Ciidanka xoogga oo howlgal ku dilay xubano katirsan khawaarijta

Ciidanka Xoogga dalka iyo xooggaga xoreynta deegaanka ayaa saaka weerar culus ku qaaday Fariisimo Kooxaha Khawaarijtu ku lahaayeen tuulada Habar Gacalo oo hoos tagta deegaanka Budbud oo shalay Cadowga laga xoreeyay.

Ciidamada ayaa howlgalkaas qorsheysnaa ku dilay 9 ka tirsan Maleyshiyaadka Khawaarijta waxaana la burburiyay fariisimihii ay deegaankaas kaga sugnaayeen, iyadoo hadda wali la sii baacsanayo firxadka khawaarijta

Ciidmada xoogga iyo kuwa degaanka ayaa howlgallo ka dhan ah khawaarijta kawada  degaanno katirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud,waxana isa soo tarayo guulaha ay ciidamda ka gaareen dagaaladaasi.

Horjoogeyaasha Khawaarijta oo isku Khilaafay inay difaacdaan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, (Warbixin).

Ciidamadda xoogga iyo kuwa degaanka kadib gulufka dagaal ay ku qaadeen khawaarijta waxa ay suurta galisay in khawaarijta laga saaro degaanno iyo tuulooyin badan oo ka tirsan gobolada dalka, waxan xiligaan khawaarijtu mareysaa xaalad bur-bur iyo kala carar ah, iyadoo geesiyasha xoogga dalka ay uga dabagalayaan meel walba oo ay isku dayaan in gabaad ka dhigtaan khawaarijta arxanka daran ee Al-Shabaab.

Warar ay heshay warbaahinta qaranka ayaa xaqiijiyay in Maleeshiyada khawaarijta ay ku kala tageen shir ay ku yesheen degmada Ceelbuur kadib markii khilaaf xooggan uu soo kala dhax galay, kulama qarsoodi ah oo ay ku yesheen khawaarijta degmada Ceelbuur oo in mudda ah ay gacanta ku hayeen ayay uga hadleen in ay difaacan karaan degmadaasi iyo in kale waxana horjoogayaasha qaar ay soo jeediyeen in aysan la dagaalami karin cududa ciidan ee ku soo wajahan sidaa darteedna ay iyaga oo dagaalamin ay isaga baxaan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Horjooge Saciid Axmed Gaagaale oo kamid ah horjoogayaasha saameynta ku dhex leh khawaarijta kana soo jeedo Ceelbuur ayaa sheegay in aysan xiligaan aysan ku dagaalami karin degmada Ceelbuur islamarkaana ay la yimadaan xeelad kale horjooge ina dhaqane oo isna kamid ah kooxda aadka ugu dhow Xuseen cali Fiidoow ayaa arintaa ka biyo diiday isaga oo sheegay in aysan sax ahay in si fudud ay uga baxaan degmadaasi oo mudda kabadan 10-sana ay gacanta ku hayeen.

Horjooge Daahir Calasow oo isna kamida ah horjoogayaasha aan ka soo jeedin degmada Ceelbuur oo isna shirka ka qebgalay ayaa ku fakir noqday horjoogayaasha qaba in aan lagu dagaalami karin degmada Ceelbuur marka la eego awooda ciidan ee degaankaa ku soo wajahan.

Horjooge Daahir Calasow oo kamid ah horjogayasha saameynta ku leh khawaarijta ayaa degmada Ceelbuur u tagay in ku dhiiri galiyo khawaarijta in sii difaacan karaan Ceelbuur oo ay ku dagaalami karaan, balse marka uu xaalada qiimeeyay ayuu badalay go’aankiisii ahaa in khawaarijtu ku dagaalanto degaanka taa oo keentay in uu khilaafka qeb ka noqdo

Marka laga tago hadallada khiyaaliga ee khawaarijta waxaa degmada Ceelbuur ku wajahan geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa degaanka kuwaa oo hada kaabiga ku hayo degamada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, si bulshada degaankaa looga dulqaado kooxda khawaarijta oo in muddo ah dhibaata ku heysay shacabka ku nool degmadaasi.

Muddo dhowr iyo toban sano ah, qeybo ka mid ah dalka waxaa ku habsaday argagixiso sidii Ayaxa beer galay bulshada Soomaaliyeed ka dhigay kuwo ay dileen, kuwo hantidooda ay boobeen iyo kuwo ay badeen cabsi iyo argagax, balse iminka shacabka oo Dowladda kaashanaya waxay go’aansadeen in ay dalkooda ka xoreystaan Khawaarijta si uga nastaan dhibkooda.

 

 

 

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeybgalay shirka Wasiirada Maaliyadda dalalk Iskaashiga Geeska Afrika

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan magaalada Washington ayaa ka qeyb galay shirka Wasiirada Maaliyadda dalalka Iskaashiga Geeska Afrik iyo Saaxibada caalamka sida IMF, Midowga Yurub, Bangiga H. Afrika iyo Bangiga Adduunka.

Shirkaan oo qeyb ka ah shirka sanadlaha ah ee la qabto xiliga Guga ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa waxaa diiradda lagu saaray dood ku aadan sidii loo xoojin lahaa is dhexgalka dhaqaalaha dalalka geeska Afrika.

Ciidamada xoogga dalka oo la wareegay Deegaanno ka tirsan gobolka Baay

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa saaka Khawaarijta kala wareegay Deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Baay.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ugu soo warrama  Gobolka Baay Siraaji Sheekh Isaaq oo la socda Ciidamada ayaa soo sheegaya in deegaanada Adeegow, Dhaydhayka, Tabarow, Walak iyo Arbasale oo 45 KM dhanka Waqooyi kaga beegan Magaalada Baydhabo cadowga laga dulqaaday saaka walina lagu sii baacsanayo dhulka howdka ah.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwaa degaanka ayaa degaanno badan oo katirsan gobolada dalka kawada howlgallo ka dhan ah khawaarijta si bulshada looga dulqaado dhibaatada ay ku hayeen muddada dheer.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo dadka Soomaaliyeedba ugu duceeyay in Alle uu ka dulqaado dhammaan dhibaatooyinka heysta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta boqolaal kun oo Muslimiin ah la gutay Cumrada ayaa waxa uu dalka iyo dadka Soomaaliyeedba ugu duceeyay in Alle uu ka dulqaado dhammaan dhibaatooyinka heysta, uguna beddelo barwaaqo, nabad iyo midnimo.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa safarka Cumrada ku weheliya qaar katirsan xubnaha Xukuumadda iyo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir iyo sarakiisha amniga oo kormeeray Degmooyinka dhaca duleedka Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiir Dowlaha Wasaarada Amniga Qaranka, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Boliiska, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliyaha qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska ayaa caawa kormeeray Degmooyinka dhaca duleedka Muqdisho.

Ujeedka kormeerkan ayaa ahaa u kuurgalida xaalada amniga Caasimadda iyo xoojinta wada shaqeynta laamaha Amniga, maamulada degmooyinka iyo bulshada, waxaana goobaha la kormeeray kamid ahaa Degmooyinka xiga galbeedka ee Muqdisho gaar ahaan Saldhiga cusub ee Degmada Kaxda iyo Saldhig Galbeed ee Degmada Dharkeenley halkaas oo ay ku diyaarsanaayeen ciidamo isku dhaf ah oo loo diyaariyay xasilinta Caasimadda.

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaalka maanta ka dhacay dalka Sudan

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay muujinaysaa sida ay uga walaacsan tahay isku-dhacyada hubaysan ee u dhexeeya Ciidamada iyo Xoogagga Birmadka Deg-degga ee Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Suudaan.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh dirirta in ay si deg deg ah u joojiyaan colaadda, isla markaana ay is xakameeyaan, ayna guda-galaan wadahadal lagu xalinayo khilaafka si loo dhowro amniga iyo xasiloonida siyaasadeed.

Ergeyga xasilinta iyo hay’adda SoDMa oo ka wada hadlay sidii gurmad loo gaarsiin lahaa deegannada la xoreeyay

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabbilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada Mudane , Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Booqday xarunta Dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMa,waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Hay’adda maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle iyo Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda.

Ergayga iyo Guddoomiyaha ayaa wada qaatay kulan saacado qaatay iyaga oo kawada hadlay xaalada guud ee dalka, sidii gurmad loo gaarsiin la haa deeganadii khawaarijta laga saaray iyo wada shaqeen dhexmarta Hay’adda iyo Xafiiska Ergayga iyo Qodobo kale.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta ayaa Ergayga ka xogsiiyey shaqada hay,adda oo muddo kooban jirta waxa u qabsoomay,waxaana Ergayga kaga mahadceliyay madaxda hay’adda Maaraynta  soo dhawaynta loo sameeyay, isagoo ku nuux nuuxsaday sida ay muhiimka u tahay in Xafiiskiisa iyo Hay’adda SODMA ay yeeshaan wada shaqa xooggan oo ku saabsan sidii gargaar loola gaari lahaa dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegannada iyo degmooyinka la xoreeyay.

   

Ciidanka xoogga oo 10 dhagar qabe ku dilay Shabeellada hoose

Ciidanka xoogga dalka ayaa duleedka degaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada hoose ku laayay koox Khawaarij ah oo doonaysay inay jidka u galaan kolonyo ka tirsan ciidanka ATMIS.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta qaranka u sheegay inay halkaas ku dileen ugu yaraan 10 dhagarqabe, kuwaas oo meydadkooda ay warbaahinta u soo bandhigeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shirka saddex-geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Addis Ababa uga qeybgalay shirka saddex-geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya.

Shir Madaxeedka dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya ayaa looga wadahadlay iskaashiga dhinacyada Amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, sidoo kale kulanka ayaa lagu lafo-guray danaha wadajirka ee ka dhaxeeya saddexda dowladood si loo xaqiijiyo qorsheyaasha muhiimka u ah shucuubtooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxda Shirka guulaha miro-dhalka ah ay sida wadajirka ah u gaareen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan ka xoreynta dalkeenna argagixisada, isaga oo tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay xaqiijinta Soomaaliya xor ka ah khawaarijta Al Shabaab, hurmuudna u noqota horumarka iyo xasilloonida Gobolka.

Dhankooda, Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiye Axmed ayaa bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray wajiga koowaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada, iyagoo xusay ahmiyadda ay u leedahay in dalalka Gobolka iska kaashadaan ciribtirka argagixisada, gaar ahaan Waddamada safka hore ee dariska la ah Soomaaliya.