Ciidanka Boliiska oo soo bandhigay rag ku eedeysan burcadnimo

-Ciidanka Boliiska Saldhigga degmada Waabari ayaa howlgal ay sameyeen kadib  gacanta kusoo dhigay labo eedaysane oo dhac ka gaysanayey Gudaha degmada Waaberi ee Gobalka Banaadir.

Eedaysanayaasha ayaa mid kamid ah wuxuu ku hubaysnaa bastoolad Caag ah oo uu dadka ku dhacayay, halka kan kalana uu ahaa darawalka Mooto Bajaajka wax lagu dhacayay.

Taliska Qeybta guud ayaa sheegay in eedeysanayaasha la horgeynayo caddaaladda lana marsiinayo waxa sharcigu dhigayo si shacabka kunool Gobolkan Banaadir nabad ugu naaloodaan.

Shacabka Magaalada muqdisho ayaa inta badan ka cawdo kooxa burcad hubeeysan oo dilal iyo dhac u geystay dadka rer muqdisho,iyadoo ay xusid mudantahay in laamaha amniga aniga ay howlgallo ku soo qabteen qaar kamid ah burcada oo la soo qabtay iyagoo ku guda jira falal dhac ay ugu geysanayeen shacabka magaalada Muqdisho

 

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waxaan rajeyneynaa Soomaaliya oo ka xarowday deyn, Al-shabaab iyo xasillooni darro siyaasadeed”

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb-galay Munaasabad Af-fur ah oo lagu maamuusayey sannad-guuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii howlgalkii hore ee AMISOM loo beddelay ATMIS, ayaa uga mahadceliyey dadaalkooda naf-hurnimada ah ee ku aadden nabadeynta iyo xasillinta Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha, oo ka hadlayey horumarka laga gaaray dagaalka dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah, ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay ku guuleystay xoreynta in ka badan 70 magaalo iyo tuulooyin dhaca saddex gobol oo muhiim ah, kuwaas oo hadda xor ah, dowladduna ay ka hirgelinayso adeegyadii aasaasiga ahaa ee bulshada.

“Waxaan rajeyneynaa in aan aragno Soomaaliya cusub mustqablka dhow, Soomaaliya ka xarowday deyn, Al-Shabaab iyo xasillooni darro siyaasadeed. Waxaana ku han-weynahay xaqiijinta taageero aan ku hiigsanno himilooyinkeenna istiraatijiga ah”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Xukuumadda DanQaran oo dagaalka Argagixisada ku wajahday dagaal saddex Jiho ah oo muhiim ah, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu tilmaamay in ay horseedday jab-xoog leh. Waxa uu intaa raaciyay in waddamada dariska ah ay diyaar u yihiin in ay ku soo biiraan howlgalka ciribtirka Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in Xukuumaddiisu ay sii wadi doonto wada-shaqeynta dhow ee ay la leedahay ATMIS iyo saaxiibada Caalamka, si loo xaqiijiyo Soomaaliya horumar iyo xasillooni ku naaloota.

      

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo magacaabay ergayga arrimaha Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed Ergayga arimaha Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Dowlada Federaalka ay ka go’an tahay xaqiijinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo gaarana ay u baahan tahay talo wadaag, is dhageysi, wadahadal iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira ee ay qabaan walaalaheenna ku nool Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Mudane Cabdikariim Xuseen guuleed ayaa khibrad wanaagsan u leh arrimaha dib u heshiisiinta, xallinta khilaafaadka iyo marxaladihii kala duwanaa oo ay soo mareen wadahadallada Dowlad Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si deg deg u faray Ergayga in uu diiradda saaro sidii loo ambaqaadi lahaa wadahadallada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo qaadanayaa doorkiisa hoggaamineed ee ku saleysan xal u helidda caqabadaha ku gedaaman wadahallada.

Xubno ka tirsana Khawaarijta oo isku dhiibay Ciidanka Galmudug

Labo xubnood oo ka tirsan khawaarijta ayaa isu soo dhiibay ciidmada Daraawiishta Galmudug ee ku sugan magaalada Bacadweyne ee koonfurta gobolka Mudug.

Labada xubnood ayaa kala ah Bishaar Shardi Maxamed oo afgarashadiisu tahay Xasey iyo Yuusuf Suleymaan Abuukar Jiirow
oo afgarashadiisu tahay Salaaxudiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay ergayga gaarka ee xasillinta iyo Ilaalinta rayidka ee goobaha dagaalada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u magacaabay mudane Maxamed Cabdi Waare ergayga gaarka ah ee u qaabilsan xasillinta iyo Ilaalinta arrimaha rayidka ee goobaha dagaallada.

Madaxweynaha oo mudnaanta 1-aad siinaya qorshihiisa xakameynta qasaaraha rayidka si aysan waxyeello uga soo gaarin dadka shacabka ah ee ku sugan goobaha ay ka socdaan howlgallada dalka looga sifeynayo argagixisada Al-shabaab ayaa qeybaha kala duwan ee talisyada ciidamada qalabka sida ku adkeeyey in ay si dhow ula shaqeeyaan ergayga gaarka ah ee xasillinta iyo Ilaalinta arrimaha rayidka

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay Ergayga gaarka ah ee xasillinta iyo Ilaalinta arrimaha rayidka mudane Maxamed Cabdi Waare in uu xaqiijiyo gudashada waajibaadkiisa Qaran, si looga fogaado in dhibaato ay soo gaarto dadka Soomaaliyeed xilliyada dagaallada, isagoo ku booriyey in uu ka shaqeeyo sidii ay deegaannada laga xoreeyey argagixisada u heli lahaayeen maamul, xasillooni iyo adeegyo bulsho oo dhammeystirin.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya HE. Dr. Ali Haji Adam, ayaa maanta Xafiiska ku qaabilay Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee SMA.

Wasiirka Caafimaadka ayaa warbixin iyo tallooyin ka dhageystay Ururka SMA waxayna sidoo kale ka wada hadleen iskaashiga horumarinta Caafimaadka guud ee dalka iyo ka qeyb qaadashada arrimaha EMERGENCY-ga, si loo gaaro hiigsiga dhow ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee ku aadan ballaarinta iyo tayaynta Caafimaadka Dalkeena. si loo xaqiijiyo yoolka Dowladda ee horumarinta guud ee Caafimaadka Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay dedaal dheer ugu jirtaa hellitaanka Caafimaad tayo leh oo uu hello Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, iyadoo qorshuhu yahay in Wasaaraddu gaarsiiso Caafimaad tayo leh goob kasta oo ka mid ah dalkeena si loo hello Bulsho bedqabto Caafimaad ahaan.

 

Dowladda Soomaaliya oo gargaar gaarsiiyay magaalada Masagawaa oo dhowaan laga xorreeyay Khawaarijta

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA ayaa Maanta Boqolaal Shacab ah waxa ay Gargaar ugu qeybisay magaalada Masagawaa ee Gobolka Galgaduud oo bilooyin ka hor laga xoreeyey Khawaarijta Al-shabaab.

Waxaa lagu guda jiraa Bisha Barakaysan ee Ramadaan, waxayna Hay’addu bilowday in shacabka ku nool deeganada khawaarijta laga saaray ay gaarsiiso gargaar, si looga caawiyo afurka.

  

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo la kulmay safiirka Imaaraadka carabta

Muqdisho. Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Mudane Ahmed Jumah Alromaith.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

Dowladda Federaalka waxaa ka go’an adkeynta xiriirka iyo wax wadaqabsiga kala dhexeeya Dowladda Imaaraadka Carabta iyo dalalka kale ee daneeya xasilloonida iyo nabadda Soomaaliya.

 

5-dhibaato oo Khawaarijta ay ku haayaan dadka ku nool deegaannada fara ku tiriska ee ay ku harsan yihiin: (Warbixin)

Muqdisho :- Tan iyo soo ifabixii Khawaarijta Al-shabaab waxay hareeraha ku wateen dhibaatooyinka ay u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed.

Haddaba waxaan si gaar ah u iftiimin doonaa shan dhibaato oo  argagixisada ku hayaan dadka ku sugan deegaannada fara ku tiriska ee ay Khawaarijtu ku harsan tahay.

1. Dadku waxay u diideen in ay sameystaan goobo waxbarasho, halagu barto Diin ama mid Maadi ah, taas bedelkeedana waxay u sameeyeen goobo waxbarashO oo iyagu ay maamulaan.

Waxay carruurtu ku baraan fikrado guracan oo ay ka keeneen dalal kale, taasi ayaana waalidiin badan ku qasabtay in ay carruurtooda kala soo hayaamaan deegaannada Khawaarijta halka kuwo kale wali hardanka ay ku jiraan. Sidoo kale, ma jiraan cisbitaalo iyo goobo kale oo dadweyne.

2. Waxay curyaamiyeen iyo beerashada dalaga, iyagoo lacago xad dhaaf ah dul dhigay labadaas, tallaabadaas beeralley badan ayay ku qasabtay in ay xeryaha qaxootiga bidaan.

3. Sameynta baro-bagaando oo ay dadka ku qaldayaan uguna diidayaan in ay ku dhageystaan fikrado ka duwan kuwa horjoogayaashooda.

4. Waxay deegaannada ay ku sugan yihiin ka sameeyeen in ay dadka u diidaan dhageysiga Idaacadaha, isticmaalka Internetka, adeegsiga taleefoonada waa weyn ee wax sawira ama wax duuba.

5- Dhallinyarada ku nool deegaannada ay ku sugan yihin Khawaarijta waa dhib u joogayaal, kuwaas oo iyagoo ka fikir duwan argagixisada ama labo-labo ama koox koox u sheekeysanayo la arko waa hal arrin taas oo ah in qod aan iyagu ku fikir ahayn uu san ku dhex noolaan.

Waxaa jira dad badan oo Bulshada qeybaheeda ah, kuwaas oo isaga soo cararay halkii ay degganaayeen sababtuna ay tahay dhibka ay ku hayaan Khawaarijta markii ay u adkeysan waayeen.

Alle mahadii, ciidanka qaranka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa ku guuleystay in ay kooxda Khawaarijta ka xoreeyaan deegaanno badan oo hadda shacabka nabad iyo horumar ay ku nool yihiin.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo kormeer shaqo ku tegey Laanta Miino-baarista Booliiska (MBB)

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, S/guuto Sulub Axmed Firin, ayaa kormeeray Xarunta Laanta Miino-baarista Booliiska (MBB), halkaas oo uu taliyahu kula kulmay hoggaanka xaruntaas.

Taliyaha ayaa indho-indheeyay dhisme ka socda xarunta,isagoo sidoo kale, ciidanka faray dar-dargelinta howlaha amniga.

Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa wado dadaalo kor loogu qaadayo sugida amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka.