Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyay geerida wariye Makaa’iil Rashiid Barre

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda mudane , Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Caddaala ayaa bahda warbaahinta Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee, Makaa’iil Rashiid Barre oo xalay fiidkii ku geeriyooday Muqdisho.

Sidoo kale Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo dhammaan howl wadeennada Wasaaradda Warfaafinta ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo ehelada uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee marxuum Makaa’iil Rashiid Barre.

Marxuum Makaahiil Rashiid Barre ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho, waxaana uu ka mid ahaa wariyayaasha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo soo gaaray Muqdisho

Xoghaayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Antonio Guterres iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Adan Cadde International, ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaliya iyo madax kale.

Waa markii labaad ee uu xoghayaha guu ee Qaramada midoobay yimaaddo Soomaaliya tan iyo markii uu xilka qabtay sanadkii 2017, waxaana la filayaa inuu kulamo la qaato madaxda dalka ugu sarreysa.

Wasiirka amniga dowladda FS oo lankulmay khuburo amni oo Serbian ah

Belgrade- Wasiirka amniga gudaha dowladda FS oo kulan la qaatay khuburo ka socday waaxda hubka iyo ka hortagga dambiyadda Abaabulan ee dalka Serbia.

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha dowladda FS mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) oo safar shaqo ku jooga dalka Serbia ayaa kulan la qaatay khuburada Amniga iyo Dambiyada Abaabulan ee Wasaaradda amniga Serbia iyo shirkadda Yugo Import oo ay leedahay dowladda Serbia, taas oo ku shaqo leh dhoofinta iyo soo dajinta hubka.

Kulankan waxaa wasiir Doodishe ku wehlinayey danjiraha Jamhuuriyadda FS u qaabilsan dalka Serbia mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed.

Wasiirka ayaa khuburada kala hadlay sidii loo xoojin lahaa tababarana loo siin lahaa howlwadeenadda ka shaqeeya amniga Soomaaliya iyo in khuburadu ay soo booqdaan Soomaaliya.

     

Khawaarijta oo xirxirtay odayaal dhaqameed hore ugu shaqayn jiray

Ciidamadda xoogga iyo kuwa degaanka kadib gulufka dagaal ay ku qaadeen khawaarijta waxa ay suurta galisay in khawaarijta laga saaro degaanno iyo tuulooyin badan oo ka tirsan gobolada dalka,waxan xiligaan khawaarijtu mareysaa xaalad bur-bur iyo kala carar ah,iyadoo geesiyasha xoogga dalka ay uga dabagalayaan meel walba oo ay isku dayaan in gabaad ka dhigtaan khawaarijta arxanka daran ee Al-Shabaab.

War ay heshay Warbaahinta Qaranka ayaa ayaa xaqiijisay in odayaal dhaqameedyo khawaarijta u qaabilsanaa aruurinta lacagaha baada ah ee shacbka sida xoogga ah looga qaadi jiray ay wajahayaan xiligaan xaalad qatar ah kadib markii khawaarijtu ay ka dhigtay qaar ay Dishay iyo kuwa ay ku xir-xirtay degaanno hoostaga degmooyinka Ceelbuur,iyo degaanka Coosweyne oo hoostagta degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Odayashaan ay xireen khawaarijta ayaa la shegayaa in inta badan ay ka soo jedaan degaanno dhaca Bariga Gobolka Galgaduud,waxan la sheegay in odayaashaan ay dhibaata xooggan ku hayeen shacabka degmada Ceel-dheer tan iyo markii lagu jabiyay khawaarijta Al-shabaab

Madaxweynaha Jubbaland oo kormeeray deegaanno laga saaray Khawaarijta

Kismaayo- Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kormeer ku tagay deegaanadii u danbeeyay ee laga xoreeyay kooxaha khawaariijta ah ee Gobolka Jubada Hoose, gaar ahaan deegaanada kala ah Aw-qumbaale, Ceelcad, Canjeel, Harboole iyo Janaa-Cabdalle oo dhawaan laga xoreeyey Khawaarijta.

Madaxweynaha oo la hadlay cutubyo ka tirsan ciidamada kala duwan ee dowlad goboleedka Jubaland ayaa sheegay in dadka ku nool deegaanada la xoreeyay ay heleen nabad iyo xornimo, loona baahan yahay in deegaanada kale ee wali argagixisadu ay joogaan in la gaarsiiyo hormarka dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in howlgalada dib u xoraynta ay sii socon doonan, isla markana la dardar galin doono maalmaha soo socda, si neecoowda dowladnimada loo gaarsiiyo guud ahaan deegaanada Jubaland.

     

default

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir oo kormeeray qaar kamid ah Degmooyinka G/Banaadir

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa kormeeray qaar kamid ah Degmooyinka Muqdisho.

Kormeerkan oo ujeedkiisu ahaa islaxisaabtan iyo u kuurgalida xaalada Caasimadda, gaar ahaan Amniga, Nadaafada, u diyaar garowga xili Roobaadka iyo in si deg deg ah loo dhameestiro diyaarinta Waraha biya qabadka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.

 

 

    

Ra’iisul Wasaare Xamse oo la kulmay Danjiraha Dowladda Shiinaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, FEI Shengchao.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka faca-weyn ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinacyada siyaasadda, iskaashiga, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadanamida.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha taageerada ay mar walba la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Danjiraha Shengchao ayaa xusay in Soomaaliya ay Shiinaha u tahay saaxiib istaraatiiji ah, kana go’an tahay sii wadidda taageerada ay u hayaan dowlad-dhiska Soomaaliya iyo iskaashiga ay la leeyihiin

   

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo booqday safaarada dowlada Sacuudiga ee Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa booqday Safaarada Dowlada Sacuudiga ee Muqdisho, waxaa taliyaha xarunta Safarada ku soo dhaweeyay Safiirka Dowlada Sacuudiga u fadhiya Muqdisho, Mudane. Danjire. Axmed Bin Maxamed Almowallad.

Ujeedka Kulanka ayaa ahaa Sidii Safarada Sacuudiga ay uga qeybqaadan laheyd garab istaagga dhismaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyada oo Taliyuhu uga mahadceliyay safiirka soo dhaweynta diiran.

  

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah-furay Tartanka Kubadda koleyga Bisha Ramadaan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda iyo Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta ayaa caawa daah-furay Tartanka Kubadda Koleyga Bisha Ramadaan ee Degmada Shibis.

Tartankaan oo ay ka qeyb-qaadanayaan kooxo dhalinyaro ah oo ka dhisan Degmada Shibis ayaa waxaa furitaanka goobjoog ka ahaa, Guddoomiyaha Degmada Shibis, Guddoomiyaha Xariirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga, Bahda Cayaaraha iyo Taageerayaal fara badan, iyadoona tartankaan oo qeyb ka ah isdhexgalka dhalinyarada iyo Bulshada Degmada Shibis ayaa waxa uu socon doonnaa inta ka dhiman Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

    

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo kormeeray cutubyo ka tirsan Ciidanka òo ku sugan Maxaas

Hiiraan- aliyaha ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odowaa Yuusuf Raage iyo guddoomiyaha Degmada Maxaas Mudane Muumin Maxamed Xalane ayaa kormeer dhiiri-gelin ah ugu tegay cutubyo ka tirsan guutada 5-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo ku sugan Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa ciidanka ku ammaanay sida ay cadowga uga dulqaadeen shacabka soomaaliyeed oo mudda 15-sano ah ay dhibaato ku hayeen khawaarijtu.

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage iyo guddoomiyaha ayaa u Gudbay Furihama Dagaalka waxaana ay gaareen Degaanka Goobo halkaas oo ah Taliska Guud ee ciidanka Macawiis-leeyda gobolka Hiiraan.

Ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa degaanka ayaa howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka wada qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan iyo guud ahaan gobolada dalka kuwaa oo khawaarijta looga dulqaadayo shacabka soomaaliyeed.