NADAAFADDII GOBOLKA BANAADIR OO KU SOO ARURTAY HAL WADDO KELIYA

Markii aad isha mariso waddooyinka mara magalada muqdisho caasimadda waddanka soomaaliya ayaa waxaa kuu muuqanaya burbur iyo qashin tuuran oo yaal waddada dhexdeeda iyo hareeraheeda.

waxaa goobahaas qaar qashinka uu gaaray heer meel fog laga soo uriyo, taa badelkeedana waxaana si aad ah looga shaqeeyaa waddada dheer ee isku xirta Ex koontarool afgooye iyo madaxtooyada dalka looga arrimiyo taasuna ma ahan mid  dabooli karta nadaafadda looga baahan yahay magaalada muqdisho.

Gobolka banaadir wuxuu ka kooban yahay toddobo iyo toban degmo oo loo yaqaan degmooyinka gobolka banaadir oo mid waliba uu leeyahay guddoomiye degmo iyo maamul buuxa oo loogu tala galay in ay gutaan xilka ka saaran degmadaas.

Mas’uuliyiinta degmada waxaa loo edmaday in ay ka warqabaan waxa ku soo kordha degmadooda una shaqeeyaan umaadda.

Sida badan markii ay da’aan roobabka waxaa iska caadi noqotay daadadka ka soo rogmanaya meelo kala duwaan in ay baabiyaan shacabka danyarta ah ama ay waxyeello kale gaarsiiyaan.

Roobka gu,ga ee aan oran karno halmaalin gelinkeed ayaa uu da’ay isla markaana waxaa soo if baxay khasaaraha durbadii gaaray shacabkii dan yarta ahaa ee ku noolaa guryaha xooshadaha ah oo bacaha ka sameysan

Waxaa markiiba arkeysay qashin iyo qoryo ay wadaan daadadka kuwaasoo mee l kasta buux dhaafiyey ayaa si toos ah ugu habsaday laamiyadii iyo barxadihii

khasaare iyo burbur aan la soo koobi karin ayaa saacado gudahooda soo gaaray shacabka qaarkood ee aan awoodda u lahayn in ay degaan meelo ka dugsoon Meesha ay manta deggan yihiin

haddaba nadaafaddu waa bilicda iyo quruxda magaalada iyo caafimaadka bulshada haddii uu waddada qashin yaallo indhahu kuma raaxeystaan dhismayaasha waddada hareeraheeda ah bilic iyo qurux ma yeeshaan lamana eegi karo, barqadii  lama fariisan karo habeenkiina iskaba daa laguma ganacsan karo, waddooyinka magaalada mid kasta degmo ayey martaa oo ay ka tirsan tahay, sidaas awgeed dadka soomaaliyeed waa iney dhowraan iyaguna nadaafadda degaanka ay deggan yihiin mas’uuliyadna iska saaraan laguna koontaroolaa.

Sidoo kale, waa in la hubiyaa meel kasta oo ay ka muuqato wasaq ama biyo fariisteen kuwaasoo sida badan dhaliya ur aan caadi ahayn

Dhanka kale, waaxyaha iyo laamaha degmada  waa in la helaa isla xisaabtan dhab ah oo ku aaddan nadafadda degmada laguna tartan siiyaa waxaaha iyo laamaha midba midda ay ka nadaafad badan tahay.

Talo guud.

Madaxda dowladda hoose iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo weliba heer laan iyo wax waa in la helaa isla xisaabtan dhab ah oo ku wajahan bilicda iyo nadaafadda degmo waliba heerka ay ka joogto horumarka dalka.

Waa hubaal in ay jiri doonaan kuwo heer wanaagsan ka gelaya tartankaas kuwana ay hoos mari doonaan, balse waxaan habboon in la joogteeyo tartanka noocaasi ah ee loo qabanayo degmooyinka iyo xaafadaha ay ka kooban tahay muqdisho

WQ:Abwaan Gabayre

 

10 XIRFAD OO SHAQAALAHA WANAAGSAN LAGA RABO!

Waa hubaal in shirkad, ganacsi, hay’ad iyo xafiis kastaaba doonayo qaadashada shaqaalahaa ugu wanaagsan suuqa shaqada. Balse maxaynu uga jeednaa shaqaale wanaagsan? Waa maxay sababta inta badan loo raadinayaa?. Inta badan dadka ka shaqeeya shaqaaleysiinta iyo maamulka cududda shaqaaluhu way ogyihiin in ay adagtahay helidda shaqaale wanaagsan 100%. Tartamayaashu badana ma rabaan ku shaqeynta dhaqanka shirkadda ama hay’adda ama waxa ka dhiman xirfaddo looga baahanyahay shaqadan.

Looshaqeeyayaashu badanaa waxay eegaan xirfaddaha farsamo ee qofkani leeyahay iyagoo garab mara hubinta dabeecaddaha iyo tayooyinka qofeed ee tartamahani leeyahay. Marka la tixraaco suuqa shaqada waxa jira xirfaddo iyo tayooyin uu shaqaaleeya kastaa ka hubin karo xulashada shaqaale wanaagsan oo tayo leh.

Xirfaddaha iyo dabeecaddaha shaqaalaha wanaagsan waxa aynu ka eegaynaa xirfaddaha fudud, farsamo iyo kuwa adagba ee muhiimadda leh. Xirfaddaha fudud waxa ka mid ah shakhsiyadda, bulshaawinnimada, wada xidhiidhka, saameynta, caadifadda iyo falcelinta shaqooyinkiisii hore.

Xirfaiddaha farsamo iyo kuwa adagiba waa aqoonsiga awooddaada, waxa aad ku fiicantahay ee la cabiri karo oo aad horumarisay kaana dhigeysa midkamida hantida shirkad, hay’ad, ganacsi iyo xafiis shaqoba leeyahay. Halkan hoose waxa ku xusan xirfaddaha xulka ah iyo dabeecaddaha shaqaalaha wanaagsan.

1. Ogaal-shaqeed

Shaqaalaha wanaagsani waa midka yaqaan shaqadiisa, sababta iyo habka uu uqabanayo. Tani waxay keentaa shaqo wanaajin iyo horumarin.

2.  Xirfadyahan nololeed.

Khalaaq leh, si toolmoon u hadla, degan oo soojeedaa waa midkamida xirfaddaha nololeed ee shaqaalaha wanaagsan.

3. Daacadnimo iyo sharaf

Run sheeg shaqo. miisaamid shaqo iyo nololeed, adadkaan macmiil iyo kooxda wadashaqeyni ka dhaxayso dabeecaddahaa uu kaga bixi karaa waxay ka dhigtaa shaqaale wanaagsan.

4. Curin

Shaqaalaha wanaagsani waa mid leh curin iyo soojeedin isbedel suuban ku sameynaysa shirkadda,hay’adda ama ganacsiga. Waana mid shaqaalah ka dhigeysa midkamida hantida shirkaddu leedahay. Fadhiidnimadu waa cadawga koboca iyo isbeddelka.

5. Xalin dhibaato

Shaqaale ka shaqeeya xalinta hawl ilaa uu ka xaliyo ama ka dhameeyo aan ka tegin. Culeys kasta oo ay ku qaadato awooddiisa dul dhiga xalinta dhibaatadaasi waa mid ka dhigta shaqaale wanaagsan.

6. Hiigsi

Shaqaale garanaya halka uu joogo iyo halka uu kusocdo. Maskaxda ku haysta hummaaga hiigsigooda nololeed. Isku daya kamidho dhalinta hiigsigaag talaabo talaabo taas oo kor u qaadaysa shakhsiyadda qofka iyo shakhsiyaddiisaba.

7. Masuuliyad

Shaqaalaha wanaagsani waa midka qaada masuuliyadda ficillada kasoo fula. Goobta shaqada ku yimaada wakhtigeeda, fuliya balamaha shaqo oo aan liidin shaqaalaha kale ayaa ah mid aad looqiimeeyo goobta shaqo.

8. Dad isku wad

Shaqaalaha wanaagsani waa qof dad isku wad leh. Darsa xurgufta soo kala dhex gasha shaqaalaha ee aan iska dhaafin. Balse qabta qofka khaldan oo saxa, gartiisa siiya qofka laga garta daranyahay.

9. Wadashaqeyn

Shaqaale leh awood wadashaqeyneed oo ah kawada shaqeynta yoolasha guud ee goobta shaqo u yaala.

10. Waxbarasho

Shaqaalaha wanaagsani waa mid dareensan waxbasharada tooska ah oo kaliyi in aanay ku filnayn shaqada balse uu u baahanayahay xirfad korodhsi. Shaqaalaha wanaagsan waa mid maskax furan oo martiyi kara isla markaana curin kara fikraddo cusub, lawadaagi karta aragtidiisa kooxaha wadashaqeyntu ka dhaxayso.

11. Caawinta

Shaqaalaha wanaagsani waa caawiye ku kaaba hagid dadyowga ku xeeran. Fahamsan aqoontu in ay awood leedahay marka loo gudbiyo dadyowga kale.

WQ: C/salaam M. Yaasiin

 

SOOOMAALIDA IYO XARAF”C”.

Soomaalidu waxay ku dhaataan labo waxyaabood oo “C” ka bilowda kuwaasoo kala ah ciidda iyo calanka, waxay ku ducaystaan 3 isla xarafkaas ka unkanma oo kala ah cimri dheer, caafimaad, iyo cibaado suuban.

Ladnaanta iyo baraaraha qoyska markay tilmaamayaan waxay hal-beeg uga dhigaan laba astaamood oo kala ah carruur iyo caano, sidoo kale cuntada ugu wanaagsan oo ay dhuunyadaani waa cad iyo caano oo labadu “c” ka billaabma.

Waxay illaahay ka magan-galaan 4 waxyaabood oo kala ah: Colaad, cayr, Cudurro, iyo Ceeb, si taa la mid ah waxay ka cabsadaan caro Alle, cadaab, iyo cuquubo.

Qof kartidiisa ama waxtarkiisa kolkii ay dhaliilayaan waxay ku tilmaamaan, cuqdad, caajis, camal-xumo, caasinimo, iyo ciidan-xumo, sidoo kale waxay ku ammaanaan cod-karnimo, caaqilnimo,  iyo cudud furnaan.

Waxay hellidooda ku dedaalaan labo waxyaabood “C” ka billaabma  oo kala ah: Caddaalad, iyo cilmi, dhulka ay xoolaha ku dhaqdaana waxay u qeybiyaan ceel iyo carshin.

Dhanka maamulka iyo madaxda markii aanu eegno 10 madaxweyne ee dalka soo martay 4 ka mida magacyadoodu waxay ka billowdaan Xarafka “C”, waana Cabdirashiid Cali sharmaake, Cabdiqaasim Salaad Xasan, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, iyo Cali mahdi Maxamed.

Sidoo kale 21-kii Raysul wasaare ee dalka soo hugaamiyay 10 ka mida magacyadoodu waxay ka billaabmaan “C” waxayna kala yihiin: Cabdullaahi Ciise Maxamuud, Cabdirashiid Cali sharmaake, Cabdirasaaq Xaaji xuseen, Cumar Carte Qaalib, Cali khaliif Galleydh, Cali Maxamed Geedi, Cumar Cabdirashiid, Cabdiweli Cali Gaas, Cabdi Faarax Shir-doon, Cabdiweli maxamed Cali,

WQ: Abwaan Hareeri 

 

XALAASHA MUHIIMADDA GUURKA AH

Guurku waa hanaan soo jireen ah oo abuurta aadmiga ku sidkan, wuxuuna udub-dhaxaad u yahay taranka bulshada iyo kala tafiirmiddooda.

Barbaar walboo shinkiisa gaadhay iyo bilcaan kastoo gashaanti noqataahina waxay u tafa-xaytaan xodxodo iyo haasaawe ay gayaankooda  ku raadsanayaan.

Mid waliba wuxuu ku dedaalaa sidii uu midka kale dareenkiisa u soo jiidan lahaa, siduu doonayona uu uga dhaadhicin lahaa oo uu  jeceyl laf iyo ludba ku baaha ugu beeri lahaa.

Isbarashada kolkii laga  gudbo ayuu wiilku gabadha ammaan iyo kool beer-laxawsi ah ku bantooqaa oo gabay iyo geeraarba ku jalbeebiyaa si uu maankeeda u gadiyo oo uu qalbigeeda kalgacal ugu maasheeyay.

astaan kastoo wanaagsanna ayuu ku tilmaamaa asagooo iin iyo ceeb kastoo ay leedahay iska indha tiray sidii inaan  dhaliilba eebbe u yeelin oo ay ceeb ka saliim-tahay.

Sagalka,jeegaanta,doogga, dayaxa,oogga,neecowda,iwm ayuu  ku jimeeyaa oo quruxdeeda barbar dhigaa, kuna ammaanaa asagoo gabayo dhaabad iyo dhex-taal leh si farxashamaysan ugu falkinayo.

Run iyo beenba intuu isugu daro ayuu baraare aduun iyo bayddi nololeedba u ballan qaadaa, inuu asagu barbaarta gayiga ugu hodansanyahay  oo uu asagaagiis wax dheeryahayna ugu faanaa.

Intuu maahmaahdii ahayd”been baa lagu soo xero galshaa runna waa lagu dhaqaa” dulucleeda xusuusto ayuu  asagoo caydh/cayr fara madow ah sheegtaa xoolo iyo xirfado aanu lahayn, wiil hoog balaayo ka dhacdayna isku tilmaamaa.

Nin gabadh u faanay baa laga hayaa “konton baa geelanaga ka dhalay kor u hayaankiiye

Nirgihiisa lama koobi karo kayn hadduu galo e

Koramada dhex qaadaahina waa kun iyo dheeraade

Aan karuurka wada doonannee kabaha soo qaado”

Mid kaloo goob ciyaareed ka baanay, inan rag badani ay guurkeeda ku talamayeenna ku hal-qabsaday ayaa asna ku heesay”wabay ninkii deyr rin geel dareersadayay

dahabo dan u raaci doontaa”.

Sida laba meeris ee heesta ka muuqata wuxuu ku faanayaa inuu asagu ragga ugu mudanyahay, gabadhuna aanay sinaba u diidi karin maadaama ay haleelo iyo horweynba xeryaha uga buuxaan, uu aynigiisa ugu ladanyahay.

Haddaba hanti ka sukow maxay gabdhihii hore ragga ku dooran jireen?, ragga laftooduna maxay hablaha ku kala xulan jireen?.

Lasoco qeybta labaad ee qormada.

 

INAAD SHEEGATO DA’DAADA MA CEEBBAA?

Dhowr qof oo aan la kulamay xiliyo kala duwan oo intabadan aan ku kulanay goobo shaqo, jaamacadaha, goobaha lagu nasto , maqaayadaha iyo goobaha lagu ciyaaro oo aan ku sheekesanay ayaa intabadan waxa ay qariyaan amaaba ay sheekaan da’dooda da’ kayar taasina ay qofka u horseedi karto in uu laasimo ama joogteeyo ama uu caado ka dhigto ereyga beenta.

qofka muslimka ah waxaa looga baahan yahay in uu Alle SWT uu kacabsado uuna ka run sheego da’da saxda ah uu jir sababtoo ah da’daas saxda ah qofka waxa ay ka caawineysaa in marka uu xanuunsado da’diisa daawada lagu joogteeyo taasina waxa ay u horseedeysaa qofka in uu noqdo qof run low ah oo Alle ka cabsi ay ku weyntahay sidoo kalena xaqiiqda ka run sheego.

Sanadkii 2017dii Ayaan mar waxa aan wada sheekeysanay arday aan isla soo bilownay jaamacadda waxaana aan kawada sheekeysanay da’da uu qof walba uu uu jiro taasi waxa ay keentay in da’deena aan isku wada sheegno oo aan iswada ogaano.

Ardada intabadan da’ada ay sheegteen ayaa ah 18jir waxaana da’da aan isla wadaagnay sanadkii 2017 .

Shansano ka bacdi mar aan jaamacadda wada dhameynay Ayaan hadana isweydiinay oo aan is xogwareysanay mid walba waxa uu sheegtay da’dii 2017dii uu sheegatay shansano ayaana ka soo wareegatay layaabna waa ay igu noqotay.

Dabcan daruufo ayaa keenayso in qofkan dhalinyarada ah uu da’diisa qariyo sababtoo ah qofka waxa uu rabaa in uu isyareeyo oo uu yiraahdo in da’diisu yartahay.

Hadaba dhowr sabab ayaa keenta in dhalinyarada ay qariyaan da’dooda saxda ah.

1.Sabata kowaad ayaa ah in adduunka uu isu badalay teknoolijiyadda sabatoo ah dhalinyarada intabadan waxa ay daawadaan ciyaaraha caalamka waxaad arkeysaa ciyaartoy in weyn ah oo da’ yar looqoraayo taasina dhalinyarada waxa ay u horseeday in ay is yaareeyaan.

  1. Sababta labaad ayaa ah in dhalinyarada ay yiraahdaan waxa aan iska jareenaa inta bur burka iyo dagalada lasoo maray taasi badalkeedana ay sheegteen da’yar oo aan u qalmin.
  2. sababta sadaxaad ay tahay in ay ku qasbaan daruufo kala duwan ay heestaan ay jiraan sababtoo ah qofka marka ay lasoo gudboonaadaan daruufo waxa ay nolosha ku cadaadineysaa in uu waxbadan ka tanasulo taasina waxa ay u horseedaysaa in waxkasta uu u bareero.

Ugu danbeyn dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan siinayaa talo guud oo ah marka ugu horeysa waxaa in ay ka baqaan Alle SWT sidoo kalena ay laasimaan runta sababtoo ah qofka runta sheega waxa uu noqonayaa qof la aamino oo lagu kalsoonaado noloshiisana ay u horseedo guul iyo in waxkasta oo kheir ah uu Alle u sahlo.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan.

 

Madaxweynaha JFS oo madaxda Puntland ugu baaqay in ay tix galiyaan rabitaanka shacabka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo oo salaadda Jumcaha kadib Khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa madaxda Puntland ugu baaqay in ay tix galiyaan rabitaanka shacabka, ayna dhageystaan talada siyaasiyiinta iyo dhaqanka deegaanka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in raalli ka noqon karin in muddo kooban lagu dumiyo tacab 24 sano la soo dhisayay.

Dhanka kale madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dowladda ay qaaday tallaabbooyin ka dhan ah la-dagaallanka musuq-maasuqa islamarkaana ay bilaabayso qorshe qaran oo lagu ilaalinayo ammaanada shacabka, isaga oo ka dalbaday bulshada Soomaaliyeed in ay door ku yeeshaan ka hortagga xatooyada xoolaha hantida dadweynaha.

Shir looga hadlay abaaraha iyo cuni-yarida dalalka geeska Afrika oo lagu qabtay Shiinaha

Shir oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobey xafiiskeeda dalka Shiinaha ayaa waxaa xoog lagu saaray sidii looga hortagi lahaa abaaraha mar walba ka dhaca dalalka geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya.

Danjire Cawaale Cali Kullane safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in muhiim tahay in xal loo helo cuni-yarida abaaraha dalalka geeska Afrika kusoo laablaabta kuwaasoo saameen badan ku yeesha dadka dega geeska Afrika oo Soomaaliya ugu horeeyso.

Sidoo kale safiirka ayaa soo dhaweeyay doodaha arrimahaas looga hadlayo ayna tahay in laga hadlo sidii difaac looga yeelan lahaa abaarahaas muddo badan bulshada geeska Afrika ku raaga.

Qaramada Midoobey ayaa inta badan soo qabanqaabisa shirarkan oo kale kuwaasoo xal loogu raadinaayo dhibaatooyinka nololeed ee haysta dalalka aduunka.

Maamulka Isboortiga XFS oo Gaalkacyo ku soo gabagabeeyay shir loo qabtay dhallinyarada Galmudug

Maamulka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS ayaa magaalada Gaalkacyo ,gaar ahaan qaybta Galmudug ku soo gabogabaysay shirka wadatashiga iyo ansixinta siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Agaasimaha waaxda sharciyada Wasaaradda Xasan Sh. Cabdi Abuubaka( Codey) oo Dhallinyarada Galmudug kala qayb-galay Shirweynaha ansixinta iyo wadatashiga siyaasadda Qaran ayaa sharaxaad ka siiyay meelaha ay xoogga saarayso siyaasaddaasi, afarta sano ee soo socota.

Hormuudka dhallinyarada Galmudug oo ka kala yimid magaalooyinka Dhuusamareeb, Cadaado, Guriceel iyo degmooyin kale ayaa ka soo qayb-galay shirka wadatashiga ee dhallinyarada Galmudug ,kaas oo ay soo qaban qabiyeen wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS.

Dhowaan ayaa la filayaa in golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay meel mariyaan siyaasadda qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo wasaaraddu ku tallo jirta in dhammaan dowlad goboleedyada iyo dhallinyarada qurbaha la maqlo ra’yigooda intaan golaha la hor gayn.

Wadatashiyo noocan ah,waxaa horay loogu qbtay dhallinyarada dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Hirshabeelle.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku howlan mashruuc la xiriira bixinta aqoonsiga dadweynaha

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in dhowaan dalka laga bilaabi doono Mashruuc ku saabsan bixinta kararka aqoonsiga ee dadweynaha.

Wasiirka ayaa xusay in mashruuca aqoonsiga dadweynaha u yahay mid ugub ah oo ku cusub dalka,sidaa daraadeedna loo baahan yahay in qof kasta oo muwaadin ah uu ka qeybqaato sidii loo hirgalin lahaa.

Wasiir Fiqi aya qiray in waqtiyada soo socda loo howlgalayo fulinta mashruuca aqoonsiga dadweynaha ,gaar ahaan bixinta kaararka aqoonsiga qaran oo uu tilmaamay in uu yahay mid isku furaya dalka iyo dalalka deriska ah  .

Maareeyaha Hay’adda Diiwaangalinta Dadweynaha iyo Aqoonsiga Qaranka  ayaa sheegay in habraaca diwaangalinta aqoonsiga qaranka ay ujeedadu tahay  in qofka muwaadinka laga hayo xogta ugu yare ee qofka lagu ogaan karo.

Japan oo Mozambique ka caawineysa la dagaalanka argagixisada

Ra’iisul wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu Mozambique ka caawiyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Ra’iisul Wasaaraha Japan ayaa booqanaya Mozambique, taasoo qayb ka ah socdaalkiisa lix maalmood qaatay oo uu ku tagay saddex waddan oo Afrikaan ah – Ghana, Kenya iyo Masar.

Waxa uu sheegay in Japan ay xiisaynayso in ay maalgeliso la dagaallanka argagixisada ee waqooyiga gobolka Cabo Delgado, taas oo u oggolaanaysa shirkadaha Japan ee qaybta ka ah isbahaysiga ka faa’iidaysanaya gaaska dabiiciga ah ee dooxada Rovuma.

Dooxada Rovuma oo dhacda waqooyiga Mozambique waxaa go’doomiyay sanado badan kacdoono islaamiyiin ah.

Mr Kishida iyo Madaxweynaha Mozambique Filipe Nyusi ayaa ka hadlay baahida loo qabo maalgashiga gaarka ah ee Japan, iyada oo la eegayo natiijooyin la taaban karo oo laga gaaro iskaashiga laba geesoodka ah.

Madaxweynaha Mozambique Filipe Nyusi ayaa ku booriyay Japan inay sahamiyaan fursadaha maalgashi ee gaadiidka, beeraha, warshadaha iyo dalxiiska.