Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha dalalka Jabuuti, Kanada iyo Kuubba

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Jabuuti, Kanada iyo Kuubba ee loo soo magacaabay Soomaaliya.

Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxeweynuhu waxa uu kaga guddoomiye waraaqaha Aqoonsiga Danjireyaasha kala ah; Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf, Safiirka cusub ee dalka Jabuuti, Mudane Christopher Thornley, Danjiraha Cusub ee Kanada iyo Mudane Juan Manuel Rodriguez oo ah Danjiraha ee dalka Kuubba u fadhin doona dalkeenna.

Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriimo ay ka sideen Madaxda iyo hoggaanka dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha ayaa si gaar-gaar ah uga wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leeyihiin dalalkoodu, waxa uuna xusay in soo celinta xiriirka dalka Kuubba uu ka tarjumayo ka dhabeynta qorshihiisa Soomaali Heshiis la ah Dunida.

       

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo la kulmay Ergeyga gaarka ah ee wada hadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Ergayga cusub ee arrimaha wadahadalada Somaliland u qaabbilsan Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane, Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa Ergayga kula dardaarmay in uu ka shaqeeyo xaqiijinta qorshaha Xukuumadda Dan-Qaran ee Soomaali Heshiis ah, kaas oo ay udub dhexaad u tahay ka miro dhalinta midnimadda iyo wada jirka Ummada Soomaaliyeed.

Shir looga hadlayo cirib-tirka khawaarijta oo ka furmay Muqdisho

Shirka Madasha Soomaaliya iyo dalalka safka hore oo looga hadlayo isku dubaridka howlgallada dalka looga ciribtirayo Khawaarijta ayaa maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

U jeedka kulanka ayaa ah in qorshe mideysan lagu billaabo wajiga labaad ee howlgalka dib u xoreynta dalka, kaas oo ay ka qeybgeli doonaan ciidamada dalalka deriska ah.

Shirkan oo saddex maalin socon doona ayaa waxaa furay wasiirka gaashaandhigga JFS mudane, Cabdulqaaddir Maxamed Nuur, iyadoo ay ka qeyb galeen wasiirrada arrimaha gudaha, caaaladda, wasiiru dowlaha amniga gudaha iyo taliyeyaasha ciidamada xoogga iyo Booliiska.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa ka qeyb galaya wasiirrada amniga dowlad goboleedyada oo lagu casuumay iyo Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha dalka u qaabbilsan xasilinta, Maxamed Cabdi Waare.

      

Ciidamada Boliska oo soo qabtay rag ku eedeysan Burcadnimo

Ciidanka Boliiska Saldhigga Degmada Yaaqshiid, ayaa gacanta ku soo dhigay seddex rag ah oo ku eedeeysan Burcadnimo, kuwaas oo dhac ka geysanaayay isla Degmada Dhexdeeda, Eedeysanyaasha labo kamid ah waxaa ay kukala hubeysnayeen tooreeyo iyo Bistoolado caag ah, halka midka kalana uu wade ka ahaay mootada ay adeegsanayeen.

Warkan oo kasoo baxay Taliska Qeybta Guud ee Boliiska gobalka Banaadir, ayaa lagu sheegay in raggan Sharciga la hor geen doona, ayna kamid noqonayaan Burcada hubaysan ee horay Ciidanku Booliska ay u soo qab-qabteen.

Ciidamada Boliska Soomaaliyeed, oo ka jawaabaya cabasho ka timid qaar kamid ah Shacabka magaalada muqdisho oo ka cabanaya kooxa xilliyada habeenkii ah dhac u geysanaya, ayaa ku guleeystay inay gacanta ku soo dhigaan qaar ka mid ah burcaddii dhibateyn jirtay shacabka.
 

Ruushka oo sheegay in tallaabooyin millatari uu uga jawaabi doono ku biiritaanka Finland ee NATO

Ruushka ayaa ku dhawaaqay inuu qaadi doono tillaabo militari oo uu kaga jawaabayo ku biiritaanka Finland ee ururka NATO, kaas oo la qorsheeyay in uu si rasmi ah u dhaco maanta oo Talaado ah.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Ruushka Alexander Grushko, ayaa sheegay in dalkiisu uu sare u qaadi doono howlgalkiisa millatari ee ku wajahan dalalka reer galbeedka, taasi oo uu kaga jawaabayo ku biiritaanka Finland ee NATO.

Grushko, waxa uu carrabka ku adkeeyay in Moscow ay qaadi doonto tillaabooyin dheeri ah si ay ammaankeeda ugu sugato hab militariga oo kalsooni ay ku dheehantahay.

Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg, ayaa xaqiijiyay in Finland ay xubin buuxda ka noqotay isbaheysiga NATO, laga bilaabo maanta, ayna ka qeyb gali doonto waxii hadda ka danbeeya kulamada ururka, isaga oo intaasi ku daray in talaabadani ay xoojin toonta howlgalada militari ee NATO.

Wasiirka Arrimaha dibedda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee dalka Canada

Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibedda Soomaaliya , Abshir Jaamac Huruuse ayaa maanta nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee ay dowladda Canada u soo magacowday Soomaaliya , Christopher Thornley.

Wasiir Huruuse ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Canada uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheer oo ku salaeysan iskaashi iyo saaxiibtinimo, wuxuuna intaa ku daray in Canada ay ku nool yihiin Soomaali badan oo saamayn ballaaran ku leh labada dal.

“Waddamada Soomaaliya iyo Canada waxaa ka dhexeeya xiriir dheer oo iskaashi iyo saaxiibtinimo, waxaana ku nool waddanka Canada jaaliyad Soomaaliyeed oo aad u ballaaran saamayn badanna ku leh labada waddan”.

Wasiir Huruuse ayaa sheegay in dawladda Canada oo Danjire u soo dirsata dalkeenna ay sii adkaynaysaa xiriirka dhinacyada badan leh ee ka dhexeeya labada dal.

Suuriya :Mareykanka oo dilay hogaamiye sare oo ka tirsan Daacish

Ciidamada  Mareykanka ayaa sheegay in ay dileen hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda ISIL ee dalka Suuriya, kadib weerar hal dhinac ah oo lagu qaaday sarkaalkaasi.

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray maanta  oo Talaadada ah ku sheegay in la dilay Khalid Aydd Ahmad al-Jabouri,kadib kolkii maalinimadii shalay lagu fuliyay werar ka dhacay Suuriya.

Taliska dhexe  ayaa sheegtay in al-Jabouri uu mas’uul ka ahaa qorsheynta weerarrada ISIS ee lagu beegsado wadamada Yurub iyo sidoo kale horumarinta qaab-dhismeedka kooxda hubaysan  iyo hoggaanadooda.

Qoraalka ka soo baxay taliska aya lagu shrrgay in aysan jirin dad rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay weerarka,waxaana sidoo kale qoraalkaasi lagu muujiyay in dhimashada   sarkaalkaasi  ay hoos u dhigi doonto awoodda ururka ee xagga qorsheynta weerarrada ,gaar ahaan kuwa ka dhaca dibadaha.

Trump oo maanta hortagaya Maxkamad

Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, ayaa sida la filaya maanta oo Talaado ah hortagaya Maxkamad ku taalla magaalada New York, si halkaas ay uga billaabato dhageysiga dacwadda loo haysta.

Diyaaraddii gaarka aheyd ee sidday Trump ayaa ku degtay Garoonka LaGuardia, iyadoo ka timid Florida, waxuuna duulimaadka safarkiisa qaatay laba saac iyo bar.

Trump ayaa noqon doono madaxweynihii ugu horreyay Mareykan ah ee lasoo hortaago Maxkamad, isaga oo loo heysto danbi.

Sida ay warisay warbaahinta Maraykanka xaakimka Maxkamadda la horgeeyay Dacwadda Trump, ayaa soo saaray galinkii danbe ee shalay in Telefiishanada aan loo ogolaan doonin halka lagu maxkamadeynaayo Donald Trump.

Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Cuba

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Maxamed Jaamac Haruuse oo maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Cuba Juan Manuel Rodríguez.

“Waxaan isla qaadanay danjiraha cusub oo farriin ka wadey madaxda sare ee dalka Cuba in labada dal dib u bilaabaan xiriir Diblumaasiyadeed oo ku dhisan iskaashi, wax wada qabsi iyo is xurmayn” ayuu yiri mudane Haruuse.

Xiriirka diblumaasiyaddeed ee Soomaaliya iyo Cuba ayaa bilowday 1972 (konton sano ka hor) wuxuuna hakad ku jirey illaa sannadkii 1977.

“Kadib markii la aasaasay xiriir diblomaasiyadeed intii u dhaxeysay 1972-1977, waxaan soo dhaweyneynaa dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Cuba oo lagu maamulayo iskaashi iyo is ixtiraam,” ayuu wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ku yiri qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka.

Qoraalka wasiir Abshir ayaa intaas ku sii daray, “waxaa sharaf ii ah inaan ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Cuba u soo magacawday Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Juan Manuel Rodríguez.”

Qaramada Midoobay oo dalbatay lacago lagu Caawinayo Malawi

Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee samafalka ayaa ku baaqay in lacag gaareysa $70.6 milyan lagu caawiyo dalka Malawi, gaar ahaan, dadka ay saamaysay duufaantii dalkaas ku dhufatay dhawaan.

Duufaanta Freddy, oo sidoo kale ku dhufatay dalalka Mozambique iyo Madagascar, ayaa dalka Malawi ku dishay boqollaal qof, halka ay barakaceen in ka badan 650,000 oo qof oo ku noolaa koonfurta dalkaas.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in lacagtan loo isticmaali doono hoy, nafaqo, caafimaad, biyo iyo daryeel bulshada ku nool goobaha ay duufaantu sida xooggan ugu dhufatay.

Lacagtan lagu baaqay ayaa ka sarraysay $45.3 milyan oo hore ay ugu baaqeen hay’adaha samafalku si looga jawaabo daacuunkii ka dillaacay, waxaana haatan tirada qaaraanka guud uu gaareya illaa $115.9 milyan.