Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya

Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warbixinta Toddobaadlaha Muqdisho, Arbaco, 10 May, 2023
1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaaddey tallaabbooyin ka dhan ah musuq-maasuqa, islamarkaana ay bilaabayso qorshe qaran oo lagu ilaalinayo ammaanada shacabka.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda Dowlad Goboleedka Puntland ugu baaqey in ay tixgeliyaan rabitaanka shacabka, ayna dhageystaan talada siyaasiyiinta iyo dhaqanka deegaanka, si loo hirgeliyo hannaan siyaasadeed oo loo wada dhan yahay.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay ergay ka socday Golaha Sare ee dalka Suudaan Danjire Dafcallah Al-xaaji Cali ayaa mar kale ku celiyay sida Soomaaliya ay u taageersan tahay mowqifka IGAD, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee la xiriira in degdeg loo soo afjaro colaadda Sudan, khilaafka jirana wadahadal lagu xaliyo.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeyb-galay munaasabad lagu qabtey barxad ku taalla degmada Kaaraan oo kor loogu qaadayey kalsoonida shacabka ee la shaqeynta ciidammada.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa abaalmarino guddoonsiiyay muwaadiniin ka qeyb qaatey xasilinta caasimadda iyo ka hortagga dhagarta argagixisada.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa diray baaq ku aaddan xaaladda Puntland iyo xiriirka kala dhexeeya hay’adaha federaalka, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in aan la siyaasadeyn horumarka, lagana shaqeeyo danta qaranka iyo darooshooyin la isku raacsan yahay oo ka dhaca Puntland.

7- Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo sheegay inay ka go’an tahay dhisidda hay’ado qaran oo wax-ku-ool ah, islamarkaana kulansaday karti iyo hufnaan. Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu ka hadlayey munaasabad lagu maamusayey Maalinta Midowga Yurub, isagoo bogaadiyay taageerada EU ee Soomaaliya.

8- Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo daah-furay Madasha Iskaashiga Horumarinta Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

9- Golaha Wasiiradda oo sheegay in 70% la wiiqay weeraradii iyo fal dembiyeedkii Khawaarijta Al Shabab ay ka geysan jireen caasimadda iyo iyo magaalooyin kale oo badan.

10- Ciidanka Nabadsugidda ayaa hawlgal qorsheysan ku fashiliyay weerar qaraxyo ah oo Al Shabab ay damacsanayeen inay ka fuliyaan Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho, gacantana ku dhigay raggii maleegayay weeraradaasi iyo qaraxyada.

11- Amniga Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho oo si weyn u soo hagaagey kadib markii Ciidanka Qalabka Sida ay ku guuleysteen inay ka sifeeyaan inta badan Khawaarijta Al Shabab.

12- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa toddobaadkan dalka dib ugu soo celisay 230 muwaadiniin ku xayirnaa dagaalka ka socda Suudaan. Hawlaha daadgureynta ayaa weli si habsami leh u socda.

13- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA ayaa digniin iyo talabixinba la wadaagtey bulshada Soomaaliyeed si ay uga taxadaraan khataraha uga imaan kara daadad ama fatahaado ka dhalan kara roobka xilliga Gu’ga oo ka curtay qeybo ka mid ah dalka.

14- Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in 27-ka May 2023 la qaadayo imtixaanka heer qaran ee dugsiyada sare ee dalka.

15- Fatahaad uu Wabiga Shabeelle ka geystay qeybo kamid ah magaalada Beled Weyne ee gobolka Hiiraan ee Dowlad Goboleedka HirShabeelle..

16- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa Khawaarijta Al Shabab kala wareegay deegaano dhaca Galbeedka Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

17- Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General, Mahad Cabriraxaan Aadan ayaa sheegay in askarta isticmaasha daroogada noocyadeeda kala duwan laga cayrin doono ciidanka.

18- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in howlgalkii milateri ee dhowaan ka dhacay deegaanka Ceel-qaboobe degmada Xarardheere lagu laayay maleeshiyaad ajaanib ah, qaarna nolosha lagu qabtay.

19- Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galguduud ayaa gacanta ku dhigay sedax horjooge oo ka tirsan Khawaariijta Al Shabab, ,kuwaas oo kala ah: Shire Cabdi Maxamed,Cali Abgaalow iyo Maxamuud Calasow.

Ciidamada Booliiska oo gacanta ku soo dhigay eedeesane fakad ahaa

Taliska Qeybta Guud ee Boliiska gobalka Banaadir, ayaa sheegay in ciidamada Boliiska ee ka howlgala Saldhigga degmada Howlwadaag, ay gacanta ku soo dhigeen nin dhaawac culus magaalada Muqdisho ugu geestay nin kale oo ay dagaalameen.

Boliiska gobalka Banaadir, ayaa sheegay in ciidamada ay qabteen eedeesane Cabdi xamiid Cabdi raxmaan Cabdullahi, oo la sheegay inuu toorey dhoor meel ugu dhuftay si xuna ugu dhaawacay nin lagu magacaabo Cabdi Qaasim Cabdi, oo uu dhex maray gacan ka hadal.

Taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa sidokale, sheegay in eedeesanaha loo gudbinaya Sharciga, halka dhibanaha ay siiyeen warqadii dhaawac muujinta.

Sacuudiga iyo Suuriya oo ku heshiiyay inan dib usoo celiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed

Dalalka Sacuudi Carabiya iyo Suuriya ayaa go’aansaday inay dib u bilaabaan howlahoodii diblomaasiyadeed, ka dib in ka badan 10 sano oo ay albaabada u laabeen safaaradaha labada dal.

Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa bayaan ay daabacday wakaaladda wararka ee SPA ku sheegtay in tallaabadani ay dhiira galineyso go’aankii golaha wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Carabta ay gareen todobaadkii hore, kaasoo looga ballamay in wufuudda Suuriya loo ogolaado ka qeyb galka shirarka Golaha Jaamacadda Carabta.

Shirkii Ururka Jaamacadda Carabta ayaa Axaddii la soo dhaafay lagu go’aamiyay in dib loo bilaabo ka qaybgalka ergada dawladda Suuriya shirarka Ururka, kuwaasi oo aanan soo xaadirin shirarka Jaamacadda Carabta tan iyo markii la hakiyay dhaqdhaqaaqii Dimishiq ee dalalka Carabta.

18-kii Abriil, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Amiir Faysal Bin Farxaan, ayaa la kulmay Madaxweynaha Suuriya Bashar Al-Asad, intii lagu guda jiray booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah oo mas’uul Sucuudiga ka socda ku tago Dimishiq tan iyo markii dalkaasi ay colaadda ka bilaabatay.

Sidokale, wasiirka arrimaha dibadda ee Suuriya, ayaa dhawaan socdaal ku maray waddamo Carbeed oo ay ka mid yihiin Masar, Tunisia, Urdun, Aljeeriya iyo Sucuudiga.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku gaaray Qatar

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa booqasho rasmi ah oo dhowr maalmood ah ku gaaray Caasimadda dalka Qatar ee Doha , iyadoo garoonka diyaaradaha ay ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Waaxda Hab-maamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar iyo Siihayaha Safaaradda Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ayaa inta uu booqashada ku joogo dalkaasi waxa uu la kulmi doonaa dhiggiisa Qatar si ay uga wadahadlaan sare u qaadidda xiriirka labo geesoodka, dardar-gelinta heshiisyadii hore loo saxiixay iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah oo dhan waliba ah oo nacfi wadaag u leh labada dhinac.

 

Hooyo isku duubtay dhagar-qabe qarax sida oo si naf-hurnimo leh u badbaadisay askar ka tirsan ciidamada qaranka ( Warbixin)

Hooyo isku duubtay dhagar-qabe qarax sida oo si naf-hurnimo leh u badbaadisay askar ka tirsan ciidamada qaranka ( Warbixin).

Magaceeda saxda ma ahan, balse waxaan ugu yeereynaa Hooyo xaliimo, waxay nafteeda iyo nolosheeda u hibeysay qarankeeda ka dib markii ay isku duubtay dhagar-qabe miineysan oo doonayay inuu gurigeeda ka dhigto waddadii uu ku gaari lahaa Bar-kontarool oo amniga laga sugayay oo taalo degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

” Waa ka daba tegay, ma iga hareysidoo maya markaan dhahay, markii aan afar tallaabo isla qaadnay oo ilmihiina ay soo carareen ayuu Bambadii la soo baxay, ka dibna igu soo tuuray,”.

Iyadoo hubeysneyn, ogna nolosheeda in ay ku waayi karto ayay si geesinimo leh ugu bareertay in ay ka hortagto dhagar-qabe Khawaarijta ka tirsan, kaas oo ku hubeysnaa Bastoolad iyo Bambooyin uuna qarxin doono haddii aysan sii deyn. Waxay la galgalataba wuxuu goostay inuu xabad isaga reebo,maaddaama ay hooyadani diiday in dhagar-qabuhu dhibaateeyo ciidamo heegan ugu jira sugida amniga, ilaa uu toogtay mid ka mid ah gabdhaheeda, iyadana uu gacanta ka dhaawacay.

” Markaan ku tagay. Gabadhan hadda marxuumadda iga geeriyooneysa ayuu isoo dulmaray, markaas ayaan qeyliyay, gabadhii Bastoolada ayuu ku aamusiyay,wey dhacday,” ayay tiri Hooyo Xaliimo.

Wuxuu Bamb gacmeed hubiyay qoyska Hooyadan oo dhammaan si geesinimo u soo wajahay, markii ay maqleen sawaxanka iyo rasaasta.

” Inaan aamuso waa diiday, saddex xabo oo rasaas ah ayaa ka baxday gacanteyda, kama harin waana sii ceyrsaday anigoo dhiig-baxayo, ilmihiina waa igu soo yaaceen iyo wadaadkii aniga i qabay,”.

Aabe Asad Cabdullaahi, wuxuu weerarkan bahalnimada ah ku waayay gabadhiisa, halka xaasikiisa iyo carruurtiisa kale ay dhaawac la jiifaan cisbitaalka.

” Xabadihii uu nagu soo tuuray ayuu dhaawacaas naga soo gaaray, Shan carruur ayaa dhaawac naga ah, hal gabarna waa nooga dhimatay, aniga iyo xaaskiina dhaawac ayaa nahay oo waa ka jiifnaa,” ayuu yiri Aabe Asad Cabdullaahi oo dhibane u ah dhagarta Khawaarij.

In Hooyo Xaliimo ay ku dhiiratay go’aankan geesnimada leh ayaa muujinaya in ay soo dhammaatay cabsidii laga qabay Khawaarijta, kuwaas oo si ba’an loogu gumaaday howlgalka xoreynta ee ka socda gobollada dalka.

Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA), ayaa kafaalla qaadday caafimaadka hooyadaan geesiyadda ah, seygeeda iyo carruurteeda, waxayna Dowladda si dhow ula socotaa xaaladdooda.

” Garan-waa iska ilaaliya,” tani waxay ka dhigab tahay in ay shacabka Soomaaliyeed u hoggaansameen baaqii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in la soo sheego ama laga hortago Garan-waaga Khawaarijta ee ku ku dhex dhuumanaya bulshada Soomaaliyeed.

” Ninka aadan aqoonin, inaad tiraahdo adigu yaad ahayd, ama haddaadan dhaheyn xitaa aad soo sheegto, ee aad tiraahdo nimaan garaneyn ayaa meeshan joogo oo la weydiiyo la yiraahdo, kumaa ahayd, intee naga soo booqtay?, wax ku Jaban ma jiraan, deris xumeyn ma ahan, maxaa la yiraah garan-waa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Ra’iisal wasaare Xamse oo ka qayb galay xuska maalinta midnimada Yurub

Ra’iisul  wsaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta ka qeyb-galay munaasabad ku saabsan maalinta Midnimada iyo Nabadda ee Yurub ayaa ugu hambalyeeyey maalintan taariikhiga ah ee muujinaysa qiimaha ay leedahay iskaashiga dalalka, daris-wanaagga iyo wax-wada qabsiga.

Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in Midowga Yurub uu tusaale u yahay ururrada iskaashi goboleed ee caalamka intiisa kale, maadaama ay dhabbaha u xaareen walaalnimo iyo wada-noolaasho shucuubta qaaradaas, awood maamul iyo mid dhaqaalena ay ku heleen midnimadooda, taas oo waxtarkeedu uu gaaray dalal badan oo soo kobcaya oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

“Waxaana ka mahadnaqayaa fursaddan aan u helay in aan bogaadiyo taageerada hagar la’aaneed ee Midowga Yurub ku bixiyo horumarka iyo baraaraha Soomaaliya ee dhanka amniga, caafimaadka, waxbarashada, dowladnimada iyo arrimaha gargaarka” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamse.

Mudane Xamse ayaa xusay in qorshaha wadashaqeyneed ee labada sano ee socota ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay dhawaan kala saxiixdeen uu ka tarjumayo mudnaanta ay xukuumaddiisu siinayso xiriirka labada dhinac iyo sida ay muhiimka u tahay in marxaladdan la xoojiyo garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Taageeradiinu waxay mahuraan u tahay dhismaha nabad iyo xasilooni waarta oo ka dhalata Soomaaliya, taas oo dhanka kale ka qayb-qaadaneysa kobaca iyo horumarka dalka. Dowladdeyda waxaa ka go’an dhisidda hay’ado qaran oo wax-ku-ool ah, islamarkaana kulansaday karti iyo huhufnaan” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamse.

Midwoga Yurub ayaa dhankooda uga mahadceliyey Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda ka qeyb-galka munaasabaddooda sannadlaha ah, waxa ayna soo dhoweeyeen geeddi-socodka wadashaqaynta ee dhawaan la isla ansixiyay, iyagoo ku bogaadiyey dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalka dhabta ah iyo horukaca ay ku tillaabsatay, gaar ahaan xoreynta dalka, nabaddaynta iyo horumarinta.

 

Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka oo daah furay madasha Isku-duwidda deeqaha horumarinta dalka

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Jaamac ayaa maanta daah-furay madasha Iskaashiga horumarinta Soomaaliya iyo Beesha caalamka oo ay soo qabanqaabisay wasaraadda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha,kaas oo ah hannaan cusub oo wada-shaqayneed oo u dhaxeeya dawladda Soomaaliya iyo deeq-bixiyayaasha.

Wasiirka wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha dowlada Federaalka Soomaaliya mudane Maxamud Cismaan (Beenebeene) ayaa faahfaahin ka bixiyey muhiimadda ay madashan u leedahay umadda Soomaaliyeed iyo waxyaabaha laga filan karo in ay soo kordhiso, waxaana madashan ay kor u qaadaysaa isku-dubbaridka iyo in mashaariicda la waafajiyo qorshayaasha horumarineed ee dalka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay in madashan ujeedkeedu yahay isku dubaridka iyo hagaajinta gargaarka iyo kaalmada horumarineed ee deeq-bixiyeyaashu siiyaan dalkeena iyo sidii loo yeelan lahaa madal ka shaqaysa iskaashi joogto ah, si looga wada shaqeeyo horumarka guud ee dalka, isagoo intaa ku daray xukuumadda Danqaran ay hiigsanayso in ay dawladda la gaarsiiyo heer isku filnaansho iyo isku tashi ah.

Madashan oo ay hor-kacayso dawladda Soomaaliya ayaa waxaa qeyb ka ah bulshada caalamka ee taageera horumarka Soomaaliya, ururrada bulshada rayidka ah iyo sidoo kale daneeyayaal kale oo caalami ah.

   

Ra’iisul Wasaare Xamse oo qaabbilay Safiiirka Indonesiya u jooga Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Indonesia u qaabilsan Soomaaliya, Dr. Maxamad Hery Saripudin.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka Indonesia ayaa intii uu kulanku socday isla soo qaaday xiriirka qotoda dheer ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Labada dhinac ayaa waxay si gaar ah u dul istaageen muhiimadda ay leedahay in la dhiirrigeliyo iskaashi mug leh oo dhinacyada dhaqaalaha, dhaqanka iyo bulshada ah oo dhex mara labada waddan.

Wasiirka Arrimaha dibadda XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Indonesia u qaabilsan dalkeenna

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Abshir Cumar Huruuse, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Indonesia u qaabilsan dalkeenna Danjire Dr. Mohamad Hery Saripudin, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo Iskaashiga dhinacyada Diblumaasiyadda, ganacsiga,  waxbarashada iyo Amniga.

“Waxaan isla garanay muhiimadda ay leedahay abuurista fursado Ganacsi oo dhex-mara Ganacastada labadeena dal, fududaynta dalku-galka ( Visa) labada dal,  iyo inaan iska taageerno golayaasha caalamiga ah, Maadaama dalkeennu dadaal ugu jiro ka mid noqoshada xubnaha aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka iyo qaadista cunaqabataynta hubka ee wakhtiga dheer ina saaran” ayuu yiri Wasiir Abshir Cumar Huruuse.

Maamulka degmada Baladweyne oo ka hadlay fatahaadda webiga shabeelle

Guddoomiyaha degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, Cumar Cismaan Calasoow ayaa sheegay in xalay uu webiga Shabeelle ku fatahay qeybo ka mid ah afarta xaafadood ee ay magaaladu ka kooban tahay.

Guddoomiye Calasoow oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in magaalada loo sameeyay dhowr biyo xireen balse uu webigu dhaafay xaddigii laga filayay fatahaadda, isla markaana jabsaday goobo badan oo laga moosay biyaha.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in aysan biyuhu geysan qasaara weyn balse ay jiraan xaafado iyo suuqyo ay galeen biyuhu, iyagoo ka sare maray Buundada Liiq-liiqato wax gaadiid ahna uusan isticmaalayn, maadaama laga cabsi qabo in ay waxyeello soo gaarto.

Wuxuu sheegay guddoomiyuhu in ay magaalada ka barakaceen boqolaal qoys haatanna ay wadaan ka maamul ahaan dedaallo la xiriira sidii loola tacaali lahaa fatahaadda webiga iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka.

Guddoomiyaha ayaa intaasi raaciyay in ay fatahaadda Webiga iyo saamayntiisa ay ka wada hadleen madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo maamulka gobolka Hiiraan, iyagoo isla gartay dadka ku go’doonsan gudaha iyo duleedka magaalada in loo gurmado.