Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Diinta XFS oo kormeeray fariisin ay ciidanka ku leeyihiin duleedka Baydhabo

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Diinta iyo arrimaha Owqaafta xukuumadda federaalka Xildhibaan Saalax Shariif siidkey oo weheliyo Abaanduulaha Qeybta 60aad CXDS Gaashanle Dhexe Cali Xabad ayaa kormeer iyo dhiiro gelin ugu tagey Ciidanka geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo fariisin u ah Deegaanka Makuude ee Duleedka Baydhabo,

Wasiirka ayaa Ciidanka Xoogga Dalka ku ammaaney sida casharka ugu dhigeen khawariijtii dhawaan weerarkii ay kusoo qaadey oo 14 dhaqar qabe halkaasi looga diley.

Sido kale, wasiir Saalax shariif siidkey ayaa Ku bogaadiyay geesiyaasha sida markasta ay heegan ugu yihiin difaaca Diinta, Dalka iyo dadka Soomaaliyeed,isagoona gaarsiiyey deeq lacag.

       

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee Bisha Ramadaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Tartanka Quraanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ayaa abaal marinno guddoonsiiyey halyeeyada kaalimaha hore ka galay tartanka sannadkan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in tartankan Quraanka Kariimka ah, wiilsha iyo gabdhaha ka qeyb-galay, culimada hoggaamisay iyo dowladda soo qaban qaabisay ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu dheggan yihiin diintooda suubban, ugana shaqeynayaan barashadeeda iyo ku dhaqankeeda.

Madaxweynaha oo sheegay in dowladnimada Soomaaliyeed ay aas-aas u tahay ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka ayaa abaal marin dhan 20.000 oo doolar waxa uu guddoonsiiyey Cabdifataax Axmed Maxamed oo kaalinta koowaad u galay sannadka Tartanka Quraanka Kariimka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa abaal marinno kale guddoonsiiyey xufaadda kala ah; Saabiriin Xasan Maxamed, Cabdulqaadir Yuusuf Maxamed, Xuseen Maxamed Cabdulle iyo Maxamed Ibraahim Maxamed oo galay kaalimaha hore ee tartanka.

Ugu danbeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey waalidiinta iyo macallimiinta barbaariyey halyeeyadan ku guuleysatay tartanka Quraanka Kariimka ah, waxa uuna Alle uga baryey in uu ku anfaco, fahamkooda barakeeyo, kana yeelo kuwii dalkooda ugu adeega.

                   

Share this Article

Ciidamada Xoogga dalka oo Jab xooggan Khawaarijta ku gaarsiiyay deegaanka Budbud

Ciidanka xoogga dalka iyo geesiyaasha dib u xoreynta deegaanka ayaa jab culus Khawaarijta ku gaarsiiyey deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud oo galabta ay isku dayeen inay weerar arbushaad ah ku soo qaadaan.

Ciidanka Qaranka ayaa ku ku raad jooga firxadkii Khawaarijta, waxaana soo bandhigi doonaa xogta rasmiga ah ee jabkii galabta la gaarsiiyey Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ergayga arrimaha carruurta iyo xuquuqda soo-galootiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne ugu magacaabay Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda Soo-Galootiga.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo raacaya Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka KMG ayaa tilmaamay in Ergaygan aqoon iyo khibrad wanaagsan u leedahay ilaalinta arrimaha carruurta iyo xuquuqda soo-galootiga, isaga oo adkeeyey sida ay uga go’an tahay dowladda xaqiijinta arriimaha mudnaanta u leh shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Ergeyga cusub ee Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda Soo-Galootiga dardargelinta dhammaan howlaha muhiimka u ah ka jawaabidda baahiyaha carruurta Soomaaliyeed iyo Xuquuqda Soo-Galootiga, iyadoo diiradda la saarayo qorsheyaasha Qaran ee ku saleysan ilaalinta Carruurta iyo xuquuqdooda aas-aasigaa.

Booliska gobolka Banaadir oo howlgallo ka sameeyay qeybo ka mid ah Caasimadda

Taliska Qeybta guud ee Boliiska gobolka Banaadir ayaa howlgal ay sameeyeen 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxay ku soo qabteen burcad hubeysan oo magaca Ciidamada qalabka sida dhac ku geysanayay.

Howlgalka oo si gaar ah ugu dhacay qeybta bari ee gobolka Banaadir ayaa waxaa sidoo kale lagu soo qabtay maandooriye kala duwan iyo raggii ka ganacsanayay.

Saraakiisha howlagalka hoggaamineysa ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in burcadda iyo kuwa lagu soo qabtay maandooriyaha la hor geyn doono caddaaladda sharcigana la waafajin doono.

Ciidanka Qaranka ayaa bilihii lasoo dhaafay waxay howlgallo lagu baacsanayo burcadda, Ciyaal weerada iyo kooxaha gacan saarka la leh Khawaarijta ka wadeen degmooyinka xiga daafaha gobolka Banaadir, iyadoo dad weynaha halkaasi ku dhaqan ay si weyn usoo dhoweeyeen.

  

Maxkamadda gobolka Banaadir oo iibineysa Kalluun si sharci darro ah looga jillaabtay xeebaheenna

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa iibineysa kalluun si sharci darro ah looga kalluumeystay xeebaha dalkeena oo ciidanka ammaanka ay ku soo qabteen kalluumeysato ajaaniib ah.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maxkamadda gobolka Banaadir hor keeyay 30 ruux oo ajaaniib ah oo kalluunkaas si sharci darro ah uga jalaabtay xeebaha Soomaaliya.

Share this Article

Dagaal culus oo dib uga bilowday magaalada Khartuum

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada milatariga Suudaan iyo ciidamada gurmadka deg-dega ee loo yaqaanno RSF,  ayaa dib uga qarxay magaalada Khartuum, saacado kaddib markii lagu dhawaaqay heshiis xabbad joojin waqti kooban ah.

Labada ciidan ee iska soo horjeeda ayaa isku adeegsanaya hubka culus iyo kan fudud, waxaana magaalada qeybo kamid ah laga maqlayaa qaraxyo waaweeyn iyo hugunka hubka ay is dhaafsanayaan labada dhinac.

Hoggaamiyaasha ciidamada dagaalamaya ayaa shalay galinkii danbe aqbalay heshiis xabbad joojin muddo 24-saac ah, hasa ahaatee dagaalka ayaa dib u qarxay, waxa ayna labada dhinac midbo kan kale ku eedeenayaan inuu ka baxay heshiiskii xabbad joojinta.

Dowladda Mareykanka iyo dowlado kale ayaa ugu baaqay hoggaamiyaasha ciidamada dagaalamaya in xabbad joojin gaaraan , waxa ay sidoo kale ugu baaqeen in dagaalka la joojiyo dibna loogu laabto miiska wadahadalka.

Dagaalka ka socda magaalada Khartuum ayaa galaaftay nolosha dad ka ku dhaw 200 qof, waxaana wali jirta cabsi laga qabo in khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawacahba ay  kasii bataan inta hadda la ogyahay.

Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha

Muqdisho, Arbaco, 19 April, 2023

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley shir madaxeed degdeg ah oo ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha dalalka IGAD, oo looga hadlayey colaadda Sudan ayaa ugu baaqey dhinacyada halkaasi isku haya inay miiska wadahadalka isugu yimaadaan, colaaddana ay joojiyaan.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa kaga qeybgaley shir madaxeed saddex geesood oo ay igu yimaadeen Soomaaliya, Ethiopia iyo Talyaaniga, kulamana la yeeshay madaxda ka qeybgashey shirkaasi.

3- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo guddoomiyey shir looga hadlayey xasillinta deegaannada Khawaarijta laga xoreeyey.

4- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo gudanaya Cumrada, ayaa ugu duceeyay ummadda Soomaaliyeed in Alle uu ka dulqaado dhammaan dhibaatooyinka heysta, intaasna ku darey in sanadkan uu noqon doono kii dalka looga suulin lahaa Khawaarijta Al Shabaab.

5- Wasaaradda Arrimha Dibedda ee Soomaaliya ayaa sameysay nidaam lagula soconayo xaaladda muwaadiniinta Soomaaliya ee ku nool dalka Suudaan oo ay dagaallo ka socdaan.

6- Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa magaalada Belgrade ee dalka Serbia tababar 4 bilood socday ugu soo xiray qaar kamid ah ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada Soomaaliya.

7- Soomaaliya iyo Jarmalka oo kala saxiixday heshiis dhaqaale kaas oo loogu talagaley dib u soo kabashada ilaha dhaqaalaha iyo ganacsiga Soomaaliya.

8- Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Khawaarijta Al Shabab kala wareegay degaanno hoos yimaada Budbud iyo Galcad oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

9- Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa degaanka ayaa Al Shabab ka xoreeyay degaanka Dahar Faqay oo hoostaga Degmada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud.

10- Ciidanka Kumandoska XDS ee Danab ayaa maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab kala wareegay goobo cusub iyo difaacyo ay ku lahaayeen degaannada Geryaale, iyo Ceel-juqoow oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

11- Ciidanka Xoogga Dalka iyo oo garabsanaya shacabka degaanka ayaa burburiyay fariisimo ay ku dhuumaleysanayeen Khawaarijta Al-Shabab oo ku yaalla degaannada Buulo Burde ilaa ilaa Halgan ee jiinka wabiga ee gobolka Hiiraan.

12- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa duleedka degaanka Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ku laayay koox Khawaarij ah oo doonaysay inay jidka u galaan kolonyo ka tirsan ciidanka ATMIS.

13- Ciidamada Xoogga Dalka ayaa Khawaarijta kala wareegay Degaanno dhowr ah oo kala ah Adeegow, Dhaydhayka, Tabarow, Walak iyo Arbasale oo 45 KM dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada Baydhabo ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed Soomaaliya.

14- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal gaar ah ka fuliyay degaannada Ceel Qansax iyo Ceel Huyun oo ka tirsan gobolka Galgaduud, halkaasina waxay ku dileen horjooge Cartan Iley, iyo dhaawac loo geystey horjooge Daahir Calasow oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab.

15- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa magaalada Washington uga qeyb galay shirka sannadlaha ah ee Wasiirrada Maaliyadda dalalka Iskaashiga Geeska Afrika iyo saaxiibada caalamka sida IMF, Midowga Yurub, Bangiga Horumarinta Afrika iyo Bangiga Adduunka.

16- Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in uu maxkamad la horgeeyay 36 eedeysane oo ajaanib ah oo si sharci darro ah ay uga kalluumeysanayay xeebaha dalka.

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ka sameeyay Shabeellada hoose

Ciidanka XDS ayaa howlgal ballaaran oo ka dhan ah khawaarijta ka sameeyay degaannada kala ah Jowhar Aw-dheegle, Daanyeerrey, Gumeysi diid, Ay buteey, Buulo naageey iyo Keli caafimaad oo ka kala tirsan degmooyinka Aw-dheegle, Jannaale iyo Lambar konton ee gobolka Shabeellada hoose.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgalka ku burburiyay goobo ay khawaarijta ku dhici jireen gaadiidka iyo shacabka iyo maxkamad beenaadyo dadka lagu ciqaabo.

Dhamme, Yuusuf Nuur Cali oo ka mid ah saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ay khawaarijta ka eryeen dhul baaxaddiisa lagu qiyaasay 30 Km oo howd ah, halkaas oo ay ugu tala galeen in ay ugu dhuuntaan ciidanka xoogga dalka, iyagoo shacabkana u diiday inay tacbadaan beerahooda.

Kim Jong Un oo amray in hawada loo diro Dayax gacmeedkii ugu horreeyay ee sahan millatari ah

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa ku amray saraakiishiisa Ciidanka in ay u diyaar garoobaan dirida Dayax gacmeedkii ugu horreeyay ee sahan milatari ah.

Kim ayaa amarkan bixiyay kadib kormeer uu maalin ka hor ku tagay wakaaladda horumarinta hawada sare ee Kuuriyada Waqooyi, iyada oo Pyongyang ay ballan qaaday in ay dhamaystirayso diyaargarow loogu jiro dirista Dayax-gacmeedkan, inta lagu jiro dhammaadka bishan, sida lagu sheegay warbixin ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Yonhap.

Intii lagu guda jiray booqashada, Kim waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay dalkiisa u leedahay horumarinta hawada sare, si uu dalkiisa ugu mid noqdo dalalka horumarka ka gaaray Hawada sare.

Bishii Disembar ee sanadkii la soo dhaafay, Kuuriyada Waqooyi ayaa faafisay sawirro madow iyo caddaan ah oo laga soo qaaday qeybo ka mid ah Seoul iyo deked ku taalla meel 27 kilomitir ka xigta galbeed caasimadda Kuuriyada Koonfureed, kuwaas oo la sheegay in luga soo qaaday Satellite tijaaba ah oo ay leedahay Kuuriyada Waqooyi.