Somali Government warmly welcomes the start of talks between the Sudanese Armed Forces and the Rapid Support Forces in Jeddah

The Somali Federal Government warmly welcomes the start of talks between the Sudanese Armed Forces and the Rapid Support Forces in Jeddah. We commend the Kingdom of Saudi Arabia and United States of America for facilitating these talks and fully support their joint statement urging both parties to consider the interests of the Sudanese nation and engage in talks towards a cease fire.

The Somali government and people truly respect and cherish the historical brotherly bilateral relations it has with the Sudanese government and people who have stood by our side and continue to be by our side through our period of civil strife.

Our painful experience in Somalia is that conflicts are easy to start but very difficult to end. We therefore urge the parties in Sudan to swiftly silence the guns and iron out their differences through peaceful means. This is the best and swiftest solution to ensure the situation in Sudan does not escalate any further.

The Somali government sincerely hopes that all parties involved in the Sudan conflict understand the possible devastating repercussions of their actions on the Sudanese nation and people, as well as the entire region, if they do not choose peace and security over conflict and chaos. The time is now to put down the weapons and transition to dialogue.

Somalia stands in solidarity with their brotherly people of Sudan and remain committed to supporting efforts towards a peaceful resolution to this conflict.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Ergey gaar ah oo ka socda dalka Suudaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Ergeyga ka socday Golaha Sare ee dalka Suudaan Danjire Dafcallah Al-xaaji Cali ayaa la wadaagay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga walaacsan tahay iska-hor imaadka hubaysan ee ka socda dalkaas.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay xiriirka walaaltinimo ee taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Labada dal, waxa uuna ku celiyey baaqii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahnaa dhammaan walaalaha Suudaan in ay joojiyaan dagaalka, fursadna siiyaan wada-xaajoodyada iyo xalka nabadda.

idoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u garab taagan yihiin nabadda, midnimada iyo hay’adaha dastuuriga ah ee dalka Suudaan, waxa uuna xaqiijiyey in codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee IGAD, Midowga Afrika iyo Hay’adaha Qaramada Midoobey ay ku garab istaagayso dowladnimada iyo xasilloonida dalka Suudaan.

Wasiirka Amniga XFS oo gudoomiyayay shirka todobaadlaha ah ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Doodusho ayaa maanta shir gudoomiyayay shirka todobaadlaha ah ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), waxaana lagu lafa guray wada shaqeynta HSJ iyo Hey’addaha kale iyo sidoo kale dhaqangelinta shuruucda cusub ee dhawaan  Madaxweynuhu saxiixay iyo ilaalinta habraacyada shaqo ee Hey’adda dhexdeeda ah.

Wasiirka, oo xusay in dhawaan la meelmariyay Sharciyada Dhismaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo sharciga Socdaalka, ayaa timaamay muhiimadda ay leeyihiin in si rasmi ah loo dhaqangeliyo Shuruucda la meelmariyay iyo Sidoo kale in la soo saaro xeerarkii lagu dhaqi lahaa shuruucdaas.

“Hay’addu waxay yeelatay shuruuc cusub oo la jaanqaadeysa sharciyada kale ay leeyihiin hey’adaha kale ee dhigeeda ah” sidaa waxaa yiri Wasiirka Wasaaradda Amniga Md Doodisho.

Wasiirka ayaa mudadii uu shirku socday waxa uu warbixino ka dhegeystay Agaasimaha Guud Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, wuxuuna ku amaanay sida daah furnaanta leh oo ay shirkan ugu kala war qaadanayaan madaxda HSJ, isagoo bogaadiyay howlaha hortabinta leh ee socda.

Ugu dambeyna, Wasiirka Wasaaradda Amniga Md MAxamed Sheekh Cali (Doodisho), oo shirka soo xiray, ayaa saraakiisha HSJ kula dardaarmay ilaalinta sirta hey’adda iyo tayaynta adeegyada ay bixiso, iyo sidoo kale in la xoojiyo wada shaqeynta hey’adda dhexdeeda iyo hey’adaha kale ee ay shaqo wadaaga yihiin taas oo uu sheegay Wasiirku iney horseedi karta horumar iyo in horey loo socdo.

  

Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Cadaaladda Galmudug

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Caddaaladda Dowladd Gobaleedka Galmudug Mudane Cabdullaahi Axmed Maxamed.

Kulanka Wasiirrada ayaa looga wada hadlay adkeyna wada-shaqeynta labada Wasaradood, horumarinta hannaanka cadaaladeed ee dalka, wixii ka hirgalay mashaariicda la xiriira caddaaladda iyo garsoorka heerarka ay marayaan, iyagoo isla soo qaaday in la daadejiyo adeega caddaalada iyo garsoorka labadiisa heeFederaalka raal iyo heer dowladda gobaleed.

Wafdi ka socda dalka Sudan oo soo gaaray Muqdisho

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda Xamse Aadan Xaadoow ayaa goor-dhow garoonka diyaaradaha Ku soo dhoweeyay wafdi ka socda Dalka Sudan oo uu hoggaaminayo wakiil ka socda wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan Daf Calah Xaji Cali, iyagoo kulan la qaadan doono madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xaaladda Sudan ayaa isbedeshay markii ay xiisado dagaalo hubeysan ay ka qarxeen15-kii bishii April ee sanadkani kuwaasi oo u dhaxeeya Dowladda Militariga iyo kooxda RSF.

Dowladda Soomaliya ayaa bilowday daddaalo lagu soo samata bixinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa maxkamada gobolka Banaadir u gudbiyey 36 Eedaysane oo ajaanibi ah

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa maanta maxkamada gobolka Banaadir u gudbiyey dacwada 36 eedaysane oo ajaanib ah si waafaqsan qoddobka 71-aad XHCS,eedaysanayaashan ayaa ku eedaysan ka ganacsiga kalluumaysiga sharci daradda ah.

Eedaysanayaashan ayaa ku eedaysan ka ganacsiga kalluumaysi sharci darro ah iyo in ay sidoo kale ku xadgudbeen biyaha dowladda Soomaliya ,ciidanka badda ayaa gacanta ku dhigay eeedaysanayaashan xili ay faraha kula jireen kalluumaysi sharci darro ah.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa maxkamada ka codsaday in la soo muddeeyo dhegaysiga dacwadooda isagoo sidoo kalena xafiisku uga digay cidkasta oo isku dayda in ay ku xad gudubto biyaha badda Soomaliya.

Sacuudiga oo dalkiisa ku martigaliyay dhinacyada isku haya Suudaan

Sacuudi Carabiya ayaa martigelinaya wadahadaldii ugu horreeyay ee fool ka fool ah oo u dhexeeya dhiancyada ciidammada ku dagaallamaya Suudaan, ka dib markii ay burbureen dhowr heshiis oo xabad joojin ah.

War qoraal ah oo ay si wadajir ah ay u soo saareen Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa lagu soo dhaweeyay billowga wadahadallada horudhaca ah ee loo qorsheeyay in ay ka dhacaan Magaaladfa Jeddah ,kaas oo u  dhexmari doona ciidamada Suudaan iyo xoogagga RSFee gurmadka degdegga ah.

Warsaxaafadeedka Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa lagu sheegay in ay ku boorinayaan labada dhinac in ay tixgeliyaan maslaxada dalka, oo ay ka qeyb qaataan wada-hadallada lagu joojinayo colaadda, laguna soo afjarayo colaadda, taasoo shacabka Suudaan ka badbaadi doonta dhibaatada ,isla markaana suurtagalin doonta in la hubiyo helitaanka gargaarka bini’aadantinimo ee meelaha ay dhibaatadu saameysey”.

Ciidanku waxay xaqiijiyeen inay ergo u dirtay Jeddah si ay uga qeybgalaan wada-hadalladaan oo ay dabada ka riixayaan Qaramada Midoobay iyo hay’adaha gargaarka,si wax looga qabto xaalad bini’aadantinimo ee ka taagan Suudaan.

Ma jiro wax war aj oo ka sooo yeeray ciidanka RSF ee la dagaalamaya kuwa dowladda Suudaan.

Ku dhawaad ​​saddex toddobaad oo dagaallo culus ay socdeen ayaa waxaa ku dhintay boqolaal qof, waxaana ku barakacay ku dhawaad ​​450,000 oo rayid ah,iyadoo 115,000 oo kamid ah dadka barakacay ay magangelyo u tageen dalalka deriska ah.

Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay wadadda isku xirta Garoowe iyo Garacad

Garoowe:- Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta dhaggax dhigay dhismaha Wadada Garoowe-Garacad, isaga oo muujiyey muhiimada ay Wadadan u leedahay Bulshada Puntland.

Waxaana Goob joog ka ahaa dhagax dhiga wadadaani Masuuliyiin ka Socotay laamaha Dowlada iyo Odayaasha deegaanka .

Dhanka kalama Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay deegaanka Awrculus oo ka tirsan degmada Garoowe .

Madaxweynaha oo fagaare Kula hadlay Bulshadii soo dhoweysay, ayaa ku baaqay in dadka deegaanku in ay isu diyaariyaan Doorashada Goleyaasha deegaanka ee 25-May 2023, wuxuu muujiyay in dadka oo codeeya oo madaxdooda doorta ay tahay waxa ugu weyn ee Dowladda laga sugayey, Sidaasi darteed loo baahanyahay in Bulshadu fursadan ka faa’ideystaan.

Muqdisho dhisme soo dumay oo sababay dhimashada afar carruur ah

-shil uu sababay burbur guri oo xalay ka dhacay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir ayaa sababay dhimashada afar caruur ah oo walaalo ah sida uu wakaaladda Wararka SONNA u xaqiijiyey aabaha dhalay caruurta.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa dhacday xalay saacadihii dambe,iyadoo dhismahani ka mid ahaa dhismeyaasha qadiimiga ah ee ku yaal degmada Shangaani

Dhismeyaasha duug ah ayaa marar dhowr ah sababay dhimasho iyo dhaawac,tan oo u baahan in bulshada laga siiyo wacyigelin dheeraad ah iyo in ay ka fogaadaan dhismeyaasha qadiimiga ah ee saacad walba kala kulmi karaan khasaare nafeed.

Share this Article

WAA KUMA SHAQAALE DAWLADEED?

Shaqaalaha dowladu waa shaqsi siiya ama bixiya adeegyada Maamulka Dowlada isagoo ka hela gunno am ku qaata mushaar.
Xiriirka ka dhexeeya shaqaalaha dowladda iyo Maamulka waa mid ku saleysan sharci iyo shaqo. Si uu u noqdo shaqaale dowladeed, qofku waa inuu ka gudbaa imtixaannada shaqada.

Haddii imtixaanadan laga gudbo, dadka doorta meelaha la bixiyo waa kuwa leh dhibcaha ugu badan iyo buuxiyo shuruudaha taxanaha ah.

• Shaqaaluhu wuxuu kuxiran yahay Maamulka Dawlada qaab joogto ah iyo iyadoo loo siinayo gunno.

• Shaqaalaha ku meelgaarka ah sidoo kale wuxuu kuxiran yahay Maamulka laakiin kuma xirna qaab joogto ah sida ku dhacda shaqaalaha shaqada. Marka laga hadlayo shaqaalaha ku meel gaarka ah, wuxuu bixin doonaa adeegyadiisa marka ay banaan tahay iyo waqti xaddidan.

• Shaqaaluhu waxay bixiyaan adeegyo taxane ah oo loogu talagalay Maamulka Dawladda qandaraas.

• Fasalka ugu dambeeya ee shaqaalaha dowladda waa shaqaalaha shaqaalaha. Qofka noocan ahi wuxuu qabtaa taxane ah hawlo gaar ah oo ka dhex jira Maamulka laftiisa. Waa shaqaale aan joogto ahayn.

Marka laga hadlayo shaqaale xirfadeed, waxaa jiri kara saddex nooc ama fasalo:

• Kooxda A waxay ka kooban yihiin dad ka soo gudbay imtixaannadii iyo haysato shahaado jaamacadeed.

• Kooxda B ayaa ka hooseysa A iyo Waxaa lagaa rabaa inaad haysato cinwaanka Farsamo yaqaan Sare.

• Kooxda C waxay ka kooban yihiin dadkaas ka gudbay imtixaanadii tartamada ee haysta diblooma dugsiga sare ama ka qalin jabiyay dugsiga. Kuwii hore waxay ku jiraan C1 kan kalena C2.

Sida loo noqdo shaqaale dawladeed

Sidii aan horeyba u soo sheegnay, si loo helo boos shaqaale dowladeed, qofku waa inuu ka gudbaa imtixaanno taxane ah oo xul ah. Goobaha la bixiyo waxaa aasaasay Dowladda iyada oo loo marayo bixinta shaqooyinka dadweynaha. Imtixaanadani way kala duwanaan doonaan iyadoo loo eegayo booska la bixiyo:

• Mucaaradku waxay ku saabsan yihiin taxane tijaabooyin aragtiyeed iyada oo ku saleysan ajandaha gaarka ah ee shaqada aad codsaneyso. Codsadeyaasha helay darajo sare waxay noqon doonaan kuwa hela meelaha qaar ee la bixiyo.

• Tartanka-mucaaradka, tijaabooyinka teori iyo wajiga tartanka ayaa lagu fuliyaa. Marxaladdan, taxanayaal mudnaan ah oo uu ku deeqay codsadaha jagada ayaa loo tirinayaa fasalka ugu dambeeya.

• Imtixaanka ugu dambeeya waa tartanka. Xaaladdan oo kale, ma jiro nooc ka mid ah imtixaanka aragtida ah ee la qaadi doono, iyadoo la tixgelinayo oo keliya mudnaanta uu bixiyay codsadaha. Mudnaantaas waxaa loo tarjumay dhibco iyo dhibcaha badan ayaa sii weynaanaya suurtagalnimada helitaanka booskaas.

Imtixaannadan oo kale waxaa loola jeedaa Gobolka Isbaanishka, wayna ku kala duwanaan karaan meelo ka baxsan dhulka la sheegay.

WQ: C/salaam M. Yaasiin