Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celisay muwaadin oo ka soo cararay Dagaallada dalka Sudan

-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka ku soo celisay 137 Muwaadin oo ka soo Cararay Dagaalada dalka Sudan ka socda.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Xafiiska Madaxweynaha JFS ugu qaabilsan soo galootiga ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyay 73-qof halka sidoo kale 64-qof diyaaradu ka dejisay Garoowe.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda Xamza Aadan Xaadoow oo ka warbixiyay soo dhaweynta muwaadiniinta ayaa sheegay in DFS ay sii laban laabtay dadaalada lagu soocelinayo muwaadiniinteeda ku barakacay gudaha Suudaan iyo dalalka deriska la ah.

          

Wasiirka Caafimaadka XFS oo Hey’adda WHO kala wareegay Shan Gaari oo loogu talagaly hormarinta Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Xaaji Aadan  ayaa maanta ayaa Hey’adda WHO kala wareegay Shan Gaari oo ah nooca loo yaqaano Hardtop-ka.

Munaasabadda gawaarida lagula kala wareegayey waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Drs Maryama Maxamed Xuseen, qaar ka m,id ah agaasime waaxeedyada iyo Magadaxda Hey’adda WHO ee Gobolka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wareejintya deeqda ka hor la qaatey kulan wafdiga ka socdey Hey’adda WHO, wafdiga ayaa ka warbixiyey howlahooda Soomaaliya iyo qorshahooda hortabinta u le qeybta Caafimaadka Soomaaliya.

Gawaaridan ayaa qeyb ka ah qorshaha WHO ay kaga qeyb qaadanayso horumarinta Caafimaadka Soomaaliya, waxaana ka guddoomay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadkaniyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Fedraalka Sooomaaliya Dr Ali Haji Aden.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka mahadceliyey deeqda Gawaarida ah kuwaa oo la filayo in ay wax badan ka caawin doonaan qeybaha loo qorsheynayo in loogu adeego.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka ee Dowladda

 

     

Ciidanka xoogga dalka oo gacanta ku dhigay Horjoogayaal ka tirsan Khawaariijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ee ku sugan Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay sedax Horjooge oo ka tirsan Khawaariijta.

Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ayey ciidanku ku raad-joogeen sedaxdooda kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay Deegaanka Hul-caduur.

Howlgalka oo laga fuliyay Deegaanada Hul-caduur iyo Xalaneey ayaa lagu soo qabtay Shire Cabdi Maxamed,Cali Abgaaloow iyo Maxamuud Calasoow kuwaas oo lacago baad ah Khawaariijta uga qaadayay gaadiidka safarka ah inta mudo ahna ka tirsanaa.

Faah faahin dheeraad ah la soco.

Madaxweyne Laftagareen oo guddoomiya shirka Golaha Amniga Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Dowlada goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa guddoomiyey maanta shirka shirka Golaha Amniga Koonfur Galbeed

Shirka ayaa lagu gorfeeyey xaaladda Amni ee Deeganadda Koonfur Galbeed, xoojinta wada shaqeynta hay’addaha amniga iyo Dardargelinta Howlgalada lagu Ciribtirayo Khawaarijta Alshabaab.

Degaannada koonfur galbeed ayaa waxa ka soconayo howlgallo ka dhan ah khawaarijta,waxa ayna Golaha adkeyeen sidii loo sii dar-dargalin lahaa howlgalada socda islamarkaana loo xoreeyn lahaa degaanada wali khawaarijta ay kacanta ku heyso ee katirsan koonfur Galbeed

   

TAARIIKH NOLOLEEDKII QORAA SARE CIISE FAARAX MAXAMED

Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi raajicuun Alle how naxariistee marxuum Qoraa Sare Ciise Faarax Maxamed wuxuu ku dhashay gobolka hiiraan magaala madaxdiisa beled weyne gaar ahaan Buundo weyn wuxuuna ku soo barbaaray magaalada muqdisho oo la keenay isagoo yar.

Ciise faarax Maxamed waxay Da’diisu ahayd 75 sano jir deggan demada hodon xaafadda taleex agagaarka maqaayadda fatxi

Ciise Alle how naxariistee wuxuu wax ku bartay gobolka banaadir wuxuuna dugsiga sare dhameeyay isagoo 18 jir ah, ka dibna wuxuu ka mid noqday dhallinyaradii ku biirtay bahda saxaafadda wuxuuna ka mid ahaa  dufcaddii ugu horreysay ee ka soo qalin jebisay kulliyadda saxaafadda.

Ciise Alle how naxariistee wuxuu ka mid ahaa rug cadaayaasha saxaafadda oo sida weyn loogu xasuusto in uu ka ahaa qoreyaasha ugu caansan wargeyskii Xiddigta Oktoobar oo burburkii ka dib loo bixiyay Wargeyska Dalka ciisana wuxuu ahaa qofka keliya ee uu ku taagnaa wargeyska ilaa iyo maanta oo ay soo xaadirtay geeridiisa Alle haa ka raalli noqdee wuxuuna ka ahaa Tafaftiraha Guud ee Wargeyska inta uu san xanuunsan horteed.

Ciise wuxuu xanuunsanaa hal sano oo uu sariir saarnaa maanta oo ay taariikhdu tahay 7-da Mayna wuu geeriyooday

Mar aan wareystay walaalkiis iyo gabadh isaga la dhalatay waxay iisheegeen in

Ciise faarax maxamed ay la dhasheen 7 da’ waxaana haatan ka nool 3 qof oo ifka jooga sidoo kale Wuxuu ifka kaga tagay ciise Alle how raxmadee caruur gaareysa 2 wiil iyo 6 gabdhood.

Ugu dambeyn Ciise faarax maxamed wuxuu ahaa saxafiyiinta firfircoon oo la soo shaqeeyay saxafiyiin caan ka ah dalka sidoo kalena ka soo shaqeeyay qeybaha warbaahinta kala duwan ee dalka gaar ahaan wargeysyada ka howlgeli jiray dalka iyo kuwa haatanba shaqeeya.

Ugu dambeyn wuxuu ahaa tafaftirihii guud ee Waaxda Qoraalka iyo Wargeysyada oo ka howlgasha Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska, waxaa ugu dambeyn ka tacsiyeeyay dhammaan madaxda wasaaradda iyo shaqaalah warfaafinta sidoo kale bahda warbaahinta meel kasta oo dunida ka joogaan gaar ahaan bahdii uu ka tagey ee Waaxda Qoraalka iyo Wargeysyada dalka

Ilaahey how naxariisto Jannatul fardowsana haka waraabiyo marti la jecel yahayna Alle ha ka dhigo.

Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi raajicuun.

WD: Qoraa Sare Osmaan Dhiblaawe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Kusimaha Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Kusimaha Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kiki Gbeho, iyo xubno ka tirsan xafiiska UNSOM.

Duqa Magaalada Muqdisho iyo Marwo Kiki ayaa ka wada hadlay Arrimo ay ka mid yihiin xaaladaha Amniga guud ahaan dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray sugida Amniga Caasimadda, taasi oo xafiiska QM u Amaanay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir doorka muhiimka ah iyo juhdiga uu ku bixiyay sugida Amniga Muqdisho.

Sidoo kale kulankan ayaa loogu hadlay xal u helida Arrimaha barakacayaasha maadaama Magaalada Muqdisho ay marti-geliso kumanaan Barakacayaal oo siyaabo kala gedisan ugu kala yimid Gobolada dalka, kuwaasi oo kasoo hayaamay dhibaatooyinka Abaareed iyo dagaalada lagula jiro kooxaha Khawaarijta.

Xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay si dhaw Maamulka Gobolka Banaadir kala shaqeyn doonnaan Arrimaha Horumarka Caasimadda iyo Dib-u-dhiska, iyagoo soo dhaweeyay Qorshaha Duqa Magaalada Muqdisho ee dib ugu dhawaaqista Barnaamijkii hirgalay ee dalkaaga ku dhiso 1$.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo soo saaray Awaamir lagu go’doominayo goobaha Khawaarijtu joogto Koofurta Beledweyne.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ku dhawaaqay go’aano ka dhan ah gaadiidka ka shaqeeya deegaanada dhaca jiinka wabiga Shabeelle ee u dhaxeeya magaalooyinka Baledweyne iyo Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha ayaa amar ku bixiyay in Maanta kadib aanan la arki karin gaari ka baxaya Baledweyne ama Buulaburte oo raashiin ama shidaal sida oo u safraya deegaanada ku yaala hareeraha wabiga Shabeelle ee u dhaxeeya Baledweyne iyo Buulaburte,waxa uuna sheegay in gaarigii lagu arko ama la qabto isagoo deegaanadaas u raran in si buuxda ay ula wareegi doonaan gaariga iyo wixii saaran ciidanka dowladda

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa tilmaamay in aan hadda kadib la aqabali doonin gaari rashiin iyo shidaal u wado khawaarijta in uu soo maro jiinga wabiga sidan degaanada u soo galo,waxa uu sheegay in wadooyin loo asteeyay gadiidka in ay maraan ay jiraan,iyagoo la hubinayo waxa ay sidaan iyo cidda ay u wadaan.

Sidoo kale Guddoomiyaha waxa uu intaa raaciyay in maanta wixii ka danbeeyo gadiidkii dhinaca jiinka wabiga Shabeelle ku yimada ay u aqoon sanayaan mid argagixsada la shaqeeyo, tilaabana laga qaadi doono,waxa una gaadiidleyda faray in ay la shaqeyaan ciidamda amniga si loo sugo amnigooda.

KUUMA AANAN GUURSANIN INAAN KULA CIYAARO

Waxay is guursadeen sheeko jaceyl oo qurux badan kadib, labo todobaad markay wada joogeen ayuu ninkii u soo toosay si uu shaqo tago.

Musqusha ayuu aaday si uu wajigiisa u dhaqo, muraayada ayuu ka arkay wajigiisa oo ay ka buuxaan sawiro midabyo kala duwan leh.

Xaaskiisu waxay ahayd da ’yar oo waxay lahayd qalbi aan waxba galabsan. Wejigiisa ayay ku sawirtay wadneyaal markuu hurday, waxayna u samaysay jacayl weyn oo ay u haysay, inay subaxda wada qoslaan ayay rabtay.

Ninka ayaa wejigiisa dhaqday isaga oo xanaaqsan, wuxuuna aaday jikada si uu u cabo kafeega oo ay inta badan subax walba u sameyso. Ma uusan helin kafeegii, wuuna ka sii xumaaday, wuxuuna u tegey iyadii.

Way dhoolla caddeysay, maxaa yeelay waxay is lahayd wuu kugu qosli doonaa, oo wuxuu ku odhan doonaa erayo jacayl ah.

Laakiin wuu dharbaaxay ilaa ay ka dhacday, wuuna ku qayliyay isaga oo leh: “Kuuma aanan guursan inaan kula ciyaaro, anigu waxaan ahay nin ee ma ihi ilmo yar.

Waxaan kuu guursaday inaad samaysato qoys aad carruur ku yeelato, Ma waxaad dooneysaa inaad ku noolaato sheeko jacayl oo ku saabsan filimada iyo sheekooyinkaas aad aqriso? Toos, sheekooyinkaasi guri ma samaynayaan, cuntana kuma siinayaan, carruurna kuuma korinayaan, maantana waxaan casuumayaa saaxiibbaday qadada ee waxaan rabaa in wax walba ay diyaar noqdaan markaan soo laabto ma fahantay?

Wuu baxay wuxuuna isu arkay inuu yahay sayidka guriga. Wuxuu ka tagay iyada oo qalbi jaban, aadna u ooyaysa si fiican uma neefsan karto.

Way xanuunsan tahay oo markay ooydo waxay u dhawaataa inay suuxdo.

Ka dib si deg deg ah ayey u kacday si ay qadada u diyaariso, ilmaduna dhabanadeeda kama dhammaan.

Ninkii ayaa u tegey oo u sheegay saaxiibkiis wixii dhacay isagoo qoslaya: wuxuuna yidhi

” haweenka maantu Waxay u maleynayaan in guurku uu yahay jacayl jilliin ah. Tani waa sida loola dhaqmo haweenka, saaxiib, haddii kale waligeed ma baran doonto mas’uuliyadda. Ma noqonayso hooyo wanaagsan. Waa inay ogaataa in guurku uusan ahayn sida ay u aragto ama u aqriso sheekooyinka.Waxay u baahan yihiin inay bartaan in guurku aanu ahayn ciyaar ama sheeko-xariir. ”

Laakiin nasiib wanaag saaxiibkiis ma uusan noqon sidiisa oo kale, umana oggolaan inuu dhammeeyo sheekadiisa, wuu joojiyay isagoo leh: “Nin caynkee ah baad tahay? Rasuulka (Naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi: “U dabacsan haweenka, waxay la mid yihiin muraayadaha indhaha”

Waa inaad si tartiib ah ula macaamishaa ood u jilicsanaataa, oo aadan qalbiyadooda  jabin. Barakada iyo Nabiga Eebbe korkiisa ha yeelee wuxuu kaloo yidhi: (Adduunyadu waa farxad ku-meel-gaadh ah, farxadda ku-meel-gaadhka ah ee ugu wanaagsan adduunyaduna waa haweenay suuban.)

Ka digtoonow waxa aad in yar ka hor ii sheegtay ee ku saabsan cunnada iyo korinta carruurta. Iyada kuma ahan qasab, laakiin u dabacsanaanta iyada waxay ka dhigeysaa inay adiga ku sii jeclaato, oo ay xamaasad kuu qaado, intaas oo dhana way sameyn doontaa adigoon u sheegin. Waa inaad ogaataa inaysan iyadu ahayn addoonkaaga. Ku soo noqo dareenkaaga saaxiib, oo u toobad keen eebbe. Kuna noqoXaaskaaga, oo iyada sharaf, hana ka murugaysiin mar dambe.

Ninkii wuxuu dareemay murugo wuxuuna ka qoomameeyay wixii uu sameeyay.

Kadib wuxuu go aansaday inuu waco xaaskiisii si uu ugu sheego inuu baajiyay casuumaadii qadada ee asxaabtiisa, isla markaana uu kalidii u diyaarinayo qado.

Telefoonkii wuu dhacay laakiin jawaab kamuu helin.

Si dhakhso ah ayuu ugu noqday guriga oo uu gambaleelka u garaacay laakiin cidna kamay jawaabin.

Wuxuuna iloobey furayaashiisii ​​subaxnimadii, maxaa yeelay wuxuu soo baxay isagoo careysan.

Si lama filaan ah ayuu telefoonkiisii ​​u soo dhacay, wuxuu ahaa xaaskiisa walaalkeed.

 

Xaaskiisa ayaa u wacday walaalkeed markay dareentay inaysan fiicnayn, si loogu qaado isbitaalka.

Walaalkiis xaaskiisa ayaa ku yiri: “walaal, waxaan ku jirnaa isbitaalka.”

Codkiisa waxaa ka muuqatay murugo, taas oo ku kaliftay ninka qalbigiisa inuu ku dhawaado inuu joojiyo cabsida, iyo fikirka ah in wax xun ay ku dhaceen xaaskiisa.

Wuxuu joojiyay Taksi wuxuuna aaday isbitaalka, wuxuu halkaas ku arkay xaaskiisa qoyskeeda oo dhan.

Wajiyadooda waxaa ka muuqday murugo.

Wuxuu u maleynayay inay isaga ku caroon doonaan, laakiin waxay u muuqataa inaysan ogeyn waxa dhacay.

Wuu salaamay wuuna sugay dhaqtarka.

Dhawr saacadood ka dib dhakhtarku wuxuu  soo baxay isaga oo hoos u foorara, wuxuuna ku yidhi: “Murugo iyo tiiraanyo weyn, Alle ha u naxariistee, Wadneheeda oo daciif ah ayaa naloo keenay xilli dambe.”

Qof walba wuu ooyay, gaar ahaan ninka. Wuu ka qoomamey oo wuu is eedeeyey.

Hooyadeed ayaa maydhay iyada oo isla maanta la aasay.

Fiidkii seygii ayaa gurigiisii ​​ku noqday ka dib markii uu furihii ka qaatay walaalkiis xaaskiisii ​​dhimatay.

Gurigii ayuu soo galay oo wuxuu arkay miiskii oo dedan. Daboolka ayuu ka qaaday oo wuxuu helay suxuunta ugu fiican oo macaan ka buuxo, wuxuuna arkay warqad sudhan albaabka

WQ: Afrah Sheikh

 

MAGAALADA MUQDISHO OO AY KU SOO BADANAYAAN GOOBAHA DUMARKA LAGU QURXIYO

Magaalada muqisho waa caasimada dalka waana magaalo martigalisay in kabadan afar malyan oo shacab ah waana magaalo u roon midka wax haysta iyo midka aan wax haysan waana magaalo ay dhaqaalaheeda ay aad u koreeyso waxaana lafilayaa tobonka sano ee soo socda ay noqoto caasimadaha Africa midda kowaad ee dhaqaalo ahaan iyo bilic ahaanba korta.

Muqisho ganacsiyadeeda aad ayey u koreysaa waxaana ku soo badanaayo ganacsiyo badan oo ay sameesanayaan dhalinyaro badan iyo dad da’da dhalinyarada dhaafay kuwaas oo sameestay ganacsiyo xoogg badan oo muuqaalka dalka waxbadan Ka badalay.

Hadaba haddii aan u guda galno mowduuceenii ahaa muqdisho oo ku soo badaneyso goobaha dumarka lagu qurxiyo.

Magaalada muqisho waxaa ku soo badanaayo ganacsiyo badan oo kala duwan waxaana ganacsiyadaas u badan goobaha dumarka lagu qurxiyo oo ay furnaayo inamo badan ama gabdho kuwaas oo doonaayo in ay isbadal baaxad leh ay Ka sameeyaan noloshooda.

Goobaha dumarka lagu qurxiyo ama afka qalaad lagu yiraahdo buety salon waa goobo muhiim u ah dumarkeena Soomaaliyeed waana meel quruxda dumarka iyo bilicdeeda san lagu hagaajo waxayna dumarkeena Ka dhigeysaa kuwo aad u quruxbadan oo soo jiidasho heerkeeda aad u sareeso.

Buety Salon ama qurxinta dumarka sidoo kale waxa ay leedahay faa’iido badan marka aan Ka eegno laba dhan.

Haddii aan ku hormarno faa’iidada kowaad dumarka sameesta goobaha dumarka lagu qurxiyo waxa ay u tahay faa’iido badan sababtuna waxa ay tahay waxa ay hormar Ka sameenayaan dhanka ganacsiga oo ay ganacsigooda ay hormar baaxad leh ay ku sameenayaan sidoo kalena ganacsigaas waxa uu hormar ku sameenayaa noloshooda iyo mida qoyskooda waxbadan ay Ka badaleyso.

Faa’iidada labaad waa in gabdhihii ay bilaabeen sameesashada ganacsi oo ah mid faa’iido u leh gabdhaha iyo dowladda oo canshuur ka heleyso ganacsiyadaas.

Sidoo kale Ganacsiyada qurxinta gabdhaha gabdho badan ayaa iyana dhankooda sameendoona ku dhiirasho sameesiga ganacsiga oo kabadalan ama qurxinta dumarka (buety salon).

Hadaba ganacsiyadan waxa ay faa’iido u leeyhiin dalka iyo dadka sababtoo ah ganacsigu sidiisaba waa bilic qurxinta dalka , hormararka dalka iyo wuxuu Ka qeyb qaataa dib u dhiska dalka taasina dalka waxa ay u horseedeyso in ay dalalka caalamka aan latartamo.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

 

HAL ABUURKA WAX SOO SAARKA LEH

Hal abuurka wax soo saarka leh Marka la doonayo dal iyo dad in la horumariyo waa in la helaa hal abuur ku saabsan ganacsi iyo wax soo saar .

Inta aan la gaarin ganacsiga waaweyn iyo shirkadaha dadka waxaa la baraa xisaabaadka uu isku maareyn lahaa si uu u ogaado waxa soo gala iyo waxa ka baxa waxaana laga bilaabaa dukaamada xaafadaha dhexdooda iyo miisaska suuqyada dhexdooda ka dibna qofku wuxuu fahmayaa wixii uu galiyey ganacsiga ee dhaqaale ahaa iyo marka uu iibiyey waxa ka soo baxay.

Waxaa fiican in qofku miisaan iyo is barbardhig ku sameeyo wixii uu soo iibsaday waxa ay dhalayaan ama wixii ka soo baxay ee faa’ido ah .

Suuqyada waaweyn ayuu qofku si fiican u dhexgalayaa oo uu marmarayaa marka uu soo qaato boqol shey ee kiiba uu ka macaasho boqolkiiba labaatan senti ee uu isu geeyo xisaabtii macaashkiisa iyo lafahiisa wuxuu ogaanayaa in ay ka faa’ido badan tahay shaqooyinka kale oo dhan oo ah in ganacasiga suuqyada uu ka wanaagsan yahay ganacasiga meelaha fog laga doono.

Iyadoo aan wax dhaqaale ah oo canshuur iyo xamaali uga bixin ayuu ka ganacsan karaa qofku suuqyada dhexdooda oo uu weliba faa’ido badan ka heli karaa .

Shirkadaha waaweyn oo dhan waxay maareeyaan qaabkii ay uga macaashi lahaayeen qalabka badan oo ay keeneen laakiin marka la barbardhigo kan gudaha ayaa ka faa’dio badan kan meelaha fog laga keeno.

Waxaa aad iyo aad u habboonaan laheyd in dalka la keeno wershado yaryar oo soo saara qalabka dhismaha , masaamiirta , alwaaxa iyo kuwa sameeya wax soo saarka kale sida wershadaha kalluunka , maacuunta iyo kuwo kale oo badan sida kuwo lagu sameeyo aliindiga , wershadaha caanaha iyo kuwo kale .

Hadaba waxaas oo dhan waxay ahaan lahaayeen hal abuur aad u wanaagsan oo laga faa’ido dhaqaale waxtar leh oo ay ku baaqaneyso lacag adag oo dibedda aadi laheyd .

Waxaa shaqaayin ka heli lahaa shaqaale aad u badan oo nolol ka abuuri lahaa .

Dadku isaga ayaa isku nool sababtoo ah qofna keligiis iskuma filna noloshuna way isku wada tiirsan tahay waxayna arrintan dhiirigalin uga baahan tahay ganacsatada waa weyn magac iyo sumcad fiicanna wey ka heli lahaayeen.

WQ: Abwaan Gabayre