Sidee ayuu noqon doonaa howlgalka wadajirka ah oo ay fulin doonaan ciidamada dalalka safka hore?

Shirka Madasha Soomaaliya iyo dalalka safka hore oo shalay ka furmay Muqdisho ayaa maanta waxaa ku soo biiray saraakiil militeri oo ka socta, Ethiopia, Djibouti iyo Kenya, waxaana shir guddoomiyay Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Shirkii maanta ayaa diiradda lagu saaray dejinta qorshaha wajiga labaad ee howlgalka, kaas oo dhinacyadu ku gorfeeyeen sida uu noqon doono howlgalkan wadajirka ah oo ay fulin doonaan ciidamada wadamada safka hore, sida ay madaxdu horay ugu heshiiyeen.

Maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adda IOM oo ka wada hadlay sidii shaqa abuur loogu samayn lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed

Agaasimaha Waaxda Xariirka Dibadda iyo Hey’addaha Caalamiga ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar Mudane Maxamed Xasan ayaa kulan la qaatay Kuxigeenka Madaxa Hey’adda IOM ee Soomaaliya Marwo Ewa Naqvi.

Kulanka ayaa loogu hadlay Iskaashiga Hey’adda IOM iyo Dowladda hoose ee Xamar, ka shaqeynta Mashaariicda horu-marineed si shaqo abuur loogu sameeyo dhalinyarada Soomaaliyeed iyo dardargelinta Mashruuca xalka waara ee dib-u-dajinta loogu sameenayo barakacayaasha Muqdisho.

   

Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka oo kulan fogaan-arag ah la qaatay Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan ururka hey’adaha Hantidhawrada guud ee Afrika

Hantidhawraha Guud ee Qaranka Abuukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta kulan fogaan-arag ah la qaatay maamulka sare ee ururka hey’adaha Hantidhawrada guud ee Afrika (AFROSAI-E).
Kulanka ayaa waxaa looga wadahadlay iskaashiga ka dhexeeya xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka iyo ururka AFROSAI-E iyo shaqooyinka wadaagga ah ee dhinacyada horumarinta, isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta hay’adaha dowliga ah.
Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka waxaa uu xubin firfircoon ka yahay Ururka AFROSAI-E isagoo door muuqda ka ciyaara hindiseyaasha kobcinta xirfadda iyo aqoon-iswaydaarsiga ee uu ururku taabbagaliyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Ra’iisul wasaare kuxigeenkii hore ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Ra’iisul Wasaare Kuxigeenkii hore ee Dalka ahna Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibbedda Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Ismaaciil Hurre Buubaa uu ahaa aqoon yahay iyo khabiir door weyn ka soo qaatay u adeeggidda qarankiisa, dib u dhiska dalka, xoojinta siyaasadda arrimaha dibbadda iyo dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya, isaga oo xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladihii Kumeel Gaarka ahaa ee soo maray dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey in Ismaaciil Hurre Buubaa uu hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka Arrimaha Bini’aadannimada ee ka dhacay Geneva

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo isbeddelka Cimillada, Aadam Aw Xirsi iyo guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA Mudane; Maxamud Macallin ayaa shirka Arrimaha Bini’aadannimada kaga qeyb galay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Qaramada midoobay ayay u jeeddadiisu ahayd sidii Soomaaliya loogu tabaruci lahaa, looguna aruurin lahaa deeq maaliyadeed si wax looga qabto arrimaha bini’aaddannimo iyo Barakacayaasha magaalada Baardheere ee uu saameeyay roobabka iyo colaadaha ka jira dalka.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay waddamada deeqda bixiya sida Midowga Yurub, China , waddamada Carabta iyo hay’adaha aan dowliga ahayn iyo kuwa Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya hawlaha bini’aaddannimada.

   

Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo ka tacsiyeeyey geerida wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Abshir Cumar Haruuse, ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Allaha u naxariistee Prof. Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo maanta ku geeriyooday dalka Turkiga, halkaasi oo maalmahii danbe uu ku xanuunsanayay.

Allaha u naxariistee Prof. Ismaaciil Buubaa, ayaa dalka ka soo noqday Ra’iisul Wasaare ku xigeen iyo Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka oo ku baaqday in la yareeyo xiriirka Shiinaha

Wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka Analina Baerbock, ayaa ku baaqday in la yareeyo khatarta ka imaan karta xiriirka Shiinaha, iyada oo ka hadlaysa shirka wasiirrada arrimaha dibadda NATO oo maanta ka dhacaya magaalada Brussels.

Analina Baerbock, yaa hadalkeeda ku sheegtay in tani aanay macnaheedu ahayn in xiriirka loo jaray Shiinaha, balse ay ula jeeddo in la yareeyo baahida loo qabo ku tiirsanaanta xariirkeeda.

Birbock ,ayaa sabab uga dhigay mowqifkan lagu yareynaayo xariirka shiinaha, inuu taageeray duullaanka Ruushka ee Ukraine, iyadoo sheegtay in Shiinaha oo xubin joogto ah ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Hadalka Wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka, ayaa imanaya xilli Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, la qorsheynaya in Khamiista uu la kulmo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf.

Ra’iisul Wasaaraha oo Danjiraha cusub ugu hambalyeeyey masuuliyadda loo igmaday, ayaa sheegay in Jabuuti ay tahay dal walaal ah oo xilliyo adag soo garab taagnaa Soomaaliya, kana taageero dhinacyo badan oo ay ugu horreyso dagaalka kooxaha Khawaarijta ah looga ciribtirayo dalka.

Mudane Xamse oo sheegay in ay mahad u hayaan dowladda iyo shacabka Jabuuti ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ay sii amba-qaadi doonto xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan ee walaalaha ah.

Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya

WarbixintaToddobaadlaha

1:Madaxweynaha JFS mudane; Xasan Sheekh Maxamuud ayaa todobaadkan Cabdikariin Xuseen Guuleed u magacaabay inuu noqdo Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Soomaalinad, sidoo kale Maxamed Cabdi Waare ayaa loo magacaabay Ergeyga Xasilinta.

2:MadaxweyneXasanSheekhMaxamuud oo warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomaydanjireyaashadalalka Djibouti, Canada iyo Cuba.

3:Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo bogaadiyay Hawlgalka Midowga Afrika xilli ATMIS ay xuseyso sannad guuradeedii 1aad tan iyo markii la dhisay.

4:Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo guddoomiyay shir looga hadlayey wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo xoreynta dalka.

5:Wejiga labaad ee dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta Al Shabab oo dhowaan bilaabanayaa, kaas oo ay qeyb ka noqonayaan dalalka deriska oo taageeraya Dowladda Soomaaliya.

6:Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ansixiyey sharciga nidaamint agaadiidka Mooto Bajaajta.

7:Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka oo gargaar aadminimo gaarsiisay Baardheere, Xuddur iyo Mesagawaa iyo barakacayeesha ku nool GobolkaBanaadir.

8:Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo loo soo gudbiyay kiisas la xiriira lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada.

9:Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in guudahaan la curyaamiyay hannaankii maaliyadeedee Khawaarijta.

10:Cabdi XasanHulbaale oo ka mid ahaa horjoogeyaasha Khawaarijta Al Shabab oo isku soo dhiibay CiidankaX oogga Dalka ee sugan Gobolka Shabeellaha Hoose.

11:Laba xubnood oo Khawaarijta ka tirsan Bishaar Shardi Maxamed Xasey iyo Yusuf Suleyman Abukar Jirow Salaaxudiin ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Daraawiishta Galmudug.

12:Horjooge Xuseen Daahir Maalin Dhegay oo Khawaarijta Al Shabab ugu qaabilsanaa weerarada shacabka lagu waxyeeleeyo ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Degmada Ceeldheer ee Dowlad Goboleedka Galmudug. Horjooge Calas Ibraahim Axmed Barre ayaa isna lagu soo qabtey hawlgal isla deegaankaasi ka dhacay.

13:Ciidamada Xoogga Dalka oo tuulada Makuud ee duleedka Baydhabo ku dilay 14-ka mid ah Khawaarijta Al-Shabaab.

14:Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo bilowday in ay gargaar cunto ah u fidiso dadka ku nool deegaannada laga xoreeyay Al Shabab, iyadoo la fulinayo halku-dhigganabad ku afur.

15:Guddiga tartan ka adeegga xajka sanadka 2023 ayaa soo saaray liiska 75 shirkadood oo ku guuleystay bixinta adeegga xajka ee sannadkan.

 

Emmanuel Macron oo booqasho ku tagay Shiinaha

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa maanta oo Arbaca ah booqasho saddex maalmood qadaneysa uga bilaabatay dalka Shiinaha, sida lagu sheegay war ka soo baxay qasriga Elysee.

Booqashada Macron ee Shiinaha, ayaa noqoneysa safarkiisii ​​ugu horreeyay ee uu ku tago dalka Shiinaha tan iyo sannadkii 2017-kii.

Sida la sheegay maanta gelinka dambe, ayuu Madaxweyne Macron la kulmi doona Jaaliyadda Faransiiska ee Shiinaha ka hor inta uusan wada hadal la yeelan Khamiista beri ah dhiggiisa Shiinaha, Xi Jinping.

Madaxweyne Emmanuel Macron, ayaa sida qorshuhu yahay Jimcaha booqan doona degaano ka mid ah koonfurta dalkaasi Shiinaha.