MAGAALADA MUQDISHO OO AY KU SOO BADANAYAAN GOOBAHA DUMARKA LAGU QURXIYO

Magaalada muqisho waa caasimada dalka waana magaalo martigalisay in kabadan afar malyan oo shacab ah waana magaalo u roon midka wax haysta iyo midka aan wax haysan waana magaalo ay dhaqaalaheeda ay aad u koreeyso waxaana lafilayaa tobonka sano ee soo socda ay noqoto caasimadaha Africa midda kowaad ee dhaqaalo ahaan iyo bilic ahaanba korta.

Muqisho ganacsiyadeeda aad ayey u koreysaa waxaana ku soo badanaayo ganacsiyo badan oo ay sameesanayaan dhalinyaro badan iyo dad da’da dhalinyarada dhaafay kuwaas oo sameestay ganacsiyo xoogg badan oo muuqaalka dalka waxbadan Ka badalay.

Hadaba haddii aan u guda galno mowduuceenii ahaa muqdisho oo ku soo badaneyso goobaha dumarka lagu qurxiyo.

Magaalada muqisho waxaa ku soo badanaayo ganacsiyo badan oo kala duwan waxaana ganacsiyadaas u badan goobaha dumarka lagu qurxiyo oo ay furnaayo inamo badan ama gabdho kuwaas oo doonaayo in ay isbadal baaxad leh ay Ka sameeyaan noloshooda.

Goobaha dumarka lagu qurxiyo ama afka qalaad lagu yiraahdo buety salon waa goobo muhiim u ah dumarkeena Soomaaliyeed waana meel quruxda dumarka iyo bilicdeeda san lagu hagaajo waxayna dumarkeena Ka dhigeysaa kuwo aad u quruxbadan oo soo jiidasho heerkeeda aad u sareeso.

Buety Salon ama qurxinta dumarka sidoo kale waxa ay leedahay faa’iido badan marka aan Ka eegno laba dhan.

Haddii aan ku hormarno faa’iidada kowaad dumarka sameesta goobaha dumarka lagu qurxiyo waxa ay u tahay faa’iido badan sababtuna waxa ay tahay waxa ay hormar Ka sameenayaan dhanka ganacsiga oo ay ganacsigooda ay hormar baaxad leh ay ku sameenayaan sidoo kalena ganacsigaas waxa uu hormar ku sameenayaa noloshooda iyo mida qoyskooda waxbadan ay Ka badaleyso.

Faa’iidada labaad waa in gabdhihii ay bilaabeen sameesashada ganacsi oo ah mid faa’iido u leh gabdhaha iyo dowladda oo canshuur ka heleyso ganacsiyadaas.

Sidoo kale Ganacsiyada qurxinta gabdhaha gabdho badan ayaa iyana dhankooda sameendoona ku dhiirasho sameesiga ganacsiga oo kabadalan ama qurxinta dumarka (buety salon).

Hadaba ganacsiyadan waxa ay faa’iido u leeyhiin dalka iyo dadka sababtoo ah ganacsigu sidiisaba waa bilic qurxinta dalka , hormararka dalka iyo wuxuu Ka qeyb qaataa dib u dhiska dalka taasina dalka waxa ay u horseedeyso in ay dalalka caalamka aan latartamo.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

 

HAL ABUURKA WAX SOO SAARKA LEH

Hal abuurka wax soo saarka leh Marka la doonayo dal iyo dad in la horumariyo waa in la helaa hal abuur ku saabsan ganacsi iyo wax soo saar .

Inta aan la gaarin ganacsiga waaweyn iyo shirkadaha dadka waxaa la baraa xisaabaadka uu isku maareyn lahaa si uu u ogaado waxa soo gala iyo waxa ka baxa waxaana laga bilaabaa dukaamada xaafadaha dhexdooda iyo miisaska suuqyada dhexdooda ka dibna qofku wuxuu fahmayaa wixii uu galiyey ganacsiga ee dhaqaale ahaa iyo marka uu iibiyey waxa ka soo baxay.

Waxaa fiican in qofku miisaan iyo is barbardhig ku sameeyo wixii uu soo iibsaday waxa ay dhalayaan ama wixii ka soo baxay ee faa’ido ah .

Suuqyada waaweyn ayuu qofku si fiican u dhexgalayaa oo uu marmarayaa marka uu soo qaato boqol shey ee kiiba uu ka macaasho boqolkiiba labaatan senti ee uu isu geeyo xisaabtii macaashkiisa iyo lafahiisa wuxuu ogaanayaa in ay ka faa’ido badan tahay shaqooyinka kale oo dhan oo ah in ganacasiga suuqyada uu ka wanaagsan yahay ganacasiga meelaha fog laga doono.

Iyadoo aan wax dhaqaale ah oo canshuur iyo xamaali uga bixin ayuu ka ganacsan karaa qofku suuqyada dhexdooda oo uu weliba faa’ido badan ka heli karaa .

Shirkadaha waaweyn oo dhan waxay maareeyaan qaabkii ay uga macaashi lahaayeen qalabka badan oo ay keeneen laakiin marka la barbardhigo kan gudaha ayaa ka faa’dio badan kan meelaha fog laga keeno.

Waxaa aad iyo aad u habboonaan laheyd in dalka la keeno wershado yaryar oo soo saara qalabka dhismaha , masaamiirta , alwaaxa iyo kuwa sameeya wax soo saarka kale sida wershadaha kalluunka , maacuunta iyo kuwo kale oo badan sida kuwo lagu sameeyo aliindiga , wershadaha caanaha iyo kuwo kale .

Hadaba waxaas oo dhan waxay ahaan lahaayeen hal abuur aad u wanaagsan oo laga faa’ido dhaqaale waxtar leh oo ay ku baaqaneyso lacag adag oo dibedda aadi laheyd .

Waxaa shaqaayin ka heli lahaa shaqaale aad u badan oo nolol ka abuuri lahaa .

Dadku isaga ayaa isku nool sababtoo ah qofna keligiis iskuma filna noloshuna way isku wada tiirsan tahay waxayna arrintan dhiirigalin uga baahan tahay ganacsatada waa weyn magac iyo sumcad fiicanna wey ka heli lahaayeen.

WQ: Abwaan Gabayre

 

DHAQ-DHAQAAQA GANACSIGA MUQDISHO

Muqdisho oo ah caasimadda soomaaliya ayaa ku howlan ganacsi noocyo kala duwan leh una kala baxa qeybo badan oo aan la soo koobi Karin oo isugu jira tusaale ahaan qalabka dhismaha, maacuunta, dahabka,

shirkadaha duulimaadyada, alaabada guryaha iyo xafiisyada, oo aan la soo koobi Karin, balse aan toddobaadkani aan ku soo gaba gabeyn doonno qalabka korontada oo si weyn uga socda ganacsigiisa magaalada bal aynu eegno moobillada qeybahooda kala geddisan.

Moobeellada niicle yaasha, niicle hormuud, waa 18 dollar, midka la yiraahdo luul waa 20  dollar, m12 waa 21 dollar, eldal waa 10 dollar, tecno waa 11 dollar, zeko waa 15 dollar, nilo waa 38 dollar, Samsung waa 42 dollar, screen touch mobilka oo qeybo badan leh aan ka soo qaadanno qaar oo ah A52 waa 340 dollar, A72 waa 380 dollar,

A12 waa 170 dollar, M32 waa 230 dollar, A51 waa 253, A31 waa 230, A71 waa 330, A035 waa 145 dollar, A22 waa 190 dolaar, A215 waa 180 dollar, ridmi N10 waa 240 dollar, Ridmi 10 waa 140, radio digital, waa 22 dollar, samaacadda waa 38 dollar,, ear bords waa 27 dollar, qasaaladda waa LG 280 dollar, nooca 3aad waa 110 dollar, tallaajad 280 dollar, nooc kalena waa 140/130.

Marwaxo, waa 25 dollar, laptob Toshiba 500/1000, dollar, tv screen dhallada telefishinka derbiga waa 170 dollar tan miiskana waa 350 dollar rasiver 35 dollar, kaawo ama feero waa 11 dollar, kirli shaaha ee tarmuuska electronica ah waa 8/11 dollar, khalaaddo casiirka lagu shiido waa40 dollar, dheereysada ama doobiyo bareeska waa 10 dollar, gaaska cuntada lagu karsado waa 90 dollar,

Nalalka golobka waa 1/3 dollar, portlamb waa 2dollar, earfonnada mobailka waa bromix 1300 dollar, ex mix 490 dollar, x390 dollar, eleven 11 waa 740 dolaar, 12ka waa 950 dollar, rumote waa 2/5 dollar, qiimaha table top 120 dolar printer waa 90 dollar, mashiinka yar yar ee dabka dhaliya waa 400 dollar, matoorka beeraha lagu waraabiyo waa 2 dollar, matoorka ceelasha 1200 dollar,

Video camera waa 1200 dolaar, digtal camera waa 200 dollar, flash desk waa 10/30 dollar, mp3 recorder waa 120 dollar, tree biyedi waa 240 dollar, microfons kala nooc nooc ah 90/900 dollar, recevar waa 15 dollar,  dishka waa 50/90 dollar, Ac qaboojiye, 200/500 dollar, arrinta si kastaba ha ahaatee dhaqdhaqaaqa ganacsiga muqdisho oo marwalba ku yimaado isbeddel ayaa beryahan dambe uu yahay mid baarid ah oo qabooban ganacsatada ayaa iska fafadhiya mehradahooda balse calafka waa halkiisee ninba wuxuu helaa wixii alle ugu tala galay

sideedaba ganacsatada waxa ay si weyn u macaashaan xilliyadda farxaddda labada ciidood ee islaamka waa Fitriga iyo Carafe oo ciyaalka loo iibiyo dhar ay ku ciidaan gandhaha iyo dadka waa weynna ay tahay ina ya ka dukaameystaan meelaha ay ka heli karaan dharka qurxoon kabaha iyo udgoonka iyo macmacaanka xalwadda iyo buskutka,  waxaan u rajeyneynaa ganacsatada soomaalida inay horumariyaan iyagoo u marayaa hab cilmiyeysan.

Ugu dambeyn sarifka lacagta dollarka oo rigli ah ayaa 100 dollarka sarifkiisu yahay 2,600,000 Sosh. Dhabka grmkii ayaa ah 50 dollar markaad iska celineyso waa 45 dollar, bansiinka ayaa liitirkii la siiyaa 0.8 fuustadiina waa 178.2 dollars, naftada litirkii waa 0.75 dollar, foostada waa 165 dollars, waa hagaag xaalkuna waa sidaasi

WQ: Ibraahim Fanax

KHAWAARIJTU WAXAY MALEEGAYEEN AYAY KU HALAAGMEEN (WARBIXIN)

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Bulshada Deegaanka, ayaa habeen hore fuliyay hawlgal aad u culus aadna loo qorsheeyay, kaasi oo dhaawac aad u weyn  lagu gaarsiiyay Khawaarijta, iyadoo meesha  hawlgalku ka dhacay waxa ay Xeebta u dhaxeysaa  Ceeldheer iyo Xarardheere, waxaa lagu magacaabaa Ceel-qaboobe, waxayna Ceeldheer u jirataa qiyaastii 80km halka ay nagaalada Xarardheere u jirto 30km.

SIDEE LAGU HELAY XOGTA?, Qaybta war-doonka ee Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa ka war helay in Khawaarijtu ay Agab ka kooban walxaha Qarxa iyo Saanad kale ay si dhuumaalaysi ah uga soo degsanayeen Xeebta Ceel-qaboobe ee Gobalka Galgaduud Mudug. ee Degmada Ceeldheer, waxaana isku duwista xogta ka dib, Ciidamada Qaranku waxa ay qorshaysteen sidii loo diyaarin lahaa hawlgalka lagu fashilinayo cadawga, waxaana la diyaariyay dhammaan talaabooyinka la qaadi lahaa iyo qaabkii uu hawlgalku u dhici lahaa.

Goobta hawlgalku ka dhacay waa Xeebta u dhaxaysa Degmooyinka Ceeldheer iyo Xarardheere, waxaa lagu magacaabaa Ceel-qaboobe. Khawaarijta oo aan ku baraarugsanayn in Ciidanku xogtooda hayo ayaa  tagay Xeebta, halkaas waxaa timid doon Khawaarijta u wadday waxyaabaha Qarxa oo Aad u culus kuna cabbaysan dhawr boqol oo ah caagadaha waawayn, waxay ku soo rareen gaari wayn oo ah nuuca loo yaqaano BG-ga, gaarigaas waxaa wehliyay gaari kale oo ah Kuwa  ay Soomaalidu u taqaano Qooqan,ama Toyota Hulix, kaas oo ay saarnaayeen Horjoogayaashii Khawaarijta ee shaqadaas mas’uulka uga ahaa,

Ciidamada Xooggu waxa ay ku diyaar garoobeen goob ku taalla marinka Khawaarijta halkaas oo ay isugu diyaariyeen fulinta hawlgalka lagu fashilinayo dhagarta cadawga.

Labadii gaari ee Khawaarijta oo sida Agabkii Qaraxyada iyo ilaa 60 isugu jira maleeshiyaad iyo horjoogayaal, ayaa markii ay soo gaareen halkii ay ku diyaar garoobeen Ciidamada Qaranku waxaa ku bilawday hawlgalkii,  markiiba Ciidamada Qaranku waxa ay qarxiyeen Gaarigii waynaa ee siday Waxyaabaha qarxa waxaana uu sameeyay Qarax aad u xoogan oo laga maqlay dhul balaaran, goobtaas waxaa ay ciidamadu ka soo uruuriyeen Hilbaha Khawaaarijtii saarneyd gaariga oo kontomeeyo ahaa,, waxaa sidoo kale hawlgalka Ciidamadu kula wareegeen Gaarigii labaad ee Khawaarijtu ay wateen, kaasi oo ay Soomaalidu u taqaan Qooqan ama Toyota Hulex

Gaari shabaab u siday walxaha Qarxa ayaa lagu qiyaasaa140 Jirigaan oo qaraxyo ah, kuwaasi oo dhawaaciisa laga maqlay meelo fog, xajmiga walxahaa awgood, waxaase jirta in wali  socoto dhamaystirka xogta nuucyada Qaraxyada ee laga fashiliyay Khawaarijta iyo dabagalka danbiilayaashii ku lugta lahaa.

Horay, waxaan u sheegnay in Xarardheere iyo nawaaxigeedu uu Khawaarijta u ahaa meel ay kasoo dajiyaan Qaraxyada iyo Khawaarijta Caalamiga ah, balse waa lagala wareegay, kadib markii laga xoreeyay, hadda ayayse isku dayeen inay ka soo dejiyaan meelo kale oo u dhow Xarardheere, waana la fashilayay waana lagu laalay.

Khawaarijta halkaas ku halaagsantay, waxaa ku jiray ajaanib Khubaro ku ahaa Waxyaabaha Qarxa iyo Horjoogaaal iyo maleeshiyaad ay muddo u tababarayeen isku dubbarirka Qaraxyada, waxaan u mahad celinaynaa allaah oo fashiliyay dhagarta cadawga, waxaan kaloo u mahadcelinaynaa Ciidamada Mujaahidiinta geesiyaasha ah ee Xoogga Dalka, si gaar ah waxaan ugu mahad celinaa Bulshada Deegaanadaas oo iska diiday in Khawaarijtu ku dhex noolaato ama dhex marto isla markaana wadashaqayn wanaagsan la yeeshay Ciidamada Qaranka.Waxaan ka cudurdaaranayaa in aynaan idinla wadaagikarin sawirrada maydadka Khawaarijta ee Daadsan goobta hawlgalka, waxaana socota asturidda maydadkaas oo ay aasayaan Ciidamada Qaranku.

Warar kale oo aan Dadka Deegaanka ka helnaya ayaa sheegaya in mid ka mid horjoogayaasha kooxda Khawaarijta ah oo ay ku tilmaameen inuu aad uu muhiim uga ahaa lagu soo qaaday dhaawaciisa Moto Facon ama Moto laba lugoodleey,taasi oo laga lahaa Deegaan,kadib markii ay awood u yeelan waayeen inay soo qaataan dhaawacyadooda, ayay ku amreen si afduubnimo ah in uu u soo qaaado.

Gudoomiyaha Degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf kulmiye ayaa Warbaahinta ku hadasha afka Dowlada ayaa u sheegay in Ciidamada oo ka war helay Gaari Shabaaab u siday Hub iyo Maleeshiyaad  hubeysan ay fuliyeen howlgalkaan, Gudoomiyaha ayaa sheegay markii lagasoo tago dilka Shabaabka in Ciidamada Dowladda ay gacanta ku dhigeen Hubkii ay wateen iyo labo gaari.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha Deegaanka ayaa gacanta ku dhigay Laba ka tirsan Khawaarijta Al shabaab oo ka soo Firxaday Afjarkii Barkeesnaa ee  ka dhacay Deegaanka Ceel qaboobe Maleeshiyaadkaan ayaa laga Qabtay Deegaanka Howdleey oo u dhaxeeso Degmooyinka Ceeldheer iyo Xaradheere, wuxuuna deegaankaasi uu Magaalada Ceeldheer u jiraa qiyaastii inka badan 50km.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dagaalka Khawaarijta Al-shabaab ay u kaashanayaan cid kasta oo wax kala qabanaysa, si loo soo gabagabeeyo dhibaatada ay ku hayaan bulshada gobolka, wuxuuna intaasi raaciyay in howlgalka la qorsheeyay ee ay wada geli doonaan dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada dalalka safka hore uu noqon doono sagaashan Cisho oo keliya.

Taliyaha Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa ayaa isna ka hadlay Dhacdadaasi ka dhacday Deegaanka Ceelqaboobe, wuxuna xusay in si weyn loogu laalay, lagana hortagay dhagartii ay la maaganaayeen Shacabiga Soomaaliyeed, isagoo xiusay in goobtaasi lagu dilay in ka badan 40 Maleeshiyaad iyo horjoogayaal isugu jira,, wuxuuna sii raaciyay inay kuwa dhintay ay ku jiraan Ajaaniib, meydadkoodiina lagu aasay isla deegaankaasi.

Mudane, Xasan Sheekh oo ka qeyb galayay kulan Dad weyne oo lagu qabtay Muqdisho kana jawaabayay su’aal ahayd sababta ay dowladdu u door bidday in ay dagaalka khawaarijta ka qeyb qaataan dowladaha safka hore ayaa sheegay in waddamada jaarka iyo kuwa naga fogba ay kaashanayaan maaddaama uu cadowgu yahay mid caalami ah.

“Ma heli karno inaan dhahno AMISOM ha naloo soo badiyo, ma heli karno AMISOM sida annaga aan rabno in ay u shaqayso, dowladahoodiina kalama heshiin karno sababtoo ah AMISOM waxay ku jirtaa United Nations Security Council iyo African Union, dowladahoodii xitaa wax badan kama baddeli karaan , kuwo annaga aan dhihi karno waddadaan baan rabnaa inaad martaan, ayaguna ay dowladahooda dhihi karaan waddadaas ay dowladda Soomaaliya codsatay mara waaye kuwa aan maanta haysanna”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tusaale usoo qaatay bulshada bariga Afrika oo ay Soomaaliya dooneyso in ay ku biirto iyo waddamada xubnaha ka ah, kuwaas oo aan wax lala wadaagi karin haddii aan la helin amni, sidaa daraaddeedna ay kaashanayaan cid kasta oo ka caawineysa la dagaallanka kooxaha khawaarijta, wuxuuna hadalaasim ka jediyay kulan Dadweyne oo la qabtay.

Haddaba isku soo wada xooriyoo Kooxdaan Khawaarijta ah wax badan ayay Ummadda Soomaaliyeed u maleegeen qorshayaal ay ku dhibaateynayaan ama ay ku qarxinyeen,  balse Ilaah mahadii waxaan dhihi karnaa  Khawaarijtu waxay maleegayeen ayay ku halaagmeen.

 SONNA EDATORIAL

 

 

KHATARTA KA HAYSATA TUBAAKADA JIILKEENA SOO KORAYA

4 illaa 5 sano ka hor waxa aad loo yaqaanay qaadka, sigaarka, badeecada oo shiishadda, tubaakada iyo calaqa, balse waxaa ka dambeeyay oo dalka yimid maandooriye ka gedisan intaas oo dhan qaab isticmaalka kana fudud isla markaana ay qabatimeen in badan oo ka mid ah jiilka aan looga baran maandooriyayaasha.

Kuma cusuba maqalka dhagahaaga oo waxay ila tahay inaad maqashay waa maandooriyaha Taabuuga.

Taabuugu waa tubaako farsameysan oo casri ah, waxaa la qiyaasaa inay soo baxday horraantii 1930- kii iyada oo siyaabo kala duwan u gaartay wadamada adduunka. Waxa uu ka sameysanyahay daroogada sigaarka iyo shiishada oo laga isticmaalo badi wadamada soo koraya.

Adeegsiga taabuuga wuxuu ku badan yahay dhalinta Soomaaliyeed iyaga oo u isticmaala awood siinta jirka iyo inay firfircooni ka helaan. Qaarkood kama haystaan faham buuxa wax yaabaha uga imaan kara.

Majirto qof kamid ah dhallinyarada isticmaasha Taabuuga waxa kagaga sheegi kara waxa ay ka helaan oo waxaa ka muqanaya xishood kamana sheekeyn. Taas beddelkeeda. waxay ka dharagsan yahiin in ay tahay khalad isticmaalkiisa balse ay qabatimeen.

Qeybahiisa soo gaaray dalka waxaa kamid ah; Hot iyo Galaxy. Way kala duwan yiihin, qofba waa midka uu barto uuna qabatimo, inta badan waxaa loogu isticmaal badan yahay nooca la yiraahdo Galaxy.

Noocaas asal ahaan waa uu qiimo sarreeyay balse waxaa hadda yimid isaga oo lasoo dhimay sida ay sheegayaan ganacsatada iibisa Taabuuga ama tubaakada.

‘Waa ka saameyn badan yahay inta aad fileyso‘ waa hal-ku-dhegga ku qoran nooc kamid ah Taabuugasi Ama Tubaakada.

Sidee loo fahmi karaa dadka isticmaala Taabuuga? Hadal badan oo aan daal laheyn, Dhidid tiro badan, mararka qaar qofka oo maqane jooga noqda, fahamka ardeyga oo aad u yaraada, dhaq-dhaqaaq

faro badan ama ficillo aan xakameysneyn iyo Astaamaha lagu garan karo isticmaalayaasha Taabuuga ama Maandooriyaha Tubaakada.

Khatarta caafimaad ee Taabuugu leeyahay ama Tubaakada Ka sokow doorsanaanta qofka inta uu u saran yahay taabuuga, waa maxay dhibaatada caafimaad ee uu leeyahay taabuuga? waxaa ka jawaabaya Dr Cabdullahi Maxamed Cawaale.

“Dhibaatada ugu weyn oo uu geysan karo waxay tahay bushimaha inuu ku yimaado dilaac taas oo sababi karta kansarka afka, si lamid ah dheecaan ayaa ka baxaya, wuxuuna waxyeelaynayaa dhuunta,” ayuu yiri Dr Cawaale.

Dr Cawaale oo sii hadlay waxa uu xusay in la qabsiga ‘adaption’ taabuuga tahay khatar inteeda la’eg  Ragga iyo dumarka yaa ku khatar badan Taabuuga? Jinsi ahaan ma loo siman yahay saameynta mise farqi ayaa jira? Dr Cabdullahi Maxamed Cawaale oo ifinaya arrintaasi waxa uu yiri; “Bulshadda marka laga hadlayo dumarka ayaa ku halis badan waayo dhibaatada ugu badan waxa uu u geysan karaa dhalmada,dhiig bax mar walba oo hooyada uur qaado, markay gabar tahayna waxaa macquul ah inuu ku yimaado caado wareer.”

Sidee loo iibiyaa tubaakada taabuuga? Qaab iibinta lagu garto ayaa ah mid iyana cajiib ah oo koox waliba waxay u taqaan magac gaar ah, qaarna waxay adeegsadaan astaamo aamusnaan ah oo indhaha uun la iskala hadlayo.

Tusaale marka aad joogto goob aad ogtahay in lagu iibiyo waxaa adag inaad ogaato qof iibsanayo sabab la xiriirta qofka oo aan hadlin ayaa dhiibaya lacagta isaga oo lala hadlin ayaana la siinayaa wax gacantaloogu daboolay oo aan bannaan lasoo dhigin.

Sida uu dalka uu kusoo galo taabuuga lama oga qaar baa ku leh waddamo Aasiya ku yaalla ayuu ka yimaadaa isaga oo soo mara ama lasoo raacsiiyo badeecadaha dekadda kasoo deggo,, qaar kalewaxay kuu sheegayaan inuu ka yimaado wadamada dariska oo uu garoonka kasoo deggo, malahan hubanti sax ah balse waxaa hubaal ah in Af-Soomaali uu ku dul qoran yahay taabuuga oo waxaa la fahmayaa in dad Af-Soomaali yaqaan ah ku lug leeyihiin naqshadeynta, haggaajinta iyo suuq- geyntiisa.

Dhibaatada intaa la’eg ayaa ku foolan wadan dadkiisa kasoo kabanayaan ku dhawaad 30-sano oo dib-u-dhac ah, ubadkiisana aysan haysan tacliin tiir adag ku taagan si lamid ah aan laheyn hoy wacyi-

galin iyo dhaqan-celin iyo damaanad qaad caafimaad leh – iyada oo taasi jirto ayaa waxaan jirin adeegayaal faya-dhowr oo u istaagi kara waxa soo galaya dalka goob kasta. Isticmaalka maandooriyaha aad iyo aad ayuu ugu badanayaa waqtigan xaadirka ah caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, dhallinta isticmaashana maalinba maalinta ka dambaysa way sii kordhaan, waana dhibaato run ahaantii aad iyo aad bulshada dhib ugu haysa.

Dhallinyaradu waxay istcimaalaan kuwo dabiici ah, sida xashiishka, kuwo la sameeyo, oo ah calaqa, daawooyin kala duwan, sida kaniini, cirbad la isdurayo ama sharoobo. Waxyaabaha kale ee ay isticmaalaan waxaa ka mid ah geed jinka, oo mirihiisa ay ka samaystaan maandooriyaha iyo xayawaanka yaryar ee la yiraahdo Jiraca.

WQ: C/wali daljir 

DHISMAHA WADOOYINKA IYO KAALINTA AY KU LEEYIHIIN KOBOCA DHAQAALAHA.

Dalkeena waxaa Ka socda dhismayaasha wadooyinka waa weyn ee dalka oo ay wado dowladda faderaalka Soomaaliyeed ayada oo Ka fulineyso guud ahaan dalka maadaama ay dowladeenu ay dib u kabasho sameeneyso.

Dhismaha wadooyinka waxa ay kasocdaan magaalooyinka waa weyn ee dalka sida magaalada muqisho oo wadooyinkeedii lawada dhisay sidoo kalena waxaa ladhisay laamiyaal isku xira muqdisho iyo afgooye, muqdisho iyo balacad taasina waa hormarka ay gaartay dowlada iyo dalkaba.

Sidoo kalea waxa uu dhismooyin laami uu kasocdaa maamulada dalka gaar ahaan maamulada Bultlaand iyo Soomaaliland.

Haddii aan ku hormaro maamulka Bultlaand ayaa dhisay wadooyin badan oo muhiim u ah dalka iyo dalka sidoo kale maamulka Bultlaand waxa uu madaa dhismooyinka laamiyo kale ee lagu hormarinaayo dalka waxaana Ka qeyb qaadaneeyso oo kaalin weyn ku leh dowladda federaalka Soomaaliyeed oo dhaqaale iyo garab ladaba taagan.

Hadaba dhismaha wadooyinka hormarka dalka kaalin weyn makuleeyihiin?.

Haa waa ay ku leeyihiin kobaca dhaqaalaha dalka, dhismaha wadooyinka dalka waa isku xiraha dadka , Ganacsiyada , kaabayaasha dhaqaale taasina waxa ay keeneysaa in dhaqaalaha dalka uu waxbadan iska badalo.

Dhismaha jidadka lasaaray laamiyada waxa ay keentaa hormar baaxad leh sababtoo ah waxaa dadka Soomaaliyeed iyo dadyoowga kale u sahlanaaneyao isku socodka wadooyinka, isweedaarsiga Ganacsiyada Kala duwan oo ay keeneyso in dhaqaalihii waxbadan ay iska badalaan.

Dadka Soomaaliyeed faa’iido weyn ayaa ugu jirta dhismooyinka laamiyada haddii aan tusaale u soo qaadano wadooyinka isku xira muqdisho iyo afgooye, muqdisho iyo balacad oo ah ilaha ganacsi oo ay Gobolka banaadir ku tiirsan tahay marka la eego waxaa muuqaneyso in ganacsiyadii isku socodkoodii ay sahlanaadeen oo gaarigii kasoobaxa Balacad, Afgooye ay saacado yar Muqdisho ay ku soo gaaraan taasina waxaa keenay dhismayaasha wadooyinka oo sahlaya in dhaqaalihii uu kobco.

Dowladdu iyana faa’iido weyn ayey Ka heleysaa sababtoo ah wadooyinka dhisan waxa ay sahlaan isku socodka ganacsi taasina dowladdu waxa ay u sahleeysaa in ay Ka hesho cashuur badan oo ay dowladdu ay shaqaaleheeda siiso iyo sidoo kalena ay ku hormariso kaabayaasheeda dhaqaale.

Ugu danbeyn kobac dhaqaale oo xooggan ayey keenaan haddii ay wadooyinka dhisan yihiin waxaana dadka kala talin lahaa in ay ilaashadaan wadooyinka loo dhisay sidoo kalena ay isxil qaan ku dhistaan laamiyo badan oo isku socodkooda iyo ganacsigooda sahlaayo.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

 

TAARIIKH NOLOLEEDKII CABDULLAAHI IBNU ZUBEYR (QEYBTA 2-AAD)

Dhalashadii Cabdullaahi ibnu Zubeyr:

Cabdullaahi wuxuu dhashay ayadoo hooyadii ay ku jirto safarkii hijrada, waxay Asma fooshii ku qabatay ayadoo joogta Quba, meeshii nabigu ka dhisay masaajidka Quba.

Wiilkan Cabdullaahi markuu dhashay awoowgii Abubakar ayaa xanbaaray una geeyey saxaabadii Rasuulka (scw), kadibna magaaladii waxa ka dhacay mudaharaad ay saxaabadu takbiiranayso, ayna leedahay, Alle ha hoojiyo Yahuuda.

Sababta keentay mudaharaadkan wuxuu ahaa Yahuuda ayaa sheegatay in ay muslimiinta ka sixirtay inay wiil dhalaan, ka dibna mudo sadex bilood ah wax wiil ah umuusan dhalan muslimiintii, ama maba uusan noolaanba,

arrintaasina waxay keentay in dadkii ay qaar rumeystaanba, kadibna wiilkan ayaa noqday wiilkii ugu horreeyey ee dhashay dabadeedna mudaharaadkaas lagu muujinayo farxadiisa ayaa laga dhigay Madiina.

Abubakar wiilkii ayuu u keenay nabiga (scw), nabiguna timir ayuu calaaliyey kadibna ilmihii yaraa ayuu afkiisa u saaray, si ay unoqoto waxa ugu horeeya ee ilmahaas afkiisa galaa candhuuftii rasuulka (scw).

Kadibna Abubakar ayaa ilmaha dhagihiisii ku aadaamay, wixii ugu horeeyey ee uu maqlayna wuxuu ahaa Aaadaanka.

Waxa la dhahaa ilmahan yar kolkuu hadalka bartay wuxuu ugu hor dhawaaqay waa erayga Seef, waxayna ka turjumaysaa ilmahaas mustaqbalka dhiiranaanta uu yeelan doono.’

Caa’isha ayaa walaasheed Asma ka dalbatay inay korsato Cabdullaahi, wuxuuna ahaa cida ay caa’isha ugu jeceshahay marka laga yimaado Nabiga iyo aabaheed Abubakar.

Siduu u eekaa Cabdullaahi inbu Zubeyr:

Cabdullaahi wuxuu u eekaa awoowgii Abubkar, midabkiisu wuxuu ahaa cadaan ay casuus saarantahay, wuxuna ahaa nin dhuuban oo caato ah sidii awoowgii Abubakar, mana dheerayn, wuxuuna lahaa gar yar oo markuu lixdanka gaaray ayuu dhamaystirmay garkiisu, midabka garkiisuna yahay jaale, wuxuu ahaa geesi, cilmi badan, aftahan ah oo ay sujuud madow ku taalo madaxiisa.

Wacdarihii Cabdullaahi aabihii ee Zubeyr:

Zubeyr wuxuu ka qayb galay dagaalkii Badar, waxaanu kamid ahaa saxaabadii wacdaraha cajiibka ah ka geysatay dagaalkaas, ayadoo dhaawac uu kasoo gaaray dhabarka, dhawaacaas oo meel godan ka sameeyey dhabarkiisa. Cabdilaahi oo yar ayaa gacantiisa galin jiray meeshaas.

Zubeyr waxa kale oo uu ka qaybgalay dagaalkii Uxud, oo lagu xasuusto inuu dilay ninkii saarnaa awrka ee sitay maryo xadiid ah, wuxuuna haystay seef dheer oo cidii usoo dhowaata uu ku dilayo, ninkaasi wuxuu galaaftay 9 qof oo saxaabo ah.

Kadibna saxaabadii ay uga cabatay nabiga (scw), markaasuu yiri; yaa ubaxaya ninkan? hadii kale anigaa ubaxaya.

Dabadeedna Zubeyr ayaa u baxay oo intuu awrkii xaga danbe ka fuulay ayuu ninkii dhabarka kaga yimid, markaasuu ka tuuray awrkii oo ayagoo wada socda ayey dhulka kusoo dhaceen, dabadeedna mindi ayuu Zubeyr ku bireeyey ninkii.

Lasoco- qeybaha kale insha Allah.

Xigasho: web- Gaaldiid

WD: Ibraahim Warsame

 

HANUUNKA

Dr. Mustafa Maxamuud, horaantiisii waxa uu ahaa Alle-kood in ka badan soddon sannadood Ilaaheey raadinayay; balse markii dambe soo helay.

In kastoo aanan doonayn in aan Sooyaalkiisa nololeed ka sheekeeyo, haddana waa muhiim in aan sheego: dhaqtar iyo qoraa wayn labadaba in uu ahaa; isla markaasna buugaagtiisu boqol in  ku dhow cagacagaynayaan, si waynna loo yaqaanno.

Dhacdooyin badan, oo hab-nololeedkiisa beddelay ayaa jira—kuwaasoo aanan hadda wada sheegayn,  mid se aan ka soo qaato.

1968-dii—isaga oo ku sugan waddanka Marooko; gaar ahaanna magaalada caasimadda ah ee Rabbaat—ayuu la kulmay islaan gabowday oo reer Faransa ah. Waxa ay uga sheekaysay sheeko amakaag badan, oo noloshiisa raad ku reebtay. Waxa ay u sheegtay, soddon sannadood ka hor in ay timid Marooko, iyada iyo dalxiisayaal kale; si ay halkaas ugu qaataan inta ka harsan fasaxooda.

Waxa ay u sheegtay in ay degeen hoteel, dabadeedna ay habeen riyootay. Nin aad u qurux badan oo maryo cadcad xiran, ayay aragtay.

Isla markiiba waxaa maskaxdeeda ku soo degdegay, in uu yahay nabi Muxammed—NNKH.

Kitaab yar oo Qur’aan ah, ayuu jeebkiisa ka soo saaray, dabadeedna wuu siiyay—sida ay iyaduba soo werisay.

Hurdadii ayay ka soo boodday, jirkeedii oo dhanna waa uu gariiray, ilaa ay dib ugu noqon wayday. Waxa ay u sheegtay, in ay riyaadaasi argagax gelisay.

Sidaas oo kale waxa ay weydiisay: sababta ay nabi Muxammed ugu riyootay?

Dr. Mustafa Maxammuud, saaxiibbadiisii kale ayuu arrinkii la wadaagay. Waxa ay kula taliyeen, in uusan aad uga fikir arrinkaas, oo uusan sii furfurin; hase yeeshee kama uusan hoos-qaadin.

Waxa uu kala sii sheekaystay dadkii uu aqoonta diineed ku tuhmayay, iyo saaxiibbadiisii kale ee reer Marooko.

Si kastaba ha ahaatee waxa uu garwaaqsaday, in ay riyadaasi ahayd farriin isaga ku socota— taas oo u sheegaysa in uu diinta Islaamka u barto; si hufan oo haqab-tiran.

Maalmihii fasixa ayaa dhammaday; dabadeedna waxaa u yimid saaxiibbadiisii reer Faransa, si ay ugu laabtaan Faransiiska.

Si walbaba ha noqotee, arrinkaas wuu ka diiday, waxa uuna u sheegay, in uu diinta baranayo.

Waa ay ku buuqeen, waxa ayna isku dayeen in ay wax uun ka dhaadhiciyaan, wuuse ka dhaartay.  Sidaas aawadeed, nin waalan ayay ku tilmaameen, waana ay ka sii tageen.

Intaas ka dib, waxa uu si wanaagsan u daraaseeyay diinta Islaamka iyo Af-Carabiga; dhab ahaantiina si la yaqaan ayuu meel u saaray, uguna raaxaystay, sida uu isaga qudhiisuba marar badan iyo meelo badan ka  sheegay —taasna waxa ay keentay, in uu dib u muslimo oo dacwadda dhankiisa ka galo.

Waxa uu sii daayay barnaamij afar boqol oo xalqadood ah, oo la yiraahdo Al-cilmu wal-Iimaan—kaas oo runtii dad badan ku soo riday, dhabbaha hanuunka iyo dhab-u-noolaanshiyaha—inta uusan geeriyoonna,  masaajid wayn oo markii dambe isaga loogu magac-daray, ayuu ka dhisay magaalada Giza loo yaqaanno, kaas oo si wayn caan uga noqday gudaha Masar oo dhan.

WQ: Cabdisalaan-Ceeryaamo

Qoraa sare Ciise Faarax oo ku geeriyooday Muqdisho

Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariisto qoraa sare Marxuum Ciise Faarax oo kamid ahaa shaqaqaalaha wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo goor-dhow ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa dhawaanahan ku xanuunsanayay magaalada muqdisho,waxa uuna markii ugu dambeysay ka howlgalayay Wargeeyska Dalka, oo uu ka ahaan jiray tifaftire, sidoo kale waxa uu  kamid ahaa qorayaashii sar sare ee ka soo shaqeeyay wargeyska  Xidigta  Oktoober, balse hadda loo yaqaan wargeyska Dalka.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Da’uud Awey Jaamac, wasiir ku xigeenka, Agaasimaha Guud iyo dhammaan bahda Warfaafinta ayaa ugu tacsiyeeyey Ehellada iyo qoyska uu ka baxay Marxuum Ciise Faarax, iyaga oo alle uga baryay marxuumka in janatul fardowsa ka waraabiyo.

WAA KUMA BARAHA WANAAGSANI?.

Barayaasha soomaaliyeed ee dhallinyarada ah ama kulliyadda wax barashada ka soo bixin, tababar feecan oo wax-gista la xadhiidhana aan soo qaadan ee dugsiyada hoose dhexe iyo sare ka howl-gala, hibada wax gudbinta iyo ka dhaacintana leh ayay qormadani si gaar ah wax ugu iftiiminaysaa.

Waxayna ku hagaysaa hannaanka wax-gista toolmoon iyo u diyaar-garowga howsha maalinlahaa ee macallinka, waxayna barayaasha da’yar ah ee shaqada ku cusub u tilmaamaysaa hab-raacyo haddii uu maro guul u horseedi doona.

Ugu horreyn intaanan u galin dulucda qormada oo ah “sida cashar loo qorshaysto” waxaan kula wadaagayaa faa’iidada ay leedahay diyaarinta qorshaynta casharku:

1) waxay baraha ka caawisaa fahmidda ujeedadda casharka iyo hadafka laga leeyahay ee la rabo in ardayda laga dhaadhiciyo.

2) waxay macallinka u fududaysaa xakamaynta fasalka iyo xiiso-gelinta ardayda.

3) baruhu intaanu fasalka soo gelin ayuu sii ogaadaa sida ugu habboon ee uu casharka u sharrixi doono.

4) baraha casharka soo diyaarsaday waa mid isku kalsoon oo dhiirran.

5) diyaarinta casharku waxay macallinka u sahashaa maareynta waqtiga.

6) baraha casharka  soo diyaarsaday asagoo firfircoon ayuu xiisadda galaa, halka macalinka aan wax soo diyaarsani uu si caga-jiid ah xiisadda ku galo.

7) baraha casharku u diyaarsanyahay asagoo ku sii jiridda fasalka sii raba ayay xiisadda ka dhammaataa.

8) macalinka casharku u diyaarsanyahay wuxuu si aan hafasho lahayn uga jawaabi karaa weydiimaha kediska ah ee ardayda weydiiyaan.

9) wuxuu samayn karaa hor-dhac feecan oo ardayda dareenkooda soo jiita.

10) wuxuu sii diyaarsadaa waxyaabaha casharka la xadhiidha oo loo baahanyahay in ardayda si baraatiko ah loo tuso.

SIDEE LOO QORSHEEYAA CASHARKA?.

Qorshaynta casharku waxay u kala baxdaa 3 heer oo kala ah:

1) qorshe  sanadle (scheme of worko)

2) Qorshe  Todobaadle ah.

3) Qorshe maalinle ah.

-) QORSHE SANADLE AH.

Intaanu iskuulku furmin oo bilaha fasaxa lagu jiro ayuu macallinku sii qorsheystaa dhammaan casharradii uu 36-todobaad ee sanad-dugsiyeedka bixin lahaa, wuxuu isku jaan-gooyaa inta bog oo uu buuggu ka koobanyahay iyo todobaadyada uu haysto.

Tusaale haddii uu buuggu 200 oo page ka koobanyahay wuxuu u qeybinayaa 36-ta todobaad ee sanad-dugsiyeedka: 36/200=0.18 weeks.

-) QORSHE TODOBAADLE AH.

markii laysku qeybiyo tirada bogagga buugga iyo todobaadyada uu sanad-dugsiyeedku ka koobanyahay waxa ka soo baxa ayaa lagu dhifanayaa cutub/chapter waliba inta bog oo uu ka koobanyahay.

Tusaale  bogagga buuggu waa: 200 page

Sanad-dugsiyeedkuna waa: 36 todobaadle.

Cutubka 1-aad/chapter one: 27 page

Isku qeybi: 36/200= 0.18

27×0.18: 4.86 weeks

Sida natiijada ka muuqata haddii xisaabta jajabka laga saaro chapter haddii uu 27  yahay , 4 todobaad ayuu macalinku ku dhammayn karaa.

QORSHE MAALINLE AH.

Macalinku markuu ogaado cutub walba ama chapter kasta inta todobaad oo uu ku dhammayn karo, wuxuu todobaadyada u sii kala  qeybinayaa maalmaha uu haysto.

Tusaale: haddii ay u soo baxdo inuu chapter 1 ama cutubka 1-aad oo ka  kooban 27 ku dhammayn karto 4 todobaad, wuxuu xisaabinaysaa todobaad walba inta maalmood oo uu xiisadda leedahay, ka dibna tirada guud ee maalmaha 4 todobaadyada ayuu u qeybinayaa 27-ta page ee uu chapter-ku ka koobanyahay.

Waxaan filayaa inay barayaasha soomaaliyeed qormadan wax badan ka korsan doonaan, intii hore u taqaanayna ay xusuusin u noqan doonto oo ay ku dhaqmi doonaan.

Abwaan Hareeri