WAJIGA 2-AAD EE LA DAGAALANKA KHAWAARIJTA OO KA BILOWDAY JIINKA WEBIGA SHABEELLE QEYBTA 1-AAD (WARBIXIN)

Bacdamaa uu so Af jarmayo Wajigii 1-aad ee Dagaalka lagu ciribtirayo Kooxda sii liiceysa oo gabalkoodu dhacayo ayaa hadda waxaa socda Dagaalka Wajigiisa 2-aad, kaasi oo ku wajahan dhameystirka goobo yar ee ay kaga harsan yihiin Gobolka Galguduud iyo Mudug, iyadoo horey looga sifeeyay Dhammaanba Maamulka Hirshabeelle, islamarkaana u bilaabatay gaarsiinta adeegyadii lagama maarmaanka u ah nolosha Dadweynaha ku dhaqan Deegaannaddii la xoreeyay.

waxaana tusaale u soo qaadan karnaa Degmada Aaden Yabaal oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe oo dhawaan la gaarsiiyay Kaalmo gargaar cunto, Dawo, lana howgaliyay Isbitaalkii Degmadaasi iyo in loo xiray Nalalka Soolarka hadda Magaaladaasi habeenkii waxaa ka baxaya Iftiin Leyrar ah, taasi oo aysan hore u arag.

Waxaa kaloo jira howl-gal lagu xaqiijinayo amniga deegaannadii horay looga saaray Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa ka socda Gobolka Hiiraan, waxaana hoggaaminaya Guddoomiyaha Gobolka Cali Jeyte Cismaan iyo Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Deegaanka.

waxaa dhowaan la qorsheynayaa in uu bilowdo wejigii labaad ee dagaalka ka dhanka ah Kooxdaasi, waxaana meelaha ugu horreeya ee la filayo in uu ka dhaco ka mid ah galbeedka Gobolka Hiiraan, iyadoo uu Guddoomiye Jeyte oo warbaahinta la hadlay uu sheegay in ay ku jireen diyaar garowgii ugu dembeeyay ee dagaalka.

Haddaan ka hadalno Dagaaladdii ugu dambeeyay ee lala galo Kooxda Khawaarijta ah ayaa waxaa ka mid ah Degmada Galcad iyo Deegaannada ku dhow dhow waxayna Ciidanka xoogga dalka ay Khawaarijta ka xoreeyeen Magaalada Galcad ee  gobalka Galgaduud, waxayna Ciidamada dhowr jiho ka galay magaalada.

waxaa lagu sameeyay baaritaano lagu xaqiijinayo Amniga, waxaana Ciidanku qarxiyeen Miino ay ku dhex qariyeen Guri ku yaalla Magaalada, wax khasaare ahna kama soo gaarin cidna, sida Wariyaal ka tirsan Warbaahinta Qaranka oo ciidanka la soda ay soo sheegayaan in Khawaarijtu iskaga carartay.

Galcad oo muddooyinkii u dambeeyay ay isku aruursanayeen, waa magaalo muhiimad u leh isku socodka Deegannada ka tirsan Gobolada Shabeelada Dhexe iyo Galguduud, iyadoo mas’uuliyiintii ka hadlay arrintaasi waxaa ka mid ahaa Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed General Odawaa Yuusuf Raage wuxuuna Warbaahinta Qaranka u sheegay in Galcad si buuxda ciidanku ula wareegay wixii markaan ka dambeeyana loo gudbi doono deegaannada kale ee ay uga harsan yihiin dalka.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka, ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadka degmada Galcad, waxaana ay ka wada hadleen sidii looga wada shaqeyn lahaa adkeynta Ammaanka iyo Ciribtirka Argagixisada waxaana loo caddeeyay in Dowladdu aysan marna ka bixi dooninin Deegaanada la xoreeyo, ayna ku kalsoonaadaan Dowladdooda, si loo soo gaarsiiyo Adeegyada ay Dadweynuhu u baahan yihiin,

waxaa kaloo ka hadlay arrimahaasi Madaxweyne kux-igeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid wuxuuna soo dhaweeyay guulaha Ciidamada Xoogga dalku ka gareen howlgalka wajiga labaad ee ka socda qeybo ka mid ah Galmudug.

“Gudaha Galcad iyo hareeraheeda ayay Mujaahidiinta Xoogga Dalku ka wadaan hawlgal weyn oo lagu raad-goobayo Khawaarijta, dhul ka badan 100 KM oo ka tirsan bariga Galguduud iyo xadka Shabeelaha dhexe ayaa laga soo nadiifiyay”- sidaasi waxaa yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiramaan Yuusuf Cadaala.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgalo khawaarijta looga sifaynayo ka sameeyay deegaanada Ceel Heele, Ceel Dhiig saar iyo kalabayr oo dhammaantood hoostaga Magaalada Galcad ee gobalka Galgaduud, taasina waxay daba socotaa hadalkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheikh Maxamuud uu dhawaan ku dhawaaqay bilaabashada wajiga labaad ee howlgalka Khawaarijta looga xoreynayo Gobolada Dalka.

waxuu howlgalkaas uu ku socda si xowli ah, iyaado ilaa iyo hadda la xoreeyay Deegano badan oo ka kala tirsan Galmudug iyo Hirshabelle, Wasiira Arrimaha Gudaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlaayay Dagaalka Wajiga 2-aad ayaa isna sidan yiri:- ” Hawlgalkan waxa uu kuwii hore uga duwan yahay waxa uu ku bilowday, kuna dhammaanayaa qorshe dhammaystiran”

Farriimo badan ayaa loo diray Dhallinyarada lagu dhameynayo Dagaalada ay u isticmaalaan Kooxda Khawaarijta ah, waxaana tii ugu dambeysay u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku maqan kooxda Khawaarijta Al-shabaab in ay ka soo noqdaan fikirka guracan ee kooxda,

islamarkaana isku soo dhiibaan Dowladdooda, isagoo xusay in dhallinyarada la marin habaabiyay ee qoriga loogu dhiibay si ay u daadiyaan dhiigga walaalahooda Soomaaliyeed ku dhiirageliyay in aysan ka daba lumin kuwa ogaaday in ay ka imaan karin ama ku qancay fikirkaas qaldan.

“ Waxaan rabaa inaan baaq u jeediyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku maqan Al-shabaab,waxaan leeyahay iyagana walaalayaal ka soo noqda, dalkan dal aan ahayn ma lihidiin, dadkan dad aan ahayna ma lihidiin, Diintan Diin aan ahayna meel idim ma taalo, dadka Soomaaliyeed ee qiimaha badan ee boqolkiiba boqol muslimka ahaa waa kuwaa taagan, Masaajida camiray dhulka jooga u soo noqo, meelaad  ka aadi kartid malahan,” ayuu yiri madaxweyne JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Haku lumin rafaadka aad ku jirtaan ma mudnid inaad ku jirtid.

Sabab aad godka dhexdiisa ugu jirto aad banaanka uga soo bixiweydo oo godka ugu saxarooto oo meeshaada ku jirto maalmo dhan oo godka lagugu imaan, sabab aad ugu sii jirto malahan, ka imow adiga fursad ayaa leedahay, kuwo aan fursad lahayn oo ka imaan karin ama ogaaday ku qancay in ay ka imaan karin haku deysan haku daba lumin, ka imow waa dalkaagii, waa dadkaagii, waa dowladdaadii,

iyagana baaqaas ayaan u dirayaa waana u furan tahay, ciqaab iyo bahdil loolama diyaar ah waa la soo dhoweynayaa, waana kuwaa maanta ciidamada amniga ayay ku jiraan, xukuumaddii ayay ku jiraan, maxaa ku dhahaa baladka ayay ku ganacsadaan, waa joogaan kuwii ka soo noqday, la midaa tahay ka imow iyagana intaasaa oran lahaa aad iyo aadaa u mahadsan tihiin,”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa hadaladaasi ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa sidoo kale, ka hadlay go’aamo dowladda ay ku xakamayneyso hubka sharci darrada ah ee ay mas’uuliyiinta dowladda ku dhex wataan caasimadda Muqdisho, ka ganacsiga gaadiidka iyo agabka ciidamada iyo dagaalka ka dhanka Khawaarijta.

waxaa kaloo jira in Ciidamo laga keenay Dalka Yugaandha uu kula hadlay Xerada Hiil weyne oo u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad, waxaana noo sharaxaya Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac waxa ay Ciidamaasi yihiin iyo waxa ay qaban doonaan “Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed guulaha isdaba jooga ah ee ay ka gaarayaan Furimaha dagaalka waxaa u dheer, in ay ka qeyb qaadan doonaan sugida amniga Caasimadda Muqdisho laga bilaabo.

Ciidamadaan oo qeyb ka ah CXDS  gaar ahaan kuwooda u tababaran Sida Booliiska ee loo yaqaano “Militairy police” ayaa waxay la shaqeyn doonaan Booliiska Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo amniga muwaadiniinta ku nool caasimadda..

Dhinaca kale waxaa jira marka ay kooxdu dareento ama la saaro awood Ciidan iyo mud dhaqaale waxaa soo if baxa in ay dhexdooda iska shakiyaan, faraha isku tag taagaan, ka dibna uu dagaal gacan ka hadal ah uu dhex maro, waxaana tusaale nooga filan.

Warar aan ka helnay Dadka Deegaanka Cows weyne oo ka tirsan Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galguduud ayaa tibaaxaya in Kooxda Al shabaab ay Deegaanka Bido Ciise iskaga dilay 10 dagaalame halka Cosweyne oo habeen hore lagu xiray Odayaal ka tirsanaa Kooxda Khaaarijta ee Al-shabaab ah, kana soo jeeda Deegaanka Ceeldheer, islamarkaana  caan ka ahaa.

waxaa kaloo jira in dhawaan ay isku fara saareen Degmada Jilib Hoggaamiyayaal sare oo ka tirsan Kooxda Khawaarijta ah, waxayna iska dileen Maleeshiyaad badan, haddaba maxaa xiligaan Keenay Khilaafka gacan ka hadalka gaaray ee Kooxda Argagixisada Shababka Dhexdeeda?

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Horgalada Muhaajiriinta Kooxda Shababka iyo Horjooge ka tirsan Kooxdaan, ka dib markii la weeraray Guri uu ku sugnaa Horgalka ugu sareeya Ajaaniibta, kaasoo ku yaal magaalada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray Dhinacyada.

Ilo Wareedkaan ayaa sheegay in Maleeshiyaad hubeysan oo ka amar qaata Horjooge Mahad Qaley (Karatee), ayaa weeraray guri uu ku sugnaa Horgale Jaabiir oo ku yaala Suuqa Kalluunka ee Degmada Jilib, Horgalkaan ayaa ka soo jeeda Dalka Kenya, iyadoo is-rasaaseyntaani ay ku dhinteen 5-ka mid ah Maleeshiyaadka Shababka waxaana dhaawacyo kala duwan ka soo gaaray 8-kale oo uu ku jiro Horgale Jaabiir, arrintani ayaa waxaa sharaxaya Falanqeeye Deggan Dalka Finland oo lagu magacaabo Ciise Xasan.

Falanqeeye Ciise Xasan waxa uu yiri “Xiisadaan ayaa la sheegay inay ka bilaabatay ka dib markii Unug ka tirsan kuwa Ajaaniibta ay ka soo qafaaleen degaanka Kamsuuma Horjooge lagu magacaabo Maxamed Amiin oo ku beel ah Mahad Qaley isla markaasna madax ka ahaa Isbaarada Buundada waxaana la sheegay inuu socdo dadaalo xiisadaan lagu qaboojinaayo.

Khilaafkaas ayaa ku soo beegmay xilli inta degaannada Hirshabelle iyo Galmudug laga xoreeyay inta dhimana lagu wado dhawaan in la bilaabo doono xoreynta wajiga 2-aad ee degaannada inta lagu guda jiro bisha Ramadaan sida ay sheegeen Saraakiisha Dowladda Federaalka”.

SONNA EDATORIAL

 

 

ULA DHAQAN KUWAAN SIDII CARUURTAADA OO KALE!

Dalkeena Soomaaliya waxaa jira carruur badan oo u dhexeysa da’da qaan gaarka ilaa shan jir ayaa ku shaqeysta xirfadda loo garan ogyahay baalashle ama caseeye, ubadkaasi oo u badan rag, hablahana ay ku yar yihiin.

Carruurtaan waxay shaqadaan ka maareeyaan noloshooda iyo tan qoyskooda, waxayna si maalinle ah kaga xamaashaan meheradaha kala duwan sida baararka shaaha iyo kafeeyga laga cabo iyo maqaayadaha cuntada ee magaaladda ku yaala.

Waxay ka soo kala kicitamaan meelo aad u fog oo ka baxsan halka ay ka shaqeystaan, badankood ma awoodaan lacagta lagu raaco bii’elka ama bajaajta oo waa ay soo lugeeyaan, iyagoo gabbal dhacana hoyaada lana guryo noqdo wixii uu Rabbi u qoray maalintaasi.

Asaagood waa arday wax barta, taasna waxaa ka reebtay waalidkooda oo aanan awoodin kharashka waxbarashadda lagu lagu bixiyo, taas beddelkeeda ayaa u horseeday in ay naftooda iyo tan waalidkooda ay ka dabiraan shilimaadka ay magaaladda kasoo helaan, ayna ku masaruufaan nolosha qoyskooda.

Baalashlayaasha intooda badan waa carruur firfircoon, dad dhibaato badanna maaha, waa rag iyo hablo la dhaqan wanaagsan, oo jecel in ay macaamiishooda wanaajiyaan, taas beddelkeeda waxay mushtamaceenna ka dhaxleen soo jeedasho iyo caawin.

Dhanka kale waxaa jirto dadyoow aanan si wanaagsaneyn oo liidmo ah ula dhaqanto ubadkaasi danta iyo daruufta u geysay in ay caseeye noqdaan una cuntami weyday in ay dawarsadaan, halka asaagood ay cilmi isugu jira maadi iyo diini baranayaan.

Bulshada isku mid maaha oo shantaada farrood ayaan ba sinneyn oo waxaa ku dhex jira dad aanan garaad ahaan koriin ahayn oo ubadkaasi dhaqan xun oo xadgudub ah kula dhaqmayo, iyadagoo u arkayo in aanay isku itaal ahayn oo ay moodaan dad liido oo iyaga ka hooseeya.

Qaarkood marka ay ku adeegtaan oo ay sideey rabeen wax laagi qabto ayey ceyriyaan ama lacagta lagu yareeyaa, halka kuwa kalana niyadda laga dilo oo lagu yiraahdo erayo aanan ku habbooneyn oo qalbi jab ku ah.

Diin ahaan iyo cilmi ahaan ba qofkastoo shaqo idin dhex marto waa la wanaajiyaa, haddane kuwaan iguma ba sii jirto oo waa ubadkaaga oo kale, tan iyo daruuf ayaana u geysay in ay qabtaan shaqadaan, waxayna u arkaan tan ay kaga bixi lahaayeen nolosha adeg ee ay xilligaa ku jiraan.

Waxaa jiro ubad badan oo waaridkood kala tegeen carruurna isu dhalay, kuwasoo dayac weyn soo gaaro xilliga qoysku burburo, ubadkaasi qaar ka mid ah waa baalashle, halka qaar kalana ay qabtaan shaqooyin aan tan waxba dhaamin oo ay la maareeyaan nolol maalmeedkooda. Qoyska oo burburo waxay dhibta ugu badan soo gaadhaa awlaadda iyagoo waalidka kala raaco, meeshaasi waxaa ugu bilaabaneysa nolol adag oo noocyo badan.

Haddaba innaga oo wax wanaajin karna yaanay wax naga xumaan, ubadkaasina aan ula dhaqano sidii in aan innagu dhalnay oo kale, dadka Illaahay isku si waxba uma siin oo waa la kala jeeb weynyahay

Isku day hala sameeyo carruurtaasi lagu caawinayo, hadalka macaan waa sadaqo, waana dhiirigelin, awlaadaasi aan dhiirigelino oo aan garab istaagno.

WQ: C/wali Daljir

 

HIJRIYADII SAXAABADA IYO SOO DHAWEYNTII BOQOR NAJAASHIGII XABASHA (QEYBTII 4-AAD)

Aayadihii saameeyay boqorka Najaashi

Ummu Salama Waxay tiri “boqorkii Najaashi wuxuu jaleecay oo eegay Jacfar Bin Abii Dhaalib, wuxuuna ku yiri ma jiraan wax tilmaamaya wixii uu Nebigiina kala yimid xagga Allaah, wuxuuna Jacfar yiri HAA, dabadeedna wuxuu boqorkii ku dul aqriyay suuradda Maryama “kaaf-haa-yaa-cayn-saad- (Allaah ayaa og macnaha xuruufahaan), waa sheegid naxariista Rabbigaa u sheegayo addoonkiisa Zakariya, mar uu u dhawaaqayay Rabbigiisa dhawaaq qarsoodi ah,

yirina Rabbiyow annigu waan tabar-yaraaday, madaxayguna wuxuu la huray cirro, mana ahayn –Rabbiyoow- baryadaada mid ku khasaara….”, wuu waday jeer uu Jacfar ka dhammeeyay dhammaan suuraddii Maryama oo ka kooban 98 aayadood.

Waxay markale Ummu Salama tiri “waxaa ooyay boqorkii Najaashi, ilmadii ka soo daadanaysay ayaa garkiisii oo dhan qoysay, wadaaddadiisiina way ooyeen markii ay maqleen aayadihii xaqa ahaa ee laabtoodii gilgilay,

ka dibna wuxuu boqorkii nagu yiri diintii lagu soo dejiyay Nebigiina iyo diinta lagu soo diray Nebi Ciise waxay ka yimaadeen hal meel, intaa dabadeed wuxuu eegay Camar iyo saaxiibkiisa wuxuuna ku yiri “iska taga, wallaahi ayaan ku dhaartaye inaanan (kuwan) gacanta idiin gelinaynin”.

Hagardaamo kale ayaa lala damcay

Ummu Salama waxay tiri, markii aan ka dhaqaaqnay fadhigii boqorka Najaashi waxaa na handdaday oo noo gooddiyay Camar Bin Caas, wuxuuna saaxiibkiis ku yiri, waxaan berito u tagayaa boqorka annigoo u sheegi doono hadal boqorka ku abuura inuu idin caroodo.

Cabdullaahi Binu Abii Rabiica ayaa ku yiri Camar: ha samaynin sidaas, inkastoo ay na khilaafeen haddana waa xigtadeenii. Camar ayaa markale ugu jawaabay adiga faraha iga qaad, wallaahi inaan boqorka u sheegi doono inay Nebi Ciise ka aaminsan yihiin inuu yahay addoon.

Maalintii danbe markii la gaaray ayaa Camar wuxuu u galay boqorkii Najaashi, wuxuuna ku yiri boqorow kuwan aad magangalyada siisay waxay ku sheegayaan Ciise Ina Maryama hadal aad u weyn, sidaas darteed intaad u yeertid waxaad weydiisaa waxa ay Ciise ka aaminsan yihiin.

Waxay tiri Ummu Salama, markaan arrinkaas ogaannay waxaa nagu soo kordhay murugo iyo tiiraanyo aanan horey noo qabsan, waxaynu is niri, hadduu boqorka wax naga su’aalo Nebi Ciise (cs) maxaynu niraahnaa??.

Waxaan isla garanay inay habboon tahay inaan su’aashaas aan uga jawaabno oraahdii uu Allaah ka yiri Ciise, innagoo wax kale aanan ku siyaadinin, dabadeedna wixii markaas kadib dhacayo ha dhaceen. Waxaan markale isla garannay inuu noo hadlo Jacfar Bin Abii Dhaalib.

Markaan hor nimid boqorkii Najaashi, wuxuu na weydiiyay waxa aan ka aaminsannahay Ciise Ina Maryam, wuxuuna Jacfar ku yiri boqorka “Nebi Ciise waxaan ka leenahay oo keliya waa wixii uu nooga waramay Nebigeena Muxammad (scw)”. Boqorkii ayaa raaciyay su’aashaan “waa maxay waxaasi??”.

WD: Ibraahim Warsame

 

FADLIGA TOBANKA (10) DAMBE EE RAMADAAN

Waxaynu soo gaadhnay tobankii ugu danbeeyay ee bisha ramadaan waxana ku sugan khayraad iyo ajar faro badan waxa kaloo ay leedahay fadliyo aad u weyn sidaa darteed waxa aanu isku dayi doona in aanu wax ka tilmaamno fadliga tobadnka danbe, waxyaaba u khaaska ah tobanka danbe ee bisha ramadaan, Nabigu (CSW) aad ayuu ugu dadaali jiray cibaadada weliba si aanu u dadaalin wakhtiyada kale waxa ku sugan saxiixul muslim Xadiiska Caa’isha laga soo warinayo (RC) (Nabigu (CSW) wuu ku dadaali jiray cibaada tobanka danbe si aanu u dadaalin jirin wakhitiyada kale)

Waxa ku sugan Bukhaari iyo Muslim xadiisyo tilmaamaya siduu Nabigu (CSW) uu u cibaadaysan jiray tobanka danbe ee bisha ramadaan waxana ka mid ah (Marka ay gaarto tobanka danbe ee bisha ramadaan nabigu (CSW) guntiga ayuu u adkaysan jiray, habeenkana wuu noolayn jiray ehelkiisana wuu toosin jiray)

Xadiiska laga soo warinayo Caa’iisha (RC) (Nabigu (CSW) labaatanka ugu horeya ee bisha ramadaan marna wuu seexan jiray marna wuu cibaadaysan jiray laakiin tobanka danbe ee bisha ramadaan wuu soo jeedi jiray guntiga ayuuna u adkaysan jiray).

Axaadiistani waxay ay ina tusayaa fadliga faraha badan ay leedahay tobanka danbe ee bisha ramadaan iyo sidii uu Nabigu (CSW) u dadaali jiray inagana aynala gudbontahay in aynu ku dayano, Mar hadii Rasuulkii illaahay (CSW) uu u dadaali jiray si aanu u dadaali wakhtiyada kale dadaal dhamaystiran oo ah  dhinaca kasta oo ah cibaadada, hadii ay tahay salaada, quraanka akhriskiisa, digriga illaahay, sadaqada bixinteeda iyo wixii la mid ka Marka Nabigu (CSW) uu guntiga adkaysanayay macnaheedu waxay tahay wuxuu ka durkayay haweenkiisa si uu ugu go salaada iyo xuska illaahay habeenkana waxa uu ku noolaynayay salaad iyo quraan iyo xusuusta illaahay oo ah qalbiga carabka iyo xubnahaba.

Wanaagga habeenadani ay leeyihiin iyo Raadinta laylatu qadriga qofka ku dadaala isagoo rumaysan illaahay oo illaahayna ka rajaynaya danbi dhaaf iyo naxariis Illaahay wuu dhaafa wixii danbi hore ee uu galay, muu qaalka xadiiska waxa aad ka arkaysaa in ay wanaagsan tahay in habeenkii lagu nooleeyo cibaadada illaahay iyo xusuustiisa iyo quraanka iyo salaada ilaa loo diyaar garoobo suxuurta.

Caa’isha (RC) waxay tiri (MA GARANAYO AYAY TIRI HABEEN UU NABIGU (CSW) UU ISTAAGAY ILAA WAABIRIGA) halkaas waxanu ka fahmi karnaa in uu Nabigu (CSW) uu kici jiray habeenka intiisa danbe,  habeenadaa noolayn teedu waa mid wada sugan weliba tobanka danbe ee bisha ramadaan Salaatu laylka iyo Noocyada kale ee ah cibaadada.

Waxa xadiisyada ina tusayay fadliga ay leeyihiin tobanka danbe ee bisha ramadaan ee ay ka mid yihiin, in uu Nabigu (CSW) uu toosin jiray ehelkiisa si ay u tukadaan salaada isagoo ku dadaalaya si ay uga faa’iidaystaan habeenadan barakaysan ee qofka cibaadaysta u noqonaya fursad soo martay cimriga noloshiisa waxana ka faa’iidaysta qofka illaahay waafajiyo, lama gudboona qofka mu’minka ah ee caqliga leh in uu iska dhaafo fursadaan qiimaha badan oo aanay ka faa’iidaysan isaga iyo ehelkiisu waana habeeno tirsan waxana laga yaaba in illaahay ku waafajiyo raxmadiisa waxyaaba aad ku kasbato oo aad ku liibaanto aduunyo iyo aakhiraba.

Waxa wax aad looga xumaada ah khasaare iyo muragana leh in aad arkayso in badan oo ka mid ah muslimiinta oo wakhtiyadan qiima badan leh uu kaga lumayaan waxyaabo aan waxba u anfaceyn iyagoo habeenkii oo dhan ku soo jeedaya dheel dheel iyo laqwi marka ay gaarto wakhtigii salaadana iska seexanaya waxa ay naftoodi seejiyeen khayr badan waxana laga yaaba in aanay fursadan oo kale dib u soo marin, hadaba kuwa la ciyaaray shaydaanka iyo khiyaamadiisa ee uu ka gooyay wadadii illaahay loo marayay illaahay waxa uu yiri (SW) “Adoomadayda uma lihid wax awood ah oo aad ku kaxaysato mid halowsan oo ku raaco mooyane” [Suuratu al Xajar-42]

Waxaynu ognahay in aan qofka caqliga lihi shaydaanka iskaashi la yeelanayn inta illaahay ka sokaysa isagoo garanaya in uu yahay cadowgiisa taasina waa garashada wanaagsan ee caqliga iyo iimaankuba ay diidayaan, illaahay waxa uu yiri (SW) “Ma waxaad ka dhiganaysaan tafiirtiisa qaar aad kaashataan aniga sokadayda iyagoo idiin ah cadow waxa xumaaday kuwa halowsani waxa ay wanaaga dhaafsadaan” [suuratu kahfi-50]

Illaahay markale waxa uu yiri “shaydaanku waxa uu idin yahay cadow ee idinkuna ka dhigta cadow in kale maaha waxa uu idinku yeerayaa in aad noqotaan xisbigiisa si aad u noqotaan dadka naarta lagu guro”[Faadir-6]

Waxayaaba u gaarka ah tobankan waxa ka mid ah In uu Nabigu (CSW) uu samayn jiray ictikaaf, ictikaafku waa adiga oo laasima masaajidka si aad wakhti ugu hesho cibaadada illaahay waana sune ku sugan kitaabka illaahay iyo sunaha rasuulkaba (CSW) illaahay waxa uu yiri (SW) “Hala macaamilina dumarka intaad ku jirtaan ictikaafka masaajidka taasi waa xuduudi illaahay hana u dhowaanina sidaa ayuu illaahay ayaadkiisa dadka ugu cadaynayaa waxay mudan tihiin in aad illaahay ka cabsadaan” [albaqra-187]

Nabigu (CSW) ictikaafka wuu sameyay asxaabtiisuna intuu noola iyo intii ka danbaysay way la iman jireen, Abi Siciid Al khudri waxa laga soo wariyay in uu yiri (NABIGU (CSW) Waxa uu ictikaafay tobankii hore ee ramadaan dabadeedna tobankii dhexna wuu ictikaafay, dabadeedna waxa uu yiri anigu waxa aan ictikaafay tobankii hore weliba waxan si adag u sii ictikaafaya habeenkan caawa ah ka dibna waxa uu ictikaafay tobankii dhex waan u imi wuxuna igu yiri waa tobankii ugu danbeyay ninkii doona inuu ictikaafo ha ictikaafo)  Saxiixenkana waxa ku sugan ee caa’isha (RC) laga soo wariyay (NABIGU (CSW) WUU ICTIKAAFI JIRAY TOBANKA DANBE EE RAMADAAN ILAA INTUU DHIMANAYAY) dumarkiisuna way ictikaafayeen isaga Rasuulka (CSW) dabadii waxa kaloo caa’isha (RC) laga soo wariyay (In uu nabigu (csw) uu ictikaafi jiray ramadaan kasta toban cisho laakiin sanadkii uu geeriyooday (n.n.k.h) waxa uu ictikaafay 20 maalmood). Anas (RC) waxa laga soo wariyay (Nabigu in uu ahaa kii ictikaafay tobanka danbe ee bisha ramadaan, sanadna uuna ictikaafin laakiin sanadkii ka danbeyay ayuu 20 ictikaafay)

Waxa laga soo wariyay Safiya (RC) Hooyadii muuminiinta Nabigu (CSW) Isagoo ictikaafaya ayaan u imi oo aan soo booqday habeen waana aan la sheekaystay ka dibna waan kacay si aan u tago nabiga (CSW) nabiguna (CSW) waa uu soo kacay sidiibana aan kaga tagay)

Qofka ictikaafka samaynaya waxa ka xaaran ah in uu u galmoodo xaaskiisa, soo bixitaanka qofku ka soo baxayo masaajidka waxay noqonayaan sidan.

In uu usoo baxo qofku arin daruuri ah sida qofka oo kaadi taga ama soo waysaysanaya ama soo madhanaya, cuno iyo cabid doonanaya taa waa la ogal yahay hadii aan masaajidka gudihiisa laga helayn, hadii baahiyahaan masaajidka gudihiisa laga helayo lama ogala qofku in uu baxo, hadii qofka biyaha iyo raashinka loogu keenayo masaajidka dhexdiisana lama ogala inuu baxo.

Waxyaabaha u khaaska ah Tobanka danbe ee bisha ramadaan waxa ka mid ah in uu ku jiro laylatu qadri kaas oo ka khayr badan 1000 bilood, hadaba waxa nala gudboon in aynu garano fadliga ay leedahay tobankan habeen oo aynan dayicin wakhtigoogu waa qaali khayr kooguna wuu badan yahay.

Illaahayow waxa aad na waafajisaa wixii khayr inoo leh aduun iyo aakhiraba illaahayow danbigayaga dhaaf iyo ka waalidiintayada iyo dhamaan muslimiinta Nabigeeni Maxamed ahaa N.N.K.H isaga ehelkiisa iyo asxaabtiisa iyo dhamaan cidii xaqa ku raacda ilaa qiyaamaha, illaahay baana waafajinta leh.

WD: Ibraahim Warsame

 

 

 

FADLIGA LEYLATUL QADRIGA IYO BISHA RAMADAAN

Waxaynu soo gaarnay tobankii ugu danbeeyay ee bisha ramadaan waxana ku sugan khayraad iyo ajar faro badan waxa kaloo ay leedahay fadliyo aad u balaadhan sidaa darteed waxa aanu isku dayi doona in aanu wax ka tilmaamno fadliga tobadnka danbe, waxyaaba u khaaska ah tobanka danbe ee bisha ramadaan, Nabigu (CSW) aad ayuu ugu dadaali jiray cibaadada weliba si aanu u dadaalin wakhtiyada kale waxa ku sugan saxeexul muslim Xadiiska Caa’isha laga soo warinayo (RC) (Nabigu (CSW) wuu ku dadaali jiray cibaada tobanka danbe si aanu u dadaalin jirin wakhitiyada kale)

Waxa ku sugan Bukhaari iyo Muslim xadiisyo tilmaamaya siduu Nabigu (CSW) uu u cibaadaysan jiray tobanka danbe ee bisha ramadaan waxana ka mid ah (Marka ay gaadho tobanka danbe ee bisha ramadaan nabigu (CSW) guntiga ayuu u adkaysan jiray, habeenkana wuu noolayn jiray ehelkiisana wuu toosin jiray)

Xadiiska laga soo warinayo Caa’iisha (RC) (Nabigu (CSW) labaatanka ugu horeya ee bisha ramadaan marna wuu seexan jiray marna wuu cibaadaysan jiray laakiin tobanka danbe ee bisha ramadaan wuu soo jeedi jiray guntiga ayuuna u adkaysan jiray).

Fadliga tobanka dambe ee bisha ramadan

1.  Fadliga laytul qadriga.

Qur’aanka ayaa lasoo dajiyay  habeenkan.

Wuxuu Allaah sw qadaraa habeenkan wax walba oo dhacaya sanadka danbe.
Waa habeen barakaysan.

Cibaadada habeenkaa la cibaadaystaa waxay ka fadli badan tahay camalkaad qaban lahayd 1000 bilood ( 83 sano iyo dhawr bilood ).

Maala’ikta ayaa habeenkan lasoo degta khayr iyo barako badan.

2. Maxaa laqabtaa laylatul qadriga?

Salaatu layl
Ictikaaf
Duco
Camalka wanaagsan dhammaantii( sadaqada, adkaarta iwm )

3.Waa goorma laytul qadrigu?

Waxaa laysku waafaqsanyahay in uu habeenkani ku jiro bisha Ramadaan, waliba tobanka danbe, wuxuu yidhi Nebigu : ﷺ ” ka day daya oo ka baadhbaadha 10ka danbe khasatan habennada tirada is dheer. ” ( 21,23, 25,27,  iyo 29 ka).

4.Ma guur-guuraa laylatul qadrigu?

Sida ay culumo badan qabaan habeenkani wuxuu ku wareegaa habanada tirada is dheer ee 10ka danbe, iyadoo lays waafajinayo axaadiithta badan ee ku tumid habeenku yahay laytul qadrigu.

5.Maxaa lagu ducaystaa laylatul qadriga?

Ca’isha rc ayaa weydiisay Nebiga N.N.K.H maxaan ku ducaystaa habeenkan, wuxuu ku yidhi Nebiguﷺ: dheh.

” اللهم إنك عفو تحب العفو فاعف عنا ”

” Allaahumma innaka cafuwun tuxubil cafwa facfu canii. ”

6. Calaamadaha lagu garto laylatul qadriga.

Ubayi ibnu kacab rc: wuxuu yidhi wuxuu Nabigu ﷺ noo sheegay in habeenkan aroortiisa cadceedu soo baxayso iyadoo saafiya, oo bilaa shoocaac ah.

Gabagabadii: Waxaa nafteyda iyo tiina kula dardaarmayaa inaan ku deddaalno cibaadada noocyadeeda kala duwan si uu  naxariis iyo nabadgelyo korkeena uga yeelo ilaahay habeenkan qiimaha badan ee leylatul qadriga.

SIDEE LOOGA GUDBAA WAHSIGA BADAN.

1-Horta Qorshe sameyso:

Haddii aad ogtahay in wax gaar ah uu kugu kallifayo inaad wahsato, waxaad u baahan tahay inaad la qabsato istaraatiijiyadda ah – in aad sii qorsheyso waxa aad qaban doonto haddii aad la kulanto wax kugu riixaya inaad iska deyso.

Waxaa laga yaabaa tusaale ahaan haddii uu qof kugu casuumo inaad shaah isla soo cabtaan dhammaadka toddobaadka adiga oo og inaad rabto inaad casharradaada akhrisato, waxaa laga yaabaa inaad doorbiddo inaad kulantaan qofkaa ood isla shaahaysan, mise ma’aha, Hadaba Qorshahaaga Haka Tanaasulin oo qofka wa inad markale balamisaa ood fursad heli karto.

2- Feker dhab ah oo mustaqbalka ah sawiro:

Badankeen waxaan jecel nahay inaan rumeysanno inaan mustaqbalka heli doonno waqti badan: waxaan is tusnaa inaan noqon doonno dad isku toosan, tamar badan haya, kuna nool nolol wanaagsan oo aan wax dhib ah lahayn.

Tani dabcan ma dhacayso. Taasina waa sababta aan u dhayalsanno inta ay howshu qaadan karto. Waxaa loo yaqaannaa Qorsheynta beenta ah.

Tusaalaha ugu wanaagsan ee aan u so qaadan karno qorsheynta beenta ah waa daabacaaddii ugu horreysay ee Qaamuuska Ingiriiska Oxford: sanadkii 1860 waxaa lagu dhawaaqay in labo sano ay qaadan doonto si loo dhammeystiro, balse lama dhammeynin ilaa laga gaaro sanadkii 1928.

3-Jooji sugista inta niyadaada hagaagayso:

Inaad fahamto in niyadaada fiican ee aad sugayso si aad wax u bilow daa aanay imaanayn, waa wax aad ugu muhiim ah si aad ugu takhalusto wahsiga, Nolosha ma’aha mid fudud, markastaana faraxsanaan maysid, haddi aad ku xirnaato niyadaada hagaagayda si aad wax uqabato, waxaad qof wax soo saar leh noqon doontaa oo kaliya markaad niyad u hayso.

4- Jooji inaad sugto waqtiga saxda ah :

Majirto wax layiraahdo waqti sax ah oo aad howl qaban kartaa, waqtiga saxda ah oo aad howl qabankartaa, waqtiga ku haboon ee ay tahay inaad howl qabataa waa waqti xaadirkaan aad joogto, dadka suga un inay wax qabtaan waqtiga saxda ah ee ku habooni waxay ku danbeeyaan inay waqtigooda lumiyaan iyagoon waxba qabanayn.

5- Fahan cawaaqibta xun ee ka dhalanaya wahsiga:

Inaad ogaato in murugo badani hubaal kuso booqan doonto hadii aanay caajiska iska joojin, waxay kugu dhiirigalin kartaa inad dhaqaaq sameyso, marka un waqtiga ku dhaafo aadna is aragto adigoon wax horumar ah aadan sameyn, waxaa hubaal ah inaad murugoon doonto.

6- Dadka wax soosaarka lihi hawsha waxay qabtaan iyagoon waxba u joojinayn:

Dadka wax soo saarka lahi masugaan niyadooda oo fiicnaata ama waqti ku sax ah balse waxay qabtaan howsha ay thy inay qabtaan xita markaa aanay niyada u haynin.

7- Ugu Danbayn Ducadani ku duceyso mar waliba

اللهمَّ إنِّي أعوذُ بك من العجزِ والكسلِ ، والجبنِ والبخلِ ، والهرمِ ، والقسوةِ ، والغفلةِ ، والعيْلةِ ، والذلةِ ، والمسكنةِ . وأعوذُ بك من الفقرِ والكفرِ.

 

DIB U DEJINTA BEERALEYDA KA SOO BARAKACAY GOOBAHA KHAWAARIJTA LAGA CIRIBTIRAY

markii uu bilaamay guluf Ka dhan ah kooxda khawaarijta ah ee nabadiidka ah ee Alshabaab ayaa deegaanadii laga xoreeyey waxaa Ka bilaabatay dib u dajin loo sameenaayo shacabkii Ka cararay dhagarta kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab waxaana loo sameeyey dib u dajin heerkeedu uu sareeyo.

Dib u dajinta intabadan waxaa loo sameeyey dadka beeraleyda ahaa ee beerahooda ay horay oga carareen kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab oo u geesan jiray shacabka Soomaaliyeed dhibaatooyin badan sida in tacabka beeraha ay xoogg oga qaataan, handadaan mararka qaarna ay dilaan shacabka taasina waxa ay keentay in shacabkii Soomaaliyeed ay kasoo carareen dhagarta kooxda khawaarijta ah balse maamta deegaanadii ay shalay Ka carareen ayaa dowladdu waxa ay ugu sameesay dib u dajin fiican.

Roobkii guga ayaa intabadan gobolada dalka iyo caasimada Ka curtay waxaana ay shacabka Soomaaliyeed ee dib u dajinta loo saameeyey ay bilaabeen in ay beerahooda ay abuurtaan ayaga oo ku abuurtay dalagyo kala duwan taasina waxa ay keentay in shacabku ay dib ugu soo laabtaan guryihii ay horay oga carareen kooxda khawaarijta ah balse maanta ku jira gacanta dowladda ay ku soo noqdeen waxaayna horay Ka bilaabeen tacabka beerahooda.

Dowladdu federal Soomaaliyeed oo uu hormuudka u yahay Madaxweynaha jamhuuriyada federalka Dr Hassan Sheikh Mahamuuud iyo Raiisal wasaaraha Hamze Abdi Bare ayaa bilaabay goobihii laga xoreeyey khawaarijta Alshabaab in loo sameeyo adeegyada as aasiga ah sida in shacabkii loo furay goobo caafimaad, goobo waxbarasho, leerarkii cadceesa iyo dhamaan adeegyada as aasiga ah ayey dowladdu Ka fulisay goobihii laga xoreeyey khawaarijta Alshabaab.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad ugu faraxsan dowladda dib u dajinta ay u sameeyeen waxaana ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin ayna aad ugu riyaaqsan yihiin dowladda dib u dajinta ay u sameesay sidoo kalena ay dowladda Ka caawisay shacabkeeda in ay tacbadaan beeraha si ay u soo saraan dalagyo kala duwan taasina waxa ay yareeneysaa qudaar yarida baahsan ee soo wajahay suuqayada magaalooyinka dalka.

Ugu danbeyn Tacbashada beeraha waa aas aaska aadanaha waana tiirka labaad ay ku tiirsan yihiin bulshada Soomaaliyeed waxaa Ka horeeyo waa biyaha oo Bini aadmaka Nololshooda Ka maarmi karin waxaana ku xiga waa beeraha oo laga soo saaro cuntada lacuno oo nolasha aadanaha ay baahi weyn u qabaan waxaana loo baahan yahay tacab badan si loo hormariyo waxsoosaarka dalka.

Dalka Edatorial

12-KA APRIL WAA MAALINTII LA ASAASAY CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED

Ciidamada xoogga dalka waa ciidan loogu talagalay difaaca ciidda iyo calanka waxaana la aas aasay 1960kii 12-kii Abril.

Haddaba, markii la gaaro manaasabadaan waxaa laga xusi jiray dalka oo dhan waxayna madaxda hambalyo ku aaddan farxadda maalintaas la wadaagi jireen ciidamada xoogga dalka iyo xaasaskooda.

waxay soo bandhigi jireen damashaad iyo gaadda ka ciyaar waxaana si weyn loo xusi jiray ciidanka dagaalka ku naafoobay iyo agoonta abbayaashood ku dhinteen dagaalka waxaana si aad looga farxin jiray xaasaskooda iyo caruurtooda

dhanka kale, waxaa aad loo xusi jiray dadka u naafoobay iyo agoonta iyo kuwa howlgabka noqday.

Haddaba, ilaa iyo xilligii la aasaasay ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed ayaa

sannadkiiba hal mar waxay sameyn jireen bandhigyo iyo fantasiyo iyo gaadda ka ciyaar si loo ogaado in ay dalka joogaan ciidan difaaci kara dalkooda iyo diintooda wuxuuna taliska xoogga dalka soomaaliyeed ahaa meesha hadda loo yaqaan afisiyooni. Hoggaannadu waxay kala ahaayeen hoggaanka

ciidanka dhulka ka dibna waxaa la sameyey hoggaamada ciidanka badda iyo hoggaanka ciidnka circa.

waxaa ururradii ugu horreeyey laga dhisay magaalooyinka kala ah hargeysa  birjeex iyo burco dhifsade burco gaalkacyo  iyo beled weyne qaybdiid iyo buulaberde dab iyo dhagax iyo ka dibna waxaa lagu daray saldhigga 43aad ee kismaanyo iyo baydhabo iyo taliska weyn ee ciidamada xoogga dalka oo

ahaa magaalada muqdisho gaar ahaan xalane iyo afisyooni waxaana madax ka noqday jeneraal daa,uud c/lle xirsi ka dibna waxaa lagu soo daray sarakiil ay ka mid ahayeen salaad gabayre kadiye qoorsheel iyo maxamed caynaanshe guuleed  haddaba, ciidanka xoogga dalka waxaa loo tayeeyay ama kor loo qaaday

tababarkiisa iyo hubkiisa markii lagala wareegay xukuumaddii lixdankii oo ay ciidamadu la wareegeen xukunka, waxaana gacan siiyey dowladihii uu hoggaaminayey midoowga sofiyeetiga oo gacanta ku qabtay tababarka iyo qalabeynta ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed waxaana xilligaas taliye u noqdaya jeneraal maxamed cali samatar wuxuuna garay ciidanka soomaaliya ciidanka ugu awoodda badan afrika iyo carabta masar iyo ciraaq mooyaane  marka loo eego xagga aqoonta iyo tababarka.

waxaa ka mid ahaa waxyaalkii lagu aqoonsaday ciidanka soomaaliya diyaaraddii jarmalka laga soo afduubay ee lagu badbaadiyey garoonka magaalada muqdisho oo ay ku badbaadiyeen ciidanka kumaandooska soomaaliya, diyaaraddas oo meela badan soo martay waxna looga qaban waayey.

dagaalkii ay lagaleen ciidamadu dowldda itoobiya 1977dii kaasoo oo adduunku si weyn ugu kala safteen halka uu ku dambeyn doono.

Waxay qabsadeen dalka itoobiya intiisa badan iyo dagaalkii 1964tii ee ka dhacay agagarka togwajaale kasoo isagana ay ka soo hoyeen guul wax ool ah oo laga fileyn in ay iska cabin karaan ciidanka markaas jiray ee itoobiya wuxuuna xilligaas ahaa ciidanka soomaalidu 4,000 Afar kun oo kaliya waxayna u birdhigeen ciidanka itoobiya oo gaaraya  ilaa 100,000 kun oo ciidan ah.

Haddaba, geesinnimada ciidanka soomaalidu waa mid la isku halleyn karo ee halla ogaado laakiin waa in loo tababaraa sidii uu ahaan jiray waxaana soo jeedineynaa in ciidanka lagu tababro dalka gudahiisa taas ayaa qiimo badan haddeysan ahayn kuwa diyaaradaha iyo maraakiibta dagaalka intooda kale waxaa fiican in ay dababarka ku qaataan dalka hooyo

WQ: Abwaan Gabayre

ROOB BAA RAAXO IYO RASIBA LEH

In kastoo uu barwaaqo eebbe inagu galadaystay ay  tahay inaanu uga mahadnaqno mooyee aan tabasho iyo tawaawac toona inaga mudnayn yahay haddana roobka muqdisho sida joogtada ah uga da’ayaahi wuxuu gaadhay heerkii ay reer guuraaga soomaaliyeed ku tiraabi jireen”Allow ararka iyo awra daaqeenka”, wadaadaduna ay odhaah diimeedkii nuxurkeedu ahaa” Allahayow hareeraheenna ka yeel oo dusheena ka leexi” ku Alle baryi jireen.

Habeen iyo dharaar waxaa si aan kala go’ lahayn magaala madaxda dalka iyo banderada kale oo koofurta dhaca, xeebtaha bad weynta hindiyana ku teedsan uga hooraya roobka la yidhaahdo”xagaayaha” oo ay dadweynuhu ku diirsadeen, kulaylkii kal dambeedka iyo xanfarkii dabeyshana uga nasteen, hayeeshee waa tii lagu maahmaahi jiray” nimco waliba nusqaanteeda lehe” dhibicda aan kala joogsiga lahayn iyo dhoolka cirka ku qamaamudani waxay yeesheen saamayn taban.

Saameyntaahi waxay isugu jirtaa tu nolosha bulshada taabatay iyo mid bilicda deegaanka muuq doorisay oo rasnaan iyo rasi qaab-daran  u keentay fiyaalaha iyo faras magaalaha caasimadda, waxaanay kararta roobka  iyo karaarka gufaacadu  dad badan oo danyar ah u gaysteen waxyeello baaxad leh, maxaa yeelay buushashka ay ku noolyihiini darroorta iyo daadadka way ka celin waayeen, baadkii ay cuni lahaayeenna kansho ay ku raadsadaan way waayeen.

Hooyooyin subax kasta kallihi jiray si ay carruurtoodu waxay dhuunyadaan magaalada uga soo dhiciyaan oo dhar-dhaqista, xaaqidda goobaha ganacsiga, wareejinta sanbuuska, karinta shaaha iyo wixii la mid ah ka shaqaysan jiray oo nolol maalmeedkooda ka soo saaran jiray ayaa guryihii iyo cooshadihii ay degganaayeen ka soo bixi waayay  oo  dhanaanada dhibicda xagaayaha u dhibane noqday.

Sidoo kale ganacsata yar yar oo waratada loo yaqaan, wadayaasha gaadiidka, cabitaan layaasha, iyo haweenka hareeraha wadada caanaha ku iibiya ayaa qadyaan iyo caalwaa  taagan ka dib markii ay okorashada roobka guryaha ugu xayirmeen,mariddii jidadkana dhiiqada  iyo dhul-rif kaga go’een.

Taasi waa runta oo aanu  dhammaanteen marqaatiga iyo madal-joogga u nahay oo war iyo wicaalli inaguma seegana in dacda jiifta iyo daadadka godadka ka jeexday dartood wadooyinka magaalada intooda badan looga ceegay oo aanu dad iyo gaadiidba surumo yar yar oo cariiri badan isku buurrano si aanu  isweydaariyeyaasha(suuqyada)  waaweyn iyo goobaha kaloo aan danta ka leenahay u gaadhno.

Waxaan kaloo  xog ahaan uga dheregsannahay, foog kastana indheheena oo shan ah ku aragnaa in lo’da iyo dameeraha magaalada ku dhex gafrani ay ayaguna saalada iyo dhiriqda ku biirinaya biya galshaanta ah ee laamiyada ceegaaga taasoo indhaha dadweynaha dhibaysa, faya-qabka uurka hoosena halis galinaysa.

Bullaacado buux dhaafay oo karkaarada jabsaday, qashin ay daadadku soo xaaqeen oo waddooyinka dhex karooran, iyo haadaamo ay biyuhu qodeen oo kaylo afka xaabo ka saarantahay noqday  ayaa bilicdii magaalada basar xumo u rogay, bed-qabkii bulshadana  waxyeello isha baarkeeda u soo jirta  u keenay.

Haddaba furdaaminta dhibaatadan yaa  u xil-qaba ma dowladda hoose?, tan dhexe, ma bulshadoo dhan qof walba iyo karaankiis?, mase cid kaloo wax hagaajinta doonta ayaa soo socata oo la sugayaa?  War-celintaad weydiimahan u hayso ku labayso tan aan anaguna biyo kama dhibcaanka u arkay oo ah:

1) waa tii la yidhi “dad tashaday cir waa toli karaan taago labadeede” dadka magaalada iyo guud ahaanba  soomaalidu waa inay u guntadaan sidii qolo waliba ay xaafaddooda iyo jidadka ay maraan u hagaagsan lahaayeen, qof walba iyo qoys kastoo  meel deganina ay si hagar la’aan ah isugu xil-qaamaan inay intii karaankooda ah wax ka qabtaan.

2) maamulka gobolka iyo dowladda dhexe waa inay la yimaadaan tabo iyo xeelado lagu maameerayn karo biyaha xilli roobaad kasta wadooyin halbowlaha ah fariista iyo bulcaadaha magaalada dhex qulqulaya oo urkooda iyo arag xumadooda loo adkaysan la’yahay, ayna qaataan kaalin hugaamineed oo ay bulshada ku abaabulayaan si wax looga qabto dhibaatooyinkii aanu sare ku soo tibaaxnay.

3) lo’da iyo dareemaha waa in loo sameeyaa seerayaal lagu xareeyo oo laga qabto magaaladan ay dhex wareegayaan, dadka lihina ay ceshadaan si saaladooda iyo suurad-xumayntooda looga nabad-galo.

WQ: Abwaan Liibaan

AFKEENU ILAALIN BUU RABAA.

Afkeena soomaaliga oo  lagu tiriyo mid kamida kuwa adduunka ugu hodansan, uguna murtida badan ayaa taniyo burburkii dawladdii dhexe waxaa soo food saartay halis ba’an  oo kaga timi jahooyin dhowr ah, kuwaasoo ay kamid yihiin: ku milanka afafka qalaad, soo if bixida  erayo cusub oo macne ahaan iyo qira ahaanba kuwii hore aad uga liita, manhajyada kala duwan ee Dugsiyadu haystaan oo aan lahayn eray bixin quman, dadkii miyiga oo  magaalooyinka u guurey hab-hadalkoodii horena ka bayroo  intay ilbaxnimo moodeen sida reer magaalka iska dhigey.

tusaale; gabadh ama wiil baadiye laga keenay haddii iskuul xamar ku yaalla laga geeyo wuxuu xoogga saarayaa inuu adeegsado erayo ay kamid yihiin;  yaaqay, nooh, caadi iska dhig,  adiga lee waaye, haygu mashquulin, yartu waa shidan tahey, way kala kacsantahey, hadalkaaga ma fahmooyi, iga qalay, iga wareeji, ga iga sii , bush ka sii bac kasii,  baby ,  my brother, hooyadaa usheeg iwm asagoo isleh yaan lagu oran waa reer baadiye, waxaana sidaa uga lumaya  erayadii asalka ahaa ee deegaankiisii looga hadli jirey.

Erayada Af-Soomaaliga guud ahaan waxaa loo qeybiyaa 4-qeybood oo kala ah:

1- Eray isirkiisii hore Soomaali ahaa sida: geedi,geeri, gaawe, gaaf, gaashaan, nuxur, niyaayar, naallo, waddo, waran, gawaan, gabraar,gamashi, dhabbe, dhanbal,dhalanteed, dhaashi, dhuuni, dhagar, sahan, sooryo, sibraar, sowrac, sarbeeb, silac, surbacaad, seermawaydo, ,  shukaansi,shaamoreer,shaamuug, shakaal, shaal, sheed,oon , omos,aas, oog, abaar, aqal, ileys, amakaag,areerin,uur, uskag,arad,abxad, illin, bajin, baanin, badbaadin, baadi,baahi, baaq, bidhaan, berkaado, buuni iwm.

2- Eray asalkiisii hore carabi , ingiliish ama talyaani ahaa oo sidiisii loo qaatay loona adeegsado sida; masaajid, mas’alo, maqaayad, maal,mufti, mowqif, mooshin,manhaj, jahli, jaamacad, janaraal, jiho, jaar, xalaal, xaaraan, waqti, subax,saxuur,salaad, saami, casho,qado, imtixaan, adaab, caqli, awlaad, ehel,qabiil iwm.

3- Eray asalkiisii hore carabi,ingiliish, ama talyaani ahaa balse af-soomaali loo rogay sida; mucallim=bare ,book=dhigane ,Turjumaan= af-celiye, Microphone =cod baahiye, Saacad= goor sheeg, Sumcad=dheg, Caafimaad= fayoobi,bed-qab, Number= tirsi, faa’iido= dheef, salaan= bariidin iwm.

4- Eray ka abuurmay laba eray oo laysi-saarey sida; dukaan+le, bajaaj+le, xeeru+ dhaqan, wax+barasho,gaashaan+dhig, wacyi+galin, faaf+reeb, fariin+side,faham+darro,  mala+awaal, xaas+le, madax +wayne,  odey+ dhaqameed,nabad+doon, dheef+shiid,hida+side, duca+qabe, war+baahin iwm.

Gabaygan gaaban ee soo socda ayaa ina huga-tusaalaynaya si ay afafka qalaad hadalkeena ugu milanyhiin oo ay erayadii keenu hodanka ku ahaa meesha uga riixanayaan:

“Shaqal jiidan,shibana agyaal,shaacir kala saara                                                                Shicir gabaya,sharaxaad abwaan,sheeko dabataalla                                                Hadal Sharaf leh, murtidoo shuclada,shaahid laga koobsho                                   Sharci guuna,shuruudii naxwaha,shaac wax laga  qaadey

Shamal toosan, shactaraad ubage,shaambin kala nuuca                               Shirib  adab leh,arartoo shakalan ,sheedo ku cayaarka                                        Xigmad shelan ,shallaadiga digiga,sheyga lagu faano                                             Shidka weedha,shigistood ka bixi,shaafinimadeeda

Sharmaa timid iyo sheeko dheer shiishna ku abaaran                                            Intaaba afkeenaa shammila waana shey dhaba e                                                   Waxse sharaftiisa liidayoo, shiikhey baa jira e                                                             Shaa iyo shee markii laga tagoon sheeyo kala aadney

Oon  shidaadkii  ka faaney iyo  sheeko baraleyda                                              Shaamareer baa kolkaa dhashiyo  sheegato umoode                                                     Shukaansiga waxa lagu galaa sheer dheh iyo loofe                                            Shaandhada erayadii galaa shaac usoo baxaye

Shoow ingiriiskaan jinni baaba shaabbah noo jilaye                                                  Shalay waxaa taqaanay baa haatan shuush galaye                                              Shaleyto inaan taaganahey waa shaki la’aane                                                         Shariba ka maaney horeen waxay isku shideeyeene                                                  Shib ka dhaha afafka shisheeyuhu sharaf ma keenaane”.

WQ: Abwaan Hareeri