Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Kampala kaga qeyb galaya Shir ku saabsan sidii ciidamada Soomaaliya ay ula wareegi lahaayeen amniga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala, halkaas oo uu ka ga qeyb-galayo shir-madaxeedka dalalka Ciidamadooda  ka qeyb-qaadanayaan xasilinta iyo nabadda dalkeenna (ATMIS), iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shirka ku soo bandhigayso sida ay uga go’an tahay in ay la wareegto amniga dalka dhammaadka sannadka soo socda.

Madaxda ayaa ka arrinsanaya hannaanka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay si buuxda ugula wareegi lahaayeen amniga dalka dhammaadka sannadkan iyo qorshaha Ciidamada Afrika ee ku sugan Soomaaliya ay kaga qeyb qaadanayaan howlgallada dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya guulaha isdabajoogga ah ee geesiyaasha Soomaaliyeed ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada ayaa xoogga saaraya abaabulka taageerada farsamo iyo milatari ee wajiga labaad ee howlgalka lagaga cirib-tirayo khawaarijta Alshabaab dalka iyo guud ahaan gobolka.

  

Ciidamada Booliska gobolka Banaadir oo gacanta ku dhigay walxo qarxa iyo dhagar qabihii waday

Hoggaanka Baarista Dembiyada iyo Qeybta Guud ee Booliska gobolka Banaadir oo iskaashanaya ayaa maanta degmada Deyniile gaar ahaan WARLALISKA ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan eedeysane Khawaarij Xasan Nuur Cali oo walxaha qarxa ku waday Mooto Bajaaj Guduud ah.

Ciidanka Booliska oo fashiliyay qorshaha Khawaarij Xasan Nuur Cali ayaa sheegay inuu rabay waxyeeleynta shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, waxayna ciidanku halkaas ay ku qarxiyeen miinadii uu waday dhagar- qabaha.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Hindiya

New Delhi- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan Abubakar oo uu wehlinayo Danjiraha dowladda Soomaaliya ee dalka Hindiya Mudane, Axmed Cali Daahir ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka qoyska ee dowladda Hindiya Mudane, Mansukh Mandaviya.

Kulanka labadada Wasiir ayaa looga hadlay arrimo aad muhiim ugu ah labada dal oo ay kamid yihiin,  iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta Caafimaadka, kor u qaadida kaabayaasha Caafimaadka, tababarrada shaqaalaha Caafimaadka, tayada daawada iyo isticmaalka qalabka, Tignoolojiyadda, si loo horumariyo adeegyada Caafimaadka.

Sidoo kale, labada mas’uul ayaa isla gartay in loo baahan yahay in la fududeeyo howalaha safarka Caafimaadka ee ay dadka Soomaaliyeed ku tagaan dalka Hindiya.

Wasiirka Caafimaadka ee dowladda Soomaaliya ayaa dhiggiisa Hindiya kala hadlay muhiimadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay helaan adeeg Caafimaad oo tayadiisa lahubo, islamarkaana dhameystiran.

Norwey oo sheegtay in ay ka go’an tahay ka mira-dhalinta wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabbilsan arrimaha Somaliland mudane, Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta kulan miro-dhal ah la qaatay Ergeyga Arrimaha wada hadallada iyo dib u heshiisiinta Dowladda Norwey  Ms. Heidi Johansen, iyagoo ka wada hadlay hannaanka ugu wanaagsan ee loo wajihi karo xal u helidda arrimaha Somaliland.

Mudane, Guuleed ayaa warbixin ka siiyay Ergeyga Norwey sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay dib u billaabidda iyo dardargelinta wada hadallada Somaliland, waxaana uu la wadaagay in ay diyaar u yihiin wax kasta oo looga gun-gaarayo  arrimaha Somaliland.

Dhankeeda Ms. Heidi Johansen ayaa muujisay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay Soomaaliya garab istaagaan xili kasta, sidoo kalana ay gacan ka geysan doonaan ka mira-dhalinta wada hadallada dowladda Soomaaliya iyo Somaliland.

    

Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho, Arbaco, 26 April, 2023

1- Dowladda iyo shacabka ayaa ugu Hambalyeeyay Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo bishii Ramadaan xaqiijiyay in magaalooyin badan oo dalka ka tirsan si nabad ah loogu soomay, laguna ciiday. Ciidanka oo kaashanaya shacabka ayaa Khawaarijta u diiday fursad ay ku geystaan falal argagixisonimo sidii looga bartey sannooyinkii la soo dhaafay.

2-Munaasabadda Ciidul Fidriga awgeed ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey inay is cafiyaan, is-kaalmeeyaan, lagana shaqeeyo dowlad dhiska iyo ciribtirka Khawaarijta.

3-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis u fidiyay 127-maxbuus oo ku xirnaa xabsiyada dalka munaasabadda Ciiddul Fidriga awgeed.

4- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cabdi Barre ayaa Ciidammada Qalabka Sida ugu hambalyeeyay suuragelinta sugidda amniga dalka, gaar ahaan iyagoo suurageliyay in magaalooyin badan oo dalka ka tirsan 15 sanno kadib si nabad ah oo xorriyad leh loogu afuray.

5-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo booqday xerada milateriga ee Gordan ee Muqdisho ayaa halkaasi kula dardaarmey cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo ku biiraya hawlgalada ciribtirka Khawaarijta ee dalka daafahiisa ka socda.

6-Madaxweyne Xasan Sheekh oo Marwo Maryan Yaasiin u magacaabey Ergayga Arrimaha Carruurta iyo xuquuqda Soo-galootiga.

7-Dowladda Federaalka Soomaaliya oo degdeg u bilaabeysa daadgureynta iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka Suudaan oo dhowaan ay dagaalo ka bilowdeen.

8-Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Burundi Albert Shingiro oo dhowaan Muqdisho booqasho ku yimid ayaa bogaadiyay guulaha degdegga ah ee Dowladda Soomaaliya ay ka gaartey dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al Shabab, isagoo intaa ku darey in Burundi ay si buuxda u garab taagan tahay Soomaaliya.

9-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa wakiillada hay’adaha caalamiga kala hadashey qorshaha samatabixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan dalka Suudaan oo dagaalo ka socdaan.

10-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Mudane Maxamed Cali Xagaa oo guddoomiyay shir looga hadlayey xoojinta amniga iyo hirgelinta Xeerka Xakameynta Hubka ee caasimadda.

11-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo burburiyay goobo ay Khawaarijta dadka ku baadi jireen oo kala ah

Aw-dheegle, Daanyeerrey, Gumeysi diid, Ay Butey, Buulo Naageey iyo Keli caafimaad oo ka kala tirsan Aw-dheegle, Jannaale iyo Lambar Konton ee gobolka Shabeellaha Hoose.

12-Ciidamada Xoogga Dalka ayaa fashiliyay weerar naf la caari ah oo Khawaarijta ku qaadeen magaalada Masagawaa ee gobolka Galgaduud.

13-Ciidanka Xoogga Dalka oo Khawaarijta ka xoreeyay tuulada Jameeco ee gobolka Hiiraan.

14-Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir oo hawlgal amniga lagu sugayo ka fuliyay Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay dhowr burcad ah iyo dad ka ganacsanayey maandooriyaha.

15-Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa la horkeenay 30 ruux oo ajaanib ah oo lagu soo eedeeyay inay kaluumeysi sharci darro ah ka fuliyeen xeebaha dalka. Waxaa sidoo kale maxkamadda ay xaraasheysaa kaluunkii sida sharci darada ah ay eedeysanayaasha uga jilaabteen xeebaha Soomaaliya.

16- Ciidanka Danab oo deeq raashin ah gaarsiiyay xarun ay ku jiraan caruur darbi jiif ah.

17- Maamulka Gobolka Banaadir oo xiray goobo lagu iibiyo maandooriyaha oo ku yaala xeebta Liido ee Muqdisho.

18-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa burburiyay fariisimo qarsoodi ah oo Khawaarijta ku lahaayeen degaanka Ceel-Qansax oo hoos taga degmada Galcad e Galmudug.

19-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Daraawishta Jubaland ayaa burburiyay fariisimo ku yaalla Buula Maadey iyo Alamgaab oo ka tirsan Jubbada Hoose, halkaas oo ay Khawaarijtu ku dhuumaleysanayeen.

20-Ciidanka Danab ayaa deeq gaarsiiyay qeybo ka mid ah Degmada Galcad oo ka mid ah degaannadii laga xoreeyay Khawaarijta Al Shabaab.

=========DHAMMAAD===========

Duqa Muqdisho oo digniin u diray dadka ka ganacsada maandooriyaha

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Saldhiga Degmada Yaaqshiid ku kormeeray howlgal ay Ciidanka Boliiska kusoo bandhigeen maandooriye isugu jira Calaq iyo Xashiish.

Mudane, Madaale ayaa sheegay inay bartilmaameed u tahay noocyada kala duwan ee daroogada iyo cidda ehelka u ah oo ay ka mid yihiin , kuwa tacba, gado, iibsada iyo kuwa isticmaalayaba, wuxuuna ugu baaqay dadka arrimahaasi ku feegan inaysan nolol ku jirin xaaraan diintuna ay mabnuucday iyaguna ay la dagaallami doonaan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale digniin kama dambaysa u diray dadka furtay goobaha lagu tunto, wuxuuna sheegay inay u dulqaadan doonin kuwa gabdhaha 15 jirrada ah iyo wiilasha yaryar fasaadiya wuxuuna ku tilmaamay cadow nagu soo duulay.

Dhinaca kale, Taliyaha qeybta Bari ee Gobolka Banaadir G/le Macallin Aadan ayaa ka war bixiyay howlgal ay ciidanka Amniga kusoo qabteen muqaadaraad kala duwan oo isugu jira 10 jirigaan oo Calaq ah iyo 11 jawaan oo Xashiis ah, wuxuuna sheegay inay sii wadi doonaan la dagaallanka waxyaabaha halista ku ah bulshada.

Muwaaddiniintii ugu horreeyay oo laga soo daadgureyay Suudaan

Dowladda Soomaaliya ayaa muwaadiniintii ugu horreysay oo laga soo daadgureeyay dalka Suudaan maanta ka soo dajisay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Muwaadiniinta maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo tiradoodu gaareyso 18 qof ayaa laga soo daadgureeyay Xadka Sudaan uu la leeyahay dalka Koofurta Suudaan gaar ahaan Magaalada Buluja.

Ku simaha xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb, Cabdiraxmaan Nuur Diinaari oo Garoonka Adan Cadde ku soo dhaweeyay Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in diyaarad qaas ah oo ay leedahay dowladda Kenya looga soo qaaday Dalka Koofurta Suudaan.

Amb; Diinaari ayaa sheegay in dowladdu ay weli ku howlan tahay sidii dalkooda hooyo looga soo celin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay saameynta ku yeesheen colaadda ka taagan dalka Suudaan.

 

Aqalka Cad oo xaqiijiyay in Biden uu ka qeyb galidoona shirka G7 ee Hiroshima

Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa maanta ku dhawaaqay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ka qeybgali doono shirka G7 ee 19-ka ilaa 21-ka May ka dhacaya magaalada Hiroshima ee dalka Japan.

Afhayeenka Aqalka Cad Karen Jean-Pierre, ayaa bayaan ku sheegay in Biden uu kala hadli doono madaxda kooxda G7, gaar ahaan, taageerada joogtada ah ee lasiiyo dalka Ukraine, dhibaatooyinka cuntada iyo cimilada, siyaabaha lagu hubinayo dhaqaale loo dhan yahay iyo dadaallada loogu gudbayo tamarta nadiifka ah.

Madaxweyne Biden ayaa sidoo kale booqan doona Sydney 24-ka May si uu uga qeyb galo shirka Quad oo ay isugu imaanayaan madax a kala socoto Mareykanka, Australia, Japan iyo Hindiya.

Madaxda afartan dal ayaa ka wadahadli doona kaabayaasha dhaqaalaha, caafimaadka, isbedelka cimilada iyo arrimo kale oo muhiim u ah gobolka Indo-Pacific, sida uu sheegay Jean-Pierre.

 

Wasiirka Caafimaadka XFS oo Safar shaqo ku tagay Hindiya

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya,  mudane Cali Xaaji Aadan, oo Safar shaqo ku gaaray dalka Hindiya ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Gandhi Airport ee caasimada New Delhi.

Wafdiga uu hoggaaminaya Wasiirka ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Axmed Cali Daahir iyo Qunsulka ahna Ku-xigeenka Safiirka mudane Cabdifataax Cabdullaahi Nuur.

Wasiirka ayaa inta uu halkaasi joogo ka qeyb gali doona shir caalami ah oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Caafimaadka Hindiya, oo looga hadli doona arrimo quseeya Caafimaadk, kaasi hal ku dhiggiisu yahay ONE HEALTH oo ah Caafimaad mid ah.

Ciidanka xoogga dalka oo khawaarijta ka xoreeyay tuulada Jameeco ee gobolka Hiiraan

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa khawaarijta Al-shabaab ka fara maroojiyay Tuulada Jameeco ee gobolka hiiraan kadib weerar qorsheeysan oo ay halkaasi ku qaadeen xoogagga is garabsanaya.

Ciidanka xoogga ayaa argagixisada halkaasi kaga furtay hub iyo saanad kale oo ay ka carareen khawaarijta, iyagoo ku raadjooga firxadka haraadigooda sida ay warbaahinta Qaranka u sheegeeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka.