Soomaaliya iyo Masar oo iska kaashanaya sidii wax looga qaban lahaa isbeddelka cimillada

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada XFS Marwo, Khadiijo Maxamed Makhsoumi oo howlo shaqo u joogta dalka Masar ayaa kulan la qaadatay dhiggeeda Masar marwo, Yasmine Fouad.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay sidii wax looga qaban lahaa arrimaha deegaanka iyo isbeddelka cimillada oo adduunka qatar ba’an ku haya, saameyn-na ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyada.

Intii uu kulanku socday waxay sidoo kale ka wada hadleen labada wasiir sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada wasaaradood ayna isaga kaashan lahaayeen dhanka khibradaha.

Ciidamada Israa’iil oo saaka duqeeyay Gaza

Ciidamada Israa’iil ayaa saaka duqeyn oo xooggan ku qaaday Marinka Gaza, halkaas oo ay ka dhasheen khasaarooyin kala duwan.

AFP, ayaa sheegtay in weeraradan ay ku dhinteen dad gaaraya 12 ruux oo ay ku jiraan dumar iyo carruur, ku waasi oo ku suganaa qeybo ka mid ah marinka Gaza, wararka ayaa intaas ku daraya in la arkayay dab ka holcaya dusha sare dhisma dabaq ah oo la sheegay in duqeymaha ay haleeleen.

Ciidamada Israa’iil, ayaa dhankooda sheegay inay beegsadeen saddex hoggaamiye oo ka tirsan kooxda Islamic Jihaad, oo ka mid ah kooxaha wax iska caabinta reer Falastiin.

Dhanka kale, Wasaaradda caafimaadka Falastiin, ayaa sheegtay in duqeymahii saakay ay ku dhinteen 13 qof oo reer Falastiin ah, halka 20 kalena ay ku dhaawacmeen .

Duqeymaha ayaa billowday 2:00 am, waxayna socdeen laba saacadood oo xariir ah, sida ay warisay Wakaaladda Wararka ee AFP.

Webiga Shabelle oo ku fatahay qeybo ka mid ah magaalada Baladweyne

Webiga Shabelle, ayaa xalay ku fatahay xaafado ka mid ah magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Wabiga oo mara bartamaha magaalada ayaa ku fatahay Xaafadaha ku dhow Jiinka Wabiga, waxaana dadka degan xaafada ay fatahaaddu sameeysay bilaabeen barakac, si ay ugu badbaadsadaan Naftooda iyo hantidooda.

Wali la ma sheegin Khasaaraha ka dhashay fatahaadan uu xalay Wabiga Shabeelle ka sameeyay Xaafado kamid ah magaalada Baladweyne, balse wararka ayaa sheegaya in Biyaha ay Xowli ku socdaan lagana yaabo in ay gaaraan xaafada horleh.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay xaaladda Laas caanood

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in arrimaha ka taagan Laascaanood iyo Boorame aysan u baahnayn colaad iyo dhibaato hor leh ee loo baahan yahay in wixii jira lagu xalliyo wada-hadal iyo wadajir bulsho, isla markaana ay Somaliland ka saaran tahay mas’uuliyad gaar ah xal u helidda dhibaatada taagan.

Mudane, Xamse oo ka dalayay munaasabad lagu dhiirri gelinayay ammaanka oo xalay lagu qabtay degmada Kaaraan ayaa sheegay in dowladda Federaalka mowqifkeeda ku aaddan shaqaaqada ka taagan Gobolka Sool uu yahay mid cad oo ay horay u shaacisay ku cel-celisna aan u baahnayn, isagoo tilmaamay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay dowladdu Lowya cadde illaa Raas kaambooni, dalkana ay ka jirto hal dowlad.

Wuxuu ku baaqay Ra’iisul Wasaaruhu deggenaansho, nabad gelyo iyo in wax kasta oo jira lagu dhameeyo wada hadal, wuxuuna intaa raaciyay in ay nabad gelyadu xil gaar ah ka saaran tahay maamulka Soomaaliland iyo Odayaasha dhaqanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in nabad gelyadii lagu soo caana maalay anan laga caajisin, isagoo ugu baaqay in aan colaadda lasii hurin, isagoo sheegay in aysan raalli ka ahayn in wiil Soomaaliyeed uu macna darro ku dhinto oo aan laysku fogaan.

“Nabad gelyada ha lagu wada noolaado, dadkuna walaalo ha noqdaan, siyaasaddana waa laga heshiinayaa, hal dowlad baannu nahay, aan taasi rumeysnaano, yaan la fogaanin, waa la doogiye yaan la dacaroon” ayuu yiri RW Xamse.

Wuxuu sheegay in dad is dhalay aysan u habboonayn in ay isu habra wacdaan ama colaadda sii huriyaan, wuxuuna ugu baaqay in ay xishoodaan oo aan shacabka macna darro laysaga laynin, isagoo ku baaqay in wax berry laga qoomamayn doono aan maanta lagu dhaqaaqin.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo abaalmarinno guddoonsiiyay muwaaddiniin ka qeyb qaatay xasillinta Caasimadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo ay wehelinayaan Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudan Saalax Axmed Jamaac iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa ka qeyb-galay munaasabad ka qabsoomtay degmada Kaaraan oo kor loogu qaadayey kalsoonida shacabka ee la shaqeynta ciidammada, laguna dhiirri gelinayey Hay’adaha Amniga.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku ammaanay muwaadiniinta abaal marinta lagu guddoonsiiyey madasha ee ka hortagay falal amni darro, gacanna ka geystay in la soo qabto dhagar-qabeyaal u maleegayey shacabka hagardaamooyin, waxa uuna xusay in amniga Caasimadda ee la hagaajiyey ay sabab u tahay wadashaqeynta shacabka iyo dowladda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa xusay in caawa ay haystaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed fursad taariikhi ah oo ay dalkooda ku xoreeyaan, maadaama Xukuumadda ay qaadday tallaabooyin isu soo dhaweynaya Hay’adaha Amniga iyo shacabka, lana xoojiyey kalsoonida, wadashaqeynta iyo dareenka qarannimo.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku wareejiyey Ciidamada Qalabka Sida 50-neef oo geel ah oo ay jeebkooda ka iibiyeen Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xisaabiyaha guud ee dowladda oo xilka la wareegay

Munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda Maaliyadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu xilka ugala wareegay xisaabiyaha guud ee dowladda mudane Cabdiraxmaan Maxamed Anas xisaabiyiihii guud ee hore marwo Faadumo Cusmaan Faarax.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay wasiiro, mas’uuliyiin kala ka socda hay’adaha dowladda iyo bulshada.

Cabdirasaaq Maxamed Abuukar ku xigeenka xisaabiyaha guud oo madax u ahaa guddiga xil wareejinta ayaa u mahad celiyey xisaabihii hore shaqadii ay ka qabatay xafiiska, isaga soo dhoweeyey xisaabiyaha guud ee cusub.

Dr Raaxo Jinaqoow wasiiru dowlaha wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, wasiir ku xigeenka wasaarassa qorsheynta Maxamed Cabduqaadir Cali iyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa soo dhoweeyey xisaabiyaha cusub, iyaga bogaadiyey xisaabiyihii hore shaqadii ay u qabatay Qaranka muddadii ay xilka haysay.

Marwo Faadumo Cusmaan Faarax xisaabiyiihii guud ee hore oo xilka ku wareejisay xisaabiyaha cusub ee dowladda mudane Cabdiraxmaan Maxamed Anas ayaa sheegtay in wax badan u qabsoomeen xafiiska sida hagaajinta habka xisaabaadka dowladda, horumarinta xiriirka hay’adaha iyo dib habaynta maaliyadda loona baahan yahay in xisaabiyaha cusub uu sii hormariyo, waxna ku kordhiyo.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Anas Xisaabiyaha guud ee cusub ee dowladda ayaa sheegay in uu xoogga saari doono xoojinta hufnaanta, xaqiijinta dib u habaynta maaliyadfa iyo la dagaalanka musuq maasuqa.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo xilka u kala wareejiyay xisaabiyiihii guud ee hore iyo kan cusub ayaa sheegay in xafiiskan muhiim u yahay dib u habeynta Maaliyadda, shaqo wanaagsan laga qabtay intii ay joogtay Marwo Faadumo Cusmaan, isaga kula dardaarmay xisaabiyaha guud Cabdiraxmaan Anab kor u qaadista hufnaanta shaqada.

Xafiiska xisaabiyaha guud ee dowladda oo udub dhexaad u hay’adaha maaliyadda, waxaa ay golaha wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u magacaabeen Cabdiraxmaan Maxamed Anas 27-kii bishii la soo dhaafay ee April, waxaana uu beddelay Marwo Faadumo Cusmaan Faarax oo xilkani haysay tan bishii October 2017-kii oo maantana si rasmi ah ugu wareejisay.

         

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo booqday xarunta hay’adda maaraynta masiibooyinka

Wasiirada wasaaradda batroolka mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo wasiirka wasaaradda gaadiidka badda mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac( ilka jiir) ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta dhexe ee hay’adda maaraynta masiibooyinka,  waxaana halkaas ku soodhaweeyey guddomiyaha hay’adda mudane Maxamuud Macalim Cabdulle iyo guddoomiye ku xigeenka hay’adda Dr Axmed Cabdi Aadan.

Wasiirada iyo guddoomiyaha hay’adda ayaa shir saacado qaatay yeeshay, waxaana ay kawada hadleen sidii ay wasaaradahan iyo hay’adda SoDMA ay wada shaqeyn dhow u yeelan lahaayeen iyo in wasaradda Gaadiidku ka caawiso hay’adda sidii dhamaan Dekadaha dalka xarumo ugu yeelan lahyd, si ay ugu kaydsato raashinka iyo qeybaha kale ee gargaarka.

Wasiirka batroolka ayaa dhankiisa madaxda ugu sareysa hay’adda maaraynta masiibooyinka kala hadlay cabsida laga qabo fatahaadaha laga yaabo in ay ka dhacaan magalaada Baladweyne oo bulsho badan ay ku nooshahay iyo in hay’addu u diyaar garowdo arimahaas sidii looga gaashaaman la ahaa.

Wasiirada ayaa bogaadiyey shaqada culus ee hay’addu qabatay mudadii koobaneed ee ay shaqeyneysay, iyagoo ku amaanay guddoomiyaha hay’adda dadaalka uu geliyey shaqooyinka hortabinta u leh hay’adda.

      

Hanti-dhawraha Qaranka oo shir caalami ah uga qayb galaya Ghana

Accra: Hanti-dhawraha guud ee Qaranka mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa ka qaybgalay furitaanka shirka ururka hay’adaha hanti-dhawrada Afrika (AFROSAI-E) oo maanta ka furmay magaalada Accra ee dalka Ghana.

Shirkan oo socon doona muddo 4 maalmood ah ayaa waxaa lagu lafaguri doonaa qodobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin yagleelidda hannaan isla-xisaabtan oo sahlaya xaqiijinta filashada bah-wadaagta, qorshaynta sannadlaha iyo qiimaynta khataraha iyo dabagalka talabixinta lagu soo saaro warbixinnada baarista ee hay’adaha hantidhawrada Guud.

Shirka oo ay sanadkan martigalinayso hay’adda hanti-dhawrka guud ee Ghana ayaa waxaa qayb ka ah hanti-dhawrayaasha guud ee 26 dal oo ku midoobay ururka hanti-dhawrada guud ee Afrika ee ku hadla luuqadda Ingiriisiga iyo hay’ado kale oo ka mid ah bahwadaagta horumarinta caalamiga.

Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa sidoo kale kulan-doceedyo la yeelan doon qaar ka mid ah hanti-dhawrayaasha guud iyo hay’adaha horumarinta ee shirka goobjoogga ka ah.

    

Wafdi ka socday WHO oo booqasho ku tagey Sheybaarka Dhexe, Isbitaalka Martiini iyo Machadka Caafimaadka Qaran ka

Wafdi ka socday Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa booqasho maanta ku tagey Sheybaarka Dhexe, Isbitaalka Martiini iyo Machadka Caafimaadka Qaran ka.

Wafdiga waxaa xarumaha kusoo dhaweeyey Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka ahna Agaasimaha waaxda Daaweynta Qalabka iyo Xarumaha Wasaarada Caafimadka Dr. Maxamed Maxamuud Cadoow.

Ujeedadda booqashadda wafdiga waxa uu ahaa u kuur gelidda habsimi u socodka holwaha shaqo ee goobaha ay ooqdeen, waxayna bogaadiyeen howsha baaxadda leh ee ka socota.

Sidoo kale wafadiga ayaa ka dhageestay warbixino madaxda qeybaha ay booqdeen taas oo ku saabsan holwaha ay bulshadda Soomaliyeed u ahayaan, iyo caqabadaha jiro.

Ugu danbayna xubnaha Wafdiga ayaa balan qaaday in ay kala shaqeyn doonaan Wasaaradda Caafimaadka wixii caqabado ah oo jiro iyo sidoo kale in ay bogaadinayaanhowlaha aad ka u baaxadda weyn ee socda goobahaas.

NISA oo fashilisay shabakad ka tirsan Khawaarijta oo doonaysay inay weeraro qorsheysan fuliyaan

Ciidanka Hay’adda NISA ayaa 6-dii Bishan May fashiliyay shabakad ka tirsan Khawaarijta oo doonayay inay weeraraan Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho.

Ciidammada ayaa gacanta ku dhigay jaakado ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa oo la doonayay in la galiyo gudaha Beerta Nabadda iyo Mooto Bajaaj qayb ka ahayd qorshaha weerarka Beerta Nabadda.

Howlgalkaan ayaa sidoo kale lagu burburiyay shabakada loo diyaarinayay weerarkaan oo ka koobneyd kooxdii qaraxyada waday iyo koox kale oo hubaysan oo qorshahoodu ahaa inay gudaha u galaan Beerta Nabadda.

NISA ayaa la socotay dhaq haaqa Khawaarijta ee diyaarinta weerarkaan, taas oo ugu danbayntii keentay in sirdoonka qaranka uu si xirfadaysan u fashiliyo weerarka ay khawaarijta damacsanaayeen.

Weerarka la fashiliyay ayay doonayeen Khawaarijtu inay ku waxyeeleeyaan dadka Soomaaliyeed ee u soo nasiinada taga goobtaas, kuna burburiyaan ganacsiga goobtaas taas oo muujinaysa cadowtooyada ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada Amniga Caasimadda ayaa ku guulaystay in ay hoos u dhigaan falalkii cadowga Khawaarijta ah ay ku dhibaateyn jireen shacabka magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya waxay u mahad celinaysaa Shacabka Soomaaliyeed ee har iyo habeenba u taagan inay la shaqeeyaan ciidammada ammaanka ee u heelan inay ilaaliyaan nafta, maalka iyo sharafta dadka Soomaaliyeed, waxaana ka go’an dowladda inay sii laban laabto dadaalada lagu cirib tirayo Khawaarijta iyo ficiladooda.