Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ciraaq

-Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamse Aadan Xaadoow, ayaa maanta oo Axad ah, kula kulmay Caasimadda Baghdad, Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ciraaq ugu xilsaarran xiriirka labo geesoodka, Danjire Mohammad Hussein Mohammad Ali Hadi Bahr Aluloom, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya laba dal ee walaalaha ah.

Kulanka ayaa diirradda lagu saarray horumarinta xiriirka, is-dhaafsiga khibradaha, xoojinta kalsoonida labada dhinac, iyo in la sameeyo dadaallo wadajir ah oo lagu hormarinayo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee nacfiga u leh shucuubta labada dal.

  

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo bogaadiyay Howlagallada amniga lagu xaqiijinayo ee ka socda Caasimadda

Wasiirka Arrimaha Gudah Fedaraalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo Bogaadiyay Howlgallada Wax ku-oolka ah ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay ku badbaadinayaan nafta iyo maalka umadda Soomaaliyeed.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo lahadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir ay maalmihii lasoo dhaafay qaadeen tallaabooyin ay mahadiyeeb bulshada Soomaaliyeed, iyagoo ka hortagay fal dambiyeedyo qatar ku ah ammaanka Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Waan ku Bogaadinayaa shaqada Wanaagsan iyo adeegga ay umadda Soomaaliyeed u hayaan ciidamada Booliska G. Banaadir islamarkaana ay ku badbaadinayaan nafta iyo maalka umadda Soomaaliyeed. Ayuu yiri Wasiir Ahmed Moallim Fiqi

Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir ayaa ku guuleystay qorshaha xasilinta amniga Caasimadda kaas oo si weyn looga dareemay magaalada Muqdisho, iyadoo laga hortay kooxo kala duwan oo burcad ah oo falal amniga lid ku ah ka geysanayay magaalada Muqdisho.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha oo gaaray dalka Serbia

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mudane  Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaaladda Belgrade ee Caasimadda Dalka Serbia, ka dib markii uu Casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Serbia Mudane Bratislav Gasić.

Safarkan shaqo ayuu Wasiir Doodishe muddo 3-maalin ku joogi doonaa Serbia ,isaga oo kulamo kala duwan la qaadan doona mas’uuliyiin ka tirsan Jamhuuriyadda Serbia oo uu ugu horeeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Serbia Mudane Bratislav Gasić.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa sidoo kale Tababar u soo xiri doona Ciidamo ka tirsan ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya, kuwaas oo Afar-bil Tababar ku qaatay Dalka Serbia.

Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Serbia waxaa ka dhexeeya xiriir Saaxiibtinimo oo ku dhisan Danaha labada dal.

 

Ciidamada Boliiska oo qabtay eedeysane dhac ka geystay goob ganacsi oo ku taala degmada Hodan

Ciidamada Boliiska Degmada Hodan ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane loo haysto inuu dhac ka geystay goob ganacsi oo ku taala degmadaas.

Ruuxaan ayaa loo haystaa inuu goobta ganacsi ka qaatay Cadad teleefoono ilaa 3 mobail ah kuwaas oo ka la ahaa A32, A13 iyo A33.

Taliska Boliiska ayaa war uu soo saaray ku yiri” Ummadda Soomaaliyeed, waxaan u xaqiijinaynaa in eedeysanuhu gacanta Boliiska ku jiro cadaaladana uu wajahayo”.

Ergeyga Madaxweynaha JFS ee wada hadalada Somaliland oo la kulmay Madaxweynaha Jabbuuti

Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Somaliland u qaabilsan Madaxweynaha Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta kullan muhiim ah kula qaatay Aqalka Madaxtooyada Djibouti Madaxweyne Ismail Omar Gelle, waxaana ugu horeeyn uu gaarsiiyay Madaxweynaha salaan sharafeed uu ka siday Madaxweynaha JFS Mudane Hassan Sheikh Mohamud.

Madaxweyne Gelle oo ah oday Soomaaliyeed ayaa kulankan dhexmaray isaga iyo Ergeyga waxaa uu daarnaa wadatashi ku aadan ka gun-gaarista wadahadallada Somaliland ee dhawaan dib u billaaban doona.

Ergeyga ayaa Madaxweynaha la wadaagay howsha culus ee hortaala, waxaana uu Madaxweynaha uu u muujiay sida dowladda DJIBOUTI ay shacab iyo xukuumadba had iyo jeer u garab taagan tahay nabadda iyo xasiloonida Soomaaliyeed.

Kullankan ayaa qeyb ka ah kullamo badan oo uu Ergeyga ku mari doono dalalka geeska Afrika, kuwaas oo uu taageero ugu raadinayo ka mirra-dhallinta wadahadallada Somaliland.

 

Xukumadda Soomaaliya oo faah faahin ka bixisay qorshaha xakameynta hubka ee gudaha Caasimadda

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Xukumadda Federaalka Soomaliya, Maxamed Cali Xagaa ayaa faah faahiyey qorshaha xakameynta hubka ee dowladdu soo saartay.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu kaga hadlay tillaabada amniga lagu sugayo ku akhriyay Xeerka Xakameynta Hubka ee ay soo saartay dowladda Soomaaliya.

NUXURKA XEERKA XAKAMEYNTA HUBKA CAASIMADDA

Iyadoo laga ambaqaadayo go’aankii Golaha Wasiirrada ee soo baxay 6da bishan April, 2023 ee Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda, waxaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shacabka la wadaageysaa faahfaahin ku saabsan xeerkan muhiimka ah.

Ujeeddada laga leeyahay xeerkan ayaa ah in la is waafajiyo xaqa dastuuriga ah ee bulshada caasimaddu u leedahay xasillooni iyo nabad ay u helaan naftooda. Sidaa daraadeed waxaan halkan idin kula wadaageynaa nuxurka xeerkan oo u dhigan sida tan soo socota:

Waxaa reebban oo la mamnucay in magaalada lagu dhex wato hubka culus sida a) Gaadiidka Ciidanka oo qori ku xiran yahay b) Qoriga Sabanka ama baasuukaka (RPG). C) Qoriga Dabajeexa (PKM).

Waxaa la mamnuucay in cid aan dowladda ahayn ay keensato hub iyo gaadiid ciidan, siiba gaadiidka loo yaqaano Cabdi Bilaha iyo dareyska ciidanka.

Gaadiidkan iyo hubkan la mamnuucay waxaa magaalada lagu dhex wadan karaa oo keliya marka ay adeegsanayaan ciidan hawlgal idman ku jira.

Dhammaan hubka iyo gaadiidka ciidan ee la qabto iyadoo aan rukhsad loo haysan ama xadgudub ku ah xeerkan, waa la la wareegayaa, waxaana uu noqonayaa hanti dowladeed.

Diiwaan-gelinta iyo bixinta rukhsadda ilaalada waxaa u xilsaaran Wasaaradda Amniga Gudaha.
Waxaa reebban cid aan ahayn ciidammada u xilsaaran sugidda amniga caasimadda in hub aan rukhsad lahayn ay magaalada ku dhex wadato.

Ciidammada ilaalada ah ee haysta rukhsadda, marka ay shaqada ku jiraan waa in ay wataan labbiska ciidanka ay ka tirsan yihiin.

Ciidammada sugaya amniga bara-ilaaleedka (checkpoints-yada), waa in ay u turaan bulshada adeegsanaya waddooyinka, si wanaagsanna ula dhaqmaan, sidoo kalena, ay mas’uuliyiinta waddooyinka adeegsanaya siiyaan tixgelintooda iyo mudnaantooda.

Mas’uuliyiinta iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan ee waddooyinka adeegsanaya; waa in ay u hoggaansamaan ayna dhowraan farriimaha iyo tilmaamaha ciidammada sugaya amniga caasimadda, isla markaana ay u fududeeyaan gudashada waajibaadkooda shaqo.

Ciidammada haysta rukhsadda waxaa la farayaa inay waddooyinka u adeegsadaan si waafaqsan Sharciga Nabadgelyada Waddooyinka.

Dhammaan hubka fudud ee loogu talagaley ilaalada madaxda, difaaca nafta iyo hantida, sida bastooladda noocyadeeda kala duwan, qoriga AK 47 iyo qoryaha noociisa ahba waa in la diiwaangeliyaa.

Waxaa reebban in hub lagu dhex rido magaalada xilli kasta oo ay tahay. Haddii ay jirto dab-rid tijaabada hubka ah waa in ciidanku ay bixiyaan ogeysiis saacado ka hor.

Cid kasta oo ku xadgudubta qodobbada xeerkan waxaa lala tiigsanayaa xeerarka ciqaabta Ciidammada Qalabka Sida.

Wasiirka Amniga Gudaha, wuxuu soo saari karaa, markii loo baahdo, habraac faahfaahinaya arrimaha ku xusan qodobbada xeerkan.

Xeerkan waxaa uu dhaqangal noqday 6da bisha April sannadka 2023-ka. Waxaana la farayaa dhammaan hay’adaha ku shaqada leh, mas’uuiyiinta iyo shacabkuba inay u hoggaansamaan.

MAHADSANIDIIN

Ciidamada Xoogga oo howlgallo lagu sifeynayo Khawaarijta ka sameeyay Gobolka Galgaduud

Ciidamada xoogga dalka ayaa deegaanka Ceel juqow ee gobolka Galgaduud ka sameeyay howlgal lagu sifeynayo Khawaarijta isla markaana dowladnimada lagu gaarsiinayo dadka deegaanka ee muddada dheer ay dhibaateynayeen.

Ceel juqow ayaa hal KM dhanka Woqooyi kaga beegan deegaanka butbut oo hoos taga Magaalada galcad waxaana halkaas iskaga cararay Khawaarijta, ciidanka ayaana gacanta ku dhigay sadax gaari oo laga shakisan yahay kuwaas dadka deegaanku sheegeen in Khawaarijtu kaga carartay dhulka howdka ah.

    

Ciidanka Booliiska oo toogtay dhagar qabe miino ku aasayay deegaanka Garasbaaley

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa toogtay dhagar qabe Miino ku aasayay waddada dhinaceeda.

War ka soo baxay Boliiska ayaa lagu yiri” Ciidanka oo howgal ku jira ayaaa la kulmay dharqabe rabay in uu waddada dhinaceeda ku aaso miino deegaanka Garasbaaley, dhagar qabaha ayaa sameeyay iska caabin waana la toogtay”.

 

 

Wasiirka Caddaaladda XFS oo xilka u kala wareejiyay ku-simihii taliyaha ciidanka Asluubta iyo taliyaha cusub

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa xilal u kala wareejiyay kusimihii ciidanka Asluubta Soomaaliyeed General Abdikarim Ali Afrah iyo taliyaha cusub ee dhowaan la soo magacabaay c General Mahad Abdirahman Adan.

Munaasabadd0a xil wareejinta ah waxaa kasoo qeyb galay xildhibaano iyo saraakiisha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Wasiirka Xasan Macalin ayaa bogaadiyay kusimihii taliyaha ciidanka Asluubta Gen Abdikarim Ali Afrah sida howsha uu u waday intuu uu joogay taliska, sidoo kale wuxuu sheegay in taliyaha cusub General Mahad uu yahay nin shaqadaan yaqaan horena usoo qabtay wax badana  ay ka filyaan dhammaan ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

6 April seddax maalin ka hor ayay golaha Wasiirada XFS waxay u magacaabeen Sareeye Guuto Mahad Abdirahman Adan oo kamid ahaa xildhibanada BFS in uu markale noqdo  taliyaha ciidanka Asluubta

 

 

  

Guddoomiyaha maxkamadda sare oo hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare ee Hirshabeelle

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare ee Hirshabeelle Cabdullaahi Maxamuud Gacal uu madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen u magacaabay xilkaasi.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa ugu duceeyay in uu Alle u fududeeyo xilka culus ee loo igmaday garyaqaan Cabdullaahi Maxamuud Gacal, waxaana uu u ballan qaaday in maxkamadda sare ee dalka ay garab istaagi doonto.

“Runtii na waxa aan ku aqaanaa aqoon, waayo-aragnimo, iyo hoggaamin heerkeedu sarreeyo.

Maxkamadda Sare ee Federaalku taageero buuxda ayey la garab taagan tahay si loo xaqiijiyo hufnaanta, dhexdhexaadnimada iyo madaxbannaanida Garsoorka loona hirgeliyo sharciga hab middaysan.”

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa 8 -dii bishii April u magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare ee Hirshabeelle garyaqaan Cabdullaahi Maxamuud Gacal, kadib markii uu kala diray garsoorkii hore ee dowlad goboleedkaa Hirshabeelle.