Aabe iyo Wiilkiisa oo ku geeriyooday dab ka kacay Kaalin shidaal oo ku taalo degmada Cabudwaaq

Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay dab xalay ka kacay kaalin shidaal oo ku taalo degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Dabka ayaa sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dad ku geeriyooday ka mid ah Alle ha u naxariistee Aabe Dhagalaab Aadan Suulay iyo Wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Siciid Dhaqalaab.

Guddoomiyaha degmada Caabudwaaq Muxudiin Aadan Wali oo uu weheliyo Taliye ku-xigeenka Booliiska degmadaas Cabdi Shukri Cawil Isxaaq ayaa kormeer ku tagay qaar ka mid ah goobaha caafimaadka ee la gaarsiiyay dadka ku dhaawacmay dabka ka kacay kaalinta shidaal.

Waxaa aad u yar daryeelka Caafimaad ee ay heli karaan Bukaanada gubashada dabka ku wax yeeloobay ee lagu dabiibayo goobaha Caafimaadka ee degmada Cabudwaaq.

 

HOURMAR GANACSI MASAMEYN SHACABKA KU NOOL CAASIMADDA?

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waa magaalo inta badan dadka Ku nool lagu qayaasi tiro ahaan in ay dhan yihiin 3-4 Malyon oo ruux balse tiri koob sax ah wali lama sameyn waa uun qiyaasta lagu qayaaso shacabka magaalada Muqdisho in ay tira ahaan intaa ay dhanyihiin ama ay Ka badan karaan.

Shacabkaas baaxada leh ee Ku nool magaalada Muqdisho waxa ay wadaan hormaro kala duwan oo ay Ka sameenayaan dhanka GANACSIYADA Kala duwan oo ay leeyihiin oo midba midka kale oo uu layimaado hal abuuro Kala duwan oo ay Ku hormarinayaan dhanka Ganacsiyadooda Kala duwan oo maanta laga dheehan karo in Ganacsiyadaas ay isbadal u keeneen muuqaalka iyo Bilicda Caasimada Muqdisho.

Ganacsiyadan cusub ee Ku soo badanaayo magaalada Muqdisho hal abuurkeeda waxaa layimaaday Wiilal iyo Gabdho Kuwaas oo doonaya in ay nolashooda ay Ku sameeysaan isbadal wax Ku owl ah taasi oo u horseedi karta in nolashooda ay noqoto mid mustaqbal leh oo Walidiintooda, Caruurtooda iyo Dalkaba wax kabadali karta.

Noocyada Ganacsiyada kala duwan ay soo kordhiyeen Hablaha haddii aan ku waxa ay Kala yihiin:  Salon oo ah meelaha Dumarka lagu qurxiyo haddii ay ahaan laheed waqtiga arooska , Xafladaha Qalin jibinta, Munaasabadaha iyo isqurxin caadi ah .

Sidoo kale Ganacsiyada ay soo kordhiyeen Hablaha waxaa kamid ah Dukaamo lagu iibiyo Dharka dumar noocyadiisa Kala duwan kuwii ugu danbeeyey Kuwaas oo magaalada Muqdisho aad ugu soo badanayaan Ganacsiyadaas.

Hablaha sidoo kale waxa ay layimaadeen hal abuuro Kala sida warshado yar yar oo ay Ku soo saaraan Saliida noocyadooda Kala duwan oo ay Ka sameeyaan sida Geedka Qubaha, Looska, Sisinta, Dhagayaraha, Xulbada iyo Miro badan oo laga dhaliyo Saliido oo loogu talagalay in ay Bulshada ay u isticmaalaan Madax marsashada, Cunto Ku darsiga waxaana looga maarmayaa saliidaha dibada laga soo dhoofiyo.

Wiilasha ayaa sidoo kale layimid  halabuur Ayaga oo dalka ku soo kordhiyey ganacsiyo kala duwan oo aan dalkaba laga aqoon , waxaana kanacsiyadaas kamid ah sameenta (BIIZAHA), SHUWAARMADA, CANJEERO ITOOBIYAAN iyo hal abuuro badan oo ay dalka ku soo kordhiyeen.

Hadaba wiilasha iyo gabdhaha la yimaadeen fikradahaan ganacsi maxay bulshada soo maaliyeed oga baahan yihiin .

Bulshada Soomaliyeed waxa ay oga baahan yihiin garab istaag in loo muujiyo Sababtoo ah wiilasha iyo gabdhaha soo kordhiyey ganacsiyadan haddii lagu garab istaago waxa ay isbadal xoog leh Ku imaaneyso Nolashooda iyo Dalka , Dalka waxa uu ganacsiyadan kahelyaa cashuur , canshuurtaas oo dabooli karta baahiyaha dowladda.

 

Dowladda iyana waxaa looga baahan yahay in Bulshada ay Dowladda ay u tahay in ay garab istaagto oo ay Kala shaqeyso baahiyahooda Kala duwan sida ay ugu fududeen laheed oo ay ganacsiyadan yar yar ay hormar baaxad weyn u gaari lahaayeen.

Ugu danbeyn wiilka kasta iyo  Gabar kasta waxaa looga baahan yahay hal abuur iyo  in ay kamiro dhaliyaan u jeedkooda  oo aysan qarsan sababtoo ah haddii ay kamiro dhaliyaan hal abuurku waxa ay noqonayaan mid Najaxda ama Guuleysata.

Wiil iyo Gabar kasta oo guuleysata waa Bulshada oo guuleysata.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan.

BOGGA QUBANAHA KHAWAARIIJ CIIDAMADA PUNTLAND OO BURBURIYEY XARUMO AY KU DHUUMAALAYSANAYEEN ARGAGIXISADA DAACISH

Qoraal kooban oo ka soo baxay taliska ciidan ka difaca Puntland gaar ahaan Qaybta 7-aad ee Bari ee urur ka Onkod ayaa lagu yiri.

“Ururka Onkod ee ciidamada Difaaca Puntland ee ka howlgala degmada Balidhidin ee gobalka Bari ayaa cagta mariyey Talisyo dhowr ah oo ay ku dhuumalysanayeen kooxda argagixisada ah ee Daacish ee ku dhuumaalaysta Buuralayda Calmadow ee gobalka Bari”.

Kooxda Argagaxisada ah ee Daacish ayaa Howl galkan loogaga Gubay Gaadiid iyo Sanaadii kala duwanayd ee ay Kooxdaani isticmaalayeen “waxaa sidoo kale la gaarsiiyey jab xoog leh oo kala ah dhimasho iyo dhawac ba”Ayaa lugu yiri qoraalka ka soo baxay Ciidamada difaaca Puntland.

Ciidamada Difaaca Puntland ayaa asbuucyadii ugu banbeeyay laba jibbaaray howlgallada lagula dagaalamayo Kooxaha Khawaarijta ah ee Daacish iyo Al Shabaab ee ku dhumalaysta Buuralayda Silsilada Golis iyo Cal Miskaad ee Gobalada Sanaad iyo Bari.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO KU DHAWAAQDAY IN GUUD AHAAN LA CUURYAAMIYAY HANAANKII MAALIYADEED EE KHAWAARIJTA.

Dowladda Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqday in si guud loo cuuryaamiyey hanaankii maaliyadeed ee Khawaarijta, waxaana kala bar la dhimay dhaqaalihii ay heli jirtay Khawaarijtu.”Waxaa la joojiyey baaddii Khawaarijtu ka qaad jirtay badeecadaha muwaadiniinta Soomaaliyeed uga soo dega Dekadaha iyo Garoomada, sidoo kalena waxaa la joojiyay Baaddii kooxdu ka qaadi jirtay hantida la kala iibsado” ayuu yiri wasiir ku xigeenka warfaafinta dowladda FS Cabdiraxmaan Al-cadaala.

Halkaa Hoose ka daawo shirka Jaar’id ee wasiirka  ee u ku faahfaahinayo Cuuryaaminta hanaankii maaliyada Khawaajita.

HORJOOGE SARE OO KA TIRSAN AL-SHABAAB OO ISKU SOO DHIIBAY CIIDANKA XOOGGA DALKA

Cabdi Xasan Hulbaale oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee maleeshiyada Khawaajirta  ayaa isku soo dhiibay ciidmada xoogga dalka eek u sugan tuulada Maya Faarax ee gobolka Shabeellaha Hoose,Cabdi Xasan oo 40 jir ah ayaa ka tirsana Argagixisada Al-Shabaab muddo 9 sano ah.

Hoggaamiyaasha maleeshiyadda Khawaarijta ah ee Al-shabaab ayaa bilaabay in ay isku soo dhiibaan ciidamada xoogga dalka ee howlgalada ka wada qaybo ka mid ah goboladda dalka,kaas oo ay uga goleeyihiin sidii looga ciribtiri lahaa  haraadiga argagixisada ee ku sugan deegaanno ka mid aha gobolada dalka.

XUBIN KA TIRSANAA KHAWAARIJTA OO ISU SOO DHIIBAY CIIDANKA XOOGGA DALKA

Isxaaq Cabdiraxmaan Maxamed oo magaciisa Afgarashada Kooxda khawaarijta loo yaqaan (Muscab) ayaa isku soo dhiibay qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Isxaaq ayaa khawaariijta u qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan jabhadda , wuxuna sheegey in sababta ku kalliftay in Khawaariijta isaga soo baxo ay tahay markii uu u adkaysan waayay dhibaatada ay u geysaneyaan shacabka masaakiinta ah oo aan waxba galabsan  iyo ka been sheegidda Diinteenna suubban ee  Islaamka.

Isxaaq Cabdiraxmaan ayaa baaq udiray saaxiibbadiisa kale ee ku jira Khawariijta in ay isaga soo baxaan iskuna soo dhiibaan Ciidanka Dowladda.

DEEGAANNO HOR LEH OO LAGA XOREEYAY KHAWAARIJTA

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay deegaanada kala ah Tix, Baraag Sheekh Caamir, Caliheele iyo Cali Axmed oo dhammaantood hoos taga degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Khawaariijta ayaa jab xoogan kasoo gaaray weerarkan ugu dambeeyey kadib, markii Ciidamada Qaranka iyo dadka Deegaanka oo isgarabsanaya ay weerareen Saldhigyo ay khawaarijtu ku laheyd halkaasi, sida ay warbaahinta Qaranka u sheegeen saraakiisha CXD ee hoggaamineysa howlgalka.

Dhanka kale argagaxisadu waxay burburiyeen xarumahii isgaarsiinta degmada Galcad, halkaas oo ay hareeraha ka joogaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO DIB U HOWL-GELISAY ISBITAALKA DEGMADA AADAN-YABAAL

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u howl-gelisay isbitaalka degmada Aadan-yabaal ka dib sanado badan oo Khawaarijta Al-shabaab ay xireen.

Isbitaalka ayaa waxaa la hirgaliyay 1955, waxaana uu in muddo ah kaalin muhiim ah ka qaatay daboolida baahida caafimaad ee ka jirta degmada iyo deegaannada ku xeeran.

Bulshada degmada Aadan Yabaal ayaa soo dhoweeyay tillaabada dowladda Soomaaliya ay ku hirgalisay Isbitaalka.

Wariyaheena Cusmaan Aadan ayaa warbixin arrintaasi ku aadan noo diyaariyay.

———————————————————————————————–

 

GUULAHA LAGA GAARAY KOOXDA KHAWAARIIJTA WAJIGA KOOWAAD EE DAGAALKA.

Maqaalkaan waxaan uga hadleynaa guulaha ay dowlada iyo dadka deegaanka ah ka gaareen maleeshiyaadka argagixisada al shabaab ee ka dagaalanta soomaaliya kaas oo socday 10kii bilood ee la soodhaafay kuwaas jab iyo halaag iyo kharaase culus loogu geystay dagaaladii dhacay.

Ka sokow guulaha xagga dhulka ee baaxadda leh ee ilaa haatan laga soo hooyay halganka la dagaalanka iyo ciribtirka kooxaha argagaxida ah, waxaa kaloo ii muuqda guulo kale ee waaweyn oo laga gaaray ciribtirka kooxahaas, guulahaas oo aan ka tilmaami karo:

  1. Guusha koowaad: In Bulshada Soomaaliyeed iyo ciidamadooda qalabka sidaba ay aamineen in kooxaha argagaxisada ah lala dagaalami karo, lagana guuleysan karo. Ayadoo goobo fara badan lagu baacsaday laguna burburiyey. Arinkani oo ah mid aad ahmiyaddiisa u leh marka laga hadlayo dagaal iyo istiraatiijayahiisa.
  2. Guusha labaad: In Bulshadii iyo kooxahii Argagaxisada ay sii kala miirmayaan siina kala fogaanayaan, ka dib kolkii dagaalku uu isku badalay “Halgan iyo dagaal Bulsho”. Halkii shalay laga yaabay in loo arki karay dagaal dhex marayey ama u dhaxeeya ” Dowlad iyo koox gaar ah” . Arinkani waxuu horseedi kartaa in aysan kooxahaasi heli doonin waxii hadda ka danbeeyao gabaad iyo cid ay isku qariyaan. Waana qodab kale oo muhiim u ah ka guul gaaridda kooxaha argagaxisada.
  3. Guusha sadexaad: In markii ugu horeysay dagaal xagga dhaqaalaha ah oo toos ah lagu qaaday kooxaha argagaxisada ah, lagana xirxiray ku dahwaad ilaa 60 xisaab bank oo ay tiilay lacago malaayiin doolar ah. Arinkaan oo horseeday in ganacsatada iyo bulsho weynta Soomaaliyeed ee ay baadda iyo boobka ku hayeen kooxahaasi ay dhiiradaan, diidanna bixinta xoolahooda lagu gumaadayey shacabkooda.

Guulahaas sadexda ah ee aan soo xusay waa arimo istiraatiiji ah, aadna muhiim ugu ah ka guul gaarista dagaalka la gula jiro kooxaha argagaxisada ah. Waxaana soo jeedinayaa hoostana ka xariiqayaa in arimahaas la sii xoojiyo, lana sii adkeeyo.

Waxaan kaloo soo jeedin lahaa kuna talin lahaa; in si dagaalka loo xoojiyo loogana miro dhaliyo la qabto SHIRWEYNE QARAN oo deg deg ah oo ay ka soo qeyb galayaan dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada sida: Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Saraakiisha, Culumada, Haweenka, Jaaliyadda dibadda iyo Dhalinyarada. Shirweynahaas oo lagu xoojinayo laguna dhameystirayo qorshaha Qaran ee la dagaalka iyo ciribtirka argagaxisada iyo xagjirnimada intaba.

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay guulaha laga gaaray halganka dib u xoreynta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Masjidka Shuhadada ee madaxtooyada Qaranka, ayaa dul istaagay guulaha laga gaaray halganka dib u xoreynta dalka iyo ciribtirka Khawaarijta, iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa.

Madaxweynaha oo soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa hoosta ka xariiqay in kooxda Khawaarijta laga xoreeyay dhammaan degaannada gobolka Shabeellaha dhexe,islamarkaana maalin ka hor ciidamada qaranka iyo dadka deegaanka ay la wareegeen degmada Ruunir-Good ee gobolkaas.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka degaanka ay isku diyaarinayaan dagaal ka dhanka ah Khawaarijta, kaas oo looga sifeynayo Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo hadda abaabulkooda uu socdo.

“ Degmadii ugu dambeysay ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa la xoreeyay, 5-ta degmo ee gobolka Hiiraan waxaa xor, galmudug waxyar ayaa nooga dhiman , Koonfur Galbeedna ciidamadii ka dagaalami lahaa furimaha dagaalka ayaa la geeyay, kuwo kale hadda ayaa u wadnaa,” ayuu yiri madaxweynaha JFS.

Dhinaca kale, madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka hadlay Xaaladda magaalada Baydhabo, isagoo wixii shalay ka dhacay ku tilmaamay wax aad looga xumaado, wuxuuna dhinacyada is haya ugu baaqay in ay miiska wada hadalka isugu yimaadaan, xalna ka gaaraan khilaafka jira,

Waxaa socda, howlgalo isdaba joog ah oo lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta, iyadoo isa soo tarayaan xubnaha ka soo goosanaya Khawaarijta ee isku dhiibaya dowladda.

dalka editorial

 

KHAWAARIIJ IYO DUUL GAR-DARANBA LOOMA GARAABO

Dhowr iyo soddonkii sanadood ee la dhaafay waxaa bulshada soomaaliyeed dhexdooda ku batay gafafka, gabood-fallada, qardoofoonka, handadaadaha, dilalka arxan-darrada ah, boobka iyo dhaca xoolaha, kufsiga haweenka, beegsiga haybta ku salaysan, gulafyada colaadeed ee khawaariijta iyo guutooyinka weerarka u taagan.

Dhammaan falalkaas gurracani berigii hore waxay ku jiraan waxyaabaha laga ajoodo oo aan kama’ mooyee kas iyo maag loogu dhici jirin, ciddii ku dhiirrataahina ay habaar iyo haaraan aanay mahdin ku mutaysan jirtay, diin ahaanna waxay ka tirsanyihiin waxyaabaha uu Eebbe inaga reebay, ciddii ku kacdana uu cinqaab ifka ah iyo aakhiroba ugu goodiyay.

Waa run oo soomaalidii hore dhaca geela iyo dagaalada beelaha kama caaganayn, balse sida ay maanta talo faraha uga baxday oo ay xumaanta iyo samaantu inoogu sinmeen ma aanay gaadhsiinayn ee waxaa jiray waxyaabo ay ka sariigan jireen oo qofkii ama kooxdii samaysa ku dhaleecayn jireen, eel aanfo aan laga waaqsanna ugu dardaar warin jireen.

Sido kale waxay lahaayeen xeer-beegti xaajo aqoonnimo iyo xeel-dheeri ku suntan iyo guurti geed joog ah oo gar-soor quman wax kula saara, ciddii gaf lagu helona  si feecan u yakeeya, xeer maantaa wixii ka dambeeya lagu caano maalo ebyi jiray.

Ugub iyo curud ayay xaajada loo keeno u kala saari jireen, ka dibna ma dhaqan baa mase waa dhur, hadday dhur tahay ma diyaa mase? waa daqar hadday dhaqan tahayna ma xilaa mase waa xoolo ayay is haybin jireen si ay u hubsadaan in garta ay u fadhiyaan mid la cayn ihi ay hore u dhacday iyo inay tahay mid cusub oo aan ayadoo kale waqeed la arag,  lana maqal.

In kastoo ay qaar madax adayg iyo macangagnimo ku tilmaanaa iska jiraan haddana bulshadii waagaasi waxay ahaayeen dad jid iyo  jiho leh oo aan talada gar caddaaga iyo go’aanka guurtiga hadal ka soo celin, dambiilahana aan u garaabin si maanta dhacda oo dhammaanteen marqaatiga u nahay.

Aynigaa waxaa ka dambeeyay dar xumaanta iyo xaq-darrada isugu hiilliya,gacan ku dhiigle  tolnimo lagu garab siiyo, burcad beelnimo lagu difaaco, gar leexsan oo odayadii furdaamin lahaa la laaluushay, dagaal ooge marasta laaya oo halyay loo yaqaanno, hooyo ama aabbe aan carruurtooda ka adkayn oo dhibkii ay gaystaan oon lagala hadli karin, bililiqo iyo boob cad oo aan butuli laga odhan karin, fal guracan oo ay koox dhami ku kacayso oo aanay isku ceebinayn, wadaado waanadii gabay iyo wax sheeg lagu dhiiran waayay.

Gabood-falku moogan wuxuu marayaa inay samaysmeen guuto abaabulan oo “ciyaal weero” la magac baxay, kuwaasoo hadh iyo habeen u tafaxaydan dhaca, dilka bulshada soomaaliyeed, kufsiga iyo waxyeelaynta bir-magaydadana caadaystay oo ay dhallinyaro iyo waayeelba qadyaan laga wada taagan yahay, qeybo badanoo magaalada ka midana in dartood looga qaxo qarka loo saran yahay.

Dhibaatada joogtada ah ee ay bulshada ku hayaan ayaa ciidan iyo cuqaalba loo wada caal waayay, markastoo lays ku dayo in tallaabo laga qaadona waxaa ku gudban waalidiin aan lurka iyo anafada ay dadka u gaysanayaani u muuqan oo ku doodaya inay carruurtoodu sama-wadayaal iyo suubanaal afkooda iyo adinkooba laga nabad-galo yihiin oo lagu gafay.

Sido kale waxaa hiil hayb iyo tolnino ku salaysan la garab taagan siyaasiyiin xasaanad iyo magac dowladnimo human iyo odayaal sal-dhigyada kaga daba taga oo ayagoon waxyeelada baaxadda leh ee ay bulshada ku hayaan u meel dayin sidii ay saraakiisha soo xirtay gacmahooda uga furdaamin lahaayeen u tafa-xayta

Ta la yaabka leh oo maanka wax-garad wareerisay ayaa ah inay odayaasha iyo hooyooyinka si ay carruurtooda uga soo daayaan sal-dhigyada u hor tubani ayaga qudhoodu dhibaatada ciyaal weerada si joogto ah uga soo cowdaan, hayeeshee falalka  ay ubadkoodu gaystaan aanay dooc iyo dareen toona u lahayn”hashu ayadaa geela cunaysa cabaadaysana” ayaan maqli jiray.

Haddaba sidee arrintan wax looga qaban karaa? Waa maan-gal inaad weydiintan war-celinno badan u hayso, balse  ta qoraa ahaan kula wadaagayaahi waa inay bulshadu isku xil-saaraan inay inta ay ayaga kaga aadan hagaajiyaan tusaale waalid waliba waa inuu carruurtiisa ka adkaado oo dhibaatada ay dadka kale ku hayaan ka reebo, wixii uu u taag waayona uu ciidamada u soo gudbiyo.

WQ: Abwaan Hareeri 

 

WED BAA IDIN SUGAYEE WANAAGGA KU DADAALA

Amminta aradka lagu noolaanayaa waa dharaaro kooban, inta xabaasha lagu jirayaahi waa ammin dheer oo kumanaan gu’ gaadha inkastoo ay imminka joogidda ifku gabangabo ku dhawdahay, waa Aakhirona waa ma dhammaato oo lagama geeriyoodo, lagama gaboobo.

Jiritaanka nooluhu waa 4 heer oo kala ah uurka hooyada, aduunka, dalluunta ama barsaqa, iyo janno iyo naar midduu qofka ayaankiisu ku duwo oo ah halka ugu dambeysa oo lagu waari doono.

4-taa hal midoo kamid ah ayaa kanshe Laynoo siiyay inaanu shaqaysanno oo lama dhaafaanka Eebbe  ina faray gudanno,samo-falka iyo tabacu waa inoo ekoonyahay, waana ifka oo intaanu joogno oo aanu wanaag iyo xumaanba dhitaysan karo.

Haddaba waxaa habboon inaanu maalmahan yaroo aanu joogno dunida ka sahay qaadanno  oo aanu wax kastoo Raalli-gelinaya ku dadaalno, gefafka iyo falalka gurracanoo hadhowto beegga xumaanta inagu kordhin doonana ka feejignaano.

Foog walboo aanu soo toosno waxaa feecan inaanu go’aan ku gaadhno inaanu dharaartaas oo dhan wax togan oo wax inoo taraya isku howlno, tillaabooyinka aayo-xumada horseedana ka dhowrsanno oo goortaa gudbaysa aanu samaan ku sagootinno, falkasoo sirgicanna ka sariigganno.

Waxyaabaha halista ah oo aanu sida maalin lahaa  u samayno waxaa kamida: xanta, beenta, qiyaanada, isku dirka, qooraansiga dadka aan eegisdoodu banaanayn lab iyo dhedig kay rabaanba ha ahaadeene, caay iyo nabidda, salaada oo xilligooda la dhaafiyo, waxyaaba aanu cunayno oo aynaan xalaal ahaantooda u meel dayin, faafinta sirta qof inagu kalsoon, iwm.

Intaasoo dhami waa gefaf haddii aynu ka hakoon wayno nolosheenna iyo anshexeenaba burburin doona oo meel xun gaadhsiin doona, Aakhirona culeyska falalka taban inagu badan doona oo dhibaato baaxad leh inagu noqan doona.

Waa tii laga mahmaahayoo wixii tagey tiigsi malaha, balse aanu timaada hagaagsanno oo hab-dhaqankeena tifaf-tirno, falalkeena wixii wanaagsan ku jaan-goyno, wixii iska ku tiri ku teen ah oo aan dheef lahaynna iska dayno.

WQ: Abwaan Hareeri 

 

SOONKU WAA SAHEYDA NAFTEENA IYO NAXRIIS ALLE

Bisha soon-qaad waa bil ka duwan bilaha kale ee sanadka, waa bishii khayrka, barakada ee dadku ay ka af-xirnyihiin waxyaabo badan oo markii hore u banaanaa, waa Bisha illaahay u danbi dhaafo Addoomahiisa kana xorreeyo caddaabta.

Muslimiinta  mar walba waxay ku farxaan xilliyadda ku suntan cibaaddada iyo xuska illaahay, sidda Bisha Soon iyo dulxija oo kale ee Muslimiintu soo gutaan waajibaadka Xajka.

Waxaa la iskugu hambalyeeyaa Bisha Rammadaan markay soo galayso iyo waqtiga ay bilaabmayso waayo waa bishii Soonka, Salaadda Taraawiixda iyo akhrinta Quraanka kariimka ah. Nabigu salalaahu calayhi wasalam wuu ugu bishaarayn jiray Asxaabtiisa, iyaguna aad bay ugu farxi jireen. Waxay ilaahay waydiisan jireen inuu gaarsiiyo oo uu waafajiyo daacadeeda.

Bilaha sida gaarka ah u fadliga badan marka la gaaro, dadka qaarkood waxay dareemayaan kor u kaca dhanka himiladooda, waxaa kordha jacaylka iyo kalgacalka ay u qabaan markay soo galayso Bisha Ramadaan ee Barakaysan. Waxay sugaan Sannadka oo dhan oo marka ay bisha ramadaan dhammaato waxaa u bilaabma sugitaanka Soonka danbe ee sanadka soo socda, In badan oo dadka ka mid ahna nasiib uma yeeshaan oo xaqa alle ayaa haleela sida inakuba aynaan ogayn inaan gaarayno ama aan dhamaysanayno bishaa barakaysan. Waxay ugu diyaar garoobaan si weyn, una soo dhaweeyaan sida ugu wanaagsan.

Faa’iidooyinka Bisha Ramadaaan.

1-Nafta oo aan ku tababarno Camalka oo aan ilaahay u saafi yeelno oo aan ka barax tirno wax kasta(Ikhlaas)Waayo Soonku waa Cibaado qarsoon, mana aha sida cibaadooyinka kale ee muuqda.

2-waxaa laga bartaa go’aan qaadashada iyo adkaysiga, waxaad ka tagaysaa cunto iyo biyo oo caado inoo ahayd markaa waxyaabo badan baa looga faa’idaysan karaa sidaa mukhaadaraadka iyo Caaddooyinka xun oo la iska joojiyo(Qaadka iyo Sigaarka).

3-Waxaa laga baranayaa Weynida iyo qiimaha ay shareecaddu leedahay ee Casri walba waxii jira ay uga jawaabayso, xalkeedana diinta laga helaayo sida ay Soonkaba uga jawaabtay xaaladaha ku cusub Sida:-dadka qaba xanuunka kelyaha ee loo sameeyo Kelyo Mayrida, ilkaha oo la buuxsho, qaadashada kiniinada si haweenku soonka bisha u dhamaystaan, Safarka diyaaradaha, talaalka, Dhiig shubida, daawadda dadka xanuunada neef mareenka qabba,I.W.M. Iyaddoo dhammaantood loo helaayo daliil, ama qiyaas, taasinna waxay si balaaran u caddaynaysaa in shareecadu waqti walba la socon karto.

4-Cibaadooyinka kala duwan ee ku dhex jira bisha ramadaan waa fursad wanaagsan, taasoo keenaysa inay dadku jeclaadaan sunnayaasha oo ay bartaan noloshooda oo dhanna ay joogteeyaan.

Salaada Taraawiixda: Sharafta salaatul laylku leeyahay iyo khushuucdiisa qiimaha uu leeyahay.

Akhrinta Quraanka: Rammadaan ka dib joogtaynta quraan akhriska,  Bisha ramadaan baa loogu quraan akhrin badan yahay maadaama ay tahay bishii Quraanka.

Saddaqada: dad badan aya Sadaqada bixiya bisha ramadaan.

Ictikaafka: Fadhiga waqtiyada qaarkood masaajidada iyo in salaadaha dhexdooda la iskaga cibaadaysto.

Soonka: Sunayaasha soonka oo ku jira sanadka oo dhan dhexdiisa.

Masaajidada: Diyaarintooda bisha soon sida ranjiyaynta, nadaafada iyo udgoonaynta oo jawiga cibaadada wanaajisa. Sannadkoo dhan in sidaa looga shaqeeyo waxayna dhiiri galin u tahay cibaadada.

5-Toobadda: in illahay loo soo noqdo iyo in addoomuhu baadi-goobaan naxariista illaahay iyo deeqdiisa balaaran, mallahana la wanaajiyo iyo rajada laga qabo danbi-dhaafka alleh.

6- In laga digtoonaado Caajiska tobanka danbe ee ramadaan, bilawga farxad iyo awood badan baa la hayaa laakiin tobanka dhexe waxaa la yara dareemaa daal ilaa tobanka danbe caajis iyo culays yimaado waxaana lagaga gudbi karaa khayrka ku jira tobanka danbe oo la xasuusnaado.

7-Ducadda: Ugu danbayn in aad loo ducaysto Maalmaha Ramadaanta, gaar ahaan wakhtiga lagu jiro, Cibaadooyinka Soonka, Salaada iyo Quraan akhrinta, oo ah wakhti ay illaahay u dhaw yihiin. Waa waqti ku haboon in Ummadda Muslimiintana loo duceeyo iyadoo ducada laga bilaabayo Naftaada,Waalidiitaada, Ubadkaaga, illaa Guud ahaan Muslimiinta oo dhan.

WD: Ibrahim Warsame

 

 

HIJRIYADII SAXAABADA IYO SOO DHAWEYNTII BOQOR NAJAASHIGII XABASHA (QEYBTII 2-AAD)

Wadaaddadii way oggolaadeen codsigoodii oo waxay yiraahdeen “waa yahay”. Ummu Salama ayaa markale tiri, waxay Camar iyo saaxiibkiisii aad u dhibsanayeen inuu boqorka Najaashi uu u yeero mid innaga naga mid ah oo uu hadalkiisa u dhagaysto.

Intaa dabadeed waxay Camar iyo ninkii la socday ay u yimaadeen Najaashi, iyagoo ku wareejiyay haddiyadihii ay ugu talagaleen, waxayna ku yiraahdeen hadalladan “boqorow waxaa boqortooyadaada soo magan galay qaar ka mid ah dhalinyaradeena kuwadooda shar-wadayaasha ah.

waxay la yimaadeen diin aanan innaga iyo aabayaasheenaba aqoonin, way ka baxeen diinteennii oo mana aynan qaadeen diintiinii, innaga waxaa na soo diray tolka ay iyaga ka dhasheen ugaasyadooda oo ay ka mid yihiin aabayaashoodii, adeeradooda iyo kuwa ay qaraabada yihiin si aan iyaga gacanta ugu gelino, fitnada iyo dhibaatada ay abuureena iyaga (ugaasyadaas) ayaa naga badiya”.

Boqorkii wuxuu jaleecay wadaaddadiisii, waxayna iyagoo hadalkii u riyaaqsan yiraahdeen “run bay sheegeen -boqorow-, tolkooda ayaa naga badiya, ee iyaga dib ugu celi iyagay jirtaa waxay ka yeelayaan”.

Boqorkii Najaashi oo aad uga carooday hadalkii wadaaddadii ka soo yeeray ayaa ku yiri “Maya wallaahi, marnaba lagama yaabo inaan dadkaas dalkooda dib ugu musaafuriyo jeer aan u yeero oo aan waxa uga weydiiyo waxa laga sheegayo, haddii labadaas nin waxay ka sheegeen ay sax noqoto iyagaan gacanta u gelinayaa, hase ahaatee waxa laga sheegayo waxaan ahayn hadday soo baxaan waan magangalinayaa oo waan wanaajin doonaa inta ay ila joogaan”.

Markale Ummu Salama waxay tiri “intaa kadib wuxuu boqorkii Najaashi naga codsaday inaan la kulanno. Kahor la kulanka boqorka ayaa innaga dhexdeennii is aragnay, qaarkeen ayaa qaarka kale ku yiri “boqorka ayaa su’aal idinka weydiin doona diinteena ee aynu si cad ugu sheegno diinta aan rumeysanahay, waana inuu noo hadlaa Jacfar Bin Abii Dhaalib, yuusan hadlin qof kale oo aan isaga ahayn”.

Ummu Salama oo sii wadata hadalka misna waxay tiri “waxaan durbadiiba u dareernay boqorkii Najaashi, markaan soo gaarnay goobtii kulanka waxaan aragnay boqorkii oo ay weheliyaan wadaaddadiisii oo ay ka fadhiyaan dhinacyada midigta iyo bidixda, waxay soo gashadeen dhar khaas ah, kutubadoodii ayay is hor-dhigeen, waxaa sidoo kale goobtii kulanka fadhiyay Ergadii qureysh ee Camar Bin Caas iyo Cabdillaahi Binu Abii Rabiica.

Boqorkii ayaa xaggeenii soo eegay, wuxuuna nagu yiri: waa maxay diinta aad nagu soo kordhiseen oo aad awgeed uga baxdeen diintii ay tolkiinii haysteen, isla mar ahaantaana aynan u qaadanin diinteena iyo mid kale-toona?.

Jacfar oo su’aashaas ka jawaabaya ayaa yiri: boqorow, waxaynu ahayn kuwo jaahili ah, waxaynu caabudi jirnay asnaamta, bakhtigana waynu quudan jirnay, xumaha ayaynu samayn jirnay oo qaraabo-goys ayaynu ahayn, jaarka iyo deriska ayaan dhibaatayn jirnay, keena awoodda leh wuxuu ku tuman jiray kan tabarta daran sidaas ayuu xaalkeena ahaa jeer uu ALLAH (sw) naga soo dhex soo saaro Rasuul aynu naqaano abtirkiisa, runtiisa, amaanadiisa iyo dhowrsanaantiisaba.

 

 

MACALLINKU WAA FURAHA KELIYA EE LAGU FURO MASKAX QAFILAN

Wasaaradda Waxbarashada Dalka ayaa diyarisay macallimiin gaaraya illaa iyo Seddax kun =3000 macallin ah kuwaas oo loo qeybin doono gobollada dalka marka ay dhammaato imtixaanka lagu hubinaayo heerka aqoontooda  waana markii ugu horreysay oo ay wasaaraddu isku daydo in ay soo saarto macallimiin taya sare leh oo  waxbarashada dalka anfaca  waana arrin muhiim ah oo haddii aysan jirin aqoon dalkeennu ma gaarayo horumar waxaana wax horumariya waxbarashada waxaa kale oo wax lagu difaacaa aqoonta ay leeyihiin dadka waddaniga ah ee u dhashay dalka.

Sidoo kale, Macallinku waa furaha  lagu furo maskax kasta oo qufulan  macallinku Waa kan keliya ee loo soo tababaray in uu la dagaallamo jahliga wuxuuna ka soo billaabaa Alif wuxuuna ku ekeeyaa Ya, meesha ugu hooseysa Maskaxda dadka

wuxuuna soo barbaariyaa oo maskaxdoodu bedeelaa arday kolkii hore ay maskaxdoodu madoobeyd ayuu u beddelaa maskax iftiimeysa oo burqaneysa cilmi, wuxuuna had iyo jeer halgan ugu jiraa in uu aqoon siiyo ardayda loo keeno mid yar iyo weyn kana badbaadiyo jahliga iyo cilmi la’aanta dalka.

Dalka soomaaliya wuxuu lahaan jiray wasaarad waxbarasho iyo macallimiin  tayo leh iyo buugaag loogu talagalay in ardayda wax ka bartaan wasaaradduna waxay  laheyd guddoon wax barasho oo u dooda xaquuqda macallinka iyo ardayga.

haddaba diyaarinta macallimiintu waa tallabo horumar leh oo ay wasaaraddu ku tallaabsatay xilligaan la joogana waxaa loo qabay baahi xoog leh macallimiin ku filan waxbarashada dalka, waxaa farxad inoo ah waxbarasho ay dowladdu xukunto oo mideysan magac iyo taya ku leh adduunka waayo waxaa laga aamminay dadka soomalida in ay yihiin dad kasameysan foowdo oo waraaqo been abuur ah iska wata.

guud ahaan dalka soomaaliya waxaa ku yaalla jaamacado iyo dugsiyo sare iyo hoose oo xilligii burburka ay sameeyeen macallimiin is xilqaamay oo jeebkooda isku deyey in ay  dadka waxbaraan waayo xilli kasta oo ay joogaan iyo meel kasta oo ay joogaan way ku guuleysteen in ay arday badan wax baraan laakiin ma jirin dowlad iyo maamul laga dambeeyoo ay ku tiirsan yihiin waxbarashada xaafadaha iyo guryaha ay kireysteen macallimiinta dadaalay oo jeebkooda iska xilqaamay laakiin waxaa guul iyo mahad Alla ah.

haddii maanta wasaaradda waxbarashada ay si toos ah ula wareegeen macallinka iyo waxbarashada waa guul usoo hooyatay ummadda soomaaliyeed.

sidaas awgeed soomaaliyeey hallagu dadaalo aqoonta iyo waxbarashada

meel kasta oo aad joogtaan, ogoow cilmigu waa hoggaanka kaa leexiya ama kaa duwa waddaada xumaanta.

WQ: Abwaan C/salaam Gabayre

WAXTARKA AY LEEDAHEY KHUDAARTA CAGAARAN BISHA RAMADAAN.

Maqaalkaan waxaan uga hadli doonaa oo ku faahfaahin doonaa faa’iidooyinka iyo waxtarka ay inoo leedahay isticmaalka qudrada bisha ramadaan qaar ka mid ah waxaana ka mid ah.

1) Khudaarta cagaaran waxay hodan ku yihiin fiitamiin A – waxay u fiican yihiin dhisida difaaca jirka ee dabiiciga ah, fiitamiin C maqaarka caafimaadka qaba iyo lafaha iyo fitamiin K si ay jirkaaga uga caawiso inuu dhakhso u bogsado markii loo baahdo. Ka sokow fiitamiinadan, khudaarta cagaaran ee quruxda badan ayaa sidoo kale hodan ku ah potassium iyo iron.

2) Waxaa ka buuxa Macdanta Khudaarta cagaaran, gaar ahaan isbinaajka, waxaa lagu yaqaanaa inay ku badan tahay magnesium. Magnesium waa macdan lagama maarmaan u ah joogteynta caafimaadka muruqyada, iyo sidoo kale sameynta lafaha – waxay ka caawineysaa nuugista kalsiyum.

3) Ilaha dabiiciga ah ee Fiber Cagaarka cagaarka ahi waa il macaan oo laga helo fiber dabiici ah, caawisa dheef shiidka iyo gaabinta heerka uu jirkaagu uqabo sonkorta. Tani waxay ka hortageysaa kor u kaca kacsan ee gulukoosta dhiigga.

4) Waxay wanaajisaa dheef-shiid kiimikaadkaaga Sida caleenta, cagaarka cagaaran ee burbursan ayaa ku badan bir iyo fiber, waxay si dabiici ah u wanaajinayaan dheef-shiid kiimikaadkayada waxayna ku sii hayaan wax soo saarka unugyada dhiigaaga casaanka heer caafimaad leh. Markaa saxankaaga kor u qaad!

5) Waxay kaa dhigeysaa inaad dareento mid aad u sii dheer Maaddaama ay ku badan tahay xayrta fiber-ka, cagaarka ayaa ah xalka ugufiican ee calool-xumaanta. Inta badan ee aad wax cuntid, waxay u badan tahay inaad la kulanto junk-ka koobka!

6) Wuxuu Ilaaliyaa Indhahaaga Sida hore loo soo sheegay, Lutein iyo zeaxanthin, midabka dhirta ee laga helo khudaarta cagaaran ee cagaarka ah ayaa la sheegay inay saameyn waxtar leh ku leeyihiin heerarka midabka indhahaaga markay cunayaan ugu yaraan 10mg maalintii.

7) Ilaalinta qoraxda Hadda ha iska tuurin muraayadda qorraxdaada – weli dhihi mayno ‘veg cagaarkaaga’ waa bedel! Si kastaba ha noqotee, waxaa la sheegaa inay kordhineyso difaaca jir ahaaneed ee jirkaaga waxyeelada qorraxda iyo xitaa dayactirka, Thanks to your vitamin khudradda cagaaran, folic acid iyo beta-carotene.

  1. Siin Naftaada Khudaarta cagaaran ee cagaarka ahi waa isha weyn ee folate, tanina waxay gacan ka geysaneysaa wax soo saarka serotonin, waxaad ka heli kartaa niyaddaada kor u qaad!

9) Waxay kuu ilaalinaysaa Biyo la’aan Ugu dambeyntiina, khudradda cagaaran waxay kujiraan biyo fara badan, taas oo macnaheedu yahay ku darista saxankaaga waxay kaa caawineysaa inaad biyo qaboojiso, joogtaynta maqaarkaaga caafimaad iyo timahaaga.

WQ:  Cabdisalaan Sidiiq