MACAANKA IYO QIIMAHA NABADDA

Nabaddu waa shayga ugu horreeya ee noole kasta uu tabaya, una baahan yahay waqti kasta, nabad haddii la waayana jiritaanka ummadeed ayaa sii lumayo, ama ugu yaraan halis ayuu gelayaa.

Aadanaha nabad wax uu ku dhaamo waa la waayay, dadka sida ay u kala nabadgelyo fiican yihiin ayay u kala hormarsan yihiin, nabaddu waqa xasilooni, nabaddu waa midda horumarka iyo kobaca dadka u horseedda, nabaddu waa midda looga badbaado nolosha darxumada.

Nabad haddii ay jirto waxaa la helayaa isjacayl, isa saamixid, nabad haddii la helo waa la gaaraa barwaaqo, nabaddu waxaa ka dhasho midnimo, ilbaxnimo, nabaddu waa iftiin, nabaddu waa farxad waarta.

Nabad haddii la waayo waxaa booskeeda dego wal wal iyo walbahaar, waxaa beddelo silac iyo saxariir, waxaa dadka ku dhaca qarbud iyo qarribaad, nabad ayaa naas la nuugo leh, nabadda ayaana mudan in loo hiiliyo lana garab istaago, lagana shaqeeyo.

Nabadda oo laga shaqeeyo waa waajib ina wada saaran, qof kasta iyo doorka uu ka gaysan karo, colaadda iyo xasillooni darrada oo lala dagaallamana waa arrin nalaga wada doonayo, axad walba iyo karaankiisa, adiga oo nabad heli karana belo lama saadaalsado, loomana yeerto, loomana tafaxayto,

Nabadda waxaa ka soo horjeedo colaad, khilaaf, dagaal, burbur, nabadda haddii la waayo waxaa la waynayaa nolosha, ama ugu yaraan waxaa la gelayaa nolol aad u liidata, nabad la’aan waxa ay keentaa dowlad la’aan, dowlad la’aantana waxaa ka dhasha kala danbayn la’aan.

Nabad la’aantu waxa ay horseedda burbur dhan walba ah, amnigii ayaa burburaya, dhaqaalihii ayaa burburaya, waxbarashadii ayaa dhantaalmaysa, caafimaadkii ayaa la waynayaa, ganacsiyadii ayaa baaba’aya, qiimihii la lahaa oo idil ayaa khadka ka baxaya, qiyamkii ayaa hoos u dhacaya, nabad haddii la waayo waxaa badanaya tuugada iyo moorayaanta, waxaa badanaya dhaca iyo dilka, waxaa badanaya boobka iyo bililaqada.

Dad aan nabad haysan waxa ay u badantahay in ay nolosha ka dhacaan, waxa ay u dhowyihiin in ay yaraadaan, waxaa dhici karta in ay gumaysi galaan, dadku haddii ay nabadda ka baaba’do waxa ay noqonayaan kuwo qax iyo rafaad gala, kuwo silac iyo saxariir ku noolaada, kuwo sidii dugaaggii iscuna, dhiigga dadka aan wax galabsan ayaa rakhiis noqonaya, dilka dadka aan dambiga galin ayaa wax caadi ah iska noqonaya, dulmiga iyo gardarrada in la isku garab istaago ayay noqonaysaa.

WQ: C/salaam Maxamed Yaasiin

ROOBAB LIXAAD LEH OO KA DA,AY GOBOLLADA DALKA

Xilligii gu,ga ayaa ka hooray si xoog leh  wuxuuna dhowr sacadood waxaana lagu magacaabaa  xilligaan roobka da,aya ceelka geeye macnaheeduna waa ceelka fogeeye mar hadduu da,ana uma baahnid ceel

waayo xooluhu wey ka maarmaan biyo webi iyo biyo ceel intaba sidaas ayaa loogu bixiyey ceelka geeye waxayna sida badan noqotaa markii uu da,o roobkaas ceelka geeyeyuhu waa barwaaqo ayaa laga fishaa sannadkaas.

haddaba haddii   ceelka geeyahu ka da’ay gobolka banaadir iyo agagaarkiisa iyo dhammaan gobollada dalka waxaa ku noolaanaya beerahii kicinkii hore jiray oo u baahnaa roob dambeed  kuwaas oo dalagoodu si aad u baxayo markii helaan roobabka ceelka geeyaha oo dhulka si aad ah u nooleeya xooluhuna ay naaxaan  dadkuna uu farxad iyo reyn reyn ay ku soo dhoweeyaan.

galab galbaha ka mid ah ayaa cirka guulatooyin dacalka isi saareen  waxaana raxmad aad loogu farxay u da’ay dadka ku nool agagaarka gobolka banaadir iyo dacalladiisa in kastoo ay jiraan dad masaakiin ah oo aan hooy fiican heysan  haddana waa noloshii noolaha  haddii la waayo raxmadda ilaahey nolol ma jirto waayo waxaa ku noolaado noolaha ku nool badda iyo berriga.

Haddaba, naf kasta oo ka mid ah waxay ilaahey celineysaa mahad aan

la soo koobi karin  waxaa baxaya beeraha waxaa miro iyo ubax yeelanaya geedaha waxaa cuseyb noqonaya dhulka iyo geedaha waxaa muraalkodu hagaagayaa dadka waxaa kale oo beec yeelanaya xoolaha iyo dhulka  iyo guryaha  waxaa nuuraya dalka oo dhan  waxaa rejo yeelanaya qof kasta oo ay heysay reja xumo waayo roobla,aantu waxay leedahay murug iyo raja xumo.

roobab lagu diirsaday ayaa ka da,ay gobollada banaadir iyo shabeellada dhexe shabeellada hoose in kastoo gufaacada dhibicda xannuunkeedu ay u daran tahay  qoysaska aan heysan hooy iyo gabbaad iyo  meel ay ka galaan qaboowga roobabka  haddaba, waa labo is garab taal farxadda iyo murugtu waana amar ilahey  cidna wax kama qaban karto

‘haddaba nimcadana ku shugri dhibaatadana ku Samir,

WQ: Abwaan Gabayre

 

 

 

HALISTA KAAGA IMAN KARTA KORONTADA HADDII AADAN AHAYN QOF TAXADDIR BADAN.

Xilliyadaan dambe isticmaalka korontada ayaa bulshada kusoo badatay, waxanay noqotay qeyb ka midda noloshada qoyska.

 

Dalka waxaa ka jirto dhowr shirkadood oo ay leeyihiin ganacsado madax badanaan, kuwaasoo u adeegga shacabka iyo dowladda ba.

 

Inta badan baahiyaha korontada dalka waa ay dabooleen, balse waxaa jirto halis ay leedahay korontada oo inta badan ka dhacdo caalamka iyo dalka gudihiisa, taasoo galaafatada naf iyo maalba.

 

Waxaa jiro dab ka dhasha korontada oo si khaldan u soo dayso taasoo sababtada in ay ganacsi ama koob guri ah ka kacdo, halkaasina waxaa ka dhasho khasaaro naf iyo maal ba leh.

 

Badanaa ma jirto shirkad bixisa tobabar ku saabsan hab isticmaalaka korontada, keliya waxay ka fakaraan in ay lacag uun ka sameeyaan iyagoon u eegeyn halista meesha ka dhalan karto, suuqa tartan koronto ah ayaa ka jirto oo shirkad walba waxay ku hanweyn tahay in ay tayadooda soo bandhigto suuqana  ka saarto shirkad kale si ay ula wareegto macmiisha, laakiin ma ogo dhibta ay leedahay korontada oo qof nool, duunyo iyo dugaag toona deyneyn.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa ansixisay sharciga korontada dalka, golaha shacab, aqalka sare iyo golaha wasiiradda ayaa si isku mid ah u wada anxisi sharciga korontada dalka.

 

Korontada oo ah aalad halis ah balse aanan laga maarmeyn isticmaalkeeda ayaa ah adeeg aad u soo batay isticmaalkeeda guud ahaanna laga isticmaalo magaalooyinka dalka ayaa ah aalad halis, waxaana jirto cilado badan oo soo laablaabtay oo ka dhacay Soomaaliya, taasoo sababtay korontada.

 

Xilliyada roobabka waxaa jirto maaso ka dhalata biyaha roobka waana halis badantahay, dhanka kale korontada Soomaaliya laga isticaamlo waxaa laga dhaliyaa matoor taasoo lagu xiray baalayaal iyo fiilooyin, wakhtiyada ay dabeesha jirto oo ay daataan diirarka ama baalayaasha khatar badan ayaa ka dhalan karto goobahaasi.

 

Dhalinyaro ayaa ka howlgaaho badanaa ma qabaan feejignaan iyo tobabar ku saabsan cilmiga korontada ama ammaanka badqabkooda. Inta badan wiilasha ka shaqeeya shirkadaha oo lagu shaqeeleysiiyo qaraabo iyo weji aqoon ayaa naftooda ka masuul ah halka ay shirkada masuul ka noqon lahayd.

 

WQ: Cabdiweli Daljir

 

 

 

 

CAASIMADDA MUQDISHO OO NABDOON!!

ilaalinta badqabka muwadaniinta soomaliyeed waa wajib saran ciidankeena qaranka ayadoo midaa laga duulaya waxaa muqdisho laga dareemaya xasilooni amni oo ku saabsan la sacodka dhaqdhaqaaqyada kooxda khawaarijta iyo ciyaal-weerada oo muddo badan khalalaaso iyo dhac u geysan jirey shacabka ku dhaqan magaalada muqdisho oo ay adkeed in si’ amni ah loogu dhex noolaado.

dhaca teleefoonnada ayaa sababi jirtay in la dilo qofka sita,way sahlaneed in la arko ciyaal-weero oo isku bacsanaya xafadaha dhexdooda.

shacabka caasimadda ayaa qaati ka tagnaa ciyaal-weerada oo markii dambe keentay in ay ayaga dhexdooda isagu yeraan magacyo raacsan gangs.

dhibka ciyaal-weerada ma uusan ahayn mid shacabka kaliya sameeyay ee wuxuu sidoo kale ahaa mahadhooyinna ku reebay isla ayaga oo kooxo u kala baxay iyo xaafado dagaal dhex mari jirey.

hadda caasimadda dhib walboo ay ku hayn jireen waxa gashaanka u-duruuray ciidanka ilaalinta amniga caasimada ee bolisiyo millitaare, kuwasoo lagu soo tababarey dalka Uganda.

ciidankan oo fadhiisimo ka sameystay irdaha laga soo galo casimaadda iyo kuwa loo qorsheeyay inay sugaan amniga gudaha caasimada taaso lagu ciribtirayo ciyaal-weerada iyo kooxaha amniga lidka ku ah ee khawaarijta.

howl-galo habeen iyo maalin ah oo ay ciidamadan ka sameeyeen degmooyinka gobalka banaadir oo ay ku badnayeen ciyaal-weerada ayaa lagu soo qabqabtay horjoogeyaasha ciyaalka-weerada ayado ay xusid mudan tahay in la geeyay xurumo looga talagalay in dhaqan celin loogu sameeyo,taasi ayaa sahashey in maalin iyo habeen si’ badqab ah lagu dhex mari karo caasimadda.

shacabka caasimada oo gudanaaya maalmahii ciidul fidrika ayaa waxay si amni leh ugu damashadayaan magaaladda caasimada ee mogdisho.

sida ay sheegen qaar ka mid ah shacabka ku nool caasimada ayaa ku tilmaamay arin bogaadin mudan in ciidamada ilaalinta amniga caasimada ay guulo lataaban karo usoo dabaaleen caasimada .sido kale cidaamadan ayaa dagaal kula jiro kooxda khawaarija oo caasimada waxyeelo u geysan jiray ,hadda waxaay u muqataa mid la soo afjaray dhib walboo caasimada walac gelin karo.

WQ: Cabdiraxiim jimcaale

 

 

TIXANAHA SHEEKADA MAANO FAAY (QEYBTA 37-AAD

Aroortiina isma taqaanniin?“Aroortii maxaa iskaaya baray, ma takhtar baa isu kaaya qoray! Qof waliba jacayl cusub buu hortiisa ka raadsanayaa, wixii cusub caalamkaa jecel. Mise

waxaad rabtay in aan sidaada saddex bilood ka soo hor jeedo, sariirtana kala cabsado? War wax isku fal oo sida isu dhaan baan ku iri! Gabadha miskiinta ahna xaraarada ha ku diline baashaali, oo sigaarka iyo qaadka iyo waxyaalaha kaloo lagu raaxaysto bar. Haddii kale wallee maalin dhow way kaa cararaysaa, illayn ku caabudi maysee.”

“Wax kula taliya adigaa u baahan Kulmiye, haddaad talo qaadanaysid, laakiinse horaan kuugu daalay.”

“Maxaad igula talin lahayd?”

“Waxaan kugula talin lahaa in aad baddashid qaabka aad u dhaqanto iyo sida aad nolosha u fahamsan tahay.”

“Miyay kula xun tahay in la iska waqti qaato inta aad dhallinyar tahay?”

“Adiga miyay kula wanaagsan tahay in aad waqtigaaga, lacagtaada iyo awooddaada dhammaan isugu wada geysid oo keliya sidii aad habeen walba qaad, khamri iyo naago ugu dhex jiri lahayd; maalintiina daal iyo hurdo la gudan kari waydid shaqadaadii xilku kaa saarnaa, iyo in aad shakhsiyaddaada iyo sharaftaada u loogto sidii aad ku heli lahayd lacag aad waxyaalahaas ku kharaj- garayso? Goormaad mustaqbalkaaga u shaqaynaysaa, haddaad waqtigaagii qaaliga ahaa ee dhallinyarannimada sidaas ku dhammayso?”

“Yaan u shaqaynayaa, haddaan raaxadayda baabi’iyo? Ma jinni baan u shaqaynayaa, mise shaqadaa ii diidaysa in aan lafahayga u raaxaysto?”

“Jinni u shaqayn mayside waxaad u shaqaynaysaa aayahaaga dambe iyo aayaha ubadkaaga iyo ubadkooda.”

Kulmiye intuu isu qoslay buu hadalkii Axmed sii hikaadiyey, “Aayaha ubadkaaga iyo ubadkooda! Galabtana ubad ubad baad ii keentay miyaa! Maad sidaadii tiraahdid ‘aayaha bulshadaada!’ Maxay ahayd wixii kale? Haah. ‘Danaha bulshadaada. Ficiiska bulshadaada!’ Waabad roon tahay haddaad galabta bulsho bulshadii igala xishootay.”

“Adigu ‘bulsho’ haddaad maqashid waad ku xajiimoonaysaa, waayo waxaad og tahay in aad eed ka gashay, waajibkii kaa saarnaana ka baaqsatay.”

“Eedda aniga la iga galay mid ka weyni ma jirto.” “Waa sida ay adiga kula tahay.”

“Ma ahee waa sida dhabta ah.”

“Xitaa haddii adiga eed lagaa galay, sow ma aha in aad kala saartid ciddii eedda kaa gashay iyo cidda aad adigu ka galaysid?”

“Waxba kala saari mayo. Mar haddaan aniguba xuquuqdaydii waayey, cidna waajib igama saarna. Qof walba waxaa la raaciyey danihiisa. Jidkii ay ila noqoto in aan dantayda ku gaarayo, ciddii igu eedaysaa waa iga gar-daran tahay. Adigaana kaa kow ah.”

SHEEKADII ADEEGTO (QEYBTII 14-AAD

Maryan way maqlaysaa hadalka iyada u dhacaya, markaasay iyadoo gocanaysa dhibaatooyinka horay u soomaray bayan haddana ugu muuqan meel ay wax ka tiraahdo iyo cid sidaa uga bihinbihaysa dhibta haysata aragtay inay xabaal mariwaa tahay-Qadarro badanna ka soo noolaatay, sidaa daraaddeed, iyada waxa naagta ka nixinayaa dhib sidaa u weyn lamaba aha.

Markaa inta si walba naftii ugu soo noqotay bayan wax sidaas ah tabanayn, aan ahayn qalada magaalada ay ka qaloonayso xanuunka dabku gaarsiiyey iyo ciirsi la’aanta la soo gudboonaatay, inkastoo cid alla ciddii kaloy la kulantaaba u dhaanto aayadeedii bahaláha siisay.

Xanuunkii baa marba marka ka dambaysa ku soo kordhayey, ilaa ay cagihiiba dhulka dhigi weydey oy sidii ruux curyaan ah meel iska qotonsatay.

Waxay soo baxday yatiin isha uun ka mirigsiinaysa.

Reerkay la tiil may ahayn reer sidaa ula socda faa’iidada daaweynta iyo la dagaallanka jirrada iyo weliba iyagoo Maryan u arkayey qof aan sidaa u sii ridneyne micna daran.
Maryan muddo ayan hadlin baqdin iyo sheex dartii. Dhibaatana waxa timid markay sidii horayba u dhacday musqul u baahatay.

Aragtay inayan socon kareyn, danina ayan ka fursanayn inay ciidan gacan qabtee ifka geeya hesho, walowba ay aad u fiigsanayd afadii horayba u soo kaxaysay ayaa ilaa iyo markaa aad isugu taxalujinaysay bal inay u qabato ugu yaraan waxyaalahay tabanayso.

Haddaba wax bay weydiisaa inay cunto rabto, biyo, dhaxani inay hayso.

Maryan meeshay reerka ka deggeneyd waa meel aad urasanoo qashin badan, had iyo goorna aan digaag fagta, dabacaddeeye cayrsanaya iyo mukulaalo laga waayin, waa meel u dhexeysa jikada iyo guriga intiisa kalee balbalo ah laba saddex jiingadoodna saaran yihiin; markii reerku marti qaad qabo iyadaa sida badan wax lagu karsadaa oo had iyo goorba waxaan laga waayin dambas, jaqafyo iyo waxyaaio laysaga tuuro.

Maryan baa inta adkaysan weyday, iyadoon wax hadal ah oran sidii rneesha loo dhigay, waxay tiri, “Eeddo wax ifka ii garab galaan rabaa xaggee baase loo if tagaa?”
Islaantii awalba xannaaneysay ayaa markay aragtay inay hadlayso inta faraxday oosoo booddey si fiican u maqashay hadalkay leeday. Waxba umay kaadine intay kor u soo hinjisay bay u garabgashay xaggii musqusha.

Islaantu waxayan dhab ufahmin ujeeddadii weyneyde Maryan lahayd ee ahayd “xaggee loo If tagaa”, isma ay lahayn qoftani musqusha ma taqaan.
Waxay sii walwaasho iyadoo raadka meelahay dhigto dhacaan ku sii dhaafaysa cud iyo wasakhna ka sii qaadanaysa ayaa ugu dambeyn Maryan waxaa la geeyey meel, musqul loo yaqaane qol yaroo dusha ka furan ah, dhererkiisuna uunan sidaa u ridneyn.

Waa ciriir darbiyadiisu soo kooban yihiin, qof dibadda joogaana hadduu maago inuu soohanqaloocsado ay u sahal tahay aragtida waxa gudaha yaal ama jooga. Afadii Maryan sidday iyadoo is leh, way garanaysaa isticmaalka goobtaas bay -markay ku hubsatay gudaha Maryan dibadda isaga baxday.

Maryan oodhinacya badan laga hayo oo musqushii ama qolkii yaraaye aan dedneyn, godkunaka dhex qodnaa, dhex joogta is aragtay. Iyadu dareentay in wax meesha loo keenay ay tahay if-tag.

mase ayan garan habka loo isticmaalo. Dhinacyadey eegeegtay. Waxay aad isugu dayday mayan gafine sida loo baahan yahay ay yeesho. Cabbaar bay kafirirsanayd. Waxay indha-indhaysaba mar uun bay dareentay godka qolka ka qodan.

Way daymootay oointa aad u sii qooraansatay indhaha kusii fagiijisay ilaa madasa kala soo booddey bay tiri, “Hah weynaa. reerku meesha ma wax bay kuqurunsadaan. mise waaba ceelkay ka cabbaanoo ka biiroobey.

Dhan ay wax yeesho iyadoo garan la’, dad kalena meesha in muddo ahba sugayeen, baa afadii meesha geysay inta shakiday waxay damacday inay albaabka ku garaacdo mise maba xirnoo waa siday iyadu hore ugaga tagtay waysoo riixday. Ay taabanaysay maahee wuu u furmay.

 

 

MOOLASHA (MALLS) OO DOOR SHARIIF AH KA QAATAY DUKAAMEYSIGA XAMAR

Moolasha iyo “Supermakets” waa goob ganacsi oo wax walba looga adeegan karo oo nidaamsan oo aysan ka jirin isriix riix iyo buuq uu qofku uga baqayo in wixiisa laga xado.

Qormadan waxaan ku dul istaageynaa Dukaameysiga Casriga ah ee ku soo badanaya dalka guud ahaan gaar ahaana Magaalada Muqdisho.

Ganacsiyadan Casriga ah ayaa waxey soo kordhiyeen qaab cusub oo loo dukaameesto dalalka horumaray oo uu qofku ka adeegan karo hal goob oo laga heli karo dhammaan baahiyaha aasaasiga ah ee uu qofku u baahan yahay ama uu rabay.

Goobahan ayaa laga helaa badeecado kala duwan sida Khudaarta, Hilibka, Raashinka, Maacuunta, Dharka (Labiska), Qalabka Elegtirooniga ah (Electronics) ……. Iwm

Goobahan waxaa intaas u dheer oo ka dhex furan ganacsiyo kale oo adeeg bixiya Sida Bangiyada (Bank), Qalabka Lacagaha lagala baxo (ETM), Xafiisyo, Maqaaxiyo iyo deegaanno goglan oo la dago kiro ahaan.

Ganacsigan Casriga ah wuxuu wax weyn ka taray Bilicda, Dhaqaalaha, Shaqo abuurka, Amni, u hawl fududeenta adeegsadeyaasha daggan magaaladaas iyo intii socoto ah.

Ganacsigan wuxuu meesha ka saaray kharashkii badnaa iyo socodkii loogu kala gooshayay goobo kala fog fog si ay u helaan adeegyada aan kor ku xusay oo ku kala yaal goobo kala duwan taas oo uu qofku ku qasbanaa inuu adeegsado gaadiid ama uu maalo cagihiisa iyadoo ay intaas u dheereyd isku socodka oo adkaada mararka qaar iyo khatar looga baqi jiray inuu ku lumo (dhumo) cunug ama hantidii lagu adeegan lahaa oo uu tuug ka jeeb siibo isagoo ka faa’ideysanaya isriix-riixa dadka badan iyo inaysan meesha ka ag dhaweyn ama aysanba joogin cid sugaysa amniga qofka adeeganaya.

Haseyeeshee Moolasha waxaa kuugu diyaarsan hawl wadeenno amni oo u xilsaaran la socodka bad-qabka macaamiisha iyo Badeecadda iyadoo intaas u dheer tahay Kaameerooyin (CCTV) ku dhaggan goob kasta oo laga adeeganayo ama laga soo galayo iyo goobaha laga baxayo intaba sidoo kale waxaa ku diyaarsan adeegeyaal u carbisan qancinta macaamiisha. Waxa intaas u dheer WIISH qaada macaamiisha haddii ay u baahdaan dabaqa ka sareeya oo uu qof u adeegsanayo degdegsiimo ama haddii ay ku adag tahay inuu fuulo jaranjarada geynaysa meesha uu rabo.

Moolashan iyo “Supermarkets” ka sokow inay Bilicda iyo horumarka muujinayaan waxey iftiiminayaan inuu dalku yahay nabad lana Maal-gashan karo taas oo keeni karta in marka danbe ay ku dhiiradaan Ganacsatadeena waaweyne ama Maalgashadeyaal Shisheeye inay ka hirgaliyaan Mashaariic kuwan ka waaweyn oo dalka iyo dadkaba wax weyn tari doona una soo jiidi doona indhaha Caalamka iyo Dalxiiseyaasha.

 

W/Q ABU CIMAADDUDIIN

GANACSIYADA SOO BUUX DHAAFIYAY HAREERAHA WADDOOYINKA MUQDISHO

Magaalada Muqdisho waxa Ku soo badanaayo ganacsiyo Ku teetsan hareeraha waddooyinka magaalada waxaana inta badan Ganacsiyadaas Ka shaqeeya dhalinyaro waxbartay Kuwaa oo waayey shaqa u qalanta, balse door biday Ganacsiyada in ay Ka sameestaan  hareeraha waddooyinka ay Ku iibiyaan.

Haddaba, Magaalada Muqdisho waa Caasimada Umadda Soomaaliyeed, waa magaalo inta badan dadka Ku nool lagu qayaasi tiro ahaan in ay dhan yihiin 3-4 Malyon oo Ruux balse tiri koob sax ah wali lama sameyn waa uun qiyaasta lagu qayaaso shacabka magaalada Muqdisho in ay tira ahaan intaa ay dhan yihiin ama ay Ka badnaan karaan.

Shacabkaas baaxada leh ee Ku nool magaalada Muqdisho waxa ay wadaan hormarro kala duwan oo ay Ka sameynayaan dhanka Ganacsiyada Kala duwan oo ay Ku soo kor dhiyeen magaalada Muqdisho.

Dhalinyarada Ku ganacsada hareeraha wadooyinka magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliyeed ayaa la yimid midba midka kale hal abuuro Kala duwan oo ay Ku hormarinayaan dhanka Ganacsiyadooda Kala duwan oo maanta laga dheehan karo in Ganacsiyadaas ay isbadal u keeneen bulshada Ku nool Ganacsiyada yar yar ay la fadhiyaan hareeraha wadooyinka magaalada Muqdisho.

Ganacsiyadan Ku soo badanaayo hareeraha magaalada Muqdisho hal abuurkeeda waxaa la yimaaday Hablo ama Inamo badan Kuwaas oo doonaya in ay nolashooda ay Ku sameeyaan isbadal wax Ku ool ah taasi oo u horseedi karta in nolashooda ay noqoto mid mustaqbal leh oo Walidiintooda, Caruurtooda iyo Dalkaba wax ka baddali doonta.

Noocyada Ganacsiyadan ee lagu iibiyo hareeraha wadooyinka magaalada Muqdisho  ayaa waxa ay Kala yihiin: Dharka lagu soo daadiyo hareeraha wadooyinka, Kabaha, Suumanka, Catarrada noocyadiisa Kala duwan, Dharka huudheyda ah , cabitaannada noocyadiisa Kala duwan iyo macmacaanka noocyadiisa Kala duwan oo lagu iibiyo hareeraha wadooyinka magaalada Muqdisho.

Ganacsatada hareeraha wadooyinka magaalada wax Ku iibiya waxa ay u badan yihiin dhalinyaro shaqala’aan haysay balse fikirkan layimid in laganacsado oo meeshii kuu fudud aad Ku ganacsato.

Haddaba waxaa jirta in ganacsatadaan  ee hareeraha wadooyinka magaalada Muqdisho wax Ku iibiya waxa ay la kulmaan caqabado farabadan.

Haddii aan Ka soo qaato laba caqabad oo u baahan in wax laga qabto oo ay dowladda Ka caawiso oo dhiirigalina ay u sameyso dhalinyaradan la yimid hal abuur ganacsi.

  1. Caqabada Koowaad waxa ay dhibane u yihiin askar wadata direeska Ciidanka Kuwaa oo Ganacsiyada yar yar ee hareeraha wadooyinka magaalada Muqdisho lagu iibiyo Ka qaada cashuuro xad dhaaf ah Amaba mararka qaar loogeysta jirdil ayaa dowladda waxaa looga baahan yahay in ay wax Ka qabato lana taageero cid kasta oo fikir la yimaada oo qeyb Ka qaadanaayo horumarka dalka.
  2. Qaraxyo ayey dhibanayaal u yihiin waxaana Ku dhamaaday qaraxyadii Ka dhacay magaalada Muqdisho dhalinyaro badan oo leh mustaqbal balse Addunka la dhaafiyey una baahan in dowladdu ay wax Ka qabato dhibaatada Qaraxyada oo iftiinka dhaafiyay dhallinyaro badan.

Dowladda waxaa looga baahan yahay in Bulshada ay Dowladda u tahay garab istaagto oo ay Kala shaqeyso baahiyahooda Kala duwan sidii ay ugu fududeen laheed oo ganacsiyadooda horumar baaxad weyn u gaari lahaayeen.

Ugu danbeyn Ganacsata hareeraha waddooyinka magaalada Muqdisho wax Ku iibiya sida runta ah maahan wax sharci ah balse maalmaha ciidda iyo farxadda awgeed waa in loo daayaa maadaama ay dalka wax ku leeyihiin.

Dhallintaas uma fududa in mid waliba uu ijaarto meel ama dukaan uu wax ku iibsado balse iyaga waxaa looga baahan yahay hal abuuro Kala duwan oo badan in ay la yimadaan ayna Ka mira dhaliyaan hal abuuradaas ay la yimaadeen si ay u gaaraan guulo wax Ku ool ah iyo in nolashooda ay najaxdo.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

——BAADDA KHAWAARIIJTA HADDII AY MEESHA KA BAXDO MAXAA ISKA BADALI DOONO GANACSIGA DALKA?

Kooxda khawaarijta ah ee Al-shabaab Umadda Soomaaliyeed labaatankii sano ee ugu dambeeyay waxay dalka ku haayeen dhibaatooyin badan, sida dilalka qorsheysan ee Haldoorka, Aqoonyahannada, shacabka, madaxda dowladda, burburinta ganacsiyada iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo dhan.

khawaarijta marna uma kala soocna dadka rayidKa ah iyo dowladda balse kurti waa iskugu mid si ay dhiiga dad qiimaha badan ee Soomaaliyeed ay u daadiyaan.

Dhibaatooyinkaas aan kor ku soo xusay ayaa waxa ay keentay in kooxda khawaarijta ah ee naflacaariga ah lagu qaaday kacdoon dadweyne iyo mid dowladeed oo ka dhan ah, taasina waxa ay soo dadajisay in khawaarijta ay gashay qalbiyadooda rucbi(cabsi) kala fir- xad iyo jab xooggan waxaana ay arinkaa soo dadajisay in laga ciribtiro khawaarijta deegaano badan oo ay in muddo ah shacabka ku gumaadi jireen.

Sidoo kale, Jabka xooggan ee soo gaaray kooxda khawaarijta ee Alshabaab ayaa waxay ahayd dhaqaalo xumadii ugu darneyd ee Abid soo marta kooxda waxaana laga cuna qabateeyey kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab dhaqaali baadan oo ay ugu  magac dareen sakawaad ayaa laga joojiyey waxaana kooxda ku yimid ciriiri dhaqaale oo ugu dambeyntii sababay in ay iyaga isdagaalaan oo ay isdilaan kooxda maafiyada ah ee khawaarijta Al-shabaab.

Dhanka kale, baaddii ay khaadan jireen kooxda khawaarijta  haddii ay meesha Ka baxday ma isbaddali doonaa dhaqaalaha dalka.

Jawaabtu waa haa sababtoo ah dhaqaalaha dalka waxaa ku imaanaayo isbaddal xooggan waxaana koraya dhaqaalaha dalka waxaa imaanaaya maal gashadayaal badan oo daneenaayo in dalka ay maalgashi xooggan  ku sameestaan.

Ganacsatada Soomaaliyeed waxaa Ka yaraaneyso lacagaha sharcidarrada ah ee ay Ka qaadan jireen kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab taasina badalkeeda ganacsatada Soomaaliyeed ayaa hormarin lahaa ganacsiyadooda ayaga oo dalka keeni lahaa warshado kala duwan oo soo saarto alaabo kala duwan oo ay bulshada Soomaaliyeed u baahan yihiin.

waxaa meesha Ka dhalanaayo fursado badan oo ay helayaan dhalinyaro badan oo shaqo la’aan ah in ay shaqo helaan, ganacsigiina uu sii xoogeysto dhaqaalihiina waa uu kobcayaa.

Ganacsiga sidoo kale waxaa loo iibgeenayaa wadamada dariska ah ee aan laheen Bad sida Ethiopia iyo South Sudan oo aan Ka sameen karno dhaqaalo xooggan oo kaaba yaasha dhaqaale ee dalka isbadal xooggan ku keeni karo

sidoo kale ganacsiga waxaa loo iibgeen karaa wadamada kenya, Uganda iyo Tanzania oo dhamantood aan layeelan karnaa xiriir ganacsi.

Ugu danbeyn dowladdu faa’iido weyn ayeey iyana ka heli doontaa sababtoo ah ayada kaligeed ayaa canshuureyso ganacsatada kala duwan ee dalka, sidoo kale dowladdu dalka waxa ay keeneysaa maalgashadayaal heer caalami ah si shaqaalaha dalka uu kor ugu kaco dowladda waxaa Ka yaraanaya dhalinyarada faraha badan ee shaqo la aanta ah intaasi oo dhan dowladdu waa u faa’ido.

Dalka Edatorial

SHUMISKII UGU QIIMAHA BADNAA EE ADDUUNKA

Shumiska waa ficillada ay makhluuqa uu Alle abuuray ku muujiyaan Naxariista, Marxabeynta, Kalgaceelka, ama Jaceelka ay u qabaan qofka ama makhluuqa ama shay.

Haddaba qormadan waxaan ku dul istaagey shumiskii ugu Narariista badnaa, uguna qiimaha badnaa Qarnigan taas oo uu Alle ku tusaaleynayay Gaalada isku haysta inay u doodaan xuquuqda Aadamaha iyo Xayawaannada oo ka dhacday Masjid ku yaal Algeria.

Masjidkan oo ku yaal dalka Aljeeriya oo lagu oogayay Salaadda Taraawiixda uuna tujinayay Imaam Sheekh Walid Mehsas oo aad ugu khushuucsan Aayadaha Quraanka ee uu akhrinayay ayey Bisad ku soo booday, isagoon argagixin muujinaya taxadar iyo naxariis kana kaalmeynaya waxey rabtay oo ahayd inay oogadiisa fuusho oo salaaxaya ayuu sii watay Qur’aan akhriskiisii iyo gudashada Salaadda uu ku jiray.

Bisaddii ayaa oogadiisii fuushay oo hadba dhinac u jeedjeedsatay iyada oo fiirinaysa dadkii Salaadda tukanaayay una riyaaqeysa Kalaamka Alle iyo Codka macaan ee uu ku akhrinayay Imaam Sheekh Walid Mehsas ka dibna SHUMIS kac ku siisay imaamka taas oo u muuqatay inay ka falcelinayso uma mahadcelinayso naxariista uu u muujiyay iyo sida qurxoon ee uu u akhrinayay Qar’aanka Kariimka ah.

Arrintan ayaa guud ahaan qabsatay Warbaahinnada kala Caalamka iyo Baraha Bulshada oo siyaabo kala duwan looga falceliyay ama looga hadlay loogana qoray maqaallo kala duwan oo si togan u tusaaleynaya Diinta iyo Dhaqanka Saxda ah ee Shaqsiga Muslimka ah taas oo ku baraarujisay Quluubtii gaalada ee jiifay inay Diinta Islaamku ay tahay Diin Nariis iyo Nabadgalyo ku dhisan una tudha Dad iyo Duunyo.

Dhinaca kale Imaam Sheekh Walid Mehsas ayaa maalmahan ka cabanayay in ay dadyow kala duwan magaciisii ku sameysteen Ciwaanno iyagoo ka faa’ideysanaya Caannimadiisa degdegga ah iyo inay ku helaan taageero badan oo soo raacda Barahooda Bulshada. Imaamka ayaa sheegay inuusan lahayn wax Ciwaan ah uu dacwo ka yahay dadka adeegsanaya magaciisa iyo sawirkiisa isagoona tilmaamay inuu Alle ku daayay ama uu Alle ku dacweenayo.

Waxaa aad nasiib darro ah in qof muslim ah oo taqi ah inuu adeegsado magaciisa iyo sawirkiisa nin adduun ay qaadatay oo ciwaankiisa aysan ka muuqan wax ka turjumayo imaamka.

Haddaba qormadeenan waxaan ku soo gabagabeenaynaa inaan ku baraarugtid inaad tahay qof diran oo loo xilsaaray muujinta wajiga qurxoon ee islaamka oo aad ka fogaatid wax kasta oo lid ku ah Muslimnimada oo dhaawac u keeni kara Diinteena Naraxiista iyo Nabadgalyada ku dhisan oo aad ku dadaashid inaad noqotid kii ugu yeeri lahaa dadka Diinta Islaamka ka qatan oo ka shaqeyn lahaa badbaadadooda iyo inaad ka fogaatid wax kasta oo Been Abuur ah.

WQ: ABU CIMAADDUDIIN