NIMCADII BADATAA NUSQAANTEEDA LEH!

Roobka guga oo ka curtay gobolada dalka ayaa waxa ay galaafteen nolosha qoysas badan oo danyar ah kuwaas oo aad ula il darnaa abaarta la hartay guud ahaan dadka reer miyiga ah.

Magaalooyinka waa weyn ee uu maro webiga shabeele oo muddo ka cabanayey biyo la’aan soo wajahday, isla markaasna hoos u dhigtay dalagyadii ay beeran jiray, ayaa hadda ka cabsi qabo in uu hadda karkaarada jabsado isla markaanaa ku fataho magaalooyin iyo tuulooyin oo maro webigaasi, taaso loo sababeynayo in uu di wanaagsan u da’ay roobka guga oo aad ugu da’ay dowlad deegaanka Soomaalida, halkaasi oo uu ka soo bilowdo webiga shabeele.

 

Ka hor inta uu curan roobka guga ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan ayaa isu xilqaamay in ay u istaagaan dayactirka iyo nadaafada webiga iyago ka gurayey qashinka iyo wasakhda dhib u keeni karta marid biyaha taasoo hadday is qabato sababi karto in uu webiga fatahaad sameeyo.

 

Beryo ka hor webiga shabeele ayaa ahaa meelo gudhan oo ay carruurta kubad ku ciyaari jireen, sida xiintooyda magaalada Jowhar, biyo la’aan saa’id ah oo ka jirtay biyo xireenka balcad iyo Afgooye oo ay cabasho weyn oo biyo la’aaneed ka jirtay, intaasoo magaalo iyo deegaanno hoos dhaca ayaa hadda ka jirtaa cabsi ah in ay dhici karto fatahaad laga yaabo in ay kusoo wajahantahay maadama baaq kasoo yeeray magaalada Qalaafi ee gobolka Soomaalida.

 

Webiga baaxadda weyn ee Jubba ayaa jabsaday dhinacyada kaddib markuu webiga keydin waayey tanka biya guga oo ka curtay Jubbaland iyo guud ahaan dalka Soomaaliya, magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa shacab badan ugu qaxeen biya saameyn ballaadhan ku yeeshay, Cilmi baarisyada wax saadaaliyo ayaa sheegay in horraanta bisha afaraad roobab lixaad leh ay ka di’i doonan Koonfurta iyo Bartahama Soomaaliya dhanka kale Puntland iyo Somalind ayaa laga yaabaa in ay qudhooda ka di’i doonaan.

 

Dhulka Soomaali galbeed qeybaha buuraleyda ayaa soo rogay biya, iyadoo tugoga waa weyn ay keenen biyo saa’id ah.

 

Nicamada Rabbi waxaa ka mid ah roobabka balse roobabka ayaa keena biya baxo ama fatahaad taasoo sanado badan soo laablaabatay.

WQ: Cabdiweli Daljir.

MAALMIHII BEENOOBAY

Caasho waa gabadh yar oo qurux iyo qab rabbi isugu daray, waxayna ku nooshahay guri casri ah oo dhismayaasha magaalada ugu bilicda wanaagsan ka mida, dhammaan waxyaabaha ay dhallinyaro xiiseeyaanina ay u idil yihiin, ku darsoo aabbaheedna wuxuu madax ka yahay mid ka mida Bank-yada dalka oo ayada iyo saboolnimo Cirka iyo Dhulka ayay isku jiraan.

Subax walba waxay u kallahdaa Dugsi ay qaar ka mida kasmooyinka shareecada ka barato, hayeeshee markastoo ay guriga ka soo baxdo waxay aragtaa wiil iridda agtaagan oo madaxa hoos u lulaya, kol kolna il naxariis leh ku soo milicsanaya.

Foog iyo fiidba  asagoo meesha ligan ayay u jeedda markaasay u qaadatay inuu ayada jecel yahay balse uu ka xishoonayo, si uu u hadlona uu garan la’yahay.

Dharaartii dambe ayay asagoo sidii tabbeele ciidda ku mudan u dhakoola soo martay, suudigiina ku shiilmay oo dhidid far iyo foodba qooyay, fil-darro iyo rafaadna la midab doorsoomay.

Gabadh naxariis badanay ahayde intay dar-xumada iyo diifta ka muuqata ka naxday ayay is tidhi yaan cuquubo kaa raacinoo nabsi kuu imane inanka sida u dhaan.

Intay gudaha gashay ayay hooyadeed u sheegtay inanka kadinkooda taagan ee jeceylka uu ayada u qabo dartiis la basaasan,dacdarrada iyo diihaalkuna ay oogadiisa jilifta iyo jamaal-xumida u horseedeen.

Hooyadii oo iyana silica wiilka haysta ka damqatay ayaa gabadhii canaanatay oo ku tidhi “naa orod wiilka iigu yeedh”, “maxaad mar hore iigu sheegi waydayna” way ku haaraantay.

Gabadhii baa banaanka u soo baxday oo intay kiiyoo sidii u taagan u timi bariidin ka dib ku tidhi”abboowe kolley waad i jeceshahay balse inaad ii sheegato waad ku dhiirran waydaye soo bax anigaa gartay inaad dartay meesha u taagantahaye”.

Intuu indhaha xanyiigan ku eegay ayuu ka jeestay, cod-fogeeye uu ku foognaana fara-farayn iyo daawasho ugu dhaqaaqay.

Mar kale ayay ayadoo xishoonaysa cod dabacsan ku tidhi”abboowe kolley waad i jeceshahay balse inaad ii sheegato waad ku dhiirran waydaye soo bax anigaa gartay inaad dartay meesha u taagan tahaye”.

Asagoo gorodda hoos u lulaya, il-qooreedkana ka eegaya ayuu ugu jawaabay”anigu adiga kuma jecli dan iyo daaradna kaama lihiye wifi-ga gurigiina ayaa ii xadhiidhsan oo aan adeegsadaa”

Sow taasi hadda fajac iyo filawaa gabadhii kuma noqan? asagu’se ma u muuqdaa nacas kanshe mar la arag ihi sibiq ku dhaafay?

W/Q: ABWAAN HAREERE

Wasiirka Warfaafinta XFS iyo madaxa golaha warbaahinta Turkiga oo daah-furay laanta cusub ee TRT AFRIKA

Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama iyo Madaxa Golaha Warbaahinta Jamhuuriyadda Turkiga, Prof. Fahrettin Altun ayaa si rasmi ah magaalada Istanbul daaha uga rogay qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay warbaahinta caalamiga ee TRT World ee Turkiga ee la hadli doonta qaaradda Afrika.

Laantan cusub oo la yiraahdo TRT AFRIKA ayaa la hadli doonta ilaa 400 milyan oo daawadeyaal oo ku dhaqan qaaradda Africa iyo dalalka dibedda, waxaana barnaamijyada ka bixi doona ay isugu jiraan arrimaha siyaasadda, ganacsiga, fanka, dhaqanka, sayniska iyo tiknoloojiyadda, dhalinyarad iyo isboortiga.

Aasaasidda laantan cusub ee digitalka ee TRT AFRIKA ayaa qeyb ka ah xoojinta xiriirka ka dhexeeya waddamada Afrika iyo dalka Turkiga.Soomaaliya ayaa ka mid ah waddamada ka faa’ideysan doona barnaamijyada iyo wararka ay TRT AFRIKA u tebin doonto qaaradda Afrika iyo caalamka intiisa kale.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa sidoo kale isla munaasabadaas kaga qeybgaley Shirweynihii 1aad ee Ururka Warbaahinta Midowga Afrika iyo TRT kaas oo looga hadley xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta warbaahinta Afrika iyo TRT.

Waxaa sidoo kale Wasiirka uu ka qeybgaley kulan lagu falanqeynayey xiriirka Afrika iyo Turkiga iyo doorka warbaahinta ka qaadan karto iskaashiga labada dhinac.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Mudane Daud Aweis oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa xusay in xiriirka Afrika iyo Turkiga uu sii xoogeysanayo, salna uu u yahay wax wadaqabsi iyo wadashaqeyn ay labada dhinac ka faa’ideysan karaan, isagoo dhanka kalena faahfaahin ka bixiyay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga iyo horumarka uu ku tallaabsadey 12kii sanno ee la soo dhaafey.

Waxaa uu Wasiirka intaa ku darey in ilaa 38 dal oo Afrikan ah ay safaarado ku leeyihiin Turkiga, halka Turkigana uu ilaa 44 safaaradood ku leeyaha qaaradda Afrika, taasna ay ka tarjumeyso muhimadda xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.

     

Ciidamada xoogga dalka oo dilay 14-ka mid ah Khawaarijta Al-shabaab

Ciidamada xoogga dalka ayaa xalay 14-ka mid ah Khawaarijta Al-shabaab ku dilay deegaanka Makuude oo qiyaastii 7-km dhanka Koonfur kaga beegan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed.

Khasaarahan xooggan ee la gaarsiiyay Khawaarijta ayaa ka dambeeyay ka dib markii ay isku dayeen in ay soo weeraraan xero ciidanka qaranka ay ku leeyihiin deegaankaas.

Waxaa dardar ku socda howlgallada ka dhanka Khawaarijta ee ka socda dalka,waxaanna hadda xor ah oo shacabka si nabad ah ugu nool yihiin deegaanno badan oo argagixisada laga saaray.

    

Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo howlgallo Amniga lagu xaqiijinayo ka Sameeyay qaybo ka mid ah Gobolka Mudug

Mudug- Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa howlgalo lagu baacsanayo Maleeshiyaadka khawaarijta Al Shabaab waxay ka fuliyeen Deegaanno ka tirsan Gobolka Mudug.

Howlgalka ay ciidamada ka sameyeen deegaanno ay ka id yihiin Qeycad,Jiic dheere,Laas-gacameey iyo Ilbalac oo dhammaan ka wada tirsan gobolka Mudug ayaa ujeedkiisu ahaa sidii looga sifayn lahaa haradiiga maleeshiyada,sidoo kale deegaannadan ayaa horay looga la wareegay qaarkood Khawaarijta Al-shabab.

Ciidamada ayaa la kulmay Shacabka ku nool Deegaanka Laas-gacameey waxayna ay ka xog wareysteen Baahiyada Deegaanka ka jira iyagoo ku booriyay in ay ka qayb qaatan sidii nabad galyada loo ilaalin lahaa.

Saraakiisha ciidanka Daraawiishta Galmudug ayaa sheegay inay sare u qaadii doonaan howlgalada Amniga lagu sugayo loogana saarayo maleesgiyada khawaarijta Al Shabaab deegaannada ay kaga harsan yihiin Galmudug.

         

Danjiraha Soomaaliya ee Serbia oo la kulmay R/Wasaare ku xigeenka dalkaasi

Danjiraha JFS u qaabilsan Dalka Serbia Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa maanta kulan la qaatay  Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda Jamhuuriyadda Serbia Dr. Siniša Mali.

Inta kulanku socday waxaa looga hadlay Arrimaha deyn cafin (debt relief), qaabka casriga ah ee canshuur uruurinta(systematic tax collection), Wadashaqeynta Bankiyada labada dal, Isku xirka rugaha ganacsi ee labadda dal., xoojinta Wadashaqeynta ka dhexeysa Wasaaraddaha maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jamhuuriyadda Serbia.

Dhowaan, Xarunta Safaaradda JFS ee Belgrade waxaa soo booqday Wasiirka Horumarinta Serbia Mudane Edin Đjerlek, halkaas oo uu kulan miro dhal ah kula qaatay Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed, kaas oo gogol xaar u ahaa kulanka maanta dhexmaray Mudane Dr. Siniš Mali iyo danjiraha.

Soomaaliya iyo Serbia ayaa leh xiriir Diploomaasiyadeed oo u muuqda mid sii xoogeysanaya.

Wasiirka Caafimaadka XFS ayaa booqday haweeney isbitaalka Banaadir ku dhashay Afar Carruur ah oo mataana ah

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Ali Haji Aden ayaa booqday Hooyo Soomaaliyeed oo Afar Gabdhood ku dhashey maanta Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir.

Wasiirka ayaa gaarey durba Isbitaalka si uu ula socda Xaaladda Hooyada Soomaaliyeed ee Alle Subxaanahuu Watacaalaa ku Arsaaqey Afarta Gabdhood, waxa uuna dhaqaatiirta waraystay xaaladda Caafimaad Hooyada iyo Caruurteeda isagoona warbixin ku saabsan xaaladdooda ka dhageystay Agaasimaha Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir Dr Fartuun Shariif iyo dhaqaatiirtii sida gaarka ah uga adeegayey Hooyada iyo Caruurteeda.

Wasiirka Caafimaadka Dr Cali Xaaji Aaden ayaa Gabdhaha Mataanaha ah u bixiyey Magacyo waxa uuna u kala bixiyey Qamar iyo Zahra oo lagu kala Samiyey Marwooyinka Qaranka, halka labada kalena loo bixiyay Fartuun oo iyaduna lagu Samiyey Agaasimaha Isbitaalka Hooyadda iyo Dhallaanka ee Banaadir Dr Fartuun Shariif iyo Xalwo oo loogu magacdaray Umulisadii Hooyo Maryan Maxamed Xasan ka dhalisey Caruurta.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa Hooyo Maryan ku wareejiyey Hadiyad hordhac ah oo uu ugu talagaley farxadda Hooyada Soomaaliyeed ee heshey hadiyadda Alle ee Mataanaha ah, waxa uuna ballan qaadey in ay ka warqabi doonaan oo ay si dhow ula socon doonaan Xaaladda Caafimaad ee Hooyada iyo Caruurteeda.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa waajib ka saaran ilaalinta iyo badqabka Caafimaad ee Muwaadinka Soomaaliyeed meelkasta oo uu ka joogo Dalka, waxayna sii laba laabi doontaa hormarinta Caafimaadka iyo sidii Muwaadiniinta Soomaaliyeed u heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo bilaash ah isla markaana gaara goob kasta.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeekka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Ali Haji Aden ayaa booqday Hooyo Soomaaliyeed oo Afar Gabdhood ku dhashey maanta Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir.

Wasiirka ayaa gaarey durba Isbitaalka si uu ula socda Xaaladda Hooyada Soomaaliyeed ee Alle Subxaanahuu Watacaalaa ku Arsaaqey Afarta Gabdhood, waxa uuna dhaqaatiirta waraystay xaaladda Caafimaad Hooyada iyo Caruurteeda isagoona warbixin ku saabsan xaaladdooda ka dhageystay Agaasimaha Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir Dr Fartuun Shariif iyo dhaqaatiirtii sida gaarka ah uga adeegayey Hooyada iyo Caruurteeda.

Wasiirka Caafimaadka Dr Cali Xaaji Aaden ayaa Gabdhaha Mataanaha ah u bixiyey Magacyo waxa uuna u kala bixiyey Qamar iyo Zahra oo lagu kala Samiyey Marwooyinka Qaranka, halka labada kalena loo bixiyay Fartuun oo iyaduna lagu Samiyey Agaasimaha Isbitaalka Hooyadda iyo Dhallaanka ee Banaadir Dr Fartuun Shariif iyo Xalwo oo loogu magacdaray Umulisadii Hooyo Maryan Maxamed Xasan ka dhalisey Caruurta.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa Hooyo Maryan ku wareejiyey Hadiyad hordhac ah oo uu ugu talagaley farxadda Hooyada Soomaaliyeed ee heshey hadiyadda Alle ee Mataanaha ah, waxa uuna ballan qaadey in ay ka warqabi doonaan oo ay si dhow ula socon doonaan Xaaladda Caafimaad ee Hooyada iyo Caruurteeda.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa waajib ka saaran ilaalinta iyo badqabka Caafimaad ee Muwaadinka Soomaaliyeed meelkasta oo uu ka joogo Dalka, waxayna sii laba laabi doontaa hormarinta Caafimaadka iyo sidii Muwaadiniinta Soomaaliyeed u heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo bilaash ah isla markaana gaara goob kasta.

         

Maamulka Hay’adda Maareynta oo deeq raashin ah gaarsiiyay Xuddur

Gddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle maanta deeq raashin ah gaarsiiyay dadka ku dhaqan Magaalada Xudur ee Caasimada Gobolka Bakool

Guddoomiyaha oo uu la socday Wasiirka Gargaarka Maamulka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush ,waxaa halkaas ku soodhaweeyey Maamulka Degmada iyo golaha deegaanka ee Magalaadas.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ,ayaa degmadaasi gaarsiiyay 7 tan oo raashin ah,wuxuuna  u kuur galay saameenta biyaha ee buuxa xafadaha degmadaasi.

Bartamaha xuddur waxaa dhex yaal biyo aad u badan,xafadaha qaar ayaa laga barakacay waxaana sidoo kale biyahaan ay sameyeen beero badan oo ay ka baxayeen dalagyo kala gadisan.

Dhawaan xooggan ayaa ka da’ay degmada Xudur,kuwaas oo xiray isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga qeybo kamid ah Xafadaha Magaaladaas taas oo sameen ku yeelatay dadka dantayar ee ku nool halkaas.

 

Baarlamaanka oo ammaanay qaabka lagu xulay shirkadaha adeegga ee xajka sanadkaan

Guddiga Golaha Shacabka u qaabisan arrimaha diinta, Cadaalada iyo Awqaafta ayaa sheegay in shirkadaha ku tartamaayey adeegga Xajka ee sanadkaan loo xulay si cadaalad ah oo ay ku dheehan tahay kalsooni.

Guddigaasi ka socday labada gole ee baarlamaanka ayaa xusay in muddo 24 cisho ah ay wadeen jormeer iyo la socod ku aadan qaabka loo xulayo shirkadaha qaabilsan adeegga xujieyda ee sanadkaan.

Xubnaha baarlaamka,a waxa ay u mahadceliyeen Guddigga wasaaradda Awqaafta ee loo xilsaaray Tartanka Adeega Xajka sanadka 1444/2023,kuwaas oo habeenimadii xalay soo gabagabeeyay howshii loo idmaday .

Xildhibaanadaasi,waxa ay ku  Baaqeen in heyadaha dowladda ay ku dhiiradaan talaabadaasi daahfurnaanta ah ee ay qaadeen maamulka wasaaradda Awqaafta.

Guddigga Tartanka Adeega Xajka sanadka 1444/2023 ayaa xalay soo gunaanaday howlaha Tartanka Adeega xajka,iyagoo ka warbixiyay howlihii uqabsoomay intii uu socday Tartansiinta Shirkadaha daneynaayey u adeegida Xujeyda Soomaliyeed.

Galmudug oo ku howlan soo afjaridda khawaarijta ee ku sugan gobolka

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in dhowaan loo howlgali doono xoreynta deegaanada yaree weli ku jira gacanta kooxaha khawaatijta.

Madaxweyne ku xigeenka oo ka hadlay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa ku ammaanay beelaha daga Galmudug in si dhab ah ay uga qeyb qaateen dagaaladii u dambeeyay ee lagu xoreyay inta badan deegaanada gobolka.

Cali Daahir Ciid ayaa xusay in aysan jirin wax dhibaato ah oo hortagan la dagaalka khawaarijta,isagoo intaa raaciyay in dhowaan la xoreyn doono deegaanada yar ee ay weli joogaan kooxdaasi.