R/W Xamsa” Sanadkan wuxuu noqonayaa, sanadkii dalka laga xoreyn lahaa Khawaarijta,”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo gudanaya Cumrada, ayaa ugu duceeyay ummadda Soomaaliyeed in Alle uu ka dulqaado dhammaan dhibaatooyinka heysta oo ay ugu horreeyaan abaaraha iyo colaadda, uguna beddelo barwaaqo, nabad iyo midnimo.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa safarka Cumrada ku weheliya qaar katirsan xubnaha Xukuumadda iyo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in sanadkan uu noqon doono Gugii Guusha oo geesiyaasha ciidanka qalabka sida iyo shacabka oo wada jira ay uga xoreyn lahaayeen dalka Khawaarijta dhiigga ummadda daadinayay muddo 15 sano ah.

  

Suudaan: Dagaallo u dhaxeeya 2-ciidan oo ka bilowday Khartuum

Rasaas xooggan ayaa laga maqlayaa caasimadda Suudaan ee Khartoum ,kadib maalmo ay jireen xiisado u dhexeeyay ciidamada iyo kuwo kale oo loo yaqaanno ciidamada taageerada degdegga ah.

Rasaas ayaa laga maqlay agagaarka xarunta dhexe ee ciidamada Sudan iyo wasaaradda gaashaandhigga oo ku taalla bartamaha magaalada Khartoum.

Ciidamada Taageerada Degdegga ah waxay sheegeen in ay soo weerareen ciidamada qalabka sida ee Suudaan,waxaana dagaalku uu ka socdaa agagaarka madaxtooyada ee waqooyiga caasimadda iyo sidoo kale Sooba sida uu ku waramay Morgan oo u hadlay kooxdaasi.

Shalay iyo xalay waxaa scday wadahadal lagu dhexdhexaadinaayo labada garab ee ciidamada ,waxayna dhinacyadaasi u sheegeen dadkii dhexdhexaadinaayey inay diyaar u yihiin inay qaadaan tillaabooyin lagu dejinayo xaaladda.

Iska horimaad dhexmara ciidamada Suudaan oo laba garab ah ayaa keeni kara dagaal daba dheeraada oo ka dhaca dalweynahaasi oo horey ula tacaalaayay burbur dhaqaale iyo colaado qabiil.

Ciidamada xoogga dalka oo si buuxda ula wareegay deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda federaalka Soomaaliya Generaal Cabdullaahi Cali Caanood oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa xaqiijiyay in maanta ciidamada xoogga dalka si buuxda ula wareegeen deegaanka Budbud oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

“ Ciidanku saakay wuxuu si buuxa ula wareegay deegaanka Budbud, Budbud waa tuulo weyn oo degmo u dhiganta, dad badanana deggan yahay, maanta waxay gacanta ugu jirtaa oo saakay la wareegay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Daraawiishta Galmudug,”  ayuu yiri Generaal Caanood.

Sidoo kale, Ciidamada xoogga dalka oo kaashaanaya Daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka ayaa ku guuleystay howlgallo maalmihii u dambeeyay ay wadeen in ay gacanta ku dhigaan deegaanada Ceel Axmed, Saban-sablaale iyo  Ceel Cali Xasan oo dhammaantood hoostagta degmada Galcad ee gobolka Galguduud.

Ciidamada xoogga dalka ayaa hadda ku sii daba jira firxadka kooxda Khawaarijta, kuwaas oo dhibaato xooggan ku hayay shacabka ku dhaqan deegaannada la xoreeyay.

Dhammaan deegaannadan laga xoreeyay Khawaarijta ayaa ah kuwo muhiim ah,islamarkaana leh dhul aad u qurux badan, kuna wacan dalxiiska, waa dhul doog leh oo xareedu Biyo dhigtay, barwaaqada iyo dhirta cagaarana Alle ku manaystay  oo maanta xor ka ah Khawaarijta Al Shabaab.

Khawaarijta oo Jubbooyinka isaga dishay 10 xubnood

Jilib- Ugu yaraan 10 dhagar-qabe oo ka wada tirsan ayaa ku geeriyootay labaatameeyo kalana dhaawacyo xooggan ayaa kasoo gaaray dagaal culus oo khawaarijta Al-shabaab ku dhex maray meel ku dhow degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

Dagaalka oo si gaar ah uga dhacay halka lagu magacaabo Yaaq shabeel oo u dhexeysa Kaam jirroon iyo Beexaani ayaa geystay qasaara baaxad leh oo labada dhunac soo kala gaaray, sida ay xog hoose ku heshay warbaahinta Qaranka.

Dagaalka ayaa yimid markii horjooge lagu magacaabo Ismaaciil Booroow kana soo jeeda degmada Xuddur ee gobolka Bakool uu kasoo goostay khawaarijta, taas oo sababtay in koox daacad u ah dhagar-qabe Mahad Karratay ay weerar ku qaadaan.

Horjooge, Ismaaciil Booroow ayaa haysta malleeshiyaad ku heyb ah kuwo isaga ku feker ah oo ka gadoodsan dhaqannada gurracan ee kooxda khawaarijta, halkaas oo ay saddexdii cisho ee lasoo dhaafay ku dagaallamayeen isaga iyo garabka dhagar qabe Mahad Karratay.

Kooxda Khawaarijta Al-shabaab ayaa waxaa waayadii dambe soo food saaray argagax iyo cabsi fara badan markii ay Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanku ay ku qaadeen guluf xooggan oo lagaga xoreeyay dhul badan oo ay ka arriminayeen, taas oo keentay kala shaki iyo in ay dhexdooda dagaallamaan.

Dowladda Cumaan oo raashiin ka qeybisay gobolka Bakool

Xuddur- Dowladda Saldanadda dalka Cumaan ayaa maanta deeq ka kooban raashiinka noocyadiisa kala duwan waxa ay gaarsiisay degmada Ceel barde ee gobolka Bakool.

Deeqdan ayaa waxaa ka faa’iideystay 1000 qoys oo ka mid ah dadka dan yarta ah oo ku badan qoysaskii dhowaan kasoo bara kacay abaarta iyo colaado ka dhacay gobolka, kuwaas oo ay dhaafeen xoolihii ay dhaqanayeen.

Saldanadda Cumaan ayaa bilkasta oo Ramadaan ah waxay qaar kamid ah goballada dalkeenna geysaa raashiin, kaas oo ay ka faa’iideystaan dadka danta yar ee abaaraha iyo musiibooyinka dabiiciga saameeyeen.

     

Ciidamada xoogga dalka oo khawaarijta ka xoreeyay deegaanno hoos taga Galcad

Dhuusamareeb- Ciidamada xoogga dalka iyo dadka deegaanka ayaa Khawaarijta kala wareegay Tuulada Ceel Cali Xasan oo hoostagta degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Taliyaha Guutada 3aad ee qaybta 27aad, Ibraahim Yuusuf iyo Taliyaha Guutada 4-aad ee Qaybta 27aad ee xoogga dalka ayaa qarbaahinta Qaranka u sheegay in ciidamada ay miinooyin badan ka bixiyeen jidka xariiriya tuulooyinka uu ka socdo howlgalka.

Khawaarijta oo u adkeeysan wayday cududda ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka ayaa banneeyay in ka badan 20 fariisin oo ay ku lahaayeen deegaannada hoos taga Magaalada Galcad.

Duqa Muqdisho oo kulamo gaar gaar ah la yeeshay qeybo ka mid ah bulshada Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta socdaal ku maray xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu kula kulmay  qaar ka mid ah Bulshada qeybahooda kala gedisan si uu kaga dhageysto talooyin ku aadan Horumarka iyo Amniga Caasimadda Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa la wadaagay bulshadii uu la kulmay in Maamulka Gobolka Banaadir u-diyaar garoobayo olole ku aadan Nadaafadda iyo Bilicda Caasimadda maaddaama la guda galay xilli roobaad.

Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale bulshada kula dardaarmay in lagu garab siiyo maamulada Degmooyinka iyo Deegaannada Bilicda iyo Nadaafadda Caasimadda, isla markaana wada-shaqeyn dhaw lala yeesho maamulada iyo laamaha Amaanka si loogu hortago Garanwaaga iyo Dhagarta Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo addis ababa kaga qeyb galaya shir saddex-geesood ah

Addis Ababa- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay kaga qayb gelayaan shir saddex geesood ah oo ay yeelanayaan dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga.

Shirkan saddex geesoodka ah ayaa hoggaamiyeyaasha saddexda dal waxa ay ka arrinsanayaan dib-u-habaynta iskaashiga ka dhexeeya iyo mideynta qorsheyaasha ku qotama xiriirka diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo amni, iyadoo la gorfeynayo xal u helidda caqanadaha ay wadajirka u wajahayaan dalalkan.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka xiriirka soo jireenka ah ee dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya, sidoo kale dadaalada dowladda Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, guulaha laga gaaray dib u xoreynta deegaannada iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga heer gobol.

 

Ciidamada Danab oo la wareegay deegaanno cusub oo \ka tirsan Gaal-gaduud

Ciidanka Kumaandooska XDS ee Danab ayaa maleeshiyaadka khawaarijta Al-shabaab kala wareegay goobo cusub iyo difaacyo  ay ku lahaayeen deegaanada Geryaale, iyo Ceel-juqoow, uu dhaca gobolka Gaal-guduud.

Majirin wax iska caabin ah oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay kala kulmeen la wareegista deegaanadaasi cusub iyo difaacyada Khawaarijta Al-shabaab,gaar ahaan goobo gabbaad ah oo isugu jiray godad iyo dhul howd ah.

Taliyaha ururka 4-aad guutada 16-aad ee kumaandooska XDS ee Danab Laba xidigle Cabdulaahi Mustaf ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in khawaarijta ay ka nadiifiyeen god kasta iyo geed kasta oo ay gabaad kadhigan jireen.

Xilligaan waxaa socda  howlgallo dheeraad ah oo lagu baacsanaayo kooxaha khawaarijta,waxaana warku intaa ku daray in goobohii lala wareegay lagu sameeyay baaritaanno qeyb ka ah xasilita halkaasi.

 

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS oo Mareykanka uga qeyb galay kulan muhiim u ah Soomaaliya

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qeyb galay dood la xariirtay sidii xal loogu heli lahaa sugnaanta cuntada dunida,kaas oo barbar socday shir ka dhacay magaalada Washinton oo ay soo qaban qaabiyeen Bangiga Adduunka (WB) iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF).

Shirkaan oo ah mid sanadle ah,isla markaana loogu magac daray Kulamada Gu’ga (Spring meetings),waxaa ka qeybgalay madaxa Hey’adda Ganacsiga Adduunka (WTO), madax ka socotay Bankiga Adduunka, Wasiirrada Horumarinta Caalamiga ah ee dalalka Ingiriiska, Denmark iyo masuuliyiin kale,

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray siyaabaha wax looga qaban karo sugnaan-la’aanta cuntada oo ka dhalata colaadaha, saboolnimada, xaalufinta degaanka, fatahaadaha, abaarta iyo arrimo kale.

Ergeyga ayaa kulanka la wadaagay fursadaha iyo caqabadaha is hareer yaal ee Soomaaliya ka saari kara dhibaatada cunto yaraanta iyo ku tiirsanaanta kaalmada shisheeye, isagoo xusay in Soomaaliya aysan kaalmo raadsi keliya ahayn ee ay miiska soo saarayso khayraad dabiici ah, bulsho ruux iyo firfircooni ganacsi leh, dal ahmiyad juqraafi siyaasadeed leh iyo dhallinyaro firfircooni, hal abuur iyo hami sarreeya leh.

Ergeyga ayaa horraanba muujiyay muhiimadda ay leedahay maalgalinta mashaariicda dhisaysa adkaysiga bulshada, ka soo kabashada iyo horumarka, sida; in Soomaaliya lagu gacansiiyo maalgashiga dhanka beeraha, xoolaha, kalluumaysiga,macdanta iyo shidaalka si ay u daboolaan baahida conto yarida, loogana kaaftoomo gurmadka degdegga ah iyo deeq aan wax ku ool ahayn.

Kulamada Gu’ga (Spring meetings) oo sanadkaan ka dhacaya magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa looga hadlayaa arrimo kala duwan oo quseeya caalamka oo ay ku jiraan,ciribtirka faqriga, horumarinta dhaqaalaha, waxtarka gargaarka iyo dhacdooyin kale oo diiradda saaraya dhaqaalaha adduunka,horumarka caalamiga ah iyo hannaanka maaliyadeed ee dunida.