Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bankiga Adduunka oo ka wada hadlay horumarinta Caasimadda

Guddoomiyah Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay wafdi ay hogaaminaysay u-qeybsanaha Mashruuca Horumarinta Magaalooyinka ee Bangiga Aduunka Mrs Makiko Watanabe.

Kulankan ayaa looga hadlay Qorshaha horumarinta Caasimada, dhismooyinka Wadooyinka, Biyo qabadyada iyo Bulaacadaha iyo sidii loogu wada shaqeyn lahaa horumarinta deegaanada aan rasmiga aheyn, si xal waara loogu helo Barakacayaasha.

Kulan ku saabsan qorshahah Qaran ee cudurka Qaaxada oo lagu qabtay Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ayaa qabatay kulanka looga hadlayay qorshaha Qaran ee ku aadan cudurka qaaxada ee 3-da sano ee soo socoto.

Kulanka waxaa daahfuray Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamad Xasan Maxamad Bulaale, waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa oo ka hadlay Madaxa barnaamijka qaaxada ee qaranka.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qaybgalay madax ka kala socotay maamullada xubnaha ka ah Dowlladda federaalka, qaybo ka mid ah bulshada rayidka, hay’adaha ka shaqeeya Caafimaadka oo gacan ka gaystay xakamaynta cudurka qaaxada iyo wakiilka hay’adda World Vision Mr. Kevin Mackey.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la helo hoggaan siyaasadeed oo saamayn leh kaas oo lagu yeelanayo istaraatiijiyadda Qaran ee cudurka qaaxada, taas oo la hirgelin doono saddexda sano ee soo socota.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo gaaray Cadaado

Cadaado:- Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Wafdiga wasiirka waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey wasiir dowlaha arrimaha gudaha Galmudug Cumar Maxamed Diiriye, wasiirka amniga Galmudug Maxamed Cabdi Gaboobe iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdiga oo uu qayb ka ahaa guddoomiye ku- xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa u amba-baxay degmada Baxdo, halkaas oo ay kula kulmayaan maamulka iyo bulshada degmada, si loogu dhiirri galiyo dagaalka ay kula jiraan Khawaarijta, looguna abaal mariyo guulihii waawaynaa ee ay ka gaareen ciribtirka Khawaarijta.

       

Share this Article

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga XFS oo guddoomiyey kulan looga hadlayay amniga dalka

Wasiir Dowlaha wasaaradda amniga Dowladda Federaalka Maxamed Cali Xagaa ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey amniga oo ay ka qayb galeen hay’adaha ammaanka dalka iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa looga hadlay Xoojinta amniga iyo hirgelinta xeerka xakameynta Hubka caasimada ee dhawaan ay soo saartay Dowladdu.

Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay agaasimaha hay’adda NISA Mahad Salaad, waxaana warbixino looga dhagaystay saraakiisha hooggaaminaysa ciidamada isku dhafka ah ee hawlgalka Ciiltire oo ay ka mid yihiin Boliiska sida militariga u tababaran oo si xoojin ah ula shaqeynaya ciidanka ammaanka caasimadda ilaalinaya.

   

Xabad-joojin 24 saac ah oo looga dhawaaqay Sudaan

Wararka ka imaanaya Dalka Suudaan ayaa sheegay in dhinacyada isku haya dalkaasi ay ku heshiiyeen xabad joojin qaadaneysa muddo 24 saac ah.

Xabad joojintaan ayaa la tilmaamay in loogu talagalay  in lagu qaado dadka dhaawaca ah iyo in dadka rayidka ah ay helaan waddooyin nabdoon oo ay maraan.

Ugu yaraan 185 qof ayaa la dilay in ka badan 1,800 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen tan iyo markii uu dagaalku qarxay, ayuu yiri ergayga Qaramada Midoobay Volker Perthes.

Kolonyo dublamaasiyiin Maraykan ah ayaa lagu rasaaseeyay Suudaan ,waxaana geystay weerarkaasi dagaalyahanno xiriir la leh ciidamada mucaaradka ee RSF, sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken.

Ciidamada Xoogga dalka oo hawlgallo ka sameeyay Tuulooyin hoos yimaado Budbud

Ururka 4-aad, Guutada 16-aad ee kumaandooska Danab iyo ciidamada dib uxoreeynta degaanada ayaa maanta howlgallo lagu baacsanayo haraadiga maleeshiyaadka Khawaarijta ka sameeyay tuulooyin hoos yimaado degaanka Budbud ee Gobolka Galgaduud.

Goobaha maanta laga sameeyay hawlgalka ayaa waxaa ka mid ah tuulada xiintumaal iyo ceelal laga cabo biyaha kuwaas oo ku yaalay dhulka howdka ah, waxana gabi ahaanba halkaasi isaga caray maleeshiyaadki degaanadaasi ku dhumaleeysanayay.

Taliyaha Ururka 4-aad ee Kumaandooska Danab, Laba xidigle Cabdullaahi Mustafa Cali “Madaale-qaran” oo hogaaminayay howlgalkan, ayaa sheegay inay kuraad joogaan firxadka horjoogayaal iyo maleeshiyaad katirsan Aragagixisada Al-shabaab kuwaas oo ku dhumaaleysanayey degaanno ku dhow degmada Ceelbuur oo ay kaabi ku hayaan Cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga Soomaaliyeed.

Cabsidii ugu xoogganeeyd ayaa soo wajahday horjoogayaal iyo maleeshiyaad katirsan kooxda Khawaarita Al-shabaab, kuwaas oo lasheegay inay ku go’doonsanyahiin magaalada ceelbuur ee gobalka Galaduud.

Ergeyga Q M ee Suudaan: Labada dhinac ee ku dagaallamaya Suudaan diyaar uma ahan dhexdhexaadin

Iyadoo dagaalka ka socda dalka Suudaan  ee u dhaxeeya Milatariga iyo xooggaga taageerada deg-dega ah uu galay maalintii afaraad, ayaa waxaa soo baxay rajo xumo ku aaddan suurta galnimada in halkaasi ay ka hirgasho waan waan Nabadeed.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Suudaan Volker Peretz, ayaa meesha ka saaray in labada dhinac ee dagaalamaya ay doonayaan in xal laga gaaro dagaalka halkaasi ka socda.

Qoraal kooban oo uu Volker Peretz, u gudbiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayuu ku sheegay in dhinacyada ku dagaalamaya Suudaan, ay baaqyo nabadeed u soo bandhigeen inta badan Ururada gobala, gaar ahaan Urur gobaleedka IGAD, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta, balse ay muuqato in aanay diyaar u aheen wax waan waan nabadeed ah.

Sidoo kale, Peretz wuxuu warbixintiisa kooban ee golaha ammaanka ee ku saabsan xaaladda gudaha Suudaan ku sheegay in dagaalku uu weli ku kooban yahay labada dhinac ee colaaddu u dhaxayso, kuwaasi oo ku loolamaya gacan ku haynta caasimadda dalka ee Khartoum.

khasaaraha dagaalka ka soo gaaray dadka rayidka ah saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ayaa lagu sheegay in dhimashada ay gaartay 180 ruux, halka dhaawacana uu intaa ka badanyahay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo deeqdan lacageed u qeybiyay qoysas danta yar ah

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta ciid siiyay 314-qof oo ka koobnaa qoysaska danta yar iyo dadka baahiyaha gaarka qaba kuwaas oo ka kala socday degmooyinka gobolka Banaadir.

Deeqdan lacageed oo uu duqa magaalada Muqdisho mudane Madaale, gaarsiiyay qoysaska danta iyo dadka baahiya gaarka qaba ayaa loogu talagalay in ay uga faa’ideystaan ka qeyb qaadashada farxada Ciidul Fidriga, iyada uu qorshuhu yahay in tira laba-kun oo qof ah la gaarsiiyo deeqdaasi Lacageed.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed iyo dadka Alla S.W.T wax siiyay in ay xasuustan oo ay garab istaagaan dadka danta yar.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Suudaan oo wajahaya xaalad adag

Dagaal qaraar oo galay maalintii afaraad ayaa waxa uu ka soconayaa gudaha magaalada Khartuum ee caasiamadda dalka Suudaan, kaas oo saameyn xooggan ku yeeshay dadka aan u dhalan wadankaas ee u badan ardayda.

Kumanaan arday Soomaali ah oo halkaasi wax barasho u jooga ayaa wajahaya xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Qaar kamid ah ardayda oo ay warbaahinta Qaranku la xiriirtay ayaa innoo sheegay in muddo saddex maalmood ah aysan helin wax biyo iyo koronto ah, isla markaana aysan awoodin in ay kasoo baxaan halka ay rasaasta kaga gabbanayaan.

“Ilaa iyo saaka waxaan ku howlanayn in aan kasoo saarno arday hablo u badan oo ku go’doonsanaa xaafado ka mid ah Khartum oo ay dagaallo xooggan ka socdaan, illaa haddana waxaa jira arday weli ku go’doonsan xaafadaha qaar oo aan awoodi weynay in aan u tagno” ayuu yiri mid kamid ah ardaydii is xilqaamay ee u istaagay in walaaladood ay caawiyaan.

Ummdurmaan oo ah qeyb ka mid ah Caasimadda saddex geesoodka ah ee Khartoum ayaa lagu soo warramayaa in ay jiraan gabdho ku xanniban xaafadaha, kuwaas oo aan helin fursad ay kusoo baxaan.

Dhinaca kale, Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee XFS oo ka jawaabaysa duruufaha iyo cabashooyinka ka imanaya muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalka ay dagaallada culus ka socdaan ee Suudaan ayaa soo saartay foom ay isku diiwaan geliyaan iyo talooyin la xiriira bed qabkooda.

Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa ku wargalisay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Suudaan in ay taxaddar iyo feejignaan dheeraad ah muujiyaan, isla markaana ay raacaan dhammaan tilmaamaha ka soo baxa safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Suudaan.

Wasaaradda ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Sudan ku sugan ku wargalisay inay xiriir joogto la sameeyaan wasaaradda iyo safaaradda, hadii ay caawinaad uga baahdaan.

Waxa ay wasaaraddu soo jeedisay inay iska diiwaangaliyaan websiteka wasaaradda, si loo caawiyo.

Ajaaniib si sharci darro ah uga kalluumeysanaysay dalkeenna oo maxkamad la soo taagay

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay in uu maxkamad la horgeeyay 36 eedeysane oo ajaanib ah iyo 30 tan oo kalluun ah oo si sharci darro ah ay uga kalluumeysteen xeebaha dalkeena.