Senetor Dufle oo sheegay in uu soo bixi doono sharci lagu nidaaminaayo ka ganacsiga daawooyinka

Senetor, Cisman Xaaji Maxamuud Dufle,ayaa sheegay in labada gole ee baarlamaanka XFS uu horyaallo sharci ku saabsan nidaaminta daawooyinka aasaasiga ah ee ganacsi ahaan loo keeno gudaha Dalka Soomaaliya.

Senetorka oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa xusay in sharcigaan oo ay soo gudbiyeen Wasaaradda caafimaadka XFS uu ujeedku yahay in si wadajir ah looga hortago  daawooyinka ganacsiga ,gaar ahaan kuwa loo isticmaalo sida qaldan.

Dr.Dufle,waxa uu tilmaamay in haatan ay socdaan dodo ku saabsan sharcigaasi,isla markaana uu dhowaan soo bixi doono sharci adag oo lagu xakameynayo ganacsiga daawada,gaar ahaan daawooyinka loo isticmaalo sida qaldan.

Senetorku,waxa uu qiray in ay lagama maarmaan tahay in gacanta dowladda lagu maamulo daawooyinka oo muhiim u ah nolosha dadka,si ayuu yiri looga badbaado qataraha ka imaan kara sida qaldan ee loo adeegsado daawooyinka qaar.

Ukrine:Ruushka oo gantaallo ku garaacay Kyiv iyo magaalooyin kale

Magaalooyin dhowr ah oo ay ku jirto caasimadda Kyiv ee Ukrine, ayaa waxaa lagu garaacay mowjado gantaallo ah oo ay fuliyeen ciidamada Ruushka.

Magaalada Kyiv, 11 gantaal iyo laba diyaaradood oo weerar ah ayaa lagu soo riday nidaamka difaaca hawada, sida ay saraakiishu sheegeen.

Madaxa maamulka militariga ee magaalada Kyiv ayaa sheegay in tani ay tahay weerarkii ugu horeeyay ee gantaalada Ruushka lagu qaado caasimadda muddo 51 maalmood ah.

Sidoo kale qaraxyo ayaa ka dhacay magaalooyinka Kremenchuk iyo Poltava, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Interfax.

Haweeney iyo ilmo saddex caruur ah ayaa lagu dilay magaalada Dnipro, sida uu sheegay duqa deegaanka,halka la sheegay in shan qof loo qaaday isbitaal.

Sawirro laga soo qaaday magaalada Uman ayaa muujinaya dhismo ka kooban sagaal dabaq oo aad u burburay .

Shirka wadamada ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo la soo gabangabeeyey

Kampala: Madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa shir uga socday magaalada Kampala ee dalka Uganda, 26-27 Abriil 2023, waxa ay ka soo saareen war-murtiteed ka kooban dhawr qodob oo ay ku taageerayaan dib u kabashada amni ee Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda shirka ka qaybgashay la wadaagay guulaha waawayn ee ciidanka xoogga iyo shacabka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ka gaareen la dagaalanka xagjirka, taas oo u baahan in wadamada gobolku taageeraan.

Madaxda ka socotay dadalka Kenya, Ethiopia, Djibouti, Uganda, Burundi iyo midowga Afrika ayaa qodobada ay shirkooda ka soo saareen waxaa ka mid ah.

1-In la hirgaliyo habraaca dhimista ciidamada ATMIS oo Soomaaliya ka baxaya dhamaadka sanadka 2024.

2- In la helo dhaqaale ku filan iyo taageero saadka ah oo la siiyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, si ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka, dhammaadka sannadkan.

3-In la qaado cunaqabateynta hubka, lana dhaqan geliyo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya si loo helo Soomaaliya nabad ah.

4- Waxaa la bogadiyay guulaha ciidanka xoogga dalka ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada.

5-Waxaa hoosta laga xariiqay Qarannimada, Madax-bannaanida Siyaasadeed iyo Midnimada Soomaaliya.

           

Xubin ka tirsanaa khawaarijta oo isku dhiibay Ciidanka Xoogga dalka

Baydhabo- Isxaaq  Macallin Aadan oo Magaciisa Af-garashadu yahay Isxaaq Calooley ayaa isku soo dhiibay qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Isxaaq ayaa khawaariijta u qaabbilsanaa qeybta jabhadda, isagoo ka qeyb qaatay dagaallo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada Baay, Gedo iyo Shabeellada dhaxe.

Isxaaq waxaa uu sheegey in sababta ku kalliftay in Khawaariijta uu isaga soo baxo ay tahay dhibaatada ay u geysanayaan Shacabka iyo gumeysiga dhexdooda ka jira.

Hay’adda SODMA iyo hay’adaha bah wadaagta la ah oo ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa deeqaha Soomaaliya

Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka ee SODMA iyo kuwa bah-wadaagta la ah ayaa manta kulan uu heerkiisu sarreeyo ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayay dardar gelinta howlaha gurmadka Soomaaliya iyo sidii gargaar loo gaarsiin la ahaa dadka danta yar ee ku nool gudaha dalka.

Waxaa shirkan ka qeyb-galay Ergayaga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyada ee u qaabbilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka Maxamed Cabdi Waare, Wakiillo ka socda deeq bixiyayaasha, hay’adaha gargaarka Qaramada Midoobay, hay’adaha aan dowliga ahayn ee gargaarka ka shaqeeyo, mas’uuliyiin ka socota maamul Gobaleedyada dalka iyo hay’adaha gargaarka ee maxalliga ah.

Gudoomiye ku-xigeenka Hay’addda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA Dr; Axmed Cabdi Aadan oo si rasmi ah u furay shirka  ayaa sheegay in ujeedka shirka yahay sidii loogu codsan lahaa deeq bixiyayaasha in ay kor u qaadaan deeqaha ay ugu talagaleen bulshada, si ay awood ugu yeeshaan in ay u gurmadaan shacabka ku nool deegaannada fog fog ee dalka.

     

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 m𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐗𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 gu𝐮𝐝 𝐞𝐞 d𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚

Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansixiyey magacaabista Xisaabiyaha guud ee Dowladda iyo heshiisyo iskaashi oo ay wada gaareen Soomaaliya iyo Qatar.

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee magacaabista Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, kaas oo loo magacaabay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Anas oo leh khibrad dhanka Maamulka iyo Maaliyadda.

Golaha ayaa ansixiyey heshiis Iskaashi Maamul wadaag oo ku saabsan dhaqan-gelinta Sharciga Canshuuraha Kastamada Soomaaliya iyo Qatar, Soo jeedin ku saabsan ku biirista aagga ganacsiga xorta ah ee dalalka Carbeed iyo Heshiiska Is-af-garad ee Iskaashiga Arrimaha Caddaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya iyo Qatar.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa warbixin ka siiyey golaha howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah iyo xasillinta deegaannada la xoreeyey, wuxuuna goluhu boggaadiyey guulaha ay ciidamadu ka gaareen goobihii cadowga laga sifeeyey.

Golaha ayaa warbixin la xiriirta xaaladda dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Suudaan ka dhageystay guddiga gurmadka soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan colaadda ka taagan Suudaan.

DFS oo guddi u magacaawday samatabixinta muwaadiniinteenna ku xaniban Suudaan

Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyey kulan deg-deg ah oo ay  isugu yimaadeen xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, kaasi oo lagu magacaabay guddi ka shaqayn doona soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan colaadda ka taagan dalka Suudaan.

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa warbixin shirka ka siisay xaaladda ay ku sugan yihiin dadka Soomaaliyeed ku sugan dalka Suudaan oo maalmihii ugu danbeeyey hareeyeen colaado sokeeye, isagoo sheegay in ay Wasaaraddu xiriiro kala duwan la samaysay diblamaasiyiinta dowladaha deriska la ah Suudaan si ay ugu fududeeyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay si nabad ah ugu talaabaan, isla markaana ay xuduudaha Suudaan ka howl galiyeen xarumo dadka Soomaaliyeed loogu fududaynayo isu socodka.

Xubnaha guddiga la magacaabay ayaa ka kooban:-

  1. Mudane Abshir Cumar Jaamac – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Guddomiye
  2. Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawida Xubin
  3. Mudane Axmed Macalin Fiqi – Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xubin
  4. Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir – Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Xubin
  5. Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye – Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xubin
  6. Mudane Dr Cali Xaaji Aadan – Wasiirka Caafimaadka iyo Dareyeelka Bulshada Xubin
  7. Mudane Maxamed Barre Maxamuud – Wasiirka Dhallinyarada iyo Cyaaraha Xubin
  8. Mudane Daauud Aweys Jaamac – Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xubin
  9. Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh bashiir – Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Xubin
  10. Mudane Maxamed Cali Xagaa – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Ahna Ku Simaha Wasiirka Xubin
  11. Mudane Xirsi Jaamac Gaani – Wasiir Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xubin
  12. Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf – Ergayga arrimaha xuquuqda soo-galootiga -Xiriiriye.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa faray guddiga in ay sida ugu dhakhsaha badan uga howlgalaan soo samatabixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee weli ku xaniban dalka Suudaan.

Hoggaanka ciidanka Sudan oo ogolaaday xabad joojin dheeraad ah

Hogaamiyaha  Ciidamada Sudan ayaa muujiyay sida uu diyaarka ugu yahay 72 saacadood  oo xabad-joojin dheeraad ah,xilli ay sii socdaan dagaalada ay kula jiraan kooxda ka soo horjeeda ee ciidamada gurmadka degdegga ah oo haatan ku sugan duleedka caasimada Khartoum.

Tallaabadaan ayaa timid waqti madaxweynayaasha Koonfurta Suudaan, Kenya iyo Jabuuti ay ka shaqeeyeen hindise ay ka mid yihiin in la kordhiyo xabad joojinta iyo wadahadalka labada ciidan.

 Qoraal ka soo baxay hoggaamiyaha ciidanka Suudaan ayaa lagu sheegay in  madaxweyne Burhaan uu IGAD ka ogolaaday xabad-joojin dheeraad ah oo maanta ka bilaabaneysa goobaha la isku heysto sida magaalada caasimadda ah ee Khartuum.

Ma jirto wax jawaab ah oo ay ciidanka RSF ka bixiyeen soo jeedinta ka timid urur goboleedka IGAD,waxaana dagaalladii ugu cuslaa ay ka dhaceen Umu-durman oo ah magaalo ku taal cidhifka waqooyi ee Khartoum.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Dr; Cali Xaaji Aadan Abuukar iyo wafdi uu hoggaaminayo oo hawlo shaqo dalka ayaa  booqasho ku tagay xarunta  Safaaradda J.F Soomaaliya ee magaalada New Delhi

Danjiraha dowladda Soomaaliya ee dalka Hindiya, Mudane , Axmed Cali Daahir iyo diblomaasiyiinta Safaaradda ayaa wasiirka war bixin guud ka siiyay xaaladaha shaqada iyo tan caafimaadka ee dadka Soomaaliyeed ku yimaadaan dalka Hindiya.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa danjiraha kala hadlay in ay muhiim tahay in ka war qab dhaw lala sameeyo xaaladaha ay wajahayaan muwaaddiniinta Soomaaliyeed xilliga ay joogaan goobaha caafimadka dalka Hindiya,wuxuuna danjiraha uga mahadceliyay dedaalka xooggan ee uu ugu jiro isku xirka hey’addaha caafimaadka Soomaaliya iyo kuwa Hindiya.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Dr; Cali Xaaji Aadan Abuukar iyo wafdigiisa ayaa Hindiya kaga qeyb galay shirar muhiim ah.

Guddoomiyaha Hay’adda SOMDA oo la kulmay xubno ka tirsan Deeq-bixiyaasha Soomaaliya


Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka (SODMA) Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle iyo Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Dowlad Gobolleedyada Hirshabelle, Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay Deeq bixiyeyaasha Soomaaliya ee Arrimaha Gargaarka ka shaqeeya.

Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta arrimaha wada shaqeynta ee deeq-bixiyaasha, hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bini-aadanimada iyo Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, kulanka intuu socday ayaa diiradda lagu saaray hubinta tayeynta howlaha ka jawaabidda xaaladaha bini-adanimo ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha ayaa u mahadceliyay deeq bixiyaasha una balan qaaday in Dowladda Soomaaliya u fududaynayso fulinta mashaariicda arrimaha gargaarka bin’adannimo.