Goobaha Khawaarijtu ku harsan tahay wali waxaa ka jira dhaqankii xumaa ee “Memoriga biyo ku laq.”

Sanado badan war iyo wacaal midna uma haynin waxa ka socda dunida, Bulshada Aadan-Yabaal iyo deegaannada kale ee kooxda Khawaarijta ah laga xoreeyay iyo kuwa fara ku tiriska ah ee hadda ay joogaan.

Khawaarijtu waxay deegaannada ay xukumaan ka mamnuuceen taleefanada casriga ah,sidoo kale, waxay ka xireen shirkadaha isgaarsiinta adeega internetka. Bulshada magaalooyinkaasina waa ay ku adkeyd in ay la socdaan waxa dunida ka jira.

“ Inta aan jiro oo aan noolaa ma arkin telefoon weyn oo leh shaashado, intaan joognay waxaan maqli jirnay internet ayaa la galaa, waxbaa la dhageystaa, intaas waligey ma arkin,” ayuu yiri Axmed Maxamed oo ka mid ah dhallinyarada degmada Aadan-Yabaal.

Axmed Maxamed waxa uu ka mid yahay dhalinyarada kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab ay dhowr jeer ku dhibaateeyeen isticmaalka meemoriga taleefoonka. Waxa uu ka sheekeynayaa Axmed gabood-faladii Khaawrijtu ay u geysteen intii uu ku noolaa degmada.

“ Meemoriga aan haysano inta ay naga jabshaan ayay laq na dhahayeen, hadda qof kasta oo meeshaan joogo maanta caloosheeda waxaa laga yaabaa in boqol meemori laga helaayo oo nimankaas cun siiyeen,meemoriga adigoo iska dhageysanaayo haddii xitaa uu kugu jiro Qur’aan ama wax kale wey kaa qaadayaan oo kaa jabinayaan, haddana inta ay labo u kala jabiyaan ayay inta ay biyo kuu keennaan waxay ku leeyihiin laq meemorigan oo adigoo lacag ka soo bixiyay,dhibaato badan ayaa ku qabnay intaan degmadan joognay,”

Axmed hadda noloshiisa sidii hore waa ay ka beddelan tahay, waxaana adeegyada internetka u isticmaalaa si caadi ah. Internetka magaalada waa mid xawaare sare leh oo markii ay dowladda timid loo soo daayay iyo deegaannada kale ee laga xoreeyay Khawaarijta.

“ Haddii Dowladdii timid, maalintii nimankan naga tageen, maalintaa ayaa taleefan weyn oo qof sidato taleefoonada waa weyn ah noogu horeysay aragooda,” .

Si Bulshada u indho tiraan, Khawaarijtu waxay qaadeen tallaabo fool xun oo ay meelaha qaar ay kaga bur buriyeen xarumahii isgaarsiinta, halkaas oo ay markii dambe gudaha u galeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka dibna loo soo celiyay shirkadii isgaarsiinta. Shacabkana ku diirsadeen.

Khawaarijta Al-shabaab ayaa dhibaato xooggan ku haysay shacabka ku nool deegaannada ay ku sugnaayeen, waxaana hadda taas beddelay oo lagu diirsaday howlgallada wadajirka ah ay qaadeen ciidanka qaranka iyo dadka deegaanka oo deegaanno badan looga xoreeyay argagixisada Al-shabaab.

 

HIJRIYADII SAXAABADA IYO SOO DHAWEYNTII BOQOR NAJAASHIGII XABASHA (QEYBTII 4-AAD)

Aayadihii saameeyay boqorka Najaashi

Ummu Salama Waxay tiri “boqorkii Najaashi wuxuu jaleecay oo eegay Jacfar Bin Abii Dhaalib, wuxuuna ku yiri ma jiraan wax tilmaamaya wixii uu Nebigiina kala yimid xagga Allaah, wuxuuna Jacfar yiri HAA, dabadeedna wuxuu boqorkii ku dul aqriyay suuradda Maryama “kaaf-haa-yaa-cayn-saad- (Allaah ayaa og macnaha xuruufahaan), waa sheegid naxariista Rabbigaa u sheegayo addoonkiisa Zakariya, mar uu u dhawaaqayay Rabbigiisa dhawaaq qarsoodi ah, yirina Rabbiyow annigu waan tabar-yaraaday, madaxayguna wuxuu la huray cirro, mana ahayn –Rabbiyoow- baryadaada mid ku khasaara….”,

wuu waday jeer uu Jacfar ka dhammeeyay dhammaan suuraddii Maryama oo ka kooban 98 aayadood. Waxay markale Ummu Salama tiri “waxaa ooyay boqorkii Najaashi, ilmadii ka soo daadanaysay ayaa garkiisii oo dhan qoysay, wadaaddadiisiina way ooyeen markii ay maqleen aayadihii xaqa ahaa ee laabtoodii gilgilay, kadibna wuxuu boqorkii nagu yiri diintii lagu soo dejiyay Nebigiina iyo diinta lagu soo diray Nebi Ciise waxay ka yimaadeen hal meel, intaa dabadeed wuxuu eegay Camar iyo saaxiibkiisa wuxuuna ku yiri “iska taga, wallaahi ayaan ku dhaartaye inaanan (kuwan) gacanta idiin gelinaynin”.

Hagardaamo kale ayaa lala damcay

Ummu Salama waxay tiri, markii aan ka dhaqaaqnay fadhigii boqorka Najaashi waxaa na handdaday oo noo gooddiyay Camar Bin Caas, wuxuuna saaxiibkiis ku yiri, waxaan berito u tagayaa boqorka annigoo u sheegi doono hadal boqorka ku abuura inuu idin caroodo. Cabdullaahi Binu Abii Rabiica ayaa ku yiri Camar: ha samaynin sidaas, inkastoo ay na khilaafeen haddana waa xigtadeenii. Camar ayaa markale ugu jawaabay adiga faraha iga qaad, wallaahi inaan boqorka u sheegi doono inay Nebi Ciise ka aaminsan yihiin inuu yahay addoon. Maalintii danbe markii la gaaray ayaa Camar wuxuu u galay boqorkii Najaashi, wuxuuna ku yiri boqorow kuwan aad magangalyada siisay waxay ku sheegayaan Ciise Ina Maryama hadal aad u weyn, sidaas darteed intaad u yeertid waxaad weydiisaa waxa ay Ciise ka aaminsan yihiin. Waxay tiri Ummu Salama, markaan arrinkaas ogaannay waxaa nagu soo kordhay murugo iyo tiiraanyo aanan horey noo qabsan, waxaynu is niri, hadduu boqorka wax naga su’aalo Nebi Ciise (cs) maxaynu niraahnaa??. Waxaan isla garanay inay habboon tahay inaan su’aashaas aan uga jawaabno oraahdii uu Allaah ka yiri Ciise, innagoo wax kale aanan ku siyaadinin, dabadeedna wixii markaas kadib dhacayo ha dhaceen. Waxaan markale isla garannay inuu noo hadlo Jacfar Bin Abii Dhaalib. Markaan hor nimid boqorkii Najaashi, wuxuu na weydiiyay waxa aan ka aaminsannahay Ciise Ina Maryam, wuxuuna Jacfar ku yiri boqorka “Nebi Ciise waxaan ka leenahay oo keliya waa wixii uu nooga waramay Nebigeena Muxammad (scw)”. Boqorkii ayaa raaciyay su’aashaan “waa maxay waxaasi??”.

 

Sanbuuska iyo soonka

Soomaalida ayaa badankooda ku howllan sameynta sanbuuska oo ka mid ah cuntooyinka fudud ee lagu afuro, waa shey sameyskiisa laga maro dhibaato badan, inta badana hablaha ayaa isku howla sameyskiisa, waxaana la geliyaa wakhti badan, iyadoo laga sameeyo waxyaabo badan loo laysku laray.

 

Ma ahan cunto laga dhergo balse waa cunto aad u macaan oo ka mid ah cuntooyinka loo garan ogyahay faakiheysiga, taasoo lagu madadaalan karo xilliyadda qaar sida casarka oo casariyo ahaan loo cuni karo, ama loo aadi karo meheradaha biibitooyinka ah.

 

Haddaba muxuu u dhimmaa caafimaadka haddii lagu afuro?

 

Dhakhaatiirka qaar ayaa qabo in uu wanaahsaneyn in lagu afuro sanbuuska taasoo ay la xiriiriyeen in uu leeyahay waxyaaba caafimaadka aanan u wanaagsaneyn, oo uu keeni karayo cudurka ay Soomaalida u taqaano gaaska.

 

Waxyaabaha uu ka sameynsanyahay ayaana keeni karo cudurkaas, oo ay ka midyihiin basasha oo ugu badan waxa uur ku jirtiisa ku jira iyo basbaaska oo lagu macaaneeyo si uu u yeesho dhadhan wanaagsan.

Culimada qaar ayaa qabo in aanan lagu afur sanbuuska oo uu keeni karo caafimaad darro, halka qaarna ay qabaan in aanan haweenka lagu dhibin maadaama uu leeyahay dhib badan markii la sameynayo, oo aanan gabadhaha sooman lagu khasbin.

Waxaa kaloo jira sanbuus suuqa lagu iibiyo oo inta badan bidka iyo xasadaha ku dhacaan kaasoo ay bakteeriyada ku badn tahay oo caafimaadkaaga waxyeeli kara, dhakhaadiirta aad ayey ugu digeen in lagu afuro, iyadoo ay calooshaada maanta dhan ay marneyd ku dhawaad 13saacaddood haddane ma xamili karto in aad cunto, cunta aysan qaadan Karin oo halis gelin karta naftaada sida sanbuuka saliida,basbaaska iyo basasha leh.

 

W/Q CABDIWELI DALJIR

 

WAQTIGA IYO MASAAFADU MA KALA GOOYAAN SAAXIIBADA DHABTA AH SIDA SHIINAHA IYO SOOMAALIYA

Konton sanno ka hor maanta oo kale, dalka Shiinuhu waxa uu dib u soo ceshaday booskiisii xaqa ahaa ee Qaramada Midoobay.Soomaalidu waxa ay ugu farxeen sida shacabka Shiinaha oo kale, waayo Soomaaliya waxay ka mid ahayd 23-ka dal Shirweynaha Guud ee Qaramada Midoobay u gudbiyay Qaraar lagu taageerayo Shiinaha, waxayna hore Golaha ugu gudbisay labo codsi oo ay ku garab-siinayso dalka Shiinaha. Sidoo kale, Soomaaliya waxay ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyay Afrikaan ah  iyo  Muslimka ah ee taageerada u muujiyay Shiinaha xilligaas. Guddoomiye Mao Zedong ayaa yiri, “Walaalaha reer Afrikaan ah ayaa Shiinaha dib ugu celiyay Qaramada Midoobay.” Sidaasi darteed, Soomaaliya waa walaal iyo saaxiib wanaagsan oo uu dalka Shiinuhu leeyahay.

Kow iyo lixdan sanno ka hor, Soomaaliya isla markii ay heshay madax-bannaanida waxa ay xiriir diblomaasiyadeed la yagleeshay Shiinaha, taasi oo Soomaaliya ka dhigaysa dalkii ugu horreeyay Bariga Afrika ee xiriir diblomaasiyadeed la yeesha Shiinaha.

Muddo 600 oo sanno ka hor ah, bad-mareenkii Shiinaha ee Zheng ayaa yimid Muqdisho, caasimadda Soomaaliya ee hadda. Boqolaal sanno ka hor, qoraallada taariikheed waxa ay muujinayaan in labada dhinac ay ganacsi isweydaarsan jireen, gaar ahaan wakhtigii boqortooyada Tang (618 ilaa 907 A.D.).  Dunidu way isbedeshaa waqti ka dib.Sidaas oo ay tahay, xiriirka soo jireenka ah ee Shiinaha iyo Soomaaliya waxa uu noqday mid aanay saamayn wakhtiga iyo masaafada. Soomaaliya waxa ay ku taallaa Geeska Afrika iyada oo kumannaan mayl ah ka durugsan Shiinaha oo ku yaalla Bariga Aasiya. Shiinaha iyo Soomaaliyaba waxa ay leeyihiin taariikh fog, waxayna wadagaan duruufo adag oo labadoodaba soo waajahay wakhtiyadii dambe.Dadka Shiinaha, sida Soomaalida oo kale, waa dad hawlkar ah, geesiyaal ah, adkaysi badan isla markaana qalbi wanaagsan, labada dalna waxa ay ka siman yihiin dareenka xooggan ee dal jacaylka ku suntan. Arrimahan ay isaga midka yihiin labada dal ee kala fog waxa ay muujinayaan sidii inay deris is yaqaanna. Sida gabay uu tiriyay abwaan reer Shiine ah ku xusan, “Masaafada dheer ee u dhexaysa saaxiibbada dhabta ahi ma kala goyso”.

Shiinaha iyo Soomaaliyada waxa ay si adag u ilaaliyaan nidaamka caalamiga ah ee Qaramada Midoobay saldhigga u yahay iyo sidoo kale kala-dambaynta caalamiga ah ee ku salaysan sharciga caalamiga ah. Labada dalka waxa ay qiimeeyaan madaxbannaanida qaran iyo midda dhuleed, waxa ayna iska diidaan faragelinta dibadeed ee arrimahooda gudaha. Labada dhinac waxa ay sidoo kale ilaaliyaan sinnaanta, waxa ay u doodaan caddaaladda, iyaga oo isku garab siiya danaha udub-dhexaadka ah ee u dhexeeya iyo arrimaha waaweyn ee tabanaya labada dal.  Soomaaliya waxa ay si adag u taageertaa Siyaasadda Midnimada Shiinaha, Shiinuhuna waxa uu si taas lamid ah u ilaaliyaa xuquuqda sharciga ah iyo danaha Soomaaliya iyo dalalka kale ee soo koraya.

Dib ugu laabashada Shiinaha ee Qaramada Midoobay waxa ay la macno tahay in dalalka soo koroya ay markii ugu horraysay cod iyo awoodba ku yeesheen xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Sannadkan, Madaxweyne Farmaajo qoraalkii hambalyada ahaa ee uu u diray Madaxweyne Xi Jinping waxa uu Shiinaha ugu hambalyeeyay sannad-guurada aasaaska Xisbiga Shuuciga ee Shiinaha iyo Maalinta Qaran ee Shiinaha. Waxa uu bogaadiyay horumarka ballaaran ee Shiinuhu ku tallaabsaday iyo doorka ay ka qaateen ilbaxnimada siyaasadeed ee aadanaha. Waxa uu sheegay in Soomaaliya weligeed ay ahaanayso saaxiib uu Shiinuhu leeyahay. Madaxweyne Xi Jinping ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya hambalyada diirran ee uu soo diray.

Bishi Sebtembar, Madaxweyne Xi Jinping waxa uu khudbad muhiim ah ka jeediyay meertada 76aad ee Shirweynaha Guud ee Qaramada Midoobay oo uu qaab muuqaal ahaan ah uga qayb-galay. Waxa uu soo jeediyay “Hindise Caalami ah oo Horumarineed”, isaga oo hoosta ka xarriiqay in dhammaanteen aan u baahannahay in mudnaanta koowaad aan siinno horumarka iyada oo aan dal iyo dad toonna meel cidlo ah lagaga tegayn, lana raacayo nidaam horumarineed oo ay dadku laf-dhabar u yihiin.

Shiinuhu ballanqaadyadiisa waxa uu ku laraa waxqabad dhab ah. Aasaaska xiriirka diblomaasiyadeed ka bacdi, Shiinuhu waxa uu Soomaaliya ka caawiyay dhisidda Tiyaatarka Qaranka, Istaadiyamka Qaranka, Cisbitaalka Banaadir iyo mashaariic kale oo badan kuwaasi oo ilaa maanta la dheefsado. Shiinuhu waxa uu sidoo kale in ka badan 12 koox oo dhakhaatiir ah u soo diray Soomaaliya si ay daryeel caafimaad ugu fidiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Nasiib darro, Soomaaliya waxa ka qarxay dagaal sokeeye sannadkii 1991, Shiinuhuna waxa uu sii waday dadaallada lagu taageerayo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bini’aadannimo, waxbarashada, caafimaadka iyo dhinacyada kale.

Xilligan la joogo, masiibooyinka dabiiciga ah iyo dagaallada sokeeye awgood, in ka badan saddex meelood, hal meel oo dadka Soomaaliyeed kamid ah ayaa u baahan gargaar degdeg ah;shan meelood meelna waa barakaceen.. Gargaar bini’aadannimo oo cusub ayaa dowladda Shiinuhu dhawaan ku wareejisay Soomaaliya iyada oo la gaarsiin doono qaybaha bulshada ee nugul. Sahaydan ayaa timid waqtigii saxda ahaa ee lagu caawin lahaa dadka ku dhibaataysan dalkan.

Labada dal ayaa sidoo kale ka wada shaqeynaya la dagaalanka musiibada COVID-19.Sannadkii la soo dhaafay markii cudurku aadka u faafay, ardayda Soomaaliyeed ee Shiinaha ku nool waxa ay ku biireen isxilqaamayaashii caafimaad ee magaalada Wuhan ee Shiinaha iyaga oo muwaaddiniinta ku garab siiyay la dagaalanka cudurka. Sidoo kale, bishii Abriil ee sannadkan, dowladda Shiinuhu wax ay ugu deeqday Soomaaliya labo boqol oo kun oo tallaalka cudurka COVID-19 ah.

Waqti aan fogayn ka hor, cirbixiyeen reer Shiine ah oo lagu magcaabo Tang Hongbo ayaa sawir ka soo qaaday hawada sare kaasi oo muujinaya khariiradda Soomaaliya. Waa sawir micne u samaynaya dad badan. Sannadihii la soo dhaafay, waloow ay jireen caqabado xooggan, haddana dadka Soomaaliyeed waxa sameeyeen dadaallo joogto ah iyaga oo taageero xooggan ka helaya caalamka, Soomaaliyana waxa ay xaqiijisay horumar fiican oo ku aaddan dib u dhiska iyo soo celinta nabadda.

Soomaaliya waxa ay caan ku tahay inay leedahay tirada ugu badan ee geela adduunka iyo mooska ugu macaan caalamka, waxayna leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika, iyada oo qani ku ah kalluun iyo khayraad macdaneed oo badan. Sidaasi awgeed, iskaashiga Shiinaha iyo Soomaaliya waxa uu leeyahay fursad weyn iyo mustaqbal ifaya.

Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho oo dhisiddiisa ay Soomaaliya ku taageertay dowladda Shiinaha waxa dhawaan lagu soo bandhigay filimkii ugu horreeyay 30 sanno ka bacdi. Dadka qaar ayaa bandhigga ku sifeeyay habeen taariikhi ah oo muujinaya rajada u soo laabatay Soomaaliya sannado caqabado badan watay ka dib.

Dadka Shiinaha iyo shacabka Soomaaliyeed haddii ay gacmaha isqabsadaan si ay u dhisaan mustaqbal wanaagsan oo ay wadaagaan aadanaha oo dhan, waxa hubaal ah in markabka saaxiibtinnimada labada dal uu ka gudbi doono mawjado badan, labada waddanna uu u beryi doono waa cusub oo ay labada shacabba si wadajir ah uga dheefi doonaan.

W/Q: Mudane Fei Shengchao

Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka ee Shiinaha u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

NADAAFADDU WAA BILICDA MAGAALADA IYO NOLOSHA DADKA

Iimaanku waa shay aan la fahmi Karin Meesha uu ku jiro iyo xubinta uu la fadhiyo muuqaal ahaan laakin waa sheyga la taliya hawada badan ee qofka ku jirta ee laacaysa meelaha badan ee ka celisa xumaanta ay ku dhici laheyd wuxuu ka xishoodaa qofkaasi la dhaqanka xun ee bini’aadamka .

Hadduu iimaan leeyahay wuxuu ka celiyaa meel kasta oo ceeb iyo dhaqan xumo ka jirto wuxuuna ka xishoodaa qofka wixii qaladan in uu u horreeyo wuxuuna u dulqaataa qaladaadka uga yimaada bulshada inteeda kale .

Iimaanka qofka lihi wuxuu leeahay ammaano iyo ballan fiican, sidaas oo kale nadaafadda waxaa lagu sheegaa iimaanka barkiis.

Bilahaan dambe waxaa hoos u dhac ku yimid nadaafadda degmooyinka iyo xaafadaha magaalada Muqdisho waxaana filayaa in aysan xiriir fiican ka dhaxeyn xaafadaha iyo baabuurta qaadda qashinka laakiin waxaa loo baahan yahay in waaxyaha degmoyinka in guddoomiye kasta oo waaxeed uu la socdo xaafadaha nadaafaddooda uuna xiriir fiican u sameeyo iyo meel sugan oo laga qaado qashinka.

Waxaa kale oo loo baahan yahay in si fiican la isugu xiro gaadiidka qaada qashinka iyo xaafadaha, xaafadaha qaar ayaa dhulka ku duuga qashinka iyagoo dadaalaya laaakin dhibaato degaan xumo iyo nadaafad darro ayaa ka soo baxda marka roobabku da’aan.

Biyuhu waxay soo bixiyaaan qashinkii dhulka lagu duugay waxaana soo baxa wixii hoos lagu duugay oo isbedelay sameeyeyna ur aad u u daran.

Waxaa kale oo biyuhu meeel fog ka keenaan qashin badan , kartoomo iyo baco waxayna fariistaanmeelo ka mid ah xaafadaha, meelo kalena waxay biyuhu ku leexdaan xaafadaha dhexdooda ka dib markii laga gooyey meelihii ay biyuhu mari jireen.

Si nadaafadda loo hagaajiyo waa in dib loogu noqdaa habeybta iyo waddooyinkii la dhisay wixii ka dambeeyey dowladdii dhexe.

Waxaa jira meelo ay dad iska degeen si ay ugu noolaadaan laakiin marka aad dhex gasho aan laheyn xitaa meel meydka laga bixiyo waddo la’aanta awgeed.

Waddo la’aanta iyo ciriiriga meelaha sida qaldan loo degay in badan oo ka mid degmooyinkii hore ee gumeystuhu cabbiray sida Xamarjajab , C/casiis iyo kuwo kale ciriiriga awgiis ayaa amnigoodu xumaaday waxaana ku batay amni darrada sida dilka, dhaca iwm.

Waxaa kale oo habboon iyadoo nadaafadda lagu dadaalo dibna loogu noqdo ceelasha, tubooyinka iyo boosaneerooyinka iyadoo lagu dadaalayo nadaafadda.

Waxaa la helaa dawooyin iyo mishiino kala miira wasaqda iyo biyaha nadiifka lana wacyi galiyo dadka degaanka owshaasna ay qabtaan degmooyinka .

Waxaa la helaa dad odayaal ah oo aqoon u leh la xiriirka bulshada iyo talooyinka fiican iyo aqoonyahano darbiyada fadhiya oo u baahan in laga faa’ideysto.

Adigoo aqoon iyo hanti heysta ha tuugsan qof kale ee taada ha ku anfacdo haddii degmooyinku helaan hoggaan wanaagsan way isku filan yihiin xagga nadaafadda , amniga iyo wada tashiga.

Degmadii dadkeeda wacyi galisa oo la tashata ayaana horumar sameysa waxaana xilka ugu weyn uu saran yahay guddoomiyaha amniga iyo kan arrimaha bulshada,

Tasho yaan cadowgaada kuu talin.

WQ: Abwaan C/salaam Axmed Gabayre

MAXAA LOO TIRIN KARAA JAAMKA AMA CIRIIRIGA KU SOO KORDHAY WADDOOYINKA MUQDISHO

Ciriiri aad  u daran ayaa ka jira waddooyinka magaalada Muqdisho qofka
shaqada u soo kallahana uma suurta galeyso in waqtigii uu rabay uu ku
gaaro shaqadiisa.

Waddooyinka ugu badan ee ay waddooyinku ciriiriyoobaan waxaa ugu badan
xilliyada`barqonimada , duhurkiii iyo galabtii.

Dariiqyada`ugu badan ee gaadiidku is xiro ama jaam uu noqdo waxaa ugu
horreeya wadada Zoobe, lambar4, Ceelgaabta  iyo wadada seybiyaano.

Maxaa ugu badan oo jaam ama ciriiri ka dhiga waddooyinka ayaan
weydiiyey Cismaan Axmed oo ah wade mid ka mid gaadiidka dadweynaha oo
ku dooday in mootooyinka bajaajta ee aad u tiro batay ay sabab u
yihiin.
“ bajaajta tiradeedu ku sii kordheysa magaalada ayaa sabab u ah ciriiriga waddooyinka Xamar” ayuu yiri cismaan.
Mararka qaar waxaa jaamka ama ciriiriga abuura askar `hubeysan oo
celceliya gaadiidka qaarna ay saaran yihiin gaadiidka teknikada ama
kuwa cabdi-bileyaasha loo yaqaano oo ujeedadoodu tahay jid furasho oo
halkaas xasarado ka abuura halkii ay dejin lahaayeen wadayaasha iyo
dadka lugeynaya ee wada kacsan.

MAXAMED  Muusa oo ah nin shaqaale ah oo subax walba u soo kallaha
goobtiisa shaqo ee kU taalla bartamaha magaalada

“ Jaamkan mararka qaar wuxuu sababaa in aan gaari waayo goobteyda shaqo waayo waxaa ugu dheeraata inta aan

Jidka ku jiro si aan u gaaro halkii aan rabay” Maxamed oo sheegay mararka qaar in uu ku sigto ganaax daahidda jaamka

Uu keeno awgeed>
Bajaajleyaasha ayaad moodaa in cuqdad ka qabaan wadayeyaasha gaadiidka
caasiyada`loo yaqaano waxayna ku eedeynayaan in ay iyagu yihiin kuwa
keena jaamka ama cirirriga waddooyinka taas oo ku sheegaan
joogjoogsiga gaadiidkaa ee faraha badan sida uu sheegayo Cabdinaasir Cali
oo ah wade bajaaj ooo ka shaqeeya wadada Maka Al Mukarama.
“ Waxaa sababa ciriiriga baabuurta gaadiidka dadweynaha ee caasiyada ;oo yaqaana oo inta badan joogsada meelo

Aan loo baahneyn, mashquulna ka dhiga waddooyinka xillliyada kallaahadda ama rawaxaadda” ayuu yiri.
Mararka qaar Jaamka waxba lagama qaban karo waxayna noqneysaaa in
qofka la socda gaari , mooto iyo gaadiidka gaarka ah inuu saacado sugo
inta jaamka iyo ciriirgs uu kala furfurmsyo mararka qaarna askar
ilaalo ah oo la socota dad madax  ciidan ah, xildhibaano ama wasiiro
ayaa wadada rasaas ay ridaan ku fura iyagoon dan ka galin ciddi wax
ku noqota ama ay ku dhacdo rasaastaa.
Caasho Axmed  waxay qaad ku iibisaa agagaarka km4 waxay ka hadleyssa
dhibaatada ay ku qabaan askartaa jid furashada` rasaasta u rida.
“ mararka qaar waxaa nala soo gudboonaata cabsi iyo argagax waxaan ku siganaa in aan Meesha ka cararno

Marka askarta qaar ridaan rasaas waddo furis ah “ ayey ku calaacashay Caasho.
Sidoo kale waxaa inta badan xilliga ciriiriga la arkaa gaadiidka
ambulaska ama gargaarka degdega oo iyaga oo aan wadin dad dhibaateysan
ama dhaaawac ah hadana shita hoonka dhawaaqa dheer ee Ambulaska si ay
wadada ugu furtaan.

WQ: Mohamed Hassan

MAXAA KALA SOCOTAA QIIMAHA GAASKA CUNTADA LAGU KARSADO.

Soomaaliya marka la joogo xiliyada Doorashada badanaa waxaa Sara u kaca maciishadda Raashinka, Saliidda, Shidaalka baaabuurta isticmaalaan, Gaaska cuntada lagu karsado iyo  waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin dharka ayaa kor u kacay taasi oo sababtay bulshada dan yarta ah in ay wax iibsan waayaan.

Marka loo yimaado Gaaska cuntada lagu karsado bulshada Soomaaliyeed waxa uu u haayey faa`iidooyin badan oo ay ka mid tahay In cunta Karin ay sahal u noqtay oo u fududeystay qofka in si fudu uu Ku kariyo.

Sidoo kale waxaa ka mid ah faa`iidooyinkiisa in bulshada Soomaaliyeed ay ka reysteen isticmaalka dhuxusha taas oo dhib Ku aheyd waalidiinteena, gabdhaha walaalaheen dhuxushada madowgeeda uu dharka Ka haleeyo ama gacmaha Ka haleeyo taasi badalkeeda ayna ka doorbideen isticmaalka Gaaska cuntada lagu karsado oo ka sahlan dhuxusha.

Sarakaca Ku yimid Gaaska cuntada lagu karsado waxa ay caqabad weyn Ku tahay bulshada Soomaaliyeed kuwaas oo si tartiib ah oga guuraayey dhuxusha iyo qoryaha dabka lagu shito isticmaalkooda oo ay bulshada Soomaliyeed dhib weyn Ku qabaan.

Sara kacaas waxa uu sababay in bulshada Soomaliyeed ay iibsan waayaan Gaaska cuntada lagu kariyo kaas oo qiima ahaan Laba jabaar qaaliyoobay ayna bulshada Ku adkaatay badankooda in ay iibsadaan taasi oo danta Ku qasabtay in ay dhuxushii ay kageen ay dib ugu soo laabtaan oo ay bilaabeen in ay dhuxul wax Ku karsadaan.

Bulshada soomaaliyeed waxa ay  iskugu jiraan kuwa danyar ah, kuwa meel dhexaad ah, iyo kuwa taajir ah sidaasi oo ay tahay kuwa danta yar iyo kuwa meel dhexaadka ah waxa ay ku dhib qabaan sarakaca ku yimaada mararka qaar maciishada , ama gaaska cuntada lagu karsado kuwaas oo  ay dhib ku qabaan oo aan awoodeen lacagta ay heestaan in ay wax kasta u wada gooyaan.
Ugu danbeyn Bulshada Soomaliyeed ayaa dhibane u ah kor u kaca iyo hoos u dhaca lagu sameeya waxyaaha bini aadamka nolashiisa ay daruuri u yihiin dowladana waxaa looga baahan yahay in la jaan gooyo ganacsi marka uu kacaayo marka uu hoos u dhacaayana in dowladu wargalisaa bulshada si ay oga tabaabusheeystaan labadaas heerba bulshada.

 

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan.

 

NAFLACAARIGA KHAWAARIIJTA OO SI TEEL TEEL AH U SOO GELAYA MAGAALOOYINKA DALKA

Ka dib markii looga awood roonaaday dhulkii iyo goobahii ay muddada dheer ay xaaranta ku haysteen oo ay ku amar kutaagleynayeen ayaa hadda iyagoo nafla caari ah ay si dhuumsho ah ku soo gelayaan magaalooyinka waa weyn oo ay ka mid tahay Caasimadda gobolka banaadir oo ah magaalo madaxda dalka soomaaliya ee muqdisho, waxayna dhammaan xamaamadoodii ka soo urursadeen gobollada hiiraan, shabeellada dhexe iyo galmudug oo dhan.

Waxaana hadda mar kale gacanta la soo marin doonaa habqanka haraaga ku dembeeya meelihii laga xoreeyey khawaariijta taas oo laga yaabo in qaar ka midihi weli ku dhuumaaleysanayaan.

Tuulooyinka iyo beeraha iyo gododka ay hoosta kaga jiraan, waxayna si gaadmo ah uga aar sanayaan dadka wax galka ah ee soomaaliyeed.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa markii ay dhaliilayaan qof xumaan lagu ogyahay markii taladiisa lagu dhameeyo dulqaad iyo xeer soomaali in kastuu durdur iyo dabaal galo doofaar weligii ma daahiro.

Khawaariijtuna waa kuwii laayey qulufaa’u raashidiintii iyo casharu mu bashiriin sidaas awadeed ha ka sugin arxan iyo islaannimo ee waa in la iska qabtaa.

Waxaa soomaalidu tiraahdaa god sireed ha qodin haddaad qoddana ha dheereyn kudhici doontidaa lama ogee, haddaba khawaariijta al-shabaab waxaa maanta raadkooda guraya dadkii ay dambiyada ka galeen xoolahooda dhaceen.

haddaba khawaariijtii waxay xilligaan la’yihiin meel ay gabbaad ka dhigtaan iyo gole ay fariistaan waayo diintii ay beenta ka sheegayeen wey ku fashilmeen iyo waxyaalkii ay ku beerlaxawsanayeen bulshada soomaaliyeed oo muslinka ah.

Waxay dhihi jireen diinta u gargaara ka dibna xoolihii bey ka dhaceen gabdhahiina xoog ayey ku qaateen weliba iyagoo waxay sidii addoontii u gacan geliyeen niman ajaanib ah oo ay ku sheegaan muhaajiriin, waana wax laga xumaado arrimaha ay sameeyeen.

 

waa mid aan  weli dalkeenna horay loogu arag gumeystahii gaalada ahaa ma aysan sameyn waxa ay sameeyeen khawaariijtu, waxayna ku can baxeen boob ay dadka boobayaan dil macna la,aan ah, waxbarasho la,aan  iyo macsi aan qarsoodi aheyn, iyagoo gondhobyada ay isticmaalayeen lagu soo arkay goobihii laga xoreeyay

Haddaba, qoom kasta oo adduunyada dusheeda ku kibra abaalkiisu waa jab iyo halaag iyo xisaabtii Alle oo u dembeeysa waxaan leenahay haka harina jabe,e tuuryada ku sii wada weligood qeybaha ka haray ama ha is dhiibeen ama ha is qarxiyeen waa caado ay horay u lahaayeen.

Waxay soomaalidu ku maahmaahdaa neef gowracani geeda kama waabto ayey ka dhigan tahay wixii ay hadda ka dib sameeyaan, laakiin haraaga ka haray khawaariijta oo caga jiidka ah waxay iyagoo dulleysan si dhuumasho ah u soo

gelayaan magaalooyinka gaar ahaan casimadda gobolka banaadir waana magaalo  ay  ku nool yahay dad aad u fara badan oo isugu jira nuucyada soomaalidu ka  kooban tahay, caasimadduna horay bay dhibane ugu ahayd khawaariijta.

Sidaas aawadeed muqdisho waxay leedahay meelo cadow qaris ah oo lagu dhex noolaan karo in mudda ah.

Haddaba, digniin waa in laga feejignaadaa fakadka careysan oo aan laheyn meel dambe ay u ciirsadaan .

DALKA EDATORIAL.

Goobaha Khawaarijtu ku harsan tahay wali waxaa ka jira dhaqankii xumaa ee “Memoriga biyo ku laq.”

Sanado badan war iyo wacaal midna uma haynin waxa ka socda dunida, Bulshada Aadan-Yabaal iyo deegaannada kale ee kooxda Khawaarijta ah laga xoreeyay iyo kuwa fara ku tiriska ah ee hadda ay joogaan.

Khawaarijtu waxay deegaannada ay xukumaan ka mamnuuceen taleefanada casriga ah,sidoo kale, waxay ka xireen shirkadaha isgaarsiinta adeega internetka. Bulshada magaalooyinkaasina waa ay ku adkeyd in ay la socdaan waxa dunida ka jira.

“ Inta aan jiro oo aan noolaa ma arkin telefoon weyn oo leh shaashado, intaan joognay waxaan maqli jirnay internet ayaa la galaa, waxbaa la dhageystaa, intaas waligey ma arkin,” ayuu yiri Axmed Maxamed oo ka mid ah dhallinyarada degmada Aadan-Yabaal.

Axmed Maxamed waxa uu ka mid yahay dhalinyarada kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab ay dhowr jeer ku dhibaateeyeen isticmaalka meemoriga taleefoonka. Waxa uu ka sheekeynayaa Axmed gabood-faladii Khaawrijtu ay u geysteen intii uu ku noolaa degmada.

“ Meemoriga aan haysano inta ay naga jabshaan ayay laq na dhahayeen, hadda qof kasta oo meeshaan joogo maanta caloosheeda waxaa laga yaabaa in boqol meemori laga helaayo oo nimankaas cun siiyeen,meemoriga adigoo iska dhageysanaayo haddii xitaa uu kugu jiro Qur’aan ama wax kale wey kaa qaadayaan oo kaa jabinayaan, haddana inta ay labo u kala jabiyaan ayay inta ay biyo kuu keennaan waxay ku leeyihiin laq meemorigan oo adigoo lacag ka soo bixiyay,dhibaato badan ayaa ku qabnay intaan degmadan joognay,”

Axmed hadda noloshiisa sidii hore waa ay ka beddelan tahay, waxaana adeegyada internetka u isticmaalaa si caadi ah. Internetka magaalada waa mid xawaare sare leh oo markii ay dowladda timid loo soo daayay iyo deegaannada kale ee laga xoreeyay Khawaarijta.

“ Haddii Dowladdii timid, maalintii nimankan naga tageen, maalintaa ayaa taleefan weyn oo qof sidato taleefoonada waa weyn ah noogu horeysay aragooda,” .

Si Bulshada u indho tiraan, Khawaarijtu waxay qaadeen tallaabo fool xun  oo ay meelaha qaar ay kaga bur buriyeen xarumahii isgaarsiinta, halkaas oo ay markii dambe gudaha u galeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka dibna loo soo celiyay shirkadii isgaarsiinta. Shacabkana ku diirsadeen.

Khawaarijta Al-shabaab ayaa dhibaato xooggan ku haysay shacabka ku nool deegaannada ay ku sugnaayeen, waxaana hadda taas beddelay oo lagu diirsaday howlgallada wadajirka ah ay qaadeen ciidanka qaranka iyo dadka deegaanka oo deegaanno badan looga xoreeyay argagixisada Al-shabaab.

Khawaarijta oo dab qabadsiiyay Guryo ay Dad shacab ah lahaayeen

-Maleyshiyaadka Kooxda Khawaarijta ayaa saaka dab qabadsiiyay guryo dad shacab ah leeyahay Deegaanka Huldooyaale ee Koonfurta Gobolka Mudug

Ujeedka khawaarijta ay u arintaa ka leedahay ayaa ah inay iska horkeento bulshada deegaankaas.

Maamulka Magaalada Baxdo ee Gobolka Galgaduud iyo Saraakiisha Booliska ayaa gaaray deegaanka si ay usoo arkaan dhibka Khawaarijtu ka geysatay.

Guddoomiye kuxigeenka Magaalada Baxdo iyo Saraakiisha Booliska Baxdo iyo degaanka Bijeele oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in u jeedka ay khawaarijtu gubeen guryaha degaanka Huldooyaale ee Koonfurta Gobolka Mudug ay tahay sidii ay bulshada isaga horkeeni lahaayeen.

Waxa ay intaa hadlkooda ku dareen in maleeshiyo Beeleedyo ay soo abaabuleen argagixisada  ay ka dambeeyeen gubida Guryaha, isla markaana, ay doonayaan inay ku hagal daaciyaan dagaalka ka dhanka ah khawaarijta ee ka socda dalka.

Khawaarijta arxanka daran ayaa markii looga itaal roonaaday dagaalada ka socoda guud ahaan gobolada dalka waxa ay isku dayayaan in ay iska horkenaan bulshada wada dagta degaannada gobolada Mudug iyo Galgaduud,mana ahan markii ugu horeysay ay khawaarijtu gubto guryo iyo waliba Ceelashii ay Biyaha ka cabi jireen dadka rer guraaga ah, waana qeyb kamid ah ficillada guracan ee lagu yaqaan khawaarijta.