Howlgal amniga lagu xaqiijinayo oo laga sameeyay deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa maanta howlgallo lagu ciribtirayo Khawaarijta ka wada dhulka miyiga ah ee dhaca hareeraha deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud oo maalin ka hor laga xoreeyey Khawaarijta.

Taliyaha guutada 4-aad, qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Kornayl Saney Cabdulle ayaa shacabka deegaankaas ka xog-wareystay xaaladooda, isagoo ka balan-qaaday in ciidanku ay sii xajisa doonaan gacan ku heynta deegaanada laga xoreeyey Khawaarijta.

Taliyaha ayaa shacabka ka dalbaday inay ciidanka la shaqeeyaan ciidanka, isagoo kula dardaarmay inay iska saaraan hadii ay ku jirto cabsi ay ka qabaan inay deegaanka dib ugu soo laabtaan Khawaarijtii laga xoreeyey.

Ciidanka xoogga oo bur-buriyay fariisimo ay khawaarijtu si dhuumaaleysi ah u imaan jirtay ee katirsan Hiiraan

Cidanka xoogga dalka gaar ahaan ururka41aad gutada 5naad Qeybta-27aad iyo ciidanka  degaanka ayaa howlgal waxa ay saakay ka sameyeen inta u dhaxeeyso degaannada Buuloburde ilaa Halgan ee jiinka wabiga.

Holgalka ayaa waxa hoggaminay taliyaha ururka41-aad gutada 5-aad Qeybta27-aad Xuseen Xasan Hoorow qeybna uu ka ahay korneel Cabdinasir Cali Cabdi waxana ay ciidamada ay cagta mariyeen degaanno dhowr ah oo kamid ahayeen Berayabal iyo jicibow oo ay khawarijta Al-shabab si dhumaaleysi ah ku imaan jireen

Ciidanka ayaa burburiyey fariisimo ay Khawaarijtu si dhuumaaleysi ah ku imaan jireen, waxaana dhamaan deegaanadii ay tageen ciidanku isaga cararay Khawaarijtii joogtay, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka.

Ciidamda xoogga dalka iyo kuwa degaanka aya degaanno dhaca koonfurta goblka Hiiraan waxa ay ka wadaan howlgallo looga sifeeynayo haraadiga kooxda khawaarijta,waxana ciidmaada ay la wareegeen degaanno ay fariisimo ku lahayeen khawaarijta.

 

 

 

Khawaarijta oo bilaabay in hubkoodii ay ku wareejiyaan beellaha kadib markii ay xaqiijiyeen in la joogo Dhammaadkooda (warbixin)

Kooxda khawaarijta oo mudda dheer dhibaata ku hayay shacabka soomaaaliyeed ayaa hadda wajahayo bur bur iyo quus kadib markii ay kaladi waayeen geesiyaasha xoogga dalka iyo shacabka soomaaliyeed oo soo afjaray waayihii amar kutaagleynta iyo ka been sheegida diinta islaamka.

Khawaarijta dhowr sano oo ay dhibaata ku hayeen shacabka soomaaliyeed kaa oo gaarsiiyay heer laga baqo magacooda maanta waxa ay marayaan Bisadii libaax lamooday oo meel qarisa ayay layihiin.

Duulaanka ay garwadenka ka tahay dowladda Soomaaliya iyo shacabka oo isku duuban waxa uu bannaanka keenay awood yarida argagixisada iyo in ay ahayeen kuwa waqtigii saaciday kaga faa’ideeysanayay shacabka daruufaha kala duwan uu saameeyay inta ay sugayeen dowlad awood leh oo ka dulqaado khawaarijta arxanka daran ee Al-shabaab.

Tallaabadii ugu horeysay ee ay qaaday dowladda iyo shacbka oo iskaashanayo meshii loo dhaqaaqaba si fudud ayaa looga furanayay argagixisada maafiya ah ee Al-shabaab,wana sababta keenta in lagala wareego degaanno dhowr ah oo mudda kabadan 10-sano ay khawaarijtu ku dhibaateen jirtay dadka shacabka ah

Khawaarijta markii ay wayeen degaanno iyo dagmooyin badan oo ay ka jogeen gobolada Hiiraan,shabellaha Dhexe,Mudug iyo Galgaduud waxa ka dhax billawday Horjoogayaashooda khilaaf ah in ay sii wadi karaan dagaalka ay kawadaan gobolada dhaca bartamaha soomaaliya.

Horjoogayaasha ayaa isbar-bardhigay laba mid in ay racaan iyaga iyo maleeshiyaadkooda oo ah in ay sii wadaan dagaalka kaga furan Hirshabeelle iyo Galmudug iyo in ay is dhiibaan iyaga iyo hubkooda,soo jeedinta ayaa u badatay in aan lagu dagaalami karin meelaha ay ka joogaan
Mudug ,Galgaduud Shabeellah Dhexe iyo Hiiraan.

Go’aanka ah in aan la dagaalamin markii uu soo baxay waxa la sheegay in khawaarijta ay hubkooda ku wareejiyeen dadka ku heebta ah si ah u nabadgalaan markii degaanada ay gacanta u galaan dowaladda soomaaliya.

Taliyaha ciidanka lugta soomaaliyeed Janaraal Maxamed Tahliil Biix oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay hayaan khawarijta ku sugan Galmudug in ay la yihiin meel qarisa kadib markii wadda kasta oo ay ku bixi la hayeen ay ka dageen ciidanka xoogga dalka hada kadibna ay dhammaatay cabsigalintii ay ku hayn jireen shacabka soomaaliyeed.

Janaraal Biixi ayaa sheegay inay xog ka heleen dagaal dhex maray khawaarijta oo ay rag badan isaga dileen, wuxuuna intaa ku daray in ay dhowaan ku shireen deegaanka Cowsweyne iyagoo go’aansaday in baaqigooda haray ay isa soo dhiibaan.

Horjoogayaasha khawaarijta iyo Maleeshiyaadka ay wataan ayaa hadda ku dhumaleeysanaya dhul biyo iyo baad toona aan lahayn wehelkoodana waxaa ah gud kulul iyo bahallo raadinayo Hilibkooda iyo dhiigooda, shacabka soomaliyeed waxa ay ku tartamayaan iska xoreynta khawaarijta ,halka khawaarjtana ay raadineyso cid ka bad-baadiso gacanta kacdoonoka ka dhanka ah.

XIGASHO SONNA

Ciidanka xoogga iyo kuwa Deegaanka oo howlgallo kawada Deegaanada dhaca Koofurta gobolka Hiiraan

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa howlgallo ka dhan ah khawaarijta kawada degaanno katirsan gobolka Hiiraan halkaa oo ay firxadka khawaarijtu ku dhuumaleysanayaan.

Howlgalka waxaa hoggaaminayo Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ay wehlinayaan saraakiil ciidan oo ay kamidyihiin Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay Taliyaha qeybta 27-aad ee Janeraal Tawane Axmed Maxamed iyo Mas’uuliyiin kale.

Ciidamda xoogga iyo kuwa dib-u-xoreynta deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa lagu soo waramayaa in ay kaabiga ku haaya deegaanka Booco oo dhaca qiyaastii 50KM Koonfurta Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa sheegay in looga baahan yahay Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka oo iskaashanayo ay siwadajir ah degaannadooda uga xorreeyan khawaarijta oo mudda dheer dhibaata ku heysay shacabka soomaaliyeed,waxa una guddoomiyaha intaa hadalkiisa ku daray in uusan dagaalka ka dhanka ah khawaarijta joojin doonin ilaa iyo inta ay ka saarayaan degaannada fara ku tiriska ah ee argagixisada ku suganyihiin ee Gobolka Hiiraan.

Tan iyo markii dowladda soomaaliya ku dhawaaqday wajiga  2-aad ee howlgalka ka dhanka ah khawaarijta waxa gobolada dalka ka billaawday howlgal ay si wadajir ah u wadaan ciidanka xoogga kuwa degaanka iyo saxiibada caalamka,waxan ujeedka howlgalka uu yahay in la soo afjar haraadiga kooxda khawaarijta oo hada maraya bur-bur iyo kala carar.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb-galay shir deg deg ah oo ay yeesheen Madaxda Urur IGAD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay wada-hadallo degdeg ah oo ay yeesheen Madaxda Dalalka Urur Goboleedka IGAD, kuwaas oo ay kaga arrinasadeen iska-hor imaadyada hubaysan ee ka socda dalka Suudaan.

Shirkan oo ahaa mid Madaxdu ay ku yeesheen habka fogaan aragga ah ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu la wadaagay hoggaamiyeyaasha kale ee dalalka IGAD sida dowladda Soomaaliya ay uga walaacsan tahay xaaladda dalka Suudaan, ayna codkeeda heer gobol iyo heer qaaradeedba ay ku garab istaagayso nabadda, midnimada iyo dowladnimada walaalahooda Suudaan oo hiil taariikhi ah u muujiyey dalkeenna, xilliyadii adkaa.

Ugu dambayn, madaxda dalalka IGAD ee shirkan ka qayb galay ayaa isku raacay in si deg-deg loogu diro dalka Suudaan wafdi ka shaqeeya joojinta colaadda iyo billaabidda wadahadallo lagu dhammeynayo caqabadaha jira, si loo celiyo nabadda iyo xasilloonida dalka Suudaan.

 

Ciidamada Xoogga oo la wareegay deegaanka Dahar Faqay oo hoostaga Degmada Ceeldheer

Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa Deegaanka ayaa gacanta ku Dhigay Deegaanka Dahar Faqay oo hoostaga Degmada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud.

Ciidamada ayaa goobta ku dilay Horjoogihii Kooxda Khawaarijta u Qaabilsanaa Galgaduud kaas oo lagu Magacaabi jiray Ilkacase.

  

Ciidamada oo burburiyay fariisimo ay khawaarijta ku lahayd tuulooyin hoostaga Budbud

Ciidamada xoogga dalka iyo xooggaga Deegaanka ayaa maanta burburiyay fariisimo Khawaarijtu kaga sugnaayeen tuulooyin hoos taga  magaalada Budbud ee gobolka Galgaduud.

Howgalka waxaa qeyb ka ah Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo dhiiri gelin ugu tegay ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka oo maalmihii la soo dhaafay howlgallo kula wareegayay magaalooyin horleh oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

  

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo qaabilay Safiirka Dowladda Itoobiya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Mukhtaar Maxamed Waare.

Danjiraha ayaa guddoomiyaha la wadaagay dhambaal salaan ah oo uu ka waday Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Itoobiya, iyagoo sidoo kale kawada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

 

 

 

Howlgal lagu qaarajiyay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Khawaariijta oo ka dhacay Galgaduud

Howlgal gaar ah oo ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta deegaanka ay ka sameeyeen deegannada Ceel Qansax & Ceel Huyun oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa lagu qaarajiyay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Khawaariijta ah.

Cartan Iley oo ahaa Gacan-yaraha Koba kutukade ayaa lagu dilay howlgalka sidoo kale Ciidanku waxaa ay burburiyeen saldhigyadii Kooxda Khawaarijta ee deegaannadaas.

Horjooge Daahir Calasoow oo dhibaato xoogan ka geeystay Gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe ayaa sidoo kale lagu dhaawacay howlgalkaan gaarka ah .

Ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka ayaa howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada degaanno baban oo katirsan Galgaduud,halkaa oo ay ciidamada gacanta ku dhigeen degaanno horay gacanta ugu hayeen khawaarijta

Dagaallo xooggan oo Maalintii labaad ka socda Dalka Suudaan

Waxaa Maalintii labaad dagaallo xoogan oo u dhaxeeya laba garab oo ka kala socda ciidamada Dalka Suudaan ayaa ka socda Magaalada Khartuum iyo deegaanno kale oo duleedka ka ah.

Ugu yaraan 56 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay dagaalka u dhexeeya ciidanka iyo kooxda gurmadka degdegga ah ee (RSF), sida ay sheegeen koox dhakhaatiir ah oo madax-bannaan.

Ururka Dhakhaatiirta Suudaan ayaa sheegay in tobaneeyo askari ay soo gaareen dhaawacyo, ugu yaraan 595 qofna ay ku dhaawacmeen guud ahaan dalka.

kooxda gurmadka degdegga ah ee (RSF), waxa ay sheegtay in ay gacanta ku hayso goobta madaxtooyada, garoonka diyaaradaha ee Khartoum iyo xarumaha kale ee muhiimka ah, halka ciidamada ay beeniyeen sheegashadaasi.

Dowladaha Mareykanka, Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta, ayaa waxay ugu baaqeen dhinacyada isku haya dalkaasi inay shuruud la’aan joojiyaan colaadda.

Dagaalka Suudaan ayaa bilaawday xilli muddo bilo ah ay jireen xiisado u dhaxeeyay taliyaha milatariga, General Abdel Fattah al-Burhan, iyo madaxa RSF, General Mohamed Hamdan Dagalo, kaas oo ku saabsanaa in kooxda gurmadka degdegga ah ay ku biiraan ciidanka.