Antonio Guterres oo booqasho ku tagay Baydhabo

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres oo subaxnimadii saaka kusoo dagay goroonka caalamiga ah ee Aadan Cade isla markaasna Qasriga madaxtooyada Soomaaliya wadahadal kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu ugu sii gudbay magaalada baydhabo ee caasimada KMG dowlad-goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya.

Xoghayaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay ku-simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Marwo Shamso Maxamed Yarow, Wasiirka Gargaarka, Wasiirka Dekadaha, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Gudoomiyaha Degmada Baydhabo.
Mr Guterres ayaa booqashadiisa la xiriirta Arrimaha bani’aadanimada iyo taageerida howlgalka ay hoggaamineyso dowladda Federaalka ee la dagaalanka Al-Shabaab.

Talyaaniga oo gurmad u sameeyay 1,200 oo tahriibayaal ah

Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa sameeyay labo howlgal oo ay ku soo badbaadiyeen ku dhawaad 1,200 oo tahriibayaal ah oo la socday doomo soo gaaray xeebaha Magaalada Sicily iyo deegaanno kale.

Mid kamid ah doomanka waxaa saarnaa illaa 800 oo qof oo tahriibayaal ah,halka mid kale oo doomanka kalluumeysiga ah , ay la socdeen 400 oo ruux.

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay inta lagu guda jiray howsha badbaadinta, waxaana dadkaasi tahriibayaasha ah ay muddo dhowr cisho ah ku sugnaayeen xeevaha Talyaaniga,iyagoo doonaya in dowladda ay qaabisho ama ay soo dhoweyso.

Ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa Jimcihii sameeyay howlgal lagu badbaadiyay illaa 2,000 oo qof.

Dadka soogalootiga ah ee tagaya Talyaaniga ayaa aad u kordhay marka la barbar dhigo sannadkii hore, in kasta oo ay dawladda isbahaysiga garabka midig dadaal ugu jirto sidii ay u joojin lahayd socdaalka aan caadiga ahayn.

In ka badan 26,000 oo qof ayaa ku dhintay ama lagu waayay badda Mediterranean-ka tan iyo 2014-kii, sida laga soo xigtay IOM Ururka Caalamiga ah ee la socodka  Muhaajiriinta.

Madaxweynaha JFS iyo xoghayaha Q.M oo kulan miro-dhal ah ku yeeshay Qasriga Madaxtooyada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres oo si wadajir ah Warbaahinta ula hadley kaddib kulan miro-dhal ah oo ah ku yeesheen Qasriga Madaxtooyada ayaa soo bandhigay iskaashiga labada dhinac ee dagaalka ka dhanka Khawaarijta, arrimaha Beni-aadannimada iyo la tacaalidda saaneynta isbaddelka cimmilada.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale bogaadiyay guulaha wax ku-oolka ah ee DFS ay ka xaqiijisay dhinacyada amniga, la-dagaallanka Khawaarijta iyo dowlad-dhiska, iyaga hoosta ka xarriiqay muhiimadda in la qaado Cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya.

  

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo ka qeyb galay shirka 8-aad ee wax soosaarka iyo dhaqaalaha

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Shiinaha Cawaale Cali Kulane, ayaa xarunta Beijing Olympic Park – National Tennis Center ee magaalada Beijing uga qayb galay shir looga hadlayay horumarinta ciyaaraha qaybahooda kala duwan, kaasoo ay kasoo qayb galeen madax kala duwan oo kaalin wayn ku leh maalgashiga iyo wax soo saarka isboortiga.

Danjire Cawaale Cali Kullane oo qudbad halkaas ka jeediyay ayaa sheegay in aad ugu faraxsan yahay in shirkan muhiimka ah kasoo qayb galo, isagoo Safiirku sheegay in ciyaaraha muhiim yihiin oo ay horseedo isdhexgalka bulshada caalamka.

Safiir Cawaale ayaa halkaas lagu guddoonsiiyay abaal-marinta sanadlaha ah ee xoojinta xiriirka isboortiga, taasoo guddiga shirka soo abaabulay ku sheegay in Soomaaliya ku muteysatay in dowladda Soomaaliya ciyaaraha u adeegsatay isdhexgalka bulshada iyo ka qayb qaadashada ammaanka.

Ugu dambeyntii Danjire Cawaale ayaa ka mahad celiyay abaal marinta la siiyay iyo sida sharafta leh ee shirka loogu casuumay dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre , ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada Amniga, horumarinta Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo arrimaha bini’aadanamida oo Dowladda Qatar ay ka gacan siiso Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo u ambabaxay Baydhabo

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa goordhaw u duulay Magaalada Baydhabo ee Caasimada KMG ee Maamulka KGS Kadib markii saakay uu soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Guddaha XFS, Axmed Macalin Fiqi,Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa qeyb ka ah safarkaan.

Socdaalka Xoghayaha iyo wafdigiisa ayuu ujeedkoodu yahay in ay soo indha indheeyaan xaaladda Bin’aadanimo ee ka jirta deegannada Maamulka Koonfur Galbeed.

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay ayaa ah booqashadiisa labaad ee uu ku yimaaddo dalka, isagoo yimid bishii Marso 2017.

QM oo garab istaag u muujisay Dowladda Soomaaliya (WARBIXIN)

Qaramada Midoobay sida saxda ah waxaa lagu magacaabo “Ururka Qaramada Midoobay”, waa urur caalami ah oo ka dhexeeya Dalalka Adduunka, kaasi fadigiisu yahay caasimada New York ee cariga Maraykanka. Ururka Qaramada Midoobay waxa la aasaasay Oktoobar 24-keedii, sanadkii1945-kii, si loogu badalo ururkii ka horeeyay ee “Midowga Ummadaha” (League of Nations). Ujeedada iyo hadafka Qaramada Midoobay wuxuu ahaa in uu ka shaqeeyo xiriirka wadanada xubnaha ka ah iyo in uu ka hortago dagaal ka qarxa wadanada caalamka.

Qaramada Midoobay waxaa lagu bilaabay heshiiska 51 Dal, laakiin sanadii ka dambeeyay ururku wuu balaartay waxaana maanta xubin ka ah 193 wadan. Qaramada Midoobay waxaa maanta fadhi u ah caasimada New York, wadanka Wadanka Maraykanka, wuxuuna xafiisyo waawayn ku leeyahay meelo kale oo dunida ah, sida Xafiiska Geneva, Xafiisa Nairobi iyo xafiiska Vienna. Ururka waxaa maalgeliya dhaqaale qiimaysan oo uu ka helo wadanada xubnaha iyo deeq caalami ah oo ka soo gasha wadanada qaar, ganacsato iyo shirkado gaar loo leeyahay. Waxaana ka mid ah hadafka Ururka Qaramada Midoobay inuu ka shaqeeyo nabad caalami ah, amniga, ilaalinta xuquuqda aadamaha, daryeelka bulshooyinka iyo kobcinta dhaqaalaha, ilaalada deegaanka, fidinta gargaarka dagdaga ah ee meelaha ka dhacaan Abaaro, musiibo dabiici ah iyo colaada.

Wakhtigii uu socday dagaalkii 2-aad ee Dunida ayaa Madaxweynihii Maraykanka Franklin D. Roosevelt soo jeediyay in la aas aaso urur bedela Midowga Umadaha, waxaana la bilaabay qoritaanka Dastuurka Qaramad Midoobay kadib markii la galay shirweyne dhacay intii u dhaxaysay Abril–Juun 1945-kii; wuxuuna dastuurkani hirgalay bishii Oktoobar 1945-kii, wakhtigaasi oo Qaramada Midoobay howl bilowday. Hadaba ujeedada iyo jiritaanka Qaramada Midoobay wuxuu shaki galay wakhtiyadii Dagaaalka Qaboow uu socday, kaasi oo u dhexeeyay labo awoodood ee Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeeti iyo xulafadooda. Si kastaba ha ahaatee ururku wuxuu kaalin libaax ka qaatey faragalintii “Dagaalkii Labada Kuuriya” iyo “Howlgaladii Koongo”.

Xubnaha ururku aad ayay u koreen wixii ka dambeeyay sanadihii 1960-kii wakhtigaasi oo wadamo badan xorriyada qaateen, wixii ka dambeeyay Dagaalkii Qaboobaa Ururka Qaramada Midoobay wuxuu bilaabay inuu talaabo milatari qaado, kuwaasi oo isbedel la taaban karo ka gaaray. Guud ahaan Qaramada Midoobay waxay ka kooban tahay lix waaxood: Golaha sare (oo ah waaxda maamulka guud gacanta ku heysa); Golaha Amniga (waaxdani waxay go’aamisaa xalka ammaanka iyo nabada); Golaha Dhaqaalaha iyo Bulshada (ECOSOC) (waaxdani waxay ku shaqo leedahay dhiirigelinta iyo horumarinta dhaqaalaha caalamka iyo horumarka bulshooyinka); Golaha Xogheynta (waaxdani waa maamulka iyo soo ururinta akhbaarta iyo macluudka Ururka Qaramada Midoobay u baahan yahay); Maxkamadda Cadaaladda ee Caalamiga ah (sidoo kale loo yaqaano Maxkamada Aduunka, waa waaxda u qaabilsan cadaalada); iyo Golaha Kalsoonida (United Nations Trusteeship Council) midkaasi ma uusan shaqaynin tan iyo 1994-kii, iyadoo Shirkii ugu horeeyay ee Golaha Sare wuxuu qabsoomay 10-kii Janaayo 1946-kii, wuxuuna ka qabsoomay magaalada London, waxaa kaloo iyaguna kulankii ugu horreeyay yeeshay Golaha Amniga Ururkii [Midowga Wadanada]] wuxuu si sharci ah u baaba’ay 18 Abril 1946 waxaana hadafkii iyo mashaariicdiisii lagu wareejiyay Qaramada Midoobay.

HOWLAHA WAXQABAD EE HAY’ADAHA QM EE SOOMAALIYA EE BISHII MAARSO 2023-ka

Beni’aadanimada | OCHA oo isku dubba-rideysa gurmadka beni’aadanimo ee Laascaanood:-Hay’adaha gargaarka ayaa dar dar geliyey dadaalladooda gacansiinta dadka ay saameeyeen colaadaha Laascaanood. Hay’adda OCHA ayaa isku dubba-riddey gurmadka goobaha ay gaari karaan howlwadeennada arrimaha bini’aadannimada. Waxaa intaa dheer, Isku-Duwadaha Gargaarka bini’aadannimada ayaa kaydka Sanduuqa Gargaarka Bini’aadannimo ee Soomaaliya uga fasaxay qoondada gurmadka naf badbaadinta ee Laascaanood.

Gurmadka abaaraha | WFP ayaa qaybisay qamadi qayb Hindisaha Badarka ee Badda Madow :-Hay’adda WFP ayaa qamadi ka yimid Yukrayn ku qaybisay dhowr magaalo oo ka tirsan Soomaaliya taasoo ay qayb ka tahay sare u qaadidda macaawinada raashinka ee naf badbaadinta ah, si looga jawaabo abaarta iyo gaajada ba’an ee taariikhiga ah ee saamaysay dalka.

Qamadiga oo ka koobnaa shixnad gaaraysa 25,000 oo tan oo ay WFP, oo gacan ka heleysa deeq-bixiyeyaasha ugu waaweyn, ay ku guulaysatey inay dalka keento, wuxuuna qayb ka yahay Hindisaha Badarka ee Badda Madow. Marinkan gargaar ee badda ah ayaa muhim u ah in la daboolo baahiyaha dadka ugu nugul ee ku sugan Soomaaliya iyo dunida inteeda kaleba..

Maciishadda | UNHCR oo Mashruuc Kalluumeysi ka bilaabeysa Boosaaso:-Bishii Maarso, UNHCR ee Boosaaso ayaa 18 doonyood iyo agabka kalluumeysiga ku wareejisay 18 kooxood – 90 qof – oo isugu jira qaxooti, ​​barakacayaal iyo bulshooyinka martida loo yahay. Intaa waxaa dheer, iyadoo lala kaashanayo Hay’adda Cuntada iyo Beeraha (FAO), UNHCR waxay u tababartay ka-faa’iideystayaasha xirfadaha kalluumeysiga.

Horumarinta kalluumeysiga ee goobaha qaxootiga waxay kor u qaadi kartaa fayo-qabka bulshooyinka martida loo yahay iyo qaxootiga labadaba. Kalluumeysigu waxa uu keeni karaa nolol xasilloon iyo helitaan kheyraad si loo kordhiyo dakhliga lacagta caddaanka ah ee lagama maarmaanka u ah cuntada iyo soo-saarka dakhli dheeraad ah.

Magaaleynta | UN-Habitat oo taageertay Istaraatiijiyada Magaalada Baydhaba:-UN-Habitat iyo UNDP oo Dowladda Hoose ee magaalada Baydhabo ka taageeray dajinta Istaraatiijiyada Magaalada Baydhaba, Magaalgu waxa ay qaabishaa tiro badan oo barakacayaal, dad soo laabta, qaxooti, iyo soo galooti kaleba ah, waxaana jira baahi loo qabo in la horumariyo xaaladaha nolosha ee bulshooyinka uu barakacu saameeyey, oo ay ku jiraan bulshooyinka deegaanka, Istaraatiijiyadeedana waxa ay hagi doontaa horumarrada laga sameeyo dhammaan qeybaha magaalaynta xowliga ku socda ee kobaca magaalada. Tan waxaa qeyb ka ah kaabayaal loo sameeyo bulshooyinka degaanka iyo barakacayaashaba.

Deegaanka | UNDP oo Soomaaliya ka taageertey qorista sharciga cusub ee Maareynta Bii’ada:-Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si wadajir ah u meelmariyey Hindise Shariciyeedka Maareynta Deegaanka ee ay soo diyaarisey Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada iyadoo ay Hay’adda UNDP iyo Hay’adda Bii’ada Adduunka ku bixiyeen taageero maaliyadeed iyo mid farsamaso. Sharcigan ayaa hadda loo gudbiyey Aqalka Sare ee Baarlamaanka. Haddii la meelmariyo, waxa uu dhabbaha u xaari doonaa qoondaynta iyo maaraynta kheyraadka dabiiciga ah, kor u qaadida barwaaqada iyo amniga malaayiin duurjoog ah, xoolo-dhaqato ah iyo bulshada Soomaalida qeybaheeda kala duwan.

Sarreynta Sharciga | UNOPS waxa ay Midowga Yurub iskaashi kala yeelanaysaa taageeridda ciidamada ammaanka Soomaaliya:- UNOPS Soomaaliya ayaa waxay is-afgarad la saxiixatay bahwadaag Soomaaliyeed si loo fuliyo xirmo taageero oo uu Midowga Yurub maalgeliyay oo loogu talagalay ciidamada ammaanka Soomaaliya. Iskaashigan ayaa suntaya tallaabo muhiim ah oo ku aaddan gaaridda Soomaaliya oo xasiloon oo ammaan ah, iyadoo khibradda UNOPS ay u leedahay maamulka iyo hirgelinta mashaariicda ay muhiim u tahay xaqiijinta in si guul leh loo gaarsiiyo xirmada taageerada ee Midowga Yurub. Taageerada la kordhiyay ee Midowga Yurub ayaa horraanba saameyn weyn ku soo yeelatay dhulka, iyadoo qalab casri ah iyo qalab isgaarsiineed oo wanaagsan la siinayo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Baarista dambiyada | IOM waxa ay Soomaaliya ka taageertay wax ka qabashada dambiyada abaabulan ee xuduudaha ka gudba:- Saraakiisha xuduudaha iyo kuwa ku takhasusay baritaaridda sharciga ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku kulmay magaalada Machakos ee dalka Kenya, bishii Febraayo aqoon-kororsi ay soo qaban qaabisay hay’adda IOM, oo looga hadlay hab-dhaqanka wadajirka ah ee wax looga qabanayo dambiyada abaabulan ee xuduudaha ka gudba. Nidaamyada xadidan ee maaraynta xuduudaha iyo soohdimaha gobolka ee sida weyn u furan ayaa u saamaxay kooxaha dambiilayaasha iyo kooxaha xagjirka ah inay ka ganacsadaan hubka sharci darrada ah iyo daroogada iyaga oo aan ka baqayn dacwad oogista iyo Isu-wareejin la’aanta dambiilayaasha oo u dhexeeya dalalka.

Iyada oo taageero laga helayo hay’adda IOM, Soomaaliya iyo Kenya waxa ay ka shaqeynayaan qaab-dhismeed ay wax uga qabtaan dambiyada abaabulan ee ka gudba xuduudaha. Qaab-dhismeedka cusub ee looga dooday intii uu socday aqoon-is-weydaarsiga, ayaa dajin doona habab cusub, talooyin iyo hab-dhaqanno kor loogu qaadayo iskaashiga labada waddan si looga hortago dembiyada xudduudaha isaga gudba iyo in la yareeyo khataraha ka imaanaya dambiilayaasha.

Maareynta kheyraadka Biyaha | QM waxa ay taageertay nidaamyada habka lagu maareynayo biyaha:- Kooxda Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya iyo dhowr daneeyayaal dheeraad ah ayaa ka qeyb qaatay shaybaarka hoggaaminta ee muddo afar bilood ah oo lagu soo saarayay fikrado iyo qalab cusub oo ku saabsan caqabadaha biyaha ee dalka. Kooxdu waxay qeexday ujeedooyinka hoggaaminta ee seddex nidaam: beddelidda figradaha ku saabsan maareynta kheyraadka biyaha ee u adkeysiga cimilada iyadoo la sii xoojinayo wadahadallada dhinacyada iyo heerarka; tijaabinta barnaamijyada wadajirka ah; iyo horumarinta hab ‘yaree dhibaatada deegaanka’ ee dadaallada bini’aadannimo ee xsaradaha biyaha.

Haddaba innaga oo ag in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya wax weyn u qabatay laga soo bilaasbay Dhicitaankii Dowladdii Dhexe sanadkii 1991-kii, ayaa waxay Dalka ka dhacay abaaro iyo colaado sokeeye, kaasi oo sababay in ay dilaacdo Macluul iyo nafaqo darro baahsan, markii kadib ayay u timid samatabixin sanadkii 1992-kii weyna samata bixisay, saaka Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr: António Guterres, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada, wuxuuna kulamo la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kulanaasi oo miro-dhal ahaa, kana dhacay Qasriga Madaxtooyada, waxayna u aheyd Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres booqasho taariikhi ah ee uu ku yimid dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghaye António Guterres ayaa ka arrinsaday aayaha iskaashiga labada dhinac, qorsheyaasha mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya, caqabadaha jira iyo dhinacyada ay tahay in gargaarka iyo waxqabadka Hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala Soomaaliya ay xoogga saaraan, si loo xaqiijiyo dib u soo kabashada Soomaaliya, wuxuuna soo bandhigay guulaha wax ku oolka ah ee laga xaqiijiyey dhinacyada amniga dalka, xoojinta dowadnimada, deyn cafinta, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dib u heshiisinta, isagoo dul istaagay culeysyada iyo xaaladaha adag ee ay la tacaalayso dowladdu, kuwaasi oo ay uga horreeyaan abaaraha gallaaftay nolasha kumannaan qoys, saameynta isbeddelka cimilada, saboolnimada iyo colaadaha sokeeye.

“Tani waa booqasho garab istaag ah oo ku wajahan dowladda iyo hannaanka dimuqraadiga ah ee Soomaaliya. Booqashadan waxay noo xaqiijinaysaa in Qaramada Midoobay ay si buuxda uga go’an tahay inay taageerto qorsheyaasheenna dhanka dowlad dhiska iyo xasilinta dalka. Waxaan ku kalsoonnahay in dadka Soomaaliyeed ay awood u yeelan doonaan in ay ka gudbaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay weli wajahayaan, iyada oo loo marayo dhammeystirka xoreynta dalka iyo dib u heshiisiinta”, ayuu yiri Xasan Shiikh Maxamuud, wuxuuna uga mahadceliyey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres booqashadan uu ku yimid dalka, waxa uuna ka rajeeyey in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed lagu garab istaago gaaridda hiigsigooda ku aaddan Soomaaliya horumarsan, xasilloon, door wanaagsanna ka qaadata Gobolka.

Xogahaye António Guterres ayaa dhankiisa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay booqashadiisa Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo dhaweynta diirran ee uu u sameeyay isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in uu fahamsan yahay xaaladaha binu aadantinimo ee ay la tacaalayso dowladda Soomaaliya, lana xoojinayo taageerada iyo garab istaagga dalka, wuxuuna si weyn ugu nuuxnuuxsaday inuu Soomaaliya u yimid inuu garab istaag u muujiyo dadaalada ay ugu jirto dib u soo nooleynta qabka Dowladnimo iyo dagaalka ay kula jirto Kooxaha Argagixisada ah.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa goor dhaw gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimada KMG ee Maamulka KGS Kadib markii saakay uu kulamo kula yeeshay Magaalada Muqdisho Madaxda ugu sarreysa Dalka, iyadoo socdaalka Xoghayaha iyo wafdigiisa uu ujeedkoodu yahay in ay soo indha indheeyaan xaaladda Bin’aadanimo ee ka jirta deegannada Maamulka Koonfur Galbeed, waana booqashadiisa labaad ee uu Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu ku yimaado Dalka Soomaaliya, isagoo yimid bishii Maarso ee sanadkii 2017-kii.

 

Filibiin iyo Mareykanka oo si wad jir ah u sameynaya dhoolatus Militari

Ciidamada Filibiin iyo kuwa Mareykanka ayaa maanta oo Talaada ah billaabaya dhoolatuskii ugu ballaarnaa oo wadajir ah, kaasi oo ka dhici doona gudaha Dalka Filibiin ee dhaca Koonfur-bari ee Qaaradda Aasiya.

Filibiin iyo Mareykanka ayaa sheegay in dhoolatuskan looga hortagaya kororka saameynta Shiinaha ee gobolka.

Ilaa 18,000 oo Askari ayaa ka qeyb qaadanaya dhoolatuskan, kaasi oo ay si wada jir ah u sameyn doonaan ciidamada Filibiin iyo kuwa Mareykanka, taasi oo ka dhigan laba jibaar tirada Ciidamada ka qeyb galay sannadkii hore.

Dhoolatuskan ayaa sida la sheegay socon doona muddo toddobaad ah, iyadoo la sheegaya in Ciidamada Mareykanka ay adeegsan doonaan Gantaalada Patriot, kuwaas oo ka mid ah difaaca hawada ee ugu wanaagsan adduunka.

Ruushka iyo Ukraine oo tiro maxabiis ah isdhaafsaday

Dalalka Ruushka iyo Ukraine ayaa isweydaarsaday in ka badan 200 oo maxaabiis ah oo ay kala qabsadeen intii uu dagaalka socday, sida laga soo xigtay masuuliyiin ka kala tirsan labada dhinac.

Wasiirka difaaca ee Ruushka ayaa sheegay in Ukraine ay wareejisay 106 Askari oo ka tirsan ciidamada Ruushka, halka agaasimaha xafiiska madaxweynaha Ukraine uu sheegay in Ruushkuna sii daayay 100 maxbuus oo ay hayeen.

Labada dhinac midna ma bixinin faahfaahin intaas ka baxsan, iyo weliba habka loola kala wareegay maxaabiista, Agaasimaha xafiiska madaxweynaha Ukraine ayaa ku sheegay barta Telegram, in qaar ka mida maxaabiista Ukraine ee la sii daayey inay qabaan dhaawacyo aad u xun iyo weliba xanuuno kale.

Isweydaarsiga maxaabiistan ayaa ah kaliya midda ay ka wada-shaqeeyaan Ruushka iyo Ukraine, tan iyo markii uu dagaalka ka dhex qarxay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qasriga Madaxtooyada ku Qaabilay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres oo booqasho taariikhi ah ku yimi dalkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghaye António Guterres ayaa ka arrinsaday aayaha iskaashiga labada dhinac, qorsheyaasha mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya, caqabadaha jira iyo dhinacyada ay tahay in gargaarka iyo waxqabadka Hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala Soomaaliya ay xoogga saaraan, si loo xaqiijiyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay guulaha wax ku oolka ah ee laga xaqiijiyey dhinacyada amniga dalka, xoojinta dowadnimada, deyn cafinta, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dib u heshiisinta.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dul istaagay culeysyada iyo xaaladaha adag ee ay la tacaalayso dowladdu, kuwaas oo ay uga horreeyaan abaaraha gallaaftay nolasha kumannaan qoys, saameynta isbeddelka cimilada, saboolnimada iyo colaadaha sokeeye.

“Tani waa booqasho garab istaag ah oo ku wajahan dowladda iyo hannaanka dimuqraadiga ah ee Soomaaliya. Booqashadan waxay noo xaqiijinaysaa in Qaramada Midoobay ay si buuxda uga go’an tahay inay taageerto qorsheyaasheenna dhanka dowlad dhiska iyo xasilinta dalka. Waxaan ku kalsoonnahay in dadka Soomaaliyeed ay awood u yeelan doonaan in ay ka gudbaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay weli wajahayaan, iyada oo loo marayo dhammeystirka xoreynta dalka iyo dib u heshiisiinta”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres booqashadan uu ku yimid dalkeenna, waxa uuna ka rajeeyey in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed lagu garab istaago gaaridda hiigsigooda ku aaddan Soomaaliya horumarsan, xasilloon, door wanaagsanna ka qaadata Gobolka.

Dhankiisa, Xogahaye António Guterres ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay booqashadiisa Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo dhaweynta diirran ee uu u sameeyay isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in uu fahamsan yahay xaaladaha binu aadantinimo ee ay la tacaalayso dowladda Soomaaliya, lana xoojinayo taageerada iyo garab istaagga dalka.