Masar oo beenisay sir ku saabsan in Ruushka ay siiyeen gantaallo

Sarkaal sare oo u hadlay Masar ah ayaa beeniyay in Ruushka ay siiyeen 40,000 oo gantaallo ah, si dalkaasi ay ugu adeegsadaan dagaalka ka dhanka ah Ukraine.

Sarkaalkan oo aan magaciisa la shaacin ayaa Talaadadii la hadlay shabakada wararka ee Al-Qaahira, kadib warbixin ay daabacday maalin ka hor Washington Post.

Wargeyska oo soo xiganaya  dukumentiyada  sirta ah ee Maraykanka ayaa sheegay in madaxda dalkaasi ay si sir ah u gudbiyeen qalabkaasi,iyadoo laga  fogaanayo dhibaatooyinka reer galbeedka.

Sarkaalkaan ayaa ku tilmaamay warbixinta Washington Post warar been abuur ah ,wuxuuna intaa ku daray in Masar ay raacday siyaasad ahaan nidaamka isku  dheellitiran ee lagu go’aamiyo nabadda, xasilloonida iyo horumarka dunida.

Qayb ka mid ah dukumeentiga sirta ah ee ku taariikhaysan 17-kii Febraayo ,waxaa masar  lagu eedeeyay inay Ruushka siiyaan madaafiic iyo baaruud.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo hambalyo u diray Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidanka Xoogga Dalka oo u dabbaal dagaya sanad guurada 63-aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay 12-ka April 1960-kii.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa farxada munaasabadan qiimaha badan ee aas aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed la qeybsaday saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda, xaasaskooda iyo caruurtooda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa Ciidanka Xoogga Dalka ku tilmaamay in ay yihiin astaan Ka turjumeysa jiritaanka Dowladnimo ee dalka, isagoona xusay inay u taagan yihiin difaaca dalka iyo guud ahaan dhulka Jamhuuriyadda Federaalka, waxaana uu sheegay in ay ku suntanyihiin ilaalinta wadajirka iyo sharafta shacabka Soomaaliyeed, iyagoo naftooda u hibeeyay si ay dalkooda uga xoreeyaan cadawga Khawaarijta.

Guddoomiyaha oo gunaanadka dhambaalka hambalyada CXD  ku boggaadiyay guulaha ay kasoo hooyeen furimaha dagaalka iyo sida ay u wiiqeen cadoowga argagixisada ah ee baneystay dhiiga shacabka Soomaaliyeed, ayaa u rajeeyey guulo joogto ah, isagoona ku boorriyay in ay sii laba jibbaaraan dadaalka difaaca qaranka iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu hambalyeeyey ciidanka xoogga dalka sannad guurada 63-aad ee aas-aaskooda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya , Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan 12-ka April u diray Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Sannad-guurada 63-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Waa maalin ku asteysan sanadguuradii la xusay ayadoo halgaln lagu jiro oo aan lagu xusin dabaal dag iyo gaardis balse  lagu xusay dhiiga geesiyaasha iyo shuhadada ee u dhimanaya difaaca diinta, dadka, dalka iyo dowladnimada”

Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in sanadkan munaasabaddan ay ka duwan tahay kuwii hore oo ay kusoo aadday waqti aad muhiim u ah, wuxuuna sheegay in sanadkan lagu xusayo dagaal, dib u xoreynta dalka soo celinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Wuxuuna geesiyaasha Ciidanka xoogga dalka iyo qoysaskooduba mar kale ugu hambalyeeyay xuska 12-ka April, wuxuuna xusay in taariikhda ay maanta samaynayaan Ciidanka ee la dagaallanka khawaarijta ay tahay mid qormayso lana xusi doono.

Wasiirka warfaafinta XFS oo ka warbixiyay howlihii todobaadkan u qabsoomay dowladda

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Da’uud Aweys Jaamac oo uu wehliyo Madaxa Hawlgalka ATMIS Danjire Maxamed Al-amin Seuof ayaa ka Warbixiyay hawlihii todobaadkan u qabsoomay dowladda federaalka Soomaaliya.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso:

Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha

Muqdisho, Arbaco, 12 April, 2023

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  Antonio Guterres uga warbixiyay horumarka laga sameeyay dagaalka lagula jiro Khawaarijta, xaaladda guud ee dalka iyo caqabadaha jira.

2- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  Antonio Guterres oo magaalada Baydhabo ku booqday dadka ka soo barakacay dhibaatooyinka Khawaarijta Al Shabab iyo abaaraha.

3- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  Antonio Guterres oo dhameystay booqasho laba maalmood uu ku joogay Soomaaliya, ayaa beesha caalamka ugu baaqey in Soomaaliya la taageero, maadaama ay ku taagan tahay dhabbadii horumarka iyo xasilinta dalka.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa toddobaadkan Muqdisho kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Finland Pekka Haavisto.

5- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday xerada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Hiil Weyne oo ku taalla Balcad , halkaas oo ay ku jiraan kumanaan askari oo ka qeyb qaadan doona sugidda amniga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

6- Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya oo meel mariyay xeer lagu xakameynayo hubka lagu dhex sito Muqdisho, tallaabadaas oo qeyb ka ah xasilinta caasimadda.

7- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa taageeray go’aanka Golaha Wasiiradda ee xakameynta hubka lagu dhex sito magaalada Muqdisho.

8- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Muqdisho kula kulmay Danjiraha Qatar u fadhiya Soomaaliya, kulankaas oo looga hadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

9- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Muqdisho kula kulmay Danjiraha China u fadhiya Soomaaliya, kulankaas oo looga hadley xoojinta xiriirka labada dal.

10- Ra’iisul Wasaar Xamsa Cabdi Barre oo ugu baaqey ganacsatada inay xoojiyaan maalgashiga ay dalka ku sameynayaan.

11- Golaha Wasiirrada Xukuummada Federaalka Soomaaliya oo ansixiyay magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta , S/Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

12- Ergayga Madaxweyna Soomaaliya ee dhinaca arrimaha Somaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo Djibouti kula kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

13- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kormeer ku tagay degaannada Aw-Qumbaale, Ceel Cad, Canjeel, Harboole iyo Janaay-Cabdalle oo dhawaan laga xoreeyey Khawaarijta Al Shabaab.

14- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta xusaya sannadguuradii 63aad tan iyo markii la aasaasay.

15- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo tuulooyin ku teedsan Wabi Shabeelle ee Koonfuurta Beled Weyne ka xorreeyay Khawaarijta Al Shabaab.

16- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo shacabka oo is-garabsanaya ayaa hawlgalo lagu baacsanayo Khawaarijta ka fuliyay degaanno ka tirsan Degmada Buulo Burte ee Hiiraan, iyagoo isla markaana burburiyay godad ay Khawaariju ku dhuumaaleysan jireen.

17- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo hawlgal ay khasaare ugu geysteen Khawaarijta ka fuliyay tuulada Ceel Juqow oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug.

18- Shir ay ka soo qeybgaleen waddamada Safka Hore oo  looga hadlayey isku-dubaridka bilowga wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

19- Maxkamadda Ciidamada ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa dil toogasho ah ku xukuntey 14 nin oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab.

20- Ciidamada Qalabka Sida ayaa si habsami uu wada hawlagalada lagu sugayo amniga caasimadda, kana hortagey fal dembiyeed la doonayay in lagu waxyeeleeyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhigga oo hambalyo ku aaddan 12-ka April u diray Ciidanka xoogga dalka

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aadan munaasabadda sanad guurada 63-aad ee 12-ka Abriil oo maanta ku beegan.

“Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan Ciidanka XDS, sarreeyaasha, saraakiisha,  saraakiil xigeennada, alifleyda, dableyda iyo jadiidka Ciidanka XDS ayaga iyo qoysaskooda Munaasabadda 12 Abriil awgeed oo ku began maalinkii la unkay Ciidankeenna XDS,” ayuu yiri wasiir Jaamac oo qoraalkaan soo saaray.

“Maanta oo ku beegan 63-guuradii aas-aaska CXD Soomaaliyeed, waxay har iyo habeen u taagan yihiin difaaca sharafka Ummadda Soomaaliyeed iyo qiyamkooda, waxaan Alle (SW) uga baryayaa inuu u naxariisto intii ku shahiidday difaaca qarannimada, sidoo kalena caafimaad deg-deg ah in uu siiyo intii ku dhaawacantay.”

“Daljir kasta ee u istaaga difaaca ummadda Soomaaliyeed, kana dhiidiya dhibta umadda haaysato wuxuu dalkaan ku dhex lahaan doonaa xasuus gaara ah. Haatan oo uu dalka ka jiro dagaal looga xorreynaayo khawaarijta caqabadda ku ah horumarka dalka, Ciidanka XDS iyo shacabka xaq u dirirka ah, waxay casharo lama ilaabaan ah u dhigeen argagixisada go’aansatay dhibaateynta umaddeena.”

Ugu dambeyntii wasiirka difaaca qaranka ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaan ka codsaneynaa taageerada iyo garab istaagga naftood-hurayaasha dhiiggooda u bixiyey sidii ay ugu noolaan lahaayeen sharaf iyo karaamo. Gashkayagow Guuleysta, guusha waa ay dhowdahay.”

Taliye Odawaa oo hambalyo ku aaddan 12-ka April u diray Ciidanka Xoogga dalka

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen; Odawaa Yuusuf Raage ayaa hambalyo ku Aaddan aas aaska ciidanka xoogga u diray qeybaha ciidanka xoogga.

Taliyaha ayaa sidoo kale geesiyada Qaranka ee ku jira dagaalka lagu cirib tirayo khawaarijta ku boorriyay sida geesinimada iyo naf hurnimada leh ee ay ugu guuleysteen howlgalladii ay fuliyeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo afur wadareed u sameeyay Diblomaasiyiinta shisheeye ee ku sugan dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku maamuusay diblumaasiyiinta ka howlgala dalka oo uu wehelinayo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres, afur wadareed ka tarjumaya dhaqanka Soomaaliyeed ee ku tilmaaman martisoorka iyo soodhaweynta.

Madaxweynaha  ayaa bogaadiyay doorka wanaagsan ee saaxiibbada caalamiga ahi ka qaataan dowlad-dhiska Soomaaliya, waxaana uuna soo bandhigay guulaha wax ku oolka ah ee laga xaqiijiyey dhinacyada amniga dalka, xoojinta dowladnimada, deyn cafinta, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo waxbarashada.

       

Wasiirka Amniga Gudaha XFS iyo dhiggiisa Serbia oo ka wada hadlay Xoojinta iskaashiga Amni ee ka dhaxeeya labada Dal

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Dr. Maxamed (Doodishe) ayaa kulan rasmi ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Serbia Mudane Bratislav Gašić.

Kulanka labada Wasiir ayay kaga wada hadleen dib u cusbooneysiinta xiriirkii u dhaxeeyay Booliska labadda dal, gaar ahaan dhinac ee soo bilowday 1963 hase ahaatee dib u istaagay 1992.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Amniga Serbia Mudane Bratislav Gašić ayaa sheegay in Serbia ay Soomaaliya ka taageereyso Amniga si ay Dowladda Faderaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ay guulo muhiim ah ka gaaraann argagixisada iyo falalka abaabulan ee la xiriira dembiya halista ah.

Labada Wasiir ayaa ku heshiiyay in labada dal ay yeeshaan Iskaashi Amni rasmi inta uusan dhamaan sanadka 2023.

    

Warbaahinta qaranka oo heshay Liiska odayaal khawaarijtu xir xirtay

-Warbaahinta qaranka oo heshay Liiska odayaal khawaarijtu xir xirtayCiidamadda xoogga iyo kuwa degaanka kadib gulufka dagaal ay ku qaadeen khawaarijta waxa ay suurta galisay in khawaarijta laga saaro degaanna iyo tuulooyin badan oo katirsan gobolada dalka,waxan xiligaan khawaarijtu mareysaa xaalad bur-bur iyo kala carar ah,iyadoo geesiyasha xoogga dalka ay uga dabagalayaan meel walba oo ay isku dayaan in gabaad ka dhigtaan khawaarijta arxanka daran ee Al-Shabaab.

War ay heshay Warbaahinta Qaranka ayaa ayaa xaqiijisay in odoyaal dhaqameedyo khawaarijta u qaabilsanaa aruurinta lacagaha baada ah ee shacbka sida xoogga ah looga qaadi jiray ay wajahayaan xiligaan xaalad qatar ah kadib markii khawaarijtu ay ka dhigtay qaar ay Dishay iyo kuwa ay ku xir-xirtay degaanno hoostaga degmooyinka Ceelbuur,iyo degaanka Coosweyne oo hoostagta degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Odayashaan ay xireen khawaarijta ayaa la shegayaa in inta badan ay ka soo jedaan Hiiraan iyo Bakool,waxan la sheegay in odayaashaan ay dhibaata xooggan ku hayeen shacabka deeganada ay kasoo jeedaan.

Magacyada odayaashan oo warbaahinta qaranku heshay ayaa kala ah 1: Maadeey, 2: Siidow Jiis kuwaas oo khawaarijta u qaabilsanaa lacag ururinta.

Xariga odayaashan ayaa waxa amray horjoogaha Maaliyadda Jubbooyinka Abu Cabddala oo magaciisa hore ahaa Xiiray isagoo amar sare oo ugu adeegayo ka haysta horjoogaha sare ee Cabdikariim Horseed.

Booliska gobolka Banaadir oo gacanta kusoo dhigay rag dhac geysanayay

Ciidanka Booliska saldhigga Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa soo qabtay labo burcad ah oo dhac ka geysanayey waaxda Maajo ee degmadaas.

Burcadaan ayaa dadka ku dhacayey Bistoolado caag ah, iyaga oo ka uruursaday taleefannadii ay wateen.

Raggan lasoo qabtay ayaa la hor geyn doonaa caddaladda, sida uu warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.