Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir oo shir guddoomiyey kulan gaar ah oo looga hadlayay Amniga Caasimadda

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir guddoomiyey kulan gaar ah oo looga hadlayay Amniga Caasimadda kaas oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir, Saraakiisha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

 

Shirkan oo ka dhacay xarunta qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed islamarkaana ujeedkiisu ahaa islaxisaabtan iyo isxogwareysi ayaa diirada lagu saaray dardargalinta sugida Amniga Caasimadda, gaar ahaan xoojinta wada shaqeynta Boliiska iyo Maamulada Degmooyinka, ka hortaga dhagarta Argagixisada, la dagaalanka kooxaha burcadka iyo Ciyaal Weerada, iyo ciribtirka Maandooriyaha.

    

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo la kulmay Ku simaha Safiirka UK

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya, S/Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa Safaarada Ingriiska ee Muqdisho kula kulmay kusimaha Safiirka Safaarada ee Muqdisho Amb Ed, Brenett, waxa ayna ka wada hadleen iskaashiga iyo tayeynta Ciidanka Boliiska Soomaliyeed, gaar ahaan dib u habeynta iyo La-dagaalanka Argagixisada oo UK ay qeyb libaax ka qaadato.

Dhanka kale, Taliyaha ayaa uga mahadceliyay kaalmada iyo Gacansiinta Dowlada UK ay la garab taagan tahay Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, oo ay ka mid tahay saaxiibada sida joogtada ah u garabtaagan Dhismaha Ciidanka.

       

Suxuufiyiin Faransiis ah oo laga ceyriyay Dalka Burkina Fas

Maamulka Dalka Burkina Faso ayaa ceyrisay laba weriye oo Faransiiska ,isla markaana u shaqeynaayey wargeysyada Le Monde iyo Liberation.

Labada wargeys ayaa ku eedeeyay mas’uuliyiinta dalkaas inay doonayaan inay cabburiyaan xorriyadda hadalka, xilli la tilmaamay in ay sii kordhayaan cadaadiska lagu hayo warbaahinta dibadda.

Agnès Faivre iyo Le Monde’s Sophie Douce ayaa jimcihii lagu wargaliyay ceyrintooda.,kadib markii ay u yeereen ciidamada dalkaasi si loo weydiiyo su’aallo khuseeyay labadaasi wariye.

Xiriirka u dhexeeya Paris iyo Ouagadougou ayaa aad u xumaaday tan iyo markii militariga Burkina Faso ay awoodda kula wareegeen afgambi bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.

Bishii Maarso, dawladda militariga Burkina Faso waxay laashay heshiis 1961 ay la gashay Faransiiska oo ku saabsanaa kaalmada milatari,waxaana sidoo kale la hakiyay baahinta raadiyaha iyo telefishanka Faransiiska ee RFI ee France 24.

Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha oo kormeeray xarunta Hay’adda maareynta musiiboyinka

Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xildhibaan JaamacTaqal Cabaas ayaa maanta booqday xarunta dhexe ee Hay’adda maareynta musiiboyinka Qaranka ee SoDMA, waxaana halkaas ku soodhaweeyey guddoomiyaha hay’adda mudane Maxamuud Macalim Cabdulle.

Wasiirka iyo guddoomiyaha  ayaa ka wada hadlay sidii wasaaradda hheyraadka biyaha iyo hay’addu ay iskaashi iyo wada shaqeyn dhaw u yeelan lahaayeen, gaar ahaan isdhaafsiga xoggaha, ka hortagga fatahaadaha  si loo yareeyo saamaynta abaaraha, fatahaadaha iyo iswaafajinta dadaalada xarumaha ka digista ee saadaasha roobabka iyo biyaha ee labada dhinac.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa hanaan is waafqasan oo lagu yareynayo saamaynta abaaraha, fatahaadaha iyo sidii loo xoojin lahaa arrimaha ku saabsan xalalka waara iyo u adkeysiga aafooyinka.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la yeeshay Safiirka Imaaraadka Carabta

Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay danjiraha dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta mudane Axmed Jumah Al-rumayth.

Guddoomiyaha golaha bhacabka iyo danjire Al-rumayth ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, sidii loo sameyn lahaa guddi saaxiibtinimo oo ka kooban labada Baarlamaan.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa bogaadiyey doorka Isutagga Imaaraadka Carabta ay ka qaateen la dagaallanka kooxda Khawaarijta iyo horumarinta ciidamada Soomaaliya.

   

Khawaarijta oo dab qabadsiiyay Guryo ay Dad shacab ah lahaayeen

Maleyshiyaadka Kooxda Khawaarijta ayaa saaka dab qabadsiiyay guryo dad shacab ah leeyahay Deegaanka Huldooyaale ee Koonfurta Gobolka Mudug

Ujeedka khawaarijta ay u arintaa ka leedahay ayaa ah inay iska horkeento bulshada deegaankaas.

Maamulka Magaalada Baxdo ee Gobolka Galgaduud iyo Saraakiisha Booliska ayaa gaaray deegaanka si ay usoo arkaan dhibka Khawaarijtu ka geysatay.

Guddoomiye kuxigeenka Magaalada Baxdo iyo Saraakiisha Booliska Baxdo iyo degaanka Bijeele oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in u jeedka ay khawaarijtu gubeen guryaha degaanka Huldooyaale ee Koonfurta Gobolka Mudug ay tahay sidii ay bulshada isaga horkeeni lahaayeen.

Waxa ay intaa hadlkooda ku dareen in maleeshiyo Beeleedyo ay soo abaabuleen argagixisada  ay ka dambeeyeen gubida Guryaha, isla markaana, ay doonayaan inay ku hagal daaciyaan dagaalka ka dhanka ah khawaarijta ee ka socda dalka.

Khawaarijta arxanka daran ayaa markii looga itaal roonaaday dagaalada ka socoda guud ahaan gobolada dalka waxa ay isku dayayaan in ay iska horkenaan bulshada wada dagta degaannada gobolada Mudug iyo Galgaduud,mana ahan markii ugu horeysay ay khawaarijtu gubto guryo iyo waliba Ceelashii ay Biyaha ka cabi jireen dadka rer guraaga ah, waana qeyb kamid ah ficillada guracan ee lagu yaqaan khawaarijta.

 

  

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka

Muqdisho, Abril 02 2023–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kulan la qaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka KMG ah, ayaa tilmaamay muhiimadda uu dalka u leeyahay dhameystirka dastuurka.
Dastuurka KMG ah ee dalka oo muddo dheer qabyo ah, ayaa Xukuumadda DanQaran mudnaan gaar ah u leh dhameystirkiisu, si uu dalku u yeesho dastuur sax oo heshiis lagu wada yahay.
Ra’iisul Wasaaaha ayaa tilmaamay in fadhiyada ugu horreeya ee Baarlamaanka qodobka ugu muhiimsan ee horyaalla uu yahay qabyo-tirka dastuurka.
Ra’iisul Wasaaraha oo is dul-taagay qodobo muhiim ah oo ku jira dastuurka KMG, kuwaas oo u baahan wada-xaajood siyaasadeed, ayaa xubnaha guddiga kula dardaarmay in ay dardargeliyaan howlaha horyaalla.
Mudane Xamse ayaa sheegay in 5 kulan oo ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaran looga heshiiyey qaar kamid ah qodobadii ugu muhiimsan ee dastuurku uu tilmaamayey, sida asteynta awooddaha Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Dowladaha hoose, Federaaleynta Garsoorka, qaab-dhismeedka Amniga Qaranka iyo Federaaleynta Maaliyadda.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee dib-u-eegista Dastuurka ku ammaanay sida ay durba uga howlgalaan masuuliyaddii loo igmaday, isla markaana ay soo dhameystireen habraacyadii muhiimka u ahaa shaqada guddiga.
#DanQaran

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay Barakacayaasha ku nool gobolka Banaadir

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA oo kaashanaysa hay’adda Cuman Charity, ayaa deeq raashin ah gaarsiisay 950 qoys oo ku kala nool degmooyinka Cabdicasiis, Shibis, shangaani iyo Xamar wayne oo ka wada tirsan gobolka Banaadir.

Qoysaskaan gargaarka la gaarsiiyey, ayaa ah Qoysas danyar iyo barakacayaal ah oo ku nool gobolka Banaadir oo iskugu jira barakacyaal ka soo barakacay Deegaanada abaartu sida daran u saamaysay iyo deeganada ay howlgalada dib u xorreynta ay ka socdaan.

Hay’adda SoDMA, ayaa waddo gaarsiinta dadkii mudnaa, deeqa kala duwan ee loogu deeqay shacabka Soomaaliyeed, ayadoo lagu jiro Bishii barakeysneed ee Ramadaan.

KHAWAARIIJTU MAXAY KU DOOR BIDEEN INAY SOOMAALIYA GABBAAD KA DHIGTAAN?

Khawaariijtu waa kuwa ilaahey ku been abuurtay rasuulkiisana la dagaalay asxaabtii nabigeennana laayay sida qulufaa’u raashidiintii, way soo bixi jireen laakiin walala dagaali jiray waana la dhameyn jiray haddana muddo markii la joogaba way soo baxaan.

Haddaba sababta kaliftay maxay ahayd in khawaariij ay soomaaliya soo beegsato gabbaadna ka dhigtaan iyagoo diinta kusoo gabanaya, taasi way iska caddahay waayo khawaariijtu waxay ogyihiin in dadka soomaalida ah ay yihiin kuwo diintooda ku dheggan oo aysan jirin meel kale oo laga soo geli karo ilaa iyo diinta mooyaane,

Khawaariijtan soomaaliya isku soo baheysatay waa saldhiggooda ahaa dalka afganistaan waxayna ahaayeen urur xag jir ah oo la dhihi jiray alkhaacida oo ay ilaa haatanba ka mid yihiin waana halka looga soo shubo shidaalka.

Ururkan ayaa waxaa maamul guud ahaa ninkii la oran jiray usaama bin laadan kaasoo asalkiisu ka soo jeedo yemen laakiin ku dhashay dalka sacuudiga waxayna heysteen dhalasho sacuudinimo waxaana qoyskooda leysku oran jiray reer binlaadin.

Waa qoys hanti badan ku leh dalka sacuudiga, ninkaas usaama bin laadin ah waxaa ugu dambeyntii dilay ciidammada mareykanka.

Haddaba ku kalifay in ururka alkhaacidaa faraciisa soomaaliya ee alshabaab waxaa sabab u ah ka dib markii ay arkeen fursad laga faa’iideysan karo, taasoo ahayd dagaalladii ka socday dalka ee qabaliga ahaa taasina waxay al-khaacida u sahashay in ay soomaaliya soo galaan kana fushadaan wixii ay doonaan gumeysi iyo cunaqabteynna ku riday shacabka soomaaliyeed, waana midda ilaa iyo hadda loo tabar la’yahay in si fudud dalka looga saaro, waxayna ahayd arrintaasi bidaari sibiq bay kugu gashaa ummadda soomaaliyeedna goordambe ayey kusoo baraarugeen arkeen in yihiin dad aanba xor ahayn sidii la rabanna laga yeesho.

Teeda kale, khawaariijta nooc kasta ay yihiinba adduunka ayaa kuwada kacay oo arkay shartooda iyadoo sidoo kale la arkay koox la magac baxday daacish iyagana ay arkeen in soomaaliya tahay fursad ay kusii wadi karaan halgankooda kuna faafi karaan afkaartooda gurracan.

Taas ayaa ka dhigtay in dalkeennu noqdo bahalo galeen khatar ah dunidana ay ka muujiyaan cabsi badan.

Fallilaahi xamdi haatan waxaa la joogaa in shacab iyo xukuumadba la wada arkay khatarta khawaariijta waxayna madaxda dalka ugu sarreysa go’aamiyeen in dalka laga tirtiro khawaariijta iyo fikirkoodaba, waxaana lagu qaaday dagaallo isdaba joog ah iyagoona laga qabsaday meelo badan oo kolkii hore ay ku taamayeen amiirrona ay ka ahaayeen.

Khawaariijta soomaaliya waxaa usoo baryay wax badan waa ay ku jireen farxad iyo nagaasho, balse haatan kuma ladaan nabad oo waa la raad gurayaa waxaana la raadinayaa nolol iskaa dhaafee geeridooda xitaa waa la gubaayaa, waxay noloshu bidday in ay gabbaad ka dhigtaan godod ay ka qoteen geedaha jirridooda.

Iyadoo shabaab ama khawaariijta guud ahaan lagu soo rogay cunaqabateyn dhankasta ah haddey noqon lahayd xagga Maaliyadda, hubka, raashinka waxaana la beegsadaa meel kasta oo lagu sheego in ay khawaariij ku sugan tahay.

Waa niman dhib badan oo noloshii u diiday ummadda soomaaliyeed ka dib markii ay muujiyeen cadowtinimadooda dhabta ah, iyagoo bulshada soomaaliyeed ka gubay guryihii ay ku hoyanaayeen, ceelashii biyahana sun ku wada shubay si dadka ay u wada dhintaan idiyoolajiyada iyo fakarka noocan ahi waa mid aysan ka suurtoobin ruux muslim ah oo qiraya ashahaadka.

Dalka Edatorial

 

SUUGAANTA RAMADAANKA.

Xiddigaha Geeska

Suugaanta casriga ee soomaalida waxaa moosh ka ah qasiidooyin ay hal-abuurayaashu ugu talo galeen inay dadweynaha ku dhiiri-geliyaan soonka iyo ku dadaalidda waxyaabaha wanaagsan ee abdaha gaarka leh inta bishan lagu jiro.

Qasiidooyinkaa oo aynaan qormadan ku soo wada koobi karin waxaa kamida: erayadan”

Waa bishaan sugaynee

Illaahay na siiyee

Soomaa ramadaanka” oo ay qaaday Hibo nuura, waxayna tilmaamayaan inuu soonku yahay kansho iyo liibaan la sugayay oo illaahay cawo iyo ayaan inoo siiyay, inaanu ka faa’iidaysanaahina ay lama-huraan tahay.

Jeer kale waxaa la hadlayaa ramadaanka qudhiisa oo la leeyahay soo dhowaw bal ila dhadhanso oo ila dhuux tuducan dhaabadda leh oo ay dhawr hoobal si wadajir ah isugu jiibinayaan ”

Marxab yaa ramadaan

Marxab marxab yaa ramadaan.

bishuu mageceedu

Bilaha u mudnaa

Macbuud ku amaanay

Miyaa ramamaan?”

Bal ayana eeg qasiidadan caanka ah ee laga yaabo inaad in badan maqashay balse aanad nuxurkeeda si xeel-dheer u shiiqsan:

“Qur’aankiyo xadiiskiyo

Xuduudkii illaahay

Xabiibkii udgoonaa

Xadiiskiisa raacoo

Xanaaneeya diintoo

Xoogeeya soonkoo

Bisha soon xurmeeyoo

Nafta xakameeyoo

Aakhiro xasuus”

 

Inta bishan lagu jiro waxaa la xidhaa jafaliilaha”sheydaanka” oo balaayadu oodantahay, barakaduna waa durdur, hal-abuurkii meerisyadan falkiyayna arrintaa kama il-duufine bal sida uu u tibaaxay ila arag:

” ramadaan bilataye bil kheyr

Balaayadii way af-xirantahaye bil kheyr

Waajibkii rabbi uu na barayee

Bishaarana nabigu yiriye

Barwaaqadii mu’miniintay bil kheyr

Addoonka sodonkeeda beri

Intuu ballan-qaaday sooma

Illaah boqorkaa abaalmarin

Ramadaan bilataye bil kheyr

Bur baa lagu xiray ibliiskee bil kheyr

Deeqduu rabbigeenu bixiyee

Rasuulkana bara ka yiriyaa

Muslinku beeraqaye bilkheyr”.

Qasiidan halmuceedka leh ee ay qaado hoobalada Khadiijo foodey ayaa iyana ku qotonta dulucdii xadiiska  ee ahayd kolkuu soonku dhasho waxaa la yiraahdaa”ciddii shar waday gaabso, ciddii kheyr waddaay soo dhowaw” bal haddaa aan wada dhuuxno:

“Balo riixaay sharta raaraay ramadaanay

Rugtii uu kherku lahaayay ramadaanay

Rasuulkeenii muxamed rabbi tuu soo faray

Annana aan ku raacnaay ramadaanay”.

Hoobaladdii weyneyd ee Faadumo Qaasim Hilowle (AUN) ayaa iyana jeer qaaday mirahan ashqaarka leh”

waa bishee wacneydee

Waanada rasuulku

Wanaag ay ku sheegtay

Werwerkaa aduunka

Lagu waari maayee

Wacdiga adkeeyaa”

 

Allaha  u naxariistee halyeeyadii seynab Cali Baxsan ayaa  jeer ku luuqaysay qasiidadan macaan ee soo socata:

“Ramadaanka nin soomay

Soddonkeeda dhammeeyay

Sakadeedana dhiibay

Sifihii lagu sheegay

Janno way u sugnaatay”

Guud ahaan suugaantaasi waa guubaabo dadka ku tirtirsiinaysa inay Lama-dhaafaanka uu Illaahay faray si wacan u gutaan, sidoo kale waa madadaalo loogu talo-galay in amminta dheer ee dharaara ramadaanka laysku ilowsiiyo, xiiso iyo firfircoonina laga helo.

WQ: Abwaan Hareeri