Madaxweyne Xasan Sheekh oo Su’aalo toos ah uga jawaabaya dadweynaha

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa si toos ah dadweynaha uga jawaabaya su’aalalaha ay ka qabaan nidaamka dowlad dhiska Soomaaliya, waxqabadka dowladda iyo la dagaalanka xagjirka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in wajiga 1-aad ee dagaalka lagu qaaday kooxda Khawaarjita uu ahaa mid qorshaysan, lagana gaaray guul la taaban karo, iyadoo dowladdu ay si fiican kaga faa’iidaysatay uma jihaysay kacdoonka dadweynaha ee ka dhanka ah khawaarijta.

“Baabuur kasto oo ka yimaada Mudug, Baladweyn, ama Hirshabelle Xamar wuxuu ku yimaadaan nabad marka laga reebo inyar oo kamid Galgaduud “ ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay garowsantahay kaalinta muuqata ee macawisleydu ka gaysteen jabinta Khawaarijta, islamarkaana ay dowladdu ajande ka leedahay maarayntooda marka Al-shabaab meesha laga saaro.

Dhinaca kale madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey Baarlamaanka dalka oo meel mariyey 11-hindise sharciyeed oo xukuumaddu u soo gudbisay, kuwaas oo muhiim u ah dhismaha hay’adaha dowliga ah, islamarkaana kaabaya horumarka dalka ee dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo hufnaanta maamulka dowliga ah.

Madaxweynaha oo wax laga weydiiyey colaadda Laascaanood ayaa sheegay in dowladdiisu ay ahmiyad wayn siinayso sidii  xasiloono looga dhalin lahaa gobolka Sool, taas oo aan loo adeegsan caburin iyo dagaal.

“Waxaa aahmiyadda 1-aad noo ah in la joojiyo xabadda Laascaanood, walaalaha Waqooyi nabad ayaan ugu baaqayaa, wax walba oo Laascaano ka dhacayana waxa reer Laascaano rabaan ayey ku soo dhammaan doonaan”.

Mar uu ka hadlayey xiriirka dowladda FS iyo dowlad goboleedyada dalka, gaar ahaan Puntland ayuu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh in wadashaqayn wanaagsani ka dhaxayso.

“Wax Khilaaf ah oo u dhexeeya Dowladda federaalka iyo Puntland ma jirto” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madasha su’aalo weydiinta madaxweynaha  oo wali socota, wixii macluumaad ah oo ku soo kordha kala soco SONNA

Wasiirka caafimaadka oo ka qaybgalay shir deg deg ah oo ku saabsan Suudaan

Wasiirka wsaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Dr Cali Xaaji Aadam ayaa maanta ka qeybgalay shir deg deg ah oo ay Aaladda fogaan aragga ku yeesheen golaha wasiirada caafimaadka ee dalalka Carabta, kaas oo looga hadlayay arrimaha kasoo cusboonaaday wadanka Suudaan.

Wasiirka caafimaadka Suudaan Dr Haytham Cawad ayaa ka warbixiyey xaalada qeybta caafimaadka ee dalka Suudaan iyo dhibaatooyinka ka soo gaaray dagaalada ka qarxay wadankaasi, warbixinta ayuu wasiirku ku codsaday in lala soo gaaro gurmad caafimaad oo deg deg ah, sida dawooyin iyo agab caafimaad, maadaama Isbitaallo badan ay soo gaareen burbur baaxad leh.

Wasiirka wasasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada dowladda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aaden ayaa uga tacsiyeeyey shacabka Suudaan dhibaatada ka soo gaartay shaqaaqooyinka ka socda caasimadda iyo gobollada kale ee wadanka Suudaan, waxa uuna sidoo kale Alle uga baryey in uu ugu deeqo nabad waarta.

Golaha ayaa u muujiyey garab istaag walaalnimo walaalahood Suudaan, waxeyna go’aamiyeen in goobaha colaaduhu saameeyeen la gaarsiiyo gurmad deg deg ah oo dhanka caafimaadka ah, kaasoo iskugu jira dawooyin iyo agab caafimaad.

 

Wasiirka gaashaandhigga oo la kulmay ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay

Wasiirka gaashaandhigga dowladda FS mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kulan kula yeeshey magaalada Muqdisho ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Anita Kiki.

Labada ma’suul ayaa ka wadahadlay arrimo dhowr ah oo ah kamid yihiin, taageerada dowladda Federaalka Soomaaliya uga baahan tahay dhanka saadka ee ciidamada Soomaaliya iyo baahida degdegga ah ee loo qabo in cunaqabateynta hubka laga qaado si loo qalabeeyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Sidoo kale, waxay ka wadahadleen sidii Loo xoojin lahaa taageerada howlgalada socda iyo kuwa la qorsheynaya ee Ka dhanka ah khawaarijta.

Maamulka gobolka Banaadir oo mamnuucay ka ganacsiga Maan-dooriyaha

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Mlmagaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa mabnuucay isticmaalka iyo ka ganacsiga Shiishada, Taabuuga, Qamriga, Calaqa iyo Xashiishka.

Amarkan ayaa duqa Muqdisho ka sheegay kulan uu xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar kula qaatay ganacsatadii laheyd xarumihii dhawaan uu xiray mamulka gobolka Banaadir, waxaana kulankan goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh).

Amarkan ayaa adkaynaya howlgal ballaaran oo todobaadkan maamulka gobolka Banaadir uu ku qaaday goobaha lagu isticmaalo waxyaabaha maanka dooriya ama lagu sameeyo, si loo ilaaliyo bad-qabka bulshada.

   

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta munaasabadda maalinta shaqaalaha Adduunka ee 1-da Maajo awgeed, waxaa uu hambalyo ah u diray dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda. Ra’iisul wasaare Xamse ayaa xusay doorka muhiimka ah ee shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin horumarka dalka, isaga oo ku bogaadiyey dadaalka ay geliyaan horumarinta iyo dib u dhiska dalka. Mudane Xamse ayaa xusay in Xukuumadda Dan-qaran ay dadaal xooggan gelisay dejinta iyo ansixinta siyaasado iyo shuruuc kala duwan oo xaqiijinaya xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed, waxaana uu Alle uga baryay iyaga iyo qoysaskooda horumar iyo baraare.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta munaasabadda maalinta shaqaalaha Adduunka ee 1-da Maajo awgeed, waxaa uu hambalyo ah u diray dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa xusay doorka muhiimka ah ee shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin horumarka dalka, isaga oo ku bogaadiyey dadaalka ay geliyaan horumarinta iyo dib u dhiska dalka.

Mudane Xamse ayaa xusay in Xukuumadda Dan-qaran ay dadaal xooggan gelisay dejinta iyo ansixinta siyaasado iyo shuruuc kala duwan oo xaqiijinaya xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed, waxaana uu Alle uga baryay iyaga iyo qoysaskooda horumar iyo baraare.

Mas,uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaliya ayaa magaalada Jubba ee dalka koofurta Sudan kula kulmay 102 qof oo kasoo bara baxay dalka Sudan

Xoghayaha joogtada wasaaradda arrimaha dibadda XFS ayaa magaalada Juba ee dalka koofurta Sudan kula kulmay 102 oo laga soo samata-bixiyay dalka Sudan

Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda Mudane Xamse Aadan Xaadow oo uu wahliyo safiirka J. F. Soomaaliya u fadhiya dalka koofurta Sudan Danjire Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar ( Cameey ) iyo Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koofurta Sudan Mudane Saciid Jaamac ayaa kulan kula qaatay 102 qof Muwaadin oo u badan arday kuwaasoo laga soo samata-bixiyay dagaalka ka socda dalka Sudan.

Muwaadiniintan oo safar dhulka ah kusoo gaaray ilaa xuduuda dalka koofurta Sudan la leedahay dalka Sudan ayaa waxaa iska kaashaday samata-bixintooda safaaradda Soomaaliya ee dalka koofurta Sudan iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka koofurta Sudan.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa kasoo kala galay labo magaalo oo xudeedda ku kala yaala oo la kala yiraahdo Ranka iyo Baaluuj kuwaasoo ku yaala soohdinta Sudan iyo koofurta Sudan kala qeybisa.

Dowladda Soomaaliya ayaa wata dadaalo lagu soo samata-bixinaayo muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku bara baxay dagaalka Sudan ka socda.

Dadweynaha Soomaaliyeed oo si toos ah Su’aalo u waydiin doona Madaxweyne Xasan Sheekh

:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Dr Xasan Sheekg Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qayb gelaya Barnaamujka Kulan dadweyne oo Shacabka Soomaaliyeed si toos ah Su’aalo ugu waydiinayaan madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan ayaa inta madashani socoto wuxuu dadweynaha Soomaaliyeed la wadaagi doonaa guullaha iyo horumarada laga sameeyey furimaha dagaalka inta uu socday halganka deeganada dalka goobaha at kaga sugan yihiin khawaarijtu looga xoraynayo,iyo guud ahaan wixii u qabsoomay mudadii sanadka ahayd ee uu hayey talada dalka.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa iyaguna madaxweynaha waydiin doona su’aalo toos ah kuwaas oo ku aroora hanaanka dowlad dhiska Soomaaliya iyo halganka dib u xoraynta oo galay wejigii labaad,dadweynuhu waxay sidoo kale su’aalahooda kusoo dhiiban karaan habka fogaan araga Online-ka ama qoraal.

Iska diiwaangeli lingaxan hoose si aad u dhiibato su’aasha aad waydiin rabto Madaxweynaha.

Madaxda Turkiye oo sheegay in ay dileen hogaamiyihii ISIL

Ciidamada sirdoonka Turkiga ayaa dilay hogaamiyaha kooxda ISIL Abu al-Hussein al-Hussein al-Qurashi, sida uu ka dhawaajiyay  madaxweynaha Turkiye Recep Tayyip Erdogan.

Erdogan ayaa sheegay in sirdoonka Turkiga ay muddo dheer isha ku hayeen hogaamiyaha kooxda mayalka adag oo shalay lagu dilay howlgal laga fliya Suuriya.

Madaxweynaha oo wareysi siiyay idaacadda TRT Turk,ayaa sheehay in ay sii wadi doonaan halganka ay kula jirnaan ururada argagixisada

Ilo deegaanka ah iyo kuwa ammaanka Suuriya ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay meel u dhow magaalada Jinderes ee waqooyiga Suuriya, halkaasoo ay maamulaan kooxaha fallaagada , waxaana deegaankaasi uu ka dhacay weerarka lagu dilay ninkaasi uu ka mid ahaa meelaha ugu daran ee uu saameeyay dhulgariirkii 6-dii February ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya.

Weriye ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP oo ku sugan waqooyiga Suuriya ayaa sheegay in sirdoonka Turkiga iyo booliiska militariga maxalliga ah oo taageero ka helaya Turkiga ay xireen aagga Jindires maalinimadii sabtida ee la soo dhaafay.

Wasiir dowlaha wasaaradda deegaanka XFS oo gaaray Geneva

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya Dr. Aadan Ibraahim Aw Xirsi iyo wefti khubaro ah oo uu hoggaaminayo ayaa gaarey Magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Wasiirka iyo weftigiisa ayaa ka qayb-geli doona Shirar caalami ah oo khuseeya kiimikooyinka iyo sunta kala duwan ee saamaynta ku yeelata caafimaadka aadamiga iyo deegaanka.

Shirarka ay Wasiirka iyo weftigiisu ka qayb-geli doonaan ayaa waxaa ugu horreeya Shirweynaha Sixiixayaasha 11aad ee Axdiga Rotterdam (RC COP 11.) oo berri magaalada Geneva ka furmi doona.

Axdiga Rotterdan (Rotterdam Convention) oo ku qotoma Hannaanka Afeef iyo Oggolaansho ee maareeya ka ganacsiga caalamiga ah ee kiimikooyinka halista leh iyo sunta cayayaanka ayaa ah mid kordhiya hufnaanta mas’uuliyad wadareedka ku gedaaman oggolaanshaha dalalka wax loo iib-geeyo iyo shuruucda caalamiga ah ee xakamaysa waddanada iyagu kiimikadaa soo saara iyo shrkadaha ka ganacsada.

Axdigan ayaa Soomaaliya iyo dalalka la shalalka ah siiya awood sharci oo ay go’aan uga gaari karaan kiimikooyinka ay rabaan in loo waarido iyo kuwa ay diiddan yihiin oo aysan inta badan si bed qabta u maarayn karin.

Xuska 1-da May ee maalinta Shaqaalaha Dunida

Shucuuubta dalalka dunida ee ku mideysan hey’adda Qaramada Midoobay ayaa maantta u dabbaaldegaya munaasabadda 1-da May oo ku beegan xuska sanadguurada 104-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii ururka caalamiga ah ee shaqaalaha dunida ILO (International labour Organisation) .

 1-da May waa maalin weyn oo caalamka oo dhan ay u dabbaaldegaan maalinta shaqaalaha dunida oo ah maalin si gaar ah u xambaarsan aasaaskii  ururada xoogsatada,tacadiyadii lala beegsaday iyo halgankii ay u soo galeen xoriyad dhameystiran oo lagu wadaago shaqada.

1919-kii, dalal ka mid ah Galbeedka oo ku jiray Jimciyaddii qarumaha ka dhaxeysay,ayaa ku dhawaaqay dhismaha urur shaqaale oo u howlgala danta xoogsatada,isla markaa ka qeybqaata dejinta xeerarka iyo siyaasadda lagu kala hago shaqaalaha iyo milkilayaasha warshadaha iyo beeraha.

Iyadoo la eegayo muhiimadda xoogsatada iyo kororka dalalka ka xoroobay gumeysiga ee qaatay dowladnimada, dagaalkii labaad ee dunida ka dib, Ururka Shaqaalaha Dunida ee ILO waxa ay soo saareen in lagu dhaqmo qodobo aasaas u ah dhismaha ururkaasi,waxaana ka mid ahaa:-

1-in si wadajir ah looga hortago shaqada khasabka ah , ku-shaqaynta carruurta, takoorka xagga shaqada iyo shaqaalaha a.

2- kor u  qaadidda horumarka caddaaladda bulshada, iyada oo loo marayo nidaamka heerarka caalamiga ah ee shaqada.

3-xaqiijinta iyo dhowrista xaaladaha xorriyadda shaqaalaha, sinnaanta, amniga iyo sharafta shaqaalaha iyo in la heli karo shaqo wax soo saar leh oo waarta.

4-Hirgalinta qaab-dhismeed saddex geesood ah oo ka kooban wakiillada dawladaha, loo shaqeeyaha, iyo shaqaalaha.

5-in sanad kasta xarunta shaqaalaha Gineva ee dalka Austria lagu qabto shir weyne caalami ah oo looga hadlo danaha shaqada iyo shaqaalaha.

Haddaba, Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay dalalka caalamka ee maanta u dabbaaldegaya xuska sanadguurada 103-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii ururka shaqaalaha dunida,iyo muunaasabadda 68-aad ee aasaaska ururka shaqaalaha Soomaaliya.

waxaa xaqiiqo ah in shaqaalaha ay yihiin kuwo qayb ka ah maamulka dowladnimo ee ka dhisan dalka,marka loo eego kaalinta ay ka qaataan kobcinta dhaqaalaha iyo guud ahaan horumarka dadka iyo dalka  .

Ujeedku  waa in maamulka Ururka Shaqaalaha uu noqdo mid u shaqeeya si caddaalad ah oo wax ka qaban kara xaaladaha kala duwan ee la soo dersa shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka ah ee hoostaga shirkadaha ,hey’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah .

Maanta waxaa muuqata in Shaqaalaha ay yihiin kuwo door ama kaalin firfircoon ku yeelan kara geedi socodka loogu jiro gaaritaanka horumar wanaagsan oo ifitiimiya mustaqbalka dadka iyo dalka.

Gabagabadii ,waxaan halkaan hambalyo uga direynaa shaqaalaha dunida,gaar ahaan shaqaalaha Soomaaliya,waxaana u rajeyneynaa guul iyo horumar.