Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay Salaadda janaasada AUN Marxuum Cabdi Casiis Maxamed Maxamuud

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya  mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur, taliye ku-xigeenka ciidanka Xoogga Jeneraal Cabaas Amiin Cali iyo  Saraakiil ayaa Salaadda janaasada kula tukaday xarunta wasaaradda Gaashaandhigga AU/N Laba xidigle Cabdi Casiis Maxamed Maxamuud oo ahaa ku-xigeenkii madaxa hogganka howlgalinta Ciidnaka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Marxuumka ayaa kamid ahaa sarakiisha fir-fircoona qeybta weyna kulahaa howlgallada ka dhanka ah khawaarijta ee ka socdo guud ahaan dalka isaga oo taba bara kala duwan ku soo qaatay dalka dibadiisa,waxa una u geeriyooday dhaawac dhawaan loogu geeystay muqdisho.

Suudaan:Daadgureynta dadka ajanabiga ah oo ka socota Khartuum

Waddamada shisheeye ayaa ku howlan sidii ay muwaadiniintooda uga soo saari lahaayeen Dalka Suudaan oo todobaadkii labaad ay ku dagaalamayaan laba garab oo ciidamo ah oo iska soo horjeeda.

Dalalka Talyaaniga, Holland iyo Giriiga, ayaa sheegay inay qorsheynayaan dadaallo samatabixin ah,halka  Jarmalka iyo Faransiiska ay Axaddii ku dhawaaqeen inay bilaabeen daad gureynta muwaadiniintooda iyo kuwa dalal kale ka yimid.

Mareykanka ayaa sheegay in in ay soo daadgureeyeen in ka yar 100 qof oo ka joogay Suudaan.,waxaana dhinaca kale Raiisel wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska Rishi Sunak uu sheegay in ay soo badbaadiyen dublamaasiyiinta Ingiriiska iyo qoysaskooda lagana soo saaray Suudaan.

Dagaalka Suudaan oo qarxay 15-kii bishishaan ayaa sababay dhimashada  ugu yaraan 420 qof iyo dhaawacyo fara badan,halka la tilamaamay in ay jiraan burbur hanta.

kooxaha iska soo horjeeda ayaa ku dagaallamaya caasimadda Khartoum,waxaana jira malaayiin qof oo ku xayiran guryaha,kuwaas oo ay la soo derseen  biyo iyo cunto yari.

Howlgalka la dagaalanka maandooriyaha iyo anshax xumada oo si xoogan uga socda magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa howlgal loogu magacdaray la dagaalanka Maandooriyaha iyo Dhaqan Xumada wajigiisii labaad caawa ka fuliyay dhowr xarumood oo kuyaala Degooyinka Hodan iyo Wadajir, kuwaas oo ay isugu imaadaan dhallinyara caruur u badan iyo kuwa ay da’dooda ka yar tahay 25-sano jir.

Howlgalka waxa Guddoomiyaha ku wehlinayay Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir talisaka Boliiska Gobolka Banaadir waxana lagu soo qabtay tiro dhalinyara ah isticmaalayay waxyaabaha maankadooriya kaa oo uu Guddoomiyaha kala hadalay kana waaniya dhalinyarada in ay joo jiyaan maandooriyaha oo dhibaata badan ku hayo shacabka soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Aya maalmahan waday howlgallo ka dhan ah maandooriyaha iyo qeyb weyn ka ah waxyaabaha qeytba ka ah amni darida Mar marka qaar ka dhacda degmooyin caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo howlgal lagula dagaalamayo maandooriyaha kawada caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa howlgal loogu magacdaray la dagaalanka Maandooriyaha iyo Dhaqan Xumada wajigiisii labaad caawa ka fuliyay dhowr xarumood oo kuyaala Degooyinka Hodan iyo Wadajir, kuwaas oo ay isugu imaadaan dhallinyara caruur u badan iyo kuwa ay da’dooda ka yar tahay 25-sano jir.

Howlgalka waxa Guddoomiyaha ku wehlinayay Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir talisaka Boliiska Gobolka Banaadir waxana lagu soo qabtay tiro dhalinyara ah isticmaalayay waxyaabaha maankadooriya kaa oo uu Guddoomiyaha kala hadalay kana waaniya dhalinyarada in ay joo jiyaan maandooriyaha oo dhibaata badan ku hayo shacabka soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Aya maalmahan waday howlgallo ka dhan ah maandooriyaha iyo qeyb weyn ka ah waxyaabaha qeytba ka ah amni darida Mar marka qaar ka dhacda degmooyin caasimadda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo soo dhaweeyay dhigiisa dalka Burundi

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay  Wasiirka Arrimaha dibedda iyo horumarinta Iskaashiga ee Jamhuuriyadda Burundi mudane Albert Shingiro iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho labo maalmood ah ku soo gaaray dalkeenna.

Kulan hordhac ah oo ay yeesheen labada mas’uul ayay uga wada hadlen taageerada xagga ammaanka ah ee ina siiyaan iyagoo qayb ka ah hawlgalka ATMIS ee Ciidamada Midowga Afrika.

Wafdiga Wasiirka oo uu ka mid yahay General Silas Ntigurirwa oo ah la-taliyaha Madaxweynaha Burundi ee dhanka  Ciidamada ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyagoo la wadaagi doona dhanbaal ay ka sidaan Madaxweynaha Burundi mudane Évariste Ndayishimiye.

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheeysan ka fuliyay degaanka Ceel-Qansax oo hoos taga degmada Galcad

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka sameeyeen deegaanka Ceel-Qansax oo hoos taga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud ayaa waxay burburiyeen fariisimo ay si qarsoodiga ah isugu abaabulayeen maleeshiyaad Khawaarij ah.

Ciidanka Qaranka sidoo kale nolosha ku qabtay ilaa iyo shan ka tirsan Maleeshiyada Khawaarijta ah, gaari nooca xamuulka qaad ah oo loo yaqaano BG, saanad ciidan iyo sahay raashin iyo shidaal ah.

Guud ahaan ammaanka deegaanka howlgalka laga fuliyey ee Ceel-Qansax ayaa la xaqiijiyay, sida saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ay u xaqiijiseen Warbaahinta Qaranka.

Goor dhow la soco faah-faahin intaan ka badan oo ku saabsan howlgalkaas.

Maamulka Gobolka Banaadir oo xiray goobo lagu iibiyo Maandooriyaha oo ku yaala xeebta Liido

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo masuuliyin kale ayaa xalay howlgal lagula dagaalamayo waxyaabaha maandooriyaha ah ka sameeya xeebta liido ee degmada Cabdicasiis.

Guddoomiya ayaa albaabada isugu dhuftay goobo lagu iibinayey Maandooriyaha, islamarkaana ay isugu yimaadaan Raga iyo Dumarka oo ku yaala xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis, waxa uuna dhalinyaro uu halkaa kula kulmay ku waaniyay in ay ka waantobaan isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya kuwaas oo qeyb weyn ku leh amni darrida caasimadda.

Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dhowr jeer masuuliyiinta Gobolka banaadir ay u digeen dadka waxyaabaha fawaaxishada ee liddiga ku ah diiinta islmaamka ku sameeyo xeebta liido balsa ay ka dhaga adegeen taana ay sababtay in maamulka uu howlgal wadajir ah ay ku qaadaan,waxa uu tilmaamay sidoo kale in maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’antahay ciribtirka waxyaabaha maankadooriya oo bulshada soomaaliyeed dhibaata xooggan ku hayo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhankiisa sheegay  in goobtaan sida loo xiray ay tahay dib danbana loo furi doonin ciddii furtana ay kula xisaabtami doonaan,waxa uu intaa sii raaciyay in ay tagi doonaan goobaha kale ee ummadda gaar ahaan dhalinta soomaaliyeed lagu fasahaadiyo ee maandooriyaha iyo waxyaabaha anshax xumida ah lagu sameeyo.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada howlgallo lagula dagaalamayo waxyaabaha maankadooriya oo dhibaata badan ku hayo shacabka Soomaaliyeed,sidoo kalana qeyb ka ah amni darida xiliyada qaar ka dhacda degmooyin magaalada muqdisho.

Diblomaasiyiin iyo shaqaalo Mareykan ah oo laga daad-gureeyay colaadda Suudaan

Shaqaalaha safaaradda Mareykanka iyo qoysaskooda ayay ciidamada Mareykanku ka daad-gureeyeen caasimadda Suudaan ee Khartuum, halkaas oo ay dagaallo ka socdaan, sida uu sheegay madaxweyne Joe Biden.

Dagaallada u dhaxeeyo ciidamada Suudaan iyo kuwa RSF oo galay todobaadkii labaad ayaa waxaa ku dhintay boqolaal qof, halka kumanaan kale ay ku dhaawacmeen.

” iyagoo fulinanaya Amarkayga, millatariga Maraykanku waxay sameeyeen hawlgal ay Khartuum kaga soo saareen shaqaalaha Dawladda Maraykanka,” ayuu Biden ku yiri hadal uu soo saaray.

Saacado ka hor, kooxda dagaalka kula jira ciidanka Suudaan ee RSF waxa ay ku dhawaaqday in ay howlgalka militariga Mareykanka oo ka kooban lix diyaaradood kala shaqeysay sidii Suudaan looga daad-gureyn lahaa  diblamaasiyiinta Mareykan ah iyo qoysaskooda,kuwaas oo laga baqay in ay saameyn aan wanaagsaneyn ku yeeshaan isku dhacyada ka socda dalkaas.

Colaadda ayaa gashay todobaadkii labaad inkastoo labada dhinac -ciidamada iyo kuwa RSF- ay ku heshiiyeen xabbad joojin saddex maalmood ah oo lagu xusayo ciidaha Muslimiinta ee Ciidul Fidriga, laga bilaabo Jimcaha.

Shaqaalaha safaaradda Mareykanka ayaa loo qaaday goob aan la shaacin oo ku taal Itoobiya, sida ay wakaaladda wararka ee AP u sheegeen laba sarkaal oo Maraykan ah oo wax badan kala socda howlgalka daad-gureynta, waxaana ilaa iyo hadda la rumeysan yahay tirada laga saaray Suudaan in ay gaarayaan  ilaa 70 qof oo Mareynkan ah.

In ka badan 150 qof oo ka kala socday dalal kala duwan ayaa Sabtidii gaaray Sacuudiga, markii ugu horeysay ee lagu dhawaaqay in dad rayid ah laga daadgureynayo Suudaan.

Boliiska oo gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan in uu dhaawac u geystay muwaadin soomaaliyeed

Ciidanka booliska degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane lagu magacaabo Cabdi Maxamed Khaliif (Cabdi Haash Gaad) 30 jir ah, kaas oo ku eedeysan inuu dhaawac u geystay Maxamed Cabdullahi Sheekh Muuday 31 jir ah, kadib markii uu caloosha toorey uga dhuftay xalay.

Booliska ayaa sheegay in eedeysanaha oo goobta ka baxsaday ay ka soo qabteen isla degmada Waaberi oo uu ku dhuumaaleysanayay, iyadoo cadaaladda la waafajin doono.

Ciidamada Boliiska ayaa maalmahan degmooyinka iyo degaanada u dhaw kawaday howlgallo amniga lagu xaqiijinayo taa oo ay ciidamada ku soo qabteen kooxa ku howlanaa falal lidi ku ah amniga caasimada,waxaana xusid mudan in ciidamada boliiska ay kaalin muuqata ka qaateen in Bishii Ramadaan ummadda soomaaliyeed ay si nabadgalyo ah ay ku dhameysteen.

Mataaneynta Magaalooyinka Muqdisho iyo Belgrade

Belgrade:- Safiirka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya u fadhiga dalka Serbia Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa maanta kulan wax ku ool ah la qaatay Duqa Magaaladda Belgrade ee Caasimadda Jamhuuriyadda Serbia Mudane. Aleksandar Šapić.

Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed iyo Duqa Magaaladda Belgrade ayaa waxaa ay ka wada-hadleen sedax arimood oo kala ah, dib u mataaneynta labadda caasimaddood ee Muqdisho iyo Belgrade, In khubaro injineero ah ay daraasad rasmi ah kuu sameeyaan habka biyo-mareenka ee Caasimadda Muqdisho. Qorshaynta habsami u socodka gaadiidka dadweynaha, gaadiidka gar-gaarka deg deg ah, iyo gaadiidka waxbarashadda iyo weli maareynta saxmada magaalada, sida wakhiga ay socon karaan gaadiidka xamuulka iyo isticmaalka goobaha gaadiidka la dhigo.

Dhanka kale, Mudane. Aleksandar Šapić. Duqa Magaaladda Belgrade ayaa sheegay in xiriirka labadda Caasimadood uu ahaan jiray mid aad xoog badan. “keydka xusuus dhowrka Belgrade waxaan ku arki kartaa sida ay u wada-shaqeyn jireen madaxda muqdisho iyo Belgrade ayuu yiri Aleksandar Šapić. Duqa Magaaladda Belgrade, waxaana ka mid ahaa buu yiri Mudane Axmed Maxamud Cadde, Mudane Yuusuf Ibraahim Cali, Cusmaan Maxamed Jeelle iyo Xasan Abshir Faasax.

Sidoo kale, Danjire Maxamed Cabdullahi Axmed ayaa Duqa Magaaladda Belgrade u gudbiyay dhambaal rasmi ah oo ka yimid Duqa Magaaladda Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimaacle “Maddaale” oo ku sabaabsan dib usoo celinta xiriirkii soo jireenka ahaa labadda Caasimaddood ee qadiimiga ah.

Labada Dowladdood ee Soomaaliya iyo Serbia ayaad moodaa in ay si wagaasan ay iskula jaanqaadayaan tan iyo dib u furidda Safaaradda jamhuuriyadda Federaalka ah ee magaaladda Belgrade. Xiriirka labadda dal ayaa ah mid ku dhisan wax-wada qabsi, iyo is-ixtiraam iyo iskaasho danaha labadda dal.