Suudaan: Sacuudi Carabiya oo rajayneysa xabbad joojin wax ku ool ah

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay rajaynaya in wada-hadallada ka furmay magaalada Jeddah ee u dhexeeya dhinacyada ku dagaallamaya Suudaan ay keenaan xabbad joojin waxtar leh.

Sacuudiga ayaa sheegtay in labada dhinacba ay garwaaqsadeen baahida loo qabo in la yareeyo dhibaatada lagu hayo shacabka , in la xaqiijiyo gaarsiinta sahayda gargaarka ee dadweynaha iyo soo celinta adeegyada muhiimka ah.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinacyada Suudaan oo markii ugu horeysay ku kulmay magaalada Jiddah tan iyo markii uu dagaalku qarxay in ka badan saddex todobaad ka hor.

Dhinaca kale,madaxa bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths ayaa Axadii gaaray magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya si xabad joojin loo dhex dhigo dhinacyada isku haya Suudaan.

Dhowr xabad joojin ayaa burburtay tan iyo markii uu dagaalku billowday,waxaana dagaalada socda ku dhintay Boqolaal qof,halka ku dhawaad ​​450,000 oo rayid ah ay ku barakaceen dalkaasi.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Macdanta iyo biyaha XFS oo ka qeybgalay shirka wasiirada biyaha ee dalalka carabta

Wasiiru dowlaha wasaaradda Macdanta iyo Kheyraadka biyaha XFS ayaa dalka Ciraaq uga qeybgalaya Shirka caalamiga ee biyaha oo Baqdaad ka qabsoomay.

Shirkaan oo uu furay Ra’iisal wasaaraha dalka Ciraaq ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirada biyaha dalalka carabta iyo hey’adaha ka shaqeeya arrimaha deegaanka iyo biyaha.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha XFS Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in shirka diiradda lagu saaray horumarada laga sameeyay qorshayaashii kasoo baxay shirkii hore gaar ahaan dhanka horumarada iyo caqabadaha ka heysta dalalka Carabta biyaha iyo isbadalka cimilada.

Wasiir Maxamed Cabdullaahi ayaa inta uu shirka socday kulamo doceedyo la yeeshay wasiirka Kheyraadka biyaha Ciraaq Eng. Aoun Dhiab iyo sido kale Wasiirka biyaha Suuriya Eng. Dr. Tamaam Ra,ad isagoo sidoo kale la kulmay xoghaya guud ee wasaaradda biyaha Cumaan, oo ay ka wada hadleen isdhaafsiga xogaha iyo khibrad wadaaga labada dhinac.

Khawaarijta oo shaqo joojin ku sameysay horjooge Macallin Eyman ( Warbixin)

Khawaarijta Al-shabaab ayaa shaqo joojin ku sameysay horjooge Macallin Eyman oo qaabilsanaa weerarada arxan-darada oo kooxdu ka geysato xudduuda iyo gudaha dalka Kenya.

Horjooge Macallin Eyman, sanadkii 2009-kii ayaa loo xil saaray maleeshiyo ay ugu magacdareen ” Jeyshu Eyman”, kuwaas oo weeraro dhabo gal ah geystay gudaha wadanka Kenya.

Macallin Eyman waxay saaxiibo dhow yihiin Salmaan muhaajir oo ajaaniibta Al-shabaab madax u ahaa dhowrkii Sano ee la soo dhaafay, kaas oo khilaaf hareeyay ka dib, dhawaan lagu beddelay Jacfar Suudaani.

Horjooge Macallin Eyman ayaa looga shakiyay inuu rabay ku biiritaanka maleeshiyada kooxda Daacish, bacdamaa uu taageersan yahay Salmaan muhaajirkii dhawaan xilka laga qaaday.

Maleeshiyaadka loogu magacdaray ” Jeyshu Eyman”,  ayaa loo dhiibay nin lagu magacaabo Cabdisamad Nasta oo ka soo jeedo gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

Horjooge Cabdisamad wuxuu saaxiib dhow la yahay horjooge Maxamed Amiin oo la aamisan yahay in ay qaraabo dhow yihiin Mahad Karatee.

Qubarada ka faalooda arrimaha argagixisada ayaa ku tilmaamay in ay tani keeni karto in ay soo dhammaato awooddii Al-shabaab ay ku lahaayeen gudaha Kenya,maadaama horjoogayaasha kooxdu shaqo fariisin ku sameeyeen nin si weyn u yaqaano kooxdii uu hoggaaminayay iyo dhulkii ay dhibaatooyinka ka geysanayeen.

XIGASHO SONNA

 

NISA oo gacanta ku dhigtay xubin katirsan khawaarijta

Dhagarqabe ka tirsan khawaarijta Al-Shabaab oo doonayey in uu si dhuumaalaysi ah ugu Safro magaalada Gaalkacyo oo uu doonayay in falal amni darro uu kasoo fuliyo ayey ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonku ku qabteen Magaalada baydhabo.

Ninkan ka tirsan khawaarijta oo magaciisa lagu sheegay Ibraahim Cabdullaahi Jaamac oo gudaha argagixisada looga yaqaanay Fahad ayaa sheegay in Aabihiis uu ku tashkiiliyay ku biirista khawaarijta, isaga oo ku sugan magaalada Gaalkacyo, isla markaana uu tababar kusoo qaatay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Wuxuu uu sidoo kale sheegay markii lagu qabanayay garoonka diyaaradaha Baydhabo in madaxda ka sarreysa ay ku amreen in uu tago magaalada Gaalkacyo oo uu ku dhashay si uu falal amni darro ka geysto.

Saraakiisha Ciidanka Hay’adda NISA ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ninkaan ay xogtiisa hayeen mudana ay ku raadjoogeen, isla markaana hataan ay ku wareejin doonaan hay’adaha garsoorka dalka.

Dowladda Soomaaliya oo ku howlan soo daad gureynta muwaadiniinta kasoo carartay colaadda Suudaan

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Abshir Cumar Huruuse oo ay wehliyaan Wasiirka Gaadiidka, wasiiru dowlaha Arrimaha Dibedda, Xoghayaha Joogtada wasaaradda Arrimaha Dibedda, iyo Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda soo galootiga ayaa xalay garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay 92 ruux oo ka mid ah muwaadiniinta dowladdu ka soo celisay dalka Sudan.

“Waxaan caawa magaalada Muqdisho ku soo dhowaynay diyaarad sidday 93 Muwaadiniin Soomaaliyeed  oo ka  soo  qaxay colaadaha dalka Sudan, kuwaasoo laga soo qaaday Caasimadda Koonfurta Suudan ee Jubba” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Abshir Cumar Haruuse.

“34 ka mid ah muwaadiniinta caawa Muqdishu ka soo degay ayaa ku wajahan gobollada dalka qaarkood, anagoo sii wadi doona caawintooda inta ay ku biirayaan   qoysaskooda, waxaa kale oo wasaaradda ka go’an inay labo jibaarto dadaalkeeda soo celinta dadkeenna, inta la xaqiijinayo in dhammaan muwaadiniinta diyaarka ah dalkooda lagu soo celiyo” ayuu raaciyay Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS.

Duulimaadkan ayaa ah kii sadexaad ee shalay dowladda ku soo celisay dalka, iyadoo labo diyaaraddood oo siday 137 muwaadin ay ka kala degeen magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe, taasoo tirada guud ee dalka lagu soo celiyay ka dhigaysa 230 Muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo isugu jira arday iyo qoysas halkaas ku noolaa.

Guddoomiyaha Hey’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka oo kulan la yeeshay wefdi ka socday hey’adda WFP

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaliyeed Mudane  Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta xarunta Hay’adda ku soo dhaweeyay wafdi ka socdo WFP oo uu Hogaaminayay  Madaxa WFP ee Soomaaliya Elkhidir DALOUM .

Guddoomiyaha oo ay wehliyaan Wasiirada Gargaarka Dowladd goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug Cabdinasir Caruush iyo Cabdirahman Makaawi ayaa wafdiga ka socday WFP kula kulamay Xarunta dhexe ee hay’adda Maaraynta, kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo badan oo la xariira hawlaha labada hay’adood iyo guud ahaan arimaha bini’aadinimo ee Soomaaliya sida in ay WFP ka caawiso Hay’adda iyo Wasaradaha gargaarka diyaarinta istaraatiijiyadda 5 sano ee socoto, sidoo kale WFP ayaa adkaysay in si wadajir ay dalalka deeqaha baxsho u wajahaan si loo caawiyo dadka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha hay’adda SODMA iyo wasiirada gargaarka KGS iyo Galmugud ayaa si wadajir ah u adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada shaqaynta iyo in waddo loo dhanyahy loo maro si loo mideeyo arimaha isuduwidda gargaarka.

Madaxda WFP ayaa amaanay wada shaqaynta iyo wada jirka ka dhexeeyo hay’adda Maaraynta iyo wasaaradaha Dowlad goboleedyada taasoo mujineyso bisayl wadashaqayn oo ku aadan arimaha gurmadka iyo gargaarka dadka tabaalaysan.

     

Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Somaliland oo kulan la qaatay Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Debadda FINLAND

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta kullan muhiim ah la qaatay Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Debadda FINLAND, MR Jukka Pajrarinen, iyo Safaaradda FINLAND ee Soomaaliya kuwaas oo aan ka wadahadaleyn dib u billaabidda Wadahadallada DFS iyo Soomaaliland.

Ergayga ayaa uga mahadceliyay  Agaasimaha iyo safaaradda doorka dowladda FINLAND ay ka qaadatay Dowladd dhiska Soomaaliya, Waxaana uu warbixin ka siiyay sida ay uga go’an tahay ka guul gaarista wadahadallada Somaliland, iyo in Dowladda DFS ay diyaar u tahay wax kasta oo looga gun-gaarayo  Arrimaha Somaliland.

Dhankiisa Mr Jukka Pajrarinen ayaa u muujiyay Ergeyga sida ay diyaar ugu yihiin in ay Soomaaliya kaga caawaiyaan dedaalada lagu xoojinayo midnimada Umadda Soomaaliyeed, sidoo kalana ay gacan ka geysan doonaan ka mirra-dhallinta Wadahadallada Somaliland.

Madaxweynaha K/Galbeed oo qaabilay wefdi ka socda Hey’adda UNDP ayaa kala hadlay taageerada jawiga 2-aad ee dagaalka khawaarijta

Baydhabo–Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen oo ay wehliyaan xubno ka tirsan gollaha Wasiirada ayaa xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda UNDP oo ay Hogaaminaysay ku xigeenka Madaxda Hay’adda UNDP ee Soomaaliya Sophie Kemkhadze.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa  Madaxweynaha iyo Wafdiga wada qaatay waxaa looga hadlay xoojinta wada shaqaynta Hey’adda UNDP iyo Dowlada Koonfur Galbeed iyo taageerida Wajiga 2-aad Dagaalka Khawaarijta looga Xorreynayo Deeganada Koonfur Galbeed.

        

Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celisay muwaadin oo ka soo cararay Dagaallada dalka Sudan

-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka ku soo celisay 137 Muwaadin oo ka soo Cararay Dagaalada dalka Sudan ka socda.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Xafiiska Madaxweynaha JFS ugu qaabilsan soo galootiga ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyay 73-qof halka sidoo kale 64-qof diyaaradu ka dejisay Garoowe.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda Xamza Aadan Xaadoow oo ka warbixiyay soo dhaweynta muwaadiniinta ayaa sheegay in DFS ay sii laban laabtay dadaalada lagu soocelinayo muwaadiniinteeda ku barakacay gudaha Suudaan iyo dalalka deriska la ah.

          

Wasiirka Caafimaadka XFS oo Hey’adda WHO kala wareegay Shan Gaari oo loogu talagaly hormarinta Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Xaaji Aadan  ayaa maanta ayaa Hey’adda WHO kala wareegay Shan Gaari oo ah nooca loo yaqaano Hardtop-ka.

Munaasabadda gawaarida lagula kala wareegayey waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Drs Maryama Maxamed Xuseen, qaar ka m,id ah agaasime waaxeedyada iyo Magadaxda Hey’adda WHO ee Gobolka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wareejintya deeqda ka hor la qaatey kulan wafdiga ka socdey Hey’adda WHO, wafdiga ayaa ka warbixiyey howlahooda Soomaaliya iyo qorshahooda hortabinta u le qeybta Caafimaadka Soomaaliya.

Gawaaridan ayaa qeyb ka ah qorshaha WHO ay kaga qeyb qaadanayso horumarinta Caafimaadka Soomaaliya, waxaana ka guddoomay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadkaniyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Fedraalka Sooomaaliya Dr Ali Haji Aden.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka mahadceliyey deeqda Gawaarida ah kuwaa oo la filayo in ay wax badan ka caawin doonaan qeybaha loo qorsheynayo in loogu adeego.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka ee Dowladda