Ciidanka Xoogga iyo shacabka Hiiraan oo weeraray koox khawaarij ah

Ciidanka Qaranka ee ka howlgala gobolka Hiiraan iyo dadweyne kale ayaa weerar ku qaaday koox Danbiilayaal ah oo ka tirsan Khawaarijta,isla markaana doonaayey inay si dhuumaalaysi ah isugu abaabulaan deegaanno dhaca Koonfurta Beledweyne oo ku dhow Beerxaanno

Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha Shacabka ayaa saaka ka horragay koox Khawaarijta ,iyagoo ku baacsaday deegaanka Maxamed Xasan oo u dhow deegaannada Beerxaanno ee dhaca Koonfurta Beledweyne.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobalka Hiiraan ayaa ku soo waramaya in dadka deegaanka oo aan ogolayn in mar kale Khawaarijtu ku soo dhex ganbadaan ay si dhow ula shaqaynayaan ciidanka Qaranka isla markaana ay qayb ka yihiin dagaalka hadda socda.

Inta badan dhulka Gobalka Hiiraan ayaa horay looga xoreeyay Khawaarijta naf-la caafiga ah, waxaana haatan socda howlgaladii ugu danbeeyay ee guud ahaan la doonayo in lagu ciribtiro Khawaarijta.

Madaxda Warfaafinta XFS oo ka mahadceliyay waxqabadka Turkiye ee dhinaca warbaahinta Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS Mudane Daa’ud Aweys ayaa u mahad celiyay dowladda Tukiye oo dadaal xoogan u gashay sidii loo horumarin lahaa qeybaha warbaahinta ee ka gowlgala dalka.

Wasiirka ayaa yiri”Xilli Baahi badan loo qabay in Soomaaliya ay hesho isbaheysi caalami ah oo Soomaaliya dhibaatada la qeybsada waxaa garab istaah inoo muujiyay walaalahern Turkiye”.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane C/laahi Xayir Ducaale ayaa uga mahad celiyay dowladda Turkiga garab istaagga ay u muujiyeen maamulka Warbaahinta Soomaaliya.
Hadaladaan ayaa daba socda xiritaanka tababar loo qabtay qeybaha warbaahinta oo ay maalgaliyeed dowladda Turkiye.

Ciidanka Xoogga oo khasaare xooggan gaarsiiyey kooxda khawaarijta

Xarardheere:- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Deegaanka ayaa maanta la wareegay Deegaano dhaca Galbeedka Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug sida uu Wakaaladda Wararka SONNA u xaqiijiyey Taliyaha Ciidanka lugta Gen Biixi.

Deegaanadaan Ciidamadu la wareegeen ayaa horay waxaa u joogay khawaarijta Al Shabaab Ciidamada ayaana weerar jahooyin kala duwan leh ku qaaday Maleyshiyaadka oo isku aruursanayay deegaankaas.

Sida uu Taliyuhu xaqiijiyey dagaalkan ayaa khawaarijta waxa looga dilay 7 toddoba xubnood,sidoo kale Deegaanka Xawaali meel u jirta 35KM ayey Ciidanku weerareen iyagoo gacanta ku dhigay Baabuur kooxda Khawaarijtu ku ururin jireen Xoollaha baada ah ee ay ka qaadi jireen dadka deegaanka.

Golaha Wasiirrada oo soo bandhigay in 70% hoos loo dhigay weerarradii ay Khawaarijtu ka geysan jireen dalka

Golaha Wasiirrada oo soo bandhigay in 70% hoos loo dhigay weerarradii ay Khawaarijtu ka geysan jireen dalka

Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu ansixiyey heshiiska Adeegga Duulista iyo Hawada ee Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo lagu lafa-guray guulaha ay ciidamadu ka gaareen xasillinta Caasimadda iyo xoreynta dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyey guulaha ay ciidamadu ka gaareen xorreynta dalka oo suurta-gelisay in 70% hoos loo dhigay weeraradii ay argagixisaduka geysan jireen dalka, waxaana lagu guuleystay xasillinta caasimadda oo sababtay in si nabad ah ay shacabka Soomaaliyeed u cibaadeystaan bishii soon.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyey heshiiska Iskaashi ee Adeegga Duulista iyo Hawada ee Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo dib u cusbooneysiin ay ku sameeyeen labada dal.

Golaha ayaa warbixin ka dhagaystay Guddiga Wasiirrada ah ee loo xil saaray soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayirmay dagaalka Suudaan, iyada oo lagu guuleystay in 1198 qof oo u badan arday wax ka baranaysay Suudaan lagu soo celiyo dalka, welina ay soconayaan howlaha daadgureynta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Golaha ayaa soo dhaweeyey tallaabada hoos loogu dhigay qiimaha lacageed ee sannadkan ay ku tagi doonaan Xajka muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ka yar qiimihii sannadkii hore, taas oo ku timid tartan daah-furan oo ay galeen shirkadaha doonaya adeegga xujeyda.

Israa’iil oo Magaalada Nablus ku dilay 3 falastiiniyiin ah

Ciidamada Israa’iil ayaa dilay ugu yaraan saddex falastiiniyiin ah, afar kalena waa ay dhaawaceen ,kadib weerar ay ka fuliyeen magaalada Nablus oo dhacda waqooyiga dalkaasi.

Ciidamada iyo sirdoonka Israa’iil ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in laba ka mid ah ragga la dilay ay ka dambeeyeen toogasho ka dhacday 7-dii April waqooyiga magaalada Jericho,halkaas oo ay ku dhinteen laba gabdhood oo walaalo ah.

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin iyo Bisha Cas  ayaa xaqiijisay in saddex falastiiniyiin ah ay dileen ciidamada Israel manta oo khamiis ah,halka afar qof oo dhaawac ah loo gudbiyay isbitaalka.

Dhinacyada siyaasadeed ee ku sugan Nablus ayaa ku dhawaaqay shaqo joojin guud oo ay maanta oo Khamiis ah ka sameynayaan magaalada si ay uga jawaabaan weerarka.

Ciidamada Israel ayaa dilay ugu yaraan 110 falastiiniyiin ah, oo 20 ka mid ah ay caruur yihiin illaa iyo hadda.

Catriona Laing oo loo magacaabay ergayga gaarka ee QM u qaabilsan Soomaaliya

Catriona Laing oo loo magacaabay ergayga gaarka ee QM u qaabilsan Soomaliya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay Catriona Laing oo u dhalatay Boqortooyadda UK in ay noqoto Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Catriona ayaa xilka kale wareegaysa Ergaygii gaarka ahaa ee qaramada midoobay u qaabilsanaa Soomaliya Amb James Swan,iyadoo sidoo kale noqon doonta madaxa Xafiiska UNSOM.

Catriona Laing ayaa hore u soo noqotay madaxa xafiiska horumarinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Sanadihii u dhexeeyey 1993-dii illaa 1994-kii.

In ka badan 40-ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay shabeelaha hoose

Hawlgal qorshaysan oo ciidanka sirdoonka iyo nabad sugidda Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen beerta shariifka ee deegaanka Nuungare oo 8-km kaga beegan dhinaca waqooyi ee deegaanka Bariire ee gobolka shabeellaha hoose ayaa lagu dilay in ka badan 40-ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad, kuwaas isugu jira Soomaali iyo ajnabi, waxaana sidoo kale lagu dhaawacay tiro intaas ka badan.

Habeenimadii talaadada oo taariikhdu ahayd 2-da bisha May ayaa maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee hawlgalkan lagu beegsaday waxa ay isku abaabulayeen dhulbeereedkaan.

Sirdoonka Qaranka oo helay xogtooda ayaa iyaga oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ka hortagay dhagarta ay la damacsanaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Ku dhowaad 10-Khawaarij ajaanib ah ayaa ku jira xubnaha lagu laayey hawlgalkan, waxaana sidoo kale jira xubno kale oo lagu raad-joogo kuwaas oo isku dayaya inay baxsadaan.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an in Khawaarijta lagu beegsado goob kasta oo ay gabaad ka dhigtaan, iyadoo haatana ciidanka Qaranka iyo dadka Soomaaliyeed ay dhul badan ka xoreeyeen Khawaarijta.

Midowga Yurub oo Soomaaliya ka taageeraya la dagaalanka argagixisada

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Jaamac Muqdisho ka furay kulan heerkiisu sarreeyo oo u dhaxeeya dawladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub, kaas oo looga hadlayo dagaallanka fikirka xagjirka ah.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro argagaxisada aan looga adkaan karin kaliya dhanka ciidanka, balse loo baahan yahay in dhinacyo badan lagala dagaalamo sida dhanka fikirka, isagoo Midowga Yurub uga mahad celiyey garab istaagga joogtada ah ee ay siiso dawladda Soomaaliyeed.

Dhankooda Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyey hawlgallada dawladdu ku cirib tirayso Al-shabaab isla markaana dawladda kala shaqayn doonaan la dagaalanka fikirka argagixisada.

     

Wasiirka warfaafinta oo suxufiyiinta ugu hambalyeeyey maalinta xoriyadda saxaafadda

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Daa’uud Aways Jaamac ayaa hambalyo ku aaddan maalinta xorriyadda saxaafadda caalamka u diray dhammaan suxufiyiinta Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in suxufiyiintu ay udub dhexaad u yihiin nabadda iyo dowlad dhiska, sidaa daraadeedna ay dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xoriyadda saxaafadda, dhowrista bedqabka suxufiyiinta, daah-furnaanta, xoriyatul qowlka iyo fududeynta qaabka ay saxaafaddu ku heli lahayd wararka.

“Si Soomaaliya ay horumar u gaarto, waxyaabaha aasaasiga ee aan u baahanahay inaan hirgelino ayaa waxaa ka mid ah in suxufiyiinta loo abuuro jawi ay si xor ah ugu shaqeyn karaan, bedqabkooda iyo inay tababaro xirfadahooda sare loogu qaado ay helaan” ayuu yiri Daa’uud Aways.

Wasiirka ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqqy in xuska maalinta xoriyadda Saxaafadda ee 3-da May, ayaa sanadkan ku soo beegmaya iyadoo dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay go’aansatay inay si daah-furnaan iyo isla xisaabtan ku dheehan ugu adeegto shacabka Soomaaliyeed, tusaalaha nool ee go’aankaasina uu yahay kulankii dadweyne ee dhowaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud uu uga jawaabey su’aalo ku saabsan siyaasadda iyo waxqabadka dowladda oo ay shacabku weydiinayeen.

Waxa uu ugu dambeyn wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, mudane Daa’uud Aweys uu ugu baaqey saxaafadda inay sii wadaan doorka wanaagsan ee ay ka cayaarayaan wacyigelinta bulshada, inay cod u noqdaan bulshada inteeda jilicsan ee aan fursadda u helin in codkooda la maqlo, dhismaha dowladnimada, nabadda, daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka, iyadoo la tixgelinayo danaha qaranka, iyo anshaxa saxaafadda.

Ra’iisul Wasaare Xamze oo magacaabay xubno Wasiirro ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magacaabay xubno wasiirro ah, oo kamid noqonaya golaha Wasiirada.

Ra’iisul Wasaaruhu markuu arkay:Qodobka 97-aad faqradiisa 3-aad e Dastuurka KMG.

Qodobka 98-aad faqradiisa 2-aad Xar. A iyo B ee Dastuurka KMG.

Qodobka 100-aad Xarfaha A, B iyo C ee Dastuurka KMG.

Howlaha baaxadda leh ee horyaalla Xukuumadda JFS.

Markuu tixgeliyay: Talada Madaxweynaha JFS

Markuu garowsaday: Baahida loo qabo magacaabidda Xubnahan Golaha Wasiirrada JFS, wuxuu magacaabay:

  1. Mudane, Cabdikariim Cabdow Xaydar – Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
  2. Mudane, Axmed Jaamac Cumar – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu kula dardaarmay in xilkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka, ummadda Soomaaliyeedna ugu adeegaan si ay ku dheehan tahay Alle ka cabsi iyo masuuliyad.

Mudane Xamse ayaa u rajeeyay in Eebbe uu ku asturo masuuliyadda culus ee loo igmaday.