhalan karta daadadka iyo fatahaadaha.

Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo socdaal taariikhi ah ku tegay magaalada Aadan Yabaal oo ka mid ah degaannada laga xoreeyay Al Shabab.
2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in degaannada laga xoreeyay Khawaarijta ay dowladdu gaarsiin doonto adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin shacabka.
3- Dowladda Soomaaliya oo dib u howl-gelisay isbitaalka degmada Aadan Yabaal.
Ciidanka Xoogga dalka ayaa dib u howl-geliyay isbitaalka degmada Aadan-yabaal kadib sanado badan oo Khawaarijta Al-shabaab ay xireen.
4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa laamaha amniga ee qaranka iyo kuwa Gobolka Banaadir kala hadley sugidda amniga caasimadda Muqdisho.
5- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa daah-furay hirgelinta adeegga isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta dalka.
6- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay Warshadda Sameynta Burka oo au hirgelinayaan ganacsato Soomaaliyeed.
7- Turkiga oo gaadiid dagaal ugu deeqday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.
8- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa soo xiray tartanka Kubadda Cagta ee degmooyinka gobolka Banaadir.
9- Xafiiska La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS oo qabtey shir sannadeedka maareynta hubka iyo rasaasta, kaas oo diiradda lagu saarey qorshaha qaadista cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya.
10- Golaha Wasiirada oo la horgeeyay warbixin iyo talooyin 18 qodob ka kooban wax looga qabanayo dhibaatooyinka ay la kulmaan wadeyaasha gaadiidka Bajajta.
11- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Jubaland oo Jubbada Hoose ku dilay dhowr ka tirsan Khawaarijta, gacantana ku dhigay horjooge ka tirsanaa argagixisada.
12- Horjooge Dhuurre Yuusuf Garow (Hilal) oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Baydhabo.
13- Wasiirka Arrimaha Gudaha oo shaaciyay bilowga barnaamij loogu magac darey “xoriyad ku afur” oo laga fulinayo degaannada laga xoreeyay argagixisada Al Shabab.
14- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in la bilaabayo hawlgal lagula dirirayo mukhaadaraadka.
15- Dowlad Goboleedka Puntland oo xukun dil ah ku fulisay 10 xubnood oo Khawaarijta ka tirsanaa oo maxkamad ay ku heshay inay ka dambeeyeen dilka dad shacab ah oo lagu dilay Gaalkacyo.
16- Soomaaliya oo saxiixday sharciga la dagaalanka kaluumaysiga sharci darrada ah.
17- Shirka daah-furka Warbixin Muuqaaleedka Dhaqaalaha Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho.

============DHAMMAAD=============

 

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- The President of the Federal Republic of Somalia, His Excellency Hassan Sheikh Mohamud, made a historic visit to the city of Aden Yabal, one of the areas liberated from Al Shabab.
2- The President of the Federal Republic of Somalia, H.E. Hassan Sheikh Mohamud said that the government will provide the basic services needed by the people in the areas liberated from the Kharijites Al Shabab.
3- The Somali government has re-opened the General Hospital of Aden Yabal District in HirShabelle State.
4- Prime Minister Hamsa Abdi Barre meets national and Banadir security agencies to discuss the security of the capital, Mogadishu.
5- Prime Minister Hamza Abdi Barre has unveiled the interconnection service of six mobile phone operators, marking a significant milestone for the country’s telecom industry.
6- The Prime Minister of the Federal Government of Somalia, Mr. Hamza Abdi Barre, has laid the foundation stone for the Flour Factory owned by Somali businessmen.
7- The Prime Minister of the Federal Government of Somalia, Mr. Hamsza Abdi Barre, has closed the football tournament of Mogadishu districts.
8- Turkey donates military vehicles to Somali National Army unit of Gorgor.
9- The Office of the National Security Advisor of Villa Somalia chaired an annual conference on arms and ammunition management, which focused on the plan to lift the arms embargo on Somalia.
10- Ministerial committee presents a report to the cabinet on how to resolve misunderstanding between rickshaw drivers and security forces in Mogadishu.
11- The Somali National Army and Jubaland forces killed several Kharijites Al Shabab in Lower Juba Region and captured a terrorist leader.
12- One of the Kharijites Al Shabab leader by the name Dhurre Yusuf Garow (Hilal) has surrendered to the Somali National Army in Baidoa.
13- The Minister of the Interior has said that people in the areas liberated from Al Shabab will this year break their fast peacefully with freedom.
14- The Governor of Banadir Region and the Mayor of Mogadishu Mr. Yusuf Hussein Jimale (Madale) said that an operation to fight against narcotics will be launched in the capital.
15- The Puntland State of Somalia has executed 10 members of the Kharijites Al Shabab who were found guilty for killing innocent people in Galkayo town.
16- Somalia has signed the international law against illegal fishing.
17- The launch conference of the Somalia Economic Outlook Report has been held in Mogadishu.
============END=============

 

Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo dalka ka hirgeliyey lambar-Xisaabeedka Bangiyada ee Caalamiga ah

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa 27-kii bishan ka mid noqday waddamada qaatay habka lambarka koontooyinka Bankiyada Caalamaiga ah ee loo yaqaan IBAN.

IBAN ayaa ah hab xisaabeed ay isticmaalaan Bankiyada Caalamka ee ku yaal in ka badan 80 waddan kaas oo ah nidaam fududeeya in si sahlan loo aqoonsado xisaabaadka Bankiyada marka la samaynayo lacag diris.

Hirgelinta barnaamijkan ayaa yareynaysa qaladdaadka ka dhasha lacagaha loo kala wareejiyo koontooyin ku yaal Bankiyo kala duwan, wuxuuna sidoo kale door fiican ka ciyaari doonaa barnaamijkan ilaalinta iyo dadejinta lacagaha Bankiyada dalka iyo kuwa Caalamku is-weydaarsadaan.

Tallaabadan ayaa astaan u ah dedaalka iyo horumarka la taaban karo ee laga sameeyay casriyeynta iyo habeynta hannaanka maaliyadda dalka, taas oo uu horseed ka yahay Bankiga dhexe ee dalka.