Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo kala hadlay dhiggiisa Qatar xoojinta dhinacyada iskaashiga

Doha:- Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa maanta oo ah Khamiis, kula kulmay Magaalada Dooxa, dhiggiisa Qatar, Mudane Dr. Mohammed bin Abdulaziz bin Saleh Al-Khulaifi, isaga oo kala hadlay xiriirka wanaagsan ee labo geesoodka ah iyo xoojinta dhinacyada iskaashiga ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Mudane Cali Maxamed Cumar iyo Mudane Dr. Mohammed bin Abdulaziz bin Saleh Al-Khulaifi ayaa sidoo kale kulankooda ku faaqiday xaaladihii ugu dambeeyay ee heer gobol iyo heer caalami ee muhiimadda u lahaa labada dhinac.

Soomaaliya iyo Qatar ayaa ku naaloonaya xiriir fog oo taariikh soo jireen ah leh , kuna sifaysan aragti istiraatiijiyadeed oo sal-adag.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Beledweyne kulan kula qaatay Wakiilada Qaramada Midoobay u qaabilsan FOA, WFP, UN-OCHA, UNSOS iyo UNSOM ee Jooga Beledweyne,.

Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Wakiilada warbixin ka siiyay baaxadda xaaladda fatahaada ee ka jirta Magaalada Beledweyne iyo saameynta daran ee ay bulshada ku yeesheen xili dadkii deganaa Magaalada ay inta badan ka barakeen guryahoodi qaar kale oo wali ku go’doonsan gudaha Magaaladana laga soo daad guraynayo.

Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa ugu baaqay wakiilada Hay’adaha Qaramada Midoobe in gargaar deg deg ah oo isugu jira cunno, biyo, hooy iyo dawooyin lasoo gaaraan dadka guryahooda kasoo barakacay ee daadsan bariga iyo galbeedka Magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriayadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxa Xafiiska Doorashooyinka iyo Dhismaha Nabadda ee Qaramada Midoobay Mudane Serge G. Kubwimana, Marwo Mikyong Kim, oo ah Xafiiska Siyaasadda Doorashooyinka, La-Taliye Sare ee Gobolka ee arrimaha Doorashooyinka iyo horumarinta Dowlad-wanaaga ee UNDP Mudane Luis Martinez betanzos iyo Mudane Walter Lotze oo ah Madaxa Bariga Afrika ee Siyaasadda iyo Dhismaha Nabadda ee QM.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Madaxda Xafiiska Doorashooyinka QM iyo UNDP ayaa ahmiyada koowaad siiyay doorashada soo socota ee dalka ka dhici doonta nooca ay noqon karto, iyagoo kawada hadlay sidii dalka ugu dhici laheyd doorasho ka duwan midii hore loo soo arkay.

Dhanka kale Madaxda QM iyo UNDP ayaa xusay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay kala shaqeyn doonaan horumarinta baarlamaanka, tayeynta aqoonta shaqaalaha Golaha iyo xildhibaannada, iyagoo sheegay in ay gacan ka geeysan doonaan dhameystirka dib u eegista Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharuucda muhiimka u ah dalka.

   

Golaha Wasiirrada oo meel-mariyey Qaraarka Adkaynta iyo Hufnaanta Maaraynta Maaliyadda Dalka

Golaha Wasiirrada ayaa meel-mariyey Qaraarka Adkaynta Hufnaanta Maaraynta Maaliyadda Dalka oo ka kooban 8 qodob oo saldhiggiisu yahay Maaraynta Maaliyadda Guud ee Dalka, Maaraynta Dakhliga Dalka, Iibka iyo Qandaraaska Qaranka, Maareynta Hantida Guud ee Qaranka iyo Maamulka iyo Maaraynta Shaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo guddoominayey Shirka Golaha Wasiirrada ayaa tilmaamay in qaraarkani uu yahay mid muhiim u ah ilaalinta hantida guud ee dadweynaha, la-dagaallanka Musuq-maasuqa iyo in hantida qaranka loo maareeyo si hufan oo u adeegaysa danaha guud.

Shirka ayaa lagu meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda iyo Siyaasadda Howlgabka Shaqaalaha Rayidka.

Sharcigani oo ah mid ilaalinaya xuquuqda Shaqaalaha Dowladda ee howl-gabka noqda iyo kuwa ay waxyeelladu soo gaarto iyaga oo gudnaya waajibaadka qaranka ayaa waxaa soo gudbiyey Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

Sidoo kale, Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyey Heshiis Is-afgarad dhinacyada Caafimaadka iyo Shaqo Abuurka oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar iyo Siyaasadda Qaran ee dhallinyarada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

      

Webiga Shabeelle oo ku fatahay magaalada Beled weyne

Dadka Magaalada Beledweyne ayaa maalintii saddexaad ka barakacaya xaafadaha magaalada oo Fatahaadda Webigu aad u saameysay waxaana kaalin weyn ka qaadanaya daadgureynta dadka jilicsan Ciidanka xoogga dalka.

Magaalada Beledweyne ayaa lagu soo waramayaa in hadda Badanaa fatahaadda wabigu saameysay xaafaddaha oo dadku banaanka uga baxeen waxaana jira daruufo badan oo dadkii magaalada ka baxay ay wajahayaan.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa door wayn ka qaadanaya u gurmashada dadka ay saameeyeen fatahaadda webiga Shabeelle ee magaalada Beledweyne, iyagoo dadka ka soo daadgureeynaya goobaha ay sida daran u saameysay fatahaadda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaallo loogu gurmanayo dadkaasi si xaaladda taagan wax looga qabto, waxaana magaalada ku sugan mas’uul ka tirsan dowlad Soomaaliya iyo madaxda ugu sarreysa maamulka Hirshabeelle.

    

Maxay isku qabteen Odayaasha Dhaqanka iyo Horjoogayaasha Khawaarijta ee ku sugan Ceelbuur? (Warbixin)

Inta la socotay qeybaha hore ee Barnaamijka ” Diiradda”, warbaahinta qaranka waxaan ku baahinay in horjoogayaasha Khawaarijta Al-shabaab ee ka soo jeeda Ceelbuur ay daneynayaan in hubkooda ay ku wareejiyaan odayaasha dhaqanka ka hor inta aysan ciidamada qalabka sida iyo kuwa dadka deegaanka cagta marin meelaha maleeshiyada Al-shabaab haraadiga kaga yihiin.

Degmada Ceelbuur iyo deegaannada ku dhow dhow ayaa odayaasha dhaqanka waxay ka biyo diideen isku day ay horjoogayaasha Khawaarijta Al-shabaab ay ku doonayeen hubka Al-shabaab deegaannadaas ku haystaan beelaha loo dhiibo marka la doonnano laga qaato.

Horjooge Maxamed Xuseen Gaagaale, ayaa kulan uu odayaasha dhaqanka qeybo ka mid ah Ceelbuur kula yeeshay deegaannada Garable,Xiindheere, Xagareey iyo Ceelgaras,waxayna odayaasha dhaqanka si gaar gaar ah uga diideen in ay kala wareegaan hubka Al-shabaab horjooge Gaagaale.

Horjooge Gaagaale ayaa doonaya inuu odayaasha la ciyaaro turub ah in hubka ku wareejiyo, iyadoo maleeshiyada u muuqato in aysan u babc dhigi karin ciidamada qalabka sida ee hadda kaabiga ku haya degmada Ceelbuur iyo hareeraheeda.

Odayaasha dhaqanka ee deegaanka Garable kula shiray horjooge Gaagaale ayaa waxay u cuskadeen in aysan xilligan diyaar u ahayn odayaasha reer Ceelgaras ay magac hubka Shabaab u saariyaan beeshooda, sidaasi daraateedna haddii uu doonayo Gaagaale wadahadal la galo Dowladda ama isaga tago deegaanka.

Horjooge Maxamed Xuseen Gaagaale oo ka biyo diidan dalabka odayaasha dhaqanka ayaa markale isku dayay inuu Xiin-dheere iyo Xagaleey tago oo odayaal ku kala sugan deegaanadaas ku qanciyay in hubkii Al-shabaab ee Gaagaale gacanta ku hayay ku wareejiyo odayaasha dhaqanka ee ku abtirsada Ceelgaras,laakiin odayaashu ay si isku mid ah isugu raaceen in xilligan aysan la wareegi karin hub Shabaab ay leeyihiin.

Diidmada odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Ceelgaras ay ka biyo diideen dalabka ka yimid horjoogaha ku beybta ah ee Maxamed Xuseen Gaagaale ayaa ka dhigan in Al-shabaab markale, warkooda aan ka socon degmada Ceelbuur iyo deegaannada ku teedsan.

Tani waxay u muuqataa in horjooge Gaagaale uu ku fashilmay isku daygiisa, waxaana isku daygan fashilmay kala cadeyneysaa in odayaasha dhaqanka ee ku sugan degmada Ceelbuur iyo deegaannada ku ku dhow dhow hadda ay si toos ah ugu hor imaanayaan awaamiirtii qaldaneyd ee horjoogayaasha maleeshiyada Al-shabaab, odayaasha dhaqanka deegaanka siinayeen muddooyinkii dhowr iyo tobanka Sano ahayd ee deegaannadaas xoogga ay ku haysteen.

Kaliya ma ahan degmada Ceelbuur iyo deegaannada ku teedsan meelaha ay Al-shabaab odayaasha dhaqanka kaga hor yimaadeen, dhawaan ayay ahayd markii odayaasha dhaqanka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ay awaamiir qaldan ka diideen Khawaarijta Al-shabaab.

Ciidanka Xoogga dalka oo dilay 5 xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheeysan ka sameeyay xalay deegaanka Gumeeysi-diid oo 9 km dhanka bari kaga beegan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose.

Ciidanka Xds oo ka war helay in maleeshiyaad ka tirsan khawaarijta ay isku uruursanayaan deegaanka Gumeeysi-diid si ay u dhibaateeyaan shacabka degmada Awdheegle ayaa ka hortagay dhagarta khawaarijta.

howlgalkan qorsheysan ayey Ciidanku ku dileen 5 dhagarqabe oo ka tirsanaa khawaarijta iyagoona sidoo kale dhaawacay 3 kale sida uu Wakaaladdda Wararka SONNA u xaqiijiyey Taliyaha Guutada 14 oktoobar Xds G/le Sare Nuur Maxamed Gaaboow.

Gaza: Israa’iil oo dishay in ka badan 24 ruux oo ay ku jiraan carruur iyo haween

Ciidamada Israa’iil ayaa sii wada  weeraro xagga cirka ah oo todobaadkaan ay ka wadaan deegaanada Gaza, halkaas oo ay ku dilay ugu yaraan 24 falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan shan dumar ah, shan carruur ah,iyo sidoo kale dhawr hoggaamiye oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Islamic Jihad.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay beegsadeen taliye ka tirsan cutubka qaabilsan yo gantaalada ,kadib markii ay weerar cirka ah ku qaadrrn dhisme ku yaalla koonfurta Khan Younis ee Qaza saacadihii hore ee manta oo Khamiis ah.

Jabhadda Islaamiga ah ee Falastiin ayaa ku dhawaaqday ka hor waaberigii  saaka geerida Ali Ghali oo ahaa taliyihii qeybta gantaallada,kaas oo ku dhintay duqeymo  ay ciidammada Israa’iil ka fuliyeen koonfurta marinka Qaza.

In ka badan 400 oo gantaal ayaa laga soo tuuray Gaza ,kuwaas oo lala beegsaday deegaanada Israa’iil.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa cambaareeyay falalka khasaaraha leh ee loo geysanaayo dadka rayidka ah oo ay ku jiraan carruurta iyo haweenka, wuxuuna intaa raaciyay in weeraradaasi uu u  arko mid aan la aqbali karin oo u baahan in in si degdeg ah loo joojiyo.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa Qatar

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa shalay oo Arbaco ah, Magaalada Dooxa, kula kulmay Dhiggiisa Qatar, Mudane Sultan bin Saad Al Muraikhi

Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa dhigiisa kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, iyo sidoo kale fursadaha horumarinta dhinacyada iskaashiga iyo maalgashiga.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah iyo iskaashi istiraatiiji oo adag.

  

Wasiirka arrimaha dibadda oo warqadaha danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee UK

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee dowladda Ingiriiska u fadhin doona dalkeena danjire Michael Nithavrianakis.

“Dalkeena iyo boqortooyada UK waxaa ka dhaxeeya xiriir qoto dheer oo iskaashi ku dhisan, waxaana ka wada shaqaynaa dhinacyada ammaanka, mashaariicda horumarinta, dhaqaalaha iyo gargaarka” ayuu yiri mudane Huruuse.

Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa intaas ku daray in dowladda Ingiriisku aheyd dowladdii ugu horaysay ee wadamada reer galbeedka ka tirsan ee safaarad fadhigoodu yahay Muqdisho ka furatay dalkeenna burburkii ka dib.