Qaramada Midoobay oo dalbatay lacago lagu Caawinayo Malawi

Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee samafalka ayaa ku baaqay in lacag gaareysa $70.6 milyan lagu caawiyo dalka Malawi, gaar ahaan, dadka ay saamaysay duufaantii dalkaas ku dhufatay dhawaan.

Duufaanta Freddy, oo sidoo kale ku dhufatay dalalka Mozambique iyo Madagascar, ayaa dalka Malawi ku dishay boqollaal qof, halka ay barakaceen in ka badan 650,000 oo qof oo ku noolaa koonfurta dalkaas.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in lacagtan loo isticmaali doono hoy, nafaqo, caafimaad, biyo iyo daryeel bulshada ku nool goobaha ay duufaantu sida xooggan ugu dhufatay.

Lacagtan lagu baaqay ayaa ka sarraysay $45.3 milyan oo hore ay ugu baaqeen hay’adaha samafalku si looga jawaabo daacuunkii ka dillaacay, waxaana haatan tirada qaaraanka guud uu gaareya illaa $115.9 milyan.

 

Waaxda Caafimaadka Gobolka Banaadir & WHO oo ka wada hadlay sare u qaadidda howlaha caafimaad ee gobolka

Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banadir Dr. Cabdirahman Axmed Maxamuud iyo Agaasimaha Guud ee hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO ee Soomaaliya oo kulan ka yeeshay horumarinta iyo tayeynta caafimaad ee Gobolka Banaadir, iyagoo wada gorfeeyey muhiimadda ay leedahay helitaanka adeeg caafimaad oo laysku haleynkaro.

Labada dhinac ayaa isku afgartay in la hubiyo hufnaanta howlaha mashaariicda ee la xariira arrimaha caafimaadka, taasoo haddii si togan looga wada shaqeeyo suura-gelinaysa in la helo adeeg caafimaad oo tiro ahaan iyo tayo ahaanba loogu qanci karo, waxtarna fiicanna u leh bulshada kunool caasimadda Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, labada Agaasime ayaa isla meel dhigay sidii Gobolka Banaadir iyo WHO uga wada shaqeyn lahaayeen arrimaha la xiriira hubinta iyo tayada adeegga caafimadka Gobolka Banaadir.

 

Khaarijta oo qarka u saaran in dagaal ka dhex qarxo

Kooxda khawaarijta arxanka daran ee Al-shabaab oo mudda dheer dhibaato ku heysay shacabka Soomaaliyeed ayaa hadda wajaheysa xaalad bur-bur iyo kala carar ah,kadib markii ay jab xooggan ka soo gaaray dagaalka xaq u dirirka ah ee geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa degaanka oo khawaarijta ka saaray degaanno badan.

Kaaxaha khawaarijta ayaa hadda wajahaya kala shaki iyo cabsi weyn ay soo kala dhaxgashay horjoogayaasha Maleeshiyada khawaarijta oo qarkood la go’doomiyay,halka kuwa kalana ay dileen waxaana sababta arintaa ay tahay cabsida ay ka qabaan ciidanka xoogga dalka ,kuwa deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah oo harsi iyo hoyaad u diiday khawaarijta gabalkoodu dhacay,khilaafka ayaa hada u sii gudbay horjoogayaasha ajaanibta ah ee ku jira khawaarijta kuwaa qarka u saaran in ay dagaalamaan.

Warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijisay in habeenimadii khamiista ay khawaarijtu degmada Jilib gobolka jubbada dhexe ku xir xireen ajaanib ka badan toban,kuwaa oo si gaar looga qabatay deegaanka kamsuuma ee goboblkaasi,waxana ajaanibtaa soo xirtay horjoogaha amniyaadka muhaajiriinta waxa y ugu yereen Al-Shabaab Maxamed Amiin kana soo jeedo Guriceel gobolka Galgaduud
Horjoogahaan Maxamed Amiin ayaa waxaa wadada u galay kolonya ay la socdeen muhaajiriinta ay soo xir xireen kuwaa oo ka agdhaw garabka Salmaan Muhaajir oo ah horjooge u dhashay dalka Kenya.

Khawaarijta ayaa isku dayay in ay maquuniyaan horjoogayaasha ajaanibta ah ee hadda hoggaankooda loo dhiibay Jacafar Sudaani oo ka soo jeeda dalka Sudaan,kadib markii horjoogasha labadaa koox ay si adag isku qilafeen, kaa oo hada qarka u saaran in dagaalamaan.

Horjooge Maxamed Amiin oo isagu awood gaar ah ka heysto horjoogaha dhagarta badan Mahad karataay ayaa ku dhaqaaqay in uu afduubto horjoogayaasha ajaanibta garabka salmaan Muhaajir,waxan xubnaha ajaanibta ee la xirxiray badankood ay ka soo jeedaan dalka Kenya kuwaas oo aad ugu dhow Salmaan Muhaajir,tani ayaana muujineyso bur burka iyo dabargo ah khawaarijta.

Horjoogayaashaan tobaneyada gaarayo ayaa lagu xiray xabsiyo qarsoodi ah oo ku yaalo degmada jilib ee gobolka Jubbada dhexe waxana xaaladda qarka u saaran tahay in dagaal ka dhex qarxi horjoogayaasha ajaanibta ah khawaarijta ka tirsan kuwaa dalkeenna u yimid sidii ay u baadiyeen lahayeen dhalinyarada la qalday ee katirsan khawaarijta.

Salmaan Muhaajir oo loo saariyay guul darada ah in ajaanibta ay ka gaabisay in tagaan furumaha dagaalka oo ay ka qeyb galaan dagaalka Maleeshiyada khawaarijta ee Soomalida ah oo ay qaldeen,waxana intaa kadib laga joojiyay wax alaala wixii uu ka heli jiray khawaarijta oo ay kamid tahy dhaqaalaha sida xoogga ah looga qaado ganacsatada Soomaaliyeed iyo in uu hoggaamiyo maleeshiyad ajaanibta ah waxan laga dhigay howlgab oo waa la go’doomiyay kamana bixi karo degmada jilib ee gobolka jubbad dhexe oo uu hadda ku sugan yahay.

Taliska Booliska oo ka warbiyey gaari ATMIS leedahay oo qarxay

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin la bixiyey qarax galabta ka dhacay degmada Hodan, kaas oo sababay dhaawacyada seddax qof.

“Wadasa KM4 wadada aada Tarabunka, gaar ahaan agagaarka xarunta CID-da ee ka soo horjeedka Hotel Giyajo, waxaa ka dhacay qarax ka dhashay gaari noociisu yahay JAMES oo xamuulka qaada, kaas oo ka mid ahaa kolonyo Ciidanka ATMIS qeybtooda Burundi.” ayaa lagu yiri War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Booliska.

Qarax ayaa sababay dab gaariga qabsaday, isla markaana sababay dhaawacyo u badan gubasho gaartay ilaa 3-qof oo shacab ah oo goobta ka ag dhawaa, waxaana gurmad u fididiyey ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Booliska ayaa baaritaan ku haya sababta qaraxa dhalisay, sida lagu sheegay bayaanka.

hadda waxaa socota baaris la xariira sababta dhalisay, sida uu sheegay taliska Booliska Soomaaliyeed.

Ra’iisal wasaare Xamse oo guddoomiyey shir looga hadlayey ciribtirka Khawaarijta

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka amniga oo looga hadlay dar-dargelinta sugidda amniga guud ee dalka, ciribtirka Khawaarijta, shuruucda horutebinta u leh amniga iyo qaadista cunaqabteynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira howlgallada socda ee lagu xasillinayo amniga guud ee dalka iyo wajiga 2-aad ee hawlgallada dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah iyo qorshaha Qaran ee ka hortagga fikirka xagjirka ah oo ahmiyad gaar ah u leh dalka, si loo helo bulsho amni iyo nabad ku wada nool.

Shirka ayaa lagu ansixiyey magaca iyo waajibaadka xarunta Qaran ee la dagaallanka fikirka xagjirka ah ee WAANO, taas oo hoos tageysa xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ahmiyadda 1-aad siineyso xasillinta iyo xoreynta dalka, si bulshada Soomaaliyeed looga dulqaado culeyska Khawaarijtu ay ku hayaan, dalkuna u gaaro horumar iyo caddaalad, iyadoo ahmiyad la siinayo diyaarinta sharciyada muhiimka u ah amniga Qaranka.

        

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka oo Nairobi uga qaybgalay meertada 3-aad ee garsoorka Afrika

Nairobi: Guddoomiyaha maxkamadda sare ee JFS mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta ka qeyb-galay meertada 3-aad ee garsoorka iyo cagaarinta Afrika oo ka qabsoomay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

Shirka oo socon doona muddo  3-cisho ah, ayaa waxa daah-furay madaxweynaha Kenya Dr. William Samoei Ruto, waxaana ka soo qeyb-galay guddoomiyaasha maxkamadaha sare iyo guud ahaan garsoorka wadamada qaaradda Afrika.

Shirka ayaa lagu falanqeynayaa xoojinta doorka garsoorka ee xaaladaha isbeddelka Cimilada, ku dhaqanka shuruucda deegaanka iyo weliba siddii meel looga soo wada jeesan lahaa ka qeyb-qaadashada ilaalinta dhirta iyo deegaanka, si loo joojiyo nooc kasta oo wasqow ah, sidoo kalena la xoojiyo cagaarinta guud ahaan qaaradda Afrika.

Madaxdii kala duwanayd ee shirka ka hadashay ayaa aad ugu dheeraaday saamaynta isbeddelka cimilada ee Afrika oo sababay xaaladaha abaaraha ee daba dheeraaday, roob yaraanta, dikhawga hawada iyo dhibbaatooyin kale.

Waxa kale oo halkaas lagaga hadlay kor u qaadista dhinaca waxbarashada iyo wacyiga la xiriira shuruucda ilaalinta deegaanka iyo weliba hal abuurista siyaasado iyo istaraatijiyado uu garsoorku kaga qeyb qaadanayo cagaarinta Afrika.

       

Soomaliland oo soo dhowaysay magacaabista ergeyga wada hadalada DFS iyo Soomaaliland

Madaxweynaha Soomaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u  horreysay ka hadlay magacaabista Cabdikariin Xuseen Guuleed oo uu maalin ka hor madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay ergeyga gaarka ah ee arrimaha Somaliland.

Madaxweyne  Biixi ayaa soo dhaweeyay magacaabista, wuxuuna ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo horay loogu qaaday wada hadallada Soomaaliya iyo Soomaliland.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Cabdikariin Guuleed uu yahay nin wax badan kala socda siyaasadda iyo howsha loo xil saaray, maadaama uu horay uga soo shaqeeyay.

“Shalay waa tii la magacaabay ergayga wada hadlada, arrintaan waxa aan u aragnaa tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday, ergeyga loo magacaabay waa nin aqoon badan u leh siyaasadda, anagana waan soo dhaweyneynaa”ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir oo shir guddoomiyey kulan gaar ah oo looga hadlayay Amniga Caasimadda

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir guddoomiyey kulan gaar ah oo looga hadlayay Amniga Caasimadda kaas oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir, Saraakiisha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

 

Shirkan oo ka dhacay xarunta qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed islamarkaana ujeedkiisu ahaa islaxisaabtan iyo isxogwareysi ayaa diirada lagu saaray dardargalinta sugida Amniga Caasimadda, gaar ahaan xoojinta wada shaqeynta Boliiska iyo Maamulada Degmooyinka, ka hortaga dhagarta Argagixisada, la dagaalanka kooxaha burcadka iyo Ciyaal Weerada, iyo ciribtirka Maandooriyaha.

    

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo la kulmay Ku simaha Safiirka UK

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya, S/Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa Safaarada Ingriiska ee Muqdisho kula kulmay kusimaha Safiirka Safaarada ee Muqdisho Amb Ed, Brenett, waxa ayna ka wada hadleen iskaashiga iyo tayeynta Ciidanka Boliiska Soomaliyeed, gaar ahaan dib u habeynta iyo La-dagaalanka Argagixisada oo UK ay qeyb libaax ka qaadato.

Dhanka kale, Taliyaha ayaa uga mahadceliyay kaalmada iyo Gacansiinta Dowlada UK ay la garab taagan tahay Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, oo ay ka mid tahay saaxiibada sida joogtada ah u garabtaagan Dhismaha Ciidanka.