Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo booqday xarunta hay’adda maaraynta masiibooyinka

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa maanta booqday xarunta dhexe ee hay’adda maaraynta masiibooyinka, waxaana halkaas ku soodhaweeyey guddoomiyaha hay’adda mudane Maxamuud Macalim Cabdulle iyo Gudoomiye ku xigeenka hay’adda  Dr Axmed Cabdi Aadan.

Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha hay’adda maareynta ayaa ka wada hadlay xaalada magaalada Baladweyne iyo fatahaada ku dhuftay magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxda hay’adda ayaa ballan qaaday in taageero deg deg ah lala gaari doono dadka ka barakacay fatahaadaha ku dhuftay Baladwayne, sidoo kale madaxda ayaa intaas raaciyey inay diriyaan guddi horu dhac ah oo sii qiimeeya xaaladda hadda taagan.

Madaxwayne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed ayaa madaxda hay’adda maaraynta kaga mahadceliyey isku hawlidda iyo xal u helidda dhibaatada ka taagan halkaas.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka oo daah-furay santuuqa midaysan ee Soomaaliya

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeyb galay daah-furka madasha sanduuqa mideysan ee Soomaaliya (Somalia Joint Fond).

Madasha sanduuqa mideysan ee Soomaaliya ayaa loogu tala-galay in lagu taageero horumarka iyo dawlad-dhiska, sidoo kale sanduuqan ayaa xoogga saari doona taageerada siyaasad loo dhan yahay, hirgelinta sharciga, xuquuqal insaanka, wax ka qabashada isbedelka cimilada, horumarka dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in qorshaha Xukuumadda Dan-Qaran iyo ka guud ee Qaranka ay ku salaysan yihiin sidii loo heli lahaa Soomaaliya isku filan oo isku tashata si saaxiibbada beesha caalamku ay ugu gurmadaan meelaha kale ee mudan taageerada.

Wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha dowladda FS ayaa hagaysa hanaanka shaqo ee Santuuqa, kaas oo siinaya dowladda hab lagu hubinayo islamarkaana si toos ah ula jaanqaadi kara qorshayaasha hortabinta u leh Qaranka Soomaaliyeed, xoojinayana lahaanshaha Qaranka ee kaalmada horumarinta ee caalamiga ah iyo in si wadajir ah mudnaan loo siiyo isticmaalka kheyraadka sida ugu wanaagsan.

Ugu danbayn Ra’iisul wasWasaaku xigeenka ayaa ugu mahad celiyay saaxiibbada beesha caalamka ee qeybta ka ah sanduuqan garab istaaggooda iyo taageerada ay la barbar joogaan shacabka Soomaaliyeed.

      

Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka oo saxiixay heshiis muhiim ah

Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Mudane Abuukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa saxiixay heshiis saddex-geesood oo ka dhexeeya Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka, Hay’adda Horumarinta INTOSAI (IDI) iyo Ururka Hay’adaha Hantidhawrada Guud ee Afrika ee ku hadla Ingiriisiga (AFROSAI-E).

Heshiiska oo soconaya sannadaha 2023-2024 ayaa u gogol-xaaraya sii wadista taageerada farsamo iyo kobcinta awoodda iyo hufnaanta shaqada iyo shaqaalaha ee uu Xafiisku horay uga heli jiray hay’adaha bahwadaagta caalamiga.

Heshiiskan ayaa sidoo kale gacan ka gaysanaya dadaallada lagu dardargalinayo dhaqangalinta Qorshaha Istaraatiijiyadda cusub ee 2023-2025 kaasi oo hagi doona hawlqabadyada Xafiiska ee muddada shanta sanno ee soo socota.

   

Soomaaliya iyo Marooko oo iska kaashanaya horumarinta Sportiga iyo dhallinyarada

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil, Maxamed Barre Maxamuud oo ka qaybgalaya shirka Wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha ee Qaaradda Afrika ayaa kulan doceed ( Sideline Meeting) la yeeshay dhiggiisa Marooko Mudane Maxamed Al-Mahdi bin Saciid.

Labada Wasiir ayaa kulankooda diirradda ku saarnay Iskaashi dhex-mara labada wasaaradood gaar ahaan sidii Boqortooyada Marooko ay Soomaaliya uga taageeri lahayd horumarinta garoomada ciyaaraha iyo xarumo farsamada gacanta iyo xirfadaha gaagaaban lagu baro dhallinyarada Soomaaliyeed.

Labada wasiir ayaa ku heshiiyay inay koox farsamo ah u saaraan sidii loo soo diyaarin lahaa heshiis is-afgarad oo labada wasiir ay kala saxiixdaan si loo diiwaangeliyo heshiiska labada dowladood oo loo marsiiyo hay’adaha sharciga u leh ee labada dal.

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa dadaalo badan ku bixiyay sidi dhallinyarada Soomaaliyeed u heli lahaayeen garoomo ku filan oo casri ah iyo goobo lagu tababaro si loo yareeyo shaqo la’aanta dhallinyaradu Soomaaliyeed,  waxaana wasaaradda sanadkan u qorshaysan inay tababarto shan kun oo dhallinyaro ah oo la barayo xirfado gaagaaban.

      

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sacuudiga

Riyadh- Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr; Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Sacuudiga.

Wafdiga uu hoggaaminayo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo maalmahan socdaal shaqo ku jooga dalka Sacuudiga ayaa galabta booqasho ku tagay xarunta safaaradda Soomaaliya ee dalka Sacuudiga halkaasi oo kusoo dhaweeyay safiirka safaaradda Saalim Macow Xaaji iyo ergada kale ee safaaradda.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa kormeeray dhammaan qeybaha safaaradda, xafiisyada loogu adeego bulshada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool iyo sido kale shaqooyinka safaaradda uga wakiilka tahay dowladda Soomaaliya, waxaana warbixin kooban siiyay safiirka safaaaradda Salmaan Xaaji Macow.

Dr; Suleymaan Maxamed Maxamuud  Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa bogaadiyay masuuliyiinta safaaradda, waxaana uu kula dardaarmay adkeynta shaqooyinka loo haayo Qaranka.

  

Wasiirka cadaaladda oo daah-furay imtixaanka bixinta ruqsadda Nootaayada

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta daah-furay imtixaanka bixinta ruqsadda Nootaayada dufcadda saddaaxaad oo ay u fariisteen 142 sharci yaqaan oo soo buuxiyay shuruudaha imtixaanka.

Wasiirka oo caddeeyay in baahi ay bulshadu qabto loo qabanaayo imtixaanka, kana hadlay muhiimadda ay Nootaayooyinka u leeyihiin bulshada, Caddaaladda, horumarka, sharciga iyo kala dambeynta ayaa sharci yaqaannada imtixaanka u fariistay u rajeeyay guul.

Sharci yaqaannada u fariistay Imtixaanka oo ay qaadayaan guddi ka madax bannaan wasaaradda ayaa u tartamaya 20 nootaayo oo ay ku guuleysanayaan 20 qofood ee ugu buundooyinka badnaada imtixaanka maanta ay galeen.

Falcelinta madashii furnayd ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh uga jawaabay su’aalaha Shacabka

Ka dib markii uu Madaxweynaha JFS Mudane Dr: Xasan Shiikh Maxamuud uu ka qeyb galay madashii furneyd ee su’aalo Dadweyne lagu weydiinayay, islamarkaana uu si saraaxad leh uga wada jawaabay weydiimihii Shacabka Soomaaliyeed u soo jeediyeen, ayaa waxaa ka yimid falcelin ama FEED BACK, taasi ay ka bixiyeen dadweynaha Soomaaliyeed ee ku kala dhaqan Dalka gudahiisa iyo kuwa ku nool daafaha Dunida, waxaana ka mid ahaa Dadkii falcelintaasi ku muujiyay sawir gacmeed Amiin Caamir oo ka mid bahda saxaafadda ee sawirada wax ku cabira, waxa uuna Kartoonkiisa ku cabiray Oraah ay isweydiinayaan Laba Odey oo Daawanayay Madashaasi furan, waxa uuna mid ka mid leeyahay “ Asigoo Hal sano oo kaliya jooga ayuu Warbaahinta oo dhan u fasaxay ina su;aal kasta la weydiiyo”.

Waxaa kaloo ka mid ah Dadkii ka soo falceliyaay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdi Musse M. Maxamuud oo ku sugan Magaalada Helsinki ee Dalka Finland, waxa uuna qoray qormo dheer uu ku cabirayay sida ay ula muuqatay Madashaasi, waxa uuna ku bilaabay,  “Markii aan warbaahinta ku arkay ogeysiiska madal furan oo uu Madaxweyne Xasan sheekh uga jawaabi doono su’aalaha ay shacabku qabaan ayaan si taxadar leh ugu riyaaqay hindisahaasi, dhab ahaantii markiiba ii muuqday dhalanteed aan dhici Karin”..

Waa uu sii  wata qoraalkiisa Muwaadinkaasi waxa uuna naftiisa ku maaweeliyay sidan:-“Waxaanse mar kale naftayda u sheegay in dad la soo xulay ay dabcan imaan karaan Madaxtooyada Qaranka kaddibna ay halkaas Madaxweynaha kula jalbeebsan karaan, afkaar iyo su’aalo la sii qorsheeyayna ku weydiin karaan. Si kastaba ha ahaatee, muuqaal wax-san-arag ah ayaa ii bidhaamay waxaana igu soo butaacay dareen igu riixay in aanan ka hordhicin waxa dhici doona ee aan si dhow oo dhuun-daloolnaan lagu laray ula socdo madasha la baahiyay in ay dhacayso”.

Maxamed Cabdi waa sii hadloo waxa uu sii raaciyay “Aniga iyo asxaabtayda waxaan dubanay salool qaxwana waan karsannay, waxaana dadaal dartiis u diyaar sannay labo kambuyuutar, si haddii mid waleecaad helo aan kan kale ugu baxsanno. Aan kuu sheegee waxaanu darban nahay in aan madashan ku daawanno magaalo la yiraahdo Helsinki oo caasimad u ah dalka Findland oo dhaca woqooyiga shishe ee Yurub. Wax yar ka hor madasha ayaan ogaaday goobta Madaxweyne Xasan sheekh iyo shacabku ku doodayeen ay tahay hoteelka caanka ah ee Jazeera palace, haddii aadan aqoon hotel Jazeera aan kaadaba-geeyo, waa Hoteel ku suntan ka sokow adeeggiisa hufan, dhex-dhexaadnimo ay ku dhiiradaan joogitaankiisa iyo degitaankiisaba dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka ku kala aragtida duwan”.

Muwaadinku waxa uu leeyahay “Waxaan dhegta u raariciyay su’aalaha Madaxweynaha la weydiinayay iyo jawaabaha uu ka bixinayay madasha ayaa ahayd mid si toos ah looga baahinayay Warbaahinta Qaranka iyo tan gaarka loo leeyahayba. Su’aaluhu waxay ka tarjumayeen dareenka shacabka ee ku aadan ammaanka, dhaqaalaha, siyaasadda dalka, xiriirka arrimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya iyo su’aalo kale oo nolosha caadiga ah ee shacabka si gaar ah u taabanayay. Marka laga soo tago waaqicinnimada jawaabaha uu Madaxweynuhu bixiyay,waxaan i soo jiitay habka uu Madaxweyne Xasan ula falgeliyay dadka madasha joogay iyo sida uu u weynaynaayay muhiimadna u siinayay su’aal kasta oo la weydiiyay”.

Waxaa uu leeyahasy Muwaadinkaasi Soomaaliyeed  “weli maankayga ku sawiran sida uu su’aalaha qaar fadhiga uga kacayay marka uu ka jawaabayay Cajiib.

Marka aan isku soo duubo, aragtidaydu waa, in Madaxweyne Xasan sheekh uu dumiyay gidaarkii u dhexeeyay Madaxda dalka gaar ahaan Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyee,, kuwaas oo xaq u leh una qalma in ay helaan Madaxweyne u soo banbaxa, su’aalahoodana toos uga jawaabaya dareenka ay qabaanna la qaybsada”

“Mahadsanid madaxweyne” ayuu ku soo gunaanaday falcelintii uu soo Wakaaladda SONNA la wadaagay Muwaadinkaasi Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdi Muuse M. Maxamuud.

Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya

Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warbixinta Toddobaadlaha Muqdisho, Arbaco, 10 May, 2023
1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaaddey tallaabbooyin ka dhan ah musuq-maasuqa, islamarkaana ay bilaabayso qorshe qaran oo lagu ilaalinayo ammaanada shacabka.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda Dowlad Goboleedka Puntland ugu baaqey in ay tixgeliyaan rabitaanka shacabka, ayna dhageystaan talada siyaasiyiinta iyo dhaqanka deegaanka, si loo hirgeliyo hannaan siyaasadeed oo loo wada dhan yahay.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay ergay ka socday Golaha Sare ee dalka Suudaan Danjire Dafcallah Al-xaaji Cali ayaa mar kale ku celiyay sida Soomaaliya ay u taageersan tahay mowqifka IGAD, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee la xiriira in degdeg loo soo afjaro colaadda Sudan, khilaafka jirana wadahadal lagu xaliyo.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeyb-galay munaasabad lagu qabtey barxad ku taalla degmada Kaaraan oo kor loogu qaadayey kalsoonida shacabka ee la shaqeynta ciidammada.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa abaalmarino guddoonsiiyay muwaadiniin ka qeyb qaatey xasilinta caasimadda iyo ka hortagga dhagarta argagixisada.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa diray baaq ku aaddan xaaladda Puntland iyo xiriirka kala dhexeeya hay’adaha federaalka, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in aan la siyaasadeyn horumarka, lagana shaqeeyo danta qaranka iyo darooshooyin la isku raacsan yahay oo ka dhaca Puntland.

7- Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo sheegay inay ka go’an tahay dhisidda hay’ado qaran oo wax-ku-ool ah, islamarkaana kulansaday karti iyo hufnaan. Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu ka hadlayey munaasabad lagu maamusayey Maalinta Midowga Yurub, isagoo bogaadiyay taageerada EU ee Soomaaliya.

8- Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo daah-furay Madasha Iskaashiga Horumarinta Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

9- Golaha Wasiiradda oo sheegay in 70% la wiiqay weeraradii iyo fal dembiyeedkii Khawaarijta Al Shabab ay ka geysan jireen caasimadda iyo iyo magaalooyin kale oo badan.

10- Ciidanka Nabadsugidda ayaa hawlgal qorsheysan ku fashiliyay weerar qaraxyo ah oo Al Shabab ay damacsanayeen inay ka fuliyaan Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho, gacantana ku dhigay raggii maleegayay weeraradaasi iyo qaraxyada.

11- Amniga Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho oo si weyn u soo hagaagey kadib markii Ciidanka Qalabka Sida ay ku guuleysteen inay ka sifeeyaan inta badan Khawaarijta Al Shabab.

12- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa toddobaadkan dalka dib ugu soo celisay 230 muwaadiniin ku xayirnaa dagaalka ka socda Suudaan. Hawlaha daadgureynta ayaa weli si habsami leh u socda.

13- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA ayaa digniin iyo talabixinba la wadaagtey bulshada Soomaaliyeed si ay uga taxadaraan khataraha uga imaan kara daadad ama fatahaado ka dhalan kara roobka xilliga Gu’ga oo ka curtay qeybo ka mid ah dalka.

14- Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in 27-ka May 2023 la qaadayo imtixaanka heer qaran ee dugsiyada sare ee dalka.

15- Fatahaad uu Wabiga Shabeelle ka geystay qeybo kamid ah magaalada Beled Weyne ee gobolka Hiiraan ee Dowlad Goboleedka HirShabeelle..

16- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa Khawaarijta Al Shabab kala wareegay deegaano dhaca Galbeedka Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

17- Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General, Mahad Cabriraxaan Aadan ayaa sheegay in askarta isticmaasha daroogada noocyadeeda kala duwan laga cayrin doono ciidanka.

18- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in howlgalkii milateri ee dhowaan ka dhacay deegaanka Ceel-qaboobe degmada Xarardheere lagu laayay maleeshiyaad ajaanib ah, qaarna nolosha lagu qabtay.

19- Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galguduud ayaa gacanta ku dhigay sedax horjooge oo ka tirsan Khawaariijta Al Shabab, ,kuwaas oo kala ah: Shire Cabdi Maxamed,Cali Abgaalow iyo Maxamuud Calasow.

Ciidamada Booliiska oo gacanta ku soo dhigay eedeesane fakad ahaa

Taliska Qeybta Guud ee Boliiska gobalka Banaadir, ayaa sheegay in ciidamada Boliiska ee ka howlgala Saldhigga degmada Howlwadaag, ay gacanta ku soo dhigeen nin dhaawac culus magaalada Muqdisho ugu geestay nin kale oo ay dagaalameen.

Boliiska gobalka Banaadir, ayaa sheegay in ciidamada ay qabteen eedeesane Cabdi xamiid Cabdi raxmaan Cabdullahi, oo la sheegay inuu toorey dhoor meel ugu dhuftay si xuna ugu dhaawacay nin lagu magacaabo Cabdi Qaasim Cabdi, oo uu dhex maray gacan ka hadal.

Taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa sidokale, sheegay in eedeesanaha loo gudbinaya Sharciga, halka dhibanaha ay siiyeen warqadii dhaawac muujinta.

Sacuudiga iyo Suuriya oo ku heshiiyay inan dib usoo celiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed

Dalalka Sacuudi Carabiya iyo Suuriya ayaa go’aansaday inay dib u bilaabaan howlahoodii diblomaasiyadeed, ka dib in ka badan 10 sano oo ay albaabada u laabeen safaaradaha labada dal.

Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa bayaan ay daabacday wakaaladda wararka ee SPA ku sheegtay in tallaabadani ay dhiira galineyso go’aankii golaha wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Carabta ay gareen todobaadkii hore, kaasoo looga ballamay in wufuudda Suuriya loo ogolaado ka qeyb galka shirarka Golaha Jaamacadda Carabta.

Shirkii Ururka Jaamacadda Carabta ayaa Axaddii la soo dhaafay lagu go’aamiyay in dib loo bilaabo ka qaybgalka ergada dawladda Suuriya shirarka Ururka, kuwaasi oo aanan soo xaadirin shirarka Jaamacadda Carabta tan iyo markii la hakiyay dhaqdhaqaaqii Dimishiq ee dalalka Carabta.

18-kii Abriil, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Amiir Faysal Bin Farxaan, ayaa la kulmay Madaxweynaha Suuriya Bashar Al-Asad, intii lagu guda jiray booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah oo mas’uul Sucuudiga ka socda ku tago Dimishiq tan iyo markii dalkaasi ay colaadda ka bilaabatay.

Sidokale, wasiirka arrimaha dibadda ee Suuriya, ayaa dhawaan socdaal ku maray waddamo Carbeed oo ay ka mid yihiin Masar, Tunisia, Urdun, Aljeeriya iyo Sucuudiga.