Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo ka warbixiyay diyaar garowga Xulka Qaranka ee 17 jirada

Guddoomiye Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Cali Shiine ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo u diyaar garowga ciyaarta xulkeena Qaranka uu ku wajahayo dhigooda Al-jeeriya.

Guddoomiye Cali Shiine oo warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay diyaarinta xulka 17 jirada ee kulanka furitaanka ee caawa, isaga oo tilmaamay in heer wanaagsan ay ka gaari doonaan tartanka.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay u soo duceyaan Ciyaartoyda, isla markaasna u muujiyaan garab istaag.

Magacyada Horjoogeyaasha Khawaarijta ee Carruurtooda cabsi awgeed ugala cararay deegaannada ay ku sugan yihiin

Tan iyo markii dagaalka ka dhanka ah Kooxda Khawaarijta Al-shabaab uu ka billaawday dalka, waxaa sii kordhayay cabsida iyo argagaxa ka jira goobaha ka taliso Maleeshiyadaasi.

Warbaahinta Qaranka ayaa waxaa ay heshay magacyada horjoogayaasha caruurtooda kala baxay deegaanada ay dalka ka joogaa khawaarijta, iyaga oo geeyay deegaannada iyo Dowlad Goboleedyada kale.

Waa kuwan magacyada qaar kamid ah Horjoogeyaasha carruurtooda la baxsaxay

1.Horjooge Xuseen Cali Fiidoow (Xuseen Dayniile) oo kasoo jeeda degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud

2.Horjooge Cabdiraxmaan Al-salafi oo ka soo jeeda degmada Awdhiigle ee Gobolka Shabeellada Hoose.

3.Horjooge Maxamed Abuu Cabdalla oo kasoo jeeda magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan,

4.Horjooge Ibraahirn Sayid oo ka soo jeeda degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

Dagaalka ka dhanka Kooxda Khawaarijta ayaa galay wajigii labaad, waxaana iska garabsanaya Ciidamada Qaranka iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka arrimaha dibadda JFS oo Khadka Fogaan aragga kula hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda & iskaashiga caalamiga ah dowladda Fedraalka Somaliya Mudane Abshir Omar Huruuuse ayaa khadka foggaan aragga kala hadlay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Minnesota

Wasiirka  ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed uga war bixiyey siyaasadda qurba joogta Soomaaliyeed oo markii ugu horraysay laga sharciyey dalkeena, waxa una tilmaamay in kaalin muuqato ay jaaliyadda soomaaliyeed ka qaateen dib u dhiska dalka.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sidoo kale sheegay in sharcigaan la ballaarin doonno lagana tala galin doono jaaliyadda soomaaliyeed oo uu sheegay in sharcigan uu yahay mid iyaga u adeegayo muhiimna ay tahay in waxa ka ogaadaan si ay uga qey qaataan dib u dhiska iyo in dalkooda maalgashadaan,waxa uu intaa raaciyay in  ka wasaarad ahaan ay ka qeyb qaadan doonaan wax walba oo fududeeynayo in jaaliyadaha soomaaliyeed ay dalka ku soo laabtaan kana qeyb noqdaan dib u dhiska iyo hormarada ka socda dalka.

Wasiir Abshir Omar Huruuuse ayaa intaa ku daray in ay qaban doonaan shirweyne qurba joogta isugu imaan doonaan meela kala duwan si ay uga tashadaan kaalinta ah ka qeyb galka hormarka socda sidoo kalana loo fududeeyo in jaaliyadda soomaaliyeed ay ka qeyb qataan maalgashiga dalka.

Wasiirka arrimaha dibadda JFS oo Khadka Fogaan aragga kula hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota

:-Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda & iskaashiga caalamiga ah dowladda Fedraalka Somaliya Mudane Abshir Omar Huruuuse ayaa khadka foggaan aragga kala hadlay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Minnesota

Wasiirka  ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed uga war bixiyey siyaasadda qurba joogta Soomaaliyeed oo markii ugu horraysay laga sharciyey dalkeena, waxa una tilmaamay in kaalin muuqato ay jaaliyadda soomaaliyeed ka qaateen dib u dhiska dalka.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sidoo kale sheegay in sharcigaan la ballaarin doonno lagana tala galin doono jaaliyadda soomaaliyeed oo uu sheegay in sharcigan uu yahay mid iyaga u adeegayo muhiimna ay tahay in waxa ka ogaadaan si ay uga qey qaataan dib u dhiska iyo in dalkooda maalgashadaan,waxa uu intaa raaciyay in  ka wasaarad ahaan ay ka qeyb qaadan doonaan wax walba oo fududeeynayo in jaaliyadaha soomaaliyeed ay dalka ku soo laabtaan kana qeyb noqdaan dib u dhiska iyo hormarada ka socda dalka.

Wasiir Abshir Omar Huruuuse ayaa intaa ku daray in ay qaban doonaan shirweyne qurba joogta isugu imaan doonaan meela kala duwan si ay uga tashadaan kaalinta ah ka qeyb galka hormarka socda sidoo kalana loo fududeeyo in jaaliyadda soomaaliyeed ay ka qeyb qataan maalgashiga dalka.

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka oo gurmad u fidisay qoysas uu saameeyay Roobkii ka da’ay muqdisho

-Iyadadoo sacadihii la soo dhaafay Magalaada Muqdisho uu ka da’ay Roob Xooggan oo geystay qasaaro iskugu jira dhimasho, Burbur soo gaaray Guryo iyo Gadaadid,Biyaha badan oo ka dhashay Robkaasna ay buux dhaafiyen xaafaddo iyo inta badan Wadooyinka muhiimka ah ee Caasimada ayaa Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA waxa ay gurmad balaaran u fidisay xalay dad badan oo guryahooda biyaha ugu galeen kuwaas oo xalay si KMG la iskugu geeyey degmada wartanabada ee Gobolka Banaadir

Hay’adda SoDMA ayaa xalay gawaari nuuca xamuulka qaada ah oo sida Raashinka qeybhiisa kala duwan iyo Dhar waxa ay gaarsiisay boqolaal dad ah oo sameen Roobkaas ka so gaartay iyadoo gargarkaan ku daabushay xarunta degmada wartanabada si loo sii gaarsiiyo degmooyinka kale ee dhibatada roobkaas ka soo gaartay bulshada ku nool.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiobioyinka Qaranka ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle oo ay wehliyaan Raisulwasaare ku xigenka XFS Saalax Axmed Jaamac, Wasiiro,Guddoomiyaha Gobolka Banadir,Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa gargaarkaan gudaha degmada Wartanabada ugu qeybiyey qoysas biyaha ay la tageen guryahooda,iyogona kormeeray biya xireeno ku yaala degmooyinka, Waabari, Wadajir, Howlwadaag,Wartanabada iyadoo dadka danyarta ah lala gaaray Booyado biyaha xafadooda ka bixiya.

    

 

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maalmihii la soo dhaafay dalka uga maqnaa gudasha Fadliga Cumrada, ayaa dalka dib ugu soo laabtay

:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo maalmihii la soo dhaafay dalka uga maqnaa gudasha Fadliga Cumrada, ayaa maanta dib ugu soo laabtay.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Golaha Wasiirrada, Masuuliyiin iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Ra’iisul Wasaare Xamse, ayaa sheegay in uu dadka iyo dalkaba ugu duceeyay in Rabbi nabadgelyo, Barwaaqo iyo midnimana ku gallado.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in sannadkani uu noqon doono mid ay dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed muddo gaaban gudahood dalka kaga sifeyn doonaan Haraadiga Khawaarijta firxadka ah, dalkuna ku tallaabsan doono guulo kale oo waaweyn oo ay kamid yihiin dhameystirka barnaamijka deyn cafinta, qabyo-tirka Dastuurka KMG iyo ka faa’iideysiga kheyraadka dalkeenna Eebbe ku galaday.

      

Xulka Qaranka ee 17-jirada oo maanta la ciyaaraya dhiggooda Algeria

:-Ciyaartoyda Xulka Qaranka ee 17-jirada ah ayaa maanta ciyaaraya kulankoodii ugu horreeyay koobka Qaramada Qaaradda Afrika ee 17 jirada, iyaga oo wajahaya xulka Algeria.

Kulanka ayaa soo dhici doona caawa 10:00 pm ee habeenimo waxaana lagu ciyaari doona Garoonka Nelson Mandela Stadium.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo xalay kormeer ku tagey xeryaha ay ku nool yihiin dadka danyarta ah

-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xalay kormeer ku tagey xeryaha ay ku nool yihiin dadka danyarta ah ee ay saameynta ku yeesheen Roobabkii xoogganaa ee saacadihii la soo dhaafay ka da’ayey Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kormeerey qaar kamid ah xeryaha ay ku nool yihiin barakacayaasha ayaa faray Hey’adda Maareynta Musiibooyinka in si deg-deg ay ugu gurmadaan dadka u saameyey roobku, wuxuuna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in kaalintooda ay ka qaataan gurmadka walaalahooda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Mudane Saalax ayaa booqday qaar kamid ah Waraha biyo-qabadka Caasimadda oo xiligaas uu Maamulka Gobolka Banaadir ka wadey howllo biyo dhurid ah, waxuuna boggaadiyey doorkooda muhiimka ah.

Kormeerka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa ku wehelinayey xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Gudoomiyaha Gobalka Banaadir aha Duqa Muqdisho iyo Taliyaha Ciidanka Booliska.

Wasiirka Caafimaadka XFS iyo Madaxda Hindiya oo isku afgartay horumarinta adeegyada caafimaad ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali xaaji Aadan Abuukar iyo Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Hindiya,  Mudane Axmed Cali Daahir ayaa kulan casho ah la qaatay Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya u qaabilsan Galbeed Aasiya, Waqooyiga & Bariga Afrika Dr. Pradeep Rajpurohit.

Kulankaasi,waxaa ka eybgalay  Qunsulka ahna Ku-xigeenka Safiirka Mudane Abdifafah Abdullahi Nur iyo Mudane Axmed Aadan Maxamed oo ah lataliye sarre ee nidaamka caafimaadka.

Casho sharaftaasi kadib,waxaa dhinacyadasi ay ka  wadahadleen sidii dadka Soomaaliyeed loogu fududeyn lahaa fiisooyinka (visa)caafimaadka gaar ahaan dadka ku sugan xaaladaha deg deg ah oo aan awoodin in ay safraan.

Kulankaasi,waxaa la isku afgartay In dowladda Hindiya Soomaaliya ka  fuliso adeeg caafimaad oo dib u kabasho loogu sameynayo dadka addimahooda ku waayay dagaalada ka dhaca Soomaaliya,waxaana la filayaa in dhowaan tiro gaareysa shan boqol oo bukaan in looga faa’iideeyo helida lugo macmal ah.

Dhanka kale,Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada wafdigiisa iyo Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Hindiya ayaa booqasho ku tagay cisbitaalka APPOLA ,isagoo maamulka cisbitaalka ka dalbay in dadka Soomaaliyeed la siiyo adeegyo hufan, waxaana maamulka cisbitaalka ay ballan qaadeen in ay si deg deg ah uga jawaabi doonaan codsiyada wasiirka.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku guda jireen booqashadooda rasmiga ah ee dalka Hindiya waxay kulamo kala duwan la qaateen hey’addaha caafimaadka dalka Hindiya.

Dowaladda Hindiya ayaa sheegtay in Soomaaliya ay uu deeqi doonto shixnado daawo ah iyo qalab kale oo caafimaad,taasoo lagu caawini doono dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa jooga goobaha ay ka jiraan dagaalada .

 

shirka Isgaarsiinta Bariga Afrika oo lagu soo gabagabeeyay kenya

Maamulada shirkadaha Isgaarsiinta Bariga Afrika ayaa Magaalada Nirobi ee Dalka Kenya ku soo gabagabeeyay shir sanadle ah oo ay ka qeyb-galeen xubno matalayey Dalka Soomaaliyeed.

Shirkaan oo ah kii labaad ee la qabto laga soo bilaabo 2015-kii,waxaa ka qeybgalay shirkado ka socday dalka Soomaaliya sida Somtel iyo kuwo kale oo ay kamid ahaayeen safari com Airtell,MTM, Chine mobile iyo kuwo kale.

Shirka ayaa mudadii uu socday looga hadlay iskaashiga heyadaha isgaasrsiinta iyo sidii la isu dhaafsan lahaa adeegyada lagama maarmaanka u ah dadweynaha.

Maamulaha Shirkadda Somtel ee Soomaaliya Aadan Xaaji Yuusuf Ibraahim,ayaa kamid ahaa mas’uliyiintii ka socday shirkadaha isgaarsiinta ee Soomaaliya.