Diblamaasi Masaari ah oo lagu dilay Suudaan

Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa ku dhawaaqday in la dilay kaaliyihii u qeybsanaha maamulka Safaaradda Masar ee  Khartuum.

Wasaaradda ayaa barta ay ku leedahay Twitter-ka ku baahisay  baroor diiqda marxuumka, iyadoo intaasi ku dartay in xilliga la dilayay Diblomaasigan uu ku sii jeeday  dhismaha Safaaradda ee camagaalada Khartuum.

“ Wasaaradda arrimaha dibadda waxa ay aad uga murugoonaysaa,  geerida Professor Mohamed Al-Gharawi, oo ahaa kaaliyahii u-qaybsanaha maamulka  Safaaradda Masar ee Khartuum, Marxuumku waxaa la dilay xilli uu ku sii socday Xarunta Safaaradda si uu u daba-galo hawlaha lagu soo daad-gureynayo muwaadiniinta Masar ee ku xayiran magaalada Khartuum.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Masar.

Geerida Professor Mohamed Al-Gharawi, ayaa timid  wax yar un ka dib markii Wasaaradda arrimaha dibadda  Masar ay sheegtay in 436 muwaadiniin  Masaari ah laga soo badbaadiyay dagaalka ka socda  Suudaan, iyadoo la kaashanayo mas’uuliyiinta Xukuumadda Suudaan.

Suudaan oo looga dhawaaqay Xabbad-joojin

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in dhinacyada isku haya Suudaan ay ku heshiiyeen xabbad joojin 72 saacadood ah laga bilaabo saqdii dhexe ee xalay.

Waa ugu yaraan xabbad-joojintii saddexaad ee lagu dhawaaqo tan iyo markii ay dagaallada sokeeye ka qarxeen bishan balse midna ma aysan dhaqan gelin.

Mr Blinken ayaa sheegay in heshiis ay wada gaareen ciidamada milllitariga ah iyo ciidamada gargaarka degdega ah ee RSF ka dib wadahadallo socday 48 saacadood.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa isna ka digay rabshadaha ka socda Suudaan in ay sababi karaan iskudhac masiibo ah kaas oo harayn kara gobolka oo dhan iyo meelo kale.

Tan iyo markii ay rabshaduhu billowdeen, dadka ku nool caasimadda uu dagaalku ka qarxay ee Khartuum ayaa loo sheegay inay guryaha ku jiraan, iyadoo ay gabaabsi ka noqdeen saadka cunnada iyo biyaha.

Ugu yaraan 400 oo qof ayaa geeriyooday, in ka badana way dhaawacmeen tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay dalkaasi Suudaan 15-kii bishan April.

Xulka Qaranka kubadda gacanta ee gabdhaha da’doodu ka hoosayso U17 iyo U19 oo gaaray Tanzania

Xulka Qaranka kubadda gacanta ee gabdhaha da’doodu ka hoosayso U17 iyo U19 ayaa gaaray Caasimadda Tanzania ee Daarusalaam halkaas oo ay ka furmayaan tartanka Zone 5 ee ciyaaraha kubadda gacanta gabdhaha.

Xulka Qaranka gabdhaha U17 iyo U19 ayaa haddii ay ka soo gudbaan tartanka waddamada Zona 5 waxay u gudbi doonaan tartanka heerka qaaradda ee wadamada Afrika.

Agaasimaha ciyaaraha ee wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Saciid Maxamed Xasan ( Saacid) oo intii aysan ka dhoofin magaalada Muqdisho la dardaarmay ciyaaryahannada iyo macalimiinta ayaa sheegay inay ka rajaynayaan matalaad qaran oo xirfad ciyaar iyo anshax labada wadata isagoo intaas ku daray in dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ay garab taaganyihiin oo ay guul.u rajaynaynayaan.

Agaasime, Saacid Maxamed Xasan ayaa caddeeyay in Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS  ay xoogga saartay horumarinta ciyaaraha kala duwan ee wiilal iyo gabdho leh isagoo ku ammaanay wasiir Maxamed Barre Maxamuud kaalinta uu ka gaystay horumarinta ciyaaraha dalka intii uu xafiiska joogay, isagoo si gooni ah u xusay tartanka dugsiyada waxbarashada oo qorshuhu yahay in mustaqbalka xulka Qaranka laga soo xulo.

    

Shir looga hadlayo amniga Soomaaliya oo lagu qabtay Yugaandha

Dalalka Ciidamadu ka joogaan dalkeennna ayaa kulan ay kaga arrinsanayeen dagaalka lagula jiro Khawaarijta iyo sidii looga xoreyn lahaa gayiga Soomaaliyeed ku yeeshay dalka Uganda.

Shirkan oo horudhac u ah shir madaxeed maalmaha soo socda ka dhici doona dalka Yugaandha ayaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan madaxweynayaasha dowladaha ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee ka tirsan howlgalka ATMIS, kuwaas oo kala ah Jabuti,Yugaandha, Burundi, Kenya, Ethiopia iyo Dowladda Soomaaliya.

Shirka ayaa looga dooday sidii ay ciidamada ATMIS uga qeyb qaadan lahaayeen dagaallada lagula jiro khawaarijta oo lagu wado in dhowaan laga sifeeyo dalka, kulanka ayaa sidoo kale warbixin looga dhagaystay xubno ka socda waddamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Madaxda shirka ka qeyb gashay ayaa waxay sheegeen in howlgallada ka socda Soomaaliya oo ay iska kaahsnayaan Ciidamada xoogga dalka iyo dadka shacabka ah laga gaaray horumar ballaaran oo mira dhal ah.

Wafdiga ka socda Soomaaliya ee shirka ka qeyb galay ayaa sheegay in guulo ballaaran laga gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo fulinta qorshaha xasilinta dalka oo meel wanaagsan marayo si amniga dalka loogu wareejiyo Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dabayaaqada 2024-ka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay ugu codsaday dhiggiisa dalka Yugaandha , Yoweri Museveni in shirka looga hadlayo arrimaha ATMIS uu marti geliyo.

Ciidanka Danab oo deeq gaarsiiyay qeybo ka mid ah degaannadii laga xoreeyay khawaarijta

Kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa Shacabka ku nool Magaalada Galcad iyo degaannada u dhow gaarsiiyay deeq raashiin ah.

Degaannada deeqdaan ay gaarsiiyeen ciidanka XDS ayaa waxaa kamid ah Ceel-Xaaji iyo deegaannada ku dhow,  iyaddoo ay goob joog ka ahaayeen xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacan kula dagaalamaya Khawaarijta Al-shabaab ee naflacaariga ah, gacanna ku garab taagan dadka tabarta daran ee ay nolosha u diideen Khawaarijtu.

      

Kulan looga hadlayay dardar gelinta amniga Caasimadda oo lagu qabtay Muqdisho

-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiir Dowlaha Wasaarada Amniga Gudaha Mudane Maxamed Cali Xagaay, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed General Sulub Axmad Firiin iyo Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa kulan dardaaran iyo bogaadin ah oo ku saabsan xoojinta Amniga Caasimadda la qaatay Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir Iyo saraakiisha Laamaha Amniga.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda hoose ee Xamar ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka, Taliyaasha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska iyo Nabad Sugida, waxaana madaxda iyo Saraakiisha kulankan ka hadashay ay si wadajir u amaaneen hey’addaha Amniga iyo Maamulada Degmooyinka sidii wanaagsaneyd oo ay Amniga Caasimadda u maareeyeen bishii barakeysneyd ee Ramadaan.

       

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeyb galay furitaanka Bandhigga Buugaagta ee Jabuuti

Jabuuti:- Madaxweynaha Jamhuuryadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta magaalada Djibouti si rasmi ah uga furay Bandhigga Buugaagta Djibouti ee sannadkan 2023-ka, iyadoo Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliyana lagu martiqaadey ka qeybgalka munaasabbadaasi.

Bandhigga Buugaagta ee Djbouti ayaa sidoo kale lagu soo beegay Maalinta Buugaagta iyo Xuquuqda Daabacaadda ama Wax Qorista Adduunka – oo ah maalin ay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO) u astaysay laga soo bilaabo 1995-kii, si loogu dabaaldego ka faa’iideysiga akhriska iyo buugaagta.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo madaxweynaha kala qeybgaley furitaanka bandhigga ayaa ugu horeyn hambalyo kal iyo laab ah u diray dalka aynu walaalaha iyo deriskaba nahay ee Jamhuuriyadda Djibouti, sida ay u garteen muhimadda qiimaha waxbarashada, xuquuqda daabacaada, buugaagta, cilmi baarista iyo aqoonta ay u leeyihiin horumarinta bulshada ,iyadoo aanay ku koobneyn Jabuuti oo keliya ee balse ay tahay aalad ay adeegsan karaan dhammaan dadywoga ku dhaqan Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Hal ku dhigga sannadkan ee Bandhiga Buugaagta ee  Djibouti ayaa ah “Buuggu Waa  Tilmaan Midnimo iyo Tebiyaha Cilmiga, Nabadda iyo Wada Noolaanshaha Geeska Afrika.”, waxaana ii Wasiirka Warfaafinta Mudane Daud Aweis sheegay in hal ku dhiggan uu tilmaamayo baaq ku aaddan iskaashiga iyo wadashaqeynta dhabta ah ee ka dhexeeya waddamada Geeska Afrika oo ku salaysan aqoon wadaagga. “ Maadaama aanu isku wada waafaqsanahay in aqoontu  tahay awood, laakiin waxaa iyana muhiim ah in la wadaago aqoontaas oo ah furaha furaha ka faa’iideysiga awooddaas baaxadda leh. Waxaa marka uu waajib naga wada saran yahay inaan abuurno jawi u oggolaanaya akhriska, qoraalka, xuquuqda daabacaadda, waxbarashada, cilmi-baarista iyo aqoonta oo la wadaago si loo horumariyo danaha muwaadiniinta iyo guud ahaan gobolka” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti gaarsiiyay salaan uu uga siday madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa uga mahadceliyay Soomaaliya ka soo qeybgalka bandhiggan, waxaana uu dhankiisa salaan gaar ah iyo bogaadin u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya iyo shacabka intaba.

Bandhiggan ka dhacaya Djibouti ayaa kulminaya aqoonyanno gobolka Geeska Afrika ka socda iyo dunida inteeda kale.

Ergeyga madaxweynaha JFS u qaabilsan Xuquuqda Muhaajiriinta iyo Carruurta oo walaac ka muujisay xaaladda Suudaan

Iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu si gaar ah isha ugu hayo xaaladda ka taagan Dalka Suudaan, gaar ahaan daryeelka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalkaasi ayaa, Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Xuquuqda Muhaajiriinta iyo Carruurta Marwo Mariam Yassin Hagi Yussuf, waxaa ay walaac xooggan ka muujisay xaaladda deg-degga ah ee ka taagan dalka Suudaan, taasoo keentay in  ay barakacaan qoysas badan oo u nugul dhibaatada iyo Arday.

Xafiiska Ergaygu waxaa uu ku howlan yahay sidii si deg deg muwaadiniinta Soomaaliyeed dib loogu soo celin lahaa waddankooda hooyo, Iyadoo howshaan baaxadda leh lagala kaashanayo dhammaan hay’adaha ay khusayso.

Ergeygu  waxuu sidoo kale qirayaa doorka muhiimka ah ee ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ay ka ciyaartay isku-dubaridka iyo xiriir dhow oo ay la leedahay Safaaraddeena Soomaaliyeed iyo hogaanka wanaagsan ee Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda H.E. Abshir Cumar Jaamac (Haruuse).

Ergeyga ayaa sidoo kale ku booriyay beesha caalamka inay taageero dheeraad ah siiyaan dadka ay saameeyeen dhibaatooyinka ka taagan Suudaan, gaar ahaan carruurta iyo qoysaska lagu qasbay inay ka cararaan guryahooda.

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Burundi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Burundi Mudane Albert Shingiro oo booqasho ku jooga dalkeenna.

Wasiirka ayaa soo gaarsiiyey Madaxweynaha farriin iyo salaan uu ka siday Madaxweynaha dalkiisa Mudane Évariste Ndayishimiye, iyadoo Dowladda Burundi ay hoosta ka xariiqday muhiimadda nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay u leedahay Gobolka iyo Adduunka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in dalkiisu ay bogaadinayaan guulaha degdegga ah ee dowladda Soomaaliyeed ay ka gaartay dagaalka lagula jiro argagixisada Alshabaab, isagoo sheegay in dalkiisu ay garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kala hadlay Wasiirka xoojinta xiriirka Labada dal, waxa uuna xusay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay soo dhawaynayaan booqashadiisa, taas oo ka tarjumeysa hor u socodka dowladnimada Soomaaliyeed iyo dib u kabashada dalka.

   

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Jubbada Hoose

Ciidanka xoogga Dalka iyo Darawishta Jubbaland ayaa howlgal ay ka sameyeen degaanada Buula madeey iyo alamgaab oo katrisan jubbada Hoose waxa ay ku burburiyay xarumo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheeysan ayay ciidanka ku dileen ilaa iyo seddeed dhagarqabe oo kartsan khawaarijta kuna burbureyeen fariisimahoodii ,waxaa sidoo kale inta howlgalku socday ciidamada sareen Miinooyin dhwor ah oo ay argagixasadu  Ku aastay wadooyinka si ay bulshada ku safreyso  ugu dhibateeyaan.

Wasiirka Warfaafinta dowlad goboleedka jubbaland Saleebaan Maxamad Maxamud oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ujeedka howlgalku ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga degaannada maamulka jubbaland ayna sii socon doonaan inta firxadka kooxda khawaarijta laga sifeeynayo degaanada ay kaga dhuumaaleeysanayaan jubbada Hoose

Wasiirka ayaa sheegay sidoo kale sheegay in dhawaan ay billaaban doonaan howlgallo si wadajir ah ay u wada gali doonaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa jubbaland  iyo saxiibada Caalamka kaa oo ka dhan ah khawaarijta iyo degaanada ay  kaga suganyihiin gobolada jubbooyinka,bulshada degaanadaa ayuu ugu baaqay in ay howlgalka qeyb ka qaataan si dalka guud ahaan looga xoreeya khawaarijta arxanka daran ee Al-shabaab.

Guud ahaan dalka waxa ka soconayo wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah khawaarijta iyo degaanno dhowr ah laga saaray argagixisada Al-shabaab oo mudda ku badan 15-sano dhibaato ku heysay shacabka soomaaliyeed, balsa hada waxa ay marayaan bur-bur iyo inay isku soo dhiibaan ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa degaanka.