Madaxda Turkiye oo sheegay in ay dileen hogaamiyihii ISIL

Ciidamada sirdoonka Turkiga ayaa dilay hogaamiyaha kooxda ISIL Abu al-Hussein al-Hussein al-Qurashi, sida uu ka dhawaajiyay  madaxweynaha Turkiye Recep Tayyip Erdogan.

Erdogan ayaa sheegay in sirdoonka Turkiga ay muddo dheer isha ku hayeen hogaamiyaha kooxda mayalka adag oo shalay lagu dilay howlgal laga fliya Suuriya.

Madaxweynaha oo wareysi siiyay idaacadda TRT Turk,ayaa sheehay in ay sii wadi doonaan halganka ay kula jirnaan ururada argagixisada

Ilo deegaanka ah iyo kuwa ammaanka Suuriya ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay meel u dhow magaalada Jinderes ee waqooyiga Suuriya, halkaasoo ay maamulaan kooxaha fallaagada , waxaana deegaankaasi uu ka dhacay weerarka lagu dilay ninkaasi uu ka mid ahaa meelaha ugu daran ee uu saameeyay dhulgariirkii 6-dii February ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya.

Weriye ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP oo ku sugan waqooyiga Suuriya ayaa sheegay in sirdoonka Turkiga iyo booliiska militariga maxalliga ah oo taageero ka helaya Turkiga ay xireen aagga Jindires maalinimadii sabtida ee la soo dhaafay.

Wasiir dowlaha wasaaradda deegaanka XFS oo gaaray Geneva

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya Dr. Aadan Ibraahim Aw Xirsi iyo wefti khubaro ah oo uu hoggaaminayo ayaa gaarey Magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Wasiirka iyo weftigiisa ayaa ka qayb-geli doona Shirar caalami ah oo khuseeya kiimikooyinka iyo sunta kala duwan ee saamaynta ku yeelata caafimaadka aadamiga iyo deegaanka.

Shirarka ay Wasiirka iyo weftigiisu ka qayb-geli doonaan ayaa waxaa ugu horreeya Shirweynaha Sixiixayaasha 11aad ee Axdiga Rotterdam (RC COP 11.) oo berri magaalada Geneva ka furmi doona.

Axdiga Rotterdan (Rotterdam Convention) oo ku qotoma Hannaanka Afeef iyo Oggolaansho ee maareeya ka ganacsiga caalamiga ah ee kiimikooyinka halista leh iyo sunta cayayaanka ayaa ah mid kordhiya hufnaanta mas’uuliyad wadareedka ku gedaaman oggolaanshaha dalalka wax loo iib-geeyo iyo shuruucda caalamiga ah ee xakamaysa waddanada iyagu kiimikadaa soo saara iyo shrkadaha ka ganacsada.

Axdigan ayaa Soomaaliya iyo dalalka la shalalka ah siiya awood sharci oo ay go’aan uga gaari karaan kiimikooyinka ay rabaan in loo waarido iyo kuwa ay diiddan yihiin oo aysan inta badan si bed qabta u maarayn karin.

Xuska 1-da May ee maalinta Shaqaalaha Dunida

Shucuuubta dalalka dunida ee ku mideysan hey’adda Qaramada Midoobay ayaa maantta u dabbaaldegaya munaasabadda 1-da May oo ku beegan xuska sanadguurada 104-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii ururka caalamiga ah ee shaqaalaha dunida ILO (International labour Organisation) .

 1-da May waa maalin weyn oo caalamka oo dhan ay u dabbaaldegaan maalinta shaqaalaha dunida oo ah maalin si gaar ah u xambaarsan aasaaskii  ururada xoogsatada,tacadiyadii lala beegsaday iyo halgankii ay u soo galeen xoriyad dhameystiran oo lagu wadaago shaqada.

1919-kii, dalal ka mid ah Galbeedka oo ku jiray Jimciyaddii qarumaha ka dhaxeysay,ayaa ku dhawaaqay dhismaha urur shaqaale oo u howlgala danta xoogsatada,isla markaa ka qeybqaata dejinta xeerarka iyo siyaasadda lagu kala hago shaqaalaha iyo milkilayaasha warshadaha iyo beeraha.

Iyadoo la eegayo muhiimadda xoogsatada iyo kororka dalalka ka xoroobay gumeysiga ee qaatay dowladnimada, dagaalkii labaad ee dunida ka dib, Ururka Shaqaalaha Dunida ee ILO waxa ay soo saareen in lagu dhaqmo qodobo aasaas u ah dhismaha ururkaasi,waxaana ka mid ahaa:-

1-in si wadajir ah looga hortago shaqada khasabka ah , ku-shaqaynta carruurta, takoorka xagga shaqada iyo shaqaalaha a.

2- kor u  qaadidda horumarka caddaaladda bulshada, iyada oo loo marayo nidaamka heerarka caalamiga ah ee shaqada.

3-xaqiijinta iyo dhowrista xaaladaha xorriyadda shaqaalaha, sinnaanta, amniga iyo sharafta shaqaalaha iyo in la heli karo shaqo wax soo saar leh oo waarta.

4-Hirgalinta qaab-dhismeed saddex geesood ah oo ka kooban wakiillada dawladaha, loo shaqeeyaha, iyo shaqaalaha.

5-in sanad kasta xarunta shaqaalaha Gineva ee dalka Austria lagu qabto shir weyne caalami ah oo looga hadlo danaha shaqada iyo shaqaalaha.

Haddaba, Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay dalalka caalamka ee maanta u dabbaaldegaya xuska sanadguurada 103-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii ururka shaqaalaha dunida,iyo muunaasabadda 68-aad ee aasaaska ururka shaqaalaha Soomaaliya.

waxaa xaqiiqo ah in shaqaalaha ay yihiin kuwo qayb ka ah maamulka dowladnimo ee ka dhisan dalka,marka loo eego kaalinta ay ka qaataan kobcinta dhaqaalaha iyo guud ahaan horumarka dadka iyo dalka  .

Ujeedku  waa in maamulka Ururka Shaqaalaha uu noqdo mid u shaqeeya si caddaalad ah oo wax ka qaban kara xaaladaha kala duwan ee la soo dersa shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka ah ee hoostaga shirkadaha ,hey’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah .

Maanta waxaa muuqata in Shaqaalaha ay yihiin kuwo door ama kaalin firfircoon ku yeelan kara geedi socodka loogu jiro gaaritaanka horumar wanaagsan oo ifitiimiya mustaqbalka dadka iyo dalka.

Gabagabadii ,waxaan halkaan hambalyo uga direynaa shaqaalaha dunida,gaar ahaan shaqaalaha Soomaaliya,waxaana u rajeyneynaa guul iyo horumar.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo agab caafimaad ku wareejiyay dowlad goboleedyada

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa maanta Xarumaha Caafimaadka ee guurguura oo loogu talagalay in wax loogu qabto Hooyada iyo Dhallaanka ku wareejiyey Qaar ka mid ah Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Munaasabdda lagu wareejinayey Gawaaridan u samaysan isla markaana u qalabaysan sida Xarumaha Caafimaad waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirada Caafimaadka Maamulada Jubbaland ,Koonfurgalbeed, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir, Madax ka socotey Hay’adda UNFPA iyo marti Sharaf.

Gawaaridan loogu talagaley hanaanka cusub ee Caafimaadka guurguura oo gaaraya ilaa Shan (5) Gaari ayaa waxbadan ka geysan doona yareytna xaaladaha dhimasho ee  dhaca xilliga dhalmada ee Hooyada iyo waliba wax kaqabashada xilliyada ay dhacaan tacadiyada iyo kufsiyadda ka dhanka ah Haweenka Soomaaliyeed taasoo lagula tacaali doono dhibaatadda soo gaarta.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Dr Ali Haji Aden ayaa sheegey in Gawaaridan qalabaysan ay wax wayn ka tari doonaan Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka gaar ahaan goobaha lagaynayo sida magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Doolow Beladwayne iyo Gobolka Banaadir.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka ee Dowladda.

    

Ergayga Madaxweynaha ee wada hadalada Somaliland oo kulan la yeeshay Safiirka Turkiga

Ergayga Gaarka ah Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa kullan muhiim ah la yeeshay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, H.E. Ibraahim Mete Yagli, kullanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray muhimadda ay leedahay dib u billaabida wada-hadalladii DFS iyo Somaliland.

Ergayga ayaa si mugg leh uga mahadcelinayay Safiirka doorkii ay dowladiisu ka ciyaartay wada hadalladii hore, waxaana uu la wadaagay in DFS ay diyaar u tahay wax kasta oo looga gun-gaarayo  Arrimaha Wadahadallada Somaliland.

Safiirka ayaa dhankiisa soo dhoweeyay dedaalada dowladda, waxaana uu Ergayga u muujiyay garab istaag buuxa.

Dowladda Soomaliya oo dalka dib ugu soo celisay 123 muwaadin oo ka soo barabaxay dalka Sudan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka ku soo celisay 123 Muwaadin oo ku xanibnaa dalka Sudan kuwaas oo u badan Arday, 78 ka mid ah dadkaas waxaa la keenay Muqdisho halka 45 laga dajiyay Magaalada Garoowe.

Muwaadiniinta oo safar dhulka ah oo dowladdu fududeysay ku tagay dalka Ethiopia ayaa laga soo qaaday Magaalada Addis ababa ee Caasimada dalka Ethiopia.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS, Wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirka Waxbarashada ayaa Garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay 78 ruux halka Garoowe ay ku soo dhaweeyeen Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Waa markii labaad ee dowladda Soomaaliyeed ay dalka ku soo celiso Muwaadiniin ka soo bara baxay dagaalada ka socda dalka Sudan waxaana ay horay u keentay ku dhawaad 30 muwaadiniin laga soo qaaday Koofurta Sudan.

Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Soomaliland oo la kulmay Safiirka midowga Yurub

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta kullan muhiim ah la qaatay Safiirka Midowga Yurub Mrs Tiina Intelmann oo ay ka wadahadalleen sida ugu wanaagsan ee looga guul gaari karo Wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Somaliland.

Ergayga ayaa Safiiradda uga warbixiyay sida ay uga go’an tahay dib u billaabidda iyo dardargalinta wadahadallada Somaliland, waxaana uu la wadaagay in Dowladda Soomaaliya diyaar u tahay wax kasta oo looga gun-gaarayo Arrimaha Somaliland.

Dhankeeda Mrs Tiina Intelmann ayaa muujisay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay Soomaaliya kaga caawiyaan dedaalada lagu xoojinayo midnimada Umadda Soomaaliyeed, sidoo kalana ay gacan ka geysan doonaan ka mirra-dhallinta Wadahadallada Somaliland.

Qaramada Midoobay oo ka digtay dagalada Suudan ee galay todobaadkii 3-aad

Dagaalada ka socda gudaha Dalka Sudaan ayaa galay todobaadkii saddexaad, iyadoo dhinacyada isku haya dalkaasi ay weli wadaan dagaallo xoogan ,oo meesha ka saaray heshiisyadii xabad0joojinta.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ka digay burbur,isaoo tilmaamay in marka uu burburayo dalku,aysan jirin sabab loogu dagalamo qabsashada awoodda maamul ee uu leeyahay dal.

Dagaalka u dhexeeya ciidammada Suudaan iyo xoogagga Taakulaynta degdegga ah (RSF) ayaa galay todobaadkii saddexaad,iyagoo dhaliyay dhimasho ka badan shan boqol oo ruux iyo barakac xoogan.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada Adduunka (WFP) ayaa qeylo dhaan ka soo saartay dagaaladaasi, waxayna ka digaysaa in rabshadaha socda ay keeni karaan xaalad bani’aadamnimo oo saameeya dhammaan Bariga Afrika.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Suudaan Abdalla Hamdok ayaa ka digay in iskahorimaadka ka socda Suudaan uu noqon karo mid ka mid ah dagaalladii sokeeye ee ugu xumaa adduunka haddii aan goor hore la joojin.

 

Safaaradda Soomaliya ee dalka Sudan oo xaqiijisay tirada Soomaalida ku bara baxday dagaalada ka socda Sudan

Safiir kuxigeenka safaaradda Soomaliya ee dalka Sudan Amb Axmed Cabdi Xasan oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in muwaadiniin Soomaaliyeed oo tiradooda gaarayso 1,500 oo qof ku bara baxeen dagaalada ka socda Dalka Sudan, Safiirka ayaa sheegay in dadkan isugu jiraan Arday iyo dad kale oo siyaabo kala duwan ugu noolaa dalka Sudan.

Safiir kuxigeenka ayaa sidoo kale sheegay in safaaraddaha Soomaliya ee dalalka Sudan, Ethiopia iyo Wasaaradda Arrimaha dibedda Soomaliya iska kaashadeen gurmad u fidinta dadka Soomaaliyeed ee waxyeeladu kasoo gaartay dagaalka ka qarxay dalka Sudan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal weyn ugu jirta sidii loo soo samatabixin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibaatada kasoo gaartay dagaalka ka socda dalka Sudan, dadka Soomaaliyeed  ee ku bara baxay dagaalada Sudan ayaa u kala baxay dalalka South Sudan iyo Ethiopia.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo dalka Morocco uga qeybgalaya shirka sanadlaha ah hay’addaha maliyadda dalalka Carabta

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan dalka Morocco ayaa ka qaybgalay furitaanka shirka sanadlaha ah ee hay’addaha maaliyadda Carabta, kaas oo maanta ka furmay magaalada Rabaat ee dalka Morocco, iyadoo looga hadlayaa arrimaha dhaqaalaha iyo iskaashiga hay’addaha dhaqaalaha dalalka  Carabta.

Wasiirka maaliyadda dowladda FS ayaa la waddaagay hay’addaha iyo dowladdaha ka soo qaybgalay shirka arrimaha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo hannaanka dib u-habeynta maaliyadda.

Dr Cilmi ayaa ku booriyey wasiirada maaliyadda dalalka Jaamacadda Carabta ee dhiggiisa ah iyo hay’addaha kale ee maaliyadda ee shirka ka soo qayb galay in ay sii waddaan garab istaagga dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan dhamaystirka barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

“Waxa aan ku booriyey wasiiradda maaliyadda Carabta ee dhiggayga ah iyo hay’addaha kale ee Maaliyadda ee carbeed in ay sii wadaan garab istaagga dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan dhamaystirka barnaamijka deyn Cafinta Soomaaliya”. ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaadan doona inta uu shirku socodo wasiirada dhiggiisa ah iyo madaxda hay’adaha maaliyadda dalalka Jaamacadda Carabta ee shir ku sugan.

Dowlado iyo hay’ado maaliyadeed oo ka tirsan Jaamacadda Carabta ayaa Soomaaliya ku leh Malaayiin Dollar oo deymo ah, waxaana shirkan uu ahmiyad u leeyahay Soomaaliya, si ay ugu soo bandhigto hidisaheeda ku aaddan dhammaystirka barnaamijka deyn cafinta.