Ergeyga Q M ee Suudaan: Labada dhinac ee ku dagaallamaya Suudaan diyaar uma ahan dhexdhexaadin

Iyadoo dagaalka ka socda dalka Suudaan  ee u dhaxeeya Milatariga iyo xooggaga taageerada deg-dega ah uu galay maalintii afaraad, ayaa waxaa soo baxay rajo xumo ku aaddan suurta galnimada in halkaasi ay ka hirgasho waan waan Nabadeed.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Suudaan Volker Peretz, ayaa meesha ka saaray in labada dhinac ee dagaalamaya ay doonayaan in xal laga gaaro dagaalka halkaasi ka socda.

Qoraal kooban oo uu Volker Peretz, u gudbiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayuu ku sheegay in dhinacyada ku dagaalamaya Suudaan, ay baaqyo nabadeed u soo bandhigeen inta badan Ururada gobala, gaar ahaan Urur gobaleedka IGAD, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta, balse ay muuqato in aanay diyaar u aheen wax waan waan nabadeed ah.

Sidoo kale, Peretz wuxuu warbixintiisa kooban ee golaha ammaanka ee ku saabsan xaaladda gudaha Suudaan ku sheegay in dagaalku uu weli ku kooban yahay labada dhinac ee colaaddu u dhaxayso, kuwaasi oo ku loolamaya gacan ku haynta caasimadda dalka ee Khartoum.

khasaaraha dagaalka ka soo gaaray dadka rayidka ah saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ayaa lagu sheegay in dhimashada ay gaartay 180 ruux, halka dhaawacana uu intaa ka badanyahay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo deeqdan lacageed u qeybiyay qoysas danta yar ah

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta ciid siiyay 314-qof oo ka koobnaa qoysaska danta yar iyo dadka baahiyaha gaarka qaba kuwaas oo ka kala socday degmooyinka gobolka Banaadir.

Deeqdan lacageed oo uu duqa magaalada Muqdisho mudane Madaale, gaarsiiyay qoysaska danta iyo dadka baahiya gaarka qaba ayaa loogu talagalay in ay uga faa’ideystaan ka qeyb qaadashada farxada Ciidul Fidriga, iyada uu qorshuhu yahay in tira laba-kun oo qof ah la gaarsiiyo deeqdaasi Lacageed.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed iyo dadka Alla S.W.T wax siiyay in ay xasuustan oo ay garab istaagaan dadka danta yar.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Suudaan oo wajahaya xaalad adag

Dagaal qaraar oo galay maalintii afaraad ayaa waxa uu ka soconayaa gudaha magaalada Khartuum ee caasiamadda dalka Suudaan, kaas oo saameyn xooggan ku yeeshay dadka aan u dhalan wadankaas ee u badan ardayda.

Kumanaan arday Soomaali ah oo halkaasi wax barasho u jooga ayaa wajahaya xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Qaar kamid ah ardayda oo ay warbaahinta Qaranku la xiriirtay ayaa innoo sheegay in muddo saddex maalmood ah aysan helin wax biyo iyo koronto ah, isla markaana aysan awoodin in ay kasoo baxaan halka ay rasaasta kaga gabbanayaan.

“Ilaa iyo saaka waxaan ku howlanayn in aan kasoo saarno arday hablo u badan oo ku go’doonsanaa xaafado ka mid ah Khartum oo ay dagaallo xooggan ka socdaan, illaa haddana waxaa jira arday weli ku go’doonsan xaafadaha qaar oo aan awoodi weynay in aan u tagno” ayuu yiri mid kamid ah ardaydii is xilqaamay ee u istaagay in walaaladood ay caawiyaan.

Ummdurmaan oo ah qeyb ka mid ah Caasimadda saddex geesoodka ah ee Khartoum ayaa lagu soo warramayaa in ay jiraan gabdho ku xanniban xaafadaha, kuwaas oo aan helin fursad ay kusoo baxaan.

Dhinaca kale, Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee XFS oo ka jawaabaysa duruufaha iyo cabashooyinka ka imanaya muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalka ay dagaallada culus ka socdaan ee Suudaan ayaa soo saartay foom ay isku diiwaan geliyaan iyo talooyin la xiriira bed qabkooda.

Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa ku wargalisay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Suudaan in ay taxaddar iyo feejignaan dheeraad ah muujiyaan, isla markaana ay raacaan dhammaan tilmaamaha ka soo baxa safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Suudaan.

Wasaaradda ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Sudan ku sugan ku wargalisay inay xiriir joogto la sameeyaan wasaaradda iyo safaaradda, hadii ay caawinaad uga baahdaan.

Waxa ay wasaaraddu soo jeedisay inay iska diiwaangaliyaan websiteka wasaaradda, si loo caawiyo.

Ajaaniib si sharci darro ah uga kalluumeysanaysay dalkeenna oo maxkamad la soo taagay

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay in uu maxkamad la horgeeyay 36 eedeysane oo ajaanib ah iyo 30 tan oo kalluun ah oo si sharci darro ah ay uga kalluumeysteen xeebaha dalkeena.

Safiirka Midowga Yurub ee Suudaan oo lagu weeraray Khartuum

Safiirka Midowga Yurub u fadhiya dalka Suudaan, Aidan O’Hara, ayaa lagu weeraray gurigiisa oo ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Khartuum, halkaas oo ay ku dagaallamayaan Milateriga iyo xooggaga RSF.

Dhaawac fudud ayaa soo gaaray Safiirka, sida uu xaqiijiyay wasiirka arrimaha dibedda Ireland, Micheál Martin.

Wasiirka arrimaha dibedda Ireland ayaa sidokale ku tilmaamay danjiraha la weeraray diblomaasi heerkiisu sarreeyo oo dalkiisa iyo Yurub ba u shaqeeyay xilli adag.

Ku dhawaad 185 qof ayaa ku dhintay dagaalkan tan iyo Sabtidii ka socda magaalada Khartuum, iyadoo dhaawacuna uu ka badan yahay 1,800 oo qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Dhinacyada ku dagaallamaya Khartuum ayaa isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyo diyaaradaha dagaalka.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibedda Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa bartiisa Twitter ku qoray in mas’uuliyadda amniga safaaradda iyo shaqaalaha ay saaran tahay dowladda Suudaan.

 

Guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo Taliyaha Booliiska oo kormeeray qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliyaasha qeybta Guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska iyo Nabad Sugida ayaa xalay kormeeray degmooyinka xiga qeybta Bari, gaar ahaan saldhigyada degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan.

Ujeedka kormeerkan ayaa ahaa u kuurgalida fulinta amarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo la xariiray inaan hubka culus lagu wadan karin gudaha Caasimadda, islamarkaana ciidii fulin weyso sharciga la horgeyn doono.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Madaale iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Janaraal Sulub Ahmed Firin, ayaa faray saraakiisha Amniga iyo maamulada Degmooyinka in si wadajir ah u wada shaqeeyan islamarkaana la xoojiyo howlagalada sida joogtada ah uga socda xaafadaha iyo wadooyinka Caasimadda.

Wasiiru-dowlaha qorsheynta oo booqday xarunta hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka

Wasiiru-dwlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Cabdirashiid Jire Qalinle, ayaa Booqday xarunta dhexe ee hay’adda maareynta musiiboyinka Qaranka ee SoDMA.

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka ee SoDMA Mudane, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xaruntaan ku soo dhaweeyey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda qorsheynta Qaranka.

Guddoomiyaha iyo Wasiirka ayaa  ka wada hadlay sidii ay Wasaaradda qorsheynta iyo hay’adda SoDMA wada shaqeyn dhow u yeelan lahaayeen, kaasi oo la isku afgartay.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka oo safaradda sacuudiga kala wareegay Deeq

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMa Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa Maanta Safaaradda Dowladda Boqortooyada Sacuudiga ee Muqdisho kala wareegay Deeq Mucaawino ah.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin ayaa ku xigeenka Safiirka dowladda sacuudiga u fadhiya Muqdisho kala wareegay Shixnad mucaawino ah oo loogu talagalay in la gaarsiyo Shacabka Soomaaliyed xilli lagu guda jiro maalmihii u danbeeyey bisha barakaysan ee Ramadaan.

Shixnadaan mucaawinada ah ayaa sida qorshuhu yahay waxaa lagu wadaa in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyed ee danta yar waxaana shixnadaan iskugu jirtaa qeybaha kala duwan ee raashinka.

Howlgal amniga lagu xaqiijinayo oo laga sameeyay deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa maanta howlgallo lagu ciribtirayo Khawaarijta ka wada dhulka miyiga ah ee dhaca hareeraha deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud oo maalin ka hor laga xoreeyey Khawaarijta.

Taliyaha guutada 4-aad, qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Kornayl Saney Cabdulle ayaa shacabka deegaankaas ka xog-wareystay xaaladooda, isagoo ka balan-qaaday in ciidanku ay sii xajisa doonaan gacan ku heynta deegaanada laga xoreeyey Khawaarijta.

Taliyaha ayaa shacabka ka dalbaday inay ciidanka la shaqeeyaan ciidanka, isagoo kula dardaarmay inay iska saaraan hadii ay ku jirto cabsi ay ka qabaan inay deegaanka dib ugu soo laabtaan Khawaarijtii laga xoreeyey.

Ciidanka xoogga oo bur-buriyay fariisimo ay khawaarijtu si dhuumaaleysi ah u imaan jirtay ee katirsan Hiiraan

Cidanka xoogga dalka gaar ahaan ururka41aad gutada 5naad Qeybta-27aad iyo ciidanka  degaanka ayaa howlgal waxa ay saakay ka sameyeen inta u dhaxeeyso degaannada Buuloburde ilaa Halgan ee jiinka wabiga.

Holgalka ayaa waxa hoggaminay taliyaha ururka41-aad gutada 5-aad Qeybta27-aad Xuseen Xasan Hoorow qeybna uu ka ahay korneel Cabdinasir Cali Cabdi waxana ay ciidamada ay cagta mariyeen degaanno dhowr ah oo kamid ahayeen Berayabal iyo jicibow oo ay khawarijta Al-shabab si dhumaaleysi ah ku imaan jireen

Ciidanka ayaa burburiyey fariisimo ay Khawaarijtu si dhuumaaleysi ah ku imaan jireen, waxaana dhamaan deegaanadii ay tageen ciidanku isaga cararay Khawaarijtii joogtay, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka.

Ciidamda xoogga dalka iyo kuwa degaanka aya degaanno dhaca koonfurta goblka Hiiraan waxa ay ka wadaan howlgallo looga sifeeynayo haraadiga kooxda khawaarijta,waxana ciidmaada ay la wareegeen degaanno ay fariisimo ku lahayeen khawaarijta.