Maalinta Cudurka Duumada oo caalamka lagu xusay (MAQAAL)

Maadama ay maanta ku began tahay maalinta Duumada Adduunka, inta aan u guda galin mowduuca marka hore aan is weydiinno waa maxay Duumo ama Malaria? Duumada waa xanuun aad ka qaadi karto qaniinyada kaneecada. Cudurka duumadu tallaal ma leh. Duumada waxay noqon kartaa mid aad u halis ah. Hababka ugu fiican ee looga hortago duumadu waa iyadoo laga fogaado qaniinyada kaneecada iyo qaadashada daawada laguu qoray inta aad safarka kujirto iyo kadib marka aad soo laabato. Dadku waa u dhiman karaan 12 saacadood gudahood laga bilaabo marka xanuunka ay dareemaan, xiitaa haddii duumadu hore ugu dhacday.

Maxaa dhacaya haddii Hooyo uur leedahay? Qaadista duumada inta aad uurka leedahay waxay waxyeeli kartaa adiga iyo ilmahaaga. Waxaa aad u fiican in aanad u safrin meelaha duumada leh inta aad uurka leedahay. Haddii ay tahay inaad safarto, waxa jira daawooyin duumada ah oo badbaado ah inaad qaadato inta aad uurka leedahay. Dhakhtarkaaga ayaa kaa caawin doona inaad doorato daawada adiga kuu fiican.

Waa maxay calaamadaha cudurka duumada? Maxaan sameeyaa haddii aan leeyahay?

Calaamadaha cudurka duumada waxa ka mid ah xummad, gariir, qarqaryo, madax-xanuun, murqo xanuun, Matag iyo daal. Waxaa laga yaabaa inaad dareentid sidii aad hargab qabto. Waxaad sidoo kale laga yaabaa inaad yeelato lallabo, matag, ama shuban. Duumada waa loo dhiman karaa haddii aan isla markiiba la daawayn. Qof kasta oo safar ah ee xanuusada lehna xummad ama sidii hargab loo qabto waa inuu dhakhtarka u tago. Waxa cududrka duumadu kugu soo bixi karaa inta aad safarka ku jirto.

Inkastoo Cudurka Duumada (Malaria) uu yahay mid laga hortagi karo lana daaweyn karo, hadda Sanadkii tagay waxaa u dhintay 619,000 oo Qof, sida ay Warbixin ay soo saartay Hey’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO, iyadoo uu Cudurkaan halista ah ayaa inta badan qaninyada Kaneecada dhidigga ah (Anopheles) ku fida Dadka degan Dhulka Kuleylaha ah…

Calaamadaha ugu horeeya ee lagu arko Qofka qaba Cuddurkaan waa kuwo fudud oo Qandho leh ayna adag tahay in la ogaado iney Malaria tahay, haddii aan la daaweyn 24-saac gudahood, waxayna sababi kartaa geeri, inkastoo Tirada guud ee Sanadkii 2020-kii ay aheyd 625,000 Qof u geeriyoodeen cuddurka Duumada.

Warbixinta Hey’adda WHO oo ay sameysay ayaa muujineysa in 247-Millions oo Xaaladood oo Duumo ah ay dhaceen marka la barbar dhigo sanadkii 2020-kii oo la diiwaan geliyay 245-Millions, waxayna Saaraakiisha WHO ay sheegeen inay uga sii dartay Cuddurka Covid-19 oo cuddur saf mareen ah uu Aduunka ku faafay.

WHO ayaa qirtay in 4-Wadan African ayaa in ka badan kala bar dhammaan dhimashada Duumada ka dhaceen, kuwaasoo kala ah Nigeria 33%, Jamhuuriyada Demuqaraadiga ee Congo 12,6%, Tanzania 4,1-% iyo Niger 3,9%.

Maalinta Duumada Adduunka oo la xusayo ayaa ku dhawaad ​​kala bar dadka adduunka ayaa halis ugu jira duumada sida ay sheegtay Qaramada Middobay waaxdeeda u qaabilsan Caafimaadka WHO.

Dhinaca kale Dowladda Soomaaliya ayaa ayaa ku dadaashay sidii loo xakameyn lahaa fidintaanka Cudurka duumada ayaa qaaday tallabooyin ballaaran,iyada oo loo marayo ololeyaal ballaaran, UNICEF oo la shaqeyneysa Wasaaradda Caafimaadka iyo la-hawlgalayaasheeda kale waxay qaybiseen 2.7 Milyan maro-kaneeco, taas oo cayayaanka ka ilaalisa Dadka  sanadka 2022-kii, si looga hortago cudurka duumada meelaha khatarta sare leh ee dalka oo dhan.

Haddaba waxa la gudboon Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan meelaha ay Webiyadu maraan iyo Baraagaha waaweyn inay ka feejignaadaan halista cudurka Duumada oo sababi karo dhimasho, si ugu fudud ee looga hortagi karo waa in la xirto Maro-kaneeco, si aad uga baaqsato qaniinyada Kaneecada.

Joe Biden oo ku dhawaaqay in uu mar kale u tartamayo doorashada 2024

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa si rasmi ah u bilaabay ololihiisa dib u doorashada ee sanadka 2024, isagoo noqday musharaxa ugu cad xisbiga Dimuqraadiga ee haatan haya talada Dalka Mareykanka.

Inta badan Dimuqraadiyiinta ayaa sheegay inay taageerayaan Biden, oo 80 jir ah, kana soo horjeeda musharaxa Jamhuuriga ee doorashada sanadka soo socda.

Laakiin madaxweynaha ayaa wajahaya caqabado dhinaca qiimeynta ah ee xagga shaqada iyo da’diisa – Biden hadda waa qofka ugu da’da weyn ee qabta xafiiska ugu sarreeya Mareykanka – wuxuu kiciyay su’aalo ku saabsan rajada dib-u-doorashadiisa.

Biden, waxaa markii ugu horreysay la doortay sanadkii 2019, waxaana suurtagal ah in uu loolan adag la galo murashaxa xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump, sida ku cad muuqaalkiisa ololaha doorashada.

Xukuumada Soomaaliya oo sheegtay inay soo daad-gureyneyso Muwaadiniinta ku go’doonsan Suudaan

Inta badan dalalka caalamka ee ay dadka ka jogaan dalka Suudaan ayaa ku mashquulsan daad-gureynta muwaadiniintooda ku sugan dalkaasi, gaar ahaan magaalada Khartuum, halkaas oo ay ka socdaan dagaallo xooggan oo u dhaxeeya ciidamada milatariga Suudaan iyo kuwa RSF.

Ku simaha xoghayaha joogtada wasaaradda arrimaha dibadda C/raxmaan Nuur Diinaari, ayaa maanta sheegay in Dowladda Soomaaliya ay soo daabuleyso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka Suudaan oo dagaallo ay ka socdaan.

Ku simaha xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa amaanay dadaallada Safaradaha dalaka Itoobiya, Koonfurta Suudaan iyo Kenya, kuwaasi oo gacan ka geesatay soo daadgureynta muwadininta Soomaaliyeed ee ku xayiran magaalada Khartuum.

NIN SADDEX DUCO LA SIIYEY

Adduun waa Sheeko iyo Shaahid, Buug uu qoray Qoraaga weyn ee Xasan Yaaquub Baaba Raqiis, ayaan ka soo qaadanay Sheekadan waxayna ku billaabaneysa sidatan:

Nin baa qoraya guran jiray oo miskiin ah saaxibul ciyaalna ah markaas buu qoraya soo gurtay asagoo Sita qoryihii buu daalay oo dhigtay dhulka markaas buu Ilaah baryey oo yiri Ilaahow iga saar faqriga oo khayr isii

markaas buu wuxuu arkay nin tima weyn oo qurux badan oo dharcad qaba markaas buu wuxuu yiri Ilaah waa kaa aqbalay ducadii seddex baana lagu siiyey.

markaas buu miskiinkii nagtiisii u yimid markaas buu wuxuu yiri seddex duco ayaa nala soo siiyey ee maxaan ka dhigana oo aan Ilaah ku barinaa?

waxay tiri In midda u horeysa aniga sannadkeyga waa in lagu yareeya markaas buu yiri Ilaahow 15 jir iiga dhig siddeetan jir weyee markaas baa la yareeyey markaas bay ka carartay oo tiri duq baa tahay.

markaas buu yiri Ilaahow Eey ka dhig markaas bay Eey noqotay, markaas buu carruurtii hayn kari waayey oo warrsaday markaas buu yiri Ilaahow 80 jirkeedii u soo celi seddexdii duco halkaa bay ku dharnmaatay, halkaas ha noo joogto.

WQ: Xasan Yaaquub Baaba Raqiis

HOWL AAN LAGUU DIRSAN HA GELIN.

Waxyaabo badan oo ay dadku mararka qaarkood si taxar-la’aan ah u sameyaan ayaa u horseeda haliso naftooda qalqiil geliya oo ay waxyeello culusi ka soo gaadhaa, qoomamo iyo uur ku taallona dubaaqooda ku reeba.
bal u fiirso dhacdadan la yaabka leh; haweenay deggan xaafad ka mida degmooyinka magaalada ayaa nin koranteystaa wacday, kana codsatay inuu guriga laydh ugu xidho.
Korantaystihii oo deg degsan ayaa tagey gurigii oo ay haweenaydii ka maqan tahay balse ay ilmo yar yari oo ayaguna markaa dugsi u socdaahi joogaan, wuxuuna carruurtii ka codsaday inay tusaan meesha la doonayo in laydhka lagu xidho.
Markii ay tuseen halkii ay islaantu doonaysay in iftiimiyaha loo sudho ”guluubka”asna uu shaqadii billaabay ayay ciyaalkii malcaamaddoodii iska aadeen, albaabkii guriga oo ganjeel ahaana jag bay u siiyeen oo way u xidheen.
Asagoo howshii wada oo ku jira qol ka mida qolalkii uu laydhka ku xidhayay ayaa waxaa gurigii soo galay wiilal ay islaanta guriga degani dhashay oo magaalada ka yimid, inuu gurigu xilligaa cidlo yahayna u haystay.
Wiilashii markay gudaha galeen ayay arkeen nin qolkoodii ku jira oo wax gacmaha kula jira ‘ laydhkuna u dansan yahay oo in kastoo ay maalin ahayd aan mukushiisa mooyee wax kaloo quman looga jeedin daahyada ku shareeran iyo daaqadaha maqsinkoo yar yaraa awgood.
Wiilashii waxay u qaateen inuu ninku tuugyahay oo uu qolka alaab ka guranayo kolkaa bay dagaal ku billaabeen , waxayna kula boodeen oo la dheceen baangado,biro, dhagxaan, budad iyo wax kastoo ay heli kareen ama ay gacantoodu qaban kartay ayagoo “war tuuga qabta” iyo erayo kale cod dheer ku leh, arrintaasoo keentay inay deriskii iyo dhammaan dadkii meelaha ka dhawaa soo yaacaan oo ay ninkii ku goobtaan” ay wada garaacaan”.
Ninkii oo yaaban nabarro dhowr ihina ay gaareen ayaa faro cidiya leh ku baxsaday oo meeshii ka cararay asagoo ku qaylinaya”war tuug ma ihiye idaaya” hayeeshee cidina dheg jalaq uma siine cayro ayaa gacta loo saaray oo dhallinyaro iyo waayeel wixii goobta joogayna ay eryanayaan .
Haddaba ninkaa xaaladdiisu xagee bay ku dambaysay? ,cid u soo gurmada dadkii ka badbaadisa ma helay? hadda ma noolyahay mise siday u garaacayeen bay gow kaga siiyeen?, Weydiimahaa iyo kuwo kale waxaad kaga bogan doontaa qeybta labaad ee qormada ee la soco todobaadka soo aadan hadduu eebbe idmo.
WQ: Abwaan Hareeri

CIIDU WAA FARXAD IYO CIBAADO!

Maalinta ciidu waa maalin aad u qiimo badan waxaa uu yimid Xabiibkeenu scw magaalada madiina iyadoo la ciido  laba maalmood markaasu yiri: waa maxay maalmahani ? waxay ku jawaabeen reer madiina waa maalmo aanu ciidi jirnay markii aanu jaahiliinta ahayn. Wuxuu yiri Rasuulkeenu scw: Illaahay wuxuu idinku badelay maalmo ka khayr badan waana malinta ciidul fidriga iyo maalinta ciidul-adxaha,

Labadan ciidoodba waxay dhacaan ama yimaadaan marka la soo gebogebeeyo laba Rukni oo waawayn Rukniga Soonka iyo Rukniga Xajjka- Illaahayna  wuxuu yiri: ku dheh nabi Allow waa fadliga Illaahay iyo naxariistiisa ee haku farxaan waana waxa ugu fiican waxay ururinayaan.

Muslimiinta ayaa soo baxaya maalintan iyagoo faraxsan oo wajigoodu ifayo oo isku tahniyadeenaya oo leh Taqaballaahu mina waminkum saalixal acmaal.

Muslimiintaa isku soo baxaya iyagoo isa saamaxaya oo sadaqada isa siinaya oo hadyadaha isku geenaya oo agoonta madaxa u salaaxaya oo qofba qofka kale dhunkanayo maasha Allaah.

Abaal koodu waa maxay dadka soomay soonka ka dib?

Marka dadka soomay u soo baxaan ciida oo u dareeraan halkay ku ciidayaan waxay helayaan abaal marinta Alle waxay tegayaan garoonkii lagu qaybinayey jaa’isadaha iyagoo ku soo baasay imitxaankii Ramadaanka wuxuu yiri Xabiibkeenu scw: maalinta ciidul fidriga malaa’iigta ayaa is taagta  dariiq kasta afkiisa ama meelaha wadooyinku ku kulmaan malaa’iigta ayaa dhawaaqda oo tiraahda “ muslimiintaay  u soo kalaha Rabbi deeqsi ah xagiisa wuxuu idinku galadaystay khayr dabeed si wayn ayuu idiin abaal marinayaa weel wayn ayuu idiinku ridayaa wax wanaagsan iyo ajar wayn dadoow waxaa la idin amray inaad qiyaamu layl la timaadaan waanad la timaadeen, waxaa la idin amray inaad maalintii soontaan waadna soonteen, Rabigiin ayaad adeecdeen guddooma jaa’isadiihiina iyo abaal marintiina maalintan waxaa looga yaqaanaa xaga samada maalintii abaal marinta”

Aadaabta ciida.

Waxaa la suneeyey in qofku maalintaa uu xirto dharka kiisa ugu fiican ee uu haysto, oo qofku is cadareeyo weliba waa ragii e ,wuxuu yiri Xasan Rc Rasuulku wuxuu na amray maalinta ciida inaanu xirano dhar wixii ugu fiican ee aan helayno, oon isku cadarino wixii ugu wanaagsan een helayno,

Rasuulkeenu scw wuxuu xiran jiray isku joog Xabro ah waa maro si fiican loo falkiyey oo uu si gaara ugu diyaarsan jiray ciida oo qurux badnayd.

Wuxuu samayn jiray Xabiibkeenu scw in uu dariiqii markii horre salaada uu sii maray aanu marka danbe soo mari jirin ee uu khilaafi jiray.

Nin ka mida ah dadkii saalixiinta ahaa ayaa lagu yiri: waa goorma ciidiinu? Wuxuu ku jawaabay : waa maalinta Alle aanaan caasiyin. Ciidu maaha uun in dhar qurux badan la xirto  laakiin ciida waa in la muujiyaa waynida Alle oo Alle la adeecaa.

Ciidu maaha maalin Alle la caasiyo oo caruurteena khaasatan hableheena yar yar intaan madaxa u qaawino aan suuqa ku sii dayno, waa maalin mudan inaan Illaahay uga shukrino wanaaga uu inoo khatimay ee Ramadaan.

Had iyo goor umadeenu waxay caadaysataa in maalmahan ciida laga dhigto maalin wax kasta la banaysto subxaan Allaah.

Walaalayaal waxaa inagu soo fool leh maalintaas qaaliga ah ee Illaahay swt adoomihiisa ku abaal marin doono qof waliba wixii uu soo shaqaystay Ramadaan,

Maalintan waa inay is wada saamaxaan dadku maalintan waa inaan kaga farxinaa masaakiinta iyo jiiraankeena wixii aan karno ee ku dhaano.

Maalintan waa inaan umadeena u dardaaranaa khayr, maalintan waa inaan ummadda islaamka guud ahaan gaar ahaana walaaleheena muslimiinta adduunka daclidiisa ku dulman u ducaynaa sida walaalaha Falastiin iyo ummada soomaaliyeed ee dhibaataysan,

Maalintan waa maalin leh qadarin iyo qiimo gaar ah waa maalinta uu farxayo qofkii soo soomay bisha ramadaan uuna murugoonayo qofkii dayacay bisha Ramadaan,

Maalintan waxay shabahdaa qiyaamaha wejiyadii soomay way nuurayaan wejiyaddii soonka diiday way madaw yihiin, qofkii Illaahay bilaa nuur ka dhigo yaa nuur siin karaya ? cidnaba ma siin karto. Qofkii Illaahay nuur siiyey yaa ka qaaddaya nuurka ? cidina kama qaadi karto.

Maalintani waa maalin uu farxayo muuminku wuxuu yiri xabiibkeenii scw: qofka soomani laba goor ayuu farxaa marka uu afuro waa afurada ama maalinta ciidana waa la yiraahaa maalinta afurada, wuxuu kaloo farxaa maalinta uu la kulmo Alle swt ee lagu abaal mariyo soonkiisii iyo daacadiisii uu ku soo dedaalay markuu aduunka joogay,

Labada maalmoodba midda aynu Alle la kulmayno iyo tan aynu ciidaynaba Alle ha inaga farxiyo.

Dhamaanteen ciid wanaagsan aan ku ciidno Inshaa Allaah

WD: Ibraahim Warsame

HABEEN KA KHEYR BADAN KUN BILOOD!

Ilaahay ayay mahad idilkeed u sugnaatay, Naxariis iyo nabad gelyo illaahay dushiisa ha yeelo Nabi Maxamed.

Fadliga ay leedahay bisha ramadaan guud ahaan waa mid weyn waana bilaha 12 ka ah ee sanadka tan ugu fadliga badan sida ku cad shareecada islaamka bishan waxay kulansatay kheeraad badan. Waxaan nagaga filan xadiis ka sugan nabiga n.n.k.h kaa oo ah macanihiisa marka ay bilato bisha ramadaan shayaadiinta oo dhan waa la xirxirayaa.

Tirada ay bishu ka koobantahay ayaa loo kala qeybiyey 3 qeybood oo kala ah tobanka hore, toban dhexe iyo toban dambe. Saddexdan qeybood ee toban tobanka ah ayaa qeyb walba waxay xambaarsantahay kheyraad  iyo faa’iidooyin gaara, kuwaasoo kala ah:

Tobanka hore lagu tilmaamay inay tahay raxmad ama naxriis.

Tobanka dhexe oo lagu sheegay inay tahay Dambi dhaaf.

Iyo Tobanka ugu dambeeya oo ku tilmaaman in Alle SWT addoomadiisa ka xoreynayo Naarta, Alle hanaga dhigo kuwii ka wada faa’ideysta dhammaan qeybaha lasoo tilmaamay, Aamiin.

Tobanka ugu danbeeya bisha ramadaan marka la gaaro sida ku sugan kitaabada sunada nabiga nnkh waxa uu u dadaali jiray  si uusan ugu dadaalin 10-nadii hore.

Caaisha ilaahay haka raali noqdee oo ah mu’umniinta hooyadood xaaska nabiga scw waxay tiri (marka la gaaro 10-ka danbe ee bisha ramadaan habeenkii oo dhan cibaadada ayuu ku nooleen jiray Rasuulka SCW oo ku dadaali jiray reerkiisana hurdada ayuu ka toosin jiray hoos guntiga  ayuuna adkeysan jiray oo waa uu dadaali jiray) Hadaba waxaa u wanaagsan shakhsiga Muslimka ahi inuu ku daydo suubanaha rasuulka Alle NNKH isagaa ku dayasho ugu fiican.

Waa inaanu lumin fursadan qaaliga ah oo cimrigiisa soo maraysa  taasoo ah 10-ka danbe ee qaniimada dhex taalo oo aadka u fadliga badan, sida ku xusan nusuusta waxaa ku jira habeenka la yiraahdo (leylatul qadri) haddii aad haleesho habeenkaas waxay u dhigantaa adiga oo cibaadeestay 83 sano iyo bilo. Sidaan wada ognahay umada nabi maxamed cimri ahaan waxay u badan yihiin inay gaaran 60 illa 70 illa 80 waxaa yar inta dhaafta da’adaas.

Fadliga tobanka dambe ee bisha ramadaan waxaa ka mid ah:

Leylatul Qadri

Waa maxay leylatul qadri?

Culimada waxay yiraahdeen micnaheeda

Waxaa weeye:- qadarka iyo qiimaha habeenkaa ayaa weyn oo ilaahay waxa uu asturaa ceebaha dad badan waxa uu u danbi dhaafaa adoomo badan.

Qofkii habeenkaa cibaadada ku dadaala habeenkaa qadarkiisaa ayaa sare maraya

Waxaa kaloo culimadu yiraahdeen:- waxaa lagu qadaraa acmaal badan oo waxa uu ilaahay ku qadraa kuwa dhimanaya kuwa noolaanaya kuwa guuleysanaya kuwa halaagsamaya kuwa noqonaya kuwa sacaada hela aduun iyo aakhiro kuwa xumaanaya labada daarood.

Waxaa kaloo ay culimada yiraahdeen qadartii ku qorneed luuxal maxfuudka ayaa laga soo guurinayaa qadartii sanadka oo loo soo dhaadhicinayaa qof walba waxii loo qoray.

Waxay kaloo culimadu sheegeen in uu yahay habeen aad  u weyn oo

“Qofkii habeenkaas u istaaga cibaado isagoo ilaahay rumeysan ajarna ka filaaya waxa uu ilaahay udhaafaa danbigiisa uu horay u galay”

Habeenkan leylatul qadriga fadligiisa waxaa ka mid ah.

Quraanka ayuu ilaahay soo dajiyay

Waa habeen ka kheyr badan 1000 habeen

Waa habeen barakeesan

Malaaikta ayaa habeenkaa soo dagaysa

Waa habeen nabad gelyo

Waa habeen wax walba oo suuban la xugminaayo

Ilaahay ayaa u danbi dhafaa habeenkaa ruuxii muslim ah oo  haleela asigoo cibaadeysanaya.

Sida ku Cad axaadiis ka sugan nabiga naxariis iyo nabadgelyo korkii ilaah ha yeelee habeenkan qiimaha badan ee leylatul qadri waxa uu ku jiraa 10-ka danbe gaar ahaan maalmaha tirada is dheer ee kala ah 21-23-25-27-29. Ilaahay hana haleeshiyo habeenka leylatul qadriga ah.

Waxaa kaloo aad muhiim u ah oo isu dardaarmaynaa in aan  badino baryada Alle SWT kana barino inuu na waafajiyo kheyrka badan ee bishaan barakeysan ka buuxshay. Waxaa kaloo wanaagsan in aan u duceyno walaalaha muslimiinta oo dhan iskuna kaashano inaan habeenadaas 10-ka ah ee fadliga gaarka ah Alle yeelay ku dadaalno waayo ma jirto cid naga mid ah oo og in mar kale soo marayso fursadan qaaliga ah.

Ilaahay waxan ka baryeyaa in uu naga dhigo kuwii loo dambi dhaafo naartana laga xoreeyo, waxaan kaloo Alle ka baryeyaa inuu cimri dheer oo cibaado suuban leh na siiyo Ramadaano kaloo badanna na gaarsiiyo nooguna kaalmeeyo inaan ka wada faa’iideysano.

Ugu dambeyn: Waxaa nafteyda iyo tiina kula dardaarmayaa inaan ku dadaalo cibaadada noocyadeeda kala duwan si aan uga faa’iideysano habeenkaas kheyrka badan oo ilaahay aan u kaalmeysano kana barino inaan gaarno habeenkaas.

 

WD: Ibraahim Warsame

 

WADDOOYINKA IN LA DHOWRO BULSHADA AYEY MUHIIM U TAHAY

Waddada waa marinka isku xira xaafaddo, magaalooyinka iyo marino muhiim ah oo layskaga kala goosha, taasoo dad iyo duunyaba lagama maarmaan u tahay la’aanteed.

Guri kasta marka uu qof doonayo in uu iibsado waxa ugu muhiimsan ee laga eego waa jidadka, haddii aanu booskaasi lahayn marin wanaagsan, lama iibsanayo ama qiimo fiican ma goynayo.

Haddaba, waddooyinka oo wanaagsanaado waxay bulshada iyo muumulkaba u sahashaa adeeg suuban oo isku xir xooggan leh, waxay sahashaa in safaradda loogu kala goosha dalka gudihiisa iyo debaddiisaba in si dhakhsi ah lagu gaaro hadba qofka meesha uu doonayo.

Dhanka kale, waxaa jirto burbur xooggan oo soo gaaray waddooyinka, kuwaasoo la burburay dowladdii dhexe ee Soomaaliya haba ugu badnaadaan kuwa gobolladda dalka, waddada dheer ee xiriiriso Xamar ilaa Hargeyso waa marinka ugu dheer dalka badankiisa burbur lixaad leh ayaa soo gaaray, inkastoo ay meelaha qaarkooda maamuladii dalka ka jiray ay meelo ka dhiseen, haddana baahi weyn ayaa ka jirto.

Xilliyadda roobabka ay curtaan, oo roob lagu diirsado da’o wuxuu galaaftaa waddooyin muhiim u ah bulshada, wuxuu burburiyaa buundooyin, wuxuu kala xiraa safarka meelo badan oo dalka ah.

Bulshada iyada ayaa isu xilqaami karto dib u dayactirka waddooyinka halbowlaha u ah mushtamaca, Soomaalida ayaa tiraahda “Far keliya fool ma dhakhdo” taasoo loola jeeda markii xoogga iyo maskaxda la biiriyo in ay waxqabad kasoo baxayso taasoo lagu dhisi karayo jidad badan oo muhiim ah.

Dowladda Soomaaliya oo gaashaneysa saaxiibadeed ayaa dhistay dhowr waddo oo caasimadda iyo gobollada ah, waana marino loo baahi qabay isticmaalkooda, welina dowladda waxay ku howlantahay in ay hagaajiso jidadka dayacan ee guud ahaan dalk.

In la ilaaliyaa badqadka jidadka waxay u muhiim u tahay shacabka, waana in ay u istaagaan dhowritaankooda, dowladdana masuuliyad weyn ayaa ka saran wax ka qabadkeeda.

WQ: C/wali Daljir

DEEN CAFINTA SOOMAALIYA OO MAREYSA MEEL GABO GABO AH

Tan iyo burburkii kadib soomaaliya waxaa ay ladaala dhaceysay deen tara beel ah oo looga leeyahay dunida daafeheeda islamarkaana dowladdu ay caqab xoogg leh ay ku haysay deenta badan ee lagu leeyahay islamarkaana aysan dowladdu soo amaahan karin lacago iyo waxyaabo badan oo ay u baahneed dowladda balse ay caqad ku aheed deenta tiro beelka ah ee lagu leeyahay dalkeena hooyo.

Deen cafinta ayaa soo bilaabatay muddo xileedkii hore ee Madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Dr. Hassan Sheikh Mahamuud waxaana sii xoojiyey dowladdii ka danbeysay.

Sidoo kale, dib u doorashadiisii Madaxweynaha jamhuuriyada Dr Hassan Sheikh ayaa dhabarka u dhigtay dhameestirka deen cafinta soomaaliya.

Deen cafinta ayaa waxa ay mareesaa meel gabo gabo ah waxaana ay dowladda Soomaaliyeed ay ku howlan tahay sidii ay sanadkan 2023 ay ku soo dhameen laheed deen cafinta waxayna dowladdu galisay dadaal badan oo lagu soo afjaraayo deen cafinta soomaaliya.

Dowladda uu hormuudka u yahay Madaxweynaha jamhuuriyada federalka Dr. Hassan Sheikh Mahamuud iyo Ra’iisal wasaaraha xamse Abdi Bare ayaa dadaal xooggan iyo juhdi badan galinaayo sidii soomaaliya deynta looga cafin lahaa islamarkaana ay dowladda Soomaaliyeed ay noqon laheed dowladd awooda hormarinta kaabayaasheeda dhaqaale islamarkaana dalka uu gaari lahaa isku filnaasho dhaqaale.

Hadaba, Soomaaliya haddii laga cafiyo maxaa faa’iido ah ayaa ugu jira.

Dowladda Soomaaliyeed iyo shacabkeeda faa’iido weyn ayaa ugu jirto sababtoo deenta hada lagu leeyahay soomaaliya waxa ay Ka hor istaagtay waxyaabo badan oo ay ugu horeyso hormarinta kaabayaasha dhaqaale ee dalka, Ka qaadista cunaqabateen hubka iyo in maalgashadayaal caalami ah ay dalka yimaadaan si ay u maal gashadaan.

Sidoo kale, Soomaaliya faa’iido weyn ayaa ugu jirto deen cafinta waxaana dhallinyaro badan ee shaqo la’aan baahsan haysay ay heli lahaayeen shaqooyin wax ku’ool ah islamarkaana noloshooda iyo mida qoyskooda wax weyn ka badaleeysa isla markaana ay dhallinyarada ay dalkooda ku sii nagaadaan kuwii ka tahriibay dalka dib ugu soo noqon lahaayeen.

Isbaddal xooggan ayaa ku imaanaayo dalka dhanka dhaqaalaha waxaana dalka imaanaayo warshado badan oo wax soo saaraya islamarkaana ay shaqo Ka heli lahaayeen kumanaan shacab ah oo aan shaqo haysan taasina waa faa’iido weyn hadii la dhaafo deenta.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

U DABAAL DEGGA MAALINTA CIIDUL FIDRIGA

Guud ahaan Dunida Muslimka ah waxaa looga dabaal dagayaa maalinta ciida oo ah maalin ay muslimiinta dunida daafeheeda ku nool ay ciidaan islamarkaana ay muslimiinta ay is dhaafsadaan tahniyadaha maalinta ciida waana maalin farxadeed kuna weyn bulshyooyinka muslimiinta ah meel kasta oo ay ku nool yihiin.

Bulshada Soomaaliyeed dhankooda ayaa iyana u dabaal dagaayo maalintaan farxadeed ee ciida ah ayaga oo muujinaayo dareenkooda farxadeed ee ciida maadaama ay soo soomanaayeen bishii barakeysanaa ee ramadaan isla markaana ay ciidayaan.

Magaalada muqisho oo ah caasimadii dalka ahna muraayadii dalkeena ayaa siweyn bulshada Soomaaliyeed ee ku nool ku ciidayaan ayaga oo dareeya goobaha salaada ciida ah ee lagu oogaayo waxaana bulshada Soomaaliyeed ee ku nool caasimada wajiyadooda Ka muuqdo faraxda ciidul fidriga.

Sidoo kale gobolada dalka ayaa iyana sidoo kale  lagawada ciiday , ciid ku dheehan farxad, damaashaad, qaraabo iyo isku tahniyadeenta yoomul farxul ciida oo ay muslimiinta iskugu tahniyadeeyaan.

Goobaha la iskugu yimaado ee magaalada muqisho ayaa bulshada Soomaaliyeed ku damaashadayaan ayaga oo ku galaya sawiro qurxoon waxaana ay ku soo bandhigaan qaarkood baraha bulshada si ay dareenkooda farxadeed ee ciida ah kula qeyb sadaan Umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Madaxda dalka uu ugu horeeyo Madaxweynaha jamhuuriyada federalka Dr Hassan Sheikh Mahamuuud, Gudoomiha Golaha Shacabka Sheikh Adan Madoobe, Raiisal wasaaraha Hamze Abdi Bare iyo Masuuliyiinta kala duwan ayaa iyana dhankooda bulshada Soomaaliyeed lawadaagay hampalyada ciida ayaga oo shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey nabad, baraaro iyo barwaaqo.

Dhankalena shacabka ayaa iyana dhankooda iskugu hampalyeenaayey faraxada ciida ayaga oo isku gudbinaayo dhambaalo qurxoon oo lagu xardhay farxada ciida.

Ciidan ciideedaha kale waa ay Ka duwan tahay sababtuna waxa ay tahay in dowladdu ay khawaarijta Alshabaab ay dhulbadan Ka xureeyeen oo maanta sinabad ah bulshada Soomaaliyeed ku ciidayaan sidoo kalena xasiloonidii dalka oo iyana meel saro gaartay.

Bahda wargeyska dalka oo uu ugu horeeyo agaaasimaha wargeyska dalka, Tafatiraha iyo dhamaan shaqaalaha wargeyska oo isku duuban ayaa idin leh ciid wanaagsan.

Ciidan ciideeda kalena Allow nabad inagu gaarsii insha’Allah.

Kulo caam wa antum bilkheer taqabalalaahu minaa waminkum saalixal acmaal.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan