Emmanuel Macron oo booqasho ku tagay Shiinaha

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa maanta oo Arbaca ah booqasho saddex maalmood qadaneysa uga bilaabatay dalka Shiinaha, sida lagu sheegay war ka soo baxay qasriga Elysee.

Booqashada Macron ee Shiinaha, ayaa noqoneysa safarkiisii ​​ugu horreeyay ee uu ku tago dalka Shiinaha tan iyo sannadkii 2017-kii.

Sida la sheegay maanta gelinka dambe, ayuu Madaxweyne Macron la kulmi doona Jaaliyadda Faransiiska ee Shiinaha ka hor inta uusan wada hadal la yeelan Khamiista beri ah dhiggiisa Shiinaha, Xi Jinping.

Madaxweyne Emmanuel Macron, ayaa sida qorshuhu yahay Jimcaha booqan doona degaano ka mid ah koonfurta dalkaasi Shiinaha.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay guddoomiye ku xigeenka xisbiga Barwaaqo ee Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Barwaaqo ee Itoobiya mudane, Aadam Faarax iyo wasiiru dowlaha Arrimaha dibedda Mesganu Arega.

Wafdiga ayaa markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho waxaa si diirran u soo dhaweeyay Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac, iyagoo ka wada hadlay arrimaha labada dal iyo tan gobolka.

Sidoo kale madaxda ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka udhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya gaar ahaan adkaynta nabadda gobolka iyo iskaashiga ganacsi ee labada dal.

Booliska gobolka Banaadir oo gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan kufsi

Ciidanka Booliska Saldhigga degmada Dharkeynley ayaa gacanta ku soo dhigay , Yuusuf Daahir Xasan 53 jir ah oo ku eedeysan kufsi iyo afduub uu u geystay gabar yar oo 11 jir ah 31-kii Maarso ee sanadkan 2023.

Tan iyo waqtigaa waxay Ciidanka Booliska baadi goob ugu jireen eedeysanahan, iyagoo ugu danbeyn gacanta ku soo dhigay xalay.

Eedeysanahan ayaa la hor geyn doonaa sharciga, si loo mariyo cadaaladda.

 

Ciidamada Israa’iil oo weeraray dad ku cibaadeysanayay Masjidka Al-Aqsa

Dhulka Falastiiniyiinta ayaa waxaa maanta oo Arbaca ah ka taagan xiisad, kadib markii ciidamada Israa’iil ay weerar ku qaadeen dad ku cibaadeysanayay Masjidka Al-Aqsa, iyagoo sidokale Gantaallo ku garaacay qeybo kamid ah Gaza.

Ciidamada Yahuuda ayaa barqanimadii Saaka weerarro ku ekeeyey dadkan ku cibaadeysanayay Masaajidka Al-Aqsa, taasoo ay shegeen inay kaga jawaabayaan rabshado ay sameeyeen dhalinyaro reer Falastiin ah.

War uu baahiyay Raadiyaha Xamaas, ayaa lagu sheegay in Ciidamada Israa’iil ay duqeymo la beegsadeen labo xero oo ay deganyahiin dad Shacab ah, taasi oo ku taala gudaha magaalada Gaza.

Tallaabadan ay ku kaceen Ciidamada Israa’iil ayaa waxaa canbareeyay qaar ka mid ah dalalka Carabta, sida Sacuudiga, Masar iyo Urdun, iyaga oo falkan ku tilmaamay mid waxuushnimo ah.

Ergayga Gaarka ah ee arrimaha Soomaaliland oo la kulmay Xildhibaanada degaan doorashadoodu tahay Soomaaliland

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Soomaaliland Mudane Abdikariim Huseen Guuleed, ayaa xalay kulan wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah Xildhibaanada degaan doorashadoodu tahay Soomaaliland.

Kulankan oo ay goobjoog ahaayeen inta badan xildhibaanada BJFS ee kasoo jeeda Soomaaliland ayaa waxaa ka soo qeybgalay Guddoomiyaha Aqalka Sarre mudane Cadi Xaashi Cabdullahi iyo Ra’iisul wasaare Ku Xigeenka Dalka Mudane Saalax Jaamac.

Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Soomaaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled oo ugu horeyn ka hadlay goobta ayaa uga warbixiyay Xildhibaanada iyo Masuuliyiinta Dowlada ee goobjooga ahaa Shaqooyinka culus ee Horyaalka xafiiskiisa iyo sida aan looga maarmin taladooda ku aadan ka gun-gaarista xal u helida Arrimaha Soomaaliland.

Qaar Ka mid Xildhibaanada joobta joogay, Ra’iisul wasaare Ku Xigeenka Dalka Mudane Saalax Jaamac iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa aad u soo dhaweeyay howlaha dardarta leh ee Ergeyga, waxaan ay u ballanqaadeen dhammaantood in ay si dhow ula shaqeyn doonaan, ayana ku garab istaagayaan dhabbo kasta oo lagu xaqiijinayo midnimada Umadda Soomaaliyeed.

Cabdiraxiin Ciise Caddoow oo loo magacaabay wasiirka maaliyadda Hirshabeelle

Madaxweynaha Dowadda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilkii ka qaaday Wasiirka Wasaarada Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane , Cali Cabdulle Nuur Isagoo xilka Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Hirshabeelle u Magacaabay Mudane Cabdiraxiin Ciise Caddoow.

Cabdiraxiin Ciise Caddoow ayaa ahaa Agaasime waaxeedka shaqada, shaqaalaha iyo tababarrada ee Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS.

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗞𝘂 𝗫𝗶𝗴𝗲𝗲𝗻𝗸𝗮: “𝗔𝗿𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 𝘄𝗮𝗮 𝗶𝗻 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗴𝗮𝗹𝗼 𝘄𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮𝗱𝗮𝗹, 𝘀𝗶 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗺𝗶𝗿𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗹𝗶𝘆𝗼 𝗾𝗼𝗿𝘀𝗵𝗮𝗵𝗮 𝗫𝘂𝗸𝘂𝘂𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗲𝗲 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶 𝗛𝗲𝘀𝗵𝗶𝗶𝘀 𝗮𝗵”

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salax Jaamac iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdilaahi ayaa caawa ka qayb galay munaasibad afur ah oo Xildhibaannada Iyo Wasiirrada ka soo jeeda Gobollada Waqooyi la yeesheen Ergayga u qaabilsan wadahadallada Somaliland Dowladda Federaalka Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa tilmaamay in arinta wadahadalada Somaliland tahay mid u baahan in xal waara laga gaaro isla markaana hoos loo eego tabashooyinka, si loo gaaro xal waara, iyadoo la xaqiijinayo qorshaha Xukuumadda DanQaran ee Soomaali Heshiis ah, kaas oo ay udub dhexaad u tahay ka miro dhalinta midnimadda iyo wada jirka Ummada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi ayaa dhinaciisa soo dhaweeyey Ergayga wadahalada arrimaha Somaliland isla markaana tilmaamay in ay kala shaqayn doonaan sidii xal waara looga gaari lahaa arrinta Somaliland, iyadoo loo marayo is qancin iyo garawshiyo si loo xaqiijiyo midnimadda dalka.

Dhankiisa Ergayga wadahadalada Somaliland u qaabilsan Dowladda Federaalka Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in arrinta Somaliland tabanayso ay tahay in si walaalnimo ku jirto looga wada hadlo, si loo gaaro natiijo wanaagsan oo saldhig u noqota midnimadda Umadda Soomaaliyeed

 

Horjooge Jaabir oo ku dhaawacmay dagaal khawaarijta ku dhex maray Jilib

-Kooxda khawaarijta arxanka daran ee Al-shabaab oo mudda dheer dhibaato ku heysay shacabka Soomaaliyeed ayaa hadda wajaheysa xaalad bur-bur iyo kala carar ah,kadib markii ay jab xooggan ka soo gaaray dagaalka xaq u dirirka ah ee geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo khawaarijta ka saaray degaanno badan.

Kaaxaha khawaarijta ayaa hadda wajahaya kala shaki iyo cabsi weyn ay soo kala dhaxgashay horjoogayaasha Maleeshiyada khawaarijta oo qarkood la go’doomiyay,halka kuwa kalana ay dileen waxaana sababta arintaa ay tahay cabsida ay ka qabaan ciidanka xoogga dalka ,kuwa deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah oo harsi iyo hoyaad u diiday khawaarijta gabalkoodu dhacay,khilaafka ayaa hada u sii gudbay horjoogayaasha ajaanibta iyo horjooge Mahad Karataay kaas oo sababay in habeen hore gurigiisa oo ku yaal degmada Jilib ku weeraro Mahad karaatay horjooge Jaabir kaas oo ku yaal suuqa Kalluunka,halkaas oo lagu dhaawacay horjooge Jaabir.

Warbaahinta qaranka ayaa ogaatay in dagaal toos ah ku dhex maray degmada Jilib labadda maleeshiyo ee daacada u kala ah Horjooge Mahad karataay iyo horjoogaha ajaanabiga ah ee Jaabir kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac,iyadoo horjooge Jaabir oo ka mid ahaa horjoogayaasha saamaynta ku dhex laha kooxda gabalkeedu sii dhacayo ee Khawaarijta.

Dagaalkan dhex maray Khawaariijta ayaa waxa ku dhintay 5 xubnood halka sidoo kale ay ku dhaawacmeeen 8 xubnood oo uu ku jiro horjooge Jaabir oo ay dhaawaciisa qaateen kooxdii soo weerartay,kooxda weerarka geystay ayaa ujeedkoodu yahay in ay wiiqaan ajaanibta ka hor timi horjoogaha Cusub ee ajaabiga ah Jacfar Suudaani.

Dhinaca kale maleeshiyaad daacad u ah horjoogihii hore ee ajaanibta Salmaan Muhaajir ayaa isu diyaarinaya in ay weeraraan xabsi ku yaal guddaha Jilib kaas oo dhowaan lagu xiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad ajaanib ah kuwaas oo uu dhowaan halkaas ku xiray horjooge Maxamed Aamin oo ah maleeshiyaadka ugu dhow dhow Horjoogaha dhagarta badan ee Mahad Karataay,xabsigan ayaa waxa gacanta ku haya horjooge Baahsaalow oo ka mid ah horjoogayaasha ay aad isugu dhow yihiin horjooge Mahad karataay.

Kooxda khawaariijta ayaa hadda baadi goob ugu jirta horjoogihii hore ee kooxda ajaanibta Salmaan Muhaajir oo la sheegay inuu ku dhuumalaysanayo deegaano u dhow degmada Jilib,kooxda khawaariijta ayaa guud ahaan a noqotay mid gabalkeedu dhacay iyadoo rabta hadda in ay soo afjarto xubnaha ay ka shakisan tahay,qaarkoodna xabsi geliso.

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab

Ciidanka Kumaandoosta Danab iyo ciidanka Gorgor ee xoogga dalka Somaliyeed ayaa howlgalo ka sameeyey dhulka hawdka ah ee waqooyi barri ee degmada Ruun-nirgood ee gobalka Shabelaha dhexe.

Ciidmada ayaa deegaanka Ruun-siciid 22-Khawaarijta ku dilay, halkaas oo ka mid ah dhulka hawdka ah ee hawlgalka laga sameeyey.

Intii uu socday hawlagalku waxaa ay ciidamadu gubeen raashiin, dawooyin iyo boco ay u isticmaalayeen inay biyaha ku shubtaan, kuwaas oo ay isaga carareen maleeshiyada gabalkoodu sii dhacayo ee argagexesada Al-shabaab.

Saraakisha ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed ee hawlgalka hogaaminayey oo lahadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay maleeshiyadu itaal iyo awood lahayn sidaasna ay ku door bideen inay ku dhuumaaleystaan dhulka hawdka, maadaama laga saaray deegaano iyo magaalooyin ay horay ugu gumaadi jireen shacabka Soomaliyeed.

Wali waxaa deegaano ka tirsan Shabeelaha dhexe iyo bariga Galgaduud, gaar ahaan dhulka hawdka ka soconaya hawlgal ay si wada jir ah u sameeynayaan ciidanka Kumaandoosta Danab iyo ciidanka Gorgor ee xoogga dalka Soomaliyeed, kuwaas oo ku guuleystay inay cagta mariyaan fariisamo ay Khawaaritu ku lahaayeen deegaano ka kala tirsan gobalada Shabelaha dhexe iyo Galgaduud.

  1.        

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha dalalka Jabuuti, Kanada iyo Kuubba

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Jabuuti, Kanada iyo Kuubba ee loo soo magacaabay Soomaaliya.

Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxeweynuhu waxa uu kaga guddoomiye waraaqaha Aqoonsiga Danjireyaasha kala ah; Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf, Safiirka cusub ee dalka Jabuuti, Mudane Christopher Thornley, Danjiraha Cusub ee Kanada iyo Mudane Juan Manuel Rodriguez oo ah Danjiraha ee dalka Kuubba u fadhin doona dalkeenna.

Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriimo ay ka sideen Madaxda iyo hoggaanka dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha ayaa si gaar-gaar ah uga wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leeyihiin dalalkoodu, waxa uuna xusay in soo celinta xiriirka dalka Kuubba uu ka tarjumayo ka dhabeynta qorshihiisa Soomaali Heshiis la ah Dunida.