Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadannimada oo gaaray Suudaan

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadanninimada, Martin Griffiths, ayaa maanta oo Arbaca ah gaaray dalka Suudaan, oo ay dagaallo ka socdaan muddo Sedax toddobaad ah, taasi  oo u dhexeysa Militariga Suudaan  iyo ciidamada taageerada degdega ah.

“Waxaan maanta gaaray Port Sudan, si loo xaqiijiyo ka go’naanta Qaramada Midoobay wax ka qabashada xaaladda dadka reer Suudaan  iyo in aan dhiira galinno arrimaha bani’aadannimada iyo mutadawiciinta maxalliga ah.” Ayuu bartiisa Twitter-ka ku qoray Martin Griffiths.

Safarka ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadanninimada, ayaa ku soo aadaya xilli xabbad joojinta aan cago badan ku taagneen lagu dhawaaqay, iyadoo wali diyaaradaha ciidamada Suudaan ay dul heehaabayaan magaalada Khartuum.

Wararka ayaa sheegaya in iska horimaadyo cusub  maanta ay ka dhaceen agagaarka madaxtooyada Suudaan, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Taageerada deg-dega ah.

Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay horumarinta Muqdisho iyo mataanaynta labadooda Caasimadood

Agaasimaha Xiriirka Dibadda iyo Hey’addaha Caalamiga Mudane, Maxamed Xasan ayaa kulan la qaatay Kusimaha Danjiraha Dowladda Qatar u jooga Soomaaliya ahna Safiir Kuxigeenka Mudane, Naasir Cali.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta Barnaamijyada Gargaarka bani’aadanimo ee Dowlada Qatar ka fuliso Gobolka Banaadir, sidii dowladda Qatar ay maamulka Gobolka Banaadir ugu gacan siin lahayd arrimaha horumarinta Caasimadda iyo in laga wada qeyb qaato shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale kulanka ayaa la iskula soo qaaday dhismaha Dugsiyada farsamada gacanta, tababaridda shaqaalaha Dawlad hoose ee Xamar iyo dabagalka heshiisyada mataaneynta Muqdisho iyo Doxa.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ku dhawaaqay qiimaha Xajka ee sanadkan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ku dhawaaqay in xujeyda Soomaaliyeed loo baajiyey lacag ka badan 8 Milyan oo dollar sanadkan, kaddib markii meesha laga saaray musuq maasuqii ka jiray adeegga Xajka, hoosna loo dhigay qiimaha.

Mudane, Xamse Cabdi Barre ayaa arrintan kaga dhawaqey qiimaha Xajka sanadkan 1444/2023 munaasabad galabta ka dhacdey Xarunta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee magaalada Muqdisho, kaasi oo laga dhigay 4,484.539 Dollar.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku sharfey inuu asaga si rasmi ugu dhawaaqo qiimaha xajka ee sanadkan iyo shirkadda diyaaradaha ee ku guuleysatey daabulka xujeyda Soomaaliyeed.

Iyadoo munaasabadaasi ay goob joog ka ahaayeen, xubno ka socdey Guddiga Awqaafta iyo Cadaalada BFS, Wakiilada xamladaha shirkadaha adeega xajka iyo qaar kamid ah xubnaha guddiga adeega xajka ee Wasaaradda.

 

 

 

Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay kulan dadweyne oo shacabku ay ku weydiinayeen su’aalo ku saabsan waxqabadka iyo hawlaha horyaalla dowladda.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ,Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud iyo Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Cunnada Adduunka Marwo Cindy McCain ayaa ka wadahadley horumarinta barnaamijyada cunnada Soomaaliya, taageerada hay’adda cunnada adduunka iyo wax ka qabashada caqabadaha ka dhashay saameynta isbedelka cimilada ee ku saabsan cunna yarida.

3- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ku dhawaaqey qiimo dhimis kharashka lagu xajinayo sannadkan 2023-ka.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeybgaley daah-furka Geeddi-Socodka Wadashaqeyneed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub, oo dhabbaha u furaya iskaashi cusub oo dhex mara labada dhinac, labada sano ee soo socota.

5- Ra’’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeybgaley munaasabadda daah-furka Barnaamijka Tirakoobka Dadka iyo Guryaha Soomaaliyeed.

6- Boqolaal muwaadiniin ah oo Dowladda Federaalka Soomaaliya dib ugu soo celisay dalka, iyagoo laga soo badbaadiyay colaadda ka aloosan Sudan.

7-  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale dhowaan magacawdey guddi heer wasiiro ah oo isku dubbaridaya samatabixinta muwaadiniinta ku xaniban Sudan.

8- Golaha Wasiirrada oo ansixiyey magacaabista Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Cabdiraxmaan Maxamed Anas.

9- Soomaaliya oo soo dhoweysay go’aamadii ka soo baxay Shir Madaxeedka Waddamada ay Ciidammadda ka joogaan Soomaaliya oo ay ka mid yihiin dhimista Ciidanka ATMIS ee Midowga Afrika, iyo diyaargarowga Soomaaliya in ay amnigeeda la wareegto dhammaadka sanadka soo socda ee 2024.

10- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo hawlgal ka dhacay degaanka Cali Qaboobe ee gobolka Mudug ku dilay 60 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab.

11- Maamulka gobolka Banaadir oo mamnuucay ka ganacsiga maandooriyaha oo khatar ku ah amniga iyo nolosha shacabka caasimadda.

12- Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan oo agab caafimaad ku wareejiyay dowlad goboleedyada, tallaabadaas oo qeyb ka ah qorsha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee baahinta adeegyada caafimaad ee geyiga Soomaaliya.

13- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo dalka Morocco uga qeybgalay shirka sannadlaha ah hay’adaha maaliyadda dalalka Carabta, xilli Soomaaliya ay horumar weyn ka sameyneyso dib u habeynta dhaqaalaha iyo hirgelinta barnaamijka deyn cafinta.

14- Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa khadka fogaan aragga kula hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, isagoo uga warbixiyay waxqabadka iyo horumarka dowladda, iyo weliba siyaasadda dowladda ee qurba joogta.

15- Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka oo gurmad u fidisay qoysas ay saameeyeen roobabkii xoogganaa ee Muqdisho ka da’ay.

16- Ciidamada Booliska ee Gobolka Banaadir oo gacanta ku dhigay walxo qarxa iyo dhagar qabihii waday Xasan Cali Nuur oo Khawaarijta ka tirsanaa.

Maxay Dowladda Soomaaliyeed ku dooratay in dalalka safka hore ay la kaashato la dagaalanka Khawaarijta?

Madaxweynaha Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dagaalka Khawaarijta Al-shabaab ay u kaashanayaan cid kasta oo wax kala qabanaysa, si loo soo gabagabeeyo dhibaatada ay ku hayaan bulshada gobolka.

Mudane, Xasan Sheekh oo ka qeyb galayay kulan Dad weyne oo lagu qabtay Muqdisho kana jawaabayay su’aal ahayd sababta ay dowladdu u door bidday in ay dagaalka khawaarijta ka qeyb qaataan dowladaha safka hore ayaa sheegay in waddamada jaarka iyo kuwa naga fogba ay kaashanayaan maaddaama uu cadowgu yahay mid caalami ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in howlgalka la qorsheeyay ee ay wada geli doonaan dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada dalalka safka hore uu noqon doono sagaashan Cisho oo keliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciidanka ATMIS uu yahay mid madax bannaan kana tirsan AU oo hoos taga Qaramada midoobay, sidaa awgeedna aysan u howlgeli karin sida aan rabno ama sida ay doonayaan dowladahooda, kuwaas oo u hoggaansami kara ammarkeenna iyo wixii ay dowladahooda faraan.

“Ma heli karno inaan dhahno AMISOM ha naloo soo badiyo, ma heli karno AMISOM sida annaga aan rabno in ay u shaqayso, dowladahoodiina kalama heshiin karno sababtoo ah AMISOM waxay ku jirtaa United Nations Security Council iyo African Union, dowladahoodii xitaa wax badan kama baddeli karaan , kuwo annaga aan dhihi karno waddadaan baan rabnaa inaad martaan, ayaguna ay dowladahooda dhihi karaan waddadaas ay dowladda Soomaaliya codsatay mara waaye kuwa aan maanta haysanna”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tusaale usoo qaatay bulshada bariga Afrika oo ay Soomaaliya dooneyso in ay ku biirto iyo waddamada xubnaha ka ah, kuwaas oo aan wax lala wadaagi karin haddii aan la helin amni, sidaa daraaddeedna ay kaashanayaan cid kasta oo ka caawineysa la dagaallanka kooxaha khawaarijta.

Zelensky oo beeniyay in Washington ay uga digtay dalkiisa faafinta dukumentiyo sir ahaa

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa wareysi uu siiyay wargeyska Washington Post ku beeniyay in Washington ay uga digtay dalkiisa in la faafiyo dukumentiyadii sirta ahaa ee sida la sheegay ay ku jireen macluumaadyo xasaasi ah oo ku saabsan Ukraine, ka hor inta aan warkan gaarin warbaahinta.

Zelensky, ayaa ku yiri waraysi uu bixiyay Isniintii la soo dhaafay  “Ma aanan helin wax xog ah oo ay nala wadageen Aqalka Cad iyo Pentagon-ka,  ma hayno xogtaas. shakhsi ahaana leyguma wargelin, waana ka xunnahay sida noogala been sheegay.”

Afhayeenka Waaxda Difaaca Pentagon-ka Mareykanka oo wareysi siiyay CNN, ma uusan xaqiijin mana beenin hadallada madaxweyne Zelensky, balse waxuu xoogga saaray ka hadalka sida Mareykanka  ay uga go’an tahay la shaqeynta Ukraine iyo xulafada caalamiga ah si loo xaqiijiyo in Kiev ay hesho kaalmo Military.

“Dhanka Washington waxaa nooga muuqda gaabis ku aaddan ka digista faafinta  sirta dukumentiyadan,  taana uma wanaagsana sumcadda Aqalka Cad,” ayuu Zelensky ku yiri wargeysigiisa.

Faafinta dukumentiyadan ayaa keentay su’aalo ku saabsan sababta uu shaqaale hoose oo ka tirsan Ilaalada Qaranka Mareykanka uu u helay sirahaas loo arko inay waxyeello u geysan karaan ​​ammaanka qaran ee Mareykanka.

Maalinta Caalamiga ah ee Xoriyadda Saxaafadda

Maanta oo ku began 3-da May waxaa dalalka caalamka oo dhan ay u dabbaaldegayaan xuska maalinta xoriyadda saxaafadda oo ah maalin loogu talagalay in lagu muujiyo kaalinta saxafiga iyo xaqa ay u leeyihiin in cid kasta ay gacan ku siiso habsami u socodka howlaha warbaahinta iyo guud ahaan badqabka qeybaha shaqalaha ee ururada saxaafadda.

3-da May waa maalin caalami ah oo loo aqoonsaday xoriyadda saxaafadda ,iyadoo la eegayo baaqa Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka,gaar ahaan qodobka 19-aad  ee soo baxay 1948-dii,kaas oo dhigaya ilaalinta xaqa ay dadku u leeyihiin Xorriyatul-qawlka.

Ujeedka guud ee xuskaan ayaa ah sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga ku saabsan muhiimadda xorriyadda saxaafadda iyo in dawladaha la xasuusiyo waajibaadka ka saaran dhawrista iyo ixtiraamka saxaafiyiinta.

Iyadoo laga ambaqaadayo kaalinta dowladaha ee ay ku leetihiin badqabka saxaafiga, sanad kasta waxaa la qabtaa shir ay soo abaabulaan hey’adda UNESCO ee Qaramada Midoobay ,kaas oo looga hadlo qodobo la xiriira xorriyadda saxaafadda, gaar ahaan maamul-wanaagga iyo doorka warbaahinta ay ku leeyihiin  la shaqeynta dalalka ka soo kabanaya colaadaha.

Haddaba, Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay wadamada maanta u dabbaaldegay xuska maalinta xoriyadda saxaafadda oo mabd’a ahaan ka dhigan in si wadajir ah codka iyo ra’yiga loogu gudbiyo nuucyada warbaahinta wax daabaca iyo kuwa kale ee elektarooniga ah.

Xuskaan waa mid loogu talagalay in lagu eego horumarka wanaagsan ee ay ku tallaabsadeen suxuufiyiinta iyo guulaha wax ku oolka ah ee ay ka soo hooyeen meelmarinta nidaamka shaqo ee ay u hayaan bulshada.

Saxaafadda waa muraayad laga  daawado horumarka dalka,sidaad daraadeed, warbaahinta Soomaaliya ee ka howlgasha gudaha,waxaa sanadihii u dambeeyay ay ka qeybgaleen dadaalada hordhaca ah ee loo galay geedi socodka nabadda ,dhismaha dalka iyo rajo soo celinta umadda.

Horumarka wanaagsan ee xilligaan ka muuqda  saxaafadda Soomaaliya, ,waxa uu saaciday in bulshada Soomaaliya, ay heleen saxaafad xor ah oo ay ku gudbin karaan fikradaha isdiidan,kuwa wax dhisaya iyo kuwa kale ee lagu dhaliilo madaxda iyo hogaamiyaasha dalka.

 In lagu shaqeeyo dhexdhexaadnimo waa sida kaliya ee lagu ilaalin karo xoriyadda saxaafadda,waxaana waajib ah in suxuufiga waxa uu gudbinaayo uu ku eego isha dhabta ah,si meesha looga saaro is-qabqabsi iyo hoos u  dhac kale oo wiiqa shaqadii warbaahinta .

Ogoow saxaafaddu waa  adeeg loo isticmaali karo  laba waji ,cid ayaad ku dulmin kartaa, marna wax ayaad ku dhisi kartaa ,sidaa aawadeed.ha ku sifoobin  aalad ay adeegsadaan dadka fidno abuurka ah ee u taagan fulinta dano  gaar ah iyo kuwo shisheeye.

Isku day in aad u hiiliso cid kasta o u taagan dhismaha dowlad xilkeedu yahay soo celinta amniga iyo karaamadii ay lahaayeen dadka iyo dalka,kana fogoow in aad qeyb ka noqoto hardanka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda ama dhinacyada kale ee ishaya.

Si loo gaaro xoriyad buuxda oo dhanka saxaafadda ah,waxaa lama huraan ah in dowladda iyo madaxda shirkadaha warbaahinta ay u howlgalaan sidii tababarro aqoon kororsi ah loo siin lahaa shaqaalaha qeybaha warbaahinta.

Anagoo ka faa’ideysaneya fursadda munaaasabaddaan ,waxaan halkaan dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska mmaalinta xoriyadda Saxaafadda Dunida,aawgeed, u direynaa suxuufiyiinta caalamka,gaar ahaan shaqaalaha Soomaaliyeed ee ka howlgala qeybaha warbaahinta dalka.

Gabagabadii,waxaan u rajeyneynaa shaqaalaha iyo maamulada qeybaha Saxaafadda in ay halkaasi ka sii wadaan howlaha culus ee ay u hayaan umadda.

Khawaarij lagu qabtay howlgal ka dhacay gobolka Mudug

Xarardheere- Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan aagga degmada Ceeldheer ayaa nolosha ku qabtay ugu yaraan 2 dhagar qabe oo ka soo baxsaday Khawaarijtii xalay lagu laayay degaanka Ceel-qaboobe oo hoos tagta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Khawaarijtan waxaa maanta lagu qabtay degaan lagu magacaabo Howdley oo dhaca inta u dhaxeysa Ceeldheer iyo Xarardheere, kuwaasi oo ka badbaaday howlgal xalay xilli dambe lagu laayay in ka badan 60 Khawaarij ah.

Khawaarijta ay ciidanka Qaranku laayeen ayaa xalay isku dayday in ay xeebaha gobolka Mudug kala soo degaan kiimikooyin halis badan oo laga sameeyo waxyaabaha qarxa, waxaana cadowga la xasuuqay ku jiray horjoogayaal ajaanib ah oo kooxda ka caawin jiray sameynta qaraxyada ay dadkeenna ku laayaan.

Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo daahfuray Geeddi-socod Wadashaqeyn ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa maanta daahfuray Geeddi-socod Wadashaqayneed oo dhabaha u furaya iskaashi cusub oo dhex mara labada sano ee soo socota.

Geeddisocodkan oo ka dhashay dadaallo heerkoodu sarreeyo iyo wadaxaajood farsamo oo bilihii la soo dhaafay dhex marayey Muqdisho iyo Brussels, ayaa waxaa looga golleeyahay in dhidibada loogu aaso xiriir ku dhisan iskaashi iyo wax-wada-qabsi dhexmara labada dhinac.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo hadal ka jeediyey daah-furka ayaa bogaadiyay tallaabadan taariikhiga ah, isaga oo muujiyay ahmiyadda uu ku fadhiyo dadaalkan lagu xoojinayo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

“Qorshahan wadashaqaynta ah ee maanta la daahfuray wuxuu jidka u falayaa xiriir cusub, wuxuuna caddeyn u yahay sida ay inooga go’an tahay inaan iskaashigan uga faa’iideysano si waxtar u leh shacabkeenna, islamarkaana la xaqiijiyo in faa’iidadiisu gaarto dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed. Midowga Yurub waa saaxiib la isku halleyn karo oo aan la leenahay iskaashi dhow, waxaana hubaa in Geeddisocodkan Wadashaqayneed uu horseedi doono horumar ballaaran oo laga gaaro arrimaha muhiimka u ah dowlad dhiska, amniga, nabadgelyada, koboca dhaqaalaha iyo daadajinta adeegyada dowladda”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Mr. Josep Borrell Fontelles oo ah Wakiilka Madaxweyne Ku-Xigeenka Midowga Yurub, ayaa dhankiisa soo dhoweeyay saxiixa Geeddisocodka Wadashaqaynta ee dhexmaray Soomaaliya iyo Midowga Yurub, wuxuuna Dowladda Federaalka ku ammaanay guulaha ay ka gaartey nabaddeynta iyo horumarinta dalka, si shacabka Soomaaliyeed ugu tillaabsado nabad waarta iyo baraaro.

“Midowga Yurub iyo Soomaaliya waxay jaal ahaayeen muddo dheer iyada oo hannaankan loo dhan yahay ee lagu qeexay arrimaha hortabinta u leh labada dhinac uu tusaale u yahay in iskaashigeennu miradhal noqonayo. Midowga Yurub iyo Soomaaliya waxay iska kaashanayaan suurtogelinta nabad waarta, amni iyo horumar iyada oo la raacayo nidaam ku saleysan qawaaniinta caalamiga ah”, ayuu yiri Mr. Fontelles.

Lifaaqa 1

Geeddi-socodka maanta la daahfuray ayaa qeexaya Saddex aag oo ay dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ka wada-shaqeynayaan Labada sano ee soo socota. Waxaana gundhig u ah;

1. Hirgelinta siyaasad loo dhan yahay iyo hannaan dimuqraadi ah:

a) Hannaanka dowlad-dhiska iyo taabbagelinta degenaansho siyaasadeed

b) Hufista iyo heshiis laga gaaro hannaanka garsoorka dalka

c) Qaybsiga awooddaha iyo khayraadka

d) Hirgelinta hannaanka federaalka iyo doorashooyinka

e) Qabyotirka dastuurka, si waafaqsan muddada dowladdu u qabsatay ee 2024

f) Dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah oo ah meesha loogu laabanayo xallinta khilaafaadka.

2. Sugidda amniga iyo xasillinta dalka, sida:

a) In Soomaaliya ay hanato mas’uuliyadda amnigeeda( bad iyo berri) si waafaqsan xeerarka iyo dastuurka dalka, taas oo suurtagelin karta maalgelin toos ah.

b) Dhammeystirka hannaanka dib-u-dhiska ciidammada qalabka sida, iyada oo loo marayo heshiisyadii dhexmaray Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

c) Xoojinta kaalinta Midowga Yurub ee tayeynta iyo qalabeynta Ciidamada Qalabka Sida.

d) Meelmarinta qaraarka Golaha Ammaanka 2628 (2022) iyo xaqiijinta in xilliga kala guurka ay si habsami leh amniga dalka ula kala wareegayaan Ciidamada ATMIS iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

3. Horumarinta Dhaqaalaha Bulshada

a) Soo afjarista go’doonka dhaqaale ee Soomaaliya muddada ku jirtey.

b) Kordhinta dakhliga gudaha dalka ka soo xarooda.

c) Ka caawinta Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada sidii adeegga hufan loo gaarsiin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed.

d) Abuurista jawi iyo sharuuc dhiirrigelinaya in maalgashi lagu sameysto dalka.

e) Xoojinta xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

f) Xoojinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, si loo fududeeyo isku-xirka hawlaha ganacsi ee dalka iyo dibedda.

 

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo awaamiir culus kasoo saaray Askarta isticmaasha daroogada

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General, Mahad Cabriraxaan Aadan ayaa sheegay in Askarta isticmaasha daroogada noocyadeeda kala duwan uusan ka mid noqon doonin Ciidanka.

Taliyaha ayaa amray dhammaan saraakiisha iyo hoggaannada Ciidanka Asluubta iyaga oo tixgelinaya shuruudaha Ciidannimo iyo dhaqanka suubban ee looga baahan yahay in ay soo gudbiyaan laba maalin gudahood Askarta isticmaasha daroogada noocyadeeda kala duwan, si ay shaqada ugu saaraan.

Taliye Mahad ayaa dhinaca kale digniin u jeediyay saraakiisha qorata dadka eheladooda ah ee aan shaqada iman, kuwaas oo qaata mushaar aysan shaqaysan, isagoo ku tilmaamay caddaalad darro, iyo qiyaano Qaran, wuxuuna sheegay in ay tallaabbo cad ka qaadi doonaan dadkaasi.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in aysan dooneyn in ay qiyaameeyaan Qaranka, wuxuuna ku cel-celiyay in la qaata awaamiirta uu siiyay hoggaannada kala duwan ee Ciidanka Asluubta.