Taliyaha CXD oo sheegay in ay dileen Ajaaniib ka tirsanayd khawaarijta qaarna ay qabteen

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalkii Ceel-qaboobe lagu laayay Malleyshiyaad Ajaanib ah qaarna nolosha lagu qabtay.

Taliye Odawaa ayaa sheegay in Ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka oo ku howlgalayay xogo ay horay uga hayeen cadowga ay ku beegsadeen deegaan 30 Km dhanka koofureed kaga beegan degmada Xarardheere, halkaas oo ay khawaarijtu doomo u rarnaa kala degayeen hub iyo agab kale oo ay doonayeen inay Ummadda ku dhibaateeyaan.

General, Odawaa ayaa intaa ku daray in ay halkaasi Ciidanku ku laayeen Malleeshiyaad Ajaaniib ah oo ka barbar dagaallamaysay khawaarijta, qaarna nolosha lagu qabtay, isla markaana laga gubay gaari weyn oo ay kusoo diyaariyeen waxyaabaha qarxa, lagana qabsaday gaadiid dagaal.

“Gaadiidka wuxuu ahaa gaadiid xamuul ah oo waxyaaba ay doomo ku keeneen ay kusoo qaadeen, oo ay rabeen inay ku dhibaateeyaan waxyaabaha qarxa oo ay ka mid yihiin baarruudaha TNT loo yaqaan iyo waxyaabaha la midka ah, gaari weyn oo BG ah oo ay alaabtaas ku sideenna waa la gubay ” ayuu yiri taliyuhu.

Malleeshiyaadka laga dilay argagixisada ee Ajaaniibta ah iyo kuwa la qabtay ayaa xilligaasi uu howlgalka qorsheysan dhacayay waxay ku guda jireen dejinta iyo daabulidda hubka ay doomaha kala soo dagayeen khawaarijta, sida uu taliyuhu sheegay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa intaa raaciyay in aysan jirin wax qasaara ah oo soo gaaray Ciidanka xoogga, kuwa deegaanka iyo dadka shacabka ah ee halkaasi ka dhowaa maaddaama uu howlgalku u dhacay si taxaddar iyo xog agaalnimo ah, feejignaanta ciidankuna ay ahayd mid sarreysa.

Howlgalkan ayaa ahaa mid qorsheysan oo aroornimadii hore ee saaka ka dhacay deegaanka Ceel-qaboobe oo qiyaastii 30 KM dhanka Koonfureed ka xiga degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen, Odowaa Yuusuf Raage.

Mid kamid ah Wasiirada Uganda oo toogasho lagu dilay

Askari ka tirsan ciidamada Uganda ayaa toogasho ku dilay mid kamid ah wasiirada dalkaasi oo sida la sheegay uu ilaalo u ahaa.

Charles Okello Engola oo ahaa wasiir ku xigeenka jinsiga iyo shaqada, sidokalana ahaa sargaal ciidan oo howlgab ah, ayaa lagu toogtay gudaha gurigiisa subaxnimadii hore ee saaka.

Afhayeenka Baarlamaanka Uganda ayaa xaqiijiyay geerida Col Engola xilli uu shir guddoominayay fadhigii Baarlamaanka ee saaka.

Sidokale, Fred Enanga oo u hadlay booliska Uganda, ayaa sheegay in wasiirka lagu dilay gurigiisa oo ku yaalla duleedka magaalada caasimada ah ee Kampala.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta Uganda u sheegay in daqiiqado ka dib markii Askarigaan uu toogtay Wasiirka uu goobta isaga baxsadayisaga isaga oo rasaas hawada u ridaya.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Askarigan dilka geystay uu dhaawacay  tiro dad ah oo isugu jira kuwa guriga uu falka ka dhacay ku sugnaa iyo kuwa banaankiisa joogay.

Engola, oo ahaa Gashaanle sare oo jagooyin dhawr ah ka so qabtay hoggaanka ciidanka dalkiisa, ayaa sidoo kale horay u soo noqday wasiir ku xigeenkii wasarradda gaashaandhigga Uganda, haddana waxuu ahaa wasiir ku xigeenka Jinsiga iyo Shaqada.

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka oo maanta daahfuray Barnaamijka qaran ee Tirakoobka Dadka iyo Guryaha

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta daahfuray Barnaamijka qaran ee Tirakoobka Dadka iyo Guryaha Soomaaliyeed oo ay soo aggaasintay Wasaaradda Qorsheynta ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.

Daahfurka Barnaamijkan ayaa ka soo qeyb galay Wasiirro iyo Xildhibaano katirsan DFS guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, wakiila ka socday beesha Caalamka iyo marti sharaf kale.

Madasha daahfurka Barnaamijkan ayaa waxaa lagu soo bandhigay ahmiyada ay Dowladnimada iyo Ummadda Soomaaliyeed u leedahay hirgalinta Tirakoobka Dadka iyo Guryaha.

Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la yeeshay ku-xigeenka ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo ku-xigeenka ergeyga Qaramada Midoobay eu qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki, ayaa maanta kulan ku yeeshey Muqdisho.

Labada ma’suul ayaa ka wadahadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin, wajiga labaad ee howlgalka gobalada dalka looga xoreynaayo maleeshiyaadka Khawaarijta Al Shabaab ee ay waddo dowladda Fedaraalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka  iyo ku-xigeenka ergeyga Qaramada Midoobay, ayaa ka wadahadlay sidii dalka looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka si ciidanka Qalabka  ee Soomaaliyeed ay awood ugu yeeshaan sugidda ammaanka dalka.

Dhinacyada ku dagaallamaya Suudaan oo ku heshiiyay inay ku wadahadlaan Sacuudiga

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Dowladda Suudaan, ayaa shaaca ka qaaday in hoggaanka ciidamada Suudaan iyo kuwa Taageero degdeg ah, ay isku afgarteen inay wakiillo u dirsadaan wadahadallada la filaya in ay ka dhacaan Sacuudiga.

Aqbalaada wada xaajoodka ayaa yimid xilli dalal badan oo Afrikaan ah ay isku dayayaan inay dhexdhexaadiyaan dhinacyada ku dagaalamaya Suudaan, waxaana wali dalkaasi ka socda daadgureynta dadka ajnabiga ah ee ka baxsanaya dagaalada.

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Suudaan, Volker Peretz, oo la hadlay Associated Press, ayaa sheegay in labada dhinac ee uu iskahorimaadku u dhexeeya ay aqbaleen inay wakiillo u soo dirsadaan wadahadallo la qorsheynaayo in dhawaan lagu qabto Sucuudiga.

Dagaalada ka qarxay Suudaan, ayaa sababay barakac gudaha ah iyo mid dibadda ah, sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, 75,000 oo qof ayaa ku bara kacay isla gudaha dalkaasi, sidokale 20,000 oo qof ayaa u gudbay dalka Chad, halka dad gaaraya 6,000 ay u gudbeen Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan.

Dagaalada ayaa sameeyay 12 ka mid ah gobolada Suudaan oo ay ku nool yihiin 45 milyan oo ruux, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France Press.

Duqa Muqdisho oo daah-furay mashruuc lagu naleynayo Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay Barnaamijka (MAR KALE IFI MAGAALADAADA) oo lagu naleynaayo Caasimadda Muqdisho.

Daah-furka Naleynta Caasimadda ayaa caawa ka bilawday Wadada dheer ee Makka Al-Mukaramma, iyadoona Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ay wehlinayeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda iyo Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in Maamulkiisa uu lacag dhan 2,500,000$ u qorsheeyay Barnaamijka (MARKALE IFI MAGAALADAADA) oo lagu ifinaayo Caasimadda Muqdisho.

Washington: 20,000 oo askari ayaa Ruushka looga dilay Ukraine tan iyo bishii December

Sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in 20,000 oo askari oo Ruush ah lagu dilay dagaalka ka socda Ukraine tan iyo bishii December ee la soo dhaafay, sida uu sheegay afhayeenka golaha ammaanka Qaranka Mareykanka John Kirby.

John Kirby, ayaa hadalkiisa intaa ku daray in Sirdoonka Maraykanka ay ogadeen in ilaa 100,000 oo askari oo Ruush ah lagu waxyelleeyay gudaha Ukraine  tan iyo bishii December ee sanadkii hore.

Washington, ma sheegin dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray shacabka iyo Askarta  reer Ukraine.

Mareykanka waxuu sidoo kale sheegay, in kaydka ciidamada Ruushka uu yahay gabaabsi, wallow ay wali ku suganyahiin gudaha Ukraine.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo goob fagaare ah kaga jawaabay Su’aalaha Muwaadiniinta Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Dood-furan oo si toos ah ay shacabka Soomaaliyeed ugu soo weydiinayeen su’aalahooda la xiriira dowladnimada iyo waxqabadkiisa sannadkii tagay ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in dalkeennu uu ka xoroobo argagixisada gaarana horumar muuqda.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in caqabadda ugu weyn ee dib dhigtay dalkeenna ay tahay argagixisada galaafatay nolasha kumannaan kun oo dadkeenna ah, caqabaddana ku noqotay nolasha, horumarka iyo wax-wadaqabsiga Soomaaliyeed.

“Sannadkii 2012-kii markii aan xilka nimid waxaan xoreynay deegaanno badan oo Al-Shabaab gacantooda ku jiray, caqabado badan baa jiray, casharradii iyo khibraddii aan kaas ka barannay ayaa maanta saldhig u ah holwgallada aan wadno. Dadka Soomaaliyeed in ay dagaal ka qeyb-galaan ayaa udub-dhexaad u ah qorshaheenna maanta iyo guusha aan joogno.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey nafhurnimada Ciidamada Soomaaliyeed iyo dadka deegaannada la xoreeyey, waxa uuna xusay mustaqbalka wanaagsan ee dalkeennu uu leeyahay, markii laga xoreeyo argagixisada iyo rajada aadka u sarreysa ee uu ku qabo in degdeg loo cirib-tiro khawaarijtaas.

“Al-Shabaab waxaan kasoo ciriirinnay dhankii Wabigii iyo dhankii Badda, meel dhexda ah bay ku jiraan, wajigii 1-aad waxa uu ahaa Hirshabeelle iyo Galmudug, Wajiga Labaadna waxa uu noqon Jubbaland iyo Koonfur-galbeed. Maanta waxaa Ilaah mahaddiisa ah in gaariga ka soo baxa Jowhar uu cabsi la’aan ku imaanaya Muqdisho.”

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka jawaabay su’aalo laga soo weydiiyey daafaha dunida oo ku saabsan sarreynta sharciga, wadashaqeynta hay’adaha dowladda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, dib u heshiisiinta iyo xiriirka caalamiga ah.

Baarlamaanka; “Taariikhda waa markii ugu horreysay oo Baarlamaanka Soomaaliyeed ay hal fadhi ku saxiixaan sharciyo gaaraya 11 sharci oo badankood aas-aas u ah deyn cafinta, maalgashiga iyo dowladnimada. Tani waxay caddeyn u tahay shaqada adag ee socota.”

Arrinta Laascaanood; “Waxaan mudnaanta koowaad siinaynaa in la joojiyo colaadda socota, la joojiyo dhiigga qulqulaya, kaddibna miis la wada fariisto oo la wada xaajoodo. Dadka Laascaanood waxaan u haynaa mudnaan gaar ah maadaama ay calankii buluugga ah ku adkeysanayaan, midnimadana u ololeynayaan. Wax aysan raali ka ahayn cidna kuma khasbi karto, waxaanse dooneynaa in rabitaankooda aysan dhiig badan u daadan.”

Puntland; “Madasha aan isugu imaanno dowlad-goboleedyada dalka dhammaantood waa ka soo qeyb-galeen, markii laga reebo kulankii ugu danbeeyey ee Baydhabo. Hadda saddex Madaxweyne oo dowlad-goboleed ayaan u xilsaarnay in ay soo dhegaystaan tabashadooda. Ma jiraan wax aan annagu ilaa haatan ognahay, ama nalala wadaagay oo ku saabsan waxa ay diidan yihiin.”

Maqaamkii gaarka ahaa ee Caasimadda “Wali laguma guuleysan, sababtuna waa qabyo-tirka dastuurka oo aan wali lagu guuleysan. Caqabadaha kale oo jira waxaa ugu weyn amniga, iyadoo aan xoogga saareyno sidii aan u joojin lahayn dhibaatada ay argagixisadu ay ku hayso Caasimadda, taas kaddib waxaan ka shaqeyn doonaa bilicda iyo maamul dhiska.”

Xiriirka caalamiga ah, “Dalalka is diiddan ee gobolka iyo guud ahaan caalamka mid kasta waxaan la nahay saaxiib, mana jirto mid ay colaad nagala dhexayso, waxaanna diyaar u nahay xitaa dalalka is-diiddan in aan ka qeyb-qaadanno isfahankooda.”

Kala saaridda awoodaha dowladda; “Awoodaha Ra’iisul Wasaaraha waxay ku qeexan yihiin dastuurka dalka, shaqada ugu badan ee deyn cafinta iyo xoreynta dalka waxaa hoggaaminaya Wasaaradaha Maaliyadda iyo Gaashaandhigga, labaduna waxay ka tirsan yihiin Golaha Xukuumadda, waana shaqada ugu ballaaran ee hadda socota. Xafiiska Madaxweynaha waxa ka socda waa talo-bixin iyo jiheyn, shaqadana waxaa fuliya Golaha Xukuumadda.”

Doorashooyinka; “Waxaa iga go’an in aynan ku laaban hoolkii Afisyoone, dowladda qorshe ayaa uga deggan doorashada qof iyo cod. Maanta ayaa bilaabaynaa geeddi socodka 2026-ka.”

Ciidanka xoogga oo howlgal ku dilay 60 ka tirsanaa Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorshaysan ku dilay 60 ka tirsan Khawaarijta ka dib howlgal qorsheysan oo saaka ka dhacay deegaanka Cali-qaboobe oo qiyaastii 30 KM dhanka Koonfureed ka xiga degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Guddoomiyaha degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf  kulmiye ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in ciidamada oo ka war helay gaari Khawaarijta u siday hub iyo malleeshiyaad  hubeysan ay fuliyeen howlgalkaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in howlgalka lagu qaarajiyay 60 ka tirsan khawaarijta islamarkaana gacanta lagu dhigay hubkii ay wateen iyo labo gaari oo nooca dagaalka ah.

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay safiirka Ruushka

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda FS mudane Abshir Cumar Jaamac (Haruuse) ayaa maanta Muqdisho kulan kula yeeshay safiirka dowladda Ruushka u qaabilsan Soomaaliya danjire Mikhail Golovanov.

Kulanka ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin tartanka ay Soomaaliya ugu jirto kurisga aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in Ruushku Soomaaliya ku taageero, cunaqabataynta hubka ee waqtiga dheer Soomaaliya saaran iyo dayn cafinta maadaama Ruushku ka mid yahay dalalka daynta ku leh Soomaaliya.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada Diblumaasiyadda caalamiga ah, ammaanka iyo kordhinta deeqaha waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed ka helaan dalka Ruushka.