Qaramada M oo ka digtay in daadadka ka jira Soomaaliya ay keeni karaan cudurro

Daadadka webiyada ee ka dhashay roobabka lixaadka leh ee ka da’aya Soomaaliya waxay keeni karaan soo ifbaxa iyo in ay dillaacaan cudurrro halis ah oo ka dhallan kara biyaha ,sidaasi waxaa digniin ku bixiyay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada.

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA ayaa sheegtay in roobabkaan ay ku soo aadeen xilli ay jireen  cudurka Daacuunka iyo shuban biyoodka oo laga soo sheegay  maamul goboleedyada Jubaland, Koonfurta Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed.

OCHA, oo soo xiganaysa tirokoob ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka, ayaa sheegtay in ugu yaraan 4,000 oo kiis oo looga shakisan yahay daacuunka iyo 17 dhimasho oo xidhiidh la leh laga soo sheegay 27 degmo tan iyo bishii Jannaayo, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Xinhua.

Waxa ay intaa ku dartay in daadadka ka dhashay roobabka ay saameeyeen in ka badan 1,75,000 oo qof oo ku nool Soomaaliya tan iyo bilowgii xilli roobaadka ee bartamihii bishii March, kuwaas oo 140,000 oo ka mid ah ay barakaceen.

“Haddii roobab mahiigaan ah ay ka da’aan Soomaaliya iyo dhulka sare ee Itoobiya inta lagu jiro xilliga, waxaa la qiyaasayaa in fatahaadaha wabiyada ay saameyn karaan ilaa 1.6 milyan oo qof, iyadoo in ka badan 600,000 ay ku barakici karaan,” OCHA ayaa sidaa ku digtay.

Waxa ay sheegtay in barakaca ugu badan uu ka dhici doono deegaannada kulul ee ku teedsan webiyada Jubba iyo Shabeelle, iyo qeybo ka mid ah gobollada Baay iyo Banaadir, iyadoo horay fatahaado ay uga dhaceen deegaannada Galmudug, Puntland iyo Somaliland.

OCHA ayaa sheegtay in in ka badan 21 qof ay ku dhinteen daadad ka dhacay degmada Baardheere ee dowlad goboleedka Jubaland, kadib roobab xooggan oo da’ay 21-kii ilaa 24-kii bishii March.

Roobabkaan culus iyo daadadka ayaa yimid kaddib shan xilli oo abaar ah oo keenay barakaca in ka badan 1.4 milyan oo Soomaali ah iyo dhimashada 3.8 milyan oo xoolo ah tan iyo bartamihii 2021, ayay tiri hay’adda Qaramada Midoobay.

Wasiirka Amniga XFS oo Tababar u soo xiray ciidamo ka socday ilaalada Madaxtooyada

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Magaaladda Belgrade ee Dalka Serbia Tababar ugu soo xiray qaar kamid ah ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada iyo Madaxweynaha JFS, kuwaas oo Muddo Afar bil ah Tababar Sare ku qaatay dalka Serbia.

Munaasabadda Xiritaanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Serbia Mudane Bratislav Gasić, Danjiraha JFS u fadhiya Jamhuuriyadda Serbia Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed iyo Saraakiil ka tirsan Dugsiga Tababarka Ciidamada gaarka ah Marshal Josip Broz Tito.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Dowladda Serbia uga mahadceliyay garab istaaga iyo Taageerada ay u muujisay Soomaaliya,isagoo sheegay in  ciidankaan ay ka qeyb qaadan doonaan Sugidda Amniga Madaxda Qaranka.

Mudane Bratislav Gasić Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Serbia ayaa sheegay in ay sii xoojin doonaan Tababarada Ciidanka Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya, kuwaas oo uu tilmaamay in guulo muhiim ah ay ka gaareen  Dagaalka ay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya kula jiraan Argagixisada.

Ciidamadaan oo gaaraya 60-Askari ayaa soo dhaneystay tababar aqoon kororsi ah,waxayna isugu jireen Saraakiil,Saraakiil xigeeno,Dabley iyo Alifley, iyadoo mudadii tababarka ee afarta bilood soo  qaatay casharro heer Sare oo ku saabsan Amniga Madaxda Qaranka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay gantaal cusub oo balastic ah

Kuuriyada Waqooyi ayaa ku dhawaaqday tijaabadii ugu horreysay ee lagu sameeyo gantaalkeedii ugu horreeyay ee oo loogu magac daray Hwasong-18 ,kaas oo awood u leh in uu iskaga kala goosho qaarad ka qaarad.

Subaxnimadii maanta Warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa xaqiijisay tijaabinta gantaalkaan oo lagu tilmaamay guul mucjiso ah.

Wakaaladda wararka ayaa soo xigatay Kim isagoo leh Hwasong-18 ayaa si degdeg ah u horumarin doonta jawaabta nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi ,wuxuuna intaa raaciyay in ay sii wadi doonaan tayeynta iyo horumarinta hubka  Nukliyeerka.

Tijaabada gantaalkaasi waxaa qeylo dhaan ka soo saaray Kuuriyada Koonfureed iyo Japan, kuwaas oo muddo kooban ku amray dadka deggan jasiiradda Hokkaido ee waqooyiga dalkaasi inay isaga guuraan halkaasi.

Deegaanno hor leh oo saacadihii lasoo dhaafay laga xoreeyay khawaarijta

Dhuusamareeb- Ciidanka xooga dalka ayaa cagta mariyay ku dhowaad 10 tuulo oo hoostaga Dagmada Galcad ee gobolka Galgaduud

Taliyaha Guutada 4aad ee qaybta 27aad ee Ciidanka xooga dalka Kornayl Saneey Cabdulle oo hogaaminaya howlgalka ayaa ugu baaqay shacabka tuulooyinkaan in ay soo dhoweeyaan ciidanka iyo dowladnimada soo gaartay

Taliye Saneey Cabdulle ayaa sheegay in Khawaarijta ay ku cibaadeeysanayaan bisha Soonqaad, isagoo farriin culus u diray khawaarijta firxadka ah.

“Hadii aad ka run sheegaysaan warkiina ah janno ayaan doonaynaa hannaga cararina ee kaalaya goobta dagaalka”

Wajiga 2aad ee dagaalka Khawaarijta ayaa si rasmi ah u billowday, waxaana illaa iyo hadda lagu xoreeyay dhul farabadan, halka dhowaanna deegaanno hor leh laga xoreeyn doono haraadiga Khawaarijta.

     

Xildhibaanno kormeeray goobihii laga xoreeyay khawaarijta

Dhuusamareeb- Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Federaalka  Soomaaliya oo ku sugan deegaannada khawaarijta laga xoreeyay ayaa kormeeray Magaalada Galcad ee gobalka Galgaduud.

Xildhibaan Yaasiin Fareey iyo Xildhibaan Xusul oo ay wehliyaan saraakiil ciidan ayaa kormeer ku sameeyay xaafadaha Magaalada Galcad, halkaas oo ay xog wareysi kula yeesheen Shacabka Magaalada oo in muddo ah dhibbane u ahaa Khawaarijta arxanka daran.

Shacabka halkaasi ku dhaqan ayaa xildhibaannada iyo saraakiisha u sheegay inay dil, dhac, boob, afduub iyo cabburinba ku hayeen kooxda khawaarijta ah, haatanna ay dareemayaan neecow gobannimo.

Dadka halkaasi ku dhaqan ayaa dowladda ka codsaday in ay deegaannadooda ka hirgeliso adeegyadii bulshada iyo goobihii cibaadada oo ay cagta mariyeen argagixisadu, taas oo ay horay u ballan qaadday XFS.

    

Taliyaha Ciidanka Booliska oo qaabilay Madaxa Hay’adda EU-CAP ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeyo Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa Xafiiska ku qaabilay Madaxda Hay’adda Midowga Yurub ee Tayeynta Soomaaliya, European Union Capacity Building in Somalia (EUCAPSOM) Mr; Kauko Aaltomaa iyo Mas’uuliyiin kale.

Qaabilaada ayaa daaraneyd sidii loo xoojin lahaa xariirka wanaagsan ee Ciidanka Booliska iyo EUCAPSOM, gaar ahaan dhanka Ciidanka Daraawiishta Booliska ee Goobaha Khawarijta laga xoreeyay.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dhowr qodob oo ay kamid yihiin tayeynta ciidamada iyo tababaridda shaqaalaha Taliska Booliska Soomaaliyeed.

Gaadiid cusub oo lagu wareejiyay qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa Maanta ku wareejiyay Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir gaadiid si loogu xoojiyo amniga Caasimada iyo nawaaxigeeda.

Gaadiidkan ayaa wax badan ka baddali doona baahida gaadiid ee horay ujirtay, si kor loogu qaado howlgallada lagu sugayo amniga iyo gaafmeerka degmooyinka gobolka Banaaadir.

Taliyaha qeybta guud ee Boliiska gobolka Banaadir G/Sarre; Mahadi Cumar Muumim, ayaa sheegay in gadiidkan uu buuxin doono meelo ka bannaanaa howlgallada Boliiska Gobolka Banaadir, isaga oo carabka ku adkeeyay in la dhowri doono loona isticmaali doono ujeeddadii loo keenay.

    

Ciidanka xoogga dalka oo la wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud

Dhuusamareeb- Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la wareegay deegaannada Ceel Afwayn iyo Sabansableey oo hoostaga Tuulada Budbud ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha Guutada 4-aad ee qaybta 27aad ee Ciidanka xoogga dalka, Kornayl;  Saneey Cabdulle oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay burburiyeen fariisimo ay Khawaarijtu ku lahaayeen deegannadan.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka shacabka ayaa bilihii lasoo dhaafay guulo waaweyn ka gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, iyagoo ka xoreeyay magaalooyin iyo deegaanno ka badan siddeetan.

  

Soomaaliya iyo Jarmalka oo kala saxiixday heshiis dhaqaale

Dowladaha Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa kala saxiiday heshiis dhaqaale oo gaaraya 19 Milyan oo dollarka Mareykanka ah, si wax looga  qabto dib u soo kabashada ilaha dhaqaalaha iyo ganacsiga Soomaaliya.

Heshiiskan oo socday ku dhowaad labo sano ayay maanta ku kala saxiixdeen magaalada Muqdisho hay’adda Gargaara oo ah laan ka mid ah Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo taageerta ganacsiga iyo Bankigyada iyo  Bankiga horumarinta Jarmalka ee Germany (KFW).

Maal gelinta ayaa xoogga saari doonta ilaha kala duwan ee wax soo saarka dalka, sida Beeraha, Xoolaha, kalluumeysiga, Tamarta, Dalxiiska, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Horumarinta dhallinyarada.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah Agaasimyaasha guud ee Wasaaradda ee ay khuseyso shaqadan, Madaxda sare ee Gargaara, Madaxda Bankiyada Somaaliyeed iyo madaxda Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Safaaradda Germany Soomaaliya oo ay wehliyaan saraakiisha mashruucan.

Guddoomaiyaha Hay’adda Gargaara, Suleymaan Cabdi Ducaale ayaa kaga mahad celiyay shacabka iyo Dowladda Jarmalka taagerada ay la garab taagan-yahiin bulshada Soomaaliyeed, waxuuna hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay u leedahay taagaeradan Soomaaliya.

Madaxa horumarinta iyo Iskaashiga Safaaradda Jarmalka Soomaaliya, Allena Kern ayaa sheegtay in ay ku kalsoon tahay taageerada Gargaara ay siiso ganacsiyada gaarka, waxanay u ballan qaadday taageera buuxda.

Jarmalka waxa uu ka mid  yahay dalalka sida wayn u taageera dowladda Soomaaliya, isagoo ka caawiya dhinacyada, gargaarka, horumarinta, farsamada ganacta, caafimaadka, waxbarashada iyo amniga.

   

General Biixi” Waxan go’aan ka gaarnay weerarradii Khawaarijtu ku soo qaadi jirtay xeryaha ciidamada”

Taliyaha Ciidanka lugta Soomaaliyeed, Janaraal; Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in ay si weyn uga baaraan degeen ka Ciidan ahaan xeeladaha gaadmada ah ee ay khawaarijtu adeegsadaan.

Taliye Biixi oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay ineysan mar dambana  dhacayn in ay soo hajuumaan khawaarijta xarumaha ciidanka ama ay haweystaan.

General Biixi” Waxaan go’aan ka gaarnay weeraradii Khawaarijtu ku soo qaadi jirtay xeryaha ciidamada,haday wax isku hayaan ha soo weeraraan hadda”.

Janaraal Biixi ayaa sheegay in aysan haatan jirin Ciidan ay soo haweysan karaan aadna looga gaashaantay dhagartooda, isla markaana aysan dhacayn in ay mar kale dhibaateeyaan shacabka ama u hanjabaan.

Taliyaha Ciidanka lugta Soomaaliyeed, Gen; Maxamed Tahliil Biixi ayaa sidoo kale sheegay in khawaarijtu ay dhexdooda iska shakiyeen qilaaf weyna uu soo kala dhex galay, taas oo keentay in ay koox-koox isugu dhiibaan beelihii ay kasoo kala jeedeen hubkana ay ku wareejiyaan si ay u qariyaan.

Janaraal Biixi ayaa sheegay inay xog ka heleen dagaal dhex maray khawaarijta oo ay rag badan isaga dileen, wuxuuna intaa ku daray in ay dhowaan ku shireen deegaanka Cowsweyne iyagoo go’aansaday in baaqigooda haray ay isa soo dhiibaan.