SOOMAALIYA FAA’IIDO MA UGU JIRTAA KU BIIRISTA URUURADA GANACSIGA AFRICA.

Dalka Soomaaliya waa Dal madaxbanaan oo africa ah kuna yaala geeska Africa lehna xeebta ugu dheer geeska Africa sidoo kalena leh kheyraad kala duwan oo kuwa dhulka ay ku dihan yihiin ama ku keedsan yihiin kuwa muuqda oo bulshada Soomaaliyeed ay ka faa’ideystaan inksta oo jirta caqabada haysta bulshada Soomaaliyeed.

Soomaaliya waxa ay dalalka africa kuwooda ugu xoogbadan lahaana cudud ciidan , kaabayaal dhaqaalo, iyo hormaro kala duwan oo uu dalka lahaa dalka oo xiligaas ku biiray ururo caalami ah, hay’ado ayaa nasiib wanaag dalkii waxaa ku dhacay burbur xooggan oo waxkasta oo uu dalka lahaa burbur kuyimid sida dowladdii in ay dhacdo, cududii ciidan meeaha kabaxdo, kaabayaashii dhaqaale meeahii kabaxaan oo dalka ku jiray muddo Sodon sano ah xaalad hubanti la aan ah iyo mid jahwareerba balse muddo lagu jiray dowladd dhis iyo dib u habeen lagu sameenayey hay’adaha dowladda maanta waxaa jirta hormar la sameeyey iyo hiigsiyo la hiigsanaayo.

Hadda haddii aan u nimaano su aasha ah Soomaaliya faa’iido ma ugu jirtaa ku biirista Ururada Ganacsi ee Ka jira qaarada Africa , Aasiya , Yurub iyo America?.

Haa faa’ iido waa ay ugu jirtaa haddii ay ku biirto Ururada ama hay’adaha ganacsi ee Ka jira Gobolka sababtoo Soomaaliya waxa ay kasoo baxaday marxalad adag balse maanta  waa dowladd leh sharciyo adag oo ay Kula macaamili karto Africa, Yurub iyo wadamada kala.

Bulshada Soomaaliyeed waa bulsho ku wanaagsan Ganacsiyada kala duwan ayaga oo ganacsiyo xoogleh ku leh dalka gudihiisa iyo sidoo kale waxa ay ganacsiyo xooggan ku leedahay wadamada Dariska taasi oo Ka dhigan in bulshada Soomaaliyeed ay ku wanaagsan yihiin hormarinta ganacsiga.

Haddaba bulshada sidaas ganacsiga xooggan u leh ayaa waxa ay fursad u tahay ku biirista Ururada Ganacsi ee Ka jira qaarada Africa waxaana ay kasameenayaan hormaro kala duwan oo dhanka shaqaalaha ah.

Sidoo kale ku biirista Ururada Ganacsi ee wadamada Bariga Africa waxa ay sahleysaa isku socodka taasi oo u fududeeneyso ganacsatada Soomaaliyeed in ay ganacsigooda ay u iib geen karaan wadamada kuyaala africa waxaana ay kasameenayaan dhaqaaalo xooggan.

Dowladd ayaa iyana wadda dib u dhiska iyo daadijinta hay’ada Taya -dhowrka qaranka oo ah hay’ad baaris ku sameesa dhamaan Ganacsiyada kala duwan ee dalka soo gala iyo kuwa kabaxa taasi oo hay’ada Taya -dhowrka qaranka ay bulshada Soomaaliyeed ay siineyso shahaado cadeeneyso ku waalatiga ama tayada ay leeyihiin taasina ganacsatada Soomaaliyeed waxa ay u sahleysaa ganacsigooda in ay u iibgeeyaan wadamada kala duwan ee adduunka.

Ugu danbeyn Bulshada Soomaaliyeed waa bulsho iyaga oo soo arkay dagaalo, dowladd balse shaqadooda ganacsi aan marnaba joojin taasina waxa ay kuu muujineysaa dhabar adeegooda iyo kartidooda dowladdu waxaa looga baahan yahay in ay ururo badan oo ganacsi ay ku biirito si ganacsatada Soomaaliyeed ay u helaan ganacsigooda hormaro kala duwan.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan.

DEKAD AMA FURDO WAA MAXAY MUHIIMADDA AY DALKU U LEEYDAGAY?

Soomaaliya waa dal madaxbanaan lixdan iyo laba sano wadal ku yaala Geeska Africa waana dal muhiim u ah marinada caalimiga ah waana dalka Geeska Africa ugu xeebta dheer , waana dal bulshadiisa ay yihiin boqolkiiba boqol muslimiin ah oo suniyiin ah.

Hadaba dalkeena Soomaaliyeed waxa uu ku tiirsan yahay ilo badan oo dhaqaale ah waxaana qeyb Ka Dekedaha oo ah ilaha ugu muhiimsan ee nolasha bulshada Soomaaliyeed oo dhami ay ku tiirsan yihiin waana halka ay oga soo dagaan dhamaan baahiyahooda aas aasiga ah ee kala duwan oo guud ahaan dalka laga isticmaalo, waana ilaha dhaqaale ee soo xareeyo lacago badan oo ay dowladdu cashuur ahaan u qaadato.

Deked waa meelaha laga eego dalalka hormarkiisa waana meesha laga qiimeeyo dhismaha Dekeda , hormarkeeda dhismo, shaqada baaxada leh ee maalin laha ah Ka socoto intaasi oo dhan ayaa laga qiimeeyaa Deked hadaba haddii ay intaas oo dhan ay shaqeenayaan oo ay hagaag sanyihiin dalkaas waxa uu noqonay dalalka Dekedohooda uu hormarsan yahay isla markaana uu caalamka la tartamaayo.

Dekedaha soomaaliya waxaa ku socda hormaro badan oo lagu wado waxaana dhismaha Deked laga filayaa in laga bilaaabo maamulka Galmudug oo qaban qaabo xooggan ugu jira sidii uu u dhislahaa islamarkaana ay latartami lahaayeen Dekedaha dalka sida Dekeda garacad oo ay dhisteen shacab isku tagay oo si isxil qaan ah u dhistay Deked casri ah islamarkaana ay oga soo dagaan alaabaha ay u baahan yihiin sidoo kalena waxaa dhismay Dekedaha kala ah sida Dekeda Boosaas ee xarunta ganacsiga , Dekeda barbara oo iyana si heersaro sara ah loo dhisay halka dekeda muqdisho iyana si casri ah horay loogu dhisay.

Shanta maamul ee dalka Ka jira markii aad eegto dhamaantood waxa ay leeyihiin Dekedo waana waxa kaliya ee aan kaga fiicnahay dalalka dariska ah ee aan qaarkood heesan dakad ama qaarkoodba aysan ku filneen dakadohooda.

Hadaba haddii aan u imaadno muhiimad intee in la eg ayuu u leeyahay dalkeena Dekedaha.

Muhiimad weyn ayuu dalkeena u leeyahay dakedaha waana meesha kalinaya Nololsha shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka ay ku tiirsan yihiin oo ay oga soo dagaan wax walba oo ay u baahan yihiin islamarkaana ay Ka dhoofsadaan waxa ay dibadaha u dhoofiyaan.

Sidoo kale muhiimada uu inoo leeyahay Dekedaha ayaa ah in dalka uu uyahay muraayaddii dalka waana halka kaliya ay kasoo dagaan dhamaan alaabaha qaar ee aan u dhoofino wadamada aan jaarka nahanay.

Dowladda iyana muhiimad ayey u leedahay sababtoo ah dowladd waxa ay dowladd ku tahay waa dhismaha kaabayaasha dalka dowladduna waxa ay Ka sameeneeysaa dhaqaalo xooggan ama canshuur isla markaana canshuurta lagu sii hormarinaayo kaabayaasha dhaqaale ee dalka sidoo kalena shaqaalaha dowladdana ay Ka helayaan mushaaraad ku filan.

Ugu danbeyn dal aan dakad laheen waa dal jiritaankiisa uu ciriir yahay hadaba waxa aynu inalaga baahan yahay waa in aan sii dhisano Dakadeheena oo aan quruxsano islamarkaana aan ku shaqeysano.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

 

KHAWAARIIJTA KHIIL DAMBE UMA HARIN

Mar haddii mudda badan ummaddu ku kula dhex jirtay dhibaato iyo jaha wareer in badanna laga soo jeediyay talo iyo tusale kuwa laga waayo wax maqal iyo garqaadasho oo cid waliba ay gacanta ka taagtay, markaas soomaalidu waxay ku maahmaahdaa maslaxa diid madarkuu ku jabaa.

Midda kale waxay leedahay talo walaalkii diide taraanturro ma huro, maalintaas ma jiro ruux kaa naxaya ama kuu jixin jixaya waana sida haysato khawaariijta al-shabaab oo ku can baxay naxariis darro meel kastana ku weji go,ay oo soomaalidu meel ay joogtaba maanta uma hayaan wax naxariis ah, waayo shacabkii ayey qarxiyeen, waxgaradkii ayey laayeen.

Sido kale, waxay diideen in kitaabka loo noqdo oo wixii ku yaal la isla arko si loo wada qaado waddada saxda ah oo aan muranka la heyn, waxay diideen maamul iyo tashi la wadaago, wax badan ayaa leysku dayay in lala gaaro maslaxad xaalkana lagu dayo in la qaraabeeyo, waxaa la yiri gacmo geel jire hoos ayaa  loo dhaqaa.

Taasi waxay macnaheedu tahay diinta iyo dadnimadaba waan wadaagnaye aan tashanno weyna diideen waxayna ku sifoobeen in ay yihiin khawaariij, khawaariijtana waxaa lagu sheegaa inay yihiin eeyaha naarta mana laha wax ehel iyo qaraabo ah, intaas ka dib waxaana go,aan lagu gaaray bulsho iyo dowladba in layska dhiciyo ka dib markii wax badan la rogrogay xajada in lagu qaado dagaal cir iyo dhul ah si looga ciribtiro loona suuliyo afkaarta khawaariijta.

Mar haddii laga waayay wax walaalnimo ah ayna iska diideen in ay bulshada dib ugu soo noqdaan waxaa la mariyay waajibaadkooda ay lahaayeen sidaas darteed wax khiil ah uma harin khawaariijta al-shabaab.

shabaabku waxay ku sifoobeen inay u adeegaan khawaariij kale oo caalami ah oo aan muslin aheyn.

Xaqiiqdu waxay tahay qofka muslinka ah ma dilo muslin kale oo wuu ogyahay in dhiiggiisa  iyo maalkiisa uu xaaraan ka yahay.

Haddaba, maanta shabaab waxaa la soo deristay wixii dhibaato ahaa oo

ay horay u geysteen khawaariijta  alshabaab iyo xulufada hoosta ka taageera iyo kuwa ay dulleysteen oo maskaxda uga  shubeen quraafaadka qofka akhliga leh wuu og yahay in berri waagu ku beryi doono ama xisaabtii Alleba meel utaallo adduunkana khiil dambe uma harin khawaariij iyo kuwa adeegaba ,

DALKA EDATORIAL

MA RABTAA IN AAD NOQOTO HOOYO IYO AABE WANAAGSAN

Waalid inaa noqoto waa mid ka mid ah waxyaabaha sida gaarka ah allah u bixiyo. Inta badan dadku hooyo iyo aabe way noqdaan balse farqi ayaa u dhaxeeya inaa noqoto hooyo iyo inaa noqoto hooyo fiican sidoo kale farqi ayaa u dhaxeya inaa noqoto aabe iyo inaa noqoto aabe fiican.

Qaladaadka waalidintu sameeyaan sababna u noqda in caruurtu maskaxdooda saamayn ku yeesha waxaa ka mid ah in waalidku ballan qaad u sameeyo caruurta kadibna ballantii uga baxo caruurta. Tusaale in waalidku dhaho cunugiisa hadii aad sidaas iyo sidaas sameeyi waxaan ku samaynayaa sidaas iyo sidaas. Ilmuhu waxaa laga yaabaa inuu dadaal badan sameeyo si uu u xaqiijiyo helitaanka wixii waalidku u ballanqaaday

Waxaa inta badan dhacda in waalidku marka cunuga ballantiisii kasoo baxo in waalidka qaar aysan iyagu ballantii kasoo bixin waxaana keenaysa inaysan ballanta kasoo bixin laba shay. Midda koowaad oo ah inay cunuga u ballan qaadaan wax cunugu jecel yahay balse waalidku aysan jecleen, midda labaadna waa inay waalidku ballan qaadka sameeyaan iyagoo aamisna in cunuga ballantaaas uusan kasoo bixi karin

Fulinta ballanta diinteenu waa waxyaabaya ugu horeeya ay dhiiragalisay kumana sii jirto marka cunugaaga aad ballan ka qaado waxaa qasab ah inaad ballantaas fuliso sababtoo ah inaadan fulin ballan waxay xanuunka maskaxiyan ah ku dhalin kartaa caruurta sababtoo ay ilmaha yar maeka looga baxo ballanka waxaa suuragal ah inuu dib dambe u aaminin hadalkaaga, in caruurtaada kaa aamin baxdo waa mid ka mid ah musiibooyinka aysan waalidku si dhow iyo si fogba uga soo kaban

Sidoo kale waxay keeni kartaa in juhdiga iyo appetite-ka cunuga ku bixiyo waxyaabaya loo ballan qaado ay hoos u dhacaan. Sidaa darteed waalid jooji ka bixida ballanta guud ahaan, gaar ahaan caruurtaada marka aad wax u ballan qaado fuliso xitaa hadii waxa aad u ballan qaaday aysan ahayn wax adiga aadan jecleen balse iyagu jecel yihiin

Marka aad wax u ballan qaadayso waa in marka hore aad caruurta  u ballan qaadaa wax aad adigana aad  jeceshahay caruurtuna jecel yihiin hadii aysan taas dhicin oo waxa ay jecel yihiin aad u ballan qaado fuli ballan qaadka haka fiirin inaa jeceshahay iyo in jale balse ka fiiri in aadan dhaawicin hammiga, appetiteka iyo maskaxda cunugaaga.

Caruurtu waxay soo.maraan heerar kala duwan waaldiiinta qaaarkoodna waxaan wali i kala soocneen da’da cunuga iyo dhaqamadooda, waxaa jira caruur marka aad eegto caqligooda iyo da’dooda aysan isku mid ahayn oo caqligoodu aad u sareeyo, sidoo kale waxaa jira caruurta caqligooda iyo da’doodu, caqligoodu yar yahay.

Waalidku in uu fahmi karo saddex shay waa muhiim, cunuga da’diisa iyo caqligiisa ma isla socdaan? Cunuga da’diisa iyo caqligiisa, caqligiisa miyaa sarreeya? Cunuga da’diisa iyo caqligiisa, caqligiisa miyaa hooseeya? Saddexdan suaal iswaydiintoodu waxay muhiim u tahay waalidka kasta.

Waalidiinta waxaa jiealaba shay ku kala ogaan karaan heerka caqliga caruurtooda. Midda koowaad ayaa ah cabbirka cunuga 1aad. In waalidku cunuga koowaad u ahaado cabbir, tusaale sida cunuga koowaad u dhaqmi jiray marka uu sanad jiray, marka uu 2 sano jiray, marka uu 5 jiray, marka uu 10 jiray inay u 77 noqoto xabbir caruurta kale.

 

Tusaale cunuga koowaad marka uu jiray hal sano waxyaabo badan ayuu fahmayay, cunuga labaadna marka uu sanad jiray waxyaabahii cunugii koowaad fahmayay ma fahmayo amaba wuxuu fahmayaa cunugii koowaad wixii uu fahmayay marka uu sanad jiray wax ka badan. Habkan waxaa la dhaha measurement of first child oo ah cunuga 1aad inuu cabbir u noqdo caruurta kale

Habka labaad waalidku ka qiyaas qaadan karo caqliga cunuga.iyo in da’diisu isla socdaan, kala sarreeyaan ama kala.hooseeyaan waxaa la dhahaa farxadda waalidka. Waxaa jira dhaqamo waalidku ku arko cunuga hadana ka farxiya, inkstoo waalidku ku farxo mar kasta cunugiisa sameeyo wax lagu farxo hadana waxaa jira mar hooyada cunuga la yaabto ama ay dhahdo alla siduu sameeyay arka.

Marka cunugu sameeyo wax ka yaabiya waalidka  yaab farxd iyo qosol la socdo waxay qiyaas u tahay da’da cunuga iyo caqligiisa inay kala sareeyaan balse marka hooyadu is dhahdo horta cunuga maxaa ka qaldan? Is waydiinta suaashaas ayaa caddayn u ah heerka cunuga iyo caqligiisa inay kala hooseeyaan. Ilalainta ballanta caruurta aad ka qaado iyo fahamka heerka caqligooda waxaan rajaynayaa inaad wax badan ka faaiiday.

WQ: C/salaam Maxamed

MAXAA KEENA CAAJISKA BADAN?

Haddaba waxaynu kuu heynaa saddex siyaabood uu Ku yimaado cajiska iyo Sida looga gudbi Karo.

 

Balse intaas Ka hor caajiska weynu wada qabnaa ama dareennaa inta badan waana dilaa oo aanan la ogeyn waliba kaa reebo waxa ay sameeyaan dadka Kula midka ah, kuguna sababo inaad dib u dhac sameyso ama maanta oo dhan aad sariirta iska dul saarnaato.

 

Waxayaabaha ugu waa weyn ee caajiska sababaa loogana gudbi karaa waxaynu kusoo koobeynaa seddexdaan qodob.

 

1: Tallaabada ugu horreysa ee looga gudbo caajiska waa inaad ka baxdo waddada aad hada Ku jirto .  Masawirro hadafyadaada oo qor, Xooggana saar meesha aad rabto inaad ahaato hal sano kadib.  Jooji hal Ku dhigga ah waxa “ay ahayd in ay ahaato” oo diiradda saar waxa “noqon kara”.  Si aad u bilawdo mashiinkaaga, u daawato muuqaalo dhiirigelin leh isla markaana dhegeysato sheekooyinka guusha Ka hadlo .

 

Ka fakar maanta inaad biloow cusub u tahay fursadaha aan xadidnayn, Haddii guushaada ku cabbirto(umaleyso) inaad si toos ah u qaddarinayso dhammaan koorsooyinkaaga, muuji oo biloow qorshaynta,  Qorsheynta yoolalkaaga waxay kaloo ubaahantahay wakhti go’aan iyo natiijooyin la qiyaasi karo.

 

2: Ku dedaal inaad jirkaga Ku sameyso dhaqdhaqaaq ( Body Exercise/movement ).

 

Mar haddii kala-baxyada la nadiifiyo(la dhaq dhaqajiyo), waxaa la joogaa wakhtigii lagu dhufan lahaa ceel buuxa(wakhtigii guusha).

 

Talaabadan muhiimka ah waa halka ay is edbintu ka timaaddo.

 

DIGNIIN:

waa mid aan raaxo lahayn, daal badan, mararka qaarkoodna xitaa xanuun leh,  Laakiin mustaqbalka fog, edbintu waa waxa kuu keena guusha.

 

Ku biloow nafsadada inaad ku tiraahdid maya, raaxooyinka ku meel gaarka ah Sida: Facebook-ga marka ay tahay inaad wax barato/qabato, inaad Ka fogaato saaxiibada kaa soo wacaya WhatsApp, Imo ama wicitaanka caadiga ah, iska fogee mobilkaga codkane Ka jar(silent saar) inta aad Ku guda jirto howl maalmedkaga, sidoo kale Ka fogoow sariirta dusheeda inaad wax Ku dul akhriso ama qorshe(plan) Ku dul sameyso, haku fakarin inaad dhahdo Bari ayaan qabanayaa ama saacad Ka dib howl hadda kuu taalo.

Naftaada u diid raaxo daqiiqad ah si’aad u hanato guushada mustaqbalka.

 

Marka lagu daro maya raaxeysiga ku meel gaarka ah, waxaan sidoo kale ku dedaalnaa inaan abuurno caadooyin wanaagsan.  Samee akhrinta ballaaran oo ku saabsan caadooyinka dadka guuleysta.  Akhriso taariikh nololeedkii dadkii caanka ahaa iyo dhacdooyinkii taariikhiga ahaa.

Nasasho fiican qaado/seexo habeenkii, oo bilaaw subax walba inaad sameysato ama cunto quraac isku dheeli-tiran.

Soo bandhig jadwalkaaga oo noqo mid si ula kac ah uga hadla,  Si kasta oo suurtagal ah Ku dhex samey jadawalkaga wakhtiyadda aad qorshe gareysatay ulana soco daqiiqad daqiiqad.

 

Xakamaynta shucuurtaada.  Inta aad yartahay, dareenkaaga kacsan ayaa sii badanaya.  Maaddaama caajisnimada iyo shucuurtu ay isku xiran yihiin, waa inaan hubinnaa in shucuurteennu aysan ahayn qodobbada go’aaminaya ficilkeenna.

Ha iska dhigin(iloowin) howlaha maalinlaha ah maxaa yeelay “ma dareemaysid inaad sameyso”.  Xusuusnow in markii socodku adkaado, Ruuxa adag uu socdo.

Waxay sidoo kale si weyn u caawineysaa in si caqli leh loo shaqeeyo.  Ku shaqeynta caqli macnaheedu waa hal-abuur ku saabsan sida loo maareeyo wakhtigaaga arday ahaan ama shakhsiyadeed.

 

3: Hubso inaad dib u eegis ku sameyso xilliyadii ku soo maray.

 

Markaad horay u socoto, had iyo jeer way fiicantahay inaad dib u jaleecdo waagii hore.  Tallaabo kasta oo yar oo aad qaaddo si aad ula dagaallanto caajisnimada, dib u jaleec oo arag inta aad ku soo gaadhay.  Markuu wakhtiga sii socdo, waxaad dib u milicsan doontaa wax kasta oo aad ku guuleysatay, adoo la dagaallamaya caajiskaas iyo sameynta horumar macaan.

 

Kaliya tani ma dhisi doonto kalsoonida, waxay sidoo kale kuu wadi doontaa inaad ku guuleysato arday sharaf leh ama qof wanaagsan.  Is baaritaanka(is hubintaa) kadib, waxaa muhiim ah inaad naftaada ugu abaalguddo si waafaqsan.

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweynaha Hirshabeelle oo guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada

-Shirka Golaha Wasiirada ayaa caawa looga hadlay Amniga, Howlgalada khawaarijta looga xoreeynayo deegaanada Hirshabeelle, Maareynta fatahaadaha Wabiga Shabeelle, Warbixin Barnaamijka xasilinta iyo heerarka ay marayaan, Barnaamijka kasoo kabashada xasaradaha (SCRP), iyo Qorshe-yaasha Caafimaadka ee Hirshabeelle gaar ahaan Cusbitaalka Jowhar.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Golaha uga warbixyay amniga guud ee Hirshabeelle, Guulaha laga gaaray howlgalada Khawaarijta iyo diyaar garowga loogu joro wajiga 2aad ee Howlagalada lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ayaa Golaha Wasiirada la wadaagay halka uu marayo Barnaamij-ka xasilinta oo laga fulinayo deegaanada la xoreeyay si bulshada u hesho adeegyada muhiimka ah ee Dowladda.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan shaqaaleysiinta Macalimiin isagoo xusay inay gabo-gabo marayso Imtixaanaadka lagu qaadanayo 400 boqol oo macalimiin ah.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Caafimaadka iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Golaha la wadaagay xaalada Cusbitaal Goboleedka Jowhar.

Madaxweynaha ayaa u Mahadceliyay Golaha isagoo faray inay dardargaliyaan shaqooyinka adag ee horyaala.

 

 

 

 

 

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO LA KULMAY ERGEY GAAR AH OO KA SOCDA DALKA SUUDAAN

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Ergeyga ka socday Golaha Sare ee dalka Suudaan Danjire Dafcallah Al-xaaji Cali ayaa la wadaagay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga walaacsan tahay iska-hor imaadka hubaysan ee ka socda dalkaas.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay xiriirka walaaltinimo ee taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Labada dal, waxa uuna ku celiyey baaqii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahnaa dhammaan walaalaha Suudaan in ay joojiyaan dagaalka, fursadna siiyaan wada-xaajoodyada iyo xalka nabadda.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u garab taagan yihiin nabadda, midnimada iyo hay’adaha dastuuriga ah ee dalka Suudaan, waxa uuna xaqiijiyey in codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee IGAD, Midowga Afrika iyo Hay’adaha Qaramada Midoobey ay ku garab istaagayso dowladnimada iyo xasilloonida dalka Suudaan.

Share this Article

Wasiirka Awqaafta XFS oo qaabilay Wakiilo ka socday Ururrada Bulshada Rayidka

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley xubno ka tirsan Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo uu hor kacayo Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka ee Soomaaliya Mudane Cismaan Muxyadiin Macallin (Shaatax), Duniyo Maxamed Cali iyo Maxamuud Sheekh Maxamed Rooble

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ayaa Mas,uuliyinta ka socotey Ururrada Bulshada Rayidka warbixin dheer oo dhinacyo badan taabaneysey ka siiyey hannaankii iyo habraacyadii daah furnaanta ku dheehneyd ee loo marey tartansiinta shirkadaha Soomaaliyeed ee ku tartamey adeega xajka ee sanadkan 1444/2023 oo ay ku jiraan shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgala Soomaaliya.

 

Sidoo kale, waxey labada dhinac kulankooda ay uga wada hadleen xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa Wasaaradda iyo Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, iyadoo la dardar gelinayo barnaamijka wacyigelinta bulshada ee ku aadan la dagaallanka fikirka xagjirka ah, lana kaashanayo Culimaa’uudiinka Soomaaliyeed.

 

  

Wasiirka Awqaafta XFS oo qaabilay Wakiilo ka socday Ururrada Bulshada Rayidka

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley xubno ka tirsan Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo uu hor kacayo Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka ee Soomaaliya Mudane Cismaan Muxyadiin Macallin (Shaatax), Duniyo Maxamed Cali iyo Maxamuud Sheekh Maxamed Rooble

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ayaa Mas,uuliyinta ka socotey Ururrada Bulshada Rayidka warbixin dheer oo dhinacyo badan taabaneysey ka siiyey hannaankii iyo habraacyadii daah furnaanta ku dheehneyd ee loo marey tartansiinta shirkadaha Soomaaliyeed ee ku tartamey adeega xajka ee sanadkan 1444/2023 oo ay ku jiraan shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgala Soomaaliya.

Sidoo kale, waxey labada dhinac kulankooda ay uga wada hadleen xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa Wasaaradda iyo Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, iyadoo la dardar gelinayo barnaamijka wacyigelinta bulshada ee ku aadan la dagaallanka fikirka xagjirka ah, lana kaashanayo Culimaa’uudiinka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada

Shirka Golaha Wasiirada ayaa caawa looga hadlay Amniga, Howlgalada khawaarijta looga xoreeynayo deegaanada Hirshabeelle, Maareynta fatahaadaha Wabiga Shabeelle, Warbixin Barnaamijka xasilinta iyo heerarka ay marayaan, Barnaamijka kasoo kabashada xasaradaha (SCRP), iyo Qorshe-yaasha Caafimaadka ee Hirshabeelle gaar ahaan Cusbitaalka Jowhar.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Golaha uga warbixyay amniga guud ee Hirshabeelle, Guulaha laga gaaray howlgalada Khawaarijta iyo diyaar garowga loogu joro wajiga 2aad ee Howlagalada lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ayaa Golaha Wasiirada la wadaagay halka uu marayo Barnaamij-ka xasilinta oo laga fulinayo deegaanada la xoreeyay si bulshada u hesho adeegyada muhiimka ah ee Dowladda.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan shaqaaleysiinta Macalimiin isagoo xusay inay gabo-gabo marayso Imtixaanaadka lagu qaadanayo 400 boqol oo macalimiin ah.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Caafimaadka iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Golaha la wadaagay xaalada Cusbitaal Goboleedka Jowhar.

Madaxweynaha ayaa u Mahadceliyay Golaha isagoo faray inay dardargaliyaan shaqooyinka adag ee horyaala.