Bankiga Adduunka oo dib u eegis ku sameeyay horumarka Soomaaliya

Koox ka socota Bankiga Adduunka ayaa kulan laba cisho ah Magaalada Muqdisho kula yeeshay madax ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Ujeedooyinka kulanka ayaa ahaa in la qiimeeyo caqabadaha hortaagan fulinta mashaariicda iyo sidii loo heli lahaa habab lagu dardargeliyo fulinta mashaariicda horumarineed ee saameynta u leh dadka Soomaaliyeed.

Kulankaasi,waxaa ka soo baxay wada-hadallo miro dhal ah ,iyadoo ay ka qeybgaleen Dr. Cilmi Nuur, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beene Beene), Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Biixi, Cige, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Jamaal Takhal Cabaas, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Caafimaadka & Daryeelka Bulshada.

“Waxaan soo wada marnay waddo dheer, waxaana la gaaray natiijooyin horumarineed oo muhiim ah,” ayuu yiri Keith Hansen, Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Kenya, Rwanda iyo Uganda, oo khudbad online ah u jeediyay kulankaasi.

“Waa wax lagu farxo in la ogaado in shaqada dowladda ay u socoto si wanaagsan ,iyada oo aysan jirin arrimo taagan,” ayay tiri Kristina Svensson, maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi Nuur ayaa u mahad celiyay madaxda bangiga Dunida .,isagoo yiri” Waxaan ku soconnaa wadadii aan ku sii wanaajin lahayn saameynta hawlgal ee dhammaan mashaariicda waxaanan isticmaali doonnaa casharradii la bartay waqti ka dib si aan u wanaajino barnaamijyada hadda iyo kuwa mustaqbalka.”

Bilaha soo socda waxaa la filayaa in Bankiga Adduunka uu si dhow ula shaqeeyo dowladda iyo hay’adda lacagta adduunka ee IMF si ay u taageeraan howsha gunaanadka barnaamijka deyn cafinta ee Soomaaliya ,taasoo haddii ay suurtagasho gacan ka geysan doonta furitaanka fursado maaliyadeed oo cusub oo uu helo dalka.

Ciidanka Puntland oo qabtay lacago been abuur ah iyo dadkii watay

Ciidanka Booliska Puntland ee gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay gaari waday lacago been abuur ah iyo dadkii waday lacagahaasi.

Hawgalkaasi ay sameeyeen ciidanku ayeey ku soo qabteen gaari nuuciisu yahay deyno oo sidday lacago been-abuur ah oo la tilmaamay in ay ahaayeen xaashiyo madoow oo Euro ah.

Gaarigaasi ayaa lagu waramay in uu  ka yimid magaalada Xaafuun ee gobolka Bari, waxaana la qabtay xilli uu soo galayey magaalada Boosaaso.

Turkiye oo ogolaatay xubinnimada Finland ee NATO

Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay hindise sharciyeed u ogolaanaya Finland inay ku biirto NATO, taasoo meesha ka saaraysa caqabadii u dambeysay ,kadib markii Finland  ay ku biirtay xulafada difaaca hawada ee khuseeya dagaalka Ukrine.

276 cildhibaan ayaa u codeeyay dalabka Finland, maalmo kadib markii baarlamaanka Hungary uu sidoo kale ansixiyay ku biiritaanka dalkaasi ee Nato.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa horraantii bishan sheegay in Finland ay qaadeen tallaabooyin wax ku ool ah oo ay kaga hortagayaan kooxaha ay Ankara u aragto argagixisada.

Madaxweynaha Finland Sauli Niinisto ayaa u mahadceliyay 30-ka waddan ee xubnaha ka ah NATO si ay u taageeraan dadaalka waddankiisa ee ah in uu ku biiro isbahaysiga.

“Finland waxay noqon doontaa xulafo xooggan oo karti leh, oo ay ka go’an tahay ammaanka isbaheysiga,” ayuu ku yiri madaxweynaha.

Ciidamada Puntland oo burburiyey xarumo ay ku dhuumaalaysanayeen argagixisada Daacish

Qoraal kooban oo ka soo baxay taliska ciidan ka difaca Puntland gaar ahaan Qaybta 7-aad ee Bari ee urur ka Onkod ayaa lagu yiri.

“Ururka Onkod ee ciidamada Difaaca Puntland ee ka howlgala degmada Balidhidin ee gobalka Bari ayaa cagta mariyey Talisyo dhowr ah oo ay ku dhuumalysanayeen kooxda argagixisada ah ee Daacish ee ku dhuumaalaysta Buuralayda Calmadow ee gobalka Bari”.

Kooxda Argagaxisada ah ee Daacish ayaa Howl galkan loogaga Gubay Gaadiid iyo Sanaadii kala duwanayd ee ay Kooxdaani isticmaalayeen “waxaa sidoo kale la gaarsiiyey jab xoog leh oo kala ah dhimasho iyo dhawac ba”Ayaa lugu yiri qoraalka ka soo baxay Ciidamada difaaca Puntland.

Ciidamada Difaaca Puntland ayaa asbuucyadii ugu banbeeyay laba jibbaaray howlgallada lagula dagaalamayo Kooxaha Khawaarijta ah ee Daacish iyo Al Shabaab ee ku dhumalaysta Buuralayda Silsilada Golis iyo Cal Miskaad ee Gobalada Sanaad iyo Bari.

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in guud ahaan la cuuryaamiyay hanaankii Maaliyadeed ee Khawaarijta.

Dowladda Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqday in si guud loo cuuryaamiyey hanaankii maaliyadeed ee Khawaarijta, waxaana kala bar la dhimay dhaqaalihii ay heli jirtay Khawaarijtu.”Waxaa la joojiyey baaddii Khawaarijtu ka qaad jirtay badeecadaha muwaadiniinta Soomaaliyeed uga soo dega Dekadaha iyo Garoomada, sidoo kalena waxaa la joojiyay Baaddii kooxdu ka qaadi jirtay hantida la kala iibsado” ayuu yiri wasiir ku xigeenka warfaafinta dowladda FS Cabdiraxmaan Al-cadaala.

Halkaa Hoose ka daawo shirka Jaar’id ee wasiirka  ee u ku faahfaahinayo Cuuryaaminta hanaankii maaliyada Khawaajita.

Shirka golaha wasiirada dowladda FS oo lagu ansixiyey sharciga nidaaminta gaadiidka Mooto Bajaajta

Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo  uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu ansixiyey Qaraarka Nidaaminta Gaadiidka Mootooyinka Bajaajta oo dhawaan ay horgeyeen  guddiga gaadiidka Bajaajta daraasada xal loogu halayo amniga iyo nabad galyada daraawalada Bajaajta,
Qaraarka oo ka kooban shan qodob  ayaa waxaa maanta ansixiyay golaha wasiirrada xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya .
Qaraarka  ayaa waxaa faahfaahiyay Afhayeenka Xukuumadda  Farxaan Jimcaale.
Halkaa hoose ka daawo muuqaalka Afhayeenka.

Ciidamada Booliiska gobolka Banaadir oo gacanta ku soo dhigay nin ku Eedeeysan dil ka dhacay Garasbaaley

Ciidamada Booliiska ee gobolka Banaadir ayaa maanta gacanta kusoo dhigay nin shalay dil arxan darro ahaa ka geystay masjid ku yaal deegaanka Garasbaaley ee duleedka maagaaladda Muqdisho,Eedaysanaha ayaa dilka u adeegsaday baangad u ku dilay Imaam masaajidka waxaana la sheegay in uu tabliiq ahaa masaajidkana uu moddo joogay inta usan dilka geysan ka hore.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Mukhtaar Cali Xuseen ayaa loo heystaa dilka marxuum Macallin Ibraahim Cabdi oo Imaam ka ahaa masjidka uu dilka ka dhacay, ciidanka Boliiska Saldhigga degmada Warta nabadda ayaa saaka gacanta ku soo dhigay nin ku Eedeeysan in uu dil ugaystay imaamka  iyo wiil dhallinyaro ah oo isaguna ahaa mu’adinkii masjidka  oo isna u dhaawac ka soo gaaray islaa falkaas.

 

Horjooge sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Cabdi Xasan Hulbaale oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee maleeshiyadda Khawaajirta  ayaa isku soo dhiibay ciidmada xoogga dalka eek u sugan tuulada Maya Faarax ee gobolka Shabeellaha Hoose,Cabdi Xasan oo 40 jir ah ayaa ka tirsana Argagixisada Al-Shabaab muddo 9 sano ah.

Hoggaamiyaasha maleeshiyadda Khawaarijta ah ee Al-shabaab ayaa bilaabay in ay isku soo dhiibaan ciidamada xoogga dalka ee howlgalada ka wada qaybo ka mid ah goboladda dalka,kaas oo ay uga goleeyihiin sidii looga ciribtiri lahaa  haraadiga argagixisada ee ku sugan deegaanno ka mid aha gobolada dalka.

Inka badan 28 ruux ayaa ku dhimtay dab ka kacay Markab siday dad rakaab ah dalka Filibiin

Ugu yaraan 28 ruux ayaa ku dhintay,230 kalena waa laga soo badbaadiyay kadib markii markabka rakaab  siday u ku gubtay dalka Filibiin,dabka ayaa ka bilowday qolalka qaboojiyaha ee markabka habeenimadii Arbacada ee la soo dhafay iyadoo aysan xaqiijin saraakiisha Amniga Xeebaha Filibiin waxyaabah sababay in dabkaan u ka kaco Markabka.

Dadka ku dhintay dabka ayaa waxa ka mid ah saddex carrur ah oo u ku jiray ilmo jiray Lix bilood  wallow aan la sheegin tirada sexda ah ee rakaabka la socday markabka,Ilaalada xeebaha Filibiin ayaa sheegay in hawlgalka baadigoobka iyo samatabbixinta ay wadaan.

Duqa magaalada Arsina Kahing-Nanoh ayaa warbaahinta u sheegay  in mid ka mid ah rakaabkii la badbaadiyay uu sheegay in qaraxa la maqlay ka hor inta uusan dabka kicin,waxay  intaas ku dartay in qaraxyo kale la maqlay markii markabka uu dhulka ku dhacay,Ilaalada xeebaha ayaa sheegay in ay gacan ka geysan doonaan baaritaanka iyo qiimeynta nabad galyada Markabka sidoo kalan ay hubindoonaan in u shidaal ku daadanayo gudaha Markabka dabku ka kacay.

 

Dalka Filibiin ayaa wali laga isticmala Maraakiibta gaboowga ah ee aan dib loo casriyeyn  oo ay rakaabka raacaya ay aad u buux dhafiyaan marka ay soo raacayaan oo ay u kala gooshayaan goobah dalxiiska ee xeebah Jasiiradaha dalkaasi.

Shiinaha oo ka digay qas iyo colaado ka dhacda Aasiya

R/ wasaaraha Shiinaha Li Qiang ayaa yiri “Aasiya waa inay ka fogaato qas iyo isku dhac haddii kale mustaqbalka gobolka waa la lumin doonaa.

Hadaladaasi ayaa yimid waqti R/ wasaaraha uu ka hadlay madasha sannadlaha ah ee Boao Forum for Asia ee jasiiradda Hainan ee Shiinaha,halkaas oo ay isugu tageen hogaamiyaal siyaasadeed iyo ganacsato.

Mr.Li ayaa sheegay in Shiinuhu uu noqon karo mid xarun u ah nabadda adduunka iyo xasilloonida,xilli Shiinaha uu wajahayo tartan kulul oo uu kula jiro Mareykanka .

Hogaamiyayaasha siyaasadda ee ka qeybgalaya kulanka madashaasi waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaaraha Spain Pedro Sánchez oo lagu wado in uu noqdo madaxweynaha Midowga Yurub bisha July iyo Ra’iisul Wasaaraha Malaysia Anwar Ibrahim.

Sidoo kale Agaasimaha Maamulka IMF Kristalina Georgieva oo saaka ka hadashay madashaasi.ayaa ka warantay baahida loo qabo iskaashiga iyo wadajirka si looga gudbo dhibaatooyinka,isla markaana in xal loo helo dib u soo celinta ganacsiga caalamiga ah.

Madashaasi waxaa ka qeybgalay ganacsato ay kamid yihiin madaxa fulinta Apple Tim Cook, madaxa fulinta HSBC Noel Quinn, iyo aasaasaha Blackstone Stephen Schwarzman.